COMING SOON......Radio Nasiib

Tuesday, December 7, 2010

Jaceylkii Astaanka Qaranka Ku Najaxay (Love Success with the name of Government)

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada muslimka ah gaar ahaan reer Somaliland ,
Waxaan kaloo salaamayaa saxaafada afka somaliga ku hadasha gaar ahaana kuwa Somaliland..
Adduunka aynu ku noolahay waxa uu yahay mid ku dhisan nadaam is doorasho dhex maraaya lab iyo dhidig kawaas oo gudanaaya waajibkii ilaahay ina saaray ee ahaa markaa ficilka keentaan ayaa jawaabta helaysaan..
Wax badan ayaa laga hadlay jacaylka iyo arimihiisa iyadoo buug badana laga qoray ayaad hadana is odhanaysaa fari kama qodna

Labada qof ee jacaylku dhex maro kuwaada sheekada reebaa inta badan waxay noqdaan jacaylka guul daraysta, waxase jira jacaylo badan oo hir galay, iyadoo waliba ay kala duwan yihiin jacaylka gabadho wax jaceshay iyo ka ninku wax jecel yahay waxaana aynu odhan karnaa jacaylka gabadhu wax jeclaato ayaa badanaa guuleysta, waa marka aynu qiimaynta ka qaadano qarnigan..

Jacaylku labada qof dhexmarayaa waxa la isku raacsan yahay in uu mid ku horaynaayo ka kale in uu haleelo iyo in ka dagi waayo labadaba waa la arkaa waana dhacda in qofka jacaylku ku horeeya uu sameeyo tab iyo xeelad sidii uu qofkaa kale ugu abuuri lahaa jacaylka isaga haya.

Nuxurka sheekada
Magaalooyina waaweyn ee Somaliland oo mudooyinka danbe ay dhalin yaradu aad kor ugu soo kaxaysa ayaa waxa dhacday in wiilal iyo gabdhoba aad wax loo bartay ilaa heer jaacadu wadankii laga helay taas oo sababtay in shaqooyin laga helay shirkadaha gaarka loo leeyahay, haayadaha, Ngo iyo xafiisyada dawladaba wax kale oo badanaa suura galiyey in dhalin yartu aad isu barato technologyada casriga ah sida telfoonada iyo internet-ka

Hadaba waxa dhacday in gabadh xoghayn ka ah xafiis masuul sare oo ka tirsan xukuumada Somaliland ay calmatay ama jelcaatay wiil ay isku magaalo joogaan gabadhaas oo mudo badan wiilkaa u sheegaysay in ay jacashahay oo doonayso in nolol la wadaagto laakiin nasiib daro wiilkii jacaylkii waa ka dagi waayey, isagoo marnaba gabadhan aan tusin in uu si toosa u diidan yahay ayuu hadana jacaylkii sidii ay doonaysay ula wadi waayey ‘ dabcan aqoon daro dhanka jacaylka ahina waa haysay wiilka’ mudo sanado ah markii gabadhii ninkii daba socotay oo ay wax guula ka gaadhi wayday,, gabadhii tab u hadhsan oo kale markii ay wayday jacaylkiina lafaha sii jabiyey mudo bil ku dhaw ayey u fakaraysay sidii hal mar oo kale ugu quusan lahayd in uu ka aqbalo jacaylkeeda iyadoo arimo badan marba mid maskaxda ku qabatay ugu danbeyntii gabadhii waxay go’aan ku gaadhay in ay wiilkaa waraaq u qorto waraaqdaas oo ay ku dhan yihiin astaantii qaranka iyo shaabadii masuulka ay xafiiskiisa joogto,,

Qodobkaa markii ay heshay ayey si toosa ugu dhiiray waxaanay qortay waraaqdii iyadoo kaga sheekaysay jacaylku heerka uu la gaadhay iyo nolosha ay ku sugan tahay..

Ninkii markii ay gaadhay waraaqdii sumada, astaanta qaranka iyo shaabada masuul jago sare ka haya xukuumada ay gaadhay ee uu si fiican u akhristay wax ka yar 5 second ayuu ku aqbalay jacaylkii telfoona wuu u soo diray gabadhii isagoo u sheegay in uu jacaylkii la qaaday isla markaana mudo gaaban ay hawshii ku dhamaynayaan,, farxada iyo rayraynta maaha mid tafaasiil badan u baahan

Ugu danbeyntii

Reerkaasi waxay ku dhismeen waa astaanka qaranka iyo shaabada masuul sare oo ka tirsan xukuumada

Sacad ciise cumar
Berbera Somaliland

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking