COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, March 31, 2010

Hormoodka Jaamacadda SUTECH oo ka hadlay habka ay u bixinayaan Deeq Waxbarasho oo dalka dibeddiisa ah

Hargeysa, (NNN)- Guddoomiyaha Jaamacada (SUTECH) Prof Siciid Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Somaliland aanay ula dhaqmin Jaamacaddaas sida Jaamacadaha kale, isla markaana wuxuu codsi u jeediyay Madaxweyne Rayaale.
Prof. Siciid Sheekh Maxamed oo shalay xarunta Jaamacaddaas ugu waramay qaar ka mid ah Warbaahinta, ayaa sheegay in Jaamacadda SUTECH dhammaan ardayda dhigata ay bilaash ugu dhigaan, hase ahaatee, ay Wasaaradda Waxbarashada ka waayeen wixii ay xaqa ugu lahaayeen.
“Dhammaan ardayda oo dhan bilaash baanu ugu dhignaa, inta arday dhigatana waxaan 10 ka badnayn ayaanu ka qaadnay Lacagtii is-qorista (Registration Fee), waxa taa dheer Dhulka ay Jaamacaddu ku fadhido oo Beer wayn ah waxay nagu joogtaa Nus-Malyuun Dollar. sidaa darteed, anagu soo maanu lacag doonan sida Jaamacadaha qaarkood ee waliba ku jira Guryaha kirada ah, isla markaana ah Jaamacadda labaad ee Hargeysa Dhul iyo dhisme iyadu leedahay ku jirta. sidaas oo ay tahay, ayaa haddana Wasaaradda Waxbarashadu aanay noo diidday Warqad aqoonsi.” Ayuu yidhi Prof. Siciid, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxay sanad ka dib markii aanu aasaasnay Jaamacadda, ayuu Wasiirka Tacliintu na siiyay Warqad aan qiimo badan lahayn, taas oo macnaheedu yahay in aananu helin kaalmada ay Jaamacadaha kale ka helaan Dawladda.”
Prof. Siciid wuxuu ka hadlay muran u dhaxeeya Jaamacaddiisa iyo Jaamacadda ADMAS, waxaanu sheegay in Jaamacaddaasi ay kaxaysatay Macallimiin ajaanib ah oo kala duwan oo uu ka kala keenay afar dal oo Yurub ah. waxaanu codsi u jeediyay Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa. “Horeba codsi waan ugu jeediyay Dawladda oo Wasiirada Tacliinta iyo Arrimaha gudaha ilaa Madaxweyne Rayaale ayaan socday, waxaanan mar kale ka codsanayaa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadda in Macallimiintaas laga masaafuriyo dalka, haddiise la leeyahay Jaamacadda kaliya ee bariga Hargeysa ku taala waa la cabudhinayaa ha la caddeeyo.” Ayuu yidhi Siciid. Waxaanu sheegay in Telefishanka Qaranku aanu dhex ka noqonin muranka labada Jaamacadood u dhaxeeya.
Mar la waydiiyay Hormoodka Jaamacadda SUTECH habka ay imtixaanka uga qaadayaan iyo nidaamka ay u xulanayaan 20 Arday oo ay Deeq Waxbarasho u fidiyeen Baanka Islaamiga ah oo iyaga loo soo mariyay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Habka aanu u xulanaynaa waxa weeye, cid kasta oo Dugsi sare ka baxday, waxaanu ku baahin doonaa Jaraa’idka, anaga oo imtixaan ka qaadi doona Ardayda aan dhigan Jaamacaddayada, halka kuwa Jaamacadda SUTECH ugu yaraan in uu laba sanno dhigtay Jaamacaddu ay shuruud u tahay. Hase yeeshee, waqtiga ay noqonayso dib baanu ka sheegi doonaa.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

OGaysiis: Naadiga Akhriska Timacadde iyo Bandhiga Buuga Diiwaanka Qosolka.

Naadiga Akhriska Timacadde {Timacadde Readers Club (TRC) waxa uu ku Marti qaadayaa Dhamaan Bahwaynta akhriska Jecel In uu Naadigu kuu soo Bandhigi Doono Buugoodii Seddexaad Habeenka Jimcuhu soo galayo ee ay Taariikhdu tahay 01/04/010.

Waa Buugga Caanka noqday ee uu qoray Aqoonyahanka Caanka ah ee Jamaal Cali Xuseen, ee Magaciisu yahay Diiwaanka Qosolka, oo ay ku dheehantahay Murti, iyo Madadaalo, Xiiso Gaara leh.
Taariikhdu: 01/04/010.
Wakhtiga: 7:00 PM fiidnimo
Goobta: Gabiley

Timacadde Readers Club (TRC) waxa uu dhiiri galinayaa Cid kasta oo jecel inay Wax akhrido, wax Qorto, Suugaan diyaariso, Buug Soo bandhigto, kana Qayb qaadato wacyi galinta Dhalinyarada iyo Dhaqanka Suuban

Ka soo Qayb Galkaagu Waa Muhiim.



Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
TRC Coordinator
timacaddereaders@hotmail.com
Gabiley/Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, March 29, 2010

Sul. Maxamed Sul. Cabdiqaadir oo ku baaqay in la soo dhaweeyo Boqorka Beesha Magaadle

“Anigoo ah Suldaanka guud, waxaan ka codsanayaa beelaha Somaliland ee ku dhaqan gobolka Hargeysa inay si wayn u soo dhaweeyaan Boqorka Beesha Magaadle oo Arbacada ku soo beegan magaalada Hargeysa.
Waxaan codsan lahaa in aynu kaga hortagno Aw-Barkhadle ama Haleeya, soo-dhawayn sarena loo muujiyo Boqorka Magaadle Boqor Maxamuud Sheekh Cusmaan Nuur oo dhawaan lagu caleemo-saaray magaalada Ceerigaabo, haatana ku sugan magaalada Berbera.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Mandheera: Maxkamad u bilaabantay dad ajaanib ku jiro oo falal Argagixiso loo haysto

Mandheera, (NNN)- Rag ku eedaysan dilka Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka, ayaa shalay Maxkamaddi uga bilaabantay Xabsiga magaalada Mandheera oo u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera.
Maxkamadda oo 9:30 subaxnimo ka furantay hool wayn oo ku dhex yaala dugsiga tabobarka Booliska ee Mandheera, waxa la horgeeyay sagaal nin oo uu ka mid yahay Taliyihii Sirdoonka gobolka Sool Cabdifataax Muuse Yuusuf.
Eedaysayaashan oo loo haysto dilka Taliyihii ciidanka ee qaybta 12aad marxuum Cusmaan Yuusuf Nuur oo 01, November 2009 qarax Miino lagu dilay xilli uu marayay gudaha magaalada Laascaanood, waxa ka mid ah laba qof oo Itoobiyaan ah, mid u dhashay dalka Eritrea iyo nin u dhashay dalka Suudaan, iyadoo shanta nin ee kalena u dhasheen degaanka Laascaanood.
Furitaanka Maxkamadda waxa goobjoog ka ahaa saddex qareen oo difaacaya eedaysanayaashan, eheladooda, Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan iyo shaqsiyaad kale.
Xeer-ilaaliyaha gobolka Sool Mr. Aadan Salaad Sheekh, waxa uu Maxkamadda horteeda ka jeediyay in nimankaasi ku lug lahaayeen qarax galaaftay Taliyahaas oo 1, Nov.2009 lala beegsaday baabuur uu saarnaa oo marayay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxa uu sheegay in raggani qorshaynayeen qaraxyo kale oo la fashiliyay, isla markaana wadeen kharbudaad iyo khalkhalin gelin ka dhan ah ammaanka Somaliland.
Hase yeeshee, qareenada difaacayaa waxay sheegeen in aanay waxba ka jirin eedaymaha Xeer-ilaaliyaha gobolku Maxkamadda keenay.
Eedaysanayaasha Maxkamaddu u bilaabantay waxa kale oo ka mid ah Cabdirashiid Axmed Warsame oo ah ganacsade, horena uga tirsanaa Baarlamaanka maamul-gobolleedka Puntland.
Waxa aad loo adkeeyay amaanka Xabsiga Maxkamaddu ka furantay, waxaana eedaysanayaasha la horgeeyay iyadoo ay silsiladaysan yihiin, inkastoo markii dambe laga furay ka dib markii uu codsaday garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ah qareenada difaacaya. Hase yeeshee, eedaysanayaashu waxay sheegeen in wax dhibaato ah loo geysan muddo dhawr bilood ah oo ay ku jireen xabsiga magaalada Laascaanood.
Dhegaysiga Maxkamadda subaxnimadii furantay, waxay socotay ilaa duhurnimadii shalay. Laakiin, Maxkamadda oo ay hagayeen saddex garsoore, waxay markale dib u furantay duhurnimadii ka dib, waxayna socotay ilaa 4:00 galabnimo.
Maxkamaddu waxay gelinkii dambe dhegaysatay ilaa shan markhaati oo Maxkamadda la horgeeyay, waxaana dhegaysiga dacwadu dib u bilaabmi doontaa Salaasada beri.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

“Mucaawimadu waxay inagu soo gashaa Masaajid, waxayna dhashaa Bacadle, Guri, Gaadhi & gabadh”

Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladda
Hargeysa, (NNN)- Qaar ka mid ah Wasaaradda Somaliland, ayaa shalay kulan ka yeeshay sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatada haysata Carruurta Darbi-jiifka ah ee Somaliland.
Kulankaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxa ka qaybgalay Wasaaradda Diinta, Caddaalada iyo Daakhiliga.
Ugu horay, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo hadal kooban jeediyay kulankaas, waxa uu ka hadlay dhibaatada ay deriska la yihiin carruurta Darbi-jiifka ahi. “Waxaanu ka yara xanuunsanay markaanu aragnay dadkaas, markaa waxaanu is nidhi bal Wasaaradduna abaabul wixii ay hayso ha isku daydo, ciddii muxsiniin ah ee Illaahay wax ka siiyana inay ugu qayliyaan, dabadeedna halkaas ay baraarujini ka dhacdo,” ayuu yidhi Sheekh Maxamuud Suufi.
Waxa uu tilmaamay sida loogu baahan yahay in wax loogu qabto Carruurta Darbi-jiifka ah, kuwaasoo uu xusay in haddii aan xal loo heli ay mustaqbalka dhibaato u horseedi karaan umadda reer Somaliland. “Waxa iyana la mid ah oo wacyigelin u baahan dadka dhalinyarada ah ee iyaguna baddaha isku guraya, kuwaasoo iyana wax sheegid u baahan. Markaa shirkeenani waxa uu ku saabsan yahay in wax loo sheego dadkaas,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiir kuxigeenka Caddaalada Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) oo isna hadal ka jeediyay kulankaas, waxa uu sheegay in dhowaan la furi doono xabsiga dhaqangelinta Carruurta sharciga ku gefta.
Mr. Talaabo waxa uu sheegay in lacago xaddigeedu badan yahay sannad kasta lagu cuno wax u qabashada Carruurta, taasoo uu sheegay in la soo marsiiyo hay’addaha daryeelka carruurta ku shaqada leh. “Lacagtaa waxa lagu laastaa (dhameeyaa) siminaar iyo cilmi-baadhis yar oo la sameeyo, ilaa imikana siyaasad iyo istiraatijiyad midna ma leh. Anagaa ah Wasaaradda ay khusayso, laakiin waanu ugu taag lanahay inay (hay’aduhu) wax waxqabad ah sameeyaan,” ayuu yidhi Yuusuf Ciise Talaabo.
Wasiir kuxigeenku waxa uu naqdiyay qaabka ay u fulaan mashaariicda khayriga ah ee dalka soo gashaa, taasoo uu sheegay inay gacanta ku hayaan dad uu ugu yeedhay Culimo da’doodu yar oo guri, gaadhi iyo waxyaabo kale ka oo ay gaar u samaystaan ka dheega lacagahaas. “Madaariska iyo Masaajidadaba si qubane ah baa looga qaataa hay’addaha caalamiga ah ee khayriga ah ee Islaamiga ah dhammaantood wadaadadaa qaata, weliba qaybo ka mid ah oo da’ yar baa qaata. Waxay inoo soo gashaa (mucaawimadu) iyadoo Masaajid ah, waxayna dhashaa Bacadle, guri, gaadhi iyo gabadh – intaas buu baaqigu u dhalaa, niman aad u deeq badanina way bixiyaan,” ayuu yidhi. “Hay’addah gaalada inkasta hala cunee (deeqaha ay bixiyaan) way muuqataa, laakiin mucaawimadan (mashaariicda khayriga ah) oo dalka u tirsan oo ku qorani ma muuqato…Masaajid aan loo meel-dayin uun baynu ka aragnaa oo aan dhulka aadka looga baahan yahayna aan badi laga samaynaynin….Qaar baa meelo buuro ah laga dhisayaa oo aanay dadka waawayni fuuliba karin, laakiin waxaad ogaanaysaa inuu iska yahay mashruuc ka faa’iidaysi ah. Masaajidkaasi hadhow qaranka kuma soo wareego, wasaaradda kama soo diiwaangashamo oo halkan lagama maamulo oo Mu’adinkiisa iyo Imaamkiisa lama keeno,” ayuu raaciyay.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Mudane Golaha Wakiillada Ka Tirsan Oo Xukuumadda Rayaale Ku Eedeeyey Inay Marin-habaabinayso Xaqiiqada Kiiska Dilkii Taliyihii Qaybta 12-aad

Hargeysa(NNN):- Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali oo ka tirsan Goloha Wakiillada Somaliland, isla markaana laga soo doortay Gobolka Togdheer kana mid ah Mudanayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa ka waramay tallaabooyinka baadhitaanka dilka Taliyihii qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka oo 1-dii bishii 11-aad 2009 lagu dilay Qarax Miino magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo illaa halka ay maanta wax marayaan, waxaanu Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ku eedeeyey inay geed gaaban iyo mid dheerba u fuushan-yihiin sidii ay xaqiiqada kiiskaa u marin habaabin lahaayeen.
sidii ay xaqiiqada kiiskaa u marin habaabin lahaayeen.
Md. Maxamed Jaamac Cali waxa uu sidaa ku sheegay War-saxaafadeed uu isagu ku saxeexan yahay oo uu caawa nagu soo gaadhsiiyey Xafiiska Shabakadda Hadhwanaagnews ee magaalada Hargeysa, kaasoo uu ku sheegay qaabka baadhitaannada dilkaasi natiijooyinkii ka soo baxay si dadban loo marin habaabinayo, iyada oo 9 qof oo ku eedaysnaa dilkaas maanta oo Axad ah dacwaddoodu ka bilaabantay Degmada Mandheera loo waajahay qaab beelaysan oo xaqiiqada ka fog, isla markaana waxa uu Xukuumadda u soo jeediyey in tallaabo sharciya laga qaado Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali Cirro oo uu ku eedeeyey inuu la saftay difaacayaasha kiiskaas, marin-habaabinayana xaqiiqooyinka dhabta ah ee kiiskaas.
War-saxaafadeedkan uu soo saaray Xildhibaan Maxamed Jaamac oo xogo fara badan daaha ka faydaya, waxa uu isagoo dhammaystiran u dhignaa qoraalkiisu sedan:-
“Maanta oo ay ahayd maalin Axad ah, 28-ka March 2010, Degmada Mandheera waxa ka furmay dacwadda 9 qof oo lagu soo eedeeyey dilka Allah ha u naxariistee Cismaan Yuusuf Nuur oo ahaa Taliyahii hore ee Qaybta 12 ee Ciidamada Qaranka Somaliland ee Goolka Sool. Sida aan ka wada dhegaysannay Laanta Af Somaaliga ee BBC-da, waxa halkaa ku sugnaa ilaa 50 qof oo danahooda uga soo boqoolay si ay taageero macnawi ah iyo mid maaddi ah ugu fidiyaan eedaysanayaasha.
Dadkaas sida ay sheegtay Idaacadda BBC-du, waxa ayaan-darro ah in ay horkacayeen Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali oo isagu u soo saftay difaaca iyada oo sida Qoddobka 48 ee Dastuurka dalka kaas oo qeexaya Reebanaanta Qabashada Xil Kale iyo Uga Faa’iidaysiga Xilka Dano Gaar ah Sidoo kale waxa ku sugnaa Maxkamadda Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Xassan (Indho) oo sida uu hore ugu faafiyey wargeysyada dalka sheegay qarraxyada ka dhacayey Laascaanood in Tolkiis ka danbeeyey, maanta u taagan difaacooda.
Si la mid ah waxa Maxkamadda ku sugnaa Oday Fu’aad Aadan Cadde oo hore u ahaan jiray wasiir, haddana ka mid ah hawlwadennada sare ee Xisbiga Kulmiye. Oday Fu’aad wareysi uu siiyey Idaacadda Laascaanood, waadhigayo ay ka reebban tahay in uu qabto xil ka baxsan midka wakiilada ee loo soo doortay. Sidoo kale difaaca eedaysanayaasha waxa duruufaha ku gedaaman qaraxyada Laascaanood iyo dareenka isa soo taraya ee muujinaya kaalinta xukuumaddu ku leedahay fal denbiyeedyadan qorshaysan oo ilaa maanta aanay jirin cid loo xukumay.

Hordhac
Waxay ahayd abbaaro 9.00 subaxnimo, 01/11/2009 markii faras magaalaha Laascaanood uu ku qudh baxay Taliyahii Qaybta 12 ee Goolka Sool ka dib markii lagu fuliyey qarax haleelay gaadhigii uu saarnaa isagoo xilligaas hawl qaran ku jiray. Qaraxa oo loo adeegsaday qaabka fogaan hagaha (remote control), waxa iyaguna ku dhaawacmay dareewalkii gaadhiga taliyaha, Caynaanshe Cabdi Cilmi (40 jir) iyo Rashiid Saalax Dhunkaal (40 jir) oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha.
Haddaba aniga oo hor kacayay ergo xaqiiqo raadin ah oo ka koobnayd 12 qof kuwas oo isugu jiray tiro 4 hoggaan dhaqan, tiro 3 ka mid ah waxgaradka iyo waayeelka degaanka, tiro 2 sarkaal oo ka tirsan ciidamada qaranka, tiro 1 xildhibaan (aniga) oo ka socday Golaha Wakiila iyo labo dareewal waxaan 03/11/2009 ka anbabaxnay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer xilligaas oo Laba maalmood laga joogay geeridii naxdinta lahayd ee Taliyahe Cismaan Yuusu Nuur.

Xog Ururin
Gelinkii danbe ee isla maalintaas markii aannu gaadhnay magaalada Laascaanood, waxaan ku sii hakanay barta ilaalada ciidanka ee afaafka magaalda (kantaroolka). Ciidanka ku sugnaa kantaroolka waxay na la xidhiidhiyeen madaxda gobolka sida Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka iyo Taliyahii Qaybta Booliska kuwaas oo ka baaqsaday, siddii dhaqanku ahaa, in ay nala kulmaan isla markaana noo soo gudbiyaan waxii xog horudhac ah ee la xidhiidha baadhitaanka dilkii marxuumka.
Haddaba, annaga oo adeegsanay ilo gaar ah iyo waxii xog ah oo aan ka heli karnay xafiisyada ay shilku khuseysay, waxaan halka ka xusayaa dhowr qoddob oo aan rabo in aan la wadaago saxaafadda si bulshada Somaaliland xogogaal ugu noqoto duruufaha ku xeeran qaraxyada Laascaanood.
Baadhitaanka dilka Taliyahii aagga 12aad waxaa u xilsaaran ciidanka Denbi Baadhista (CID), Qaybta Booliska Gobolka iyo Ciidanka Qaranka. Inkastoo dilka loo soo xidhay dad badan oo lagu tuhmay in ay qayb ka ahaayeen shirqoolka, waxa shaki weyn leh dhowr qof oo ka mid ahaa eedaysanayaasha in si degdeg ah loo sii daayey iyadoo ay soo fara geliyeen ama eedasanayaasha ay sii daayeen ama ay damiinteen xubno ka mid ah, ama ka mid ahaa maamulka sare ee Gobolka sida Duqa Magaalada Laascaanood, ku Xigeenka Badhasaabka Gobolka Sool, Taliyiha Qaybta booliska iyo Taliyaha Ciidanka Sirdoonka oo hadda isagu u xidhan shirqoolkii lagu khaarajiyey marxuumka. Qabashada Taliyahii nabad-sugidda waxaa fududeeyey caddeymo soo ifbaxay iyo iyada oo la hayo tiro dad ah oo ka marag kacaya falalkii dhacay.
Waxaa xusid mudan tan iyo maalintii la dilay Taliyahii aagga 12aad waxaa is daba jooay falal argagixiso oo laga fuliyey magaalada Laascaanood aniga oo ka tilmaamaya kuwa soo socda.

• 03/01/2010 Waxaa la qarxiyey saldhigii dhexe halkaas oo saddex askari ku dhaawacmeen. Dhaawaca oo loo qaaday G/togdheer, ayaan darro, waxaa dhaawacii ku geeriyooday laba ka mid ah halka kii saddexaad weli ku sugan yahay cisbitaalka Burco.
• 10/01/2010 fiidkii waxa toogasho lagu dilay taliyanii hawlgelintu ee ciidanka booliska G/Sool, marxuum Cismaan Macallin Nuur oo sida la sheegay ku gudo jiray baadhitaankii qaraxyadii toddobaad ka hor ka dhacay saldhiga booliska.
• 18/02/2010 Taliyihii Saldhigga qaraxu ka dhacay ayaa ka kacay masaajid ku yaalla Laascaanood isaga oo sheegay falalkii ka dhacay magaalada in uu ka danbeeyey Taliyaha Booliska ee Qaybta G/Sool, isla markaana sheegay in uu tuhunsan yahay isaga laftiisa in la rabo in la dilo si loo lumiyo fulinta cadaaladda iyo soo afjaridda qaraxyada socda.
• 18/02/2010 Isla habeenkaa Taliyaha Saldhiggu waxa uu idaacadaha maxaliga ah ee Gobolka ku faafiyey eedayntaa isagoo ku celiyey in uu ka baqayo in la dilo iyo in uu caddeynayo falalkii hore u dhacay iyo haddii isaga dhib soo gaadho in uu masuul ka yahay taliyahiisa qaybta gobolku. Inkastoo xukuumadda laga filayey inay soo fara geliyaan arrintaas ka soo yeedhay Taliyahii Saldhigga Dhexe ee Laascaanood, isla markaana la filayey in uu eedda iska reebo taliyaha qaybtu, waxa nasiib darro ah in xukuumaddu arrinkaas dhegaha ka xidheen. Ilaa hadda, Qaybtii Booliska ee Gobolka waxa taliye ka ah ninkii masaajidyada iyo warbaahinta laga eedeeyey isagoo loo aaneeyey dhammaan fal denbiyeedyadii dhowaanhan laga fuliyey Laascaanood.


• Wefdi balaadhan oo leh wasiiro, xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa dhowaan u baqoolay Laascaanood iyagoo sida aan warka ku haynno qaarkood la kulmeen Taliyihii Saldhigga Dhexe oo sida la sheegay ka codsadeen in uu ka noqdo eedaymihii uu sheegay iyo inuu xilka iska casilo si loo denbabaso runta iyo xaqiiqada ka jirta Laascaanood.
• 25/01/2010 Taliyahii Saldhigga Dhexe ee Laascaanood ayaa idaacadaha ka sheegay in uu iska casilay xilkii uu ummadda u hayey. Waxaa la qabaa ergadii xukuumadda ee halka ka tegay in ay taliyaha ku qasbeen xil ka tegista si loo aamusiyo codkaa soo yeedhay oo la filayey inuu daahfuro arrinta murugsan ee G/Sool. Sidoo kale, waxa muuqata taliyahu inuu ku qanci karo markuu ogaaday mawqifka xukuumadda iyo in uu isagu noqday nin u ergoonaya kii eelka dhigay.
• 20/01/2010 waxaa isna warbaahinta la sheegay in uu is casilay taliyahii ciidanka denbi baadhist (CID) isagoo warbaahinta ka sheegay in uu gacanta ku hayey gal denbiyeedka dilkii T/Q/12aad Cismaan Yuusuf Nuur.
• 26/01/2010 Mar kale, qarax ay ku dhinteen saddex askari, mid kalena dhaawac culusi ka soo gaadhay ayaa ka dhacay magaaladda laascaanood.
• 27/01/2010 Waxa la sheegay guryaha maayarka iyo taliyaha Q/booliska in hortooda la dhigay joonyado loo maleeyey in ay ku jiraan walxaha qarxa. Baadhitaan qaatay maalintii oo dhan ka dib waxaa la oggaday joonyadahu in ay ka buuxaan ciid iyo xashiish.
• 29/01/2010 Qarax xooggan ayaa lala beegsaday badhasaabkii G/Sool halkaas oo badhasaabka dhaawac ka soo gaadhey isaga iyo dareewalkiisa. Allah ha u naxariistee shilkaas waxa ku nin ka mid ahaa ilaalidii badhasaabka.
• 02/02/2010 Qarax xooggan ayaa ka dhacay agagaarka Huteelka Xamdi halkaas oo uu ka socday shir. Sida la sheegay subaxnimadii waxa goobtii laga helay nin lagu tilmaamay in uu ka danbeeyey qaraxa.
• Mudaaharaadyo culus ayaa oogsamay magaalda Laascaanood iyadoo isla maalintii bannaanbaxo uu ku qudh baxay hal qof (nin) laguna xidhxidhay in ka badan 60 qpf oo loo soo dhaadhiciyey magaalada Caynabo halkaas oo aanay ka jirin adeeg lagu sugi karo daryeelka iyo nabadgelyada tirade intaas lee gee maxaabiista ah.
• 07/02/2010 Wasiirkii Cadaaladda iyo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade ayaa xabsiga G/sool si fool ka fool ah ugu la kulmay eedaysane Taliyahii Nabadsugidda Gobolka iyo dad kale oo u xidhan dilkii Taliyaha Q/12aad iyo falalkii argagaxiso ee la xidhiidhay.
• 10/02/2010 Mar labaad ayaa wasiirkii cadaaladda iyo Xaabsade la kulmeen maxaabiistii iyadoo sida la sheegay ay is afdhaafeen ilaaladii xabsiga. Waxa ayaan darro weyn ah on uu cadaaladii marin habaabinayo wasiirkii cadaaladda oo u xilsaarnaa.

Siyaasiga Xaabsade oo hore uga hadlay dilkii taliyahii aagga 12aad ee ciidanka qaranka, wareysi uu siiyey wargeyska cadadkiisii 12/11/2009 waxa uu ku sheegay marxuumku in uu qaranka ka dhintay, qarankuna u xilsaaran yahay sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa ciddi falkaa ka danbeysay, isla markaa waxa uu ka digay in aan arrinka beel laga dhigin.

Haddaba maanta Xaabsade isaga ayaa arrinkii beelayey isagoo gacan ka haysta xukuumadda oo weliba sifo sharci darro ah u dhex fadhiya xabsigii ay ku jreen dadkii loo aaneeyey dilka iyo qaraxyada ka socda gobolkiisa, Maanta waxaan ka digayaa in aan la marin habaabin cadaaladda iyo in aan bulshada la gaadhsiin heer ay gacantooda ku fuliyaan sharciga marka ciddii sharciga martida looga ahaa ku sifoobeen in ay yahiin kuwo sharciga ka weynaaday.

Ergadayada xaqiiqo raadiska ah waxaannu 04/11/09 booqannay goobtii uu shilku ka dhacay halkaasna waxaannu ku la kulannay dad goob jog ahaa. Isla maalintaas waxaannu la kulanney wefti balaadhan oo uu hoggaaminayey Wasiirka Gaashaandhigga kana mid ahaa Taliyaha Ciidanka Qaranka. Waftiga oo ka soo socdaalay Hargeysa waxay noo sheegeen hawsha baadhitaanku in ay u taallo xukuumadda iyo maamulka gobolka Sool.

Ergadayadu 05/11/09 waxay 10.00 subaxnimo xarunta gobolka kula kulmeen Guddiga Nabadgelyada Gobolka Sool. Waxaan xusayaa Taliyaha Sirdoonka Gobolk Sool oo hadda u xidhan dacwadda in uu dhowr jeer ku celceliyey in marxuumku qaranaka ka dhintay loona baahnayn ergo beeleed oo dacwadda daba socota. Isla markaa in uu noo diiday wax xog ah in aan ka helno siidii wax u dhaceen iyo halka arrinku marayo isagoo waxii xog ah ku sheegay in ay sir qarsoodi ah u yahiin xukuumadda. Markaas waxaan u sheegay in aan ahay xildhibaan ka socda Golaha Wakiilada aniga oo ah xildhibaankii Marxuumka sidoo kale xildhibaan u ahay qof kasta oo reer Somaaliland ah. Waxaannu u sheegnay ujeedada keliya aannu leenahay inay tahay siddii dhagar-qabaaysha loo soo hor taagi lahaa cadaaladd iyadoo loo marayo hab sharci ah.

Intii aannu ku sugnayn magaalada Laascaanood waxaannu soo hubsannay in xukuumaddu aanay marnaba u qiimayn shilkan siddii u mudnaa oo ahayd in loo guda galo heer qaran. Balse waxaan hore u sii ogaanay xubno ka tirsan maamulka gobolka in ay lug ku la haayeen shirqoolka dilka sida Taliyaha sirdoonka oo haddaba u xidhin. Waxaannu ka dhiidhiyeynaa in Taliyaha sirdoonka keligii lagu soo koobo shirqoolka iyadoo la tuhunsan yahay xubno ka sii badan oo ka tirsan maamulka gobolka iyo xukuumadda dhexe. Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa qoddobadan soo socda: -

1- Hay’adaha xeerdejinta ee qaranka, si loo soo sugo xogta dhabta ah, waxaan hore uga codsanay, mar kalena aan ku celinaynaa in guddi heer qaran ah loo saaro baadhitaanka shirqoolada qorshaysan ee ka ooggan magaalada Laascaanood.
2- Golaha Guurtidda oo ay muuqato in laga jeediyey xilkoodii dastuuriga ahaa, waxaan u soo jeedinaynaa in ay ka baxaan muranka una soo jeestaan gudashada xilkooda iyagoo laga sugayo siddii Gobolka Sool loogu soo celin lahaa nabad iyo xasilooni.
3- Waxaan xukuumadda u soo jeedinaynaa in tallaabo sharci ah laga qaado wasiirkii arimaha gudaha oo tan iyo markii shilku dhacay warbaahinta ku faafinayay hadalo is burinaya oo uu ku marin habaabinayo xaqiiqada isagoo u soo saftay difaacidda iyo eed ka reebidda eedaysanayaasha.
4- In sida ugu dhaqsaha badan loo fuliyo go’aankii xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare oo u qorshaysnaa in si degdeg ah dacwadda loogu qaado goob iyo garsoor ku habboon.
5- In baadhitaab buuxa lagu sameeyo madaxda xukuumadda iyo siyaasiyiinta xabsiga ku la kulmay eedaysanayaasha. Isla markaana, maxkamad la hor keeno madaxda xukuumadda ee lagu tuhunsan yahay in ay ka qayb qaateen shirqoolada qorshaysan.
6- Salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka somaaliland waxaan ka codsanaynaa in u kacaan siddii loo furdaamin lahaa, nabadna loogu soo dabaalilahaa Gobolkaas iyo dhamaan soomaalilandba.
7- Bulshada caalamka iyo ururada u dooda xuquuqda aadamiga waxaan ka codsanaynaa in gacan naga siiyaan baadhitaanka falalka argagaxiso ee ka aloosan Gobolka Sool oo haddii la sii eegto ku sii faafi kara dalka intiisa kale.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, March 28, 2010

Xukuumadda M/weyne Rayaale oo ka hadashay in Dawladda Israa’iil aqoonsanayso Somaliland

Washington, (NNN)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay warar dhawaanahan soo baxay oo sheegayay in Dawladda Israa’iil ay qorshaynayso in ay aqoonsato Somaliland, waxaanay sheegtay inay heshiisyo la gashay Shirkad hore dalka maal-gashi ugu timi, balse aan waxba ka hirgelin.
Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay suurtogal tahay inay heshiis la gasho Shirkad laga leeyahay dalka Faransiiska oo hore dalka u timi, balse aan dib ugu soo laaban oo la yidhaahdo Polere. Waxaanu sheegay oo kale in Xukuumaddiisu heshiis la gashay Shirkad laga leeyahay dalka Jarmalka oo hore u dhagax-dhigtay Wershadda Sibidhka Berbera oo ay sheegtay inay dhisayso, balse aan iyana soo laaban.
Wasiirku wuxuu ka hadlay oo kale waxyaabaha uga qabsoomay socdaal Wefti uu ka mid yahay oo Somaliland ka socdaa ku joogaan Maraykanka iyo ciddii u dambaysay ee ay la kulmaan. Isla markaana waxa wax laga waydiiyay Donald Payne iyo in ay la kulmeen.
Mar uu Wasiirku u waramayay Idaacadda VOA, laanta Afka Soomaaliga, ayaa Waraysi dheer oo lala yeeshay iyo jawaabihii uu ka bixiyay waxay u dhaceen sidan;
S: Wasiir, waxaad nooga warantaa u jeedada booqashada weftiga aad hogaaminaysaa ay ku yimaadeen dalkani maraykanka, yaadse la kulanteen?
J: Waxaa na soo casuuntay xukuumadda Maraykanka, sidaasaanu ku nimi dalka. Wallaahi dad badan baanu la kulanay, xukuumadda ayaanu ugu horeynba is aragnay, waxaa kale oo aanu is aragnay waaxyaha qaranka madaxdiisa u qaabilsan afrika guud ahaan. Ilaa shan jeer baanu iswada aragnay. Shirarkayaguna runtii si fiican bay noogu dhamaadeen, kulankayagii ugu dambeeyeyna waxaanu is-aragnay kaaliyaha xoghayaha u qaabilsan Afrika Johnie Carson.
S: Guud ahaan madaxdaas maxaad ka wada hadasheen?
J: Xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland, waa mid soo jireen ahaa oo muddo dheer socday, kulamo badan oo horena way jireen oo soo taxnaa ilaa 1992-kii markii Somaliland xornimadeeda la soo noqotay, intii ka dambaysayna booqashooyin isdaba jooga, ayaanu halkan ku imanaynay, iyaguna halkaa waa noo imanayeen.
S: Wasiir, maxay tahay siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan ictiraafka Somaliland?
J: Run ahaantii, arrimaha Somaliland iyo Maraykanka ee ay daneeyaan ee aanu ka wada hadalno, dhinaca xidhiidhka gaarka ah waxyaabo badan bay ku saabsan yihiiin, waxaana ka mid; Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka, ictiraafkuna waa mid Somaliland iyo dadkeeda u yaala, maantana waxaanu qabnaa inuu meel wanaagsan noo marayo. Iyagu run ahaantii waxay ka mid yihiin dawladaha aanu ka raadino ictiraafka, wali dawlad noogu dhawaaqdayna ma hayno. Laakiin, dariiqeeda waanu haynaa, talooyin badan oo aanu isweydaarsanaynaa way ka jiraan arrintaas.
S: Waxa jira Warar isa soo taraya oo sheegaya in isra’iil ay ka fikirayso inay aqoonsato Somaliland, iyadoo arrintaas ay cambaareeyeen dalalka Jaamacadda Carabtu, arrintaa faahfaahin ma naga siin kartaa?
J: Walaal, arrintaa wax rasmiya oo aanu ka haynaa haba-yaraatee ma jirto oo dawladaa isra’iil ay noo soo gudbisay, waxay nagala hadashayna ma jirto. Waxaanse kuu sheegayaa inay jiraan dawlado tiradoodu aanay yarayn, qaaradda Afrika ha noqoto ama meelo kaleba ha noqotee oo arrintaa lafa guraya.
S: Dhawaan waxa jiray wefti ka socday dalka yeman oo sheegay inay Xafiis ka furanayaan Hargaysa. Waa sidee xidhiidhka idinka dhaxeeya Jabuuti, Itoobiya iyo Yeman.
J: Runtii, xidhiidhka dalalka jaarka ahi xagayaga meel fiican ayuu marayaa, iskaashi wayn ayaa naga dhexeeya anaga iyo Jabuuti iyo dalka Itoobiya. Iskaashi wadareed oo wada jira oo dhinacyo badan aanu iska kaashano, nabadgelyada, arrimaha la xidhiidha xuduudaha, arrimaha la xidhiidha ganacsiga iyo arrimaha la xidhiidha isu socodka. Yemenina waa la mid, muddo dheer xafiis ayaa Somaliland uga furnaa, runtiina aad baanu ugu mahadnaqaynaa dawladda iyo shacabka Yemanba, khaasatana madaxweynaha Yemen Cali Cabdalle Saalax oo runtii gartay istaraatijiyada gobolka, muddo lix sanadood ahna Somaliland rasmiyan u ogolaaday inay ka furato xafiis. Waxa noo jooga shaqaale aan yarayn oo ilaa toddoba ah, iyaguna intaaba way baxnaaninayeen. Markaa socodkan u dambeeyey intii aanan imanba, waan qaabilay weftiga ka yimi Yeman, ujeedada socdaalkooduna wuxuu ahaa inay ka furtaan (Hargeysa) Xafiis metala danaha dalka Yeman oo anaga nagala shaqeeya xidhiidhka. Markaa waxay eegayeen xafiiskii iyo dhulkii ay ka kiraysan lahaayeen JSL khaasatan caasimadda. Waan soo dhaweynay waa dal carbeed oo aanu walaalo nahay, dhaqan baa naga dhexeeya, umuuro badan baa jira budhcad-badeedda, nabadgelyada iyo dhinacyada dadka tallaabaya. Markaa meelo badan baanu iska kaashanaa, aad iyo aad baanu u soo dhaweynay. Itoobiya iyo Jabuutina kaa mid la mid ah oo isna soo jireena ayaa jira oo runtii ka dhexeeya heer walba ilaa Madaxweyne, ilaa Ra’iisal wasaare iyo heer wasaaradoodba wanaag iyo sharaf weyn baa naga dhaxaysa.
S: Waxa jira inaad kal hore Jabuuti kala saxeexateen heshiis dhigaya inay Jamhuuriyadda Jabuuti xafiis ka furato magaalada Hargaysa, weli arrintaas ma suurto galin, maxaa sabab u ah?
J: Waxa weeyaan arrintaasi, heshiis wanaagsan baa naga dhexeeya, waxaanu leenahay guddi heer Wasiir ah oo labada dhinacba si joogta u kulma, marna Somaliland baanu isku aragnaa, marna Jabuuti. Xafiisyadanna imika qaab farsamo ayuun baa noo hadhsan iyo meelihii laga furan lahaa labada dhinacba, waanu eegaynaa.
S: Waxa jira inta badan Wufuud u badan ganacsato oo Somaliland taga, markaa maxaa hortaagan maalgalin shisheeye oo Somaliland laga hirgeliyo? Sababtoo ah, waxa jirtay Shirkad Jarmal ahayd oo muujisay inay Wershadda Sibidhka ee berbera danaynayso inay maalgeliso iyo Shirkad kale oo Faransiis ah oo danaynaysay inay maalgashato Dekedda Berbera, arrimahaas maxaa hortaagan?
J: RRuntii way jiraan, socodkan aanu hadda ka nimi Hargaysa waxa yimi Wefti aad u ballaadhan oo Ruush ah oo ka socda Hay’ad la yidhaahdo Africa initiative oo doonaya inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland. Way yimaadeen oo way indha-indheeyeen, waanay noqdeen. Waxa jira tan aad sheegtay ee u dambaysay Faransiiska, shirkadda Polere oo shalayna Madaxdeeda aanu halkan cid ka aragnay wada hadalkiina wuxuu marayaa heer sare in degdeg heshiis loo saxeexana way dhici kartaa, arrimo farsamo ayuun baana jira. Polere waa shirkad weyn oo afrika meelo badan ka shaqaysa hadday tahay Galbeedka iyo hadday tahay bariga Afrikaba, waana caan, maalkeeduna aad iyo aad buu u badan yahay. Way jirtay runtii Shirkadda Jarmalka ah Jarmal oo qudha maahee runtii waa isu-tag reer Yurub ah. Heshiisbaa jira oo ah in Somaliland la maalgeliyo xagga sibidhka iyo arrimaha la xidhiidha xaga tamarta Dhuxul-dhagaxda. Arrinta mashruucaasi wuu dhan yahay, waxoogay dhinicii dhaqaaalaha ah waa tii ay ku yimaadeen arrimo badan xagga caalamka. Markaa dib-u-habayn degdeg ah iyo maalgashigii dadkii hawshan waday, waxaanan filaynaa insha alla inay hawshaasi degdeg u hirgasho, waana arrin aanu rajo weyn ka qabno…Sidaa darteed, rejo weyn baanu qabnaa, Somaliland-na bogcad bay ku taalaa qaaliya oo maalgashi lagu samayn karo.
S: Laakiin, ma leedihiin siyaasad cad oo ku wajahan maalgashiga iyo xeerarkii u yaalay dhinaca maalgashiga?
J: Anagu maanta heerkaanu joogno waxa weeyaan heer runtii aad iyo aad caalamku ula yaaban yahay, waxaanu nahay dal dastuur qaran leh oo ummadu u codaysay, maanta Axsaab Qaran oo habka xisbiyada badan ee siyaasadda (multiple political parties system) ayaa jira, dimuqraadiyad baa ka hirgashay. Waxa kale oo jira xeerar iyo shuruuc uu Qaranku abuuray oo dhaqan-gal ah oo ay ka mid tahay Xeerka maalgashiga oo ah shuruuc aad u soo dhaweynaysa, dalkiina xuquuqdiisii siinaysa, soo dhaweynaysa qofkii ajaanibka ahaa iyo kii muwaadinka ahaaba, taasina waa wax lagu diirsado oo caalamkuna aad noogu soo dhaweeyey khaasatan caalamkan ku dhaqma ganacsiga xorta ah.
S: Waxa jiray in sanadkii hore badhtamihii, la idinku marti-qaaday dhegaysi ka jiray Koogareeska Maraykanka, guddi hoosaadka Afrika u qaabilsan oo uu madax ka yahay Donald Payne. Waad ka cudur-daarateen oo maydaan iman, laakiin imika waa sidee xidhiidhka idin ka dhexeeya idinka iyo guddiga?
J: Run ahaantii way jirtay, mudane Donald Payne anagu waxaanu u haynaa ixtiraam aad iyo aad u wayn, runtii saaxiib Afrika ah oo Somaliland-na hore noogu yimid weeye, casuumadina waabay u taalaa Miiska oo diyaar baanu u nahay wakhti walba.
Shirkaa aad sheegtayna anagu waanu ka cudur-daaranay, sababtaanu uga cudur daaraynayna shirka iyo qaabkiisa ayaanu saluug wayn ka muujinay, shuruudaha markii ay hayd inaanay ka wada hadalno oo ahayd qaabka la isku arkayo, ayaanu diidnay waananu u sheegnay, si sharaf leh baanu uga cudur-daaranay. Mar walbana diyaar baanu u nahay inaanu Guddoomiyaha arrimahaa iyo wixii la xidhiidhaba inaanu ka xdhiidhno.
S: Ma is aragteen imika idinka iyo Donald Payne?
J: Maya, ismaanu arag, manaan dalbin. Waayo, wakhtigan waxaanu u nimi xukuumadda Maraykanka oo na casuuntay, iyagaanu macsuum u ahayn, iyagaa Barnaamijka nala samaysay, danihii kale ayaanu wadnay ee qolada guddiga ismaanaan arkin.
S: Madaxda Maraykanka ma ka wada hadasheen arrimaha doorashada ee ku soo fool leh Somaliland?
J:Haa, waanu ka wada hadalnay, waa arrimo iyaguna runtii ay danaynayaan talooyinka iyo aaraa’doodana waa aaraa’ aanu u aragno mid walaalnimo iyo saaxiibnimo, iyana ay danaynayaa, anaguna waxaanu jecelnahay Doorashadaasi inay runtii wakhtigeeda ku dhacdo, si dimuqraadiya u dhacdo, nabadgalyo ku dhacdo oo ay si xor ah oo xalaal ah u dhacdo. Waa arrimaha noogu waaweyn ee aanu ahmiyada siinayno.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, March 27, 2010

Booliska Kenya oo Xabsiga dhigay Soomaali Argagixiso iyo Budhcad-badeed lala xidhiidhiyay

Nairobi, (NNN)- Ciidanka ammaanka dalka Kenya, ayaa xabsiga u taxaabay Soomaali looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Argagixisada.
Siday faafisay wakaalada wararka ee AP, Soomaalidan Kenya xidhay oo saddex nin ka kooban, waxa uu Boolisku gacanta ku xidhay xilli ay saarnaayeen diyaarad caawimo siday oo ay doonayeen inay ugu socdaalaan Soomaaliya. “Saddexdan qof ee laga shakiyay, waxa su’aalo laga waydiinayaa dhaqdhaqaaqooda ay doonayeen inay dalka ka bilaabaan, waxaana laga baadhayaa inay ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqyada Argagixisada,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan Booliska Kenya. “Ma jiraan eedaymo gaar ah oo saddexdooda ka dhan ah, laakiin baadhis uun baa lagu hayaa,” ayuu raaciyay.
Madaxa ciidanka Booliska ee la-dagaalanka Argagixisada Mr. Nicholas Kamwende, ayaa xaqiijiyay xadhiga saddexdaa nin ee Soomaalida ah, balse waxa uu diiday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo.
Saddexdan nin waxa ka mid ah Saleebaan Ciise oo haysta dhalashada Maraykanka, sida la sheegayna ku jira liiska kooxaha Argagixisada, iyadoo labada kalena kala yihiin, Axmed Cali Xasan oo sita dhalashada Kanada iyo Maxamed Xusseen Xaashi oo haysta dhalashada dalka Kenya, kuwaasoo haatan su’aalo lagu waydiinayo xarumaha qaybta la-dagaalanka Argagixisada ee Booliska Kenya.
Dhinaca kale, Ciidanka Kenya ee xeebta jasiirada Lamu, ayaa xidhay 11 qof oo lala xidhiidhay Budhcad-badeeda Soomaaliya, kuwaasoo markii u horaysay Axaddii lagu xidhay biyaha dalkaas, ka dib markii ay ku guuldaraysteen isku-day la xidhiidha afduubka Doon nooca kalluumaysiga ah.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Rabaso: Jabhadda ONLF oo laysay dhalinyaro reer Somaliland ah

Hargeysa, (NNN)- Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta dawladda Itoobiya, ayaa la sheegay inay dad shacab ah oo reer Somaliland ah ku laayeen degaanka Rabaso oo ka tirsan degmada Awaare ee gobolka Dhagaxbuur ee kilalka Shanaad.
Sida uu xaqiijiyay Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, Jabhaddu waxay shalay degaan lagu magacaabo Ciryare oo ka tirsan degaanka Rabaso ku dileen shan wiil oo dhalinyaro ah. “Waxay dileen shan nin oo weliba dhalinyaro yaryar ah oo Geeljire ah,” ayuu yidhi Caaqil Rashiid. “Waxay ku dileen meel lagu magacaabo Ciryare oo dhinaca Hawd ka xigta Rabaso, waxaana galabta (gelinkii dambe ee shalay) nimankaa lagu aasay magaalada Rabaso,” ayuu raaciyay. “Xilliga ay ONLF laysay, wiilashu waxay la joogeen Geel, intooda badana da’doodu labaatan jir way ka yar tahay, inta ay qabqabteen baanay laayeen,” ayuu yidhi.
Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir waxa uu sheegay in weerar noocaas ah ay muddooyinkii u dambeeyay Jabhadda ONLF ku haysay beesha Ciidagale ee degaankaas, isla markaana ay marar hore weeraro ay soo qaaday ku laysay dad shicib ah oo Xoolo-dhaqato ah. “Weerarkan ONLF kii koowaad maaha oo waa kii shanaad ama lixaad, kan kii ka horeeyayna wuxuu ka dhacay dhinaca Galbeed ee Abokor ku beegan, dhinaca Bari ee Darroor ku beegana wuu ka dhacay, degaanka dhexe ee Rabaso ku beegana waa markii afraad. Markaa waa weerar joogto ah oo ay ku wadaan jiidaha ku beegan saddexdaa kaam ee waawayn ee Abokor, Rabaso iyo Darroor,” ayuu yidhi Caaqil Rashiid Jaambiir.
Mar la waydiiyay ujeedada ka dambaysa weerarka jabhadda ONLF ku hayso dadka degaankaas, waxa uu sheegay inay salka ku hayso qorshe ay jabhaddu ku doonayso sidii ay dadka shacabka ah ugu khasbi lahaayeen inay dagaalka ay wadaan gacan ku siiyaan. “Jabhaddu waxay dadka degaanka kula kacaan dhac iyo dil, imikana weeraro joogto ah bay ku hayaan dadka Xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaqan jiidahaas,” ayuu yidhi Caaqilku.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, March 22, 2010

Maxaa ka taqaan maal-qabeennada adduunka ugu da’da yar

Waxa ay ahayd laba todobaad ka hor markii ay jariiradda Forbes ee ka soo baxda waddanka Maraykanka ay shaacisay ragga adduunka ugu maal-qabeensan taas oo ay ku sheegtay in kaalinta 1aad uu sannadkan galay ninka u dhashay waddanka Mexico ee Carlos Slim oo haysta 53.3 kaas oo booska ka riixday ninkii hore u haystay ee Bill Gates oo u dhashay Maraykanka. Haddaba, waxa halkan aanu ku soo bandhigaynaa Mustaqbalka shakhsiyaadka da’yar ee laga yaabo inay beddelaan. Kuwan ayaa ah tobanka ugu da’da yar maal-qabeennada adduunka kuwaas oo liiskooda la soo saaray sanadkan 2010-ka. Waa kuwan tobanka qof magacyadooda, dalalka ay u dhasheen iyo xaddiga lacagta ah ee ay haystaan iyo nooca ganacsigooda.
1. Mark Zuckerberg: Waa 25 sano jir u dhashay dalka Maraykanka waxaana uu haystaa lacag dhan 4 Bilyan (1000 milyan) oo Dollarka Maraykanka ah. Ninkan da’da yari waa aasaasaha iska leh barta Internetka ee Facebook. Waxa uu sameeyey bartan sannadkii 2004 isaga oo ku jira jaamacadda Harvard ee waddanka Maraykanka, waxaanu ahaa Thesis-kii qalin-jabinta Jaamacada.
2. John Arnold: Waxa uu haystaa sidoo kale 4 bilyan oo Dollar, da’diisuna waa 36-jir u dhashay Marykanak. Waxa kiraysatay shirkadda Enron ee tamarta ka dib markii ay shirkaddaasi kacdayna waxa uu iskii u aasaasay sannadkii 2002 shirkadda Centaurus Energy.
3. Yang Huiyan: Waa Haweenay u dhalatay dalka Shiinaha, da’deeduna 28-jir waxaanay haystaa xaddi lacageed oo dhan 3.4 Bilyan. Gabadhani waxa ay hantida ka dhaxashay aabaheed oo ah maal-gashade kaas oo ka hor intii aanu hawl-gabin iyada ku wareejiyey.
4. Albert von Thurn und Taxis: Waa maal-qabeen da’ yar oo u dhashay waddanka Jarmalka. Ninkan oo ah 26-jir waxa lacagtiisa lagu qiyaasaa 2.2 bilayn oo Dollar. Ninkan laftigiisu waxa uu hantida ku helay dhaxal. Waxa uu dhaxalka kula wareegay munaasibadda dhalashadiisa 18aad.
5. Fahd Hariri: Waa 29 sano jir u dhashay Lubnaan waxaana uu haystaa lacag gaaraysa 1.4 Bilyan oo Doolar Ameerikaanka ah. Ninkan oo ah ka ugu da’da yar wiilasha uu dhalay raysalwasaarihii Lubnaan ee la dilay, waxa uu dhaxlay hantida aabihii oo ahayd shirkado dhisme iyo qaar is-gaadhsiineed.
6. Aymin Hariri: waxaa Sacuudiyaan Haysta 1.4 Bilyan oo Doolar waxaana uu jiraa 31 sano. Ninkani laftigiisu waxa uu ka mid yahay wiilashada uu dhalay Rafiiq, balse waxa uu haystaa dhalasho Sucuudi ah, waxaanu qayb ka qaatay hantidii aabihii.
7. Yoshikazu Tanaka: waxaa uu u dhashay dalka Japan waana 33 sano jir haysta 1.4 Bilyan oo Doolar. Sida ninka liiskan ugu horeeya, Tanaka waxa uu laftigiisu hantida ka helay isaga oo samaystay bar internetka ah oo sida Facebook dadku ku xidhiidhaan kaas oo la yidhaahdo Gree.
8. Kostyantin Zhevago: Waa 36 jir gacantiisa ay ku jirto 1.2 Bilyan oo Dollar waxaana uu u dhashay waddanka Ukraine. Waxa uu saami badan ku leeyahay shirkadda birta dhalaalisa ee Forrexpo iyo bangi lacagaha xawila
9. Lee Ziaohui: waa 28-sano jir u dhashay dalka Shiinaha waxaana haatan gacantiisa ku jira 1 Bilyan oo Doolar. Waa guddoomiyaha mid ka mid ah shirkadaha birta soo saara ee Shiina ee layidhaahdo Shanxi Haixin Iron and Steel Group taas oo uu dhaxlay ka dib markiii aabihii toogasho lagu dilay sannadkii 2003
10. Shahid Balwa: oo ah 36-jir u dhashay dalka Hindiya waxa uu haystaa hanti dhan 1 Bilyan oo Doolar. Waxa ay nin kale wada leeyihiin shirkadda DB Realty oo baabuurta samaysa iyo sidoo kale hudheelka 108ka dabaq ah ee Park Hyatt oo ku yaala magaalada Mumbai ee dalka Hindiya

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Umaddu waxay xukuumadda uga fadhiyaan in xuquuqdooda ay helaan

Waxa muddooyinkan caalamku si aad ah indhaha ugu hayaa arrimaha dooroshooyinka, waxaana si aada looga baqayaa in mar kali dib loo dhigo doorashada madaxtinimada, taasi oo muddooyin badan dib loo dhigay kowna ka yahay Xisbiga UDUB oo caadaystay in uu majaraha waddanka habaabiyo kuna ciyaaro rabitaanka umadda. Waxa sannadkii 2001 loo codeyeey dastuur waxaanay bulsho wayntu muujisay kartidooda iyo aragtidooda waxaanay codayentu ku dhacday 97.9% in wadanka lagu dhaqo dastuur iyo cadaalad.
Arrintaa maxaa ka hirgalay ilaa hadda?
Waa qoraal la diyaareyey oo dhamayestiran, oo yaala meel, wax uu umada uu u qabanayaa majiro inta xukuumada Rayaale ay maamulka haysato. Aragtida UDUB waa in umada la majaro habaabiyo, oo kolba dib loo dhigo doorashada, wax ugu jira in dhawr kA ag dhawi ay sameeyaan marba waxay rabaan. Umadda waxa haysta niyad jab aad u wayn calamkuna waa yaaban yahay.
Waxaan leeyahay xaqii umadu mee, maxaa umadda loogu ciyaarayaa oo waxa loogu dhimayaa xuquuqda aadamiga, waa gaf iyo qadaf. Waxaanay umadu afkooda ka batay waxaanu ka cabsi qabnaa in mantana dib loo dhigo mar kale.
Xalku waxa uu maanta ku jiraa in umadda la mariyo waxay iyagu doonayaan. Qiimayn aad loogu kalsoon yahay oo ka dhacday dhammaan ba dalka gudihisa iyo qurbo jooga Somaliland, waxa dadka intiisa badani qabtaa ama ay ku rajo wayen yihiin inaanay doorasho qabsoomayso 65.3%. Waxaana tasi ugu wacan dhawrkii mar ee dib loo dhigay doorashada.
Qaran macnihiisu waa in la sinaado oo sharciga loo hogaan samo, maha si in ninba sida uu doono yeelo. Run ahaanti ilo lagu kalsoonyahay oo ku ag dhaw madaxwayne Dahir Rayaale Kahin waxay sheegaysaa in aanu qabin in dib loo dooran doono hadii ay doorasho timaado.
Kulmiye waa xusbi mucarada waxaanu hayestaa taageero uu ku heli karo doorshadan soo socota, waxa uu u hilanyahay in uu isbeddel ku sameeyo mamulka dalka. Waxaanu inta badan ka shaqeeyaa ilaalinta rabitaanka umadda. Waxaanu dadaal ugu jiraa sidi uu Rayaale iyo Faysalba ula tartami lahaa ugana guulaysan lahaa. 69.45%
Ugu dambayntii waa in umadda la siyaa xaqooda oo codbixinta doorashada laqabtaa, si ay u noqoto markhaati calamku dawadaan.

Eng: Farhan Ahmed Mahamoud
Agaasimaha guud ee hayada MSFYA
Malta
Email: qamadi204@hotmail.com
Tel: 0035621347510

Warkii oo Dhan

Nasiib News

“Naga daaya tan aad odhanaysaan Mucaaradkaa sidaa yidhi, mar hadday yidhaahdeenna Allaa yidhi”

Hargeysa, (NNN)- Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa si cadho leh uga hadlay War shalay ku soo baxay Wargeyska Ogaal oo la xidhiidhay marti-qaad ay Maraykanku u fidiyeen Axsaabta Siyaasadda. Waxaanu cabasho ka muujiyay xigasho Wargeysku xigtay xubno ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah.
Md. Jaamac Yaasiin Faarax OO Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay, ayaa sheegay in aanay Xisbigoodu wax marti-qaad ah ka helin Dawladda Maraykanka ilaa duhurkii shalay wixii ka horreeyay, waxaanu naqdiyay Axsaabta Mucaaradka ah. “Ilaa maanta (shalay) 12:00 duhurnimo wax marti-qaad ah oo aanu ka helnay Dawladda Maraykanka Safaaradaheeda, ta Nairobi ama Jabuuti may jirin, waxanna (Warka) xalay (habeen hore) ayaad daabacdeen, markaa waxay ahayd in aad hubisaan oo ciddii aad War ka haysaan uun daabacdaan..Waxaana weeye, Xisbi Mucaarad ah ayaa waxaas noo sheegay jawaab maaha. Waxa weeye, cidda marti-qaadka fidisay in aad Warka ka heshay bay ahayd. Anagu iyaga (Mucaaradka) ma nihin, iyaguna anaga (UDUB) maaha. Markaa in aanu idiin kala sumad lahaano weeye.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee UDUB oo u hadlayay si cadho ku dheehan tahay.
Mar aanu Xoghayaha guud waydiinay in taa macnaheedu tahay in uu ka cadhooday xigashada xubno ka mid ah Axsaabta Mucaaradka ah, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Maya, waxaan ku idhi, markaad saddexda Xisbi leedahay waa in aad saddexda Xisbi caddayn ka haysataa ama ciddii marti-qaadday waa in aad ka heshaan. Laakiin, labada Xisbi Mucaarad baa sidaa na yidhi waxay ka dhigan tahay in aad u shaambadaynaysaan waxay doonayaan. Laakiin, anaga iIaa maanta (shalay) 12:00 duhurnimo wax marti-qaad ah oo aanu ka helnay Dawladda Maraykanka, wax Wasaarad Arrimaha dibedda soo marayna ma jirto, wax Madaxtooyada soo marayna ma jirto, wax ka dambeeyayna ma ogi.”
Xoghayaha guud ee UDUB oo ka hor intii aanu Wargeyska Ogaal qorin Warka la xidhiidha marti-qaadka ee uu ka cadhooday Xoghaya guud aanu la xidhiidhnay, si aanu wax uga waydiino dhinacooda, isla markaana aan naga qaban Telefoonkiisa Gacanta, ayaa mar aanu xalay waydiinay in loo fahmi karo in muddadii ka dambaysay 12:00 duhurnimo ee shalay ay heleen marti-qaadka, ayaa wuxuu si cadho badani ku dheehan tahay u yidhi, “Jawaabtu sidaa aan kuu sheegay weeye, waxan (Warka) xalay (Habeen hore) ayaad qorteen, ilaa maantana (shalay) markii shaqooyinka laga soo rawaxay maanu haynin wax marti-qaad ah, taas macnaheedu maaha beri (maanta) ilaa caawa (xalay) aananu helaynin..Waryaahe, waxaad adigu doondoonaysaa ma khaladaadkaagaad doonaysaa in laguu saxo, wax jiray oo na soo gaadhay may jirin..waxaanu ku leenahay, naga daaya tan aad mar walba odhanaysaan Xisbiyadii Mucaaradkaa sidaa yidhi, mar hadday yidhaahdeena Allaa yidhi, naga daaya idinkama aqbalaynee.”
Markii uu Xoghaya intaa yidhi, ayuu isaga oo aan kelmad kale raacin, isla markaana sugin in Wargeysku wax ka waydiiyo arrintan uu si degdeg ah u dhigay Telefoonka.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, March 20, 2010

Wadamo aqoonsaday in la muujiyo astaanta Somaliland

“Somaliland waa wadan yar oo halgan ugu jira sidii uu ictiraaf u heli lahaa. Waxa ay ahayd 26 june 1960 markii ay somaliland heshay xoriyadda iyo in ay la sinnaato waddamada caalamka, may noqonin xoriyadaasi mid waarta oo waxay noqotay mid gumaysi gacanta u gasha. Waxa ay muddo aad u dheer oo ay u hureen naf iyo maalba ku soo ceshadeen xorriyaddoodi,” waxay hadaladaasi ka soo yeedheen Kelly Wilder oo ah aqoon yahanad u dhalatay wadanka Poland oo muddo aad u dheer baranaysay siyaasadda Afrikada Bari, waxaanay wax ka dhigtaa jaamacadda Warso, waxaanay tahay wakiilka hay’ada MSFYA u qaabilsan xuquuqda aadamiga.
Farxaan Axmed Maxamed
Agaasimaha hay'adda MSFYA
Waxaanay ka hadlaysay shir ay ku kulmeen wakiillada hay’addan ee wadamada Beljam, Poland, Lithuania, Hungary, Bulgaria iyo Slovakia oo dadka u dhashay somaliland ee ku sugan wadamadaa ay ku mujinayaan astaantooda islamarkaana ay furanayaan jaaliyad magaceedu yahay jaaliyadd Somaliland.
Shirkasi oo ay soo qaban qaabisay hayada MSFYA waxa uu ka dhacay caasimadda Warsaw ee waddanka Poland 15/16-03-2010.
Waxa halkaa hadalo aad u dheeraa kasoo jeediyey Eng. Farhan Ahmed Mahamoud oo ah agaasimaha hay’ada MSFYA waxaana Hadaladisa kamid ahaa, “Waa guul aad u wayn mar haddi maanta aad noo ogolaateen in aanu mujino astaantayada oo aanu la mid noqono dadyowga kale ee ku sugan waddamadan, waxaanan aad idinka mahad cilinayaa sida wacan ee aad ugu hilan tihiin wax-qabadka umaddayada, waxaanan idin leenahay waa mid aanu idinka filaynay. Waxaanu idin leenahay yey noqonin mid mar kaliya ah ee waa in ay noqotaa mid sii kobocda oo sii waarta siina xoogaysata. Waxaan idinka codsanayaa inaad waddankayaga tagtaan oo soo aragtaan heerka uu taagan yahay, oo waxa aad isku daydaan inaad isku xidhaan wadankayaga somalilaand iyo beesha calamka. Waxa kale oo aan idinka codasamayaa inaad goob joog ka ahaataan codbixinta doorashada waddankayaga ee socotoa si aad u qiimaysaan xaaladda dalkayagaya,” ayuu hadalkiisa ku gebo-gebeeyey Eng. Farxaan.
Waxa isna halkaa ka hadlay wakiilka somaliland ee wadanka hungaray dr/ mukhtar maxamed macalin (mukhtaar mixco) .waxaana hadaladisa kamid ahaa somaliland waa wadan dulman oo bisha calkamku miska indho tiray .magaranaayo waxa kalifay in cidla nalaga daawado, anaga ayaa wax badan qabsanay qabsana doona waxaanaan aamionsanahay in sida maanta idinku aad u aqoonsatiin astaan tayada in kuwo kalina bare ay idinku dayan doonaan , waxaana aad idinku amaanayaa sida wacan ee aad yishin , taarikhduna way idin xusi doontaa .calamkuna waa idinku dabo jiraa somalilandna ictiraafkidii waa so dhawaday.waxaan wadan kan joogaa 21 sano waxaanan manta lamidahay dad yowga kali ee ku dhaqan wadan kan hungaray sida turkish,iraqi,pakistan iyo wadamada kali ee calkamadoodu sudhan yihiin bananada.
Waxa isna halkasi kahadlay maxamed muse kahin waa gudomiyha ardayda somaliland ee wax kabarata wadanka lethania, waxaan halkan ku joognaa 43 arday oo wax kabarta jamacadaha kala duwan ee wadan kan lethania, waxaana ah waxaanu ku faano in calanka iyo astaanta qaranka iyo sawirada wadanka, axsaabta, iyo wax kasta oo somaliland ku astaysan tahaay oo aanu sida ardayda kali ee waxanalabarata aanu ku muujino qolka madxafka iyo libariry ga, waa shay aad u qaliyaa waana qaranimo.
Waxa halkaa kahadlay atkins vella oo ah wakilka wadanka bulgaria u qaabilsan arimaha dibada oo shiigay in ay noqotay mid laga ma maar maana in aanu qaadano goaankani in lamuujiyo somaliland astaantida anaga oo dhan wadamadan aanu halkan ku fadhino oo tashi iyo falanqayen soconaysay ilaa 2 sano anuwadnay, qaran uu ilahay uumayna lama qarin karo,intaa iyo in kali oo badana waanu sim wadi doonaa oo halgana oo aanu lagarab taaganahaya wadan kan goonida inta badan u taagnaa , waxanaan aad ugu farxaa mar kaan arko sida soimali laand ay u ilaaliso xuquuqda adamiga . Waxanan liyahay maha in la is bar bardhigo somaliland iyo somaliya oo maalin walba lagu gafaayo xuquuqda adamiga .waxa isna halkaa kamadan abayintii kah hadashay dr/ rooda da’uud gulledwakilka hayada msfya u qaabilsan xidhiidhka dibada oo shiigtay in dhamaan ba wadamadan markii u haoraysay si balaadhan looga xusi doono 2010 may 18 ka .

Waxaany sheegtay in loo bahan yahay in loo si diyaar garoobo farxadaa tarikhiga ah, waxay tidhi anigu waxaan ka shaqiyaa cusbitaal ku yaala magaalada bratislava ee wadanka slovakia, waxaan wadan kakan aan daganahay 232 sano marka laga ahadlaayo somalali laand waxaan aadi jiray wadanka uk ama usa halkaana waxa aan ku bixin jiray kharash badan iyo inaan aado wadan aad u fog oo ka fog shaqadayida iyo gurigayga lakin masha alaa mashaa alaa waa guul mar hadaan hilay meel aan joogo oo lagu qabanaayo 18 ka may

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Dahabshiil oo Bangi Caalami ah ka hirgeliyey waddanka Jibuuti

Djibouti, (NNN) - Sharikadda xawaaladda ee Dahab-shiil ayaa maanta bangi ka furatay magaalada Djibouti ee waddanka Djibouti halkaas oo lagu qabtay xaflad ballaadhan.
Munaasabadda xafladda furitaanka bangiga Dahab-shiil waxaa goob joog ka ahaa madaxda ugu sarreysa waddanka Djibouti, Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xeyd, Ra'iisul Wasaaraha Dileita Maxamed Dileita,
Guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti Idris A. Ali, Guddoomiyaha bangiga dhexe Jaamac Maxamuud Xeyd iyo marti sharaf kale
Madaxa shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Saciid, oo Djibouti jooga oo BBC -da uga waramayay furitaanka bangiga ayaa sheegay in bangigoodu yahay mid caalami ah oo Islaami ah.
Bangigan cusub ayuu sheegay madaxa shirkadda in uu u adeegi doono dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, March 17, 2010

“Xisbiyo maahee, waxa la kala dooranayaa Daahir hurdaaye, halgame Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe”

Faysal Cali Waraabe
Ceerigaabo, (Nnn)- Guddoomiyaha golaha Wakiillada iyo guddoomiyaha xisbiga UCID oo haatan ku sugan magaalada Ceerigaabo, ayaa ka dayriyay adeegyada bulshada ee gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo horkacaya wefti UCID ah oo Isniintii doraad gaadhay Ceerigaabo, waxay shalay hadal ka jeediyeen kulan lagu qabtay xarunta Jaamacadda Sanaag.
Sida la sheegay, Masuuliyiintu waxa ay kulankaas ugu talogaleen indha-indhaynta, dardar gelinta hawlaha Jaamacadda Sanaag iyo sidii gacan looga gaysan lahaa, waxayna balanqaadeen inay gacan ka geysan doonaan Jaamacaddaas. “Golaha Wakiillada ee xilligan aan odayga ka ahay hadday tahay kuwii gobolkiina kasoo baxay iyo hadday kuwo kale tahayba oo aan anigu ugu horeeyo, way fiican tahay in lala xisaabtamo, waana xaq hadday Madaxweyne tahay iyo hadday cid kastaba tahay in lala xisaabtamo,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ugu horayn hadal ka jeediyay kulankaas. “Doorashadii Madaxweynuhu way soo dhowdahay, maantana waxaynu nahay dal dimoqraaddi ah oo awoodda qoriga laguma qabsadee, codkiinaa lagu qabsanayaa. Markaa Deked, Madaar, waddo, caafimaad iyo waxbarasho intaba codkiinu waa idiin gooyaaye, meel khaldan haku ridina,” ayuu raaciyay.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna hadal ka jeediyay kulankaas, waxa uu dadweynaha reer Ceerigaabo uga mahadceliyay siday ay ugu qaabileen, uguna soo dhaweeyeen magaaladaas. “Weligay maanta ka horow ma maqal afartan beelood ee laydiin kala qaybiyaye, iimaansada oo ogaada Somaliland in aynu ku wada nool nahay, xuduudaha caalamiga ahna aan qabiilnimo waxba ka bedeli karin, mana jirto wax afar beelood la yidhaahdaaye, hal beel oo beesha Sanaag ah oo walaalo ah baa tihiin, horumarkii iyo nabaddii 1993-kii aad samaysateena maanta waxa idinka horreeya kuwii 1996-kii heshiiyay, waxaanad ogaataan iskama war haysaane wax kastaba inaad qabsan kartaan, waayo kuwa Somaliland ugu lacagta badani waa reer Sanaag. Sidoo kalena kan Baanka haysta iyo kan lacagta ee wax kale iska daaye xataa lacagta idinka bedeli kari waayay waa reer Sanaag, taasina waxay ku tusaysaa in aan wasiir iyo mid kale toona awood lahayn,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe waxa uu ka dayriyay adeegyada bulshada ee gobolka Sanaag, wuxuuna baaq u jeediyay dadka gobolkaas. “Maanta waad ogtihiin wadooyin ma lihin, tacliinta, biyaha, caafimaadka, dekeddaha iyo wax kastana waxay ku soconayaan waa jeebkeena ee aan samaysanno dawlad wanaagsan oo waxyaabahaas inoo samaysa, doorashada Madaxweynaha ee soo socotana UDUB, UCID iyo KULMIYE toona ma ahee, waxa la dooranayaa waa Daahir-hurdaaye Halgame Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe. Annaga (UCID) haddii nala doorto kiish madhan ma sidanee, horumar ayaanu samaynaynaa, dawlad Hargeysa ku ururaysaana ma jirayso. Markaa kala doorta foodkiina inaad ku qayishaan iyo inaad cid wax idiin qabanaysa siisaan,” ayuu raaciyay.
Courtesy: Ogaal

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saafi Ducaale oo Galabka Hargeysa ku geeriyootay

saafi ducaale Waxaa galabta lagu Aasay magalada Hargeysa Alla Ha u naxariistee Saafi Ducaale oo ahayd fanaanad caan ahayd oo ka tirsanayd hooballadii Waaberi.
Saafi ducaale saaka ayay ku geeriyootay Hargeysa oo ay deganeyd sannadihii danbe.

Aaska marxuumadda ayaa waxa ka soo qayb-talay dad badani.
Shamis Abokor {Guddudo Carwo} oo ku hadashay magaca fanaaniinta ayaa tacsi u dirtay qoyska iyo fanaaniinta soomaliyeed ee ay ka geeriyootay Saafi ducaale.
Naxariistii Janno Alle ha ugu DEEQO

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Fadlan Yaa caawinaya Ninkan: Dhabarka ayuu laba meelood ka jabay

Hargeysa, (NNN) - Cabdirashiid Cumar Xuseen (Foosi), oo ah nin dhalinyaro ah oo muddo kow iyo toban bilood ah dakhtarka wayn ee Hargeysa yaalay, ka dib markii uu ka soo dhacay guri saddex dabaq ah oo ku yaala magaalada Barbera isla-markaana ka jabay afar meelood ayaa dadwaynaha reer Somaliland gudo iyo dibadba waxa uu ka codsaday inay ka taageeraan sidii loo gayn lahaa dakhtar dibadeed.
Muwadinkan dhalinyarada ah oo hadda walaalkii oo askari ah ku hayo Cisbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa dhakhaatiirta dalku sheegeen in aaney dawayn karayn, maadaama oo uu ka jaban yahay laba meelood oo dhabarka ah iyo labada miskood isla-markaana kaadida iyo saxaradu ay u socdaan si bilaa dareen ah.
Ninkan dhibaatadu ku habsatay oo ka soo jeeda qoys dan-yar ah oo aan haysan wax ay ku daaweeeyaan ama ku geeyan cisbitaalada dibada, ayaa dhibaatadu soo gaadhay ka dib markii uu isku dayay inuu badbadiyo haweenay uu galay jin oo wakhtigaa rabtay inay iyadu isku soo tuurto fooq saddex dabaq ah.
Khadar Cumar Xuseen, oo ah ninka ay walaalaha yihiin ee hadda ku haya Cisbitaalka Hargeysa oo Wariyayaasha qaarkood ay kula kulmeen gudaha cusbitaalka Hargeysa, ayaa tilmaamay dhibka uu walaalkii qabo waxa ay tahay “Waxa uu fooqa ka soo dhacay 29-ka bishii afraad sanadkii 2009-kii, halkana waxa aanu keenay 30-kii afraad 2009-kii, isaga oo ka jabay dhabarka oo laba meelood ah iyo labada miskood, dhakhaatiirta guduhuna ay sheegeen in aan wadanka gudihiisa waxba lagagama qaban Karin, waxayna ku taliyeen in dibada loo qaado haddii loo qaadi karo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ninkan waxa uu ka dhashay reer faqiir ah oo aan waxba haysan yaba-yaratee, oo aan aniga oo askari ahi ku biiliyo hadda isaga oo dhakhtarka Hargeysa yaala gunada yare ee aan ka qaato ciidamada.”
Khadar Cumar Xuseen, waxa uu ka codsaday dhammaan dadka reer Somaliland, inay soo caawiyaan walaalkii oo dhib badanio haysato “Waxaan ka codsanayaa dadka muslimka ah ee afka Soamliga ku hadla meel kasta oo ay joogaanba inay soo caawiyaan maadaama oo uu ka dhashay reer faqiir ah oo aan waxba haysan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo tilmaamaya sababta keentay inuu fooqa ka soo dhaco “Waxaana uu fooqa ka soo dhacay ka dib markii uu isku dayay Gabadh jin galay oo dooneysay in ay fooqa iska soo tuurto inuu badbaadiyo, dabadeedna tii inanta may noqon ee tiisii ayay noqotay oo isaga ayaa fooqii ka soo dhacay, isaga oo markii uu soo dhacayna bulaacad ku sii dhacay, isaga oo ku dhacay sagaalkii habeenimo kuna jiray bulaacadii ilaa lix saacadood, laakiin waa ILAAHAY mahadii mar haddii uu ka soo badbaaday.”
Khadar, waxa kale oo uu soo qaaday “Imika dhkahtarka waxa uu yaalaa 11-bilood, dhakhaatiirtuna waxa ay yidhaahdeen wax alaale wax daawo ah oo aanu u haynaa ma jirto, iyadda oo dibada loo qaado mooyaane, Imika dhibatada jirtaana waxa weeyaan jidhka ayaa daadanayaa oo imika badhyaha hadba in ayaa soo dhacaysa, markaa cidii caawinaysa ILAAHAY ayaa caawimo lehe ha soo caawiso.” Ayuu hadalkisii ku soo ururiyey Khadar Cumar Xuseeen oo ah nin ay walaalo yihiin dhibinaha ku haya cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Cabdirashiid Cumar Xuseen (Foosi), oo ninka dhibanaha ah oo aanu isagana waydiinay waxa uu codsanayo iyo dhibka uu dareemayaa inta ay leegtahay, ayaa ku jawaabay isaga oo u jiifa beerka maadaama oo aanu u jiibsan Karin xagga dhabarka oo uu ka jaban yahay dhowr meelood oo ka mid ah “Dhibatada iigu darani waa dareen la’aanta I haysata, oo saxarada iyo kaadida labaduba si bilaa dareen ah ayay iskaga socdaan, cagahana wali dareenkii kumuu soo noqon oo wax awood ah malaha, sidaa daraadeed waxa aan codsanayaa sidii aan Cisbitaal dibadeed u heli lahaa.” ayuu hadalkisii ku soo koobay dhibane Foosi.
Haddaba haddii aad diyaar u tahay inaad ILAAHAY dartii u caawiso dhibanahan aan kor ku tilmaanay dhibkiisa, la xidhiidh oo wixii aad ku caawinayso ugu hagaaji.
Account : D120630 
Dahabshiil 
Ama kala xidhiidh +252 24 448033

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, March 15, 2010

Wasiirka Caddaaladda oo Sheegay in Guddiga Nabadgeliyadu Sharci tahay

Laascaanood, (NNN)- Wasiirka Caddaalada Somaliland Axmed Xasan Cali (Casoowe), ayaa jawaab ka bixiyay warbixin guddiga Caddaalada ee golaha Wakiilladu soosaareen oo ka dayrisay xaalada nololeed ee maxaabiista iyo xabsiyada dalka.
Warbixin sagaal bog ka kooban oo guddiga Caddaalada, Garsoor iyo Xuquuqal-insaanka goluhu doraad u gudbiyeen golaha Wakiilada, waxay ku sheegeen inay duruufo adag ku nool yihiin inka badan 1300 oo maxbuus oo ku jira xabsiyada Berbera, Mandheera iyo Gabiley, kuwaasoo intooda badani u xidhan yihiin guddiga nabadgelyada Somaliland.
Hase yeeshee, Wasiirka Caddaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo uu xalay isagoo ku sugan magaalada Laascaanood khadka Telefoonka waraysi dheer kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu qiray in aanu furnayn xabsiga wayn ee Hargeysa oo uu hore xadhiga uga jaray, wuxuuna sheegay in guddiyada nabadgelyada dalku sharci yihiin, isla markaana Garsoorka ka fududeeyeen hawlo culayskooda leh. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay duruufta xabsiyada dalka, waxyaabaha uga qorshaysan, sharciyada guddiga nabadgelyada iyo xukunkooda iyo qodobo kale, waxa uu u dhacay sidan;
S: Wasiir, Xabsiga Hargeysa oo aad hore u sheegtay inaad furteen, guddiga Caddaalada golaha Wakiilladu waxay sheegeen in aanu furnayn oo weli laga shaqaynayo, sidee bay arrintaasi u dhacay?
J: Walaahi, Xabsigu inta badan wuu iska dhamaaye, waxyaabo yar yar oo dhamaystir ah uun baa markii dambe soo baxay oo ciidanka Asluubtuna yidhaahdeen hawlahaa yaryar hala dhamaystiro, taasna waa la wadaa.
S: Waxa jira Maxaabiis ay guddigu xaaladooda nololeed ka dayriyeen oo ku jira xabsiyada ay booqdeen ee Mandheera, Berbera iyo Gabiley, taas maxaad ka odhan lahayd?
J: Horta duruufo way jiraan oo lama dafirayo, wadanka oo dhan baanay ka jiraan, xabsiyaduna wadanka uun bay la mid yihiin. Laakii, anagu Wasaarad ahaan, ciidan ahaan iyo Xukuumad ahaanba, waxaanu u samaynay (maxaabiista) meelo caafimaad, nin dhakhtar ahina wuu qaabilsan yahay, xaga raashinka waa looga dedaalay, laakiin duruufaha dalka ka jira uun bay qaybtooda ka noqonayaan.
S: Wasiir, guddiga Caddaalada ee golaha Wakiilladu waxay sheegeen in hay’adda UNDP joojisay raashino ay siin jirtay xabsiyada dalka qaarkood, taasi maxaad kala socotaa?
J: Waxa weeye; waxoogaa raashin ah bay siin jireen maxaabiistii laga qaaday xabsiga Hargeysa (markii la dumiyay), iyagana (UNDP) aad bay culays ugu ahayd oo had iyo jeer way ka hadli jireen, laakiin markii u dambaysay UNODC ayay yidhaahdeen waanu ku wareejinay hawshii xabsiyada oo dhan….
S: Markaa hay’addaasi xagay geysaa raashinka xabsiyada loogu talogalay?
J: Runtii, hay’adaasi wadankana way soo degaysaa, wufuudina way nooga timi. Markaa weli heshiis rasmi ah oo aanu la galay oo…Laakiin, qolada UNDP iyaga ayay iska saareen.
S: Warbixinta guddiga waxa ku jiray maxaabiis badan oo guddiga nabadgelyadu xukumeen iyo kuwo waqtigii xukunku ka dhamaaday oo weli ku jira xabsiyada, bal taas ka waran?
J: Arrinta guddiga nabadgelyadu waa muran iska taagnaa oo wadanka iyo qaranka ah weeye, waana muran taagnaa oo aanu awalba ka warhaynay oo ahaa guddiga nabadgelyadu waa hay’ad sharci ah iyo dad ka soo horjeeda. Markaa weli way socotaa hawshoodu, xabsiyadana hadda waxa noogu daran xabsiga Burco oo gaboobay oo duruufo aad u adagi ka jiraan, gaar ahaan xaga dhismaha, nadaafada iyo musqulaha, xabsigaas baana muhiimada koowaad noo ah in wax laga qabto. Tixgelinta labaad, waxa noogu jira xabsiga Laascaanood oo hadda aanu miisaaniyada ugu darnay lacag lagu dayactiro. Sidoo kale, waxa isna noo socda xabsigii Carruurta ee dhaqan-celinta ee Mijacaseeye oo dhismihiisu gebogebo yahay, waxaananu rejaynaynaa in aanu sannadkan furno.
S: Guddigu waxay sheegeen in xabsiga degmada Gabiley aanu dayr lahayn. Markaa sidee baa loogu aaminayaa maxaabiista ku jirta, maadaama aanu dayr lahayn?
J: Ma waa banaan bay leeyihiin?. Waxa weeye, xabsigaas dad badana waa lagu hayaa, in badana wuu furnaa, waana u baahan yahay in wax laga qabto, laakiin wax khatar ahi kama taagna.
S: Adigoo Wasiirka Caddaalada Somaliland ah, ma raali baad ka tahay muwaadiniinta guddiga nabadgelyadu xukumaan ee muddada dheer xabsiyada dalka ku jira?
J: Dee anigu Somaliland-na waan ahay, Xukuumaddana waan ka tirsanahay.
S: Taas macnaheedu ma inaad raali ku tahay talooyinka guddiga nabadgelyada?
J: Xukuumadda ayaaban ka tirsanahayoo, anagu mawqifka aanu taaganahay waxa weeyaan in guddiyadaa nabadgelyadu ay sharci dalku leeyahay ku shaqeeyaan oo la yidhaahdo Public order law (xeerka nabadgelyada guud), mar horena Jaamacadda Hargeysa ayaa dood ka qabatay oo isugu keentay aqoonyahanada dalka, dawladda, mucaaradka iyo cid kasta, codkiina waxa helay in sharcigaas loo baahan yahay xilligan ay Somaliland ku jirto. Runtii sharcigaas siyaasadna looma adeegsado, waana arrimo gaar ah oo aad is odhanayso waaba lagama maarmaan oo Garsoorka wareerin lahaa baana xeerkaa loo isticmaalaa. Markaa Xukuumaddaan ka tirsanahayoo, Xukuumaddana mawqifkeedu waa kaas oo inuu sharci dalka ka yahay baa loo haystaa.
S: Markaa waxaad leedahay hawlo waaxda Garsoorka u yaalay baabay naga fududeeyaan guddiga nabadgelyadu?
J: Haa. Waxa weeye; qaab-dhismeedka bulshada Somaliland u dhisan tahay ee qabiilka ah, mararka qaarkood waxa dhacda in arrimaha khilaafkan wareeriyay dalka ee khilaafka dhulka ee Garsoor, nabadgelyada iyo cid walba wareeriyay – waxa dhacda in habeen Iska-rogo (baabuurta agabta dhismaha guryaha loo adeegsado) dhagax dhigto, habeen dhisme la bilaabo. Markaa guddiga nabadgelyadu go’aamo ayay ku soosaaraan sharcigaa, iyagoo adeegsanaya awoodooda. Tusaale ahaa; in Iska-rogo aanay habeen dhagax dhigi karin, habeen dhisme la bilaabi karin, waxyaabahaas baana ka mid ah waxyaabaha wareegtada guddiga nabadgelyada lagu soo saaro. Waxa kale oo ka mid ah; marka Ciidaha oo kale waxyaabaha qarka ee caruurta laga iibiyo in aan ganacsi loo keeni karin iyo arrimo badan oo caynkaas ah oo dan loo arko ayaa lagu fuliyaa xeerka.
S: Wasiir; maxaa balanqaad ah ee aad u samaynaysaa maxaabiista xaaladooda laga dayriyay?
J: Xukuumad ahaan, anagoo talooyinkaa guddiga Baarlamaanka qaadanayna oo wadashaqayni naga dhexayso, maxaabiista dhinaca raashinka dawladdu waxay u kordhisay 250%sannadkii hore, markaa xagaa way ka fiican yihiin.
Tusaale ahaa; qof baa ku odhanaya xuquuqdii baad ku gafteen oo xabsigu nal (koronto/laydh) ma leh!!. Waa run oo waanu ognahay oo nal ma leh, laakiin duruufahaa dalka ka jira ayay qaybtooda ka yihiin. Laakiin, Xukuumad ahaan waa u sii dedaalaynaa, waayo qofka haddii la xidho oo xorriyadiisa laga qaado in xuquuqdiisa la ilaaliyo weeye, aadna loo dhawro, sababto ah bulshada nugul buu ku jiraa ee u baahan in aad dhawro, sidaas baananu kaga shaqaynaa.
S: Ka waran xabsiga loogu talogalay 100 maxbuus, imikana ay ku jiraan ilaa 250 qof oo maxaabiis ahi, taas maxaad ka qabanaysaan?
J: Waanu wadnaa, waana barnaamij noo socda in aanu wax ka qabano xabsiyada buux-dhaafaya, waayo xabsiyada dalka xilliyo xaddi dadku yaraayeen baa la dhisay, dhibaatadaasna waanu dareensanahay, waana tii keentay in xabsiga Hargeysa la dumiyo, ka Mandheera la balaadhiyo. Markaa waa barnaamij noo socda, laakiin marba awooda inta aanu talaabsan karo ayaanu talaabsanaynaa, waananu dareensanahay in xabsiyada dadkii loogu talogalay kuwo ka badani ku xidhan yihiin.
S: Adigoo Wasiirka Caddaalada ah, waa sidee dareenkaaga ku saabsan in dad muwaadiniin ah oo xilligii xukunku ka dhamaaday weli ku jiraan xabsiyada cidhiidhiga ah ee dalka?
J: Maba jiraan baan ku leeyahay. Qofka markuu xabsigu ka dhamaado waa la sii daayaa, ciidanka Asluubtuna kuma sii hayaan.
S: Kuwa muddada dheer rumaan ahaan u xidhan maxaad ka odhan lahayd?
J: Xataa taas lafteeda, anigu waxaan ogahay laba/saddex kiis oo ku saabsan dad dil loo haysto oo iyagu nabadgelyadooda dartoodba meesha ugu jira, hadda ka horna waxa dhacday in sidaas oo kale mudda dheer u xidhnaa oo aanay Maxkamaddina xukumin oo xuquuqal-insaanka (hay’adda u dooda) iyo cid waliba aad looga hadlay oo markii la soo daayay isla maalintiiba suuqa lagu toogtay. Markaa kiisas yar oo caynkaas ahi way jiraan oo la xidhiidha in la caddayn kari waayay dilka noocaas ah oo nabadgelyada guudna khalkhal gelinaya, laakiin maaha wax caado u ah. waxa weey; dadku Maxkamaddo ayay u xidhan yihiin, Maxkamad walibana way taqaanaa dadka u xidhan, ciidanka Asluubtuna todobaad walba warbixin buu siiyaa inta maxbuus ee lo ohayo. Markaa hawshaasi way socotaa, haddii ay 100% sax noqon waydana, anigu waxaan is leeyahay mustawe xun kuma socoto.
S: Hadda muddo ayaad Laascaanood ku sugan tahay, markaa mala odhan karaa daryeelkii maxaabiista waxaad kaga mashquushay socdaalkaas iyo arrimo siyaasadeed?
J: Haa – labada xilba waanu haynaa oo xilka siyaasaddana waanu haynaa, xilka Wasaaraddana waanu haynaa, wasaaradduhuna qaab-dhismeed bay leeyihiin oo wasiir kuxigeen baa jira, Agaasime guud baa jira, maxaabiista oo kale markaad ka hadashana ciidanka Asluubta ayaa jira oo gacanta ku haya. Markaa hawluhu qof isuma taagaan, xilka siyaasaddana waanu haynaa oo Xukuumad ahaan masuul baanu ka nahay, hawlihii fulinta ee dalkana masuul baanu ka nahay, markaa labadaba waa la isku wadayaa.
S: Wasiir; maadaama xabsiyada dalka duruufo noocaas ahi a jiraan, ma u aragtaa inay tahay hawl Wasaaraddaadu gabtay oo aad muwaadiniinta ka raaligelinayso?
J: Mayee, walaahi waxaan is leeyahay waad dedaasheen marka la eego duruufaha iyo xaalada Somaliland ku sugan tahay, ciidanka Asluubtuna waxaan qabaa inay aad u dedaaleen, waanan u amaanayaa duruufahaa ay ku hayaan maxaabiista. Dhaliilo way iman karaan, laakiin isma lihi waad gabteen hawshii, waxaananu is leenahay waad dedaalaysaan.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Caadooyinka iyo Dhaqammada Qabiilka Mursi ee Koonfurta Itoobiya

Bulshooyinka kala duwan ee caalamka waxa ka jira dadyow u qaabaysan qabaa’ilo kuwaas oo waddamada ay ku nool yihiin aan si weyn looga tixgelin dhaqannadooda iyo caadooyinkooda. Dadyowgaasi waa kuwa loo yaqaan cawaanka waxaanay leeyihiin dhaqanno ka yaabiya dadka kale ee caadiga ah.
Haddaba, waddanka Itoobiya ee aynu jaarka nahay waxa ku nool dadyow kala duwan. Kuwan waxa ka mid ah qabiilka loo yaqaan Mursi oo mararka qaarna loo yaqaan Murzu kuwaas oo ku nool deegaanka geeri-go’anka ah ee Debub Omo oo ku yaala Koonfurta Itoobiya una dhow xadka ay la wadaagto Suudaan. Qabiilka Mursi ee ku nool deegaankan waxa lagu qiyaasaa 10,000 qof, xukuumadda Itoobiyana waxa ay qabiilkaas la kooxaysaa labada qabiil ee kale ee Suri iyo Me’en kuwaas oo dhammaantood ay ugu yeedhaan qabiil-weynaha Surma kaas oo qabiilka Mursi uu diiday inuu hoos yimaadda isla markaana loogu yeedho Surma.
Mursigu waxa uu kaga duwan yahay qabiillada kale ee Afrikaanka ah ee ay dhaqamada iyo caadooyinka wadaagaan, waa dad meel kaliya deggen oo aan guur-guurin. Waxa jira siyaabo badan oo ay qabiilkani kaga duwan yihiin dadyowga ay isku deegaanka yihiin. Tusaale ahaan, Luqadda ay dadkani ku hadlaan waxa ay ka mid tahay bahda afafka la isku yidhaahdo Nilo-Saharan, halka dadyowga ay isku deegaanka yihiin qaarkood kaga hadlaan bahda luuqadaha la isku yidhaahdo Afro-Asiatic oo luqadda Amxaarigu ka mid tahay, in kasta oo qaybo yaryar oo qabiilkan ka mid ahi ku hadlaan luqadda Amxaariga.
Dadka Qabiilkani intooda badani waa qaar aan waxba akhriyin waxna qorin. Marka la eego dhinaca diimaha ay aaminsan yihiin, in kasta oo inyar oo ka mid ahi ay haystaan diinta Masiixiga, intooda badani waxa ay caabudaan xayawaanada, iyaga oo rumaysan in dhirta, xayawaannada iyo qaar kale oo ka mid ah walxaha aan noolayn ay ruuxi ku jirto.
Waxa qabiilkan lagu yaqaanaa in hablahooda iyo dumarkuba ay dabnahooda hoose ku xidhaan biro wareegsan waxaanay dhaqamadan isaga mid yihiin qabaa’illada Amazon sida Suya oo ku nool agagaaarka webiga Xingu ee waddanka Brazil, in kasta oo qabiilka Suya raggoodu ay dabnahooda ku xidhaan biraha wareegsan, halka Mursi-ga ay dumarku ka xidhaan.
Qabiilka Mursi-ga hablaha gashaantimaha ahi waxa ay dabnahooda ka hoose ka lulaan bir wareegsan iyo kuulo ka laadaan. Sida ay tani ugu suurto-gasho, qabiilkani waxa ay sameeyaan in hablaha inta ay yar-yar yihiin laga daadiyo ilkahooda hoose. Deegaanka ay qabiilkani ku nool yihiin oo ah dhul-kaymeed duur-joogtu ku badan tahay isla markaana dhaqaale badan ka soo galo dawladda Itoobiya, waxa ay muddooyinkii ugu dambeeyey la kulmayeen baro-bixin ay dawladda waddankaasi kaga saarayso deegaanka iyaga oo aan magdhow ka helin baabiin loo gaysto guryahooda ku dhex yaala dhulka duurjoogtu ku nooshahay.
Qabiilkan waxa lagu tixgeliyaa inay yihiin ka mid yihiin qabiillada Afrika ee ugu daan-daansiga badan isla markaana duullaannada ku qaada qabiillada kale. Waxa ay caan ku yihiin munaasibad dagaal oo la yidhaahdo Donga taas oo ay ulo ku ragga qabiilkan cawaanka ah. Ninka ku guulaysta dagaalkani waxa uu awood u leeyahay inuu xusho hablaha ugu quruxda badan ee qabiilkan, xataa haddii uu nin kale qabo. Qabiilkan waxa caado u ah inay cabbitaanka ka dhigtaan isku jirka caano iyo dhiig la isku daray sida ay sameeyaan qabaa’illada cawaanka ee ku nool meelo badan oo ka mid ah qaaradda Africa.






Hablaha Gashaantimaha ah ee Qamiilka Mursiga

Nasiib News Network

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking