COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label xisbi. Show all posts
Showing posts with label xisbi. Show all posts

Wednesday, July 14, 2010

Ka-qaybgalka Dawladda cusub ee Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo shuruud lagu xidhay

Hargeysa, (Nnn)- Xoghayaha guud ee Xisbiga talada la wareegaya ee KULMIYE Mr. Keyse Xasan Cige, ayaa ka warbixiyay kulamo ay yeesheen hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, isla markaana wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aqbalay soo-jeedintii Guddida ee qaab-dhismeedka Dawladda.
Mr. Keyse Xasan Cige oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay saami-qaybsiga Beelaha Somaliland iyo tirada xilalka Wasaaradaha ee loo jeediyay Madaxweynaha, damaca siyaasadeed ee hoggaanka Xisbiga ka haya in ay Dawladda cusub ka mid noqdaan iyo kulamo ay hoggaanka Xisbigu ka lahaayeen arrintaas.
Muuse Biixi Cabdi, Guddooyaha 1aad ee Kulmiye
Ugu horrayn, Mr. Keyse oo aanu wax ka waydiinay jiritaanka warka tibaaxaya in Madaxweynaha la doortay uu hoggaanka Xisbigooda ku wargeliyay in aanu ku darayn Dawladda cusub, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta, wax War ah oo cad oo ku saabsan in Hoggaanku uu ku hadhayo Xisbiga oo ay isla gaadheen Xisbiga hoggaankiisu ma jiro, oo dee hoggaanku go’aan buu gaadhi lahaa oo wuxuu odhan lahaa hoggaanku ha hadho, balse wax go’aan ah oo ilaa hadda laga gaadhay ma jiro. Hase yeeshee, kollayba wuu jirayaa dareenka ah in aan Xisbiga marnaba madhnaanin oo aanu cidla noqonaynayn. Qof kastaana aragtidiisa ayuu qabaa. Gole Wasiir oo la soo saaray oo aad ka dhex arki karto cidda ku jirtaana ma jirto ilaa hadda. Markaa waa saadaal iyo male-awaal uun. Hase ahaatee, arrintaasi waa arrin laga doodayo oo ilaa hadda hoggaanka Xisbigu ka wada hadlayo oo aan laysla meel dhigin.
C/raxmaan C/qaadir, Guddooyaha 2aad ee Kulmiye
Mar la waydiiyay sababta keentay in laga doodo arrintan ay macnaheedu tahay in masuuliyiinta u sarraysa Xisbiga KULMIYE ay dhammaantood qabaan damac siyaasadeed oo la xidhiidha inay ka mid noqdaan Xukuumadda cusub ee la dhisayo, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dabcan, bani’aadamku kollayba way leeyihiin aragtidiisa, damaciisa iyo hiigsigiisa, waana wax qof walba u gaar ah. waxase iyana jirta arrintii guud ee Xisbinimadii, taladii guud iyo hoggaankii guud ayaa jira. Markaa in laga wada hadlo sidee ayaa wax loo maarayn karaa, meeshay ku jirtaa. Laakiin, qof kastaa damac waa leeyahay.”
Sidoo kale, mar aanu waydiinay in ay jiraan kulamo ay arrintan ka yeesheen shalay iyo waxyaabaha gaar ahaan lagaga hadlay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta, siyaasadda KULMIYE lagu yaqaanaa waxa weeye in uu wax dhegaysto oo qof waliba wuxuu doono odhan karo, waxyaabaha aanu Xisbiyada kale kaga duwanahayna waxa weeye in lays dhegaysto oo xor la yahay. Sidaa daraadeed, ilaa hadda waxaanu aaminsanahay in uu dhegaysigii meesha ku jiro, waanaga u bandhignay Umadda nooca dawladdu noqonayso iyo 100-ka maalmood ee u horreeya waxa la qabanayo. Tan lafteeda Madaxweynuhu wuxuu yidhi, waxa wanaagsan in aynu meel walba wax ka eegno oo aynu Aqoonta iyo Bulshadaba eegno, maadaama aynu ballan-qaadyo samaynay oo ay Barnaamijkeenii ku jirtay inaynu isbedel samayno, maaha in wax walba lagu degdego ee waa in dhinac walba laga eego oo marka u dambaysa wax nadiif ahi yimaadaan.” Waxaanu intaa sii raaciyay oo uu yidhi, “Dabcan waa in aanu dadweynaha aragtiyo badan ka helno oo aanu aragtiyo badan eegno, waa in hoggaanka laftiisu fikrado badan keeno; haddii aynu galno Dawladdii Xisbigu muxuu ku dambaynayaa, haddii aynu Xisbiga ku hadhno, Dawladdu ma inaga maarantaa. Ileen dadkan hoggaanka ku jiraa waa ilihii ugu waynaa ee Xisbigu lahaa ee ama hayay talada ama hayay khibradda ama xogta. Markaa dawladda cusub markay timaaddo, ninka cusub ee aan Xisbiga hore ugu jirin ama aan hoggaanka ka jirin siduu u shaqaynayaa. Sidaa darteed, mar walba waxa laga hadlayaa wax-toosin ee yaan loo arkin khilaaf, ma jiro khilaaf.” Hase yeeshee, mar kale oo aanu sii waydiinay in shalay kulan ay arrintan ka yeesheen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dhawr jeer ayaanu, maantana (shalay) waanu kulanay, laakiin, wax laysla meel dhigay ma jirto, waxaan ahayn dooddaas guud.”
Mar uu ka jawaabayay Xoghayaha guud su’aal nuxurkeedu ahaa in haddii talooyinka badan ee ay urursanayaan ama natiijada kulamadani ay shuruud yihiin, isla markaana ay noqdaan in hoggaanka Xisbiga KULMIYE aanu ka qayb-geli karin dawladda cusub ay damacaa la noqonayaan, ayaa wuxuu yidhi Mr. Keyse, “Haddii laysla garto oo Madaxweynaha iyo hoggaanka kale isla gartaan in hoggaanku uu hadho, waa lagu khasban yahay, waxay ku xidhan tahay uun aragtida, jawaabaha iyo isla meel-dhigga hoggaanka. Sideedabana, wuxuu Dastuurka Xisbigu qorayaa in marka masuul xil hayaa uu xil kale qabto, wuu luminayaa xilkaas. Tusaale ahaan, aniga oo Xoghayaha guud ah markaan Wasiir noqdo, waan luminayaa xilkii hore ee Xoghayenimo ee aan hayay. Mid walbana waa sidaa, maahana wax laga murmayo. Hase yeeshee, waxa meesha ku jira qodobka ah, waar sidee baynu u badbaadinayaa Xisbigii iyo Dawladdiiba, wax khasab la yidhaahdaa ma jiro. Anigu maanta waan ka tegi karaa xubinimada Xisbiga oo Dastuurkaa ii ogolaanaya, waanan joogi karaa oo waan ilaalin karaa Xisbiga. Laakiin, waxa weeye sidee ayaynu xisbiga u badbaadin karnaa, ileen labadii dhinacba waa laynooga baahan yahaye.”
Xoghayaha guud waxaanu waydiinay shakhsiyan maadaama uu ka mid yahay hoggaanka arrintani saamaynayso midka uu door-bidayo in uu xil ka qabto Xukuumadda cusub iyo in uu sii ahaado Xoghayaha guud ee Xisbigaas. “Qof waliba horta isaga ayay gaar u tahay oo waa u shaqsi, hase yeeshee, waxay ku xidhan tahay hadba qofku meesha uu ku waxtar badan yahay iyo kaalinta ugu wayn halka uu ka qaadanayo, ma dhinaca Xisbiga, mise dhinaca Xukuumadda. Taasina, waxay ku xidhan tahay dawladda imanaysa Xilka ka bannaanaanayaa ma yahay mid aad ka soo bixi karto oo iyana qodob kale ah, ileen xil walba kama bixi kartide. Adigoo Suxufi ah, haddii lagu yidhaahdo Hawlaha guud baa bannaan, maxay qiimo kuu leedahay? Markaa waa inaad joogtaa ka aad wax ka tarayso. Sidaa darteed, anigu ilaa iyo hadda waxaan ku jiraa uun dooddaas oo talo-wadaaggaas ayaan ka mid ahay oo wali go’aan maan gaadhin.”
Mr. Keyse waxyaabaha kale ee aanu waydiinay halka ay ku dambaysay soo-jeedintii Guddida ka talo-bixinta qaab-dhismeedka Dawladda ee tirada iyo habka Xukuumadda cusub iyo in Madaxweynaha la doortay aqbalay soo-jeedintaas, mar uu arrintaa ka jawaabayayna wuxuu yidhi, “…imika tiradii Wasiirada waa la yareeyay, tallaabada labaad waxay noqonaysaa in tiradaa yari ay noqoto kuwo tayo leh oo iyana u baahan in loo hawl-galo, markaa Xisbigii sidii uu u ballan-qaaday siyaasaddiisa wuu ku socdaa. Midda kale, waxa jira duruufo badan oo markaad wax go’aamiso way jirayaan duruufo badan oo kaa hor imanaya. Somaliland waad ogtahay oo Beelo faro-badan ayay leedahay, mararka qaarkood waxa jira duruufo aanad ogolaateen oo mararka qaarkood kugu khasbaya in aad yeesho adigoo meelo badan wax ka eegaya, adigoo eegaya rabitaankii Beesha iyo tii dadweynaha. Markaa awoodda waxa leh Madaxweynaha oo sharcigaa siinaya, laakiin, soo-jeedintii ay guddidu soo jeediyeen waa la fuliyay. Balse, wixii intaa ka baxsan ee uu ka gudbayo ama tirade haddii uu kordhinayo waxay ku xidhan tahay Madaxweynaha oo inta uu doono ayuu ka dhigan karaa oo wuu kordhin karaa, awoodna wuu u leeyahay, isaga oo eegaya duruufaha ku gedaaman.”
Su’aal nuxurkeedu ahaa in uu Xoghaye guud ahaan qabo in tirada loo jeediyay Madaxweynaha ee Wasaaradaha iyo saami-qaybsiga Beelaha dalku is-iman karaan, ayaa wuxuu kaga jawaabay oo uu yidhi, “Markaad dhinac ka eegto haa, waayo qasab maaha in Beeli wada qaadato saddex ama afar, haddii la yidhaahdo Beel walibay labadaada ama xabbaddaada qaado, way ku filan tahay oo waa la farsamayn karaa. Ileen mar wax la eegayaa qodobkii, marna waxa la eegayaa Beeshii ee waa in lays waafajiyaa. Haddii aan idhaahdo Beel waliba afar (Wasiir) ayay doonaysaa, ma suurtoobayso, ma qaadayso. Laakiin, haddii aan idhaahdo Beel walayba mid qaado oo ay ku qanacdo, way le’egaanaysaa. Waxaanay ku xidhan tahay hadba ogolaanshaha iyo rabitaanka. Markaa waxyaabaha badan ee aad tixgelinayso ee meesha ku jira weeye.”
Gebogebadii, waxaanu waydiinaya Xoghayaha guud in ay jiraan kulamo dambe oo ay u ballan-san yihiin hoggaanka KULMIYE, waxaanu kaga jawaabay oo uu yidhi, “Ilaa hadda umaanu ballamin wakhti kale, laakiin wuu socdaa dee ileen xilligii xilka lala kala wareegayay waa 27-ka Bisha, balse, waa la wada hadlayaa oo wada-hadalku waa furan yahay.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, June 24, 2010

Wasiiro iska casilay Xukuumadda Rayaale, kuna biiray Xisbiga KULMIYE

Hargeysa 24, June 2010 (Ogaal)- Xubno ka tirsanaa golaha Wasiirada Somaliland, ayaa cadeeyay inay iska casileen xilalkii ay hayeen.
Xubnahan oo kala ah wasiiradii Madaxtooyada iyo Wershadaha Mr. Xasan Axmed Ducaale (Xasan-Macalin) iyo Axmed Cali Ubaxle, waxay sheegeen inay xilalkii ay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka hayeen iska casileen, kuna biireen xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.
Labadaa xubnood oo xalay goor dambe shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay sheegeen inay go’aankaa qaateen ka dib markii murashaxa xisbiga ay ka tirsanaayeen ee UDUB Mr. Daahir Rayaale Kaahin ka gaabiyay inuu xisbiyada Mucaaradka tartan la galo. “Anigoo ahaa wasiirkii Madaxtooyada Somaliland, waxaan caddaynayaa inaan iska casilay xilkii aan u hayay qaranka,” ayuu yidhi Xasan Axmed Ducaale. “Waxa kale oo aan iska casilay xubinimadii xisbiga aan ka tirsanaan jiray ee UDUB,” ayuu raaciyay.
Mr. Xasan-Macalin waxa uu ka hadlay sababta ku keliftay inuu iska casilo xilka wasiirnimo oo uu muddo dheer ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. “Sababta igu keliftay inaan iska casilo xilkaa wasaaradda Madaxtooyadu waxa weeye, haddii aanu ahayn xisbiga UDUB waxaanu lahayn murashax, wuxuuna ahaa Daahir Rayaale Kaahin – Madaxweynaha Somaliland, murashaxaas baana noo taagnaa, laakiin murashaxii noo taagnaa baa ka baxay tartankii loolanka siyaasadda. Maadaama uu murashaxii noo taagnaa tartanka ka baxay, ololihiina ka fadhiistay cid aan dhisaa meesha joogtaa ma jiro, taas baana nagu keliftay in aanu iska casilo hawshaa. Taasi way noo muuqatay anaga, si wanaagsana way noogu muuqatay anagoo hawshii gudaheeda ku jira, xogogaalna u ah,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay; “Dadka taageerayaasha ii ahaa dhamaantood, waxaan ugu baaqayaa inay taageeraan oo ay codka siiyaan xisbiga KULMIYE, waanan ku dhiirigelinayaa.”
Wasiirkii Wershadaha Somaliland Axmed Cali Ubaxle oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu jeclaystay inuu ka muquurto inuu tartan u galo xilka uu u sharaxan yahay, taas bedelkeedana waxa uu amaanay qaabka xisbiyada Mucaaradku ololaha u galeen. “Anagu Madaxweynenimo maanu doonayn oo wasiiro ayaanu ahayne, murashaxayagii mar haddaanu diyaar u ahayn inuu tartamo ama hawsha wax ka galo, anaguna taas ma doonayno in aanu ku keliyaysano, sidaa darteed baanan iskaga casilay xilkaa. Markaa wixii hadda ka dambeeya, waxaan jecelahay in la helo dadkii aan muddadaa ku hawlanaa cid ka faa’iidaysata codkooda. Markaan eego dedaalada ay sameeyeen xisbiyada kale (Mucaaradku), qaabka ay u abaabulan yihiin iyo siday hawshu ugu kala qaybsan tahay, waxaan filayaa runtii in taas lafteedu hinaase badan I gelisay, waanan jecelahay dadkaygii inay noqdaan kuwo maanta taageerayaal u ah ama gacan siiyay xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi Mr. Ubaxle.
Waxa uu Madaxweynaha ku eedeeyay inuu kaga baxay inay soo daad-gureeyaan dad uu ku tilmaamay reer guuraa kaadhadhka cod-bixinta qaatay, loona baahnaa in loo fududeeyo sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen. “Murashaxayagu nooma sahlin ama nooma meel dhigin qaab aanu dadkaa tasiilaad ugu samayno – ilaa xad muraaqibiintii xisbigu lahaa cidlo taagtaagan yihiin oo aad ka naxayso hawlaha na haystay,” ayuu raaciyay.
Labadan xubnood ee xilalkii ay hayeen iska casilay oo ka soo wada jeeda degaanka bariga Burco, waxay ku doodeen inay ku rejo wayn yihiin in xisbiga ay u digo-rogteen ee KULMIYE ku guulaysan doono doorashada Madaxtooyada.
Mar la waydiiyay inay faahfaahin ka bixiyaan qaabka uu Murashaxa xisbiga UDUB tartanka uga muquurtay, waxay sheegeen in ilaa bilawgii ololaha aanu u muuqan murashax rejo ka qaba doorashada, isla markaana aanu isu diyaarin inuu tartan la galo Mucaaradka tartanku ka dhexeeyo. Hase yeeshee, waxay ku doodeen inay iyagu hawsha intii kaga beegnayd dedaal u galeen, isla markaana aanay garanaynin sababta uu Madaxweyne Rayaale ugu dedaali waayay inuu tartanka ka midho dhaliyo. “Halganka si fiican baanu ugu jiray, daacadna waanu u ahayn, saaxiibkay, murashaxayagii UDUB qaabkii aanu ugu talogalay ololaha wuu ka fadhiistay…..Waxa noo cadaatay in hawshii aan haya isa soo xidhay,” ayuu yidhi Mr. Macalin oo la waydiiyay inuu faahfaahiyo waxay uga jeedaan in Rayaale aanu tartankiisa niyad u gelin. “Ololuhu maaha in meelahaa la marmaro, in aanu rejoba ka qabin oo uu ka hawl yaraystay iyo inuu qaab kale oo aanaan garanaynin u dhigay garan mayno,” ayuu raaciyay.
Xubnahan is casilay waxay muujiyeen in aanay weli rasmi ahaan Madaxtooyada u gudbin iscasilaadooda. “Way qoran tahay, waana la gudbinayaa,” ayuu yidhi Xasan Axmed Ducaale.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, June 22, 2010

Taageerayaasha Kulmiye oo isu-soo bixi ugu cajiibsanaa abid ka sameeyay magaalooyinka

Hargesa (Nnn)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMKIYE, ayaa maanta isu-soo-bax la yaab leh ka dhigay caasimada Hargeysa, iyada oo Taageraasha xisbiga kulmiye yimaadeen shanta dagmo ee ee caasimada Hargeysa iyaga oo saaran Baabuur uu qaarkood Xisbigu u kireeyay qaar kalena ay iyagu wateen ayaa soo buux dhaafiyay gudaha iyo dibada fagaaraha. waxaanay qaar badan oo Dadkaasi ka mid ahi ay ku labisnaayeen Calamaanta iyaga oo luxayay Calamaantaasi kuna dhawaaqayay Ereyo ay ku muujinayaan Taageerada ay u hayaan Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ahna Murashaxa Madaxwaynaha Xisbigaasi ayaa Hadal uu u jeediyay Taageerayaashiisa saaka halkaasi iskugu yimid ayaa waxa uu ka codsaday in ay Nabad gelyada ilaaliyaan si Nabadgelyo ahna iskugu soo baxaan Maalinta Doorashadu ay dhacayso ee 26-ka Juun.
Axmed Siilaanyo, Guddoomiyaha Kulmiye, ayaa mar uu ka jawaabayay Hadal ka soo yeedhay dhawaan Madaxwayne Rayaale oo ahaa in Xisbigiisa dhiishiisu buuxdo kuwa Mucaaridka ahna ay sitaan Weel Madhan ayaa waxa uu arintaasi ku tilmaamay ayaan daro hantida uu ku faanayaana ay tahay Hantidii Ummadu ay ku aamintay ee loo dhiibtay.
waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha Arimaha diabada Xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar waxaanu sheegay in maanta ay si wayn hoos ugu dhacday sumcadii ay Somaliland ku lahayd Beesha Caalmka taana ay sabab u tahay Xukuumada Madaxwayne Rayaale. waxaanu ugu baaqay in ay Xisbiga Kulmiye u codeeyaan.
sidoo kale, waxa iyaduna halkaasi hadal ka jeedisay Guddoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Canab Cumar ILeeye, waxaanay ugu baaqday shacab waynaha Reer Somaliland in ay Codkooda siiyaan Xisbiga Kulmiye, iyada oo si wayn ugu Mahadnaqday dhammaanba ka soo qayb galayaasha ah Taageerayaasha Xibiga.
Fannaaniinta Xasan Gannay, Dacar, Basbaas, Jaamac Baqayo, Bulshaawi, Ubax Fahmo, Sahra Ilays iyo kuwo kale oo badan ayaa iyaguna maanta fagaaraha Beerta Xorriyada ku soo bandhigay Bandhig Suugaaneed aad loola dhacay oo Nuxurkiisu ahaa in ay Bulashadu doorkan Hogaanka u dhiibtaan Xisbiga Kulmiye. iyaga oo halkaasina ku soo bandhigay Heeso Guubaabo ah oo arintaasi la xidhiidha.
Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa isaga iyo Wafdi uu Hogaaminayaa ay u ambo baxeen Magaalada Salxley si ay ugu soo khudbadeeyaan Taageerayaasha Xisbiga kulmiye ee Deegaankaasi. sidoo kale, Marwada Guddomiyaha Kulmiye Marwo Aamina Warsi Jirde ayaa iyaduna wafdi ay hogaaminaysaa waxa ay u ambo baxeen Deegaanka Jaleelad oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedo si ay halkaasi ugula hadasho Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye.
Waa Maalintii ugu danbaysay ee Xisbiga Kulmiye uu u lahaa isku soo baxa Ololaha Doorashada oo ay maalin kali ahi ka hadhsan tahay.waxana maalinta bari ah soo xidhmi doonaa isku soo xidhmi doona isku soo baxa Doorashada iyada oo uu soo gunnaanadi doono Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid. waxana sidaa lagu soo gaba gabayn doonaa Mudada ololaha oo soo socotay 21 Maalmood, Xisbi kastaana uu u lahaa Todoba maalmood isku gayn guud. intaa ka dib waxa la sugaaba waa u dareerida Doorashada oo guddida Doorashooyinku ay u asteeyeen in ay qabsoonto 26-ka Bishan aynu ku jirno ee Juun oo ku beegan Maalinta sabtida ah ee horaanta tododaabkan soo socda.
Courtesy: Oodweyne

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, June 20, 2010

Guddiga Anshaxa Doorashada oo eedayn u jeediyay Agaasimaha Telefishanka Qaranka iyo Maareeyaha Dekedda Berbera

Hargeysa,(Nnn)- Guddida ilaalinta Anshaxa iyo habsami-socodka Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay inay heleen cabashooyin ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaradka ah, isla markaana markii ay ka daba tageen ay ogaadeen in ay jiraan cabashooyinkaas, isla markaana waxay dhaliil u jeediyeen shaqaale ka tirsan Dawladda oo uu u horreeyo Agaasimaha guud ee Telefishanka Qaranka.
Guddidan oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in ay jiraan cabashooyin ka soo baxaya qaabka Ololaha. Waxaanu sheegay in qodobada qaarkood ay Xukuumaddu ku xad-gudubtay. “Ilaa iyo imika shaqo maalmeedkayaga waxaanu qabanaa dacwado badan oo ay soo gudbiyeen Xisbiyadu. Dacwadahaas oo aan darisnay oo aanu ku dedaalno in an ugu jawaabno qoraal. Dacwadahaas waxaa ka mida qaar aan culays badan lahayn oo arigtidayada aan miisaan culus lahayn, qaarna waa qaar guddigu ay u arkayaan in ay yihiin sharcigii oo la jabiyay oo lagu tuntay oo waliba markaanu digniin siinay aanay badalin habdhaqankoodii, markii aanu uga dignayna iska sii watay, iyagoon ixtiramayn heshiisyadii dhamaan xisbiyada qaranka ay ku heshiiyan oo ay tahay inaay si buuxda u fuliyaan.” Ayuu yidhi Warsaxaafadeedkaas oo uu akhriyay Guddoomiyaha Guddidan Axmed Maxamed Cadaad, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Guddigu markay baadhay heshiisyada la jabinayo, anagoo ay naga reeban tahay xag-jir ama hanaanka dhinac ah, waxaanu gaadhnay qaraaradan soo socda; Saddexdan qodob ayaana ah xadgudbiyaada aad ugu waawayn ee la jabiyay: 1-Warbixinta olaalaha doorshada ee talifishanka qaranka, 2- Isticmaalka gaadiidka dadwaynaha ee xisbiyada qaranka iyo 3- Ololaynta firfircoon ee shaqalaha dawlada.” Sida ku qoran heshiiska habdhaqanka xisbiyada siyaasadeed (code of Conduct) Telifishanka Qaranku waa Hay’ad ummadda u dhaxaysa oo laga filayo in ay olalaha doorashada si xor iyo xalaal oo siman ay ugu warbixiso, ummaddana siiso wakhti ku filan dhamaan xisbiyada siyasadeed ee ku tartamaya codadka dadwaynaha Somaliland.”
Guddoomiyaha Guddidani wuxuu sheegay in ay digniino u jeediyeen Agaasimaha Telefishanka Qaranka, balse uu iska dhego-tiray. “Ilaa imika anagoo digniin badan siinay una yeedhany sarkaalka masuulka ka ah Telefishanka qaranka, anagoo mar labaadna u yeedhnay, una dignay oo uu noogu balan qaaday habdhaqankiisa ah cadaalad-darrada ah inuu uu saxayo hagaajinayayana, iyadoo ay jirto waxaa soo dadaale ah oo an samaynay wax iska badalay habdhaqankiisi cadal darada ah ma jirto.” Ayuu yidhi Cadaad, waxaanu intaa raacciyay oo uu yidhi, “Imika waxaanu soo jeedinaynaa in guddiga Doorashada Qaranku tallaabo anshax marineed ka qaadaan sidu xusayo heeshiskii habdhaqanka siyaasadeed. Qodabka labad ee soo noqnoqanayaa waxaa weeya, sharci-darada xisbiga dawladda ee ujeedadiisa olalaha Doorashada u isticmaalaya gaadiidka dadwaynaha. Waxaanu aad ula soconaa meelo badan oo wadanka ka mida oo arrimahaasi ka dhaceen sidaa ay noosoo sheegen wakiiladayada jooga gobalada oo ay noo soo tabiyeen. Waxaanu idin xusuusinaynaa sidaad idinkuna ogtihiin in ay tahay hanti dadwayne oo cashuurtii dadwaynaha laga qaday lagu soo iibiyay. Sida saddexda Xisbi wada saxeexeen waxay jabinaysa heshiiska habdhaqanka, kaasoo ah ka naloo igmaday in aan ku shaqayno, ilaalinana hadaanu nahaye Guddiga. Guddidu waxay ku adkaysanaysaa in heshiiska ay wada galeen sedexda xisbi ay wada ixtiraaman.”
Waxa uu aakhirkii Guddidani ku baaqay in qof kasta oo ku guulaysta Doorashada loo hanneeyo, “Waxay dadwaynhu ka rajaynayaan murashaxiinta inay si buuxda u ixtiraaman natiijada ka soo baxda doorashada xisbigii doonaba ha ku guulaysto.
Waxaan idinku balan qaadayna inaanu si dhexdhaxaad, cadaaladna ah hawshayada u gudano ilaa iyo inta doorashada ka dhacayso.” Ayuu yidhi Cadaad.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, June 19, 2010

Borama: Wasiir ka tirsanaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo ku biiray Xisbiga KULMIYE

Borama,(Nnn)- Wasiir-ku-xigeen ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegay in uu iska casilay jagadii uu ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo uu gaabis ku eedeeyay. Isla markaana ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Siciid Maxamed Bile, ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu hayay.
Wasiir-xigeenka oo ka hadlay Munaasibad uu ka qayb-galay Murashaxa Madaxweyne-xigeenka ee XIsbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka dhacday magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal, ayaa sheegay in sababta is-casilaaddiisu ay la xidhiidho gaabis ku yimi Xukuumaddii uu ka tirsanaa. “Waxaan maanta go’aansaday in aan iska casilay xilkii aan XUkuumadda ka hayay.” Ayuu yidhi Wasiir-xigeenku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sababta aan isu-casilay waxay tahay markaan arkay in ay tahay xukuumad gaabis ah, markaan ahay in ay tahay xukuumaddu mid umaddii dooratay waxba u qaban wayday iyo sidoo klae markaan arkay in gobolkii Awdal gabigiisiiba ay ilowday. Aniga kaligayna maaha ee Beeshaydii ayaan wataa.” Ayuu yidhi Wasiir-xigeenka is-casilay. Waxaanu sheegay Siciid in uu ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, isla markaana u ololaynayo.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, June 16, 2010

Hargeysa: Xisbiga KULMIYE Oo Xafiis Muhiim Ah Ka Furtay Xaafada Gacan-libaax Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Nnn)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa galabta xafiis muhiim ah oo qayb laxaad leh ka qaadanaya dardar-gelinta hawlaha ololaha doorashada ee ka furtay Degmada Gacan-libaax magaalada Hargeysa.
Xafladii furitaanta xafiiska oo lagu qabtay isla goobta xafiiska laga furayay, ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin sare oo ka socotay xisbiga KULMIYE, madaxda heer degmo ee xisbiga Kulmiye iyo taageeraal fara badan.
Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha degmada Gacan-libaax ee xisbiga KULMIYE Axme Yoonis Aadan [Juxa], oo ku hambalyeeyey taageerayaashii soo diyaariyey xafiiskaas, “Waxa aad tihiin dad isa soo abaabulay oo ay ka go’antahay taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE. Kuwa ku soo biiraya xisbiga waanu hambalyaynaynaa kuwa cusub ee xisbiga ku soo biray iyo kuwii hore ugu jiray-ba. Waxa aan idiin sheegayaa xisbiga KULMIYE maaha xisbi laka leeyahay ee taageerayaashii hore ugu sii jiray iyo kuwa hadda ku soo biiray-ba talada way u siman yihiin.” Ayuu yidhi Axme Yoonis Aadan [Juxa].
Waxa iyaduna halkaas ka hadashay Gudoomiye ku xigeenka ololaha doorashada gobolada Galbeedka ee xisbiga KULMIYE Xusni Maxamed Warsame, ayaa sheegtay in xafiiskani door muhiim ah ka qaadanayo dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka ee xisbiga KULMIYE ku doonayo inuu ku hanto doorashada madaxtooyada ee 26-ka June waddanka ka dhacaysa.
Waxaana hadaladeedii ka mid ahaa oo ay tidhi “Walaaloyaal waxa aan idiin sheegayaa maanta dan gaar aha ma lihin ee dan guud ayaynu wada leenahay, waxa aynu u wada halgamaynaa isbedel. Isbedelkaasina gacmaheena ayuu ku jiraa, manaha isbedelku inaynu qof jeclaysanayno oo ay talada saarayno ee waxa aynu doonaynaa maamul wax inoo qabta.”
Waxaana ay intaas raacisay oo ay tidhi “Walaaloyaal waad ogtihiin oo xaafadeena Gacan-libaax waxa ay noqotay xaafada ugu ayaanka daran. Biyo lihin waddo ma lihin oo Tiin ayaa ina qabsaday, Laydh ma iyo waddooyin ma lihin, waxa allaaleyaale waxa aynu odhan karno dawladaasi way idiin qabatay ma jirto. Sidaa awgeed waxa aynu doorbidnay inaynu xaafada KULMIYE galno oo barnaamij ayuu la yimi, kaas ayaynu kula hawlgelaynaa. Barnaamijkaas garabka Haweenku iyo ka dhalinyaradu-ba waxabay ku leeyihiin.”
Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Sahra Cabdilaahi Ibraahin oo ah Gudoomiyaha Garabka Haweenka degmada Gacan-libaax ee xisbiga KULMIYE, oo sheegtay inay haween ahaan codkooda iyo taageeradoodaba isla garan taagi doonaa xisbiga KULMIYE.
Maxamed Shukri oo ka mid ah masuuliyiinta KULMIYE, ayaa isaguna waxa uu iftiimiyey in isbedelka Somaliland u baahan tahay uu keeni karayo xisbiga KULMIYE haddii loo doorto talada dalka, isla markaana waxa uu taageerahsa xisbiga ku adkeeyey inay laban-laabaan dadaalkooda la xidhiidha hawha ololaha doorashada.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, June 14, 2010

Guddiga ilaalinta Anshaxa Doorashada oo eedaymo u jeediyay Telefishanka Qaranka

Hargeysa (Nnn)- Guddiga ilaalinta iyo kormeerka Anshaxa doorashada Madaxtooyada Somaliland, ayaa eedayn u jeediyay Telefishanka Qaranka.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed Guddigu shalay ka soosaareen Hargeysa, Telefishanka Qaranku waxa uu ku xadgudbay xeerka hab-dhaqanka anshaxa doorashada, waxayna ku eedeeyeen inuu la saftay xisbiga talada dalka haya ee UDUB.
Waxay sheegeen in aanu fursad siinin xisbiyada Mucaaradka iyo taageerayaashooda, taas bedelkeedana uu Telefishanku waqti badan oo baahinta barnaamijyadiisa ah u hibeeyay xisbiga UDUB.
Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Guddiga ilaalinta anshaxa doorashada Mr. Axmed Maxamed Cadaad, laguna socodsiiyay Agaasimaha Telefishanka SLNTV Mr. Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu u dhignaa sidan; “Mudane Maareeye guud, anigoo ah guddoomiyaha Guddiga ilalinta anshaxa iyo habsami-socodka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxay iila muuqataa ama aan kuu caddaynayaa inaanad sidii la rabay u fahmin ama aanad ugu dhaqmin waraaqdii hore ee aan soo diray, taasoo si faahfaahsan u sharaxaysay sida Warbaahinta Qaranka ay ugu siman yihiin Xisbiyada Qaranka inta lagu gudo jiro ololaha doorashada Madaxtooyada.
Xeerka ugu muhiimsan ee la doonayo in lagu dhaqangeliyo Warbaahinta Qaranku, waxay tahay in loo sinaado dhammaan barnaamijyada iyo qoraalada la baahinayo si isle’eg oo xisbi walba helo caddaalad iyo sinnaan inta lagu gudo jiro ololaha doorashooyinka.
Waxa xusid mudan, in Telefishanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland aanu ku dhaqmin dhammaan shuruudihii looga baahnaa, kaasoo aan fursad isle’eg siin xisbiyada kale oo xisbigiisa UDUB oo keliya siiyo fursad aad uga badan xisbiyada kale. Sidoo kale, si lid ku ah habka anshaxa, Telefishanka Qaranku fursad ma siiyo xisbiyada Mucaaradka ah iyo taageerayaashooda.
Haddaba, tan iyo intii aanu kuu soo diray farriintii hore, aad baanu ula soconay barnaamijyada aad tabisaan. Waxaanu aad uga xunahay in Telefishanka Qaranku aanu ku dhaqmin talooyinkii ay heleen. Waxaan dareensan nahay in haba yaraatee waxba aanay iska bedelin sida loogu tabiyo daawadayaasha ololaha doorashada, waxaana si cad u maqan ku dhaqanka xeerka Anshaxa iyo shuruucdiisa.
Haddaba, waxa nagu waajib ah inaan ku dareensiiyo inuu jiri karo ciqaab ay mutaysanayso cidii ku xadgudubta xeerka anshaxa.
Qodobkani wuxuu muhiimad aasaasi ah u leeyahay muwaadiniinta reer Somaliland ee ka qaybqaadanaya doorashada. Waxaanu u madaxbanaanahay in aan warqadan u bandhigno ama u baahino dadweynaha, taasoo ay ku lifaaqan tahay warqadii aan hore idiinku soo dirnay.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, June 13, 2010

Munaasibad Qado-sharaf ah oo Hoggaanka Kulmiye loogu sameeyay deegaanka Xaraf oo isukeentay Wejiyo aan la is-tusi jirin

Hargaysa,(NNN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee KULMIYE ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa shalay qado-sharaf loogu sameeyey deegaanka Xaraf oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex.
Qado-sharaftaas oo ay u fidiyeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee deegaankaasi, ayaa ugu horrayn waxa ka hadlay Guddoomiye Axmed-Siilaanyo, waxaanu ka mahad-naqay casuumaddaas. “Walaalayaal dadweynaha reer Xaraf aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen, waad ogtihiin maanta sharci baa inoo yaala oo maaha maalintii ololaheena ee doorashada. Sidaa darteed waxaan jecelahay inaan idiinka mahad-naqo marti qaadkiina iyo soo dhaweyntiina iyo taageerada aad na siiseen ee aad noo muujiseen.” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Axmed Siilaanyo.
Waxa isaguna munaasiabada qado sharafta ah ka hadlay Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne) oo ka mid ah masuuliyiintii soo qaban qaabiyey munaasibadamn qado sharafta ah, “Guddoomiye dadka halkan isugu yimi ee faraha badan waxay ku leeyihiin soo dhawaw, waxaanay kuu ballan qaadayaan inay taageeradooda iyo codkooda, maalinta 26-ka June inay si hagar la’aan ah kuu siinayaan” ayuu yidhi Xil. Axmed wayne.
Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi oo dadka ugu baaqay inay xisbiga Kulmiye codkooda Siiyaan.  Sidoo kale, Waxa munaasibadda joogay wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan oo markii uu dawladda ka tirsanaa aad u dhaliili jiray hoggaanka xisbiga Kulmiye balse haatan u soo digo-rogtay Kulmiye ka dib markii uu ka baxay xisbigii uu ka tirsanaa.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, June 12, 2010

“Waa meel-ka-dhac wayn in Xisbigii uu Aabbahay aasaasay laga yidhaahdo Geeridiisii faa’iido ayay ahayd”

Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal
Dubai,(NNN)- Cali Maxamed I. Cigaal oo ka mid ah Caruurta uu dhalay Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa ka hadlay hadallo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UDUB ee talada haya, waxaanu baaq u jeediyay shacabweynaha reer Somaliland. isla markaana wuxuu ka warbixiyay mabda’ooda Qoys ahaan ee siyaasadda dalka.
Cali Maxamed Ibraahim oo isaga oo ku sugan magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, Khadka Telefoonka kula xidhiidhay Wargeyska Ogaal, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay War uu sheegay in uu ka soo yeedhay masuul ka tirsan Xukuumadda iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, waxaanu shacabweynaha ugu baaqay in ay ka fiirsadaan Codkooda. “Maan jeclayn inaan waqtigan doorashada ee xasaasiga ah soo dhex galo. Laakiin waxa igu kalifay arrinta aan warbaahinta ku arkay. Xisbigii marxuumku aasaasay ee UDUB nimankii masuuliyiinta ka ahaa iyagoo dhac-dhacyo (deelqaaf) hore aanu ugu dulqaadanay oo aanu ka aamusnay, ayaa dhacday in maantana la yidhaahdo dhimashadiisii faa’iido ayey u ahayd Somaliland oo Daahir Rayaale ayey keentay. Waa meel-ka-dhac wayn in Xisbigii uu aasaasay ee ay ahayd lagu maamuuso oo lagu sharfo, sidaa lagaga yidhaahdo, iyagoo doorasho ku jira oo doonaya inay dadka soo jiitaan oo ay mar labaad ay xukunka qabtaan. Tii hore ee Ninka Xoghayaha guud ka ah UDUB uu yidhi ee ahayd, dagaalkii sokeeyaha ayuu ka dambeeyey (Marxuum Cigaal), waanu ka aamusnay oo waanu iska dhego-tirnay, baanayaal hore oo fara badan oo madaxweynaha laftiisu noo qaaday iyo ixtiraam darrada aanu ku haysanay xisbiga UDUB ayaa iyana jiray.” Ayuu yidhi Cali Maxamed, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaas oo dhan waxaanu u samaynay danta Somaliland, waayo sidii aan berigii uu Aabbahay dhintayba u sheegay, dhaxalka anaga iyo Somaliland-ba uu nooga tagay waxay ahayd, Dimuqraadiyadda, Nabadgelyada iyo nidaamka dawladnimo uu dhisay. In taas la bur buriyo ama fadqalo lagu sameeyo anagu ma ogolin, in magaciisii la ceebeeyana ma ogolin.”
Cali Maxamed Ibraahim waxa uu shacabka ugu baaqay in cid kasta oo maamuuska Marxuum Cigaal ku taageeri jirtay Xisbiga UDUB ay ka fiirsadaan taageeradooda. “Waxaan leeyahay, qofkii UDUB ku taageerayey marxuunkii aasaasay ee Maxamed X. Ibraahim Cigaal, anagoo reerkiisii ah, yaan taas la idinku indho-sarcaadin, haddii aanu isagiina ixtiraam ku lahayn, dadkiisiina ixtiraam ku lahayn.” Ayuu yidhi Cali.
Mar uu ka hadlayay qaar ka mid ah waxqabadyadii Dawladdii Marxuum Cigaal, ayaa waxa uu yidhi, “Marxuumkii sagaal sano ayuu wadanka taladiisa hayey, sagaalkaa sano wuxuu qabtay dadkoo dhami way wada ogyihiin, inuu beelihii hubka ka dhigay, inuu Ciidankii qaran sameeyey, inuu Booliska sameeyey, inuu Wasaaradaha sameeyey, inuu Maxkamaddaha sameeyey, inuu dagaalkii sokeeye nabadgelyo ku dhameeyey, inuu haykalkaa taagan ee aynu maanta ku caana-maalayno uu sagaalkaa sano dhisay waa la wada ogyahay oo taariikhday ku jirtaa.”
Cali waxa uu sheegay in ay qoys ahaan taageeradii kala noqdeen Xisbiga talada haya ee UDUB oo uu Marxuum Cigaal aasaasay, isla markaana aanay ilaa hadda taageerin Xisbina. Waxaanu baaq u jeediyay dadweynaha reer Somaliland. “Xisbiga (UDUB) dadkan imika maamulaya waanu kala noqonay taageeradii. Laakiin mustaqbalka illaahay baa og, waayo aflagaadan u dulqaadan kari mayno, markaa dadka reer Somaliland ee walaalahay ah waxaan kula talinayaa codkiina maanta u fiirsada cidda aad siinaysaan, anigu saddexda xisbi midna kuma jiro UDUB-na waanigaa sheegay labada kalena midna kuma jiro. Khudbadahan ay akhriyayaan waa waraysi ay sii galayaan uu nin walba leeyahay aniga I doorta, qofkaad dooranaysaan waa ninka aad u diranaysaan inuu Geeliina idiin raaco. Markaa ninka aad u diranaysaan inuu Geeliina idiin raaco, codkiina ka fiirsada.” Ayuu yidhi Cali, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sagaal sanadood marxuumkii waxa uu qabtay waanigaa sheegay, siddeed sanadood ay imika Xukuumaddani jirtay kula xisaabtama waxay qabatay oo ha ina tusto. Nidaamkii jiray ayaa hoos u sii dhacaya, siddeeda hal sanno ayuu dheer yahay Marxuum Cigaal intuu xukunka hayey ina Rayaale wakhtiga uu hayay. Isbarbar-dhig ku sameeya oo la xisaabtama dawladan, nimankan kalena la xisaabtama waxay soo wadaan oo codkiina maanta yaan la idinka iibsanin ee codkiina ku meel mariya ciddaad jeceshihiin.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Guddoomiyaha UCID oo dadweynihii Rayaale Codka siiyay ugu baaqay inay Toobbad keenaan oo Illaahay Cafis weydiistaan

Ceerigaabo,(NNN)- Hoggaanka Xisbiga UCID, ayaa naqdiyay socdaalka Madaxweyne Rayaale ee Gobolka Sanaag, isla markaana waxay ku tilmaameen in aanu daacad ka ahayn raadinta Ictiraafka iyo sidoo kale daryeelka maatida, gaar ahaan gobolka uu hadda socdaalka ku joogo ee Sanaag.
Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye-xigeenka Xisbigaas Aadan Maxamed Mire (Waqaf), oo shalay Dadweynaha reer Ceerigaabo shalay kala hadlay meel fagaare ah, ayaa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku tilmaameen mid ka gaabiyay waxqabadkii loo igmaday, isla markaana waxay naqdiyeen socdaalka Madaxweynaha ee Sanaag.
Guddoomiye Faysal oo ka mid ahaa masuuliyiintii Fagaaraha kala hadlay Dadweynaha, ayaa sheegay in Madaxweynuhu awoodda maamul leeyahay, waxaanu xilka Wasiirnimo ku tilmaamay Karraani.
“Walaalayaal, reer Ceerigaabo maanta codkiinii waad muujiseen, maanta Ceerigaabo waxay cod dheer ku tidhi UCID baanu nahay. Walaalayaal dalkan Somaliland ilaa 60-kii waxa ka xumaaday hogaankii siyaasadda, anagu markaa waxaanu u nimi inaanu siyaasiyiin cusub soo saarno, waxaanu doonaynaa wixii 50 sano inaga xumaaday inay 26-ka June dib u hagaajino, waxaanu ku hagaajinaynaa caddaalad, midnimo waa shareecada islaamka, walaalayaal taasaanu idinku bushaaraynaynaa.” Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal SNM-tu intay tawaxiidkii ku qorteen ayaa markii illaahay guushii siiyey ayaa intay iska xooreen ay habar-habar la soo baxeen, taasi waxay keentay in dawlada maanta joogta siddeed sano ayuu hayey madaxweynuhu. Habka aynu qaadanay ee madaxweynaha, wasiirku waa iska karaani, cidda awooda lihi waa madaxweynaha.”
Faysal Cali wuxuu Madaxweyne Rayaale ku dhaliilay wax-qabad-la’aan. “Madaxweynaha jooga maanta ee Daahir Rayaale waqtigii uu gacanta ku hayey, waqti uu ka nabad badnaa muu jirin, siddeed sanadood ayuu gacanta ku hayey, waxay soomaalidu tidhaahdaa raggu wuxuu leeyahay waxyar tare ee wax ma tare malaha. Laakiin waxaynu odhan karnaa Rayaale waa wax-ma-tare, maalintii uu dalka qabtay waxaynu dhisaynay hay’adihii, waxay ahayd in la naaxiyo, askarta derajo la siiyo, idaacad la sameeyo, lacagta la idinka badelo. Waxaas oo dhami ictiraaf umay baahnayn waxaynu qabsan karno ayey ahayd, kiish wayn buu soo qaatay. Dadkiina qofkii wax ka cunay waad arki doontaan isaga oo nolosha ku uray.” Ayuu yidhi Faysal.
Guddoomiyaha UCID waxa kale oo naqdiyay adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo qaar kale oo uu sheegay in aay dhammaystirnayn. Mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Walaalayaal maanta dalkeena meel qudha oo cusbitaal shaqaynayaa ma jiro, hay’adaha caaalamiga ahi M.C.H-yo ayey dhisaan, dugsiyo ayey dhisaan, M.C.H-ka ay dhisaan sariirtii way taalaa, dhakhtar male oo kalkaaliye caafimaad malaha, dugsiga ay dhisaan macalin malaha, iyadoo intaasoo dhami jirto, ayuu haddana wankiinii idinku qabsaday oo $12 dolar qaataa. Dadkii doortay Rayaale waxaan idin leeyahay illaahay u toobad keena wixii dambi uu galay waad la wadaagtaane, aakhirana waa la idin waydiinayaa.”
Guddoomiyaha UCID ayaa mar uu naqdiyayay socdaalka Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag, wuxuu yidhi, “Walalaayaal maanta wuu idiin yimi, sharaftiinii ayuu ku ciyaarayaa, siddeed sano intuu iska seexday ayuu maanta diyaarad soo qaatay…Maanta waxaan doonaynaa kitaabka iyo sunnaha inaynu qaadano, inaynu dadka reer Somaliland tacliinta ka haqab tirno, waxaanan idiin sheegayaa. Walaalayaal waxa idiinku dambaysa iskuul aad lacag ka bixisaan maalintuu Rayaale kursiga ka dego. Waxaan doonaynaa in shan sano guddahood aanu wadooyinka isku xidhno, wadada u horeysa ee aan dhagax dhigi doonaa insha alla waa wada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo…” waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal gobolka Sanaag dhibaatada haysataa waa biyo la’aan, waxaanu doonaynaa in dhibic kasta oo biyo ah oo cirka ka soo dhacda inaynu halkeena ku xejino.”
Sidoo kale, Guddoomiye Faysal waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku dhaliilay in aanay sidii loogu talo-galay uga hawl-galin ictiraaf raadinta. “Walaalayaal markaynu ka hadalno ictiraafka, waxa caddaatay markaanu baadhnay in xukuumadda Rayaale ay maanta joogtaa inaanu daacad ka ahayn, Rayaale wuxuu inagu simayey dawladaha been beenta ah ee laga dhisayey Soomaaliya biriigga ayuu inoo qabtay, kolba markuu lahaa doorashadu ma dhacayso dibuu inoo ridayey Sh. Shariif buu inagu simayey, waananu baadhaynaa inuu daacad ka ahaa iyo in kale hogaankii loo dhiibtay, dadkaanu u soo gudbinaynaa warbixinta aanu soo saarno idinka ayaa xukumi doona. Haddaad tidhaahdan saamaxana waanu saamaxaynaa, haddaad tidhaahdaan sharciga keenana waanu keenaynaa, dalka khiyaano ayuu ka sameeyey ummad baa dooratay awood baa la siiyey inuu dadka ictiraaf u doono biriiguu u qabtay.” Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Anagu ballan waxaanu idinku qaadaynaa waxaanu dhisaynaa dawlad adag oo xuduudeeda oo dhan joogta, lacagtaa waanu idinka badelaynaa insha alla. Walaalayaa gadhka in lala baxaa waa sune, gadhku kii hore maaha waa la ina soo galay wadaadku wadaadkii maaha, maanta ragagixiso ayaa la inaga dhigay islaam marka la arko diyaarada ayaa lagaa reebayaa wejigiibay inaga xumeeyeen walaalayaal.”
Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiye-xigeenka UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen, “Waxaan markhaati ka ahay Ceerigaabo inay maanta muujisay codkeedii oo ay ku taageertay xisbiga UCID. Waxaan idin leeyahay 26-ka June inaad kaga dhabaysaan sidaa aad maanta ugu soo baxdeen inaad codkiina ugu muujisaan. Waxa kale oo aan markhaati ka ahay ninkii iska yimi (Madaxweyne Rayaale) ee aydaan idinku u yeedhan saaka salaadii ayuu ka kalahay halkan, isagoo ummadii iyo dadkiisii midna la hadal. Waxay ila tahay faqiina wuxuu warku igu soo gaadhay inay reer Ceerigaabo yidhaahdeen, adiga ayuun baa iska yimi ee anagu cod kuuma hayno, taasaa ka muuqatay markuu saaka (shalay) na sii dhaafay.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi Waqaf, “Ninkaasi waa nin iska tagay, waa ninkaa diyaaradda ku yimi ee garan kari waayey ummadiisa iyo dadkiisa waxay ku nool yihiin inuu soo eego ee iska tagay. Isaga waxaan leeyahay waa sidaa aad ku tagtay. Waxaan leeyahay reer Ceerigaabo, ninka siddeed sano idin soo xukumayey miyeynu maanta ka dhagaysanaa jidkii Burco iyo Ceerigaabo ayaan dhisayaa, Dekaddii Maydh baan dhisayaa, biyaan idiin galinayaa, wax walba waan idiin samaynayaa, hadda dhawr iyo toban cisho ayaa ka hadhay intuu gabbalkiisu dam noqonayey. Walaalayaal waxaan idin leedahay, midnimada iyo wadajirku waa ta horumarka lagu gaadho, waxaanu anagu idiin sidnaa bushaaro iyo ballan-qaad, waxaan idin leeyahay haddii la idiin yimaado habeenkii oo la idin yidhaahdo reer hebel iyo reer hebel, taa mid ka duwan ayaanu wadnaa. Kitaabka iyo sunada rasuulka ayaanu wadnaa.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, June 9, 2010

Murashaxiinta xisbiga UDUB oo xalay ka guureeyay Hargeysa

Hargeysa (NNN)- Murashaxiinta xisbiga talada dalka haya ee UDUB, ayaa xalay ka guureeyay caasimadda Hargeysa.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan Xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ka soosaareen socdaalkaa, haddana siday siday ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay sheegeen, Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, ahna Murashaxa jagada Madaxweyne kuxigeenka xisbigaas Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa xalay cawayskii ka baxay magaalada Hargeysa.
Socdaalkaas oo aan la sheegin cida ku wehelisa, waxa uu Madaxweyne kuxigeenku sida la sheegay ugu kicitimay magaalo-xeebeeda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Warku wuxuu intaa ku daray, in sidoo kale Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo hadda Murashaxa Madaxweynenimo ee xisbigiisa u taagani uu xalay xilli dambe ka baxay magaalada Hargeysa.
Ma cadda halka uu ku jihaysan yahay socdaalka Madaxweynuhu, hase yeeshee siday ilahaa xogogaalka ahi tibaaxeen, waxa uu u baxay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Madaxweyne Rayaale oo xalay abaarro 11:00 habeenimo caasimadda Hargeysa ka baxay, lama sheegin cidda ku wehelisa socdaalkiisa.
Sidoo kale, ma cadda muddada uu qaadan doono safarkaa la sheegay inuu ugu guureeyay gobolka Sanaag.
Murashaxiinta Xukuumadda oo socdaalkoodu la xidhiidha ololaha doorashada Madaxtinimada ee la filayo inay dalka ka dhacdo 26 June, waxa lagu wadaa inay maanta taageerayaasha xisbigooda kula hadli doonaan xarumaha gobollada ay u baxeen.
Mar aanu la xidhiidhnay Afhayeenka Madaxtooyada, si aanu wax uga waydiino socdaalkaa la sheegay inay u baxeen Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu, noomay suurtogelin in aanu helo, ka dib markii uu Telefoonkiisa gacanta qaban waayay.
Wararka qaarkood waxa ay sheegeen in M/weyne Rayaale ku sii nasan doono magaalada Berbera, isla markaana subaxnimada maanta diyaarad u raaci doono dhinaca Ceerigaabo.
Intii ololahan doorashada Madaxtooyadu bilawday, Murashaxiinta xisbiga UDUB kamay bixin caasimadda Hargeysa.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, June 7, 2010

Faysal Cali Waraabe oo sheegay inay tahay Markii ugu dambaysay ee uu isu soo taago Xilka Madaxweynaha

Hargeysa,(NNN)- Murashaxa xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa markii u horaysay ka hadlay waxa uu yeelayo haddii lagaga guulaysto tartanka Madaxtinimada ee la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo.
Murashaxa Madaxweynenimo ee UCID, ahna guddoomiyaha xisbigaas oo ay waraysi dheer la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA, waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha xisbigiisu kaga duwan yahay labada xisbi ee la tartamaya.
Murashaxa UCID waxa uu sheegay in haddii ay talada dalka qabtaan ay tirtiri doonaan dhamaan ganacsiga Kootada loo xidhay oo ay ka mid yihiin Shirkadda keenista Shidaalka loo xidhay ee TOTAL iyo Maxjarka Xoolaha ee ninka Sucuudigaanka ahi ka hirgeliyay magaalada Berbera, wuxuuna ka hadlay talaabooyinka u horeeya ee uu qaadi doono haddii Madaxweynenimo loo doorto. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay sida uu u arko Xildhibaano ay ka mid yihiin kuwo xisbigiisa Baarlamaanka ku galay oo sheegay inay u digo-rogteen xisbi kale iyo qodobo kale oo dhawr ah, waxa uu u dhacay sidan;
S: Guddoomiye, waxaad faahfaahin naga siisaa waxa aad kaga duwan tihiin labada xisbi ee kale UDUB iyo KULMIYE?
J: Labada xisbi ee kale waa dadkii dalka Somaliland gacanta ku hayey 18-kii sanadood ee u dambeeyey. Anagu dad cusub baanu nahay, waxaanu nahay dadkii nabada ee markii hogaamiyayaashii siyaasadeed ee SNM dagaalameen ee magaalooyinka lagu dagaalamay, waxaanu nahay dadkii soo gurmaday, markay qadhaadhaato ee labada xisbi isku kacaan, waxaanu nahay qoladii dhexdhexaadinaysay, waxaanu nahay dadkii danta dalka aawadeed lanoogu bixiyey way isbedbedalaan, anagoo danta dalka wax kasta ka horeysiin jirnay, marka dambana la qaadan jiray taayada, arrintii u dambaysay waad ogayd ee dhibaatada siyaasadeed dalka ka dhacday - taayadii baa la qaatay. Waxaanu nahay dadkii sameeyey dimoqraadiyada ama xisbiyada badan (ee Somaliland), waad ogtahay maanta siyaasiyiinta labada xisbi ku jirtaa dhamaantood shir-beeleed bay doonayeen, waxaanu dadkii ku dhiiraday ee yidhi qabiil halaga baxo; waxaanu nahay xisbiga qudha ee aan odhan reer hebel baa noo soo galay, waxaanad aragteen in labada xisbiba ku baratamayaan reer hebel baa noo soo galay.
 Fayal Cali Waraabe oo la fadhiya Oday Indho la'
Hadda imika (markii waraysiga laga qaadayay) waxaan ka baxay Xaaji Saalax, waxaan ku socdaa Duruqsi, waxaanan soo maray ilaa doraad 15 tuulo, geed kasta ayaan istaagay, iyagana waad ogtahoo Hargysa ma dhaafaan, reer hebel baa noo soo galay iyo xaflad dad la soo ururiyey ayey sameeyaan. Waxaan hubaa labada musharax ee ila tartamayaa inaanu midna ka bixin Hargaysa sidii loo doortay, waqtigii diiwaangelintu socotay ayuu Siilaanyo baxay ayaan filayaa, anigu sanad kasta waan baxaa oo gobollada ayaan maraa. Markaa waanu ka duwanahay, anagu dad dalka iyo diinta doonaya ayaanu nahay, iyaguna waa dad kursi doonaya.
S: Laakiin, sida adiguba aad ka dhawaajisay xisbigiina waxaa lagu xantaa in mawqifkiinu had iyo jeer isbedbedelo, arrintaa sideed u aragtaa?
J: Koodaa isbedela, laakiin anagu ka danta guud uun baanu wadnaa. Qadiyada waxa laga yaabaa inaanu maalina isku mawqif nahay ka wadanka haya, maalina ka Mucaaradka ah. Laakiin, markasta oo mushkiladi dhacdo cida taladooda la qaataa waa anaga, waana dacaayadaha lanaga fidiyey. Waxaanu la tartamaynaa dad ku ababay inay dadka sumcada ka dilaan, laakiin aan la iman anjande iyo barnaamij siyaasadeed. Waxaad isu eegtaa saddexda barnaamij ee xisbiyada kaayagu waa wax cilmiyeysan, ka KULMIYE-na akhri, ka UDUB waynu haynaa oo waa bilaa Biyo, bilaa camal, qabyaalad, musuqmaasuq, dhulkii oo la booboo, derejo la’aan, idaacad la’aan, lacago kala jaad-jaad ah. Markaa anagu maadaama aanu nahay dad cusub oo isbedel doonaya, labada xisbiba way na dacaayadeeyaan, laakiin shacbiga Somaliland way ogyihiin maanta inay nabada Somaliland anaga nagu xidhan tahay iyo ictiraafkuba oo aanay cid kale keeni karin.
S: Guddoomiye, muddooyinkii u dambeeyey waxaa jiray in xisbigiina aad magacawdeen xilal kala duwan oo aad u kala magacawdeen dad kala duwan, arrintaasi ma arrin doorashada uun ku soo beegantay baa, mise waa arrin idiin qorshaysnayd?
J: Xisbigayagu waa xisbi doonaya dad cusub iyo weji cusub, qofkii Maqasha ka adkaan waaya maaha inaanu u dirno Geel. Dadkii cusbaa baa imika imanaya, waanu ku sii simaynay ee ra’yiga cusbaa ee adduunka soo arkay ee qabyaalada ka sareeyey ee isku dirka ka sareeyey ee goolaaftanka ka sareeyey, waanay imanayaan insha Allaah.
S: Arrinta xasaasiyada badani ka dhalatay waxa ka mid ah xiisadii barigii dhaweyd ka dhacday Bariga, markaa adigu arrintaa sideed u aragtaan guddoomiye xisbi UCID ahaan?
J: Dadka reer Somaliland waa mid, waa dad walaalo ah, dhulka waa la wada degan yahay, reerna Sool iyo Sanaag ma sheegan karo, umaddu way wada leedahay, waxani waa fidmadii Soomaaliya nagu kala abuurtay ee Somaliland qabiil u kala saartay. Waa la dayacay walaalahayaga reer Buuhoodle iyo Widhwidh, waxaanu diyaar u nahay inaanu la fadhiisano. Anagu waxaanu soo jeedinay oo dadku goosteen oo iyagu saxeexeen in dawladnimadii dib loo soo celiyo, hadday wax ka roon noo hayaan waanu dhegaysanaynaa, laakiin xabad, jabhad iyo in dadka la barakiciyo kuma taageerayno. Laakiin, waa laga seexday oo waxba looma tarin. Waxaanu leenahay UCID baa isbadel keenaysa, kaalaya aan wada tashano, maanta Soomaali nabad bay u baahan tahay, Somaliland yaan nabadeeda lagu ciyaarin.
S: Markaa ma u tagteen Buuhoodle iyo Widhwidh?
J: Anigu labadaba diyaar baan u ahay inaan u tago socdaalkaygan hadda aan ku marayo Bariga inaan wada doodno, inaan wada fadhiisano, waayo waxaynu ku helayno wadahadal inay dadkeena xabad u quudhno waa ceeb, Soomaali oo dhan baa wada ceebaysan, dadkeeniibaa wada daadsan, Afrikaan baa yidhi waanu idin heshiisiinaynaa, UN-taa tidhi waanu idin heshiisiinaynaa, dad aan inala dan ahayn gacmaha soo geliyey, anagaa doonayna inaanu wax ka qabano insha Allah, markaanu Somaliland hab fiican iyo dawlad fiican oo dadku ku kalsoon yahay oo aan ka baqayn inay Soomaalida gacan siiso oo ay nabad ka dhaliso ka dhisno.
S: Guddoomiye, dhawaan waxa dhacday Xildhibaano ka soo galay Baarlamaanka xisbigiina inay sheegeen inay ka baxeen xisbigiina oo ay ku biireen xisbi kale, arrintaa sideed u aragtaa?
J: Maanta ninka xildhibaanka ee shan sano Baarlamaanka ku jiray ee xisbigiisii waxtari waayey ee deegaankiisii waxtari waayey, waxtirsi malaha. Laakiin, waxaad ogaataa inaanu shacbi kaxaysan, anagaba qaar baa noo soo galaya UDUB ka tirsan. Waxa jirta dadkani inaanay nidaam haysan, waa dad kolba meel socda, waxay isleeyihiin malaha KULMIYE ayaa helaya, kii lagu dilayey maxaad KULMIYE ula midowday, kii nagaga baxay ee naga cadhooday ee la soo saftay UDUB ee na lahaa hadduu KULMIYE dalka qabto siduu reerkiinu noqon doonaa baan ka seexan waayey ayaa maanta KULMIYE ah. Markaa waa dad an lahayn nidaam oo naftooda oo keliya u socda, waanigaa maanta deegaanadoodii socda, waanigaa dadkoodii maraya, anaga ayey dadku noo soo hadhayaan, iyaguna way ku hungoobayaan meelahay tageen.
S: Laakiin, idin masuuliyad intee leeg baad ku leedihiin guddoon ahaan maadaama aad idinku soo xusheen xildhibaanada marka hore?
J: Xaq uma laha inuu ka baxo oo sharciga ayaa odhanaya inaanu ka bixin xisbiguu ka soo baxay, markaa waa dad xaguu roobku ka hilaacay ah, markaa anigu kuwaa kama werwero. Laakiin, aniga werwerkaygu waa shacbigayga, ninkaygaa dhex socda, dhex seexanaya, sariibada maraya, islaanta og, odayga miskiinka ah og, xaaladooda og ayey maanta Somaliland u baahan tahay, anagaa dalkan hagaajinayna, anagaa tuuri doona qabyaalada, anagaa ictiraafka keeni doona insha Allaah, anagaa badhaadhe keeni doon, anagaa xoolahooda u amaan gelin insha Allaah.
S: Haddiiba lagu doorto oo aad ku guulaysato doorashada, tallaabada ugu horeysa ee aad qaadaysaa maxay tahay?
J: 120-ka maalmood ee ugu horeeya waxaan joojinayaa waxa weeye xukunkii degdega ahaa ee dadka lagu xidhxidhayey, shir dhaqaale ayaan qabanayaa aan u yeedhayo mutacalimiintayada oo dhan, haddana waxaan qabanayaa shir ganacsi, waxaanan casuumayaa baayac-mushtariga Soomaaliyeed oo dhan, si aan u idhaahdo halkan wax u soo gashada. Waxa kale oo aanu samaynaynaa derejadii ciidamada, lacagta Soomaaliya ayaanu bedelaynaa insha Allaah, idaacad weyn baanu keenaynaa, waxaanu qaadaynaa wax allaale wixii heshiis kooto ahaa ee uu ka mid yahay ka Maxjarku ee uu ka mid yahay ka TOTAL, shaqaalaha oo dhan baanu mushaharka u kordhinaynaa, ciidamada qaranka iyo Booliska ayaanu dib-u-habayn ku samaynaynaa.
S: Halkeed ka keenaysaan lacagta aad mushaharka shaqaalaha ugu kordhinaysaan?
J: Lacagta dalka waa lagu cunaa ilaa $150 milyan oo doolar weeyaan warbxinta Baanka Adduunku, taas baananu xafidaynaa insha Allaah. Waxaanu dhiirigalinaynaa wax dhoofinta, waxaanu doonaynaa in dalkani horumar gaadho, inaanu shaqooyin degdeg ah abuurno oo aanu wadooyinka isku xidhno. Anaga waxayagu laab-lakac maaha, waa wax aanu aqoon ku samaynay, dawlad yar baanu samaynaynaa.
S: Guddoomiye, haddii doorashada lagaaga guulaysto, in badana waxaad ka soo hadashay inaad doonaysid inaad samaynaysid isbedel siyaasadeed, markaa laga yaabaa inaad adigu isbadelka iska bilawdo oo aad siyaasadda ka baxdo?
J: Anigu maanta jaaniskaa haddaan waayo waxaan u banaynayaa dadka kale ee igu xiga, laakiin aniga jaaniskaasaa iigu dambeeya oo aan u ordayaa, haddaan doorkaa waayo (Madaxtinimada) mar dambe u ordi maayo, haddaan helana mar labaad waan isu soo taagi karaa. Laakiin, aniga waxa ii muhiim ah inaan nidaamkayga iyo rayi’gaygu socdo oo hadafka aan u galay siyaasada ay Somaliland u hirgasho.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, June 6, 2010

Isu-soo-bixii ololaha maalinta 2aad ee xisbiga talada haya ee UDUB iyo taageerayaashiisa

Hargeysa (NNN)- Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa maanta muujiyay dhoola tus aad u balaadhan, kana sameeyay Gobollada dalka Somaliland, gaar ahaan Beerta xorriyada ee Magaaladda Hargeysa. Isu soo baxaasi oo ayna u kala hadhin yar iyo weynba, waxa ay ahayd maalintii labaad ee Ololaha Xisbiga UDUB ku muujiyay taageeradooda.
 
Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa khudbad dheer ka jeediyay, waxana uu ku bilaabay hadalkiisa “In Badan ayaa la lahaa UDUB way ku fashilantay barnaamujkeedi Siyaasadeed, kumaanaan fashilminee ee Beri [Isniin] ayaanu keenaynaa oo cidwalba la siinayaa. Ta labaad Xisbigeenu [UDUB] waa Xisbi fac-weyn ee waxaan idinkula dar-daarmayaa sida Xisbiyada kale inaan la caytamin oo aan cidna la xajiimayn oo ololahana si fiican loo galo,".

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Taageerayaasha Xisbiga UCID oo khalkhal geliyay xisbiyada kale ee KULMIYE iyo UDUB

Hargeysa,(NNN)- Taageerayaasha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shalay isu-soo-baxyo balaadhan ka dhigay magaalooyinka waawayn iyo degmooyinka dalka.
Isu-soo-baxaas oo qayb ka ah ololaha doorashada Madaxtinimada oo xisbiga UCID shalay maalintiisii koowaad u dabaal-degay, waxay taageerayaashu ku muujiyeen cududooda iyo taageerada ay u hayaan xisbigaas.

Burco:
Murashaxa jagada Madaxweynenimo ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbad u jeediyay kumanaan ka mid ah taageerayaashiisa ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Fagaaraha Burco oo ay hadalo ka jeediyeen xubno ka tirsan hoggaanka UCID, waxay taageerayaashooda uga warameen barnaamijyada ay dalka ku hagi doonaan haddii ay qabtaan talada dalka. “Walalayaal, waxa mihiim ah in aynu taariikhda dib u milicsano, 26 June waxaynu u dabaal-degaynaa 50 sanno guuradii ka soo wareegtay markaynu xornimada ka qaadanay Ingiriiska, kontonkaa sannona wax inaga dhaca mooyee wax inoo kordhay may jirin, waxaana sababay hogaanka oo inaga xumaday,” ayuu yidhi Murashaxa UCID. Wuxuuna ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland tan iyo 1960-kii. “Anagu UCID ahaan waxa aanu nahay iyadoo la leeyahay shir Beeled hala qabto raggii diiday qabyalada ee Xisbigi u horeeyay fura oo UCID ah, maantana waxa aanu wadnaa Kitaabka iyo in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka. Maxkamadda dalka waxa aanu dhigaynaa Kitaabka Quraanka ah, waxaanuna Maxkamadaha fadhisinaynaa Culimada waaweyn ee dalka haddi aanu talada dalka ku guulaysano ma arki doontan Madaxweyne iyo qof shicib ah oo isku haysta neef Adhiya, ma jirayso Maxjar dambe oo dadka lagu dhaco, ma jiri doonto TOTAL dambe iyo ganacsi kooto la galiyaa. Waxanu dalka ka dhigaynaa mid loo siman yahay iyo cadaalad ku wada noolasho iyo in aanu ka shaqayno horumarka dalka,” ayuu raaciyay. Wuxuuna taageerayaasha Togdheer ka codsaday in si isbedelkaa loo hirgeliyo la taageero xisbiga UCID.
Murashaxa UCID waxa uu baaq u jeediyay bulshada ku dhaqan degmada Buuhoodle iyo dawladdaha jaarka la ah Somaliland. “Reer Buuhoodle waxa aanu u fidinaynaa gacan walaalnimo iyo wadahadal ee ma doonayno dagaal. Somaliland ma kala go’i karto, markaa walaalayaal gacan wanaagsan baanu idiin soo fidinaynaa wixii aad tabanaysaan waynu wada dhamaynaynaa. Laakiin, Somaliland uma baahna dhiig dambe, uma baahna dagaal dambe, waxaana inoo cibaaro ah waxa ka socda Xamar. Dawladaha jaaraanka ah waxa aan leeyahay Jabuuti waxaanu leenahay waanu idiin soo halganay oo idiin dhimanay ee iska daaya koruboodada aad Soomaaliya ugu boodaysaan. Waxaan leeyahay, Somaliland way jiraysaa ee imaansada oo dhawra wada noolaanshaha iyo walaaltinimada. Itoobiya waxa aan leeyahay laba isku helimaysaan, in wixiinu si fudud dalkayaga u soo galaan, waxa dalkayaguna kootarabaan noqdaan, haddii aanu talada qabano arrintaa waanu kala hadlaynaa dawladda Itoobiya, anagoo dhawrayna jaar wanaaga,” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID. Wuxuuna intaa ku daray, in xisbi ahaan ay doonayaan in Itoobiya qaataan Milixda iyo Kalluunka Somaliland.
Murashaxa UCID waxa uu sheegay in maalintooda labaad oo ku beegan 8-da bisha, in aanay qaban doonin isu-soo-baxa ololaha, isla markaana kharashka maalintaas ku baxaya ay ku caawin doonaan Carruurta Agoomaha iyo Bukaan-jiifka Cusbataalada.
Waxa uu balanqaaday in haddii ay talada qabtaan ay wax ka qaban doonaan adeegyada bulshada oo uu sheegay inay dayacan yihiin, wuxuuna sheegay in waxbarashada ilaa heer dugsiga Sare ay bilaash ka dhigi doonaan.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in haddii ay talada qabtaan ay jaar wanaag kula noolaan doonaan Koonfurta Soomaaliya oo uu sheegay in aanay Somaliland dib ula midoobi doonin. "Dawladda Soomaaliya ee aynu walaalaha nahay , daris-wanaagsan ayaynu ka dhiganaynaa, laakin Soomaliland laba u dulqaadan mayso mar dambe UDUB ma dooran doonto waana ka mamnuuc, dadka reer Somalilandna mar dambe Xamar ku noqonmayso oo waa inaga xaaraan,” ayuu raaciyay. “Reer Burcow qabiilkiinu waa reer Togdheer, waxa laydinka doonayaa isku duubni iyo wadajir. Markaa waxaanu idiin wadnaa hadaanu nahay xisbiga UCID isbedel dhab ah iyo barnaamijka xisbiga ee aad aragteen oo aanu sidiisa u fulinayno. Sidaa awgeed, waxaan idiin sheegayaa UDUB way saqiirtay oo ka hadli mayo, balse labada xisbi Mucaarid waxaad ku kala dooranaysaan barnaamijkooda siyaasadeed iyo dadka ku jira. Xisbiga cadaalada iyo daryeelku maanta waxa uu idiin wadaa barnaamij aanu doonayno inaad ku doorataan, kaasoo aanu isbedel ku keeno. Waxaanu idiin wadnaa dad cusub oo musharixiin ah oo uu kaw ka yahay Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo ku-xigeenkiisa Dr. Maxamed-Rashiid iyo rakaabka ay soo wadaan ee wasiirada noqonaya,” sidaana waxa yidhi guddoomiye kuxigeenka UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo isna hadal ka jeediyay fagaarahaas.
Waxa kale oo iyana halkaas ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Burco, ahna Xoghayaha Beeraha UCID Prof. Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale, guddoomiyaha gobolka Togdheer ee UCID Cusmaan Ibraahim Nuur, Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, Axmed Xuseen Fagfagaash iyo masuuliyiin kale.
Isu-soo-baxii UCID ee Hargeysa:
Taageerayaashii ugu badnaa oo isugu yimi fagaaraha Beerta Xorriyada, waxa hadalo ka jeediyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbigaas oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Murashaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, Madaxa ololaha doorashada Madaxtooyada UCID, Xildhibaano golaha Wakiillada ka tirsan iyo masuuliyiin kale. “Waxa ay maanta (shalay) ugu horaysaa maalintii xisbiga UCID loo qorsheeyey, waana maalintii ololihiisa la xidhiidha doorashada Madaxweyenimada ee ugu horaysay, waa maalin taariikh leh. Waxaa kaloo maalintani tahay maalintii xabsiga Mandheera laga jebiyey ee laga sii daayay dadkii xaqdarada ku xidhnaa ee 5-tii June 1983-kii,” ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne kuxigeenka UCID.
Waxa uu ku dheeraaday barnaamijka hogaamineed ee xisbiga UCID iyo sida loogu baahan yahay in bulshadu uga fiirsato masiirkeeda, wuxuuna ka codsaday inay garab istaagaan xisbigaas. “Xisbi UCID waxa uu dhisi doonaa dawlad kooban oo tayo leh, annaga oo ka turjumayna rabitaanka shacabka, waxa aanu goo’aansanay inaanay tirada Wasiiradu ka badan 18 Wasiir. Xisbiga UCID waxa uu si aqooni ku dheehan tahay ku maamuli doonaa xilliga kala-guurta ah haddii ilaahay nagu guuleeyo doorashada. 12 maalmood ee ugu horeeya waxa aanu qabanaynaa laba arrimood oo muhiim ah oo ay isu imanayaan aqoonyahanka wax-garadka Somaliland oo aanu u soo bandhigi doonoo barnaamijkayaga wax-qabad. Waxa kale oo aanu qabanaynaa shirka kale oo muhiim ah oo aanu ku casuumayno baayac-mushteriga Somaliland, kuwa Soomaaliyeed iyo Ajanabi kasta oo doonaya inay wadanka maal-gashato,” ayuu raaciyay.
Dr. Maxamed-Rashiid waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay muhiimad gaar ah siinayaan dhalinyarada iyo Haweenka, si ay uga qaybqaataan talada dalkooda.
Guddoomiyaha ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UCID Saleebaan Daahir Cabdilaahi oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu taageerayaashaa uga mahadceliyay siday ugu soo baxeen xisbiga, una muujiyeen taageerada ay u hayaan. “Dadlka Somaliland isbedel uun uma baahnee, waxa uu u baahan yahay badbaado oo meel halis ah yaynu maraynaa, idinka ayaana badbaadin karaya,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cusmaan Caalin oo isna hadal kooban ka jeediyay isu-soo-baxaas, waxa uu dadweynahaa ku booriyay inay taageeraan xisbiga UCID, si loo hirgeliyo himilooyinka horumarka dalka.
Gebo-gebo:
Dhinaca kale, isu-soo-baxyo la xidhiidha ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UCID, ayaa shalay ka dhacay magaalooyinka Ceerigaabo, Boorama, Berbera, Gabiley iyo Wajaale.
Dibad-baxa Boorama oo kumanaan taageerayaal ahi isugu soo baxeen, waxa hadalo ka jeediyay Afhayeenka xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare iyo masuuliyiinta xisbigaas ee gobolka Awdal, kuwaasoo dadweynaha ku dhiirigeliyay inay taageeraan xisbigaas.
Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Muuse Xaaji Muxumed Guulleed (Inji), ayaa isna shalay dadweynaha ku dhaqan Gabiley iyo Wajaale kala qaybgalay isu-soo-baxyo ay dhigeen, kuwaasoo ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbigaas.
Mr. Inji waxa uu sheegay in haddii ay talada qabtaan ay dalka ku hagi doonaan Shareecada diinta Islaamka, isla markaana ka shaqayn doonaan horumarinta dalka.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, June 4, 2010

Dhoolatuskii Xisbiga Kulmiye iyo Taageerayaashiisa + Khudbadihii Masuuliyiinta Xisbiga + Sawirro

Hargeysa (NNN)- Kumaanaan kun oo qof oo ka mid ah taageereyaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta dhoola tuskii ugu balaadhnaa ka sameeyay fagaaraha beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa.
Taaageereyaasha xisbiga KULMIYE ee Magaalada Hargeysa ayaa oo iskaga yimid shanta degmo ee Caasimada Hargeysa ayaa iyaga iyo gaadiidkoodii meel laga maro la waayay.
Fagaaraha beerta Xoriyada ayaa buuxsamay oo dadkii qaadi waayay waxaana dadku ay ku sugnaayeen ilaa duleedka fagaarahaasi.
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal ka jeediyay isu soo baxaasi wuxuu yidhi "Dadweynaha Somaliland ee iskugu yimid Beerta Xoriyada Hargeysa ee ka soo qeyb galay bilowgii olalaha doorashada Madaxtooyada aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin mahad aad u balaadhan ayaan idiin celinayaa. Waxaan ka jecelahay. Haddii aynu nahay dadweynaha reer Somaliland kuwa Gobolkan Maroodi-jeex maanta doorasho ayaynu u diyaar garoobaynaa waxa inagu waajib ah inaynu marka u horreysa nabadgelyo ku shaqayno, oo doorashada nabadgelyo ku gaadhno."
Waa inaynu ilaalinaa oo aynu xaq dhawraa xisbiyada kale maalmahooda waxaynu u baahan nahay inaynu ciidamada nabadgelyada gacan ku siino nabadgelyada ilaalinteeda anagoo aad iyo aad ugu mahad naqayna hawsha ay hayaan."
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu xukuumada Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inaanay waxba qaban muddo sided sanadood ah oo uu xilka hayay waxaanu yidhi "Maanta sideed sanadood oo dhow dhow ayuu joogaa Daahir Rayaale Kaahin, waynu aragnaa waxaynu ku tallo jirnaa inaynu wax ka bedelno waxaasi uu ka baaqsaday ee xisbiga UDUB fulin waayay, waxaynu samayn doonaa waad aragteen xisbiga KULMIYE barnaamijkiisa waxaynu wax ka bedeli doonaan xaga dhaqaalaha, nolasha, wadooyinka, cadaalada iyo caafimaadka."
"Xisbiga UDUB illaa maanta Barnaamij siyaasadeed oo uu soo saaray ma jirto waad aragteen oo wax uu sheegan karo iyo wax uu qabtayba ma jiro, wuxuu soo bandhigaa waa cay , hantidii ummadda ee uu lunsaday, cadaaladii uu xumeeyay iyo waxqabad la’aan. Walaalayaal waxa barnaamijkayaga ku cad muwaadiniinta reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inaan xuquuqdooda la duudsiyin,"ayuu yidhi Md. Siilaanyo.
Md. Axmed Siilaanyo wuxuu u balan qaaday ciidamada Somaliland inay u samaynayaan darajadii ciiddanimo, isla markaana ay fulinayaan sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay oo ay siyaasada si buuxda uga qeyb gelinayaan.
"Waxaanu ku balan qaadaynaa inaan boob iyo dhac lagu samayn Ganacsiga oo aanu madax banayno, waxaanu balan qaadaynaa inaanu dadka cadaalada, dekadaha dalka oo la balaadhiyo iyo wadooyinka aanu balaadhino, xisbiga UDUB waxay yidhaahdaan in shaqaalaha dawlada Xisbiga KULMIYE ay eryi doonaan waxaan leeyahay inaanay arrintaasi waxba ka jirin oo ay shaqaalaha dawladu qaranka u shaqeeyaan oo ay xuquuqdoodii leeyihiin. Qofka aan sharciga jabin wax loo sheeganayaa ma jirto. Waxa ummadda lagu bajinayaa inaanu wax xidhi doono inaanu wax dili doono. Anagu kuma tallo jirno inaanu cidna godob u raacno waxaanu ku tallo jirnaa inaanu dhisno dad iyo dal caafimaad qaba,"ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE.

Axmed Siilaanyo wuxuu ammaan u soo jeediyay Komishanka doorashooyinka qaranka oo uu ku tilmaamay rag si wanaagsan u shaqeynaya waxaanu bulshada ugu baaqay in lala shaqeeyo.
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu shacbiga ka dalbaday inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE oo uu carabka ku dhuftay inuu dalka isbedel weyn ku samayn doono.
Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Casiis Maxamed Samaale oo ka hadlay isu soo baxan ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale ee uu ku durayay Shirgudoonka Wakiilada waxaanu yidhi "Madaxweynaheena Md. Daahir Rayaale Kaahin, shalay khudbadiisii uu ummadda ugu sheegi lahaa wuxuu ummadda u qabtay waxaad ogaydeen wuxuu kaga hadlay Golaha Wakiilada, waxay muujinaysaa in Madaxweynuhu shirgudoonka jecel yahay soo ma aha? Tolloow muxuu ku jeclaaday? Golaha Wakiiladu waa Golihii sharci dejinta waa dabarkii xukuumadda waa kii hubinayay waxa sida dharaarta u muuqata inuu Madaxweynuhu intaba ka diiday Golaha Wakiilada. Shirgudoonku isagoo kaashanaya Gole weynaha wuxuu hor istaagay sharci jabintii u caadada ahayn Madaxweynaha. Madaxweynuhu wuxuu ahaa markii sharcigii lagaga adkaaday kii isagoo isticmaalaya ciidamadii qaranka xoog ku galay Gurigii Wakiilada oo uu quful ku xidhay. Waxaanu ummadda reer Somaliland uga mahad naqaynaa siday ugu hiilisay Golaha Wakiilada. Waxaanu halkan ugu ducaynaynaa labadii dhalinyarta ahaa ee ku shihiiday dhacdadii lagu furtay Golaha Wakiilada markii uu qufulka ku jabiyay kaligii Taliye Daahir Rayaale Kaahin."
Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Wakiiladu wuxuu sheegay in Golihiisu isagoo kaashanaya deeqbixiyeyaasha uu dhistay laba xarumood oo bilicsan, halka uu Madaxweynahana ku dhaliilay inuu 13 sanadood dhex fadhiyo Gurigii Kaligii Taliye Moorgan.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna xukuumada ku tilmaamay mid marjo ah oo ku guuldaraysatay xilkii iyo waajibaadkii loo doortay.
Mudane Muuse Biixi wuxuu shacbiga ugu baaqay inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE waxaanu ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.
Dhinaca kale, isu soo baxan oo ka dhacay Gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa sida wararku sheegayaan ku dhamaaday jawi nabad gelyo ah.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, May 29, 2010

Xisbiyada Kulmiye, UCID, UDUB iyo Komishanka Doorashooyinka oo ka hadlay Xaaladda Buuhoodle

Hargeysa,(NNN)- Saddexda Xisbi Siyaasi iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda gobolada bariga Somaliland, gaar ahaan xaaladda Deegaannada Sool iyo Buuhoodle. Saddexda Xisbi ee KULMIYE, UDUB iyo UCID, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay xaaladda Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood iyo sidoo kale Deegaanka Buuhoodle oo dhawaan dagaallo ka dhaceen.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay shaqaaqooyin dhawaan ka dhacay Magaalada Buuhoodlle iyo sidoo kale Laascaanood, waxaanu arrintaa ku tilmaamay dayac ka yimi Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, isaga oo eedda dagaalkaasna dusha u saaray dad uu sheegay inay dibadaha isaga soo bahaysteen inay dagaal ridaan. “Waanu ka xunnahay dadkaa ku geeriyooday shaqaaqooyinka, maxaa yeelay maanta looma baahna in Dhiig dambe reer Somaliland ama Soomaali oo dhan ka daata.
Dhibaatada halkaa ka taagan, waxaanu dusha ka saaraynaa dadka iska soo urursaday dibadaha ee ka yimi Maraykanka iyo Yurubta kale ee dhulkii maatidu deganayd damacsan inay dab geliyaan, iyagoo og dhibaatada Soomaali ku dhacday, halkii ay 18-ka sanadood burburkii Soomaaliya la burbursanayd Somaliland oo ka nabad gashay, ay ugu faani lahaayeen ee ay nabadgelyada ka adkayn lahaayeen ee ay horumarka ummada ka shaqayn lahaayeen. Dadkaasi lacagtii qaxoontigay soo gurteen oo waxa ummadoodii dabka galiyey qaxa geliyey lacagtaas ayaa kaw ka ah. Ta labaad, waxa canaanta ku leh dawlada Somaliland ee ku guuldaraysatay Buuhoodle oo Burco dusheeda ah inay maamulka gaadhsiiyaan.” Ayuu yidhi Faysal oo ka mid ahaa masuuliyiinta Xisbiyada ee ka hadlay xaaladda bariga dalka, kuwaas oo u waramay Telefishanka UNIVERSAL, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xaq buu dalku u leeyahay inuu nabadgelyada deegaankiisa la ilaashado wadanka jaarkiisa iyo inaanay meeshaasi noqonin meel ay fawdo ka abuuranto oo aragagixiso ku dhalato oo dhibaato u keena dalkooda.
Ciidamada Somaliland ee tagay xuduudaha, xaq bay u leeyihiin, dalkoodii bay tageen oo dal ajaanib ah may tagin. Waxaananu leenahay dadka deegaanka Laascaanood iyo degmada Buuhoodle, niman Carruurtoodii iyo dadkooda gaystay Dibadaha oo Kenya laga guray oo qaxoonti u ah, yaanay carruurtiina imika naruuradu u bilaabantay, waayo maanta Laascaanood Jaamacad bay leedahay, qofkii qof dila waa loo dilayaa, nabadgelyada weeyaan. Markaa yaanay dhibaatada sharci darrada ah ee xukun-darrada ah ee maamul darrada ah, ee ku waartay Buuhoodle, yaanay idinku soo fatihin baanu leenahay. UCID haddaanu nahay waxaanu diyaar u nahay in dadkaasi waxay tabanayaan oo dhan aanu buuxino inaanu walaalnimadii iyo wada dhalashadii soo celino, inaanu ka fikirno sidii dalkeena aynu u horumarin lahayn, inaynaan wadadii qabiilka ee lagu jabay raacin, inaynu raacno wadadii wanaagsanayd ee illaahay inoo tilmaamay”
Dhinaca kale, Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) oo isna dhinacooda wax laga waydiiyay xaaladda Deegaanka Buuhoodle iyo Laascaanood, ayaa ku jawaabay oo yidhi, “Marka hore aad baanu uga xunnahay inay dhacdadaasi (Dagaalladii Buuhoodle) dhacdo, waana nasiib darro inay dhacdo. Waayo dad baa ku dhintay walaalaheena oo wax ina tari lahaa, waxaanse rumaysanahay Soomaaliyadii isku jirtay waxay u kala bixi kartaa oo keliya laba qaybood oo kala ah, Soomaaliya iyo Somaliland. Qaranimada iyo reernimaduna waa laba wax oo kala duwan isirka cid waliba waxbay isku ahaan kartaa, kuwan Hargaysa iyo kuwa Gaashaamo yaala waxbay isku yihiin.” Waxaanu intaa raaciyay Cali-Gurey oo uu yidhi, “In siyaasadda iyo Beelnimada la kala saaraa buu arrinku ku roon yahay. Arrintan imika waxaad moodaaa markii Puntland ay u aragtay inaanay si cunfi ah khilaafka iyaga iyo Soomaaliya u wada gali karin ay sidaa yeleen. Waxay yidhaahdaan Gobollada Sool iyo Sanaag, laakiin, reer Sanaag kuma jiraan. Markaa anigu waxaan aaminsanahay wixii u dhexeeya reer Sool iyo reer Somaliland intooda kale waxa lagu dhamayn karaa wada hadal. Dhinaca kale, ciidamada Qaranka ee Somaliland inay aminiga Somaliland sugaan waa wax qasab ah, cidna taa laga baryi maayo. Laakiin ciddii wax tabaynaysaa xaq waxay u leedahay in la dhagaysto oo si nabadgelyo ah loo wada hadlo oo wanaag lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira dalka gudihiisa oo dhan.”
 Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige, ayaa xaaladda Buuhoodle ku tilmaamay mid lagu khalkhal-gelinayo Doorashada iyo geedi-socodka hannaanka Diiwaangelinta. “Wallaahi, waxaanu u aragnaa arrin ayaan darro ah oo fool xun in la daadiyo dhiig, sida aynu ognahay waxaynu isu diyaarinaynaa doorashadii Kaadhadhkii qaadashadoodiibaa gebogebo ah, waxaanu u aragnaa anagu arrin la doonayo in lagu khal khal galiyo geedi-socodka doorashada. Sababtoo ah, waqtigan imika aynu joogno ee xasaasiga ee dadku ay u diyaariyeen inay u hawl-galaan doorashada in la abuuro xiisad colaadeed iyo dhibaato waxaanu u aragnaa inay mid laga dambeeyo.” Ayuu yidhi Keyse Xasan Cige.
Xoghayaha guud ee KULMIYE wuxuu ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale oo uu ku sheegay Madaxweynuhu in lagu cadaadinayo in uu sii daayo dadka u xidh-xidhan falalka Argagixiso ee Xabsiyada ku jira. “Waxa kale oo iyada aanu la yaabnay Madaxweynaha oo dhawaan ku dhawaaqay in Bulshada caalamku ay leeyihiin dad markii horeba loo haystay arrimo argagixiso hala siidaayo, taasina mid aynu qaadan karno maaha. Maanta waxa keliya ee uu heshiiska ka yahay (Caalamku) waxa weeye in lala dagaalamo argagixisada, taasina waa arrin kale. Anagu waxaanu u aragnaa inay wada socdaan oo ay isku lug leeyihiin arrintaa uu Madaxweynuhu leeyahay hala sii daayo (Argagixisada) iyo arrintaa imika ka socota gobollada bari oo ah in culays badan Madaxweynaha lagu saarayo oo la leeyahay sii daa dadka ka soo jeeda, gaar ahaan haddaynu eegno deegaankaas oo kale oo yaan la marinin sharciga. Isla markaana hala khal khal galiyo oo hala mideeyo dhaqdhaqaaqaa ka socda imika bariga Buuhoodle iyo Widh Widh iyo arrintan la leeyahay ha la siidaayo”
Geesta kale, Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa iyana wax laga waydiiyay arrintan bariga Somaliland iyo in ay saamayn ku yeelan karto arrimaha Doorashooyinka. “Wax saamayn ah kumay yeelan oo shaqadii Kaadh-badelku sidii ayuun bay u socotaa hadday deegaanadaa tahay iyo hadday meelo kale tahayba. Dad ay cabsi galisay inay jiraan waa laga yaabaa, laakiin wax saamayn ah kumay yeelan oo lama dareensanaba runtii oo sidii bay kaadh bixintu isaga socotaa.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Guddida Doorashada Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking