COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, December 15, 2010

Xubnaha Mooshinka watay maxay ka yidhaahdeen go’aanka golaha?

Hargeysa 14, December 2010 (Nnn)- Mudaneyaasha watay mooshinka wax-ka-bedelka xeer-hoosaadka golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay go’aan shalay lagu soo gebogabeeyay fadhigii golahaas, isla markaana lagu laalay mooshinkooda.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo u hadlay mudaneyaashaas, waxa uu naqdiyay go’aa Madaxweynaha oo ay hore u sugayeen ka qaatay mooshinkooda, wuxuuna ka hadlay siday u arkaan go’aanka golaha iyo waxa hadda u qorshaysan, wuxuuna waraysigaas u dhacay sidan;
S: Xildhibaan sided u aragtaan arrinta maanta (shalay) dhacday?
J: Go’aankii maantu (shalay) runtii wuxuu ahaa go’aan naga nixiyay, ummadana ka nixiyay, go’aan Kali-talisnimo iyo awood-sheegasho xambaarsan ayuu ahaa, go’aan sharcigii lagu jabiyay, go’aan muujinaya in la qaaday wadadii qaloocnayd ee ay madaxdii Afrikaanku qaadi jirtay.
S: Maxaad ugala jeedaa go’aan khaldan oo ah wadadii ay madaxda Afrikaanku ay qaadi jireen?
J: Waxaan ugala jeedaa, anigu horta golaha muddo 15 sano ah ayaan ku jiray, walaalkay Samaale ee hadlay maantana 5 sano ayuu ku jiray, Distioorka iyo xeer-hoosaadka ayaanu ku dhaqanaa oo golaha lagu hagaa. Waxaan kuu sheegayaa fadhina ma furmi karo, go’aana lagama gaadhi karo golaha. Haddaan kooramku buuxsamin, taasoo micnaheedu yahay kala-badh iyo inka badan, kaasoo ay caddaynayso qodobka 38aad faqradiisa 3aad ee Distoorka qaranka Somaliland, wuxuu baarlamaanka xil-gudashadiisa ku salaynayaa Distoorka iyo xeer-hoosaadkiisa, qodobka 45aad ee Distoorka faqradiisa 2aad iyana waxay leedahay fadhiga golaha Wakiiladu wuxuu ku furmi karaa marka ay joogaan kala-badh iyo inka badani, isla qodobkaa faqradiisa 3aad waxay sheegaysaa go’aamada goluhu waxay ku ansaxayaan hal-dheeri, marka laga reebo xaaladaha uu Distoorku ama xeer-hoosaadku golaha u jideeyey aqlabiyad kale. Markaa waxay iskaga soo horjeedeen maanta (shalay) Samaale (guddoomiye kuxigeenku) wuxuu yidhi kooram looma baahnayn, halkana Distoorku wuxuu sheegayaa fadhiga golaha Wakiiladu wuxuu ku furmi karaa markay joogaan kala-badh iyo inka badan.
S: Laakiin, guddoomiye ku-xigeenku wuxuu ku sheegay in kalfadhigu uu awalba ahaa mid aan caadi ahayn?
J: Fadhi micnaheedu waxa weeye, waxa loola jeeda shir ama kulan kasta oo golaha Wakiiladu fadhiistaan oo kooram ku furmay.
S: Haddii idinku aad qabtaan sida aad sheegayso oo aad sharcigaa ku dhaqmaysaan maxaad u iman waydeen haddii aad idinku aqlabiyadii tihiin?
J: Horta, anagu aqlabiyadii ayaanu ahayn, xeer-hoosaad baanu is-nidhi fura, markii ay xukuumadda cusubi timi, waanu is qiimaynay, iyadoo ummada lafteedu iyo saddexdii gudoomiye xisbi oo ku jiro Siilaanyo, hore loo waydiiyay bishii May oo la yidhi ka waran xil-gudashada xildhibaanada oo ay yidhaahdeen waxba nimankaasi may qaban, ka dibna maalin dhawayd uu Samaale hadlay oo yidhi golahayagii waxba muu qabane ummadu hana saamaxdo iyo ummada oo na canaananaysa. Markaanu waxaasoo dhan aragnay, waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu golahayagii boodhka ka tuno oo aanu xukuumadda la jaanqaadno labadaa sanadood muddo kordhinta ah ee la sameeyay in wax alla wixii naga baaqday dhamaystirno, ka dib waxaanu nidhi xagaynu ka bilawnaa? xeer-hoosaadka aynu ka bilawno, xeer-hoosaadkii wuxuu tilmaamayaa waxa soo-jeedin kara 11 mudane, marka xeer-hoosaadka wax laga bedelayo in ka badan ayaanu ku soo jeedinay.
S: Waxa jirtay inuu Madaxweynuhu idin soo dhexgalay oo uu doonayay inuu dhexdhexaadiyo labadiina dhinac, taasi halkay ku dambaysay?
J: Waxa wallaahi naga fajicisay oo aanu imika la yaaban nahay horta Madaxweynuhu laba codsi ayuu noo sameeyey, midi wuxuu ahaa isaga oo maqan, xildhibaan Aadan Tarabi Oogle ayuu la soo hadlay oo wuxuu yidhi igu sima waanu aqbalnay, Madaxweyne ku-xigeenku wuu noo yeedhay waanu aqbalnay, guddoomiyaha Guurtidu wuu naga codsaday oo waanu aqbalnay. Markii uu yimi, ka dib rag baanu u dirnay, waa la soo bariidiyey, ballan ayuu soo qabtay, 13 xildhibaan oo saddexda xisbiba ka kooban ayaanu u dirmay habeen dhaweyd, way is arkeen, nasiib-darro Madaxweynuhu isaga oo aan wareysan xildhibaanadii wuxuu sitay markaa oo uu jeebka ku sitay talo xaga kale laga siiyay, codsigiisii halkii uu ku furi lahaa oo uu wareysan lahaa ilayn isaga ayaa la sugayee may dhicin taasi. Laakiin, wuxuu yidhi ‘nimanyahaw xeer-hoosaadka waan maqlay, shaqadaasi waa shaqadiinii, laakiin tiradaa 55-ka ah ee lagu ridayo Shirgudoonka ee aydun 42 ka dhigaysaan, nimanyahaw arrintaa waan idinka codsanayaaye hakiya, ka dib waa lala hadlay, markii hadalkii la dhameeyay, haddana ee uu arkay wixii lagu shubay iyo wixii raga ka soo baxay ay kala duwan yihiin, Madaxweynuhu haddana wuxuu yidhi ‘anigu ambiilka wuu idiin taagan yahay, waxaad ku hadasheena waa gar,’. Ka dib kaasaanu shalay (doraad) u fadhinay, anagoo u fadhina ayaa Idaacada laga sii daayay bari goluhu wuu furmayaa, waanu xidhmayaa oo kalfadhigii ayaa xidhmaya. Xildhibaano ayaan u soo diray Madaxweynaha, waxaan idhi ‘Madaxweyne codsigaagii dambe anagoo ka hadlayna ayaanu arrintaa idaacadda ka maqalnay, Madaxweyne is cadee oo waxan miyaad la ogtahay?….ileen adiga ayuu golahani kuu xidhnaaye, adigiina maad odhan golihii waan furaye Madaxweyne maxaa arrintaa ka jira?, dhaarbuu ka maray, wuxuu yidhi wax aan ka ogahay ma jiro, imikana anigaa nimankii u yeedhaya oo war dambe ayaan idinku soo celinayaa. Ka dib xalay (habeen hore) abaaro 10-kii ayuu nala soo hadlay wuxuu yidhi nimankii waxay leeyihiin muddadii kalfadhiga ayaa dhamaynaysee ha yimaadeen, way diideen oo waxa ka muuqata nimankii diidmo, ka dib waxaanu nidhi Madaxweyne goluhu adiga ayuu kuu xidhnaa, golahani wuxuu ku furmi karaa iyada oo heshiis lagu wada yahay, Madaxweyne haddaan halkaa isugu tagno imika oo ay yidhaahdaan wixii waanu burinaynaa, anaguna aanu nidhaahno waxayagii waa sharci buuq baa ka dhalanaya, markaa maxaanu yeelnaa? Ka dib, waxa uu yidhi idinku maxaad jeceshihiin? Waxaanu ku nidhi, waxaanu jecelnahay inaanu ka maqnaano, si loo kala badbaado, waa hagaag ayuu yidhi Madaxweynuhu.
S: Markaa maxaad yeelaysaan imika oo idin horyaala?
J: Horta, imika waanu tashanaynaa oo waanu wada fadhinaa, wadanka dooni mayno inaanu dab galino, Madaxweynihii uu u xidhnaa goluhuna dib baanu ugu noqonaynaa, Illaahayna waxaan ka baryayaa wixii khayr leh. Laakiin, waxaan ummada u sheegaya wadada la qaaday maanta waa wadadii madaxda Afrikaanku markay kursiga jeclaato ay sharciga ku jabin jirtay, markaa wadadu way inaga qaloocatay, aniga baqdin ayay I galisay waxaa maanta (shalay) dalka ka dhacay.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking