COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label UCID. Show all posts
Showing posts with label UCID. Show all posts

Friday, July 2, 2010

Natiijada Codadka ay xisbiyadu ka kala heleen degmooyinka iyo Gobollada Dalka

Hargeysa, (Nnn)- Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa natiijadii codadka ee ay xisbiyadu ka kala heleen gobollada iyo degmooyinka Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, June 20, 2010

Beesha Bariga Hargeysa ( ISAXAAQ) oo taageertay Xisbiga UCID

Hargeysa,(Nnn)- Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa shalay xaflad ku qaabilay Beesha bariga Hargeysa oo ku dhawaaqday inay taageradoodii ku biiriyeen xisbiga UCID.
Xafladaas oo lagu qabtay Hotel KAAH ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], Xoghayaha Guud ee xisbiga Muuse Inji, Xoghayaha arrimaha Gudaha Maxamed Ibraahim iyo masuuliyiin kale oo oo Golaha dhexe ee xisbiga ka tirsan, madaxda iyo taageerayaasha beesha bariga Hargeysa ee ee sida xoogan taageeradooda ugu soo wareejisay xibsiga UCID.
Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe oo xafladaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahad-celiyey beesha bariga Hargeysa ee taageerada u fidisay xisbiga UCID, isaga oo sheegay inay yihiin cidda keliya ee ka dhinnayd. “Hargeysa waxa ay ka koobnayd Afar dhadhaar, haddii dhadhaarkii Afraad maanta xisbiga ku soo biiray waa alxamdulilaah. Waxa ay digniin u noqonaysaa shakhsiyaadka doonaya inay foodka Gobolka Hargeysa iga gacan-maroojiyaan oo meel kale geeyaan.” Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Maanta waxa halkan fadhiya Cumar Sulub Caalin oo reer Hargeysa ah, Xuseen Xaaji Axmed Il-dab oo reer Hargeysa ah, Maxamed Ibraahim oo is-na reer Hargeysa, Werdi Baasbaas oo reer Hargeysa iyo Faysal Cali Waraabe oo is-na reer Hargeysa, xaggee laga marayaa waa taase..Ardaagii shanaad ee Oodweyne ilaa Berbera ka soo duulay-na waxaa Wakiil ka ah Caddiraxmaan Cirro [Gudoomiyaha G/Wakiilada], kii lixaad ee Gabiley-na waxaa wakiil ka ah Muuse Inji [Xoghaya Guud]. Markaa Gobolkii la odhan jiray Waqooyi galbeed wuu is raacay.”
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in xisbiga UCID ka samaysmay dhibaatada hogaan xumo ee waddanka ka jirta, “Walaaloyaal xisbiga UCID waxa uu ka samaysmay ilaahay ayaa nagu oge hogaankii siyaasada waddanka oo inaga saqiiray, markii waddanka la xoreeyey ee aynu ka badbaadnay wixii dhibaato inagu dhacday ee aad ogaydeen sidii aynu u dagaalan-nay, oo aad ogaydeen ballantii aynu ilaahay la galnay ee ahayd haddii ilaahay inaga qabto Fircoon [Afweyne] oo uu xasuuqa inga badbaadiyo inaynu Kitaabka ilaahay iyo sunnaha rasuulka isku xukunno. Ballantii aynu kala baxnay siyaasiyiintii hirgelin wayday ee isku bedeshay inay Ceerigaabo dagaalanto, Berbera isku dirto, reer Burco isku dirto, markii dambena reer Hargeysa isku dirto. Horta taasaanu ka dhalan-nay inaanu soo saarno hogaan wanaagsan oo ilaahay ka baqaya oo dadka mideeya oo aan isku dirin.”
Waxa uu baaq u jeediyay dadweynaha reer Hargeysa, waxaanu yidhi “Hargaysi waxa ay ahayd halkii laga bilaabay halganka Soomaali oo dhan, inaga ayaa siyaasada Somaliland iyo ta Soomaaliya-ba hayn jirnay. Maanta wanaaga u bilaaba, oo foodkiinu [codkiinu] halka uu maro ayay dadka kalena marayaan, oo waa inaad Somaliland u hiilisaan annaga ha noo hiilana’e. Somaliland maanta waxa ay u baahan tahay in la badbaadiyo, labada xisbi ee kale [KULMIYE iyo UDUB] mid-na ma badbaadin karo ee yaan been la diin sheegin oo dalka isuma ahayn karaan. Maanta-na UCID ayaa dalka isku hayn karta oo dadka midayn karta. Annagaa war-qad cad haysana, macnaheedu maaha UDUB ayaan ka baxay oo KULMIYE ayaan galay, dee ilaahay dadka dib uma abuuree kii shalay UDUB joogay ayuum-baad tahay. Markaa maaha inay kooxi inagu war-wareegto oo intay kolba Albaabka ka baxdo hadana daaqada ka soo gasho, taasi wax-ba ma kordhinayso. Annagu 18-kaa sannadood ciddii talo dalkan ka soo qabtay, waxa aanu leenahahay idinku Jaanis ma lihin ee wakhtigiinii waad soo cunteen.”
Mar uu Guddoomiyuhu la hadlayay Beesha ku biirtay Xisbigooda, ayaa wuxuu yidhi, “Waxa aan leeyahay Beeshan maanta soo biirtay, dawlada Rayaale laba Wasiir ayaad ku leedihiin, ee dawlada UCID idinka ayaa wada-wasiir noqonaya oo qof weliba isaga ayaa lacag helaya oo shaqaysanaya.”
Waxa is-na halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Walaaloyaal waxa aad maanta og tihiin inaynu ku jirno wakhti doorasho, marka ay doorasho joogtana dadka waxa la siiyey inay wax kala doortaan. Maanta waxa ina hortaala fursadaa qaaliga ah ee laga yaabo inaanay ina soo marin shanta sannadood ama lixda sannadood ee soo socda. Markaa waxa aynu u baahan-nahay inaynu u hubsano meesha aynu codkeena dhigayno, oo codkeena yaynaan ku dooran shan sannadood oo biyo la’aan ah. Sannadkii 2000-dii ayaan soo degay Waaxda Gacan-libaax Weli Qasabad kamaan cabin oo guriga aan ku jiro weli Qasabad lagama cabin. Imikana waxa aan degenahay Maxamuud Haybe, iyadana gurigeyga qasabad lama cabo. Tobankaa sannadood ee aan Hargeysa ku noolaa weli qasabad kamaan cabin ee Booydan ayaan ka dhaansadaa. Ma waxa aynu dooranaa shan sano oo dambe oo biyo la’aan ah? ‘MAYA’ Maxa aynu dooranaa shan sannadood oo tahriib ah ‘MAYA”. Walaaloyaal hadaba codkiina sii xisbiga UCID.”
Gudoomiyuhu waxa sheegay in dhab tahay in xisbiga UCID waddanka ku xukumi doonbo shareecad Islaamka, isla markaana uu wax badan ka qaban doonoo baahiyaha iyo kaabashayda bulshada ee sida weyn u dayacan.
Waxa iguna halkaas ka hadlay Werdi Basbaas, Caaqil Xasan Aadan Jirde iyo Oday Xuseen Geele Abokor oo dhamaantood ku hadlayay magaca beesha bariga Hargeysa ee taageradooda ku soo biirisay xisbiga UCID, oo sheegay inay xisbiga UCID ugu soo biireen, ka dib markii ay u arkeen inuu yahay xisbiga Somaliland ka saari karaya xaalada adag ee uu ku jiro, iyaga oo si buuxda u xaqiijiyey in ay codkooda iyo taageradooda-ba siinayaan xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, June 12, 2010

Guddoomiyaha UCID oo dadweynihii Rayaale Codka siiyay ugu baaqay inay Toobbad keenaan oo Illaahay Cafis weydiistaan

Ceerigaabo,(NNN)- Hoggaanka Xisbiga UCID, ayaa naqdiyay socdaalka Madaxweyne Rayaale ee Gobolka Sanaag, isla markaana waxay ku tilmaameen in aanu daacad ka ahayn raadinta Ictiraafka iyo sidoo kale daryeelka maatida, gaar ahaan gobolka uu hadda socdaalka ku joogo ee Sanaag.
Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye-xigeenka Xisbigaas Aadan Maxamed Mire (Waqaf), oo shalay Dadweynaha reer Ceerigaabo shalay kala hadlay meel fagaare ah, ayaa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku tilmaameen mid ka gaabiyay waxqabadkii loo igmaday, isla markaana waxay naqdiyeen socdaalka Madaxweynaha ee Sanaag.
Guddoomiye Faysal oo ka mid ahaa masuuliyiintii Fagaaraha kala hadlay Dadweynaha, ayaa sheegay in Madaxweynuhu awoodda maamul leeyahay, waxaanu xilka Wasiirnimo ku tilmaamay Karraani.
“Walaalayaal, reer Ceerigaabo maanta codkiinii waad muujiseen, maanta Ceerigaabo waxay cod dheer ku tidhi UCID baanu nahay. Walaalayaal dalkan Somaliland ilaa 60-kii waxa ka xumaaday hogaankii siyaasadda, anagu markaa waxaanu u nimi inaanu siyaasiyiin cusub soo saarno, waxaanu doonaynaa wixii 50 sano inaga xumaaday inay 26-ka June dib u hagaajino, waxaanu ku hagaajinaynaa caddaalad, midnimo waa shareecada islaamka, walaalayaal taasaanu idinku bushaaraynaynaa.” Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal SNM-tu intay tawaxiidkii ku qorteen ayaa markii illaahay guushii siiyey ayaa intay iska xooreen ay habar-habar la soo baxeen, taasi waxay keentay in dawlada maanta joogta siddeed sano ayuu hayey madaxweynuhu. Habka aynu qaadanay ee madaxweynaha, wasiirku waa iska karaani, cidda awooda lihi waa madaxweynaha.”
Faysal Cali wuxuu Madaxweyne Rayaale ku dhaliilay wax-qabad-la’aan. “Madaxweynaha jooga maanta ee Daahir Rayaale waqtigii uu gacanta ku hayey, waqti uu ka nabad badnaa muu jirin, siddeed sanadood ayuu gacanta ku hayey, waxay soomaalidu tidhaahdaa raggu wuxuu leeyahay waxyar tare ee wax ma tare malaha. Laakiin waxaynu odhan karnaa Rayaale waa wax-ma-tare, maalintii uu dalka qabtay waxaynu dhisaynay hay’adihii, waxay ahayd in la naaxiyo, askarta derajo la siiyo, idaacad la sameeyo, lacagta la idinka badelo. Waxaas oo dhami ictiraaf umay baahnayn waxaynu qabsan karno ayey ahayd, kiish wayn buu soo qaatay. Dadkiina qofkii wax ka cunay waad arki doontaan isaga oo nolosha ku uray.” Ayuu yidhi Faysal.
Guddoomiyaha UCID waxa kale oo naqdiyay adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo qaar kale oo uu sheegay in aay dhammaystirnayn. Mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Walaalayaal maanta dalkeena meel qudha oo cusbitaal shaqaynayaa ma jiro, hay’adaha caaalamiga ahi M.C.H-yo ayey dhisaan, dugsiyo ayey dhisaan, M.C.H-ka ay dhisaan sariirtii way taalaa, dhakhtar male oo kalkaaliye caafimaad malaha, dugsiga ay dhisaan macalin malaha, iyadoo intaasoo dhami jirto, ayuu haddana wankiinii idinku qabsaday oo $12 dolar qaataa. Dadkii doortay Rayaale waxaan idin leeyahay illaahay u toobad keena wixii dambi uu galay waad la wadaagtaane, aakhirana waa la idin waydiinayaa.”
Guddoomiyaha UCID ayaa mar uu naqdiyayay socdaalka Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag, wuxuu yidhi, “Walalaayaal maanta wuu idiin yimi, sharaftiinii ayuu ku ciyaarayaa, siddeed sano intuu iska seexday ayuu maanta diyaarad soo qaatay…Maanta waxaan doonaynaa kitaabka iyo sunnaha inaynu qaadano, inaynu dadka reer Somaliland tacliinta ka haqab tirno, waxaanan idiin sheegayaa. Walaalayaal waxa idiinku dambaysa iskuul aad lacag ka bixisaan maalintuu Rayaale kursiga ka dego. Waxaan doonaynaa in shan sano guddahood aanu wadooyinka isku xidhno, wadada u horeysa ee aan dhagax dhigi doonaa insha alla waa wada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo…” waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal gobolka Sanaag dhibaatada haysataa waa biyo la’aan, waxaanu doonaynaa in dhibic kasta oo biyo ah oo cirka ka soo dhacda inaynu halkeena ku xejino.”
Sidoo kale, Guddoomiye Faysal waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku dhaliilay in aanay sidii loogu talo-galay uga hawl-galin ictiraaf raadinta. “Walaalayaal markaynu ka hadalno ictiraafka, waxa caddaatay markaanu baadhnay in xukuumadda Rayaale ay maanta joogtaa inaanu daacad ka ahayn, Rayaale wuxuu inagu simayey dawladaha been beenta ah ee laga dhisayey Soomaaliya biriigga ayuu inoo qabtay, kolba markuu lahaa doorashadu ma dhacayso dibuu inoo ridayey Sh. Shariif buu inagu simayey, waananu baadhaynaa inuu daacad ka ahaa iyo in kale hogaankii loo dhiibtay, dadkaanu u soo gudbinaynaa warbixinta aanu soo saarno idinka ayaa xukumi doona. Haddaad tidhaahdan saamaxana waanu saamaxaynaa, haddaad tidhaahdaan sharciga keenana waanu keenaynaa, dalka khiyaano ayuu ka sameeyey ummad baa dooratay awood baa la siiyey inuu dadka ictiraaf u doono biriiguu u qabtay.” Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Anagu ballan waxaanu idinku qaadaynaa waxaanu dhisaynaa dawlad adag oo xuduudeeda oo dhan joogta, lacagtaa waanu idinka badelaynaa insha alla. Walaalayaa gadhka in lala baxaa waa sune, gadhku kii hore maaha waa la ina soo galay wadaadku wadaadkii maaha, maanta ragagixiso ayaa la inaga dhigay islaam marka la arko diyaarada ayaa lagaa reebayaa wejigiibay inaga xumeeyeen walaalayaal.”
Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiye-xigeenka UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen, “Waxaan markhaati ka ahay Ceerigaabo inay maanta muujisay codkeedii oo ay ku taageertay xisbiga UCID. Waxaan idin leeyahay 26-ka June inaad kaga dhabaysaan sidaa aad maanta ugu soo baxdeen inaad codkiina ugu muujisaan. Waxa kale oo aan markhaati ka ahay ninkii iska yimi (Madaxweyne Rayaale) ee aydaan idinku u yeedhan saaka salaadii ayuu ka kalahay halkan, isagoo ummadii iyo dadkiisii midna la hadal. Waxay ila tahay faqiina wuxuu warku igu soo gaadhay inay reer Ceerigaabo yidhaahdeen, adiga ayuun baa iska yimi ee anagu cod kuuma hayno, taasaa ka muuqatay markuu saaka (shalay) na sii dhaafay.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi Waqaf, “Ninkaasi waa nin iska tagay, waa ninkaa diyaaradda ku yimi ee garan kari waayey ummadiisa iyo dadkiisa waxay ku nool yihiin inuu soo eego ee iska tagay. Isaga waxaan leeyahay waa sidaa aad ku tagtay. Waxaan leeyahay reer Ceerigaabo, ninka siddeed sano idin soo xukumayey miyeynu maanta ka dhagaysanaa jidkii Burco iyo Ceerigaabo ayaan dhisayaa, Dekaddii Maydh baan dhisayaa, biyaan idiin galinayaa, wax walba waan idiin samaynayaa, hadda dhawr iyo toban cisho ayaa ka hadhay intuu gabbalkiisu dam noqonayey. Walaalayaal waxaan idin leedahay, midnimada iyo wadajirku waa ta horumarka lagu gaadho, waxaanu anagu idiin sidnaa bushaaro iyo ballan-qaad, waxaan idin leeyahay haddii la idiin yimaado habeenkii oo la idin yidhaahdo reer hebel iyo reer hebel, taa mid ka duwan ayaanu wadnaa. Kitaabka iyo sunada rasuulka ayaanu wadnaa.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, June 6, 2010

Taageerayaasha Xisbiga UCID oo khalkhal geliyay xisbiyada kale ee KULMIYE iyo UDUB

Hargeysa,(NNN)- Taageerayaasha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shalay isu-soo-baxyo balaadhan ka dhigay magaalooyinka waawayn iyo degmooyinka dalka.
Isu-soo-baxaas oo qayb ka ah ololaha doorashada Madaxtinimada oo xisbiga UCID shalay maalintiisii koowaad u dabaal-degay, waxay taageerayaashu ku muujiyeen cududooda iyo taageerada ay u hayaan xisbigaas.

Burco:
Murashaxa jagada Madaxweynenimo ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbad u jeediyay kumanaan ka mid ah taageerayaashiisa ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Fagaaraha Burco oo ay hadalo ka jeediyeen xubno ka tirsan hoggaanka UCID, waxay taageerayaashooda uga warameen barnaamijyada ay dalka ku hagi doonaan haddii ay qabtaan talada dalka. “Walalayaal, waxa mihiim ah in aynu taariikhda dib u milicsano, 26 June waxaynu u dabaal-degaynaa 50 sanno guuradii ka soo wareegtay markaynu xornimada ka qaadanay Ingiriiska, kontonkaa sannona wax inaga dhaca mooyee wax inoo kordhay may jirin, waxaana sababay hogaanka oo inaga xumaday,” ayuu yidhi Murashaxa UCID. Wuxuuna ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland tan iyo 1960-kii. “Anagu UCID ahaan waxa aanu nahay iyadoo la leeyahay shir Beeled hala qabto raggii diiday qabyalada ee Xisbigi u horeeyay fura oo UCID ah, maantana waxa aanu wadnaa Kitaabka iyo in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka. Maxkamadda dalka waxa aanu dhigaynaa Kitaabka Quraanka ah, waxaanuna Maxkamadaha fadhisinaynaa Culimada waaweyn ee dalka haddi aanu talada dalka ku guulaysano ma arki doontan Madaxweyne iyo qof shicib ah oo isku haysta neef Adhiya, ma jirayso Maxjar dambe oo dadka lagu dhaco, ma jiri doonto TOTAL dambe iyo ganacsi kooto la galiyaa. Waxanu dalka ka dhigaynaa mid loo siman yahay iyo cadaalad ku wada noolasho iyo in aanu ka shaqayno horumarka dalka,” ayuu raaciyay. Wuxuuna taageerayaasha Togdheer ka codsaday in si isbedelkaa loo hirgeliyo la taageero xisbiga UCID.
Murashaxa UCID waxa uu baaq u jeediyay bulshada ku dhaqan degmada Buuhoodle iyo dawladdaha jaarka la ah Somaliland. “Reer Buuhoodle waxa aanu u fidinaynaa gacan walaalnimo iyo wadahadal ee ma doonayno dagaal. Somaliland ma kala go’i karto, markaa walaalayaal gacan wanaagsan baanu idiin soo fidinaynaa wixii aad tabanaysaan waynu wada dhamaynaynaa. Laakiin, Somaliland uma baahna dhiig dambe, uma baahna dagaal dambe, waxaana inoo cibaaro ah waxa ka socda Xamar. Dawladaha jaaraanka ah waxa aan leeyahay Jabuuti waxaanu leenahay waanu idiin soo halganay oo idiin dhimanay ee iska daaya koruboodada aad Soomaaliya ugu boodaysaan. Waxaan leeyahay, Somaliland way jiraysaa ee imaansada oo dhawra wada noolaanshaha iyo walaaltinimada. Itoobiya waxa aan leeyahay laba isku helimaysaan, in wixiinu si fudud dalkayaga u soo galaan, waxa dalkayaguna kootarabaan noqdaan, haddii aanu talada qabano arrintaa waanu kala hadlaynaa dawladda Itoobiya, anagoo dhawrayna jaar wanaaga,” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID. Wuxuuna intaa ku daray, in xisbi ahaan ay doonayaan in Itoobiya qaataan Milixda iyo Kalluunka Somaliland.
Murashaxa UCID waxa uu sheegay in maalintooda labaad oo ku beegan 8-da bisha, in aanay qaban doonin isu-soo-baxa ololaha, isla markaana kharashka maalintaas ku baxaya ay ku caawin doonaan Carruurta Agoomaha iyo Bukaan-jiifka Cusbataalada.
Waxa uu balanqaaday in haddii ay talada qabtaan ay wax ka qaban doonaan adeegyada bulshada oo uu sheegay inay dayacan yihiin, wuxuuna sheegay in waxbarashada ilaa heer dugsiga Sare ay bilaash ka dhigi doonaan.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in haddii ay talada qabtaan ay jaar wanaag kula noolaan doonaan Koonfurta Soomaaliya oo uu sheegay in aanay Somaliland dib ula midoobi doonin. "Dawladda Soomaaliya ee aynu walaalaha nahay , daris-wanaagsan ayaynu ka dhiganaynaa, laakin Soomaliland laba u dulqaadan mayso mar dambe UDUB ma dooran doonto waana ka mamnuuc, dadka reer Somalilandna mar dambe Xamar ku noqonmayso oo waa inaga xaaraan,” ayuu raaciyay. “Reer Burcow qabiilkiinu waa reer Togdheer, waxa laydinka doonayaa isku duubni iyo wadajir. Markaa waxaanu idiin wadnaa hadaanu nahay xisbiga UCID isbedel dhab ah iyo barnaamijka xisbiga ee aad aragteen oo aanu sidiisa u fulinayno. Sidaa awgeed, waxaan idiin sheegayaa UDUB way saqiirtay oo ka hadli mayo, balse labada xisbi Mucaarid waxaad ku kala dooranaysaan barnaamijkooda siyaasadeed iyo dadka ku jira. Xisbiga cadaalada iyo daryeelku maanta waxa uu idiin wadaa barnaamij aanu doonayno inaad ku doorataan, kaasoo aanu isbedel ku keeno. Waxaanu idiin wadnaa dad cusub oo musharixiin ah oo uu kaw ka yahay Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo ku-xigeenkiisa Dr. Maxamed-Rashiid iyo rakaabka ay soo wadaan ee wasiirada noqonaya,” sidaana waxa yidhi guddoomiye kuxigeenka UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo isna hadal ka jeediyay fagaarahaas.
Waxa kale oo iyana halkaas ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Burco, ahna Xoghayaha Beeraha UCID Prof. Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale, guddoomiyaha gobolka Togdheer ee UCID Cusmaan Ibraahim Nuur, Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, Axmed Xuseen Fagfagaash iyo masuuliyiin kale.
Isu-soo-baxii UCID ee Hargeysa:
Taageerayaashii ugu badnaa oo isugu yimi fagaaraha Beerta Xorriyada, waxa hadalo ka jeediyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbigaas oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Murashaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, Madaxa ololaha doorashada Madaxtooyada UCID, Xildhibaano golaha Wakiillada ka tirsan iyo masuuliyiin kale. “Waxa ay maanta (shalay) ugu horaysaa maalintii xisbiga UCID loo qorsheeyey, waana maalintii ololihiisa la xidhiidha doorashada Madaxweyenimada ee ugu horaysay, waa maalin taariikh leh. Waxaa kaloo maalintani tahay maalintii xabsiga Mandheera laga jebiyey ee laga sii daayay dadkii xaqdarada ku xidhnaa ee 5-tii June 1983-kii,” ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne kuxigeenka UCID.
Waxa uu ku dheeraaday barnaamijka hogaamineed ee xisbiga UCID iyo sida loogu baahan yahay in bulshadu uga fiirsato masiirkeeda, wuxuuna ka codsaday inay garab istaagaan xisbigaas. “Xisbi UCID waxa uu dhisi doonaa dawlad kooban oo tayo leh, annaga oo ka turjumayna rabitaanka shacabka, waxa aanu goo’aansanay inaanay tirada Wasiiradu ka badan 18 Wasiir. Xisbiga UCID waxa uu si aqooni ku dheehan tahay ku maamuli doonaa xilliga kala-guurta ah haddii ilaahay nagu guuleeyo doorashada. 12 maalmood ee ugu horeeya waxa aanu qabanaynaa laba arrimood oo muhiim ah oo ay isu imanayaan aqoonyahanka wax-garadka Somaliland oo aanu u soo bandhigi doonoo barnaamijkayaga wax-qabad. Waxa kale oo aanu qabanaynaa shirka kale oo muhiim ah oo aanu ku casuumayno baayac-mushteriga Somaliland, kuwa Soomaaliyeed iyo Ajanabi kasta oo doonaya inay wadanka maal-gashato,” ayuu raaciyay.
Dr. Maxamed-Rashiid waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay muhiimad gaar ah siinayaan dhalinyarada iyo Haweenka, si ay uga qaybqaataan talada dalkooda.
Guddoomiyaha ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UCID Saleebaan Daahir Cabdilaahi oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu taageerayaashaa uga mahadceliyay siday ugu soo baxeen xisbiga, una muujiyeen taageerada ay u hayaan. “Dadlka Somaliland isbedel uun uma baahnee, waxa uu u baahan yahay badbaado oo meel halis ah yaynu maraynaa, idinka ayaana badbaadin karaya,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cusmaan Caalin oo isna hadal kooban ka jeediyay isu-soo-baxaas, waxa uu dadweynahaa ku booriyay inay taageeraan xisbiga UCID, si loo hirgeliyo himilooyinka horumarka dalka.
Gebo-gebo:
Dhinaca kale, isu-soo-baxyo la xidhiidha ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UCID, ayaa shalay ka dhacay magaalooyinka Ceerigaabo, Boorama, Berbera, Gabiley iyo Wajaale.
Dibad-baxa Boorama oo kumanaan taageerayaal ahi isugu soo baxeen, waxa hadalo ka jeediyay Afhayeenka xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare iyo masuuliyiinta xisbigaas ee gobolka Awdal, kuwaasoo dadweynaha ku dhiirigeliyay inay taageeraan xisbigaas.
Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Muuse Xaaji Muxumed Guulleed (Inji), ayaa isna shalay dadweynaha ku dhaqan Gabiley iyo Wajaale kala qaybgalay isu-soo-baxyo ay dhigeen, kuwaasoo ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbigaas.
Mr. Inji waxa uu sheegay in haddii ay talada qabtaan ay dalka ku hagi doonaan Shareecada diinta Islaamka, isla markaana ka shaqayn doonaan horumarinta dalka.

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking