COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, December 30, 2010

WorldRemit: Adeeg Cusub oo Wakhti Badan La Sugayey (Goob kasta iyo Goor Kastaba)

By: Architect/Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |UK|


Immisa ayaad diraysaa? Halkee loo dirayaa? Yaa diraya? Yaa loo dirayaa? …!

Shaki la’aan, qof kasta oo booqda xarumaha lacagaha laga xawilo, waxaa badanaaba uu maqlaa ama dhegihiisa ku soo dhaca afarta su’aalood ee kor ku xusan.
Waa su’aalaha ay Shirkadaha Xawaaladuhu weydiiyaan macaamiishooda lacagaha ka xawilaya, si ay lacagaha ugu gudbiyaan meeshii looga baahnaa. Illaa hadda, waa habka keliya ee ay adeegsadaan Shirkadaha Xawaaladuhu si ay ugu adeegaan macaamiishooda. Waana qaab adeeg oo guud ahaanba dhammaan Shirkadaha lacagaha xawilaa ay ka siman yihiin, marka laga reebo Shirkadda Casriga ah WorldRemit (www.worldremit.com).


Waxaan in badan ku fikiri jiray ama aan isweydiin jiray:
Goorma ayey suurto gal noqon doontaa adiga oo jooga gurigaaga, xafiiskaaga, goobta  shaqadaada, xarumaha waxbarashada, dhakhtarrada iyo meelo kaleba inaad haddana Baankaaga lacag ka xawili karto, oo aad si toos ah ugu shubi karto ama ugu gudbin karto Account-ka Shirkadda Xawaaladda??

Waxaa hubaal ah in aanan anigu ahayn qofka keliya ee arrintaa ku fikiri jiray! Dabcan, waxa jira dad aad u badan oo qurba joogga ah oo iyaguna muddo badan su’aashan oo kale isweydiinayey, isla markaana aad u jeclaan lahaa inay helaan adeeg casri ah oo la jaan-qaadi kara qaab nololeedka bulshada ee waqtigan aynu joogno. Haddaba inkasta oo ay waqti dheer qaadatay, waxa muuqata in su’aashaa inta badan la isweydiinayey ay haatan ka jawaabtay Shirkadda Xawaaladda Casriga ah ee WorldRemit.  

Maxay soo kordhisay WorldRemit ee ay kaga duwantahay kuwii hore u jiaray?

ü      Looma baahna in waqti kaaga lumo lacagta aad dirayso oo aad tagto xarumaha Xawaaladaha.
ü      Looma baahna inaad shaqada fasax ka qaadato, ama carruurta aad cid kaga soo tagto si aad lacag ugu xawisho eheladaadii.
ü      Looma baahna inaad lacag kash ah gacanta ku sii qaadato, ama aad baanka tagto.
ü      Looma baahna inaad safka (queue-ga) gasho ama aad sugto dadka kaa horreeya!
ü      Looma baahna in cidi maqasho xogta iyo sirta adiga kuu gaarka ah, ama dhegehaagu maqlaan afarta su’aalood ee dadka daashaday!


2.      WorldRemit: Goor Kasta iyo Goob Kastaba
ü      WorldRemit  waa Shirkadda keliya ee u shaqaysa sida Baananka caalamka oo kale.
Taasoo macnaheedu yahay inaad si toos account-kaaga lacag uga xawili karto adigoo adeegsanaya lacagta ku jirta Baankaaga, Debit Card ama Credit Card.
ü      WorldRemit  waa Shirkadda keliya ee System-keedu ku xidhan yahay nidaamka lacag bixinta adduunka oo dadka u suuragelinaysa in ay lacagta toos ugu diri karaan Bank Account waddama iyo magaalooyinka aanay xawaaladuhu ku lahayn wakiillo.
ü      WorldRemit  waa Shirkadda keliya ee leh Website casri ah, ammaan (secure) ah, si sahlan aad u adeegsan karto oo aad si toos lacag ugu diri karto isla markaana laguugu soo diri karo goor kasta iyo goob kasta oo aad joogto.
ü      WorldRemit  waa Shirkadda keliya ee leh adeeg casri ah oo loogu tala galay Ganacsatada heer kasta oo ay yihiinba. Si loo dhiirri geliyo ganacsatada isla markaana kor loogu qaado awoodooda ganacsi iyo maalgashiba. Shirkadda WorldRemit waxay ganacsatada ka caawin kartaa in ay ka maarmaan lacagihii wakiillada xawaaladaha ee waddamada sida Imaaraadka (UAE) gacanta lagu qaadan jiray oo Account-ka wakiilka ganacsadaha toos loogu shubayo.

v                        Guntii iyo Gebagabadii WorldRemit waa Shirkad Casri ah oo:
ü      U shaqaysa si la mid ah sida Baananka caalamka .
ü      Leh Website casri ah , goor kasta iyo goob kasta oo aad joogto.
ü      Leh adeeg casri ah oo loogu tala galay Ganacsatada.
ü      Leh maamul iyo nidaam loo aqoonsadey in heerkoodu sarreeyo oo wax cusub kusoo kordhiyey qaabkii hore ee xawaaladuhu u shaqeyn jireen.

3.     Mulkiilaha WorldRemit:

Shirkadda WorldRemit waxaa aasaasay oo ay fikraddiisii ka soo maaxatay: Dr. Ismail Ibrahim Ahmed. Asaaska iyo saldhigga ay Shirkadda WorldRemit ku qotonto waxa weeye:
ü      Talooyinkii iyo fikradihii laga helay Cilmi baadhis qoto dheer oo lagu sameeyey guud ahaanba hannaanka adeegyada ee Shirkadaha Xawaaladaha dunida.
ü      Aqoon casri ah, khibrad iyo waayo aragnimo durugsan oo si fiican u fahansan baahida macaamiisha, tayeynta iyo kor u qaadista adeegga Xawaaladaha, si ay ula jaan qaadi karaan baahida isa soo taraysa ee macaamiisha waqtigan casriga ah.

Haddaba waa kuma Dr. Ismail Ahmed?

a.       Raadraaca Aqooneed:
Dr. Ismail I. Ahmed waa aqoon yahan ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, maamulka iyo maareynta. Dr. Ismail Ahmed, waxa uu:
ü      Shahaadadda MSc (with distinction) iyo shahaadadda PhD ku qaatay Cilmiga Dhaqaalaha (economics):   London University
ü      Shahaadadda Executive MBA ka qaatay Jaamacadda cilmiga maamulka ugu horreysa dunida ee loo yaqaanno London Business School.
ü      Leeyahay in ka badan 20 sano oo waayo-aragnimo shaqo oo u leeyahay habka iyo nidaamka ay u shaqeeyaan nidaamka lacag dirista ee caalamku.


4.      Abaalmarinnada (Awards) ay ku guulaysatay WorldRemit:
1.       Abaalmarinta sida weyn loo qiimeeyo ee London Business School business  
       plan competition 2010.
2.       The entrepreneurship award at the Somali Achievement Awards, in London on 11 December 2010  |<<<.>>>|

WorldRemit
Telephone:           +44 (0) 207 148 5800
Fax:                      +44 (0) 207 148 6119

By: Architect/Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |UK|

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking