COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, February 22, 2010

Masuul ka mid ahaa tiirarka UCID oo afar xil iska casilay, xisbigana ka baxay

Hargeysa 22, Feb.2010 (Ogaal)- Xoghayihii Maaliyadda xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mr. Kayse Cali Geedi, ayaa caddeeyay inuu iska casilay xilal dhawr ah oo uu ka hayay xisbigaas.
Kayse Cali Geedi oo ka mid ahaa tiirarka xisbiga UCID, waxa uu sheegay inuu go’aankan qaatay ka dib markii taageeryaashiisu culays ku saareen, isla markaana waxa uu naqdiyay hab-dhaqanka, hoggaaminta iyo kartida guddoomiyaha xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe.


Mr. Kayse oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inuu iska casilay afar xil oo uu UCID ka hayay, isla markaana ka baxay guud ahaan xisbigaas. Warsaxaafadeed uu shirkaa jaraa’id ka akhriyay, waxa uu ku sheegay inuu muddo lix sannadood ah soo waday waqti iyo aqoon uu geliyay taabogelinta xisbiga UCID, balse ay go’aankan ku khasbeen taageerayaashiisa oo uu xusay inay ka niyad-jabeen hoggaanka xisbigaas. Warsaxaafadeedkaas oo uu warbaahinta u akhriyay, waxa uu u dhignaa sidan; “Aniga oo ah Kayse Cali Geedi oo ka mid ah siyaasiyiinta jiilkan imika siyaasadda ku gudo jira, siyaasaddaydu waxay ku salaysan tahay had iyo jeer in aan dadkayga iyo dalkayga dantooda wax walba ka hormariyo, khaasatan rabitaanka taageerayaashayda waa inaan fuliyo oo aan aad u dhegaysto. (The rudiment policy of my political decisions simpy bases the interest of my people and country and particularly the wishes and concerns of my constituencies; and also I should carefully listen their complaints).
Haddaba, inkastoo aan aad iyo aad uga shaqeeyay muddo dhan lix sannadood xisbiga UCID oo aan geliyay waqti badan iyo aqoonba – xisbiga habeen iyo maalinba waan u huray waqtigaygii iyo aqoontaydiiba lixdaa sannadood, haddana waxa khasab igu ah in an maqlo waxa ay taageerayaashaydu igu yidhaahdaan amaba ii sheegayaan. Taageerayaashayda jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba muddo aad u dheer ayay saareen calaamatal su’aal (?) madaxa sare ee xisbiga UCID, inkastoo aan anigu iska dhgo mariyay oo aan is lahaa madaxa sare ee xisbigu wax buu ka bedeli caadooyinkiisa ee ha degdegin, una caqli-celi madaxa sare ee xisbiga. Laakiin, xaaladu maalinba maalinta ka dambaysa ayay ka sii xumaanaysay, taageerayaashayduna aniga ayay culays badan I saarayeen. (even thought I put a lot of time and resources into UCID party for period of six years, I must pay attention to my constituencies and firstly serve their interest).
Taageerayaashaydu waxay ka biyadiideen afxumada maalin walba madaxa sare ee xisbiga ka soo yeedhaysa ee aanu u kala aabayeelayn wax uu odhanayo iyo cidda uu ku odhanayo. Waxay aad ugu dheeraadeen hadalkiisa iska daba imanaya, isna burinaya ee wixii uu shalay yidhi uu maanta wixii uu yidhi uga hor imanayaan amaba ay burinayaan.
Waxa kale oo ay aad iyo aad ugu dheeraadeen aflagaadadiisa aan xuduuda lahayn ee uu cid walba wuxuu doono ku odhanayo; waxa kale oo ay yidhaahdee, ‘siyaasaddiisu labada gelin ee maalintii midba waa wax gooni ah; marba wuxuu doono ayuu odhanayaa, una bedelayaa siyaasadiisa.
Waxa kale oo ay ku dheeraadeen oo ay yidhaadeen; ‘isagoo guddoomiye xisbi ah (Faysal Cali Waraabe) ayuu cid aan u qalmin dood la gelayaa amaba u jawaabayaa.’ Waxay yidhaahdeen, ‘tanina waxay noo caddaynaysaa in aanu lahayn dhaqankii iyo asluubtii lagu yaqaanay madax qaran.’ Waxa kale oo ay ii sheegeen, dhaqanka madaxdu muu ahayn qof madax ahi inuu caytamo oo waliba ay dhaqan u noqoto inuu dadka caayo iyo madaxda kale ee uu dadkooda ka rabo taageero inay siiyaan.
Waxay aad iyo aad uga biyo-diideen madaxda kale ee uu had iyo jeer caayayo. (My supporters became unhappy about bad habits of UCID leader, particularly for his indecent behavior and his continuous insulting people; furthermore, my constituencies clearly stated that they can not tolerate any longer his indecent behavior and his flip flop politics).
Taageerayaashaydu waxay aad ugu dheeraadeen hogaamintiisa oo ay ku tilmaameen in isagu aad u aaminsan yahay in isaga uun go’aan gaadhi karo iyo kolba ciddii kale uu is leeyahay kaama hor-imanayaan. Waxay yidhaahdeen, ‘wuxuu caado u leeyahay inuu yidhaahdo, ‘waar dadka waa loo taliyaa, lamana yeelo dadku inay ku hagaan.’ Dhaqankan wuu leeyahay, waxayna ka soo shaacbaxday maamulidiisa.
Dhaqankan aniguba waan ku arkay oo haddii la hadlayo, isagaa raba inuu hadlo, haddii iskuul la furayo isagaa jecel inuu tago, haddii xaflad iskuul la tegayo – isagaa doonaya inuu tego oo uu waliba ka hadlo.
Waxay sidoo kale taageerayaashaydu aad ugu dheeraadeen maamulkiisa oo ay ku tilmaameen maamul ku dhisan qarjajac, balse aanu lahayn xirfad maamul, dadka xirfada maamul lehna aanu la tashan ee uu waliba doonayo inuu ka fogaado. (My constituencies and other people who once worked with UCID chairman confirm that he is an autocratic leader and also my supporters point out that he is a man with the poor management).
Markaan arkay siday taageerayaashaydu uga soo horjeedaan madaxa sare ee xisbiga UCID, kuna eedaynayaan waxyaabaha kor ku qoran, ayaan goostay in aan go’aan cad ka qaato.
Aniga oo ah Kayse Cali Geedi, waxaan goostay in aan iska casilo xilalkii an u hayay xisbiga UCID, xilalkaas oo ah kuwa hoos ku qoran:-
1-Xoghayihii Maaliyadda ee UCID (UCID secretary finance)
2-Guddoomiyihii aan ka ahaa Waqooyiga Ameerika (Chairman of North America)
3-Wakiilkii UCID aan uga ahaa Serfarka (representing UCID for server matters in the Commission)
4-Xubinimadii aan ka ahaa guddiga Fulinta (UCID executive membership).
Waxaa kale oo aan halkan ku caddaynayaa in aan ka baxay xisbiga UCID, una sheegayaa taageerayaashayda in aan ka baxay xisbiga UCID, markaan arkay sida ba’an ee ay uga soo horjeedaan madaxa sare ee xisbiga UCID. Waxaan ogaaday in tani aniga iyo taageerayaashaydaba u fiican tahay. Aniga waxa igu wayn taageerayaashayda.”
Intaa ka dib, waxa Kayse Cali Geedi la waydiiyay dhawr su’aalood oo la xidhiidha arrintaas, waxayna su’aalahaas iyo jawaabaha uu ka bixiyay u dhaceen sidan;
S: Waxaad sheegtay inay taageerayaashaadu kugu khasbeen inaad xisbiga ka baxdo, guddoomiyaha xisbigana dhaliilo fara badan baad u jeedisay. Markaa intaanad goosan ka bixitaankaaga, madaxda xisbiga ma kula noqotay arrintan?
J: Ta hore; lix sannadood ayaan xisbiga UCID ka soo shaqaynayay, waxaanan ahay ninkii Waqooyiga Ameerika ka soo dhisay inta xisbigu ku leeyahay oo anigaa ka soo dhisay, lixdaa sannona talo ayaanu wadnay.
Dadka i taageeraa waa dad aniga ii taageera Kayse ahaan igu taageera dad ayaan leeyahay cidday doonto a noqotee. Lixda sanaba waxaan aad iyo aad iskugu taxalujiyay waataan ku idhi in la degdegaa ma fiicna, balse in aan wax guddomiyahaygu wax ka bedelo ayaan aad isugu taxalujiyay. Laakiin, dhag wuu noo jalaq siin waayay. Markaa kani waa go'aan, ninka siyaasiga ahina haddaanu go'aan lahayn siyaasi ma noqdo, waana go'aan aan anigu qaatay, waa go'aan aan in badan ka shaqeeyay in aanay taasi dhicin.
S: Fikirkani ma mid kugu gaar ah baa, mise masuuliyiin kale oo xisbiga UCID ka tirsan baa kula qaba?
J: Waa mid aniga igu gaar ah oo aniga Kayse ahaan ku gaar ah, cid kalena ma khusayso.
S: Dadweynaha ma u sheegi kartaa waxyaabaha aad hoggaanka xisbiga kala hadashay ee uu diiday inuu ka tanaasulo?
J: Cid walba oo Somaliland ku nooli way ogtahay, wax iska caan ah weeyaan in guddomiyaha xisbiga UCID ilmaha yar baa ku sheegaya in beritana kelmad ku odhanayo, maalinta xigtana uu kelmad kale ku odhanayo, taasina wax aan anigu burinayo maahee suuqa ayay taalaa.
S: Maadaama aad UCID ka baxday, ma jirtaa xisbi kale oo aad ku biirtay oo aad hadda dadka u sheegaysaa?
J: Adeer; imika meel aan ku socdaa ma jirto, balse imika waxaan idiin sheegay inaan xisbigaa iska casilay. Laakiin, taas (xisbiga uu ku biirayo) hadda kama hadli karo.
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking