COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label sharciga. Show all posts
Showing posts with label sharciga. Show all posts

Wednesday, August 4, 2010

WARQAD FURAN oo Kusocota M/weynenaha JSL

M/weyne Anigoo Sharciga hortiisa Shirkadda TOTAL kaga heli kara xuquuqdaydii fulineed Ma Aha in Kolba Cid aan Ka Baryo COMPUTER iyo in Khayrkay aan Gacanta Hoos Dhigto Anigoo Ah Muwadin–Jaamici–Garyaqan(Lawyer), Horena U Ahaan Jiray Sarkaal Dawladda JSL u shaqeeya iskiina uga tegay sababo Mushahar yari awgeed (Eeg WGW/AG/14/121-12/06/04 ee 12/06/04). Attached here
(Fiiro gaara: M/weyne Saacadaydii iyo Moobilkaygii ayaan usoo rahmay Diyaarinta Qoraalkan manta aan kugula hadlayo awgeed [internet Café u dhow Macmacaanlaha Idacadda Aadan Siiro)
BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIMI
Ugu Horayn, Waxaa Mahad Leh Illaaha Ged-Gediya Quluubta Dadka Iyo Axwaashaba (Xaaladaha) Ee Maalinba Cid U Dhiiba Xilka, Waxaa Mahad Leh Illaaha Nagu Addoonsaday In Madaxdayada Ku Adeecno Wixii Macruuf Ah Iyo In Waalidiintayada Aanu U Samafalno, Illaahas Oo Ah Illaaha Rabbil Caalimiinta Ah. Mahad Illaahay Ka Dib:-

Mudane M/weyne, weli maan arag M/weyne Muwaadinimadayda JSL igu tixgeliya oo aniga idanaynaya oo kana Damqada Dhibta igaadhay, Mid dhankiisa la iiga soo dhaco mooyee, oo Danaynaya, Metelaya(Represent) una doodaya Shirkadda TOTAL/MEG mooyee!!? Waxa xaqiiq ah in Shirkadda TOTAL ay tahay mid iga jeeb weyn dhaqaal ahaan, aniguna aan ahay muwaadin danyar ah oo dhaqaale xumo ay hayso, taasina waa farqiga noo dhexeeya aniga iyo Shirkadda TOTAL ee xadidayey inta aanu u jirno M/weynaha JSL!!? Albaabka M/weynuhu wuxu u furnaa Shirkadda TOTAL taasoo ku hanatay jeebkeeda. Weli may dhicin in M/weyneyaashii adiga kaa horeyey aan u kaxaysto Odayaashayda iyo madaxda Dawladda ee kasoo jeeda Qabiilkayga, sidoo kalena M/weyne adigana kuu soo kaxaysan maayo, Muwaadinimo ayaan adeegsanayaa. Marka ay Dawladi jirto Qofka Dawladdiisa ayaa ka Masuul ah ilaalintiisa iyo u doodistiisaba, marka aanay jirina Qabiilkiisa ayaa leh gudashada Masuuliyaddaas!!? Aniga iyo Shirkadda TOTAL waxaa jira albaab naga wada dhexeeya oo cidwalba u furan (Equal Access) oo ah Maxkamadaha Sharciga ah!!? M/weyne TOTAL Jeebkeeda ayaa Kursga gaadhsiiya laakiin aniga Sharciga ayaa isiiyey dariiq aan ku cabbiro oo bulshaday aan ku gaadhsiiyo dhibta I haysata Sida ku cad Qod: 32(3) ee dastuurka JSL. Markaa Saxaafaddu waa Albaabka aan kala xidhiidho Madaxweyneyaashayda, Runtiina “Haddii Aanay Jiri Lahayn Saxaafadda(W/Bahinta) Madaxa Bannaani Waan Qarxi Lahaa!!?” Ma aha weedh si fudud loo odhan laakiin waa mid dareen dhab ah ka soo jeedda!!

M/weyne maanta waa xilligii LA IS-XAQSIIN LAHAA, ee Muwaadinku heli lahaa Madaxweyne isaga metala(Represent) oo codkiisa ku hadla(On Behalf of The Citizen). Haddaba, mudane M/weyne adigoo tixgelinaaya duruufo badan oo ad-adag oo aan soo maraywaxaan si Sharaf, iyo Qaddarinba leh aan kaaga codsanayaa daahid la’aan; 1) In Maamulka Shirkadda TOTAL aad Amartid in ay u Hogaansamaan Sharciga Dalka iyo Awaamiirta Maxkamadaha Dalkan JSL oo Sharciga hortiisa aanu ku kala xaq-qaadano; 2) In Kalsooni Madaxbanani-Gudasho-Shaqo ah aad siisid Guddoomiyaha iyo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare oo Kursigan M/weynenimo Ciddii ku fadhiday ayaa hore shaqadooda u haddiday; 3) In Taliyaha Booliska JSL aad Amar ku siisid in uu u Hogaansamo Fulinta Awaamiirta Maxkamadda Sare ee JSL iyo kuwa Maxkamadaha kale ee dalka JSL, waayo Mar kasta oo Maxkamadda Sare ay Gacanteeda ku Fuliso Xuquuqdayda lidka ku Shirkadda TOTAL ee ay sidaas Amar ku siiso Taliyaha Booliska ayaa ka dhego adaygi jiray fulinta Awaamiirtaas isagoo taliyuhu qaata Amar ka dambe (ee ah Un-Lawful Order) ee Madaxweynaha JSL uu bixiyo, markaasna halkaasbay ku hakataa helitaanka xuquuqdaydu. Sababtuna waxay tahay Garsooreyaasha Maxkamaduhu gacantooda wax kuma soo qabtaan ee waxa gacmaha Sharciga ah oo ay adeegsadaan waa Ciidanka Booliska. Markaa Ciidamadamada Booliska JSL waxay yihiin sida "HAL LABA MIDIGOODLE UU DHENGADEEYEY OO DHANNA UMA FAYOOBA!!" waana Nin -- Nin u shaqeeya!!?? waayo majiro Sharci ilaalinaya Xuquuqahooda Shaqo, Qeexaya Waajibaadkooda Shaqo iwm oo ka soo baxday Baarlamaanka JSL, markaa waa sida Nin- nin ushaqeeya oo kle, halkay ka ahaan lahaayeen dad dalkooda u shaqeeya!

Sidoo kale, Mudane M/weyne waxaan si Qaddarin iyo Xushmadi ay ku jirto aan kaaga codsanayaa in si dhakhso ah aad u soo Magacdid GARYAQAANKII GUUD EE DAWLADDA DIFAACI LAHAA, si Maxkamadda Sare ee Awoodda Sharciyeed u leh aan uga Furto Dacwad Maamul oo Lid Ku Ah Dawladda JSL oo ah in Magdhaw dhan $ 230, 000 (Laba Boqol iyo Sodon Kun oo Dollar) ay ........... si waafaqsan Qodobka 97 (1) ee Dastuurka JSL iyo Qodobka 9aad ee XHM iyo Shuruucaha kale ee laxidhiidhidoona qadiyada dacwaddaas. Magdhawyadaas oo ah Dhibaatooyinkii kala dambeeyey labadii Madaxweyne ee hore ay ii geysteen Marxuum M. I. Cigaal iyo M/weyne Daahir Rayaale Kaahin oo ay ka mid yihiin labadii goor ee Dawladdu ay sababtay Burburka dhismahayga QOYSNIMO!!??
FIIRO GAARA: DHAMMAAN Dhokumentiyadii la xidhiidhay qadiyan ka akhriso http://www.nasiibnews.co.cc Waayo Qarankani uma taagna inuu DUUDSIYO / DULMIYO XUQUUQDA MUWAADINIINTIISA IYO CID KALE TOONA, isagoo Qaranku taa xaqiijinaya, isla markaana si looga badbaado Xad-gudubyada Maamul-Xumo (Maladministration) ee Madaxda Dalku/Dawladdu u geysanayaan Xuquuqda Aadamaha ayaa wuxuu diyaarsaday Maxkamado ilaaliya Xuquuqahaas oo Garqaadis sameeya, sida ku Cad Qodobka 97aad (1) oo u dhigan sidan "Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor, oo hawsheedu tahay u Gar-naqa ka dhaxeeya Dawladda iyo Dadka; iyo Dadka dhexdooda." Mudane M/weyne, Dacwaddaas dambe dheeraanshaheeda iyo dhakhso u soo af-jarideedu waa mid ku xidhan sida uu ka yeelo kolba cidda Dawladdani ay Madaxweynaha ka Dhigato iyo sida uu wax u qiimeeyo Qiyam ahaan(Values), maadaamaa uu isagu yahay cidda ka madaxda ah (Odayga ah) siwaafaqsan Qodobka 90aad ee Dastuurka JSL oo u dhigan sidan "AWOODAHA MADAXWEYNAHA: "Madaxweynuhu waa Madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana Astaanta Midnimada Muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil¬saaran yahay Daryeelka Haybadda Dalka; ilaalinta Nabadgelyada; Horumarinta Bulshada iyo Hab-sami-u-socodsiinta Maamulka Dawadda." waayo Dadka dalkani waxay leeyihiin Gobonimo badan oo waxaa jira wax la yidhaahdo "XAAL" oo la xidhiidha la bixiyo marka dhexdooda ay timaado Xad-gudubyo Deel-qaaf ah oo Lacag iyo Xooloba aan ka Qaalisan, oo GARAWSHIIYO-BIXIN ah (Magdhaw Akhlaaqadeed, Damiireed iwm ah) (Moral Remedy). Waxaan ilaaliyey sharafta Qabiilkayga, Sharafta Deegaankayga, Sharafta M/weynahayga, Sharafta Dadkayga iyo ta Dalkaygaba. Waxaan ku sugnaaday waajibaadka ay ina farayaan Qodobadan kala ah Qodobka 312aad ee Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobka 34aad (2), iyo Qodobka 28aad (1) Xaqa Dacwadda ee Dastuurka JSL. Sidaas darteed xaq baan aniguna ugu leehay in Dadkuna ay ii hadlaan oo xuquuqahayga ay ilaaliyaan, waayo jidh qudhaataanu nahay oo haddii xubini wax noqoto jidhka intiisa kalena ay la damqanayaan.

Mudane M/weyne Adiga iyo Marwadaada Aamina Sh. Maxamuud Jirde (Aamina-Weris) oo keliya maaha Qoysaska sida gaarka ah Dawladdani ay cadaadiska u saartay uguna xadgudubtay xuquuqahooda, dhibtaas aniguba kaala mid baan ahay, oo Qoys ahaanbay Aniga oo ah Maxamed Xasan siciid iyo Eedaday SHUUN SICIID CILMI (INA SALLI-DHIGE) Eedaday aamina Weris Horteed ayey isla Booskaas Hay'adda CARE INTERNATIONAL ee ah Team-Leader-ka Xafiiska Hargeysa ay tartan imtixaan u galeen dad 250 Qof ah, eedaday baa ku guulaysatay booskii, markii ilaa xaruntooda Dalka Markaykanka ee Hay’addaasi ay ka soo hambalyeysay ayaa, isla markaana Baasaboorkeeda ay diyaarsatay si magaalada NAIROBIi ee Dalka KENYA ay ugu soo qaadato Office-Policy-Training. Waxaa intii eedo ay ku mashquulsanayd hawshaas baasaboorka ayaa Dawladdu si badheedh ah ayisaga hortaagtay shaqadii, kuna Amartay hay’addas in dalka ay ka baxdo hadii kale oo SHUUN ahayn ay u soo magacaabato, sidiina Hay’addii ay shaqadii uga joojisay eedaday cid kalena ay u soo magacaabatay!!? Arintaas Aqoon yahana JSL badankoodu way ogyihiin, eedadayna waa ruux Dumar ah oo Caan ah oo lawada yaqaano, madaxdii goob-joogeyaasha xilligaasna waxaa ka mid ah JAAMAC SWEDEN Ex-NEC Commissioner!!?? Xilgaas Eedaday sidii SIILAANYO, Dr. GABOOSE iyo MAX’ED XAASHI iyo Marwo Aamina Werisba ay uga QUUSTEEN inay helayaan Garsoor Caddaalad ah Xuquuqdooda sharciga hortiisa ku difaacaya, ayey eedadayna xilligaas uga Quusatay inay helayso Caddaalad Garsoor!!??? Aamina Weris waxay udhibaatowday oo keliya inay tahay xaaska hoggaamiye Xisbi siyaasadeed oo caan ah; Su'aashuse waxay tahay maxay u dhibaatowday eedaday!!? Jawaabtu waa “Xoriayaadda Fikirkeeda” iyo Baaxadeeda Aqooneed iyo fir-fircoonida ay u dhalatay!!??
waydo waxa hubaal ah in Sifo Sharci ah ay Xuquuqdeeda iyo Mustaqbalka Nolosheedaba ay ku heli doonto, mana ahaan taas mid cid loo daba fadhiisan doono!! Haddii Madaxda dalka ee Xilka Loo Dhiibaa ay is halaynayso Caydhimada Yurub, oo ay Aaminsan yihiin fikrado daciif ah sida weedhaha mar walba dhegeheena ku soo dhaca sida 'MEESHU WAA AFRIKA' 'MA YURUB BAY ISMOODAYAAN INAY JOOGAAN iwm'.
Waxaan Halkan ka Sheegayaa in DALKAYAGU UU YURUB NOOYAHAY, isla markaana dariiq Sharci aanu Xuquuqahayaga ku Heli doono!!??

Qiimo-Dhaca Muwaadinimada JSL
Ma aha in la i nacsiiyo Muwaadinimada aan maanta Dalkayga ku joogo oo la igu dirqiyo inaan TAHRIIBO oo Muwaadinimadayda JSL aan ka door bido LAAJINIMO DAL SHISHEEYE AH. M/weyne waxaa hubaal ah oo aad ogtahay, in haddii aniga oo LAAJI ah oo jooga Dal Shisheeye (sida Dalka FARANSIISKA) in M/weynaha Dalka Faransiisku imuu yidhaahdeen intuu warqad ii soo diro Laajiyahaw Anigaa DUUDSIYEY Xuquuqdii ay kuu Xukuntay Maxkamadda Dalkaygu (Eeg warqadda Xaaraanta ah ee uu qoray marxuum M. I. Cigaal ee Sumaddeedu tahay JSL/M/TOT-001/02004 ee ku taariikhaysan 23/02/2004) ee Lidka ku ahaa Shirkadda TOTAL, sidoo kalena muu iskortaagi kareen Fulinta Maxkamadda u saraysa Dalka Faransiiska (ee warqadda Maxkamadda Sare ee JSL ee Fulinta ah ee Summadeedu tahay MS/102/01 ee 2/2/05) isagoo weliba ka faa’iideysanaya baahidayda iyo duruufaha igu wareegsan intuu ciidan iyo saraakiil Dawladda ah igu meero muu amreen in si khasab ah la iiga saxeexo inaan ka tanaasulay dhammaan xuquuqihii la ii xukumay iyo in baadil ay ahaayeen dhammaan tallaabooyinkii Maxkamadaha Dalku ay qaadeen (Xukunadii iwm) kala duwanaa ee ay soo kala saareen qaybaha kala duwan ee Dawladdu ee khuseeyey kiiskaygu (Eed Warqadda Xaaraanta ah ee M/weyne Rayaale ee Sum/tahay JSL/MMXS/100-007/112000 ee ku taariikhaysnayd 4th November 2000), muddo 12- sanadood ahna imuu silciyeen!!?

Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, July 4, 2010

Hargeysa: Maxkamad amartay in la xaraasho Hanti laga samaystay mashruucii Fadhi-ku-macaash

Hargeysa,(Nnn)- Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa amartay in la xaraasho hanti xaddigeedu badan yahay oo shaqsiyaad gaar ahi ka samaysteen barnaamij dad badan lacago laga urursaday oo la baxay jiifoo-jaq.
Bishii February ee sannadkii 2009, waxa magaalada lagu xidhxidhay ilaa 40-tameeyo haween ah oo lala xidhiidhiyay inay ku lug lahaayeen barnaamijkaas oo qaab aan sharciyda ku dhisnayn lacago dhawr iyo toban milyan oo Doolar lagu qiyaasay lagaga urursaday dad muwaadiniin ah.
Sida ku cad go’aan uu shalay soosaaray guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Mr. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Maxkamaddu waxay ogolaatay in la xaraasho qaybo ka mid ah lacagtaas oo ay hanti gaar ah ka samaysteen shaqsiyaad ay sheegtay inay ku eedaysan yihiin barnaamijkaas.
Hantida Maxkamaddu xaraashooda amartay oo lagu qiimeeyay lacag hal milyan oo Dolarka Maraykanka ah kor u dhaafaysa, waxay shaqsiyaad eedaysanayaal ahi ka samaysteen hanti maguurto ah.
Lacagtan xaddigeedu sareeyo oo in la xaraasho loo xukumay ilaa todoba qof oo Haween ah, waxa laga samaystay guryo fara badan iyo dhul bogcado banaan ah oo meelo kala duwan ku yaala, sida magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. “Maxkamadda gobolka Hargeysa waxay xaraashaysaa dhammaan dhulkaas iyo guryahaas oo ku kala yaala degmooyinka Gacan-libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax, cidii danaynaysaana waa inay la soo xidhiidhaa Maxkamadda,” ayaa lagu yidhi go’aankaa guddoomiye Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan.
Go’aankani waxa uu ka dambeeyay dacwad arrintaa la xidhiidha oo muddo dheer ka socotay Maxkamadda, iyadoo haween badan oo markii barnaamijku fashilmay la qabqabtay, muddona ku jiray Jeelka Gabiley bilo ka hor laga sii daayay xabsigaas.
Barnaamijkaa sida xirfadaysan lacagaha loogu urursaday, waxay dadku ugu yeedhi jireen magacyo ay ka mid yihiin jiifoo-jaq iyo fadhi-ku-macaash.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, July 1, 2010

Ururka Qareenada Somaliland oo ka hadlay qaabkii sharciyan doorashadii Madaxtooyadu ku dhacday

Hargeysa, (Nnn)- Ururka Qareenada Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SOLLA, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka sharci ahaan ay ku qabsoontay doorashadii Madaxtooyada ee Sabtidii todobaadkan dalka ka qabsoontay.
Warsaxaafadeed uu soo saaray ururka SOLLA oo uu ku saxeexnaa guddoomiyahooda Jaamac Cilmi Xaashi, waxay ku sheegeen inay qayb ka ahaayeen goobjoogayaashii maxaliga ahaa ee la socday doorashada, waxayna amaan u jeediyeen Komishanka Doorashooyinka, ciidamada iyo xisbiyada siyaasadda Somaliland. Warsaxaafadeedka ururka Qareenada ee SOLLA, waxa uu u dhignaa sidan; “Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA) wuxuu si balaadhan dusha ugala socday geedi socodka doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland oo dalka ka qabsoontay 26kii June, 2010, isla markaana goob-joognimo wadani ah oo aan cidina ka caawin ay xubno qareeno ururka ka tirsan oo dhexdhexaadnimo lagu xushay kaga qayb-qaateen maalintii doorashada ee Sabtidii 26kii Jun,2010, inta badan Gobolada dalka, iyadoo laga duulayo ogolaanshaha iyo hab-raaca goob-joognimada ee GDQ.
Hadda, iyadoo Ururka Qareenadu kor-joogtayntiisa Doorashada Madaxtooyada uu diirada saarayay, sida loo ixtiraamayay, loogu dhaqmayay loona illaalinayay tilmaamaha Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha degaamada Xeer Lr.20/01 iyo labadii kaabisood/wax-ka-bedel ee lagu sameeyay iyo tilmaamaha heer-beega caalamiga ah ee Doorasho xor ah oo xalaal ah (International standard of fair and free election).
Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA), ka dib markuu uu dersay, lafa-guray oo isu-duwayay, warbixinta ay soo gudbiyeen xubnihii ururka Qareenadda ee goobjoognimada maalintii codaynta iyo bilawgii hab-raaca tirinta cododka ee Goobaha Doorashada ku haylanaa iyo xogaha Ururku ka helay xubnihii Goobjoogayaasha maxaliga ahaa ee ka socday hay’ada (SONSAF) oo Ururka Qareenadu isagoo xubin ka ah dalladaa uu u soo xulay SONSAF qaar ka mid ah Goobjoogayaasha u joogay dhammaan Gobolada dalka, iyadoo xubnaha SONSAF ee ka socday SOLLA ay u badnaayeen aqoonyahano sharci, oo ay si gaar ah SOLLA uga warbixiyeen sida loo illaaliyay sharciga.
Ururka Qareenaddu isagoo ka duulaya xogahaa goob-joognimo, welina dusha kala socda geedi-socodka tirinta iyo hubinta codadka ee weli hawlwadeenada Guddiga doorashooyinka ku hawlan yihiin, soona saari doona warbixin dhamaystiran, dhexdhexaad ah oo la hufay, marka ay hawshan hab-raaceeda sharci soo dhamaado, wuxuu cadaynayaa in Doorashadii Madaxtooyada ee Sabtidii 26kii Jun, 2010, ka dhacday Jamhuuriyada Somaliland doorasho sharci ku dhisan, xor ah, xalaal ah oo waafaqsan heer-beega caalamiga ah ee Doorasho xor ah oo xalaal ah, kana madhan ilaa hadda, ceeb, ku shubasho iyo madmadaw, taasoo uu ku ayidayo warbixinadii hor-dhaca ahaa ee goobjoogayaasha gudaha iyo goobjoogayaasha caalamiga ah.
Ugu danbayn, Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA), wuxuu mahadnaq bogaadin iyo hanbalyo u jeedinayaa dhammaan shacbiga Somaliland oo si hufan, xor ah, xalaal ah oo nabadgelyo ah codkooda uga dhiibtay goobihii cod-bixin, wuxuu kaloo ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa masuuliyiinta iyo hawl-wadeenadda GDQ, si la mid ah wuxuu ku hanbalyaynayaa doorkoodii wax-ku-oolka ahaa ee uu mid kastaa ka qaatay habsami u qabsoomida Doorashada Madaxtooyada JSL ee sabtidii 26, Jun,2010, Guddiga Anshaxa Doorasha, sadexda xisbi qaran ee tartamaya, hawlwadeenadii Goob-joogayaasha wadaniga ee SONSAF iyo Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa; waxaa iyana hanbalyadaa iyo ammaantaas oo kale mudan warbaahinta wadaniga ah iyo kuwii Caalamiga ah ee sida hufan ee dhexdhexaadnimada ah uga waramay Doorashan, una hogaansamay amaradii GDQ, waxaan kaloo la ilaawi karin ammaanta iyo milkaha ay leeyihiin Ciidamada ammaanka ee JSL, doorkii ay ka qaateen guushaa Qaran ee u soo hoyatay ummadda JSL.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking