COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label doorashooyinka. Show all posts
Showing posts with label doorashooyinka. Show all posts

Sunday, July 18, 2010

“Codka ugu badan ee maanta KULMIYE ku fadhiyo gobolka Maroodi-jeex ayuu ka helay”

Madax-weyne-ku-xigeenka la doortay
Hargaysa,(Nnn)-Madaxweyne ku-xigeenka la doortay Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa u mahadnaqay dhamaan madaxdii iyo hawlwadeenadii gobolka Maroodi-jeex iyo Komishanka Doorashooyinka, kuna amaanay sidii ay uga qayb qaateen ololihii doorashada madaxtooyada ee dhawaan ka dhacday dalka.
Madaxweyne ku-xigeenka la doortay oo xalay ka hadlayey munaasibad ay soo qaban qaabiyeen hawla wadeenadii doorashada ee gobolka Maroodi-jeex iyo Garabka haweenka xisbiga KULMIYE wuxuu carabka ku adkeeyey inay fullin doonaan ballamihii ay qaadeen xilligi ololaha doorashada “Waxaan u mahadnaqayaa gobolka Maroodi-jeex oo ahaa gobolkii ugu dadka badnaa, runtiina ahaa ka isbadel-doonnimada ugu badnaa, codka ugu badan ee maanta KULMIYE ku fadhiyo hogaanka dalka gobolkan ayuu ka helay, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqaya ciddii ay hawshu ku dhacday. Somaliland-baa maanta guulaysatay, shacabkaa guulaystay sida wanaagsan ee uu doorashada uga qayb galay, sida quruxda badan ee uu nabada u ilaashaday” ayuu yidhi Md. Saylici waxaanu intaa raaciyey isagoo sheegay inay fulin doonaan ballamihii ay qaadeen xilligii oloha doorashada lagu guda jiray “Ballamihii aanu qaadnay waxaanu illaahay ka rajaynaynaa in dhamaantiin aad nagu garab taagnaataan himiladii aad lahaydeen ee ahayd inaanu ummadan isbadel dhab ah u samayno.insha waanu waananu fullin doonaa” sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka la doortay wuxuu u mahadnaqay Komishanka qaranka “Waxaan iyagana u mahadnaqayaa Komishanka Doorashooyinka qaranka oo sidii ay illaaha y ugu dhaartay ee daacadnimada ahayd inagu soo hogaamiyey, hawl adagna runtii soo maray, doorashadiina si fiicabn u daadihiyey go’aan adagna qaatay, waxa kale oo mahadle ciidamada qaranka ee habeen iyo maalin u soo jeeday nabadgelyada Somaliland iyo siday doorashadu u dhici lahayd.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, July 6, 2010

Qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Waxgaradka Awdal oo Hambalyo u diray hoggaanka cusub ee dalka loo doortay+SAWIRO

Borama, (Nnn)- Qayb kamida Waxgaradka iyo Uqaasha gobolka Awdal oo shir-jaraa’id ku qabtay Hotelka Rays ee Boorama, waxa ay hambalyo ugu direen labada xubnood ee ugu sareeya hoggaanka dalka ee Mudane Axmad Maxamad Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ku-xigeenkiisa Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) kadib markii ay ku guulaysteen doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 kii June.
Waxgaradkaan ayaa kaga hadlay shirkooda Jaraa’id guusha uu xisbiga Kulmiye gaadhay isaga oo ahaa xisbi Mucaarada ahna loo soo wada dadaalay si dalka Isbeddel hoggaameed uga dhaco, waxaanay Waxgaradkaan ku tilmaameen in ay tahay dawladda maantu tii kaliya ee keeni laheyd Aqoonsi Caalami ah.
Waxaa kale oo ay Waxgaradkaan ugu duceeyeen in Ilaahey ku asturo xilka ay maanta qabteen oo ah mansabkii ugu sareeyay ee dalkeena.
Xubnahani waxa ay madaxda cusub ku tilmaameen inay noqon doonaan hogaankii ugu Wanaagsanaa ee dalka soo mara abid.

xubnaha shirkaan jaraa’id kasoo qeyb galay ee hambalyada diray waxay kala ahaayeen:
1. Suldaan Cisamaan Cilmi
2. Cabdii Cawaale Geele
3. Idiris Axmad Buux
4. X/Tukaale Riiraash Shirdoon
5. Nuur Cali Caateeye
6. Mahdi X/Ibraahin Khayre
7. Cadaawe Cilmi Ciise
8. Sh. Siciid Maydhane Isaaq
9. Muuse Aadan IbraahiM
10. C/Rashiid Axmad Faarax
11. Cawl Cabdi Aare Muxumad
12. Cabdi Xirsi Muuse Shiine
13. Sh. Axmad Faarax Cigaal
14. Sicidd Xuseen Caydiid
15. Cabdi Muuse Dixood
16. Maxamad Cabdi Mumin
17. Cumar Siyaad Muuse
18. maxamud rooble buraale
19. Faarax Axmad Cigaal
20. Cilmi Dhinbiil Warfaa
21. C/Laahi Aadan Maxamad
22. C/Raxmaan Muuse Tukaale

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, July 2, 2010

Natiijada Codadka ay xisbiyadu ka kala heleen degmooyinka iyo Gobollada Dalka

Hargeysa, (Nnn)- Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa natiijadii codadka ee ay xisbiyadu ka kala heleen gobollada iyo degmooyinka Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, July 1, 2010

War Saxaafedeed: Khudbadii Ugu Horaysay Ee Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland

Hargeysa (Nnn)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland ee goorta dhawayd lagu dhawaaqay Md. Axmed Maxamed Maxamed [Siilaanyo], ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey umadda reer Somaliland meel ay joogaanba, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xisbiyada Qaranka iyo dawlada Ethiopia.
Sidan-na waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed uu ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo uu ku bilaabay sidan, "Walaalayaal :As salaamu calykum wa raxmatu laahi wa barakaatu.
Walaalayaalwaxaan maanta halkan uga soo tebinayaa umadda reer Somaliland meel ay joogaanba hambalyo iyo bogaadin, sida fiican ee ay inoogu dhamaatay doorashadii madaxtooyada ee aynu galnay 26, June, 2010.
Waxaan kale oo aan hambalyeenayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidii hufnayd ee hawlkarnimadu ku dheehnayd, ee ay u hirgeliyeen hawlaha doorashada. Waxa sidoo kale xusid mudan doorka laxaadka leh ee bulshada caalamku inooga taageertay qabsoomidda doorashada, oo ay u horreeyaan Wadamada midawga Europe iyo dawladda Maraykanka.
Hambalyo gaar ah, oo aan cidna la wadaagin ayaan u dirayaa dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, oo aan mar qudha ka nasan taageerada ay inooga fidinayeen qabsoomidda doorashada iyo dhamaynta khilaafyadii siyaasadeed ee ina soo dhexgalay sanadkii 2009. Ma aha markii u horraysay, ee inagoo taageero u baahan Ethiopia ina gacan qabatay. Waxaan leeyahay idiin ogin haddana, annagu dad abaal guda ayaanu nahay. Sidoo kale ayaa waxaan salaam iyo mahadnaq u diraynaa dadka iyo dawladda reer Djibouti, oo niyad wanaag inoo muujiyay kuna farxay horumarkeena iyo dimuquraadiyadeena.
Dhinaca kale, waxa aan si gaaraa ugu mahadnaqayaa musharixiinta labada xisbi ee UDUB, UCID, iyo taageerayaashooda. Waxaanan cadaynayaa in aan marin doono maamuuska iyo qadarinta ay qarankan ku leeyihiin, aniga oo ugu horayn u fidin doona martiqaad wadatashi.
Ugu dambayntii, waxaan hambalyo u soo gudbinayaa taageerayaasha Kulmiye ee maanta guushan soo hooyay. Waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin waxaanan idin xusuusinayaa in ay maanta inoo bilaabantay hawshii aynu ku ballan qaadnay inaynu dadkeena iyo dalkeena u qabano, sidaa darteed ogaada ineynaan kabaha bixin ilaa aynu balan qaadkeenii fulinayno.
Waxa kale oo aan leeyahay maanta keligeen maynu guulaysan,haddaynu nahay reer Kulmiye ee Somaliland oo dhan baa guulaysatay, dacal ilaa dacal. Haddaan qaar kooban wax ka tilmaamo anigoo kuwa aanan magacaabinna raalli gelin siinaya:
• Waxa guulaysatay taariikhdii halgankii dheeraa ee SNM iyo kuwii naftooda u huray xoraynta dalka.
• Waxaa guulaystay Balli Gubadle, Xaruntii Halganka.
• Waxa guulaystay baaqii u horreeyay ee nabadaynta beelaha Somaliland. Berbera ,albaabkeena addunka u furay, oo heshiiskii isa saamaxa beelaha lagaga dhawaaqay.
• Waxa guulaystay go’aankii dib-ula-soo-noqoshada madaxbanaanida Somaliland ee Burco.
• Waxa guulaystay shirkii nabadda dhidibada u aasay ee Axdi Qarameedkii dhalay, Distoorka iyo dimuquraadiyadda aynu ku caano maalnay ee aynu doorashooyinkii hore iyo tanba ku galnay. Boorame ayaa guulaysatay.
• Waxa guulaystay hoyga tusaalaha wada noolaanshaha iyo is kaashiga bulsho kala beelo ah, hoygii axdi goboleedka. Ceerigaabo ayaa guulaysatay.
• Waxa guulaysatay hoyga gadhwadeenimada iyo gaashaanka birta ah. Oodweyne ayaa guulaysatay.
• Waxa guulstay hoyga garaadka iyo geesinimada. Gabiley baa guulaysatay.

• Waxa guulaystay hoyga gobanimada Somaliland ee Laascaanood.
• Waxa guulaysatay xarunta ilbaxnimada iyo degenaanshaha. Saylac baa guulaysatay.
• Waxa guulaysatay xundhurta iyo xarunta Dalka Somaliland. Waa habboon. Waa Hargeysa mugweyn. Magaalo madaxda dalka ee umaddeena oo dhan marti gelisay ayaa guulaysatay.
• Waxa guulaysatay dimuquraadiyadda oo ah dariiqa keliya ee ummad xor ihi himiladeeda ku gaadhi karto.
• Waxa guulaysaty nabaddii .
• Waxa guulaysay ciidamada qaranka oo aan dib u derejo la’aan doonin.
• Waxa guulaystay dhallinyarada mustaqbalkeena ah, oo aan tahriib iyo shaqo la aan dib bada isugu guri doonin.
• Waxa guulaysatay culmadeenii oo aan dib damabysa afmiishaar iyo beenaale looga door bidi doonin bulshadana kaalinta ka geli doona karaamada ay ku leeyihiina ka heli doona.
• Waxa guulastay shaqaalaha dawladda oo aan dib ugu jri doonin cagajuglayn iyo tahdiid la xidhiidha fikirkooda siyaasadeed.
• Waxa guulaystay hooyooyinka suuqa cadceediisa ganacsiga yar la fadhiya oo cashuurtooda wax loogu qaban doono.

Waxa guulaystay golayaasha qaranka oo hab maamuuska ay leeyahiin ka heli doona xukuumadda Kulmiye.

• Waxa guulaysatay caddaaladda oo la sugi doono.

• Waxa guulaystay bulshada rayidka ah oo kaalinta ay horumarka kaga jirto taageero ku heli doonta.

• Waxa guulaystay ganacsatada dalka rag iyo haween leh, oo si caddaalad iyo sinaan ah, oo sharciga waafqsan u guddan doona hawlahooda ganacsi, xisbigay doonaan ha ahaadeene.

• Waxa guulaystay dadweynaha guud ahaan oo u harraadanaa adeeg hufan oo habsami loogu qabto.

• Waxa guulaystay reer guuraageena oo aad moodaysay inaan xukuumadahii ina soo a maray kuba xisaabtamin wax u qabad kooda.

Walaalayaal, intiinii iga codaysay iyo intiinii ii codaysayba, waxa aan maanta idiin sheegayaa in aan madaxweyne u wada ahay, isla markaana aan si cadaalad ah idiinku hogaamin doono mudadda aan xilkaa hayo, Insha Allahu tacaala.
Gabagabadii, waxaan dhamaantiin idiin balan qaadayaa in aan taladiina dhug iyo dhaymo u yeelan doono, aniga oo ku soo dhaweenaya qalbi furan iyo niyad san. Walaalayaal, Somalidu waxay ku maahmaahdaa far kaliyi fool ma dhaqdo, sidaa darteed waxaan idinka codsanayaa inaad xilka aad ii doorateen igu garab gashaan, isla markaana in aad Ilaahay ii baridaan in uu ii fududeeyo.

Allaahu akbar.
Somaliland ha Midowdo. Somaliland Hawada jirto.
Aamiin eebow.
Salaamu calaykum wa raxmatu laahi."

OODWEYNENES

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Xisbiga KULMIYE OO KU GUULAYSTAY DOORASHADII SOMALILAND iyo Codadka ay xisbiyadu kala heleen

Hargeysa, (Nnn)- Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa muddo yar horteed ku dhawaaqay natiijada Doorashada Madaxtooyada Somaliland.
Waxaana Hogaaminta dalka ku guulaysatay xisbiga Kulmiye, natiijada dadka codeeyey ee ay kala heleen xisbiyaduna waxay u dhagnayd sidan hoose:

Xisbiga Kulmiye 266,906 Cod oo u dhigma 49.59%.

Xisbiga Udub 178,081 Cod oo u dhigma 33.23%.

Xisbiga Ucid 92,459 Cod oo u dhigma 17.18%.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Ku-dhawaaqista Natiijada Doorashooyinka Somaliland oo la filayo in lagu dhawaaqo 7:00 pm Caawa

Hargeysa, (Nnn)- Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday inay ku dhawaaqayaan natiijada.........
doorashooyinka marka ay saacaddu tahay 7:00 pm caawa oo uu Jimce soo galayo.
Kala soco Nasiib News natiijada doorashada iyo sida ay u shaaciyaan Komishanka doorashooyinka Qaranka Haddii Eebe Idmo....

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Ururka Qareenada Somaliland oo ka hadlay qaabkii sharciyan doorashadii Madaxtooyadu ku dhacday

Hargeysa, (Nnn)- Ururka Qareenada Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SOLLA, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka sharci ahaan ay ku qabsoontay doorashadii Madaxtooyada ee Sabtidii todobaadkan dalka ka qabsoontay.
Warsaxaafadeed uu soo saaray ururka SOLLA oo uu ku saxeexnaa guddoomiyahooda Jaamac Cilmi Xaashi, waxay ku sheegeen inay qayb ka ahaayeen goobjoogayaashii maxaliga ahaa ee la socday doorashada, waxayna amaan u jeediyeen Komishanka Doorashooyinka, ciidamada iyo xisbiyada siyaasadda Somaliland. Warsaxaafadeedka ururka Qareenada ee SOLLA, waxa uu u dhignaa sidan; “Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA) wuxuu si balaadhan dusha ugala socday geedi socodka doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland oo dalka ka qabsoontay 26kii June, 2010, isla markaana goob-joognimo wadani ah oo aan cidina ka caawin ay xubno qareeno ururka ka tirsan oo dhexdhexaadnimo lagu xushay kaga qayb-qaateen maalintii doorashada ee Sabtidii 26kii Jun,2010, inta badan Gobolada dalka, iyadoo laga duulayo ogolaanshaha iyo hab-raaca goob-joognimada ee GDQ.
Hadda, iyadoo Ururka Qareenadu kor-joogtayntiisa Doorashada Madaxtooyada uu diirada saarayay, sida loo ixtiraamayay, loogu dhaqmayay loona illaalinayay tilmaamaha Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha degaamada Xeer Lr.20/01 iyo labadii kaabisood/wax-ka-bedel ee lagu sameeyay iyo tilmaamaha heer-beega caalamiga ah ee Doorasho xor ah oo xalaal ah (International standard of fair and free election).
Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA), ka dib markuu uu dersay, lafa-guray oo isu-duwayay, warbixinta ay soo gudbiyeen xubnihii ururka Qareenadda ee goobjoognimada maalintii codaynta iyo bilawgii hab-raaca tirinta cododka ee Goobaha Doorashada ku haylanaa iyo xogaha Ururku ka helay xubnihii Goobjoogayaasha maxaliga ahaa ee ka socday hay’ada (SONSAF) oo Ururka Qareenadu isagoo xubin ka ah dalladaa uu u soo xulay SONSAF qaar ka mid ah Goobjoogayaasha u joogay dhammaan Gobolada dalka, iyadoo xubnaha SONSAF ee ka socday SOLLA ay u badnaayeen aqoonyahano sharci, oo ay si gaar ah SOLLA uga warbixiyeen sida loo illaaliyay sharciga.
Ururka Qareenaddu isagoo ka duulaya xogahaa goob-joognimo, welina dusha kala socda geedi-socodka tirinta iyo hubinta codadka ee weli hawlwadeenada Guddiga doorashooyinka ku hawlan yihiin, soona saari doona warbixin dhamaystiran, dhexdhexaad ah oo la hufay, marka ay hawshan hab-raaceeda sharci soo dhamaado, wuxuu cadaynayaa in Doorashadii Madaxtooyada ee Sabtidii 26kii Jun, 2010, ka dhacday Jamhuuriyada Somaliland doorasho sharci ku dhisan, xor ah, xalaal ah oo waafaqsan heer-beega caalamiga ah ee Doorasho xor ah oo xalaal ah, kana madhan ilaa hadda, ceeb, ku shubasho iyo madmadaw, taasoo uu ku ayidayo warbixinadii hor-dhaca ahaa ee goobjoogayaasha gudaha iyo goobjoogayaasha caalamiga ah.
Ugu danbayn, Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA), wuxuu mahadnaq bogaadin iyo hanbalyo u jeedinayaa dhammaan shacbiga Somaliland oo si hufan, xor ah, xalaal ah oo nabadgelyo ah codkooda uga dhiibtay goobihii cod-bixin, wuxuu kaloo ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa masuuliyiinta iyo hawl-wadeenadda GDQ, si la mid ah wuxuu ku hanbalyaynayaa doorkoodii wax-ku-oolka ahaa ee uu mid kastaa ka qaatay habsami u qabsoomida Doorashada Madaxtooyada JSL ee sabtidii 26, Jun,2010, Guddiga Anshaxa Doorasha, sadexda xisbi qaran ee tartamaya, hawlwadeenadii Goob-joogayaasha wadaniga ee SONSAF iyo Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa; waxaa iyana hanbalyadaa iyo ammaantaas oo kale mudan warbaahinta wadaniga ah iyo kuwii Caalamiga ah ee sida hufan ee dhexdhexaadnimada ah uga waramay Doorashan, una hogaansamay amaradii GDQ, waxaan kaloo la ilaawi karin ammaanta iyo milkaha ay leeyihiin Ciidamada ammaanka ee JSL, doorkii ay ka qaateen guushaa Qaran ee u soo hoyatay ummadda JSL.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, June 30, 2010

Guddiga Anshaxa doorashada oo qodobbo culus ka soo saaray Doorashada Madaxweynenimada Somaliland ee Natiijadeeda la sugayo

Hargeysa, (Nnn)- Guddida ilaalinta anshaxa iyo habsami u socodka doorashooyinka Madaxweynaha Somaliland ayaa ka codsaday Xisbiyada qaranka Somaliland [KULMIYE, UDUB iyo UCID] inay xakameeyaan taageerayaashooda si looga hortago waxkasta oo kicinaya taageerayaasha Xisiyada kale ee ay tartamayaan, isla markaana waxay u soo jeediyeen shacabweynaha reer Somaliland inay muujiyaan dulqaad inta ay komiishanka doorashooyinku ku dhawaaqayaan natiijada rasmiga ah ee doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June 2010.
Sidaa waxay guddidu ku sheegtay Shir-saxafadeed uu gudoomiyaha guddiga ilaalinta An-shaxa iyo Habsami u socodka doorashooyinka Md. Axmed Maxamed Cadaad ka akhriyey warsaxafadeed qoraal, kaas oo ka koobna todob qodob oo cidkasta la hadlaya.
Waxaanu Warsaxafadeedkii oo dhameystiran uu u dhignaa sidan:
“Guddida Ilaalinta anshaxa iyo habsami u socodka doorashooyinka madaxweynaha, iyaga oo fulinayaa hawlihii loo igmaday waxay si aad u dhow ula socdeen ama si qoto dheer ula socdeen banaan baxyadii ololaha doorashada, iyaga oo ugu baaqay dhamaan cidda ku xad-gudubta heshiiska anshaxa ee ay saxeexeen sadexda Xisiga qaran [Code Of Conduct].
Si ay u hirgeliyaan heshiiska, isla markaana ugu cadeeyeen dadweynaha guud ahaan ciddi ku kacday dhaq-dhaqaaq sharci-daro ah ee ay ku kaceen axsaabtii ololaynaysay, sidoo kale waxay ilaaliyeen habkii doorashooyinku u socdeen ee ka dhacay Caasimada iyo gobolada dalka oo ay la joogeen wakiilladayadu si xilkas ahna u guteen hawshoodii.
Maanta waxay guddidu qiimaysay xaaladii doorashada ka danbeysay waxaanay go’aamisay qodobadan soo socda:
Guddida ilaalinta anshaxa iyo hasami u socodka doorashooyinka qaranka waxay:
1. Waxay u dhamaan dadweynaha reer Somaliland sidii nabadgelyada iyo kala danbeynta lahayd ee ay sida xoogan uga qeyb-qaateen doorashada, iyaga oo iska dhega mariyey khatartii ay ku hayeen xag-jirka ka soo horjeede dimuqraadiyada.
2. Waxay u mahad-qanaysa cidkasta oo si firfircoon uga gacan-geysatay inay guuleysato doorashadu, gaar ahana hawlwadeenadii guddida doorashooyinka qaranka, Golkaha Guurtida. Goob-joogayaasha caalamiga ah, Goob-joogayaasha wadaniga ah iyo gudiga dhex-dhexaadinyta khilaafaadka.
3. Waxay Si diiran ugu bandhigayaan mahadnaqooda dhamaan culimaa’udiinka Somaliland, kuwaas oo ku dhiirigelinayey dadweynaha reer Somaliland inay codeeyaan oo aan dheg jalaq loo siinin hadalada aan saxa ahayn, isla markaana ku abuureysa khal-khal iyo doodo aan sax ahayn oo khal-khalgelinayaa doorashada oo inagaga timi dibada, iyada oo culima-awdiinta si fir-fircoon u caawinayey codbixiyayaashi ay ku adkaatay inay si hamsami ah u raacaan nidaamkii codbixinta, maalinta codbixinta.
4. Waxay u mahad-celinayaa ciidamadda amniga ee sida hawlkarnimada leh u sugayey amniga ee ilaalinayey kala danbeynta intii ay socotey doorashadu.
5. Waxaan mar-labaad ku celinaynaa kalsoonida buuxda ee aan ku qabno guddida doorashooyinka qaranka ee ku guuleystay habeynta doorasho sax ah oo lagu kalsoonaan karo, imika u soo saaray natiijadii oo ku saleysan qaab ku dhisan aqoon iyo dhex dhexaadnimo.
6. Waxay Cambaareynaysa oo ay dhalaaceynaysa cidkasta oo wareejinaysa hadalada kutiri kuteenka iyo mala-awaalka natiijooyinka doorashooyinka sida ay uga digtay guddiga doorashada qaranku gaar ahaan waxaanu kula talinaynaa bahda saxaafada in ay ilaaliso oo raacdo talalooyinka guddiga doorashooyinka qaranka oo aan laga hordhicin ku dhawaaqida natiijada ee guddiga doorashooyinka qaranka.
7. waxaanu Ka codsanaynaa guud ahaan dadwaynaha reer Somaliland in ay si dulqaad ku jiro u sugaan natiijooyinka doorashooyinka ee kasoo bixi doona guddida doorashada qaranka waxaan kaloo ka codsanaynaa dadwaynaha in aanay wax xaflad ah ku qaban wadooyinka si looga fogaado anshax xumo iyo isku dhac iman kara.
8. Waxaanu ka rajaynaynaa xisbiyada qaranka in ay ku xakameeyaan taageerayshooda wax kastoo awoodooda ah si ay uga hor tagaan waxkastoo kicin kara cadhada axsaabta ay kala siyaasada yihiin ama ay tartamayeen.
9. Waxaanu si qalbi furan u soo dhaweynaynaa in ay si rasmi ah u caddeeyaan sedexda musharax ee madaxtooyada in ay aqbalaan natiijooyinka doorashada si kastoo ay ahaataba taasoo muujin doonta wadaninimadooda.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Xisbiga talada haya ee UDUB oo Komishanka uga digay inay ku dhawaaqaan Natiijada codbixinta sheegtayna in deegaamo badan oo lagu shubtay

Hargeysa,(Nnn)- Xisbiga talada dalka haya ee UDUB ayaa galabta Komishanka doorashooyinka Qaranka uga digay inay ku dhawaaqaan Natiijada ku meel gaadhka ah ee doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishan June, oo ay sheegeen in degmooyin badan lagaga shubtay.
Xisbiga UDUB waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax iyo Guddoomiyaha olalaha doorashada Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) waxaanay shir-saxaafadeedkaasi ka akhriyeen qoraal u qornaa sidan:-
“Sidaad la wada soctaan doorasho ayaa dalka ka dhacday, taas oo si nabadgelyo ah inoogu qabsoontay Ilaahay baana mahada leh iyo shacbiga Somaliland.
 Foolxumada iyo Weji-gabaxa ka muuqda Masuuliyiinta UDUB
Waxaase jirta dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay ku shubasho caam ah taas oo ka dhacday gobolada Maroodi jeex degmadiisa Gabiley gobolka Togdheer qaybtiisa bari iyo Buhoodle, Sanaag degmooyinka Ceel Afweyn iyo Gar’adag gobolka Sool degmadiisa Caynabo iyo goobo ka mida degmooyinka caasimada Hargeysa 26 Juun iyo Axmed Dhagax.
Anagoo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan komishanka doorashooyinka qaranka.
Haddaba waxaanu soo jeedinaynaa in sida xeerku qeexayo aanay soo saarin natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka aanu kor ku soo sheegnay ee aanu qoraalka ugu gudbinay komishanka doorashooyinka qaranka.
Ugu danbayntii waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeed kani yahay in KDQ aanu soo saarin natiijo hor dhaca ah inta khilaafkaa laga heshiinayo taas oo abuuri karta duruufo siyaasadeed oo hor leh iyo mid nabadgelyo xumo keeni karta wixii ka yimaadana iyagu mas’uul ka yihiin.”
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo aan weydiiyay su’aal ahayd inay deegaanadani ay yihiin kuwa ay ku badan yihiin taageereyaasha mucaaridku oo ay ka gal galanayaan natiijada Komishanku soo wado, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaad moodaa in su’aashaasi in aanay toosnayn sababtu waxa weeye Anagu markaanu xisbiga UDUB nahay gobol ama degmo noo gaar ahi ma jirto. Anaga dalka degmooyinkiisu way noo siman yihiin.
Waxaanu kuu sheegnay meelihii ay khaladaadku ka dhaceen, waxaan kuu sheegayaa in lagu tacadiyay xuquuqdii muwaadinimo waana lagu shubtay doorashadii deegaanadaasi.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

“Komishanku waxay doorashada u maamuleen si hufan oo aqoon ku dhisan”

Goobjoogayaasha maxaliga ah oo ka hadlay doorashadii qabsoontay
Hargeysa 30, June 2010 (Nnn)- Goobjoogayaal maxali ah oo kormeerayay doorashadii Madaxtooyada ee Sabtidii ka qabsoontay Somaliland, ayaa ka hadlay qaabka ay doorashadaasi u dhacday.
Goobjoogayaashan oo uu soo agaasimay ururka ay ku bahoobeen ururada aan dawliga ahi ee Somaliland ee SONSAF, waxay sheegeen in doorashadu ku dhacday nidaam xor iyo xalaal ah, waxayna amaaneen Guddiga Doorashooyinka oo ay tilmaameen inuu si hufan hawshaa u diyaariyay.
Warsaxaafadeed ay SONSAF ka akhriyeen shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hargeysa, waxa uu u dhignaa sidan; “SONSAF waxay dalka oo dhan ka hawl gelisay goobjoogayaal ka socda bulshada rayidka ah oo dhexdhaxaad ah kana soo warbixiya in doorashadii madaxtooyada ee bisha June 26, 2010 ka dhacday guud ahaan dalkoo dhan. Doorashadaasi waxay u qabsoontay si nabad ah oo lagu qanci karo.
Goobjoogayaasha SONSAF waxay rumeysan yihiin inay doorashadu ahayd mid xor iyo xalaal ah kuna salaysan ixtiraamidda danaha iyo rabitanka dadka reer Somaliland.
SONSAF waxay ka hirgelisay Somaliland oo dhan isku duwid dhexdhexaad ah ee goobjoognimada doorashada madaxtooyada ee bishii Juun 26-da. SONSAF waxay heshay 1000 warbixinood, kana yimi in ka badan 700 oo goobjoogayaal loo tababray lana geeyey in ka badan 900 goob oo codbixineed oo ku baahsan 6da gobol ee Somaliland. Inka badan 40% ee goobjoogayaashu waxay ahaayeen haween. SONSAF waxay adeegsatey foomam goobjoognimo oo isku mida kuwaas oo caddaynaya hab raaca furaha u ah codaynta oo ay ka mid yihiin furida goobta codbixinta, codaynta xidhista goobta iyo tirinta codadka.
Goobjooyaaashu waxay ku ekaayeen goobaha codaynta maalintii oo dhan. Hase yeeshee meelaha qaarkood waxay ka wada shaqaynayeen dhawr goobood oo isku meel ku yaalla ama isu dhaw dhaw. Warbixinta waxay u soo gudbiyeen habraac xidhiidhsan sida goob, degmo, gobol ilaa iyo heer qaran oo hoos imanaya isku duwidda guud ee xoghaynta SONSAF. Magaala madaxyada gobolladu waxay ahaayeen xarumaha xog ururinta xoghaynta SONSAF. Caasimada Hargeysana waa xarunta xog ururinta dhexe ee dalka oo dhan iyo xarunta lafo-gurida halkaas oo lagu caddeeyo tayada laguna lafa-guro dhexdhexaadnimada warbixinaha ee heerarka goobjoogidda doorashada aan dhinacna u xaglinayn.
SONSAF waxay bogaadin iyo hambalyada ugu saraysa u gudbinaysa dhammaan mutawadiciintii wakhtigooda u huray siday u taabagelinlahaayeen sugnaanta iyo hufnaanta habraaca doorashada. SONSAF waxa kale oo u mahadnaqasaa hawlwadeenada guddida doorashooyinka qaranka (NEC) iyo daneeyeyaasha kale ee doorashada siday iskaga kaashaden geedi socodka goobjoognimada.
Marka laga reebo ficillo aan aad u muuqan, SONSAF waxay qirtay in hab-socodkii maalinta doorashadu aad u degganaa oo aanay ka muuqan wax iswaydaaris ihi. Waxay ahayd mid aad loogu soo baxay codayntu gaar ahaan dumarku inkastoo hal gobol ka qaybgalkiisu aad u hooseeyay.
SONSAF waxay aad uga xun tahay rabshadii ka dhacay Kalabaydh oo ka tirsan gobolka Sool taasina ay sababtay dhimashada hal qof oo ka socday gudida doorashooyinka qaranka iyo hal qof oo ka mid ahaa ciidamada nabadgelyada.
Guud ahaan, guddida doorashooyinka qaranku waxay doorashada u maamuleen si hufan oo aqoon ku dhisan, waxaanay ku guulaysteen xallinta caqabadihii dhinaca farsamada iyo saadka ee ka horyimid inkastoo gudida doorashooyinka qaranku qirtay in 34 goobo codbixineed aanay furmin xaalado nabadgelyo darro awgeed, wakiillada axsaabtuna way joogeen badiyaa goobihii codaynta ee la soo arkay.
Guud ahaan saalada siyaasadeed ee Somaliland way deggeneyd maalintii doorashada. Sidoo kale, ololihii doorashadu aad buu u nabdoonaa waxanuu waafaqsanaa xeerka anshaxa ee ay saxeexeen saddexda xisbi siyaasadeed, inkastoo guddida kormeerka doorashadu soo weriyeen gefef aan badnayn oo lagu sameeyey anshaxa: Waxa si aan xeerka anshaxa aan waafaqsanayn loo adeegsaday hantida qaranka sida gaadiidka dawlada, Telefishanka Qaranaka iyo shaqaalaha dawlada oo ku lug yeeshay ololihii.
Sharciga cusub ee diiwaangelinta iyo sharciga doorashada ee la cusboonaysiiyay waxay keeneen asaas wanaagsan iyo dib u habayn muuqata taas oo wax wayn ka tartay qabashada doorasho madaxtooyo oo noqotay mid u dhiganta heerka caalami ahaan laysla oggolaaday ee dimoqraadiyada siyaasadaha xisbiyada badan.
Keenidda habka diiwaangelinta cusub ee lagu soo sameeyey liiska codbixiyeyaasha ee dalka oo dhan iyo kaadhadhka habka casriga ah ee codbixinta/dhalashada ee ay xaqa u leeyihiin muwaadiniinta Somaliland waxay muhiim ah u yihiin doorashada madaxtooyada iyo dhinacyada sharciga, hawlqabadka iyo caqabadaha maaliyadeed.
Samaynta guddida doorashooyinka qaranak ee joogtada ah oo madax bannaan kana faaiidaystay waayo aragnimadii wax ku oolka ahayd ee doorashooyinkii hore ee samaynta siyaasadaha qaranka iyo heerarka maaraynta khilaafyada doorashada (sida guddida kormeerka doorashooyinka, golaha dhexdhexaadinta, kooxda kormeerka warbaahinta) iyo qaabka cusub ee xeerka anshaxa ee axsaabta siyaasadda iyo warbaahinta oo ku suntan horumarinta qaab-dhismeedka sharciyeed ee doorashada Somaliland.
Sidii doorashooyinkii hore, SONSAF waxay hoosta ka xariiqaysaa in fulinta guddida kormeerka doorashadu si cad uga muuqanayso in isticmaalka hantida ka dhaxaysa dadka ee axsaabta siyaasadda iyo doorka ay shaqaalaha dawladdu ku leeyihiin ololaha waxa looga baahan yahay inay ixtiraamaan axsaabta siyaasaddu.
Guud ahaan, warbaahintu waxay ka muujiyeen baahin dhexdhexaad ah dhacdooyinkii muhiimka ahaa ee ololaha axsaabta siyaasadda. Haddaba labadii toddobaad ee u horeeyey, kooxda kormeerka warbaahinta iyo guddida kormeerka doorashadu waxay ku soo warbixiyeen in telefishanka qaranka Somaliland (SLNTV) aanu ixtiraamin xeerka anshaxa waxaanay ku adkeen guddida doorashooyinka qaranku inay tallaabo ka qaadaan sida ku cad xeerka anshaxa.
Maalinta doorashada, goobjoogayaasha SONSAF waxay ku soo warbixiyeen inay codbixiyayaashu xor u ahaayeen inay meel sir ah oo qarsoodiya codkoodii ku dhiibteen, in agabka doorashada si wanaagsan loo habeeyey, taas oo suurtogelisay in hawluhu sidii loogu talogaly u uga hirgalaan inta ugu badan goobihii la soo arkay. Wejigii hore ee maalintii doorashada, tiro dad ah oo aad u badan ayaa u soo baxay waxana meelo badan ka jiray safaf dhaadheer oo si fiican u habaysan. Guud ahaan goobaha codbixintu si wanaagsan ayay isugu duba-ridnaayeen, degganayeen si habboonna loo maamulayay, waxana ka shaqaynayay shaqaale guddida doorashooyinka qaranku soo oggolaatay oo ay ilaalinayeen (dibedda goobaha codaynta) laba sarkaal oo boolis ihi oo ay weheliyaan saddex qof oo ka wakiil ah saddexda xisbi siyaasadeed.
Hadaba, meelaha qaarkood waxa ka jiray dhibaatooyin sida: caddaynta xarfaha magacyada cod bixiyayaasha iyo sida ay ugu kala aadayaan goobaha.
Goobjoogayaasha SONSAF waxay soo weriyeen in goobaha la xidhay wakhtigii loogu talo galay iyadoo dad sugayey inay codeyaan loona ogolaaday.
SONSAF waxay soo dhaweynaysaa isbedellada ay keeneen doorka ay axsaabta siyaasadu ku yeesheen maamulka doorashada, joogitaankooda goobaha codeynta oo guud ahaan wanaagsanayd. Goobjoogayaashu waxay soo weriyeen in tirinta goobaha codbixintu waafaqsanayd hababka inkastoo ay dheerayd. Awoodda in wakiilada axsaabta siyaasadu heleen nuqul lasoo cadeeyay oo ah natiijadii goobaha codbixinta waxay caawisay sugnaanta iyo xisaabta dhabta ah ee habkan doorashada ee xasaasiga ah iyo helitaanka kalsoonida natiijada ka soo baxda.
SONSAF waxay mar dambe soo saari doontaa warbixinta kama dambaysta ah natiijooyinka iyo talooyinka. SONSAF waxay daneeyeyaasha doorashooyinka oo dhan ka codsanaysaa inay wax ka bartaan doorashadan kuna dabaqaan casharada ay ka barteen wareegan dheer ee doorashada si ay ugu fududaato hagaajinta wajiyada badan ee hababka doorashooyinka mustaqbalka, sida doorashooyinkan deeganka ee inagu soo fool leh.
SONSAF waxa lagu dhawaaqay bishii August 2008 waxaanay ka kooban tahay bulshada rayidka ah ee Somaliland, ganacsatada gaarka ah, aqoonyahano iyo haya’daha waxbarashada. Doonista ah inay habayso oo ay abaabusho goobjoogayasha gudaha ee doorashada madaxtooyada ee 2010, guddida reer Yurub iyo Safer World UK-Nairobi ku heshiiyeen inay SONSAF ku caawiyaan taageero maaliyadeed iyo mid farsamo.
Bishii May 2010, SONSAF waxay qoraal isfaham la saxeexatay guddida doorashooyinka qaranka (NEC) oo wadada u xaadhay qaabka isku duwidda ee labada hay’adood wakhtigii la samaynayay hawlaha goobjoogidda gudaha ee doorashada Madaxtooyada.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Ceerigaabo: Ciidamada Qaranka oo xabsiga dhigay hawlwadeeno Komishanka ka tirsan, qorshe ay wateena fashiliyay

Ceerigaabo,(Nnn)- Guutada lixaad ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo fadhigeedu yahay gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inay fashiliyeen isku-dayga weerar masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbul-xaakimku ay ku qaadeen xarunta Komishanka dorashooyinka ee magaalada Ceerigaabo.
Siday ay xalay faafisay Idaacada Horyaal, weerarkan waxay xubno xukuumadda ka tirsani ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan hawsha tirinta iyo hubinta codadkii doorashada ee ka soo xerooday guud ahaan gobolkaas.
Warku wuxuu intaa ku daray, in ciidamada qaranku ay gaashaanka u daruureen kooxo la sheegay inay maleeshiyaad-beeleedyo yihiin oo lagu eedeeyay inay masuuliyiintaasi soo abaabuleen, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Yuusuf Ciise Tallabo, Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Taliyaha Saldhiga saddexaad ee Ciidanka Qaranka Mr. Muuse Jaamac Dalaf.
Kooxahan la eedeeyay waxa la sheegay inay isku dayeen inay galaan gudaha xarunta Komishanka oo ay ka socotay hawshii tirinta codadku.
Sida warku sheegay, waxay Ciidanka qaranku xabsiga u taxaabeen Xoghayihii Komishanka ee degmada Ceerigaabo Naalleeye Axmed Sheekh iyo Siciid Cali Ducaale oo ka mid ah hawlwadeenada Komishanka Doorashooyinka ee Ceerigaabo, kuwaasoo warku tibaaxay inay kula jireen masuuliyiinta xukuumada weerarkaa la sheegay in lagu qaaday xarunta Komishanka ee gobolkaas, hase ahaatee waxa la sheegay in hawshii dib-u-tirinta iyo hubinta codadku ay xalay ku dhawayd gebogabo.
Dhinaca kale, wararka ka imanayay gobolka Awdal, ayaa sheegaya inay masuuliyiin xukuumada halkaa ka joogtaa ay cadaadis badan ku saarayeen xarunta Komishanka doorashooyinka oo hawshii tirinta iyo hubintu ka socotay, kuwaasoo la sheegay inay isku deyayeen sidii uu musharraxa xukuumaddu uga heli lahaa codad badan. Labada musharrax xigeen ee Xisbiyada Mucaaradka ayaa iyaguna ku dhawaaqay inay xukuumadu cadaadis badan ku haysay goobihii doorashooyinka ee Gobolka Awdal. Sidoo kalena, warbixino ay soo saareen Goob-joogayaasha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahiba, ayaa lagu sheegay in Gobolka Awdal, gaar ahaan Degmeda Boorame ay ku arkeen caruur aan gaadhin da’dii codaynta oo codadkooda dhiibanayay.
Si kastaba ha ahaatee, doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii Juun, waxa caalamku u akay mid la jaan-qaadaysa doorashooyinka caalamiga ah ee nidaamka dimuquraadiyadeed ku salaysan.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, June 28, 2010

Goobjoogayaasha Machadka IRI oo Ammaanay doorashooyinka Somaliland

Hargeysa,(Nnn)- Machadka Daraasaadka iyo Horumarinta Dimuquraadiyada oo magaciisa loo soo gaabiyo IRI, ayaa shaaca ka qaaday in doorashooyinka Somaliland ay si nabadgelyo buuxda ah ku dhaceen, iyada oo aanay dhicin wax dhibaatooyin ahi, isla markaana ay u dhiganto doorashadani heerarka caalamiga ah.
Warbixin uu Machadkan Maraykanka ahi ku baahiyay boggiisa Inter-net-ka ayaa lagu sheegay inay dadweynaha Somaliland si xalaal ah ugu codeeyeen doorashadii afraad ee dimuquraadiyadeed ee dalka ka dhacda. Warbixintoodana waxay u dhignayd sidan: “Boqolaal kun oo qof oo Somalilanders ah ayaa u soo baxay inay codkooda ka dhiibtaan doorashadii afraad, isla markaana inkasta oo doonayaan inay ku gaadhaan aqoonsi caalamiya aan haddana sii sugin sidii ay u dhisi lahaayeen dimuquraadiyadooda socod-baradka ah. Sidaa daraadeed, waa inay beesha caalamku ka abaal-mariyaan horumarka dimuquraadiyadeed iyo tusaalaha ay dalalka kale u tahay Somaliland. Sidii hore loo sheegay, doorashada June 26 si fiican ayay u dhacday; balse maalinta codayntu waa qayb ka mid ah qaybaha balaadhan ee ka dheer geedi-socodka hanaankan, kaasoo isugu jira jewiga ka horeeya doorashada, maamulka ka hor codaynta, maalinta cod-bixinta, iyo tirinta codadka iyo ku-dhawaaqidda natiijooyinka la aqbalayo ee sharciga ah. IRI waxay u soo jeedinayaan xisbiyada siyaasadda iyo dadweynaha reer Somaliland inay sugaan ilaa inta laga soo saarayo natiijooyinka rasmiga ah, ka hor inta aan la soo gunaanadin hanaanka doorashada.
Nabadgelyadu waxay ahayd udub-dhexaadka Somaliland 20-kii sannadood ee la soo dhaafay, waana qoddobka uu Machadka IRI xusuusinayay muwaadiniinta, ururada bulshada, masuuliyiinta doorashada iyo musharrixiinta madaxweynenimo intii ka horaysay codaynta. Iyaga oo codadkooda dhiibanaya Sabtidii doorashada madaxtinimo, ayaa Somalilanders-ku ay muujiyeen jacaylka iyo taageerada ay u hayaan dimuquraadiyadda iyo dhulkooda hooyo. Jewigii doorashada ka hor iyo habkii loo maamulay guud ahaanba waxay ahayd mid xiise leh oo caqligal ka dhigaysa hanaankan. Iyaga oo ololayaashooda ku guda jira si ay u gaadhaan gobollada oo dhan, ayay musharrixiintu aaminsanaayeen inay awoodayeen sidii ay farriimahooda u gaadhsiin lahaayeen dadweynaha iyo warbaahinta madaxabanaanba. IRI way jirtay siday doontaba ha ahaatee, cabashooyin soo gaadhay oo la xidhiidhay isticmaalka xisbiga talada haya ee hantida qaranka, sida taleefishanka dawladu gacanta ku hayso iyo gaadiidka.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland (NEC) ayaa u qalma abaal-marin fara badan. Samayntii kaadhadhka diiwaangelinta iyo kaadhadhka bedelka ayaa khaasatan ahayd talaabo hore oo loo qaaday hanaanka doorashada. Samayntii iyo farsamooyinkii la adeegsaday maalintii codaynta ayaa sidoo kale si waaagsan u dhacday. Masuuliyiintii goobaha cod-bixinta ayaa hawlahooda u watay si la-yaab lahayd. Waa markii ugu horaysay ee caalamka weligeed ay Machadka IRI goob-joog u ahaadaan dedaal amaan mudan oo farsamaysan oo ay ardayda jaamacado loo tabobaray noqdaan masuuliyiintii doorashada. Sidoo kale, Machadka IRI waxa cajiib ku ahayd joogitaanka goob-joogayaasha metelaya saddexda xisbi ee siday u badnaayeen goobaha codayntu ka dhacaysay. Kanina waa habka ugu faa’iidada badan ee lagu kala daadin karo musuqmaasuqa.
Dalal kale oo badan iyo siyaasiyiinba ayay tahay inay wax ka bartaan tusaalaha Somaliland, balse taasi waa keliya hadii doorashooyinku ay ku dhacaan si joogto ah waqtiyada loogu talogalay. Xubnaha Machadka IRI oo 19-xubnood ka koobnaa waxa hogaaminayay Madaxa Boodhka IRI ee Richard S. Williamson oo hore u ahaan jiray Ambaasadoor Qaramada Midoobay ah iyo Ergeygii Khaaska ee Suudaan; Constance Berry Newman oo ah Kaaliyihii Arrimaha Afrika ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo Kaaliyihii Maamulka ee Sanduuqa Horumarinta Caalamiga Maraykanka (USAID) ee Afrika. Weftiga waxay sidoo kale isugu jireen wakiillo ka kala socday dalalka Czech Republic, Kenya, Nigeria, Norway, Sierra Leone, Serbia, Spain iyo United States. Kooxdani waxay goob-joogayaal ka ahaayeen goobihii cod-bixinta iyo tirintii inka badan 70 goobood oo ku kala yaala magaalooyinka Berbera, Borama, Burco iyo Hargeysa.
Xubnaha kale ee weftiga IRI waxay kala ahaayeen:
Rune Aale-Hansen, Chief Information Officer of Norway’s Høyre Party;
The Honorable Sophia Abdi Noor, member of the Kenyan Parliament;
The Honorable Aminu Bello Masari, former Speaker of the Nigerian House of Representatives;
Ambassador Ramón Gil-Casares Satrústegui, former Spanish Ambassador to South Africa and former Secretary of State for Foreign Affairs;
Dr. J. Peter Pham, Senior Fellow and Director of the Africa Project at the National Committee on American Foreign Policy, and non‐resident Senior Fellow for Africa Policy Studies at the Foundation for the Defense of Democracies;
Ambassador Lange Schermerhorn, former U.S. Ambassador to Djibouti;
Petr Sokol, Secretary of the Czech Republic’s Civic Democratic Party Group at the European Parliament; and
Dr. Christiana Thorpe, Chairwoman of Sierra Leone’s National Electoral Commission.
IRI staff also served as observers and assisted in the mission. IRI staff were led by Lorne W. Craner, IRI President and former Assistant Secretary of State for Democracy Human Rights and Labor; Paul Fagan, IRI’s Regional Director for Africa programs; Scott Pool, Resident Country Director for Kenya and Somaliland; and Lara Petricevic, Somaliland Resident Program Officer.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, June 26, 2010

Shacbiweynaha Somaliland oo saaka u dareeray goobaha Codbixinta, safaf dhaadheerna u galay sidii ay u dooran lahaayeen hoggaamiyaha talada haynaya 5ta sanno ee soo socda

Hargeysa, (Nnn)- Dadweynaha ku dhaqan Somaliland ayaa Saaka subaxnimadii hore u dareeray Goobaha Codbixinta ee Doorashada Madaxtooyada oo saaka 7:00 subaxanimo si rasmiya uga bilaabantay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo soo dooran doona madaxweynaha Somaliland hogaamin doonta shanta sanno ee soo socota.
Hal Milyan Sagaal iyo Lixdan Kun iyo Sagaal Boqol iyo Afar iyo Toban qof ayaa maanta codkooda ka dhiibanaya guud ahaan Dalka, kuwaas oo ah Dadkii qaatay Kaadhadhka Cusub ee codbixinta Doorashada.
Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa ayaa waxa saaka subaxnimadii hore u jarmaaday goobihii ay hore iska diiwaan geliyeen si ay codkooda uga dhiibtaan kumanaan dadweyne ah, kuwaas oo safaf aad u dhaadheer u taagan goobaha ay magaalada Hargeysa saaka ka bilaabantay codbixintu.
Dadweynaha magaalada Hargeysa ee safafka ugu jira doorashada madaxtooyada, ayaa waxa si weyn uga muuqata sida ay uga go’an tahay in ay qoraxda u taagnaadaan sidii ay codkooda uga dhiiban lahaayeen goobaha codbixinta, isla markaana ay u dooran lahaayeen madaxweynaha Somaliland hagi doona shanta sanno ee soo socota.
Dhinaca kale Saddexda Murasahaxa ee u tartamaya jagada madaxtinamada dalka ee ka kala socda saddexda Xisbi qaran ee Kulmiye, UDUB iyo UCID Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa ay saaka codkooda ka dhiibteen Guriga Hay’ada Shaqaalaha dowlada ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo ay hore isaga diiwaan geliyeen.
Waxaanay hadalo kooban oo ka dib markii ay codeeyeen dadweynaha u jeediyeen kaga codsadeen in ay si nabadgelyo ah codkooda u dhiibtaan.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, June 24, 2010

SHARCIGA iyo SI XUN U ADEEGSIGA LACAGAHA OLOLAHA DOORASHOOYINKA

Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-Dhige) waxaan qabaa in qof kasta oo leh aqoon Diineed ama mid Sharciyeed iyo mid fahamka Nidaamka dawladeed ahba ay waajib ku tahay in uu ka hadlo oo uu ka hortago wax kasta oo mujtamaca fasahaadin kara ama xumayn kara Nidaamka Guud, Anshaxa wanaagsan iyo wax kasta oo keeni kara musuq-maasuq iyo wax isdaba marin ah.
Sidaas darteed anigoo og duruufaha dhaqaale xumo ee bulshada ku xeeran iyo aqoon la’aanta nidaamka dawladnimo ee la xidhiidha xuquuqaha iyo waajibaadka ka dhexeeya Dadka iyo Dawladooda ee haysata, ayaa waxaan halka isku deyayaa inaan si guud uga halo arimo maalmahan dambe suuqa ku jirtay oo ah Si Xun U Adeegsiga Lacagaha Ololaha Doorashooyinka oo la xidhiidha Kaadhadh-iibsi iyo is daba marin nidaamka cod-bixineed ee doorshadan madaxtooyada, iyada oo ay haboon tahay in laga hortago in Dadku ay noqdaan bulsho-maadiyiin ah (Materialisms) oo lacagtu ay ka qaalib noqoto, qiimaha dadnimaduna ay ku yaraato ama meeshaba ay ka baxdo, waxaana hubaal ah in haddii ay dhacdo taasina ay lumayso Qiyamkeenii ummadeen (Our Social Values). Waxay kaloo sababaysaa in Qofka wanaagsan aynu ku weyno sabab lacageed.

SHARCIGU MUXUU KA QABAA?!!
Sharcigu ugu horayn, wuxuu nidaamiyaa hab-u-dhaqanka Aadamaha (Human Behaviors), Sidoo kalena wuxuu ilaaliyaa Nafta, Sharafka, Hantida, Diinta iyo Dhaqanka suuban ee ummadda, wuxuu kaloo Nidaamiyaa xidhiidhada-macaamileed ee dhexmara aadamaha dhexdiisa, wuxuuna xaddidaa xaqa isticmaalka Hantida/Maalka, Sharciguna ma ogola in qofna xoolihiisa uu u adeegsado (isticmaalo) si khaldan oo lid ku ah xuquuqda dadka kale, ama in la fasaqo Nidaamka Guud iyo Anshaxa suuban, xataa Sharcigu ma ogola in qofna uu burburiyo ama si qayrul caadi ah uu u daa-daadiyo xoolihiisa/hantidiisa gaarka ah, waxay sababtaa in Sharcigu qofkaas ka joojiyo Xaqii Tasaruf ee Isticmaalka Hantidiisa, waxaanay qofkaas Maxkamaddu qoraysaa sida safiiha oo waxay soo saaraysaa Qaraar caynkaas dhigaaya.

Haddaba, saddexdan Xisbiba Qaran ee UCUD, KULMIYE iyo UDUB-ba Lacagta ay ku Ololaynayaan ha ahaato mid Dawladdeed ama mid ay jaaliyadaha dibadda ama/iyo mid xisbiyada dhexdoodu ay iska soo ururiyeenba key doonto ha ahaatee waa hanti Ummaddeed oo dad Reer Somalilanders ahi ay leeyihiin oo ujeedada loo soo ururiyey ama loo soo qaadhaamayba aanay ahayn in lagu waxyeelo nidaamka guud.

Ma Banaantay in Dadka Kaadhadhka Cod-bixinta Laga Iibsado?!! Ama in La Dhaariyo?!!
Jawaabtu waa maya. Waana waxba kama jiraan (Null and Void) Heshiis kasta oo Dadka lagula galo wax lid ku ah Nidaamka Guud iyo anshaxa wanaagsan ee ummadda Waxaana taas u daliil ah Qodobka 133 ee Xeerka Madaniga ah oo u dhigan sidan “Haddii Mawduuca waajibku khilaafsan yahay Nidaamka Guud iyo Anshaxa wanaagsan waxba kama jiraan heshiiska, sidoo kale waxaa la mid ah haddii uusan waajibka lahayn sabab ama sababtiisa khilaafsan tahay Nidaamka Guud ama anshaxa.” Horta iib haddaad maqashidna meeshaas heshiis baa jira, Heshiisyadana Sharciga ayaa nidaamiya, Noocyada Heshiisyaduna way fara badan yihiin. Qodobkani wuxuu si fiican uu inoogu muujinayaa doorka Sharcigu uu ka ciyaaro muhiimadda ay leedahay in laga hortago wax kasta oo fasahaadinaya musjtamaca.

Sidoo kale, waxa waxba kama jiraan ah Heshiis kasta oo dadka lagu dirqiyo, ama lagu dago iyadoo lagaga faa’iideysanaayo xaaladda Qofka iyo/ama Duruufaha baahiyeed ee Dhaqaale Xumo, waxaana u daliil ah markaynu Diinta soo qaadano xadiiska Rasuulkii Illaahay (NNKH) uu yidhi ee macnihiisu yahay sidan“Ummadayda waxaa Laga Kor Qaaday (aan loo qabsanayn) saddex arimood (1) Wixii Khadda’ kaga dhaca; (2) wixihi Illowshiiyo kaga dhaca iyo (3) Wixii Lagu Dirqiyo ee lagu Khasbo” Sidaas darteed waa waxba kama jiraan (Null and Void) wixii qofka lagu dirqiyo rabbitaankiisa kasoo horjeeda.

Haddaba, waar LACAGI waxay Gashaa CALOOSHA lakiin magasho Maskaxda oo Qofna Dammiirkiisa iyo Rabitaankiisa/Caqligiisatoona laguma iibsan karo Qiime yar oo lacageed. Sidaas darteedna qofkastaaba waa inuu ogaadaa in cidda lacag lagu bardaamiyaa ay tahay cid/qof la quudhsaday. Sidaas darteed, waxaan Dhammaan Dadweynaha JSL aan u sheegayaa inay ogaadaan in cidda kuu quudha ee kaala xishoon wayda ay cid jiritaankaaga xaqirtay. Waxaa kale oo Dadweyne haboon inaad ogaataan in lacag yar oo lagu siiyaa aanay caddaabta illaahay kaaga filnayn/kaa celinayn, sidoo kale qofka aad Dulmiga ku raacdaa, isaga ayuunbaa illaahay uu dib kuugu salidaa oo ku dulmiyi doona.

Haddana, dadweyne waxaan idiin sheegayaa Nabadgelyadan la sheegaa ee dalkani uu ku faanaa waxay tahay mid ka timid xagiina, laakiin ma aha mid ka timid dhinaca Dawladda oo maamul wanaag ku timid. Tallaabada maamul ee ay Dawladdu qaadaa iyo warqadda ay qortaaba waxay abuurtaa Nabadgelyo daro, oo cid bay Dulmidaa oo xuquuqdiisa ay ku xad-gudubtaa, oo marka maamul xumadu ay ugu yar tahay waa mar Dhul-Jago ah ay Dawladdu u soo kala Sharciyeyso laba qof oo kala duwan dabadeedna halkaa madaxa ay isla galaan dadkii. Sidaas darteedna waxaan idinka codsanayaa in maantana caddaaladdu ay dhinaceena ka timaado, oo aynaan u kala eexan saddexdan musharax ee tartamaya.

Sidoo kale , arintani waxay si toos ah uga soo horjeedaa ujeedada Doorashada iyo mabaadiida dimuquraadiga ah ee inay dhacdo “Doorasho Xor iyo Xalaal ah”, markaa haddii iib uu meesha soo galo waxaa meesha ka baxaysa Xornimadii Qofka ee ahayd inuu si xor ah u codeeyo, iyo Xalaalnimadii doorashada. Qabiil iyo lacagi inaga difaaci maayaan caddaabta illaahay. Waxaan idin xasuusinayaa halku dhigii dadkeenii hore ay ka tegeen ee ah “Berberi Ka Weyn Wax Go’ Lagu Qaado” iyo murtida kale ee tidhaahda “Waad Baahan Tahay Looma Bahalo Cumo”

Dadku waxay xaq u leeyihiin in la dhawro Xorriyadda Dammiirkooda. Dalkeena ma jiro wax Qawaanuun ah oo nidaaminaya habka ay Ururada/Xisbiyada Siyaasaddu ay u ololaynayaan. Si loo helo madax iyo siyaasiyiin dhawrsan waxaa Dadweynuhu ay u baahan yihiin in dalka loo sameeyo xeerarkan;
1. Xeerka Ololaha Doorshooyinka (Electoral Campaign Act);
2. Xeerka Hab-u-Dhaqanka Madaxda iyo Siyaasiyiinta Dalka (Public Official and Politician Behavior Act);

DIGNIIN: waxaan uga digayaa Musharixiinta saddexda Xisbiba iyo cid kale toona waa in aanay ummaddan u horseedin dariiq xun oo Wax-is-daba marin, Musuq-maasuq iyo Cid u eexasho waa inay ka digtoonaataa oo ay ka dhawrsanaato caddaabta Illaahay. Sidoo kale waa in Madaxdu ay Ogaataa in Illaahay (SWT) wuxuu inaga mamnuucay/Reebay in Arlada aynu Fasahaadino.. Waxaana muhiim ah in mar walba la xusuusnaadaa in qiimo kasta oo lacageed oo lagu siiyaa aanay kaa difaacayn CADDAABTA ILLAAHAY. Illaahay ha inaga badbaadiyee Aamiin, Aamiin .Sidoo kalena

(Allaahumaa Laa Tajcal Al-Dunyaa Akbara Hamminaa Walaa Mablaqa Cilminaa) Allaahumaa Aamiin,

Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-Dhige)

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wasiiro iska casilay Xukuumadda Rayaale, kuna biiray Xisbiga KULMIYE

Hargeysa 24, June 2010 (Ogaal)- Xubno ka tirsanaa golaha Wasiirada Somaliland, ayaa cadeeyay inay iska casileen xilalkii ay hayeen.
Xubnahan oo kala ah wasiiradii Madaxtooyada iyo Wershadaha Mr. Xasan Axmed Ducaale (Xasan-Macalin) iyo Axmed Cali Ubaxle, waxay sheegeen inay xilalkii ay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka hayeen iska casileen, kuna biireen xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.
Labadaa xubnood oo xalay goor dambe shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay sheegeen inay go’aankaa qaateen ka dib markii murashaxa xisbiga ay ka tirsanaayeen ee UDUB Mr. Daahir Rayaale Kaahin ka gaabiyay inuu xisbiyada Mucaaradka tartan la galo. “Anigoo ahaa wasiirkii Madaxtooyada Somaliland, waxaan caddaynayaa inaan iska casilay xilkii aan u hayay qaranka,” ayuu yidhi Xasan Axmed Ducaale. “Waxa kale oo aan iska casilay xubinimadii xisbiga aan ka tirsanaan jiray ee UDUB,” ayuu raaciyay.
Mr. Xasan-Macalin waxa uu ka hadlay sababta ku keliftay inuu iska casilo xilka wasiirnimo oo uu muddo dheer ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. “Sababta igu keliftay inaan iska casilo xilkaa wasaaradda Madaxtooyadu waxa weeye, haddii aanu ahayn xisbiga UDUB waxaanu lahayn murashax, wuxuuna ahaa Daahir Rayaale Kaahin – Madaxweynaha Somaliland, murashaxaas baana noo taagnaa, laakiin murashaxii noo taagnaa baa ka baxay tartankii loolanka siyaasadda. Maadaama uu murashaxii noo taagnaa tartanka ka baxay, ololihiina ka fadhiistay cid aan dhisaa meesha joogtaa ma jiro, taas baana nagu keliftay in aanu iska casilo hawshaa. Taasi way noo muuqatay anaga, si wanaagsana way noogu muuqatay anagoo hawshii gudaheeda ku jira, xogogaalna u ah,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay; “Dadka taageerayaasha ii ahaa dhamaantood, waxaan ugu baaqayaa inay taageeraan oo ay codka siiyaan xisbiga KULMIYE, waanan ku dhiirigelinayaa.”
Wasiirkii Wershadaha Somaliland Axmed Cali Ubaxle oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu jeclaystay inuu ka muquurto inuu tartan u galo xilka uu u sharaxan yahay, taas bedelkeedana waxa uu amaanay qaabka xisbiyada Mucaaradku ololaha u galeen. “Anagu Madaxweynenimo maanu doonayn oo wasiiro ayaanu ahayne, murashaxayagii mar haddaanu diyaar u ahayn inuu tartamo ama hawsha wax ka galo, anaguna taas ma doonayno in aanu ku keliyaysano, sidaa darteed baanan iskaga casilay xilkaa. Markaa wixii hadda ka dambeeya, waxaan jecelahay in la helo dadkii aan muddadaa ku hawlanaa cid ka faa’iidaysata codkooda. Markaan eego dedaalada ay sameeyeen xisbiyada kale (Mucaaradku), qaabka ay u abaabulan yihiin iyo siday hawshu ugu kala qaybsan tahay, waxaan filayaa runtii in taas lafteedu hinaase badan I gelisay, waanan jecelahay dadkaygii inay noqdaan kuwo maanta taageerayaal u ah ama gacan siiyay xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi Mr. Ubaxle.
Waxa uu Madaxweynaha ku eedeeyay inuu kaga baxay inay soo daad-gureeyaan dad uu ku tilmaamay reer guuraa kaadhadhka cod-bixinta qaatay, loona baahnaa in loo fududeeyo sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen. “Murashaxayagu nooma sahlin ama nooma meel dhigin qaab aanu dadkaa tasiilaad ugu samayno – ilaa xad muraaqibiintii xisbigu lahaa cidlo taagtaagan yihiin oo aad ka naxayso hawlaha na haystay,” ayuu raaciyay.
Labadan xubnood ee xilalkii ay hayeen iska casilay oo ka soo wada jeeda degaanka bariga Burco, waxay ku doodeen inay ku rejo wayn yihiin in xisbiga ay u digo-rogteen ee KULMIYE ku guulaysan doono doorashada Madaxtooyada.
Mar la waydiiyay inay faahfaahin ka bixiyaan qaabka uu Murashaxa xisbiga UDUB tartanka uga muquurtay, waxay sheegeen in ilaa bilawgii ololaha aanu u muuqan murashax rejo ka qaba doorashada, isla markaana aanu isu diyaarin inuu tartan la galo Mucaaradka tartanku ka dhexeeyo. Hase yeeshee, waxay ku doodeen inay iyagu hawsha intii kaga beegnayd dedaal u galeen, isla markaana aanay garanaynin sababta uu Madaxweyne Rayaale ugu dedaali waayay inuu tartanka ka midho dhaliyo. “Halganka si fiican baanu ugu jiray, daacadna waanu u ahayn, saaxiibkay, murashaxayagii UDUB qaabkii aanu ugu talogalay ololaha wuu ka fadhiistay…..Waxa noo cadaatay in hawshii aan haya isa soo xidhay,” ayuu yidhi Mr. Macalin oo la waydiiyay inuu faahfaahiyo waxay uga jeedaan in Rayaale aanu tartankiisa niyad u gelin. “Ololuhu maaha in meelahaa la marmaro, in aanu rejoba ka qabin oo uu ka hawl yaraystay iyo inuu qaab kale oo aanaan garanaynin u dhigay garan mayno,” ayuu raaciyay.
Xubnahan is casilay waxay muujiyeen in aanay weli rasmi ahaan Madaxtooyada u gudbin iscasilaadooda. “Way qoran tahay, waana la gudbinayaa,” ayuu yidhi Xasan Axmed Ducaale.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, June 23, 2010

Shalay: Sagootintii Ololaha ee Shimbiraha, Sacabkii dadweynaha & badheedhihii Suugaanyahanka

Hargeysa,(Nnn)- “Walaalayaal waxaanu maanta haddaan xisbiga KULMIYE murashax u ahay aan la tartamayaa Daahir Rayaale Kaahin iyo Faysal Cali Waraabe. Daahir Rayaale Kaahin wuxuu dalka haystay siddeed sanadood, wax alla wax dalka laga qabtayna waad ogtihiin oo maanta ma jirto, wax alla wax lagu faanaa ma jirto.” Sidaa waxa yidhi Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed oo ka hadlay xaaladda dalka iyo siyaasadda Madaxweyne Rayaale.
Dadweyne aad u tiro badan, ayaa magaalooyinka dalka isugu soo baxay maalinta u dambaysa ee Ololaha Doorashada Xisbiga KULMIYE oo shalay ahayd. Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa ayaa ka mid ahayd meelaha sida aadka ah shalay isugu soo baxeen dadku, waxaana halkaa lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumaysa xaaladda dalka, taas oo ay metelayeen, isla markaana sameeyeen Abwaano ay ka mid yihiin, Maxamed Aadan (Dacar), Xasan X. Cabdilaahi (Ganey) Ismaaciil Cabdi (Basbaas), taas oo ay nuxurkeedu ahayd in Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu ku tagri-faleen taladii dalka, isla markaana ay ku jireen Heeso ka dhan ah.
Ka hor intii aanu halkaa khudbadda ka bilaabin Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa dhalinyaro ku labbisan Calanka KULMIYE, waxay hawada u sii daayeen Shimbiro cad-cad, hase ahaatee, loo mariyay Rinji ka kooban labada midab ee Calanka KULMIYE ee huruudda iyo Cagaarka, taas oo aan hore loogu arag fagaarayaasha Ololaha Doorashada.
Axmed-Siilaanyo, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Waad ogtihiin Daahir Rayaale wuxuu si cad u yidhi oo uu sheegay inuu dhiisha buuxsaday, inuu isagu baahidii ka baxay, inaanu u baahanayn Xisbi kale oo dardar qaba in loo keeno, dadka sidiisii moodayaa..Abaal gudkii dalka iyo dadkana wuxuu ka dhigay inuu yidhaahdo weelkiibaa ii buuxsamay.” Waxaanu Axmed-Siilaanyo intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal, waa ayaan darro reer Somaliland waxaanu u cadaynaynaa inaan weelka anagu aanaan ka buuxsanayn ee insha alla shacbiga aanu weelkooda u buuxino.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in markii Qaraxyadu ka dhaceen Madaxtooyada 29 October 2008 ciddii u horraysay ee tagta Aqalka Madaxtooyadu ay ahaayeen hoggaanka Mucaaradka. “Walaalayaal wuxuu nagu tilmaamay oo masuuliyiinta waaweyn ee caanka ah ee aan magacooda iyo sharaftooda la taaban karin ee ummadan u soo halgantay ee dhaqanka wanaagsan ee aad wada taqaanaan, wuxuu ku tilmaamay xag jir, muxuu ugala jeedaa yuu qaldayaa. Ummadda ayuu galinayaa niyad-xumo, shacbigii la ogaa ee argagixisada la dagaalamay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “CCiddii ugu horeysay ee aqalkiisa tagtay maalintii la ina soo weeraray waxaanu ahayn aniga iyo guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe. Walaalayaal shacbigani waa kii nabadgelyada u daglaamay waa ka nabadgelyada ilaalinaya illaahay ka sakaw, waa ka argagixisada qabta, waa ka budhcada qabta.”
Gebo-gebadii, waxa uu Guddoomiyaha KULMIYE sheegay in Xisbigoodu wax badan qaban doono haddii ay talada ku guulaystaan.
Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay Xoghayaha arrimaha dibedda ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar. “Walaalayaal waynu ka wada war haynaa in dalku u dareeri doono doorasho madaxtooyo 26-ka bishan, walaalayaal maalintaasi waa maalin taariikhi ah, waxaana saaxiibo badan oo ay shacabka reer Somaliland ku leeyihiin dibadaha ay rajaynayaan inay doorashooyinku u dhacaan si nabadgelyo ah, oo salmi ah, oo xor ah, oo xalaal ah, waxaanay ummada reer Somaliland rajaynaysaa isabdelkii ugu horeeyey ee dalka ka dhaca ilaa 1993-kii markii aynu shir beeleedka ku galnay magaalada Boorama.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal himilooyinka qaranka Somaliland leeyahay waxa ugu wayn inuu noqdo dal aqoonsi hela, bulshada caalamkana xubin ka noqda.
Waxa muuqata in maamulka imika jira ee siddeeda sano dalka xukumayey inuu si aad iyo aad ugu fashilmay oo uu ku guul-darraystay inuu riixo oo uu dhaqaajiyo oo uu horumariyo, ictiraaf uu keeno iska daaye Daahir Rayaale waxa uu xumeeyey oo muuqata saaxiibadii qaranakani lahaa ee aynu 19-ka sanadood dhisaynay. Haddaan soo qaado xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka dawlada ugu wayn dunida ee ugu awooda badan ee xidhiidhkeeda, taageeradeeda iyo saaxiibtinimadeeda aynaan qaran ahaan ka maarmi karayn, Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu way burburisay, waanay baabiisay, arrintaasio anagoo ka duulayna xisbi ahaan, anagoo ka diuulayna himilada shacabka reer Somaliland, xisbiga KULMIYE wuxuu ka galay hawl gal aad u badan, waxaanu dib u soo noolaynay oo aanu dib u soo celinay xidhiidhkii wada shaqaynayneed ee ka dhexeeyey Maraykan iyo Somaliland, waana guul wayn oo shacabka reer Somaliland u soo hoyatay oo xisbiga KULMIYE-na hormood ka ahaa, Kongreeska Maraykanka oo ah meesha awooda ugu way nee maraykanku ku dhisan tahay aynu ognahay in xidhiidhka ka dhexeeya xukuumadda Rayaale uu gaadhay meeshii ugu hoosaysay oo xataa cilaaqaad caadi ahi aanu ka dhaxaynin.”
Dr. Maxamed waxa uu sheegay inay dalka imanayaan Goob-joogayaal Caalami ah, waxaanu Xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay doorkii ay ku lahayd marti-qaadka goob-joogayaasha.
Waxa kale oo uu Xoghayuhu ka hadlay kooxaha xag-jirka ah ee Soomaaliya iyo aragtidooda la xidhiidha. “Walaalayaal, waxaynu ognahay inay jiraan kooxo xag jir ah oo arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika khatar ku haya, xisbiga KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa kooxahaa inay joojiyaan rabshadaha iyo nabadgelyo xumada. Waxaananu cambaaraynaynaa falalka argagixisonimada ah ee ay kooxaasi ka wadaan Geeska Afrika, dalkeena 2005-tii iyo 2008-dii waxa ku soo duulay cadaw shisheeye ah xisbiga KULMIYE wuu cambaaraynayaa waanuy ka soo horjeedaa waxaanu xoojinyaa nabadgelyada, difaaca dalka iyo ka hortaga aragagixisada iyo wixii rabshada ku keenaya mandaqada iyo dalka Somaliland-ba.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE rabshadaha iyo khilaafaadka ka Geeska Afrika wuxuu ugu baaqayaa kooxaha isku siyaasadu inay si nabadgelyo ah oo wada hadal ah ay ku dhamaystaan cid uu gacan saar iyo taageero la leeyahayna ma jirto.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tirada Codbixiyeyaasha Degmooyinka Gobollada Dalka ee Doorashada 26 June, 2010

Hargeysa, (Nnn)- Halkan waxa aanu ugu gudbinaynaa tirada codbixiyayaasha dorashada Somaliland ee gobol iyo degmo kastaa ka helay natiijada Komishanka Doorashooyinku soo saaray ee dadweynaha codkooda ka dhiiban doona doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto Sabtida toddobaadkan soo socda.
Xogtan oo u shaxaysan gobol gobol iyo degmo ee dalka oo dhan, isla markaana salka ku haysa natiijada ka soo baxday dadka qaatay kaadhadhka cusub ee codkooda ka dhiiban doona doorashada, ayaa waxa ka muuqda farqi u dhexeeya natiijadii diiwaangelintii codbixiyayaasha ee hore u kala heleen gobolladu.
Natiijada rasmiga ah ee codbixiyayaasha ka qaybgeli doona doorashada Madaxtooyada Somaliland oo u kala shaxaysan lixda gobol ee dalka iyo degmooyinka hoos yimaada, waxay u dhigan tahay sidan:

Degmooyinka Gobolka Awdal  = 176,916
Baki = 24,772 (afar iyo labaatan kun, toddoba boqol iyo laba iyo toddobaatan)
Lughaya = 12,894 (laba iyo toban kun, siddeed boqol iyo afar iyo sagaashan)
Saylac = 26,070 (lix iyo labaatan kun iyo toddobaatan)
Boorama = 113180 (boqol iyo saddex iyo toban kun, boqol iyo siddeetan)
Isugayn: 176,916 (boqol iyo lix iyo toddobaatan kun, sagaal boqol iyo lix iyo toban kun).

Degmooyinka Gobolka Sool = 98,313
Caynaba = 49,923 (sagaal iyo afartan kun, sagaal boqol iyo saddex iyo labaatan)
Lascanod = 43,050 (saddex iyo afartan kun iyo konton)
Xudun = 5,340 (shan kun, saddex boqol iyo afartan)
Isugayn: 98,313 (siddeed iyo sagaashan kun, saddex boqol iyo saddex iyo toban)

Degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex = 361,499
Hargeysa = 231,875 (laba boqol iyo kow iyo soddon kun, siddeed boqol iyo shan iyo toddobaatan)
Gabiley = 87,357 (toddoba iyo siddeetan kun, saddex boqol iyo toddoba iyo konton)
Balligubadle = 18,720 (siddeed iyo toban kun, toddoba boqol iyo labaatan)
Sallaxlay = 23,547 (saddex iyo labaatan kun, shan boqol iyo toddoba iyo afartan)
Isugayn: 361,499 (saddex boqol iyo kow iyo lixdan kun, afar boqol iyo sagaal iyo sagaashan).

Degmooyinka Gobolka Saaxil = 43,096
Berbera = 30,958 (soddon kun, sagaal boqol iyo siddeed iyo kotan)
Sheekh = 12,138 (laba iyo toban kun, boqol iyo siddeed iyo sodon)
Isugayn: 43096 (saddex iyo afartan kun iyo lix iyo sagaashan) .

Degmooyinka Gobolka Togdheer= 243,220
Burco = 178,612 (boqol iyo toddoba iyo siddeetan kun, lix boqol iyo laba iyo toban)
Buhodle = 15,511 (shan iyo toban kun, shan boqol iyo kow iyo toban)
Oodweyne  = 49,097 (sagaal iyo afartan kun iyo toddoba iyo sagaashan) .
Isugayn: 243,220 (laba boqol iyo saddex iyo afartan kun, laba boqol iyo labaatan)

Degmooyinka Gobolka Sanaag  = 146,369
Badhan = 8,350 (siddeed kun, saddex boqol iyo konton)
Celafweyn  = 34,916 (afar iyo soddon kun, sagaal boqol iyo lix iyo toban)
Ceerigaabo = 74,462 (afar iyo toddobaatan kun, afar boqol iyo laba iyo lixdan)
Dhahar = 7,791 (toddoba kun, toddoba qobol iyo kow iyo sagaashan)
Gar-adag = 20,850 (labaatan kun, siddeed boqol iyo konton)
Isugayn: 146,369 (boqol iyo lix iyo afartan kun, saddex boqol iyo sagaal iyo lixdan).

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, June 22, 2010

Saadaasha Doorashooyinka Somaliland

Waxa soo saaray Jariiradda Enterprice........
Sida ay xisbiyadu ugu kala badan yihiin Gobollada dalka


Warkii oo Dhan

Nasiib News

Taageerayaasha Kulmiye oo isu-soo bixi ugu cajiibsanaa abid ka sameeyay magaalooyinka

Hargesa (Nnn)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMKIYE, ayaa maanta isu-soo-bax la yaab leh ka dhigay caasimada Hargeysa, iyada oo Taageraasha xisbiga kulmiye yimaadeen shanta dagmo ee ee caasimada Hargeysa iyaga oo saaran Baabuur uu qaarkood Xisbigu u kireeyay qaar kalena ay iyagu wateen ayaa soo buux dhaafiyay gudaha iyo dibada fagaaraha. waxaanay qaar badan oo Dadkaasi ka mid ahi ay ku labisnaayeen Calamaanta iyaga oo luxayay Calamaantaasi kuna dhawaaqayay Ereyo ay ku muujinayaan Taageerada ay u hayaan Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ahna Murashaxa Madaxwaynaha Xisbigaasi ayaa Hadal uu u jeediyay Taageerayaashiisa saaka halkaasi iskugu yimid ayaa waxa uu ka codsaday in ay Nabad gelyada ilaaliyaan si Nabadgelyo ahna iskugu soo baxaan Maalinta Doorashadu ay dhacayso ee 26-ka Juun.
Axmed Siilaanyo, Guddoomiyaha Kulmiye, ayaa mar uu ka jawaabayay Hadal ka soo yeedhay dhawaan Madaxwayne Rayaale oo ahaa in Xisbigiisa dhiishiisu buuxdo kuwa Mucaaridka ahna ay sitaan Weel Madhan ayaa waxa uu arintaasi ku tilmaamay ayaan daro hantida uu ku faanayaana ay tahay Hantidii Ummadu ay ku aamintay ee loo dhiibtay.
waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha Arimaha diabada Xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar waxaanu sheegay in maanta ay si wayn hoos ugu dhacday sumcadii ay Somaliland ku lahayd Beesha Caalmka taana ay sabab u tahay Xukuumada Madaxwayne Rayaale. waxaanu ugu baaqay in ay Xisbiga Kulmiye u codeeyaan.
sidoo kale, waxa iyaduna halkaasi hadal ka jeedisay Guddoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Canab Cumar ILeeye, waxaanay ugu baaqday shacab waynaha Reer Somaliland in ay Codkooda siiyaan Xisbiga Kulmiye, iyada oo si wayn ugu Mahadnaqday dhammaanba ka soo qayb galayaasha ah Taageerayaasha Xibiga.
Fannaaniinta Xasan Gannay, Dacar, Basbaas, Jaamac Baqayo, Bulshaawi, Ubax Fahmo, Sahra Ilays iyo kuwo kale oo badan ayaa iyaguna maanta fagaaraha Beerta Xorriyada ku soo bandhigay Bandhig Suugaaneed aad loola dhacay oo Nuxurkiisu ahaa in ay Bulashadu doorkan Hogaanka u dhiibtaan Xisbiga Kulmiye. iyaga oo halkaasina ku soo bandhigay Heeso Guubaabo ah oo arintaasi la xidhiidha.
Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa isaga iyo Wafdi uu Hogaaminayaa ay u ambo baxeen Magaalada Salxley si ay ugu soo khudbadeeyaan Taageerayaasha Xisbiga kulmiye ee Deegaankaasi. sidoo kale, Marwada Guddomiyaha Kulmiye Marwo Aamina Warsi Jirde ayaa iyaduna wafdi ay hogaaminaysaa waxa ay u ambo baxeen Deegaanka Jaleelad oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedo si ay halkaasi ugula hadasho Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye.
Waa Maalintii ugu danbaysay ee Xisbiga Kulmiye uu u lahaa isku soo baxa Ololaha Doorashada oo ay maalin kali ahi ka hadhsan tahay.waxana maalinta bari ah soo xidhmi doonaa isku soo xidhmi doona isku soo baxa Doorashada iyada oo uu soo gunnaanadi doono Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid. waxana sidaa lagu soo gaba gabayn doonaa Mudada ololaha oo soo socotay 21 Maalmood, Xisbi kastaana uu u lahaa Todoba maalmood isku gayn guud. intaa ka dib waxa la sugaaba waa u dareerida Doorashada oo guddida Doorashooyinku ay u asteeyeen in ay qabsoonto 26-ka Bishan aynu ku jirno ee Juun oo ku beegan Maalinta sabtida ah ee horaanta tododaabkan soo socda.
Courtesy: Oodweyne

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, June 21, 2010

Komishanka oo ku dhawaaqay Tirada Cod-bixiyeyaaasha doorashada Madaxtooyada

Hargeysa,(Nnn)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee cod-bixiyeyaasha doorashada.
Afhayeenka Komishanka Axmed Maxamed Xirsi (Geelle), guddoomiyaha diiwaangelinta Raabi Shariif Cabdi iyo guddoomiye kuxigeenka guddiga Diiwaangelinta Cabdifataax Ibraahim Sh. Xasan oo ka mid ah todobada xubnood ee Guddiga doorashooyinka oo gelinkii hore ee shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay shaaciyeen tirada dadka qaatay kaadhadhka cod-bixinta. “Maalmahanba waxa nalaga sugayay liiska kama dambaysta ah ee dadka ka qaybgalaya doorashada, maanta (shalay) ayaanu noo soo dhamaaday,” ayuu yidhi Afhayeenka Komishanku.
Waxa uu sheegay in tirada guud ee kaadhadhka cod-bixinta qaadatay dhan tahay 1,069,914 (hal milyan, sagaal iyo lixdan kun, sagaal boqol iyo afar iyo toban qof). “Markii hore diiwaangelinta waxa isdiiwaangeliyay 1,375,660 (hal milyan, saddex boqol iyo shan iyo todobaatan kun, lix boqol iyo lixdan qof), waxaana ka go’ay 305746 (saddex boqol iyo shan kun, todoba boqol iyo lix iyo afartan qof). Markaa waxay tirada meesha laga saaray ay diiwaan gelintii hore ka noqonaysaa 22%, dadkuna 90% kaadhadhka way qaateen,” ayuu raaciyay. “Xeerka Diiwaangelinta ee No.37, qodobkiisa 28aad, waxa uu na farayaa in saddexda xisbi qaran iyo wasaaradda Daakhiliga mid walba nuqul la siiyo, cajalado ayaananu ku siinay nuqulada liiska codbixiyeyaasha,” ayuu yidhi Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).
Mar la waydiiyay waxa ay qaab gobollaysan natiijada dadka kaadhadhka qaatay ugu soosaari waayeen, waxa uu sheegay in xilligan ay go’aamiyeen in si guud loo sheego, isla markaana goob kasta lagu dhejin doono dadka ka codayn doona. “Ma jiro wax madmadow ah oo aanu u sheegi waynay (natiijada gobollada), dadkana marba in baanu u sheegaynaa, imikana intaas baanu ugu talogalay in aanu bulshada u sheegno,” ayuu raaciyay Afhayeenka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidha inuu jiro madmadow sababay in aanay natiijada qaab gobollaysan ugu dhawaaqin.
Ugu dambayn, waxa uu cod-bixiyeyaasha ugu baaqay inay si nidaamsan u codeeyaan maalinta doorashada Madaxtooyada ee 26 June, isla markaana ay dadka jilicsan gelida safafka ugu naxariistaan.

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking