COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, June 24, 2010

SHARCIGA iyo SI XUN U ADEEGSIGA LACAGAHA OLOLAHA DOORASHOOYINKA

Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-Dhige) waxaan qabaa in qof kasta oo leh aqoon Diineed ama mid Sharciyeed iyo mid fahamka Nidaamka dawladeed ahba ay waajib ku tahay in uu ka hadlo oo uu ka hortago wax kasta oo mujtamaca fasahaadin kara ama xumayn kara Nidaamka Guud, Anshaxa wanaagsan iyo wax kasta oo keeni kara musuq-maasuq iyo wax isdaba marin ah.
Sidaas darteed anigoo og duruufaha dhaqaale xumo ee bulshada ku xeeran iyo aqoon la’aanta nidaamka dawladnimo ee la xidhiidha xuquuqaha iyo waajibaadka ka dhexeeya Dadka iyo Dawladooda ee haysata, ayaa waxaan halka isku deyayaa inaan si guud uga halo arimo maalmahan dambe suuqa ku jirtay oo ah Si Xun U Adeegsiga Lacagaha Ololaha Doorashooyinka oo la xidhiidha Kaadhadh-iibsi iyo is daba marin nidaamka cod-bixineed ee doorshadan madaxtooyada, iyada oo ay haboon tahay in laga hortago in Dadku ay noqdaan bulsho-maadiyiin ah (Materialisms) oo lacagtu ay ka qaalib noqoto, qiimaha dadnimaduna ay ku yaraato ama meeshaba ay ka baxdo, waxaana hubaal ah in haddii ay dhacdo taasina ay lumayso Qiyamkeenii ummadeen (Our Social Values). Waxay kaloo sababaysaa in Qofka wanaagsan aynu ku weyno sabab lacageed.

SHARCIGU MUXUU KA QABAA?!!
Sharcigu ugu horayn, wuxuu nidaamiyaa hab-u-dhaqanka Aadamaha (Human Behaviors), Sidoo kalena wuxuu ilaaliyaa Nafta, Sharafka, Hantida, Diinta iyo Dhaqanka suuban ee ummadda, wuxuu kaloo Nidaamiyaa xidhiidhada-macaamileed ee dhexmara aadamaha dhexdiisa, wuxuuna xaddidaa xaqa isticmaalka Hantida/Maalka, Sharciguna ma ogola in qofna xoolihiisa uu u adeegsado (isticmaalo) si khaldan oo lid ku ah xuquuqda dadka kale, ama in la fasaqo Nidaamka Guud iyo Anshaxa suuban, xataa Sharcigu ma ogola in qofna uu burburiyo ama si qayrul caadi ah uu u daa-daadiyo xoolihiisa/hantidiisa gaarka ah, waxay sababtaa in Sharcigu qofkaas ka joojiyo Xaqii Tasaruf ee Isticmaalka Hantidiisa, waxaanay qofkaas Maxkamaddu qoraysaa sida safiiha oo waxay soo saaraysaa Qaraar caynkaas dhigaaya.

Haddaba, saddexdan Xisbiba Qaran ee UCUD, KULMIYE iyo UDUB-ba Lacagta ay ku Ololaynayaan ha ahaato mid Dawladdeed ama mid ay jaaliyadaha dibadda ama/iyo mid xisbiyada dhexdoodu ay iska soo ururiyeenba key doonto ha ahaatee waa hanti Ummaddeed oo dad Reer Somalilanders ahi ay leeyihiin oo ujeedada loo soo ururiyey ama loo soo qaadhaamayba aanay ahayn in lagu waxyeelo nidaamka guud.

Ma Banaantay in Dadka Kaadhadhka Cod-bixinta Laga Iibsado?!! Ama in La Dhaariyo?!!
Jawaabtu waa maya. Waana waxba kama jiraan (Null and Void) Heshiis kasta oo Dadka lagula galo wax lid ku ah Nidaamka Guud iyo anshaxa wanaagsan ee ummadda Waxaana taas u daliil ah Qodobka 133 ee Xeerka Madaniga ah oo u dhigan sidan “Haddii Mawduuca waajibku khilaafsan yahay Nidaamka Guud iyo Anshaxa wanaagsan waxba kama jiraan heshiiska, sidoo kale waxaa la mid ah haddii uusan waajibka lahayn sabab ama sababtiisa khilaafsan tahay Nidaamka Guud ama anshaxa.” Horta iib haddaad maqashidna meeshaas heshiis baa jira, Heshiisyadana Sharciga ayaa nidaamiya, Noocyada Heshiisyaduna way fara badan yihiin. Qodobkani wuxuu si fiican uu inoogu muujinayaa doorka Sharcigu uu ka ciyaaro muhiimadda ay leedahay in laga hortago wax kasta oo fasahaadinaya musjtamaca.

Sidoo kale, waxa waxba kama jiraan ah Heshiis kasta oo dadka lagu dirqiyo, ama lagu dago iyadoo lagaga faa’iideysanaayo xaaladda Qofka iyo/ama Duruufaha baahiyeed ee Dhaqaale Xumo, waxaana u daliil ah markaynu Diinta soo qaadano xadiiska Rasuulkii Illaahay (NNKH) uu yidhi ee macnihiisu yahay sidan“Ummadayda waxaa Laga Kor Qaaday (aan loo qabsanayn) saddex arimood (1) Wixii Khadda’ kaga dhaca; (2) wixihi Illowshiiyo kaga dhaca iyo (3) Wixii Lagu Dirqiyo ee lagu Khasbo” Sidaas darteed waa waxba kama jiraan (Null and Void) wixii qofka lagu dirqiyo rabbitaankiisa kasoo horjeeda.

Haddaba, waar LACAGI waxay Gashaa CALOOSHA lakiin magasho Maskaxda oo Qofna Dammiirkiisa iyo Rabitaankiisa/Caqligiisatoona laguma iibsan karo Qiime yar oo lacageed. Sidaas darteedna qofkastaaba waa inuu ogaadaa in cidda lacag lagu bardaamiyaa ay tahay cid/qof la quudhsaday. Sidaas darteed, waxaan Dhammaan Dadweynaha JSL aan u sheegayaa inay ogaadaan in cidda kuu quudha ee kaala xishoon wayda ay cid jiritaankaaga xaqirtay. Waxaa kale oo Dadweyne haboon inaad ogaataan in lacag yar oo lagu siiyaa aanay caddaabta illaahay kaaga filnayn/kaa celinayn, sidoo kale qofka aad Dulmiga ku raacdaa, isaga ayuunbaa illaahay uu dib kuugu salidaa oo ku dulmiyi doona.

Haddana, dadweyne waxaan idiin sheegayaa Nabadgelyadan la sheegaa ee dalkani uu ku faanaa waxay tahay mid ka timid xagiina, laakiin ma aha mid ka timid dhinaca Dawladda oo maamul wanaag ku timid. Tallaabada maamul ee ay Dawladdu qaadaa iyo warqadda ay qortaaba waxay abuurtaa Nabadgelyo daro, oo cid bay Dulmidaa oo xuquuqdiisa ay ku xad-gudubtaa, oo marka maamul xumadu ay ugu yar tahay waa mar Dhul-Jago ah ay Dawladdu u soo kala Sharciyeyso laba qof oo kala duwan dabadeedna halkaa madaxa ay isla galaan dadkii. Sidaas darteedna waxaan idinka codsanayaa in maantana caddaaladdu ay dhinaceena ka timaado, oo aynaan u kala eexan saddexdan musharax ee tartamaya.

Sidoo kale , arintani waxay si toos ah uga soo horjeedaa ujeedada Doorashada iyo mabaadiida dimuquraadiga ah ee inay dhacdo “Doorasho Xor iyo Xalaal ah”, markaa haddii iib uu meesha soo galo waxaa meesha ka baxaysa Xornimadii Qofka ee ahayd inuu si xor ah u codeeyo, iyo Xalaalnimadii doorashada. Qabiil iyo lacagi inaga difaaci maayaan caddaabta illaahay. Waxaan idin xasuusinayaa halku dhigii dadkeenii hore ay ka tegeen ee ah “Berberi Ka Weyn Wax Go’ Lagu Qaado” iyo murtida kale ee tidhaahda “Waad Baahan Tahay Looma Bahalo Cumo”

Dadku waxay xaq u leeyihiin in la dhawro Xorriyadda Dammiirkooda. Dalkeena ma jiro wax Qawaanuun ah oo nidaaminaya habka ay Ururada/Xisbiyada Siyaasaddu ay u ololaynayaan. Si loo helo madax iyo siyaasiyiin dhawrsan waxaa Dadweynuhu ay u baahan yihiin in dalka loo sameeyo xeerarkan;
1. Xeerka Ololaha Doorshooyinka (Electoral Campaign Act);
2. Xeerka Hab-u-Dhaqanka Madaxda iyo Siyaasiyiinta Dalka (Public Official and Politician Behavior Act);

DIGNIIN: waxaan uga digayaa Musharixiinta saddexda Xisbiba iyo cid kale toona waa in aanay ummaddan u horseedin dariiq xun oo Wax-is-daba marin, Musuq-maasuq iyo Cid u eexasho waa inay ka digtoonaataa oo ay ka dhawrsanaato caddaabta Illaahay. Sidoo kale waa in Madaxdu ay Ogaataa in Illaahay (SWT) wuxuu inaga mamnuucay/Reebay in Arlada aynu Fasahaadino.. Waxaana muhiim ah in mar walba la xusuusnaadaa in qiimo kasta oo lacageed oo lagu siiyaa aanay kaa difaacayn CADDAABTA ILLAAHAY. Illaahay ha inaga badbaadiyee Aamiin, Aamiin .Sidoo kalena

(Allaahumaa Laa Tajcal Al-Dunyaa Akbara Hamminaa Walaa Mablaqa Cilminaa) Allaahumaa Aamiin,

Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-Dhige)

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking