COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, December 15, 2010

Shalay: Xukunkii Afartanka Karbaash ee Maxkamadda

Maxamuud Cali Maxamed…….Warbixin
Goobtu waa sabada ay ku yaaliin maxkamadaha Somaliland, gaar ahaan maxkamada gobolka iyo ta degmada Hargyesa. Sida caadadu tahay goobtani waxay ka mid tahay meelaha sida joogtada ah loogu soo jarmaado helitaanka adeegyo kala duwan, haba ugu weynaato cadaaladu, sida loogu yimaado suuqyada adeegyada kala duwan, laakin waxaan ka maqnayn dar kale oo ugu soo jarmaada soo dhicitaanka xuquuqda dadka kale, sifahay doonaan ha u mareene , sida dhaar beenaadka. Dadka ugu badan ee goobtan adeega u soo doonta ama macmiisheeda ugu badani waa danyarta, dumarku hawgu sii bataane, waxaan iyaguna ka madhnayn inta lagu tuhmo dufanka adduunyada.
Arooryadii hore markaan gaadhay goobtaa sare ku xusan , iyadoo hadafkayga koowaad ahaa bal inaan xog ka soo helo sida maxkamadaha dalkeenu u shaqeeyaan, marka laga yimaado dhaliilo iyo dhaleecayn badan oo badiyaa laga sheego. Waxay indhahaygu qabteen qeybaha kala duwan ee aan soo sheegnay , iyagoo dhinaca kale aanay ka maqnayd dadka adeegyada lama huraanka ah ka qabta goobtaa sida meheradaha shaaha, dadka ku shaqeysta qorida codsiyada oo ah meelaha ugu dalabka weyn. Waxay qoor-sheegtu ahayd todobadii iyo badhkii, xilligii xukuumada cusubi sheegtay in laga dhigay wakhtiga xafiisyada dawladu bilaabayaan adeegyada dadweynaha, balse halkan aan joogay waxaad moodaysay meel aan lagu dhaqmin sharcigaa, marka laga reebo xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Degmada, oo ahaa masuuka keliya ee wakhtigaa ku sugna xafiiskiisa. Waxaan is weydiinayey maadaama macmiishii goobtani diyaar yihiin waxa loo waayey masuuliyiintii xil ka saarnaa u adeegida dadka. Intaanan hawshii aan u socday guda gelin ayaa ugu horeyn waxay indhahaygu qabteen xafiis uu wajahadiisa ku qornaa ‘Haweenka Qareenada…..’, waxaanan ku tallamay in booqashada xafiiskaasi, waxuu ku kordhiyo hawshaydii mooyee waxba u dhimayn, ka dibna waxaan ugu soo galay xafiskii afar hablood oo da’ ahaan isku dhowaa, siday ii sheegeen ka tirsan ururka haweenka qareenada, isla markaana ay adeegyo kala duwan ugu qabtaan halkan dadka danyarta ah ee aan awoodin qabsashada qareen uga dooda dacwadahooda, isla markaana aanay ku koobnayn u doodida dumarka keliya, oo aan anigu su’aal ku weydiiyey inay dumarka oo keliya u adeegaan, balse ii sheegeen inay rag iyo dumarba u adeegan. Is wareysi gaaban ka dibna waxaan u sii dhaqaaqay gaadhitanka hadafkii aan lahaa.
Waxaan ka dib ku hakaday bal inaan waxii macluumaad ee aan ka heli karo ka sii qaato qof ka mid ahaa dadka iyagu ku shaqeysta qorida arjiyada, oo aad odhan kartid hadii si weyn loo kaabo inay xog dhaqaale badan ku bixi lahaa, si fudud looga heli lahaa, maadama waxa kiisas maxkamadaheena soo gala ay yihiin dadka soo diyaariya dacwadahooda furitaanka iyo mar kastoo qoraalo dheeri ah looga baahdo qofkii dacwoonayey. Iswareysi gaaban ka dib waxyaabaha aan ka helay waxa ka mid ahaa in dacwadaha waxa muddadooda fogeeya ay yihiin dadweynaha, oo qof aan xaq lahayn intuu dhaqaale adeegsado marba meel kale ula sii gudbo. Kiisaska dacwadaha madaniga ah ee qoysaska oo isaga inta badan uu la kulmana cabashada haweenku u badan yihiin biil la’aan iyo ka warhayn la’aan ay kaga cawdaan ragooda. Inkastoo xogo ka sii faahfaahsan aan ka helay haddana waxaan u dhiganayaa kuwaa inaan kuwo kale ku sii helo anigoo wax ka weydiin doona masuuliyiinta ay khusayso, ka dib waxaan abaaray qolalka lagu qaado dacwdaha mid ka mid ah bal si aan indhahaga markhaati ilaa xad uga ahaado sida hawl maalmeedka dacwad qaadistu uga socoto.
Waxaanad filayn iyo……ayaa la yidhi, kiis go’aankisii lagu dhawaaqay ayaa waxa ku jiray xukunka in eedaysanahaa marka inta kale laga yimaado in lagu dhufto afartan karbaash. Waxaan hoosta iska weydiiyey, oo tolow karbaashka diinteena Islaamka keliya ayuu xukunkeeda ku jiraye, Diintii Islaamka iyo Penal Code miyaa laysu raaciyaa eedaysanaha, hadday sidaa tahayse goorma iyo halkee ayaa ciqaabta karbaashka lagu fuliyaa?! Waxaa muddo yar ka dib haddana lagu dhawaaqay go’aanka dacwad kale oo eedaysane aabahii hadalo laf-jab ah ku yidhi lagu xukumay xadhig gaadhaya saddex sannadood, laakiin sidaan filayo inay intii dhegeysanaysay ila wadaagto waxaan u arkayey mid lagu yareeyey ciqaabta, weliba uu ku wacnaa in loo raaciyo inan la iibsan karin xabsiga dacwadaha aflagaadada waalidka iyo wax u dhimista diinteena suuban ee islaamka sida caydeeda, si inta kale ugu tusaale ugu noqoto. Waxa iyana jiray kiisas lagu dhamaynayey is-afgarad ama loo mudaynayey in xal lagaga soo gaadho, laakiin waxii aan arkay iyo waxaan maqli wey kala fogayeen.
Muddo aan dibedda u soo baxay ayaan weydiiyey nin aanu saxiibo ahayn oo hawl ka soo gashay goobtii, isbedelkan laakiin waxuu ii raaciyey xog kalo sii shiilid u baahan, dibna aynu natiijadeeda hadii ilaah yidhaahdo ka heli doono, laakiin waxa xusuus lama ilaawaan ah igu reebtay aragtidii hooyo wadatay caruur gaadhaysa sideed, oo aan odhan karo ka u weyni waxuu ahaa ilaa sideed ama sagal jir, oo kaabad hoolalkii maxkamada horteeda ku murugeysan, waxaan isku deyey inaan bal la qeybsado dhibka heysata, waxii aan ku tari karana ka caawiyo, sidoo kalena dumar kale ayaa igu soo gaadhay anigoo jawaabo ka sugaya, laakiin iyadoo ilmadu soo dhaafayso ayey noo sheegtay inay ka dacwoonayso ninkeeda, balse aanay weli ka helin maxkamadaha garsoorkii xaq ah ee ay raadinaysay .
Nasiib wanaag waxaan dib u xusuustay hablahii aan kula soo kulmay xafiiska ururka qareenada haweenka, oo hore iigu sheegay inay ka caawiyaan dadka danyarta ah waxii ku saabsan dacwadaha maxkamadaha, waxaanan u soo hogaamiyey iyada iyo caruutii sideeda ahayd oo laba laba gacmaga isu haysta xafiiskaa, isbarid ka dibna waxaan ka codsaday inay waxii awoodooda ah la qabtaan hooyadaa duruufahu haystan ee u baahan inay xaqeeda hesho haduu ka maqan yahay.
Ugu danbayn, waxaan qormadan qoobjoogida dhacdooyinkaa kaga baxayaa gabay u hore abwaan u tiriyey oo ereyadiisa ay ka mid ahaayeen, “Nabiibiyahu warkuu sheegayuu nacas run moodaaye, Anna nadartu waxaan soo arkaan nacam idhaahdaa’.
Wixii tallo ahna waxaad noogu soo diri kartaan  mohamoudali33@gmail.com


Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking