COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, November 29, 2010

Sh.Aadan Siiro oo looga yeedhay Xarunta CID iyo Dareenka Ku Xeeran Arintaasi

Hargeysa, 28 Nov, 2010 (Nnn)- Hay’adda baadhista dambiyada ee CID-da ee Somaliland ayaa la sheegay inay warqad yeedhmo ah u qortay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalkan Somaliland.
ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in warqada yeedhmada ah ee loo qoray Sheekh Aadan-Siiro ay la xidhiidho khudbad kulul oo uu Salaadii Jimce ee doraad ka jeediyay masaajidka ku yaala xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa, taas oo uu kaga tiraab celiyay hadalo ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabose, oo uu kaga hadlay nin Jarmal ah oo Hargeysa ugu xidhan falal dhaqan xumo ah oo uu ku sameeyay hablo reer Somaliland ah, waxaanu Sheekh Aadam ku baaqay in ninkaas shareecada Islaamka la mariyo.
Ilahaas xogogaalka ahi waxa ay intaas ku dareen in la filayo in Sheekha maanta looga yeedho xarunta CID-da, waxaana la sheegayaa inay Sheekha arrimahan u maleegayaan masuuliyiin ay dhibtay khudbadiisii salaadii Jimce oo doonaya inay sharaf dilaan.
Sheekh Aadan-Siiro oo ku caan baxay ilaalinta shareecada iyo qaddiyadda Somaliland, khudbadihiisana salaadda Jimce ku eega hadba dhacdooyinka bulshada dhexdeeda ka taagan, laguna yaqaano difaaca arrimaha danyarta iyo waxtarokooda, waa markii ugu horaysay ee intii xukuumado dalka soo maray looga yeedho xarunta CID-da ee Somaliland, waxase la eegi doonaa halka ay isugu biyo shubato arrintan oo la filayo inay dareen xaasaasi ah ka dhex abuurto bulshada, maadaama oo uu yahay Sheekh magaca ku dhex leh bulshada islamarkaana taageerayaal badan iyo jawaabta ay shacabku ka bixiyaan.
Hay’adda baadhista dambiyada ee CID-da ayaa lagu eedeeyaa inay indhaheeda iyo shaqadeeda ku koobto bulshada Somaliland gudaheeda, balse ay iska indho tirto inay nidaam qaran ku shaqayso, waxaana la xasuusanyahay inaanay dan iyo muraad ka gelin dadka ka soo horjeeda qaranimada Somaliland ee dhex mushaaxa magaalooyinka kala duwan ee Somaliland oo uu u dambeeyay siyaasiga Cismaan Jaamac Cali oo isagoo aan aaminsanayn Somaliland dhawaan muddo dheer dalka joogay. Waxaana muddooyinkan dambe la arkayaa in hay’adani hawlaheeda ku koobtay daba galka dadka difaaca ee taageersan madaxbanaanida Somaliland. Si kastaba ha ahate yeedhmada CID-da ee Sheekh Aadam-Siiro, waxa la eegi doonaa halka ay ku dambayso iyo wararka ka soo kordha.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking