COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label udub. Show all posts
Showing posts with label udub. Show all posts

Thursday, July 8, 2010

Wasiirka Hawlaha Guud oo ka hadlay masuuliyadda Hay’addaha Dawladda ka saaran hantida qaranka

Hargeysa,(Nnn)- Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, ayaa sheegay inuu ku adkaynayo Hay’adaha Dawladda masuuliyadda ka saaran hantida qaranka guud ahaan, isla markaana la ilaaliyo diyaarinta xil-wareejinta gaadiidka dawladda sida ugu haboon.
Wasiirka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay inuu maqlayay maalmahanba gaadiid dawladu leedahay oo lambarradii laga furayo, balse ka-wasaarad ahaan aanay iyagu haynin gaadiid siyaabahaas lagu lunsanayay. “Waxaan doonayaa inaan u baahiyo Hay’addaha dawladda in la ilaaliyo masuuliyadda qaranka cid walba saaran ee hantida qaranka, lana diyaariyo xil-wareejinta gaadiidka dawlada sida ugu haboon, wax masuuliyad-darro ahina aanay dhicin,” ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa ku daray, “Kolley anaga ka-wasaarad ahaan, waaxdii gaadiidkuna way ila fadhiyaan maanaan maqlin wax warbixin sugan oo inta lambarkii laga bedelay intan kala-guurka lagu jiro la bililiqaystay ma ogin. Taanu ka digaynaa waa taas, dawladnimaduna waxa weeye in si nidaamsan oo masuuliyadi ku jirto wax laysugu wareejiyo.”
“Wasaaraddaha ama Hay’adaha dawladda waxaanu leenahay, waxaanu idinka rabnaa warbixin la xidhiidha gaadiidka ay hayaan ee ay xil-wareejinta ku darayaan, maadaama oo aanay wasaarada gaadiidku haynin liiska gaadiidka oo dhan. Waa jirtaa in marar badan aanu qoray, hadana waanu qoray, maadaama oo xilkii ay wareejiso xukuumadii hore ee xisbiga UDUB, kuna wareejinayaan xukuumada cusub, waxaanu leenahay waa in si hufan loo keenaa liisaska gaadiidka. Amarkii hore ee aanu ku joojinaynay socodka gaadiidka ee 6:00 ka dambeeya ee aanay masuuliyiini wadanina wuu jiraa oo waa la qabanayaa.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.
Wasiirku wuxuu sheegay in siyaabaha kala duwan ee ay gaadiidku ku soo galaan dawladda awgeed aanay haynin liis sugan oo la xidhiidha tirada guud ee gaadiidka dawladdu leedahay, balse inta ka-wasaarad ahaan ay ku leeyihiin tahay uun inay lambarrada siiyaan. Isla markaana gaadiidka meesha ka baxa ee xumaada iyo kuwa kaleba aanay wasaaraduhu la soo socodsiin. Mar la waydiiyay Wasiirka Hawlaha Guud dhanka uu mustaqbalkiisa ula baydhi doono, maadaama oo ay xukuumada uu ka tirsanaa xilka dhawaan wareejinayaan, waxa uu ku jawaabay, “Inkasta oo aanan ku talogalin inaan ka hadlo wax ka baxsan mawduucaas, hadana waa su’aal meesha ku jirta. Horta, anigu talada dalka ka biximaayo, balse maadaama oo aan shaqada ka tegayo, waa inaan shaqo samaystaa, wixii hawl qaranka igaga soo aadana waan u qabanayaa qarankayga. Kolley dee, waxa jira Xisbiga UDUB oo aan ka tirsanahay, markaa isagana kolley, Boodhka waa laga tumayaa.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, July 2, 2010

Natiijada Codadka ay xisbiyadu ka kala heleen degmooyinka iyo Gobollada Dalka

Hargeysa, (Nnn)- Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa natiijadii codadka ee ay xisbiyadu ka kala heleen gobollada iyo degmooyinka Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, June 30, 2010

Xisbiga talada haya ee UDUB oo Komishanka uga digay inay ku dhawaaqaan Natiijada codbixinta sheegtayna in deegaamo badan oo lagu shubtay

Hargeysa,(Nnn)- Xisbiga talada dalka haya ee UDUB ayaa galabta Komishanka doorashooyinka Qaranka uga digay inay ku dhawaaqaan Natiijada ku meel gaadhka ah ee doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishan June, oo ay sheegeen in degmooyin badan lagaga shubtay.
Xisbiga UDUB waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax iyo Guddoomiyaha olalaha doorashada Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) waxaanay shir-saxaafadeedkaasi ka akhriyeen qoraal u qornaa sidan:-
“Sidaad la wada soctaan doorasho ayaa dalka ka dhacday, taas oo si nabadgelyo ah inoogu qabsoontay Ilaahay baana mahada leh iyo shacbiga Somaliland.
 Foolxumada iyo Weji-gabaxa ka muuqda Masuuliyiinta UDUB
Waxaase jirta dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay ku shubasho caam ah taas oo ka dhacday gobolada Maroodi jeex degmadiisa Gabiley gobolka Togdheer qaybtiisa bari iyo Buhoodle, Sanaag degmooyinka Ceel Afweyn iyo Gar’adag gobolka Sool degmadiisa Caynabo iyo goobo ka mida degmooyinka caasimada Hargeysa 26 Juun iyo Axmed Dhagax.
Anagoo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan komishanka doorashooyinka qaranka.
Haddaba waxaanu soo jeedinaynaa in sida xeerku qeexayo aanay soo saarin natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka aanu kor ku soo sheegnay ee aanu qoraalka ugu gudbinay komishanka doorashooyinka qaranka.
Ugu danbayntii waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeed kani yahay in KDQ aanu soo saarin natiijo hor dhaca ah inta khilaafkaa laga heshiinayo taas oo abuuri karta duruufo siyaasadeed oo hor leh iyo mid nabadgelyo xumo keeni karta wixii ka yimaadana iyagu mas’uul ka yihiin.”
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo aan weydiiyay su’aal ahayd inay deegaanadani ay yihiin kuwa ay ku badan yihiin taageereyaasha mucaaridku oo ay ka gal galanayaan natiijada Komishanku soo wado, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaad moodaa in su’aashaasi in aanay toosnayn sababtu waxa weeye Anagu markaanu xisbiga UDUB nahay gobol ama degmo noo gaar ahi ma jirto. Anaga dalka degmooyinkiisu way noo siman yihiin.
Waxaanu kuu sheegnay meelihii ay khaladaadku ka dhaceen, waxaan kuu sheegayaa in lagu tacadiyay xuquuqdii muwaadinimo waana lagu shubtay doorashadii deegaanadaasi.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, June 6, 2010

Isu-soo-bixii ololaha maalinta 2aad ee xisbiga talada haya ee UDUB iyo taageerayaashiisa

Hargeysa (NNN)- Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa maanta muujiyay dhoola tus aad u balaadhan, kana sameeyay Gobollada dalka Somaliland, gaar ahaan Beerta xorriyada ee Magaaladda Hargeysa. Isu soo baxaasi oo ayna u kala hadhin yar iyo weynba, waxa ay ahayd maalintii labaad ee Ololaha Xisbiga UDUB ku muujiyay taageeradooda.
 
Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa khudbad dheer ka jeediyay, waxana uu ku bilaabay hadalkiisa “In Badan ayaa la lahaa UDUB way ku fashilantay barnaamujkeedi Siyaasadeed, kumaanaan fashilminee ee Beri [Isniin] ayaanu keenaynaa oo cidwalba la siinayaa. Ta labaad Xisbigeenu [UDUB] waa Xisbi fac-weyn ee waxaan idinkula dar-daarmayaa sida Xisbiyada kale inaan la caytamin oo aan cidna la xajiimayn oo ololahana si fiican loo galo,".

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking