COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, February 15, 2010

Kulan dhexmaray Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland

Hargeysa, (NNN)- Xukuumadda Somaliland iyo Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah, ayaa shalay kulan Albaabadu u xidhan yihiin oo maalmo socon doona ku yeeshay Hutel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.
Kulankan oo ay Albaabadu u xidhnaayeen, lagana horjoogsaday Warbaahinta, ayay isku waajaheen Xukuumadda Somaliland iyo Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah iyo Wefti ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay oo ka soo kicitimay Xarumahooda magaalooyinka New York ee Maraykanka, Nairobi ee dalka Kenya iyo Geneva ee dalka Switzerland, kuwaas oo qaar ka mid ahi shalay ka soo dageen Madaarka Hargeysa.
War la xidhiidha kulankan ayaa sheegay in kulankani uu socon doono muddo saddex maalmood ah, isla markaana lagaga wada hadli doono mashaariicda horumarineed ee Bulshada Caalamku ugu talo gashay Somaliland iyo sida la sheegay la-xisaabtan la xidhiidha arrimahaas.
Goobta uu kulankani ka furmay ee Hutel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa shalay si aad ah loo adkeeyay, isla markaana layska hortaagay Warbaahinta.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking