Showing posts with label kulmiye. Show all posts
Showing posts with label kulmiye. Show all posts

Sunday, July 18, 2010

KULMIYE oo ka hadlay wakhtiga M/weynaha cusub soo magacaabayo Xukuumaddiisa

Hargeysa,(Nnn)- Xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadlay War sheegaya in Madaxweynaha la doortay uu magacaabay laba Wasiir oo Xukuumaddiisa ka tirsan. Isla markaana wuxuu ka hadlay wakhtiga uu Madaxweynaha cusub soo magacaabayo Xukuumaddiisa.
Qoraal kooban oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Warbaahinta ee Xisbigaas Maxamed Cilmi Aadan, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Waxaa ku soo baxay Wargeysyada qaarkood Warar sheegaya inuu Madaxawaynaha la doortay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu magacaabay Wasiiro hordhac u ah xukuumadiisa Cusub. Haddaba, Xafiiska Madaxwaynahu wuxuu caddaynayaa inaanay jirin haba yaraatee Wasiiro si hordhaca loo magacaabay ilaa hadda. Madaxwaynaha la doortay wuxuu ku mashquulsan yahay sidii uu talooyin iyo afkaaro habboon uga uruursan lahaa aqoonyahanada kala gedisan ee qarankani leeyahay, si uu u soo dhiso dawlad kooban oo tayo leh inshaalaahu tacaalaa.
Madaxwaynaha la dooratay waxaa uu xukuumadiisa oo isku dhan uu soo magacaabi doonaa Hadii Alle yidhaa xiliga uu xilka si rasmiya ula wareego, Qarankana uu u dhaarto sida uu dhigayo dastuurka qaranku.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, July 14, 2010

Natiijada Kulan dhex Maray Madaxweynaha La doortay iyo Maayarrada Dalka

Hargeysa, (Nnn)-Madaxwaynaha dhawaanta la doortay ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxwayne ku xigeenkiisa Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay kulan la yeeshay guud ahaan Maayarada Caasimadaha Gobolada dalka markii ugu horeysay iyagga oo ka wada hadlay arimo la xidhiidha Munaasida uu madaxwaynaha la doortay xilka kula wareegi doono oo dhici doontyo 27/07/2010-ka.
Maayaradan oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Berbera Cabdalla Maxamed Carab, Maayarka Burco, Maayarka Boorama, Guddoomiy ku xigeenka Gobolka Gabilay ayaa waxa uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo kaga dhagaystay Maayarada Fikrado la xidhiidha sida ugu haboon ee dalka looga samayn karo isbadalka dalku u baahan yahay, iyagga oo Madaxwaynaha u soo jeediyay in aanu u joojin soo jeedimaha dadka oo uu isagu yeelo wax alaale waxa uu is yidhaahdo way saxan-yihiin oo waa dariiqii loo baahnaa.
Masuuliyiintani waxa ay tilmaameen inay waajib tahay in maayarada Magaalooyinka dalka iyo masuuliyiinta kaleba ay taageeraan xukuumada cusub ee uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxayna balan qaadeen inay doorkooda ka qaadan doonaan amaanka iyo nidaamka xaflada ay xilka kula kala wareegayayaan Madaxwayne Siilaanyo iyo Madaxwaynaha xilka sii haya Md Daahir Rayaale Kaahin.
Madaxwaynaha cusub ee la doortay Md Axmed Siilaanyo oo isaguna Maayarada u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kulanka ay yeesheen isaga oo ku bogaadiyay hawsha qaranka u hayaan oo uu tilmaamay inay mid wax ku ool ah tahay, isaga oo tilmaamay inay si wanaagsan u wada shaqay doonaan.
Kulankan oo ka dhacay guriga Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo u badnaa sidii amaanka sare loogu qaadi lahaa maalinta xil wareejinta oo ku beegan 27/07/2010-ka ayaa waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Ka-qaybgalka Dawladda cusub ee Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo shuruud lagu xidhay

Hargeysa, (Nnn)- Xoghayaha guud ee Xisbiga talada la wareegaya ee KULMIYE Mr. Keyse Xasan Cige, ayaa ka warbixiyay kulamo ay yeesheen hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, isla markaana wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aqbalay soo-jeedintii Guddida ee qaab-dhismeedka Dawladda.
Mr. Keyse Xasan Cige oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay saami-qaybsiga Beelaha Somaliland iyo tirada xilalka Wasaaradaha ee loo jeediyay Madaxweynaha, damaca siyaasadeed ee hoggaanka Xisbiga ka haya in ay Dawladda cusub ka mid noqdaan iyo kulamo ay hoggaanka Xisbigu ka lahaayeen arrintaas.
Muuse Biixi Cabdi, Guddooyaha 1aad ee Kulmiye
Ugu horrayn, Mr. Keyse oo aanu wax ka waydiinay jiritaanka warka tibaaxaya in Madaxweynaha la doortay uu hoggaanka Xisbigooda ku wargeliyay in aanu ku darayn Dawladda cusub, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta, wax War ah oo cad oo ku saabsan in Hoggaanku uu ku hadhayo Xisbiga oo ay isla gaadheen Xisbiga hoggaankiisu ma jiro, oo dee hoggaanku go’aan buu gaadhi lahaa oo wuxuu odhan lahaa hoggaanku ha hadho, balse wax go’aan ah oo ilaa hadda laga gaadhay ma jiro. Hase yeeshee, kollayba wuu jirayaa dareenka ah in aan Xisbiga marnaba madhnaanin oo aanu cidla noqonaynayn. Qof kastaana aragtidiisa ayuu qabaa. Gole Wasiir oo la soo saaray oo aad ka dhex arki karto cidda ku jirtaana ma jirto ilaa hadda. Markaa waa saadaal iyo male-awaal uun. Hase ahaatee, arrintaasi waa arrin laga doodayo oo ilaa hadda hoggaanka Xisbigu ka wada hadlayo oo aan laysla meel dhigin.
C/raxmaan C/qaadir, Guddooyaha 2aad ee Kulmiye
Mar la waydiiyay sababta keentay in laga doodo arrintan ay macnaheedu tahay in masuuliyiinta u sarraysa Xisbiga KULMIYE ay dhammaantood qabaan damac siyaasadeed oo la xidhiidha inay ka mid noqdaan Xukuumadda cusub ee la dhisayo, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dabcan, bani’aadamku kollayba way leeyihiin aragtidiisa, damaciisa iyo hiigsigiisa, waana wax qof walba u gaar ah. waxase iyana jirta arrintii guud ee Xisbinimadii, taladii guud iyo hoggaankii guud ayaa jira. Markaa in laga wada hadlo sidee ayaa wax loo maarayn karaa, meeshay ku jirtaa. Laakiin, qof kastaa damac waa leeyahay.”
Sidoo kale, mar aanu waydiinay in ay jiraan kulamo ay arrintan ka yeesheen shalay iyo waxyaabaha gaar ahaan lagaga hadlay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta, siyaasadda KULMIYE lagu yaqaanaa waxa weeye in uu wax dhegaysto oo qof waliba wuxuu doono odhan karo, waxyaabaha aanu Xisbiyada kale kaga duwanahayna waxa weeye in lays dhegaysto oo xor la yahay. Sidaa daraadeed, ilaa hadda waxaanu aaminsanahay in uu dhegaysigii meesha ku jiro, waanaga u bandhignay Umadda nooca dawladdu noqonayso iyo 100-ka maalmood ee u horreeya waxa la qabanayo. Tan lafteeda Madaxweynuhu wuxuu yidhi, waxa wanaagsan in aynu meel walba wax ka eegno oo aynu Aqoonta iyo Bulshadaba eegno, maadaama aynu ballan-qaadyo samaynay oo ay Barnaamijkeenii ku jirtay inaynu isbedel samayno, maaha in wax walba lagu degdego ee waa in dhinac walba laga eego oo marka u dambaysa wax nadiif ahi yimaadaan.” Waxaanu intaa sii raaciyay oo uu yidhi, “Dabcan waa in aanu dadweynaha aragtiyo badan ka helno oo aanu aragtiyo badan eegno, waa in hoggaanka laftiisu fikrado badan keeno; haddii aynu galno Dawladdii Xisbigu muxuu ku dambaynayaa, haddii aynu Xisbiga ku hadhno, Dawladdu ma inaga maarantaa. Ileen dadkan hoggaanka ku jiraa waa ilihii ugu waynaa ee Xisbigu lahaa ee ama hayay talada ama hayay khibradda ama xogta. Markaa dawladda cusub markay timaaddo, ninka cusub ee aan Xisbiga hore ugu jirin ama aan hoggaanka ka jirin siduu u shaqaynayaa. Sidaa darteed, mar walba waxa laga hadlayaa wax-toosin ee yaan loo arkin khilaaf, ma jiro khilaaf.” Hase yeeshee, mar kale oo aanu sii waydiinay in shalay kulan ay arrintan ka yeesheen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dhawr jeer ayaanu, maantana (shalay) waanu kulanay, laakiin, wax laysla meel dhigay ma jirto, waxaan ahayn dooddaas guud.”
Mar uu ka jawaabayay Xoghayaha guud su’aal nuxurkeedu ahaa in haddii talooyinka badan ee ay urursanayaan ama natiijada kulamadani ay shuruud yihiin, isla markaana ay noqdaan in hoggaanka Xisbiga KULMIYE aanu ka qayb-geli karin dawladda cusub ay damacaa la noqonayaan, ayaa wuxuu yidhi Mr. Keyse, “Haddii laysla garto oo Madaxweynaha iyo hoggaanka kale isla gartaan in hoggaanku uu hadho, waa lagu khasban yahay, waxay ku xidhan tahay uun aragtida, jawaabaha iyo isla meel-dhigga hoggaanka. Sideedabana, wuxuu Dastuurka Xisbigu qorayaa in marka masuul xil hayaa uu xil kale qabto, wuu luminayaa xilkaas. Tusaale ahaan, aniga oo Xoghayaha guud ah markaan Wasiir noqdo, waan luminayaa xilkii hore ee Xoghayenimo ee aan hayay. Mid walbana waa sidaa, maahana wax laga murmayo. Hase yeeshee, waxa meesha ku jira qodobka ah, waar sidee baynu u badbaadinayaa Xisbigii iyo Dawladdiiba, wax khasab la yidhaahdaa ma jiro. Anigu maanta waan ka tegi karaa xubinimada Xisbiga oo Dastuurkaa ii ogolaanaya, waanan joogi karaa oo waan ilaalin karaa Xisbiga. Laakiin, waxa weeye sidee ayaynu xisbiga u badbaadin karnaa, ileen labadii dhinacba waa laynooga baahan yahaye.”
Xoghayaha guud waxaanu waydiinay shakhsiyan maadaama uu ka mid yahay hoggaanka arrintani saamaynayso midka uu door-bidayo in uu xil ka qabto Xukuumadda cusub iyo in uu sii ahaado Xoghayaha guud ee Xisbigaas. “Qof waliba horta isaga ayay gaar u tahay oo waa u shaqsi, hase yeeshee, waxay ku xidhan tahay hadba qofku meesha uu ku waxtar badan yahay iyo kaalinta ugu wayn halka uu ka qaadanayo, ma dhinaca Xisbiga, mise dhinaca Xukuumadda. Taasina, waxay ku xidhan tahay dawladda imanaysa Xilka ka bannaanaanayaa ma yahay mid aad ka soo bixi karto oo iyana qodob kale ah, ileen xil walba kama bixi kartide. Adigoo Suxufi ah, haddii lagu yidhaahdo Hawlaha guud baa bannaan, maxay qiimo kuu leedahay? Markaa waa inaad joogtaa ka aad wax ka tarayso. Sidaa darteed, anigu ilaa iyo hadda waxaan ku jiraa uun dooddaas oo talo-wadaaggaas ayaan ka mid ahay oo wali go’aan maan gaadhin.”
Mr. Keyse waxyaabaha kale ee aanu waydiinay halka ay ku dambaysay soo-jeedintii Guddida ka talo-bixinta qaab-dhismeedka Dawladda ee tirada iyo habka Xukuumadda cusub iyo in Madaxweynaha la doortay aqbalay soo-jeedintaas, mar uu arrintaa ka jawaabayayna wuxuu yidhi, “…imika tiradii Wasiirada waa la yareeyay, tallaabada labaad waxay noqonaysaa in tiradaa yari ay noqoto kuwo tayo leh oo iyana u baahan in loo hawl-galo, markaa Xisbigii sidii uu u ballan-qaaday siyaasaddiisa wuu ku socdaa. Midda kale, waxa jira duruufo badan oo markaad wax go’aamiso way jirayaan duruufo badan oo kaa hor imanaya. Somaliland waad ogtahay oo Beelo faro-badan ayay leedahay, mararka qaarkood waxa jira duruufo aanad ogolaateen oo mararka qaarkood kugu khasbaya in aad yeesho adigoo meelo badan wax ka eegaya, adigoo eegaya rabitaankii Beesha iyo tii dadweynaha. Markaa awoodda waxa leh Madaxweynaha oo sharcigaa siinaya, laakiin, soo-jeedintii ay guddidu soo jeediyeen waa la fuliyay. Balse, wixii intaa ka baxsan ee uu ka gudbayo ama tirade haddii uu kordhinayo waxay ku xidhan tahay Madaxweynaha oo inta uu doono ayuu ka dhigan karaa oo wuu kordhin karaa, awoodna wuu u leeyahay, isaga oo eegaya duruufaha ku gedaaman.”
Su’aal nuxurkeedu ahaa in uu Xoghaye guud ahaan qabo in tirada loo jeediyay Madaxweynaha ee Wasaaradaha iyo saami-qaybsiga Beelaha dalku is-iman karaan, ayaa wuxuu kaga jawaabay oo uu yidhi, “Markaad dhinac ka eegto haa, waayo qasab maaha in Beeli wada qaadato saddex ama afar, haddii la yidhaahdo Beel walibay labadaada ama xabbaddaada qaado, way ku filan tahay oo waa la farsamayn karaa. Ileen mar wax la eegayaa qodobkii, marna waxa la eegayaa Beeshii ee waa in lays waafajiyaa. Haddii aan idhaahdo Beel waliba afar (Wasiir) ayay doonaysaa, ma suurtoobayso, ma qaadayso. Laakiin, haddii aan idhaahdo Beel walayba mid qaado oo ay ku qanacdo, way le’egaanaysaa. Waxaanay ku xidhan tahay hadba ogolaanshaha iyo rabitaanka. Markaa waxyaabaha badan ee aad tixgelinayso ee meesha ku jira weeye.”
Gebogebadii, waxaanu waydiinaya Xoghayaha guud in ay jiraan kulamo dambe oo ay u ballan-san yihiin hoggaanka KULMIYE, waxaanu kaga jawaabay oo uu yidhi, “Ilaa hadda umaanu ballamin wakhti kale, laakiin wuu socdaa dee ileen xilligii xilka lala kala wareegayay waa 27-ka Bisha, balse, waa la wada hadlayaa oo wada-hadalku waa furan yahay.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, July 11, 2010

Madaxweynaha la doortay oo hawl kale u xilsaaray guddiga talo-bixinta dhismaha Xukuumadda cusub

Hargeysa,(Nnn)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hawl kale u xilsaaray guddi uu dhowaan u saaray talo-bixinta dhismaha Xukuumadda cusub.
Axmed-Siilaanyo oo qoraal ku socodsiiyay guddigaas, waxa uu uga mahadceliyay hawsha ay qabteen ee la xidhiidha talo-bixintooda qaab-dhismeedka Xukuumadda cusub ee Somaliland.
Qoraalkaas oo uu shalay gaadhsiiyay guddiga, waxa uu u dhignaa sidan;
“Marka hore waxaan Mudaneyaal iyo Marwooyin si xushmad iyo qadarin leh idiinka mahad celinayaa sidaad uga soo dhalaasheen hawshii aan idiin xil saaray.
Sidaad la socotaan Mudaneyaal iyo Marwooyin, xukuumadda cusub waxa laga sugayaa waxqabad badan.
Sidaasi darteed, waxaan idiin xil saaray sida waxqabadka dawlada mudnaanta loo kala siinaayo boqolka maalmood iyo lixda bilood ee ugu horreeya haddii Alle yidhaahdo.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, July 10, 2010

Muwaadin Shan Sano Ka Hor Shaqadiisa Ku Waayay; “Soo Dhawow Madaxweynaha Mustaqbalka Somaliland-naw Mudane Axmed Maxamed Maxamuud [Silaanyo]”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, July 6, 2010

Qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Waxgaradka Awdal oo Hambalyo u diray hoggaanka cusub ee dalka loo doortay+SAWIRO

Borama, (Nnn)- Qayb kamida Waxgaradka iyo Uqaasha gobolka Awdal oo shir-jaraa’id ku qabtay Hotelka Rays ee Boorama, waxa ay hambalyo ugu direen labada xubnood ee ugu sareeya hoggaanka dalka ee Mudane Axmad Maxamad Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ku-xigeenkiisa Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) kadib markii ay ku guulaysteen doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 kii June.
Waxgaradkaan ayaa kaga hadlay shirkooda Jaraa’id guusha uu xisbiga Kulmiye gaadhay isaga oo ahaa xisbi Mucaarada ahna loo soo wada dadaalay si dalka Isbeddel hoggaameed uga dhaco, waxaanay Waxgaradkaan ku tilmaameen in ay tahay dawladda maantu tii kaliya ee keeni laheyd Aqoonsi Caalami ah.
Waxaa kale oo ay Waxgaradkaan ugu duceeyeen in Ilaahey ku asturo xilka ay maanta qabteen oo ah mansabkii ugu sareeyay ee dalkeena.
Xubnahani waxa ay madaxda cusub ku tilmaameen inay noqon doonaan hogaankii ugu Wanaagsanaa ee dalka soo mara abid.

xubnaha shirkaan jaraa’id kasoo qeyb galay ee hambalyada diray waxay kala ahaayeen:
1. Suldaan Cisamaan Cilmi
2. Cabdii Cawaale Geele
3. Idiris Axmad Buux
4. X/Tukaale Riiraash Shirdoon
5. Nuur Cali Caateeye
6. Mahdi X/Ibraahin Khayre
7. Cadaawe Cilmi Ciise
8. Sh. Siciid Maydhane Isaaq
9. Muuse Aadan IbraahiM
10. C/Rashiid Axmad Faarax
11. Cawl Cabdi Aare Muxumad
12. Cabdi Xirsi Muuse Shiine
13. Sh. Axmad Faarax Cigaal
14. Sicidd Xuseen Caydiid
15. Cabdi Muuse Dixood
16. Maxamad Cabdi Mumin
17. Cumar Siyaad Muuse
18. maxamud rooble buraale
19. Faarax Axmad Cigaal
20. Cilmi Dhinbiil Warfaa
21. C/Laahi Aadan Maxamad
22. C/Raxmaan Muuse Tukaale

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, July 5, 2010

“Maaha inuu Qof waliba u fekero sidii uu Boos (Xil) ku heli lahaa, balse waa in..”

Madaxweyne-xigeenka la doortay
Hargeysa, 05 July, 2010 (Ogaal)- Madaxweynaha cusub ee la doortay ayaa xalay munaasibad ku qaabilay qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbiga uu Murashaxa u ahaa ee KULMIYE ee qurba-joogga iyo masuuliyiin kale, waxaanu shahaado sharafyo ku maamuusay qurbo-jooga taageera xisbiga KULMIYE qaarkood oo muddadii ololaha doorashadu socday isaga kala yimi dibedaha.
Munaasibad xalay lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaaalada Hargaysa, ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo mahad-naq u jeediyay qurba-joogga. “Waxaan halkan mahadnaq balaadhan uga soo jeedinayaa qurba-jooga reer Somaliland oo dhan taageerayaasha KULMIYE. Qurba-jooga reer Somaliland waa dadka dalka dhisay hadday tacliin tahay ilaa tuulooyinka ugu hooseeya, cusbitaalada ugu waawayn, jaamacadaha, wadooyinka waa dad hawlo fara badan qabtay, dhiiri galin fara badan sameeyey, dadkaasi waa dadka dalku ku dhisan yahay, illaahay waxaanu ka rajaynaynaa hawlahaa culus ee aad qabateen in aad sidii hore aad ugu wadeen inaad u sii wadi doontaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Maanta waliba waxaanu idinka doonaynaa inaad dardar cusub ku sii dartaan inaad ictiraaf raadintii dalka oo maanta aynu isleenahay talaabada dalka ka dhacday ee doorashada ku dhacday nabadgelyada, wadajirka ee ummada iyo dunidu inooga markhaati kacday, waxaan isleeyahay wax wayn bay halkaa sumcadii iyo magacii Somaliland u soo kordhinaysaa, sidaynu caalamkoo dhan ka aragnay goob-joogeyaashii ka markhaati ee cidkasta oo saaxiibkeen iyo cadawgeena ahayd ay maanta qirayaan, markaa waxaanu illaahay ka baryeynaa inaad hawshaa halkaa ka sii wadi doontaan oo aad dadka iyo dalkaba sidaa ugu shaqayn doontaan hawsha iyo xilka lana saaray waxaan illaahay ka rajaynayaa inuu noo fududeeyo, maanta aniga iyo madaxweyne ku-xigeenka hawl cusub oo nooc kale ah ayaa noo bilaabantay anaga maanta raaxo noomay bilaabmin, anagu maanta odhan mayno waad guulaysateene dhabar u jiifsada, waxaanu ognahay hawsha iyo xilka lana saaray waxa ummadu naga sugayso baaxada iyo balaadhka uu leeeyahay.”
Madaxweynaha la doortay wuxuu ka hadlay talooyinka dadku u jeediyeen, waxaanu sheegay in loo baahan yahay dawlad kooban oo tayo leh. “Marka dawlad cusubi dhalanayso orod fara badan ayaa yimaada talooyinka lana siiyaa way fara badan yihiin waa iska dabiici in dadku uu damac yeesho oo ay cid waliba jeceshahay inay dawlada ka qayb gasho. Laakiin aynu ogaano inaynaan dhamaanteen dawlada ka wada qayb gali karayn, waxaynu u baahanahay dawlad kooban oo tayo leh oo shaqaysa, waad aragteen guddiyo ayaanu saarnay talooyin baanu ku jirnaa qaabka ugu wanaagsan ee munaasib ku ah dalkeena dhismihiisa anagoo xataa xisbiga ku koobin, maadaama waxa aanu samaynaynaa uu yahay wax dalka iyo dadka oo dhan aanu u samaynayno waa inaanu dadka wax ka waydiino, illaahay waxaanu ka baryeynaa inay talooyin wax ka ool ahi nooga soo bixi doonaan, waxaanu illaahay ka baryeynaa dawlada aanu dhisnaa inay noqoto tii dalku ku guulaysto, anagana sharaf iyo magac noo soo jiida.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweyne-xigeenka la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ku baaqay in aan dadku ku fikirin sidii qof qof waliba xil uga heli lahaa Xukuumadda cusub, hase ahaatee, lagu fikiro sidii meel looga soo wada jeesan lahaa danaha dalka iyo dadka. “Walaalayaal maanta waxaynu galnay waa cusub, waxaynu u baahanahay maaha inuu qof waliba u fikiro sidii uu Boos ku heli lahaa ee waa inaynu dhexda u xidhano ummada Somaliland halka ay maanta joogto waad ogtihiin ummad baaba’san oo aan dhaqaale haysan oo dhamaantood aanay waxbarasho gaadhin, Caafimaad gaadhin, Biyihii ka ooman. Waxaanu idinka codsanaynaa inaad dhexda noola xidhataan oo aynu u wada u diyaar garawno, anagu waxaanu u diyaargaroobaynaa ballantii aanu qaadnay ee ahayd isbadel dhab ah inaanu ka samayno dalkan oo ah caddaalad, midnimo iyo horumar.” Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenka la doortay ee Somaliland.
Masuuliyiintii kale ee halkaa ka hadlay waxa isna ka mid ahaa Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen, “Horta wax cusub maaha inay qurba-joogu door wanaagsan ka ciyaaraan Somaliland oo haddaad xusuusan tihiin halgankii la soo galay ee Somaliland lagu abuuray qurba-joogu meel ay joogaanba lafdhabar bay ka ahaayeen. KULMIYE dhaqaale ahaan xisbi baaxadaa lihi muu shaqayn kareen haddaanu taageerada qurba-jooga haysanin aad baanay ugu mahadsan yihiin qurba-joogu.”
Cabdiraxmaan wuxuu baaq u jeediyay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka la doortay. “Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaan odhanayaa oo aan ka codsanayaa qaynuunkan odhanaya qof qurba-joog ah oo Baasboor sitaa isma sharixi karo, kaasi waa xaq darree halanaga joojiyo, haddii kale anigu isma soo sharixi karo ileen waxaan doonayaa inaan shanta sano ee dambe isa soo sharaxee.”
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah Masuuliyiinta KULMIYE oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaa ka hadlay, ayaa la dardaarmay Qurba-joogga ka qayb-galay Munaasibadda. “Waxaan maray Buuraha, waxa marayey qurba-joogga. Waxaan maray Bacadka, waxa marayey shacabka kale oo rag iyo haweenba leh. Markaa ku dheeraan maayo guusha iyo sidii ay ku timi, dalkan waxa horyaala faraxa ka dib, mashaakil fara badan. Dalkani wuxuu sugayaa ictiraaf, caalamka inuu ka helo dhaqaale oo ay u furanto qaddiyadiisu. Dalkan waxa horyaala dhaqaale xumo, waxa horyaala shaqo la’aan, waxa horyaala maamul xumo, dalkani wuxuu u baahan yahay in xooggiinii marayey buuraha iyo bacadka aanu u qaadan in dagaalkii dhamaaday goob dagaal bay ahayde dagaalkii waynaa wuu hadhsan yahay, dal dhis baa loo baahan yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Barigii jabhada aanu ahayn kacdoon shacbi baa jiray oo albaab kasta garaacayey, markaa waxa loo baahan yahay oo albaab walba aad garaacdaan, ictiraafkii raadisaan oo aad ummada u dagaashaan, waxa la idiinka baahan yahay boqol doolar ee aad reerka u soo u diraysaan 2% inaad dalkii kaga tala gashaan oo aad ku caawisaan madaxweynihiina aad maanta doorateen.”
Xidhiidhiyaha Qurba-joogga ee Xisbiga KULMIYE Cismaan Saxardiid oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Sharaf ayey caawa noo tahay haddii madaxweynaha cusub ee la doortay xafladii ugu horeysay ee uu Somaliland ku qabto ee marti sharaf ah uu u soo gudbiyey qurba-jooga reer S omaliland aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa. Dad badan baa waxay nagu yidhaahdaan qurba-joogaw miyeydaan noqonayn ololihii wuu dhamaadaye, markaa waxaanu leeyahay haddaanu qurba-jooga nahay waanu noqonaynaa. Laakiin anagu qurba-joog ahaan kursi doon ma nihin, waxaana daafaha dunida uga kala nimi waxa weeye danta dadka reer Somaliland si ay cisi iyo sharaf ugu noolaadaan.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, July 2, 2010

Natiijada Codadka ay xisbiyadu ka kala heleen degmooyinka iyo Gobollada Dalka

Hargeysa, (Nnn)- Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa natiijadii codadka ee ay xisbiyadu ka kala heleen gobollada iyo degmooyinka Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, July 1, 2010

War Saxaafedeed: Khudbadii Ugu Horaysay Ee Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland

Hargeysa (Nnn)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland ee goorta dhawayd lagu dhawaaqay Md. Axmed Maxamed Maxamed [Siilaanyo], ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey umadda reer Somaliland meel ay joogaanba, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xisbiyada Qaranka iyo dawlada Ethiopia.
Sidan-na waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed uu ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo uu ku bilaabay sidan, "Walaalayaal :As salaamu calykum wa raxmatu laahi wa barakaatu.
Walaalayaalwaxaan maanta halkan uga soo tebinayaa umadda reer Somaliland meel ay joogaanba hambalyo iyo bogaadin, sida fiican ee ay inoogu dhamaatay doorashadii madaxtooyada ee aynu galnay 26, June, 2010.
Waxaan kale oo aan hambalyeenayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidii hufnayd ee hawlkarnimadu ku dheehnayd, ee ay u hirgeliyeen hawlaha doorashada. Waxa sidoo kale xusid mudan doorka laxaadka leh ee bulshada caalamku inooga taageertay qabsoomidda doorashada, oo ay u horreeyaan Wadamada midawga Europe iyo dawladda Maraykanka.
Hambalyo gaar ah, oo aan cidna la wadaagin ayaan u dirayaa dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, oo aan mar qudha ka nasan taageerada ay inooga fidinayeen qabsoomidda doorashada iyo dhamaynta khilaafyadii siyaasadeed ee ina soo dhexgalay sanadkii 2009. Ma aha markii u horraysay, ee inagoo taageero u baahan Ethiopia ina gacan qabatay. Waxaan leeyahay idiin ogin haddana, annagu dad abaal guda ayaanu nahay. Sidoo kale ayaa waxaan salaam iyo mahadnaq u diraynaa dadka iyo dawladda reer Djibouti, oo niyad wanaag inoo muujiyay kuna farxay horumarkeena iyo dimuquraadiyadeena.
Dhinaca kale, waxa aan si gaaraa ugu mahadnaqayaa musharixiinta labada xisbi ee UDUB, UCID, iyo taageerayaashooda. Waxaanan cadaynayaa in aan marin doono maamuuska iyo qadarinta ay qarankan ku leeyihiin, aniga oo ugu horayn u fidin doona martiqaad wadatashi.
Ugu dambayntii, waxaan hambalyo u soo gudbinayaa taageerayaasha Kulmiye ee maanta guushan soo hooyay. Waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin waxaanan idin xusuusinayaa in ay maanta inoo bilaabantay hawshii aynu ku ballan qaadnay inaynu dadkeena iyo dalkeena u qabano, sidaa darteed ogaada ineynaan kabaha bixin ilaa aynu balan qaadkeenii fulinayno.
Waxa kale oo aan leeyahay maanta keligeen maynu guulaysan,haddaynu nahay reer Kulmiye ee Somaliland oo dhan baa guulaysatay, dacal ilaa dacal. Haddaan qaar kooban wax ka tilmaamo anigoo kuwa aanan magacaabinna raalli gelin siinaya:
• Waxa guulaysatay taariikhdii halgankii dheeraa ee SNM iyo kuwii naftooda u huray xoraynta dalka.
• Waxaa guulaystay Balli Gubadle, Xaruntii Halganka.
• Waxa guulaystay baaqii u horreeyay ee nabadaynta beelaha Somaliland. Berbera ,albaabkeena addunka u furay, oo heshiiskii isa saamaxa beelaha lagaga dhawaaqay.
• Waxa guulaystay go’aankii dib-ula-soo-noqoshada madaxbanaanida Somaliland ee Burco.
• Waxa guulaystay shirkii nabadda dhidibada u aasay ee Axdi Qarameedkii dhalay, Distoorka iyo dimuquraadiyadda aynu ku caano maalnay ee aynu doorashooyinkii hore iyo tanba ku galnay. Boorame ayaa guulaysatay.
• Waxa guulaystay hoyga tusaalaha wada noolaanshaha iyo is kaashiga bulsho kala beelo ah, hoygii axdi goboleedka. Ceerigaabo ayaa guulaysatay.
• Waxa guulaysatay hoyga gadhwadeenimada iyo gaashaanka birta ah. Oodweyne ayaa guulaysatay.
• Waxa guulstay hoyga garaadka iyo geesinimada. Gabiley baa guulaysatay.

• Waxa guulaystay hoyga gobanimada Somaliland ee Laascaanood.
• Waxa guulaysatay xarunta ilbaxnimada iyo degenaanshaha. Saylac baa guulaysatay.
• Waxa guulaysatay xundhurta iyo xarunta Dalka Somaliland. Waa habboon. Waa Hargeysa mugweyn. Magaalo madaxda dalka ee umaddeena oo dhan marti gelisay ayaa guulaysatay.
• Waxa guulaysatay dimuquraadiyadda oo ah dariiqa keliya ee ummad xor ihi himiladeeda ku gaadhi karto.
• Waxa guulaysaty nabaddii .
• Waxa guulaysay ciidamada qaranka oo aan dib u derejo la’aan doonin.
• Waxa guulaystay dhallinyarada mustaqbalkeena ah, oo aan tahriib iyo shaqo la aan dib bada isugu guri doonin.
• Waxa guulaysatay culmadeenii oo aan dib damabysa afmiishaar iyo beenaale looga door bidi doonin bulshadana kaalinta ka geli doona karaamada ay ku leeyihiina ka heli doona.
• Waxa guulastay shaqaalaha dawladda oo aan dib ugu jri doonin cagajuglayn iyo tahdiid la xidhiidha fikirkooda siyaasadeed.
• Waxa guulaystay hooyooyinka suuqa cadceediisa ganacsiga yar la fadhiya oo cashuurtooda wax loogu qaban doono.

Waxa guulaystay golayaasha qaranka oo hab maamuuska ay leeyahiin ka heli doona xukuumadda Kulmiye.

• Waxa guulaysatay caddaaladda oo la sugi doono.

• Waxa guulaystay bulshada rayidka ah oo kaalinta ay horumarka kaga jirto taageero ku heli doonta.

• Waxa guulaystay ganacsatada dalka rag iyo haween leh, oo si caddaalad iyo sinaan ah, oo sharciga waafqsan u guddan doona hawlahooda ganacsi, xisbigay doonaan ha ahaadeene.

• Waxa guulaystay dadweynaha guud ahaan oo u harraadanaa adeeg hufan oo habsami loogu qabto.

• Waxa guulaystay reer guuraageena oo aad moodaysay inaan xukuumadahii ina soo a maray kuba xisaabtamin wax u qabad kooda.

Walaalayaal, intiinii iga codaysay iyo intiinii ii codaysayba, waxa aan maanta idiin sheegayaa in aan madaxweyne u wada ahay, isla markaana aan si cadaalad ah idiinku hogaamin doono mudadda aan xilkaa hayo, Insha Allahu tacaala.
Gabagabadii, waxaan dhamaantiin idiin balan qaadayaa in aan taladiina dhug iyo dhaymo u yeelan doono, aniga oo ku soo dhaweenaya qalbi furan iyo niyad san. Walaalayaal, Somalidu waxay ku maahmaahdaa far kaliyi fool ma dhaqdo, sidaa darteed waxaan idinka codsanayaa inaad xilka aad ii doorateen igu garab gashaan, isla markaana in aad Ilaahay ii baridaan in uu ii fududeeyo.

Allaahu akbar.
Somaliland ha Midowdo. Somaliland Hawada jirto.
Aamiin eebow.
Salaamu calaykum wa raxmatu laahi."

OODWEYNENES

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Xisbiga KULMIYE OO KU GUULAYSTAY DOORASHADII SOMALILAND iyo Codadka ay xisbiyadu kala heleen

Hargeysa, (Nnn)- Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa muddo yar horteed ku dhawaaqay natiijada Doorashada Madaxtooyada Somaliland.
Waxaana Hogaaminta dalka ku guulaysatay xisbiga Kulmiye, natiijada dadka codeeyey ee ay kala heleen xisbiyaduna waxay u dhagnayd sidan hoose:

Xisbiga Kulmiye 266,906 Cod oo u dhigma 49.59%.

Xisbiga Udub 178,081 Cod oo u dhigma 33.23%.

Xisbiga Ucid 92,459 Cod oo u dhigma 17.18%.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, June 23, 2010

Shalay: Sagootintii Ololaha ee Shimbiraha, Sacabkii dadweynaha & badheedhihii Suugaanyahanka

Hargeysa,(Nnn)- “Walaalayaal waxaanu maanta haddaan xisbiga KULMIYE murashax u ahay aan la tartamayaa Daahir Rayaale Kaahin iyo Faysal Cali Waraabe. Daahir Rayaale Kaahin wuxuu dalka haystay siddeed sanadood, wax alla wax dalka laga qabtayna waad ogtihiin oo maanta ma jirto, wax alla wax lagu faanaa ma jirto.” Sidaa waxa yidhi Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed oo ka hadlay xaaladda dalka iyo siyaasadda Madaxweyne Rayaale.
Dadweyne aad u tiro badan, ayaa magaalooyinka dalka isugu soo baxay maalinta u dambaysa ee Ololaha Doorashada Xisbiga KULMIYE oo shalay ahayd. Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa ayaa ka mid ahayd meelaha sida aadka ah shalay isugu soo baxeen dadku, waxaana halkaa lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumaysa xaaladda dalka, taas oo ay metelayeen, isla markaana sameeyeen Abwaano ay ka mid yihiin, Maxamed Aadan (Dacar), Xasan X. Cabdilaahi (Ganey) Ismaaciil Cabdi (Basbaas), taas oo ay nuxurkeedu ahayd in Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu ku tagri-faleen taladii dalka, isla markaana ay ku jireen Heeso ka dhan ah.
Ka hor intii aanu halkaa khudbadda ka bilaabin Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa dhalinyaro ku labbisan Calanka KULMIYE, waxay hawada u sii daayeen Shimbiro cad-cad, hase ahaatee, loo mariyay Rinji ka kooban labada midab ee Calanka KULMIYE ee huruudda iyo Cagaarka, taas oo aan hore loogu arag fagaarayaasha Ololaha Doorashada.
Axmed-Siilaanyo, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Waad ogtihiin Daahir Rayaale wuxuu si cad u yidhi oo uu sheegay inuu dhiisha buuxsaday, inuu isagu baahidii ka baxay, inaanu u baahanayn Xisbi kale oo dardar qaba in loo keeno, dadka sidiisii moodayaa..Abaal gudkii dalka iyo dadkana wuxuu ka dhigay inuu yidhaahdo weelkiibaa ii buuxsamay.” Waxaanu Axmed-Siilaanyo intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal, waa ayaan darro reer Somaliland waxaanu u cadaynaynaa inaan weelka anagu aanaan ka buuxsanayn ee insha alla shacbiga aanu weelkooda u buuxino.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in markii Qaraxyadu ka dhaceen Madaxtooyada 29 October 2008 ciddii u horraysay ee tagta Aqalka Madaxtooyadu ay ahaayeen hoggaanka Mucaaradka. “Walaalayaal wuxuu nagu tilmaamay oo masuuliyiinta waaweyn ee caanka ah ee aan magacooda iyo sharaftooda la taaban karin ee ummadan u soo halgantay ee dhaqanka wanaagsan ee aad wada taqaanaan, wuxuu ku tilmaamay xag jir, muxuu ugala jeedaa yuu qaldayaa. Ummadda ayuu galinayaa niyad-xumo, shacbigii la ogaa ee argagixisada la dagaalamay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “CCiddii ugu horeysay ee aqalkiisa tagtay maalintii la ina soo weeraray waxaanu ahayn aniga iyo guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe. Walaalayaal shacbigani waa kii nabadgelyada u daglaamay waa ka nabadgelyada ilaalinaya illaahay ka sakaw, waa ka argagixisada qabta, waa ka budhcada qabta.”
Gebo-gebadii, waxa uu Guddoomiyaha KULMIYE sheegay in Xisbigoodu wax badan qaban doono haddii ay talada ku guulaystaan.
Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay Xoghayaha arrimaha dibedda ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar. “Walaalayaal waynu ka wada war haynaa in dalku u dareeri doono doorasho madaxtooyo 26-ka bishan, walaalayaal maalintaasi waa maalin taariikhi ah, waxaana saaxiibo badan oo ay shacabka reer Somaliland ku leeyihiin dibadaha ay rajaynayaan inay doorashooyinku u dhacaan si nabadgelyo ah, oo salmi ah, oo xor ah, oo xalaal ah, waxaanay ummada reer Somaliland rajaynaysaa isabdelkii ugu horeeyey ee dalka ka dhaca ilaa 1993-kii markii aynu shir beeleedka ku galnay magaalada Boorama.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal himilooyinka qaranka Somaliland leeyahay waxa ugu wayn inuu noqdo dal aqoonsi hela, bulshada caalamkana xubin ka noqda.
Waxa muuqata in maamulka imika jira ee siddeeda sano dalka xukumayey inuu si aad iyo aad ugu fashilmay oo uu ku guul-darraystay inuu riixo oo uu dhaqaajiyo oo uu horumariyo, ictiraaf uu keeno iska daaye Daahir Rayaale waxa uu xumeeyey oo muuqata saaxiibadii qaranakani lahaa ee aynu 19-ka sanadood dhisaynay. Haddaan soo qaado xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka dawlada ugu wayn dunida ee ugu awooda badan ee xidhiidhkeeda, taageeradeeda iyo saaxiibtinimadeeda aynaan qaran ahaan ka maarmi karayn, Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu way burburisay, waanay baabiisay, arrintaasio anagoo ka duulayna xisbi ahaan, anagoo ka diuulayna himilada shacabka reer Somaliland, xisbiga KULMIYE wuxuu ka galay hawl gal aad u badan, waxaanu dib u soo noolaynay oo aanu dib u soo celinay xidhiidhkii wada shaqaynayneed ee ka dhexeeyey Maraykan iyo Somaliland, waana guul wayn oo shacabka reer Somaliland u soo hoyatay oo xisbiga KULMIYE-na hormood ka ahaa, Kongreeska Maraykanka oo ah meesha awooda ugu way nee maraykanku ku dhisan tahay aynu ognahay in xidhiidhka ka dhexeeya xukuumadda Rayaale uu gaadhay meeshii ugu hoosaysay oo xataa cilaaqaad caadi ahi aanu ka dhaxaynin.”
Dr. Maxamed waxa uu sheegay inay dalka imanayaan Goob-joogayaal Caalami ah, waxaanu Xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay doorkii ay ku lahayd marti-qaadka goob-joogayaasha.
Waxa kale oo uu Xoghayuhu ka hadlay kooxaha xag-jirka ah ee Soomaaliya iyo aragtidooda la xidhiidha. “Walaalayaal, waxaynu ognahay inay jiraan kooxo xag jir ah oo arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika khatar ku haya, xisbiga KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa kooxahaa inay joojiyaan rabshadaha iyo nabadgelyo xumada. Waxaananu cambaaraynaynaa falalka argagixisonimada ah ee ay kooxaasi ka wadaan Geeska Afrika, dalkeena 2005-tii iyo 2008-dii waxa ku soo duulay cadaw shisheeye ah xisbiga KULMIYE wuu cambaaraynayaa waanuy ka soo horjeedaa waxaanu xoojinyaa nabadgelyada, difaaca dalka iyo ka hortaga aragagixisada iyo wixii rabshada ku keenaya mandaqada iyo dalka Somaliland-ba.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE rabshadaha iyo khilaafaadka ka Geeska Afrika wuxuu ugu baaqayaa kooxaha isku siyaasadu inay si nabadgelyo ah oo wada hadal ah ay ku dhamaystaan cid uu gacan saar iyo taageero la leeyahayna ma jirto.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, June 18, 2010

Ciidanka Booliska Hargeysa oo Xalay saqdii Dhexe Calanka xisbiga Kulmiye ka ururiyay Badhtamaha Magaalada

Hargeysa, (Nnn)- Ciidanka Bilayska ee Magaalada Hargeysa, ayaa xalay saqdii dhexe faras Magaalaha Magaalada Hargeysa ka urursaday Dhamaan Astaanta Calanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, kuwaasoo oo sudhnaa meelo badan oo ka mid ah Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Badhtamaha Suuqa dhexe.
Ciidanka Bilayska ee Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa oo iyagu fuliyey hawl galkan lagu furfurayey Calamada Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa ay u qaateen markii ay dhulka soo dhigeen dhinaca Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo lagu ururiyey.
Ma cadda illaa hada sababta keentay in Ciidanka Bilaysku ay u beegsadeen Calamada Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye oo sudhnaa Faras Magaalaha Hargeysa, iyo cidda bixisay amarkan toona, iyadda talaabadana ay ku soo beegayso xilli lagu gudo jiro maalmihii u dambeeyey ee ololaha doorashada madaxtooyada ee dhawaan dalka ka dhici doonta, waxaanay wakhtiyadan ololaha Meelkasta oo ka mid ah Magaalooyinka dalka lagu arkayaa oo sudhan Calamaada saddexda Xisbiga Qaran ee ku loolamaya doorashada madaxtooyadda.
Talaabadan ay Ciidanka Bilaysku xalay saqdii dhexe ku ururiyeen Calamada Xisbiga Kulmiye ayaa saaka ahayd arrinta ugu hadal haynta badan Magalaada Caasimada ah ee Hargeysa, iyaddoo dadweynuhu iswaydiinayeen sababta keentay arrintan.
Dhinaca kalena, War goordhaweyd naga soo gaadhay magaalada lughaya ee Gobolka Salal, ayaa sheegay in Ciidanka Bilayska ee Magaaladaasi ay xabsiga dhigeen afar nin oo xidhnaa Garamo ay ku qoran yihiin Astaanta Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo sida Wararku nagu soo gaadhay ay ciidanku jidh-dil u geysteen, isla markaana xabsiga u taxaabeen.
Courtesy: Ramaas

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, June 17, 2010

Reer Oodweyne oo Roog Cas ku qaabilay Murashaxa Madaxweynaha KULMIYE

Oodweyne(Nnn)- Dadweynaha Oodweyne, ayaa soo dhawayn diiran u sameeyay Murashaxa xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Axmed-Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayay oo shalay ololaha doorashada u tegay degaankaas, waxay reer Oodweyne ku qaabileen oo ay u dhigeen Rooga cas iyo Miyuusikada Baamboyda ee astaanta u ah qaabilaada Madaxweyneyaasha.
Weftiga KULMIYE oo hadal u jeediyay taageerayaashooda KULMIYE, waxay dadkaa reer Oodweyne uga mahadceliyeen siday ugu qaabileen degaankaas.
“Waxaanu kuu xaqiijinaynaa in beelahaa Oodweyne ay ku bahoobeen in maanta magacaa KULMIYE ay dhisaan,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha ololaha doorashada Madaxtooyada xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobollada Bariga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.
Waxa uu sheegay in Rooga cas ee loo dhigay Axmed-Siilaanyo ay ka tarjumayso taageerada reer Oodweyne u hayaan xisbiga KULMIYE, isla markaana fikirka qaabilaada Roogaa cas uu ka dambeeyay Xildhibaan ka mid ah xubnaha golaha Wakiillada ugu jira xisbigaas. “Aad baanu idiinka mahadnaqaynaa sida laxaadka leh ee qiimaha leh ee aad magaalada noogu soo dhawayseen,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo isna hadal u jeediyay taageerayashooda Oodweyne.
Murashaxa KULMIYE waxa uu sheegay in dalku isbedel u baahan yahay, isla markaana ay ka dhabayn doonaan haddii ay talada qabtaan, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay barnaamijkooda siyaasadeed.“Walaalayaal, markii uu baaba’ay xisbiga UDUB waxay Xukuumadda Rayaale miciin ka dhigatay inay tidhaahdo ‘hadii xibiga Kulmiye ku guulaysto doorashada dalka, wuxuu eryayaa wax shaqaale dawladeeda ah.’ Anagu waxaanu leenahay sharci buu ku joogaa, laakiin qofka hawshiisa ka soo bixi waaya waa sharci in la eryaa,” ayuu yidhi Murashaxa Madaxweynenimo ee xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Wakiillada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, guddoomiye kuxigeenka 1aad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaan Maxamed Yuusuf (Waabeeyo) iyo masuuliyiin kale oo iyana hadalo kooban halkaa ka jeediyay, waxay dadweynaha reer Oodweyne uga mahadceliyeen siday weftigaa u soo dhaweeyeen.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, February 17, 2010

“Wasiirka Xannaanada Xooluhu wuxuu ku gabbanayaa Madaxweynaha, waxaasina waa gardarro garab og”

 Axmed Siilaanyo
Hargeysa 17, Feb.2010 (Ogaal)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa cambaareeyay talaabo Wasiirka Caafimaadka Mr. Cabdi Haybe Muxumed shaqada kaga eryay 11 Dhakhtar oo ka mid ah kuwa ugu caansan, arrimaha Caafimaadka Somaliland iyo Shir shalay lagu soo gebgebeeyay magaalada Hargeysa oo u dhaxeeyay Xukuumadda iyo Qaadhaan-bixiyayaasha oo hore Warbaahinta looga horistaagay.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee 
xisbigaas ee magaalada Hargeysa, waxa uu shaqo ka eryida Dhakhaatiirtaa ku sababeeyay inay ku lug leedahay in aanay isku aragti ahayn Wasiirka Caafimaadka iyo madaxda kale ee xukuumadda Madaxweyne Rayaale. 

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking