COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, February 27, 2010

Shirguddoonka Wakiillada Somaliland oo safar dhulka ah ku soo galay Hargeysa

Hargeysa (NNN)- Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay ka soo laabtay socdaal ay ku tageen dalal ka tirsan qaarada Yurub.
Guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxay socdaalo kala duwan ku tageen dalal dhawr ah oo ka tirsan Yurub, iyadoo guddoomiye kuxigeenku ka qaybgalay shirkii dalalka Barwaaqo-sooranka oo lagu martiqaaday, kaasoo ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Guddoomiye kuxigeenka golaha Wakiilada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo xalay markii ay soo gaadheen Hargeysa uu xog-waran kooban la yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in baabuurtooda gaarka ahi ka soo qaaday Madaarka magaalada Jigjiga oo ay ka soo degeen. “Marka u horaysa, waxaad salaamayaa dhammaan umadda reer Somaliland. Aniga, guddoomiyaha iyo Xildhibaan Aadam Tarabi waxaanu si nabadgelyo ah ku nimi Hargeysa, iyadoo aanu dhinaca Addis Ababa ka soo wareegnay, diyaaradna ku nimi Jigjiga. Runtii Madaarka Jigjiga waxa naga soo qaaday baabuurtayada oo diyaar noogu ahayd, dabadeedna dhulka ayaanu soo maray oo si nabad ah baanu ku nimi Hargeysa,” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale. “Safarkayagu wuxuu ahaa mid aad u qiimo badan, aniga iyo Xil. Aadan Tarabi Oogle oo ah guddoomiyaha guddiga la-dagaalanka Musuqmaasuqa, waxaanu ka qaybgalay shirkii ay lahaayeen Baarlamaanada dalalka Barwaaqo-sooranku (Common Wealth), kaasoo si rasmi ah loogu casuumay Baarlamaanka Somaliland. Wuxuu ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah, waxaana naloo balanqaaday in shirkaas xilli walba oo la qabanayo Somaliland si rasmi ah loogu martiqaadi doono – sida imikaba loogu martiqaaday,” ayuu raaciyay. “Guud ahaan, waxaanu rejaynaynaa in safaradayadu kuwo midho-dhal ah yihiin, umadda reer Somalilandna wax wayn uga tari doonaan qadiyaddooda iyo sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa,” ayuu yidhi guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Somaliland.

Mar la waydiiyay sababta keentay in diyaaradda ay Addis Ababa ka soo raaceen ay geyso magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay ka soo degeen, waxa uu ku jawaabay; “Markii horeba, safarkayagan xaga Addis Ababa ayaanu ka baxnay. Markii hore Hargeysa waxaanu ka sii raacday diyaaradda Daallo, sida aad la socotaana duulimaadyada Daallo way ka joogsadeen Addis Ababa, duulimaad kale oo aanu toos Addis Ababa iyo Hargeysa ugu soo kala raacnaana maalmahan ma jirin.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdiraxmaan Cirro
Sidaa aawadeed, waxaanu Addis Ababa ilaa Jigjiga soo raacnay diyaaradda Ethiopian airline, Jigjigana waxaanu ka soo raacnay gaadiidkayaga oo diyaar noogu ahaa.”
Waxa uu sheegay in Madaarka magaalada Jigjiga ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Itoobiya, isla markaana ay munaasibad qado ah ugu sameeyeen.
Mar la waydiiyay in Itoobiya ogolaatay in baabuurtooda gaarka ahi gudaha u gasho dalkaas, xubnaha Shirguddoonkana ka soo qaado Madaarka Jigjiga, waxa uu ku jawaabay; “Baabuurta iyo masuuliyiinta noo imanayay waxay marka horeba soo mareen Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa. Markaa sifo rasmi ah ayay Madaarka Jigjiga noogu sugayeen, noogana soo qaadeen, wax dhib ahna lamaanu kulmin.”
Dhinaca kale, guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa sheegay in socdaalkiisa Yurub la xidhiidhay martiqaad uu ka helay Baarlamaanka dalka Sweden. “Anigu waxaan martiqaad rasmi ah ka helay Baarlamaanka Sweden, waxaanan la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka wadankaas, guddiyada Baarlamaankaa iyo aqoon iswaydaarsi weyn oo lagu qabtay Baarlamaanka gudihiisa, kaasoo laga hadlayay Somaliland guud ahaan taariikhdeeda iyo doorashada soo socota. Waxa kale oo aan soo maray wadanka Norway oo aan kula kulmay Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo markii ay magaalada Wajaale soo gaadheen u waramay shabakadda wararka Internet-ka ee Hornpress.
Waxa uu sheegay in intii uu ku sugnaa Addis Ababa uu kulan la yeeshay Wasiiru-dawlaha Khaarajiga Itoobiya Tekade Alemu, Safiir kuxigeenka Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa Mr. John Marshall iyo Safiirada Norway iyo Sweden u jooga Itoobiya.
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking