COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, December 15, 2010

Taliyaha Booliska oo ka hadlay dil ka dhacay degaanka Ceel-berdaale

Hargeysa 14, December 2010 (Nnn)- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Col. Cilmi Rooble Furreh (Kabaal), ayaa ka hadlay dil habeen saddexaad ka dhacay degaanka Ceel-berdaale.
Taliyaha oo shalay u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu sheegay in dilkaas ay fuliyeen 15 nin oo weerar gaadmo ah ku qaaday qoys meel degenaa, kuwaasoo hal qof dilay, mid kalane dhaawacay. Waraysigaas oo uu Taliyuhu arrimo dhawr ah kaga jawaabay, waxa uu u dhacay sidan;
S: Taliye maxaa ka jira in dil ka dhacay degaanka Ceel-berdaale?
J: Aag Ceel-bardaale beel ka mid ah oo qoys ah oo degan ayaa habeen hore saacadu markii ay ahayd 2:00 ayay rag 15 ahi ay mireen baa la yidhi, wiil laygu sheegay 25 jir baa ku dhintay, aabihiina way ku dhaawaceen. Xaalada waxaan shalay u diray saraakiil fara badan ciidanka, qarankuna meel ku dhaw buu deganyahay. Wiilkii waa la aasay, odayaal badanina way tageen, xaaladuna way iska degentahay, inkastoo halka shishe laygu soo sheegayo in dhaqdhaqaaq ka jiro.
S: Xaga shishe ma waxaad ula jeedaa xaga Boorame?
J: Dadkani waa dad isku dhex jira, waa reerihii soke ee aaga ka sokeeyay ee isla dhinaca bariga iyo galbeedka. Saraakiishu shalay way soo dhexmartay tuulooyin badan ayay soo martay, reero badan ayay soo martay, way wada degan yihiin, way wada fadhiyaan sida xalay (habeen hore) riboodhku igu soo gaadhay.
S: Taliye, sidaad ogtahay meeshu waa aagga Ceel-berdaale oo shaqaaqadeedu muddo soo noqnoqotay, iyadoo beelaha degaanku ku muransan yihiin, markaa ma arrintii ay la xidhiidhaa dhacdadani?
J: Arrintaas ayay la xidhiidhaa aano ugu dambaysay oo qolada bariga sida lay sheegay laga dilay ayay la xidhiidha. Hase yeeshee, inteeda badan anigoon doonan inaan ka hordhaco wararka ugu dambeeyay waxay sheegayaan xaga bariga nin laga dilay ayay aanadu la xidhiidha ayaaba la leeyahay.
S: Markaa arrintani muddo ayay soo socotay, miyaanu ciidan ku kala dhex jirin, miyuu ciidankaasi gaabiyay?
J: Ciidanku waa ciidankii qaranka oo ugu shisheeya oo aaga u dhaw, hasa yeeshee ciidanku beel walba lama degana, aagguna waa aag aad u balaadhan, waa aag buuralay ah, waa aag inta kale banaan tahay, reer walba aad ayay u degan yihiin, markaa ciidanku wuu wada dhexjooga, markaa qoys walba lama degana.
S: Inkastoo aad adigu tahay Boolis, laakiin ay xukuumadda iyo siyaasinta u taalo arrintani, in badan ayay soo noqnoqtaye, maxay dawladdu talaabo uga qaadi wayday oo ay u xalin wayday?
J: Taasi qaranka ayay khusaysaa, horena arrinta waa lagu jiray, imika laftigeedana qaranku faraha kamuu qaadani, marka xukuumada ayaa faraha ku haysa.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking