COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label Salidhige. Show all posts
Showing posts with label Salidhige. Show all posts

Sunday, August 29, 2010

TALLO-BIXIN SHARCI OO KU SAABSAN DHAMAYSTIRKA SHARCIYADDA MASUULIYIINTAN IYO DHISMEYAASHA DAWLADDABA CUSUB

Mudane M/weyne, anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-dhige), isla markaana ah muwaadin Somalilander ah oo aan ka tirsanayn saddexdan Xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID-toona, ayaa ugu horayn aniga oo ku faraxsan kuguna hambalyeynaya Magacabista Masuuliyiintan Cusub ee xilalka dawladda aad u magacawday oo ay ku jiraan Rag iyo dhalin Sharciyaqaano ah oo muddakar ah iyo kuwo kale oo dhammaantood ay yihiin kuwo u qalma xilalkaas oo gudan kara waajibaadkooda shaqo, kuwaasoo aan iyagana Illaahay aan uga baryaayo inuu u fududeeyo gudashada masuuliyadooda AAMIIN – AAMIIN, ayaa M/weyne si aad u xaqiijin kartid ISBEDLKA ay dadku doonayeen oo ah helitaanka Madax dhawrsan iyo Dawlad ku Dhisan kuna dhaqanta Sharciga oo keliya, isla markaana aan ka hor tegayo in Masuuliyiintan cusubi ay Noloshu ka wasakhawdo oo aanay u noqon Xaaraan quuteyaal ILLAAH kama dhigo’e, ayaa waxaa Dammiirkaygu uu igu khasbay inaan halkan si kooban aan kuugu soo gudbiyo Dhaliisha jirta iyo Tallo-bixinta Sharci ee ku haboon in laqaado, oo aan u arko inay Dawladdani ku khasbanan doonto meel-marinteeda waana sidan:-
Soo Bandhigid Kooban ee Dhaliilaha
Ugu horayn, isbedel waxaa la qaadi karaa waa marka la arko dhaliisha jirta ee la isla qaato sida la isu bedelayo. M/weyne, Dalka ma jiraan Sharciyaqaano iyo Baarlamaan kuu nool oo kugu ilaalin karaya inaad ku ekaatid tubta toosan ee ah ISBEDELKA aad rabtid inaad qaado ee laguu doortay, oo ku qaban kara markaad Khaldantid, waxaana hore u baaba’saday oo shiiqiyey madaxdii iskaga kala dambaysay Kursigaa aad maanta ku fadhidid, oo ah kursiga dhibaatadiisa ay ummadani ka degi la’dahay ee hortaagan in ummadani ay hesho Caddaalad Garsoor oo Madax Bannaan oo Wax Ku Ool ah oo Dhakhso ah. M/weyne Mushkiladaha iyo Dhibaatada Garsoorka waa la sixi karaa oo way fududahay oo baadhitaan baanu ku samaynay laakiin cidda u bahaahan in Gacan Bir ah lagu qabto waa laba Gole Siyaasi ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka. Sharciyaqaankuna ma aha mid soo bartay sida Raciyadda loogu noqdo ee beenta loogu raali geliyo Madaxda, laakiin waa dad soo bartay dhawrsanaanta, ilaalinta Xuquuqaha iyo sida Sharciga Raciyadda loogu noqdo, mana jirto sabab ay noo kelifayaan anagoon awoodin ee ay uga hadli la’yihiin toosinta dhibta haysata madaxdooda dedaalaysa. Xataa waad og tahay oo kamay hadal Sharciyaqaanada Dalku Heshiiskii Xaaraanta ahaa ee Saddexda Guddoomiye Xisbi ay ku heshiiyeen in aan jiri karin cid Cid Muwaadin ah oo furan karta Urur/Xisbi Siyaasadeed, kaasoo lid ku ahaa xuquuqda Muwaadinka JSL oo sababtaa darteed ay weli helitaanka xuquuqdaas siyaasadeed ay u dhiban yihiin Ururka u UDHIS iyo qaar kale oo iyaguna leh damac siyaasadeed oo raba inay inay furtaan Ururo/Xisbiyo, waxaanan arinkaas aan kugula talin lahaa inaad adigu M/weyne aad afkaaga ka qirtid oo aad sheegtid Sharcidarada Heshiiskiinii hore ee xaaraanta ahaa ee duruufta iyo Shaydaanku idinku kelifay, waayo Maanta waxaad tahay M/weyne, Xisbigiina (KULMIYE) si Gobonimo leh oo Dimuquraadi ah baad u wareejisay oo waxay tallaabadaadaasi ay ka mid ahayd ISBEDELKA ay ummaddani rabtay, oo ma jirto sabab iyo duruuf dambe oo kugu kelifi karta inaad u hortaagnaatid xuquuqo dad muwaadiniin ahi ay leeyihiin. Waxaana xaqiiq ah haddii dalka ay ka jiri lahaayeen Ururo Sharciyaqaano firfircoon ah oo si guud u ilaalinaaya kana hadlaaya danta guud ee ummadda iyo Maxkamado leh Gobonimo badan oo Sharciga ku difaaci kara xuquuqaha muwaadiniinta oo lagu hiran karo Cidna looma daba fadhiisteen arintaas, khaladaadkaas oo kalena dalka kamuu dhaceen.

Sixitaanka iyo Dhamaystirka Sharciyadda Madaxda iyo Hayadaha Cusub
M/weyne Waxaad Samaysay Wasaarado iyo Hay’ado Cusub; Qaar kale oo jiray waad Baabiisay; Qaar Wax baad ka dhintay; Qaar qaybo Cusub baad ku soo biirisay, Qaar kalena Magacyadoodii hore ayaad ka bedeshay oo magacyo cusub ayaad u bixisay, dhamaan waxaas oo isbedel ahi waxay u baahan yihiin in la waafajiyo Sharciga oo Baarlamaanka la hor geeyo, oo Wasaarado iyo Hay’ado cusub ayuu M/weyne magacaabay oo keliya kuma filna oo sidaa inay ku shaqeeyaan ma aha Ansax (Not Valid). Waxaa mudane M/weyne loo baahan yahay in Masuuliyiintan iyo Hay’adahan cusuba la soo dhamaystiro Sharciyeyntooda (it’s Legitimazation), waayo isbedeladaasi waxay saamaynayaan Shaabaddii, Boodhkii Wasaarada/Hayaddaas, dhamaan Dhukumentiyadii iyo dhammaan xidhiidhada macaamileed ee ay la lahaayeen Dadweynaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda dhexdoodaba. Haddaan Sharciga la waafajin dhammaan talaabooyinka ay qaadaan madaxdaas iyo hay’adahaasi waxay noqonayaa kuwo waxba kama jiraan ah oo aan yeelan doonin wax saamayn raad Sharci ah!! Waayo, “HAL XAARAAN AHI MA DHASHO NIRIG XALAAL AH!!?” sidaas darteed waa in la hawl geliyaa Sharciyaqaanada cusub ee Dalka u baxay, kuwaasoo maanta gaadhay ilaa iyo 300 oo Sharciyaqaan oo bilaa camal ah oo suuqa ku silcayay, kuwaas oo dalkan wax u soo bartay. Ma jirto siyaasad Qaran oo ku waajahan Daboolidda baahidda dhinaca Sharciga ee dalka, madaxduna rabbitaankooda ayaa sharci u ah oo rabaan taas, sidaas darted waxaan ugu baaqayaa dhammaan sharciyaqaanadu inay fadhiga ka kacaan oo heeryada Dulliga ah ay iska rogaan oo ay ismuujiyaan oo ay cidhiidhsadaan. Waayo xuquuqahan oo kale baryo iyo walaal la iskuma siiyo!!?
M/weyne waxaa hubaal ah, in Masuuliyiintan cusub ee aad magacawday ay yihii kuwo loo magaacabay meele cidlo ah oo wax shaqo ah oo cayiman oo la isla garan karo loo dhiibin!! Dabadeedna uu mid waliba si uu isaga tiiryo uu ku dedaalayo inuu jilo xilka masuuliyadeed oo isaga sida ay la noqoto uu wax u qabto, taasina hadhow waxay keenaysaa inay in boqolaal rabitaan (dhako) oo kala jaad ahi ay isku dhici doonaana adiga iyaguba aydin wareeri doontaa oo UDUB ay bikh noqon doonto oo dadku ay idinku dhibaatoobi oo si dhakhso la idiin nici doono dabadeedna cod la idiin qaadi doono ama banana bax la idinkaga dejin doono xilka!!? ILAAH maqaddaro’e. Markaa M/weyne inta aad meel cidla ah aad u magacaabaysid malaa waxaa waxaa ka haboonaan lahayd inaad u dirtid (Magacwdid) inay Aasaaska Hay’ad kasta dhisaan illeen tacabka ay iminka gelayaan kaas baa ka dhowaan lahaa intaanay been jilin!!? ARRINBA ALLAA LEH.
uu mid waliba
M/weyne waxaan haboonayn oo caqliga iyo dammiirka wanaagsaniba aanu qaadan Karin in la magacaabo Masuuliyiin Dawladeed oo aan la garanayn waxa ay shaqadoodo tahay, awoodoodu tahay, Waajibaadkoodu yahay iwm. Sidoo kalena waxa iyana la mid ah in Qof aqoon yahan ah oo Xil iyo Masuuliyad Dawladeed loo magacaabay uu isna aqbalo arinkaa oo uu xar xariiqo waraaqo iwm!! Sidoo kale waxa iyana taas kasii daran Baarlamaanka qaran ee isna ay shaqadiisa iyo sababta Masuuliyadeed ee darteed uu ku qaato mushaharada uu quuto ee uu siiyo caruurtiisa iyo ehelkiisa oo og inaanay sidaas Sharci ku noqonayn Dhismeyaashaas iyo Masuuliyiintaas cusub ee uu M/weynuhu magacaabayba oo aanay ansax ku noqonayn oo aanay miisaaniyad ku yeelan Karin!!? anigu ma garanayo ma mucaarid baan ahay, ma cadaw baan ahayn mise muwaadin baraarujinaya oo toosinaya Madaxdiisaan ahay!!? ARINBA ALLAA LEH
Si kastaba ha ahaatee waxaa xaqiiq ah in Cidda Dawladnimadan JSL aqoonsani ay tahay oo keliya cidda aqoonsan ee uu qabtaan Shuruucda iyo Xeerarka kale ee dalka, laakiin Madaxda dalku aanay isugu tag helayn inay yeeshaan dhaqan, hadal iyo fakir dawladnimo oo ay ku dhaqmaan Sharciga.

M/weyne Baarlamaanku wuu ansixin karaa madax iyo masuuliyiin Wasiiro ah oo la magacaabay, waanu u yeedhi karaa oo wax buu waydiin karaa, laakiin ma garan karaan inay is weydiiyaan Xaaladda Sharci ee ay ku sugan yihiin Masuuliyiinta Wasiirada iyo Aasaaska Sharci ee dhismeyaasha Hay’adaha Dawladda, oo ma jiro haba yaraatee wax xidhiidh sharci ah oo ka dhexeeya Hay’adahaas iyo Baarlamaanka JSL, dalkana kama jiro Xeerka Dhismaha Xukuumadda/Dawladda (Organizations of the Government Act) oo Qeexaya isla markaana nidaaminaya Ujeedooyinka, Hawlahooda, Qaabdhismeedkooda, Baahida Qaran ee ay u taagan yihiin inay daboolaan iwm oo ka soo baxay Baarlamaanka JSL. Sidoo kalena ma jiro Xeerar Qeexaya oo Nidaaminaya Shaqada, Waajibaadka, Awoodaha iyo Masuuliyadda shaqo ee Wasiirada, ku xigeenadooda, Wasiiru Dawleyaasha, Mareeyeyaasha, iwm iyo qayb walba (Every Departments) qaabka ay u shaqayso iyo waxa ay qabatoba. Sidaasna Baarlamaankan maanta wuxuu yihiin kuwo raciyad u kala ahaa saddexda Gudoomiye Xisbi oo mudadii 5 sanadood ku soo dhamaystay Khilaaf iyo laga soo bilaabo arinkii DHAADHJEERE ilaa iyo shalay 26kii June 2010, Xeer kusheeg kasta oo ay soo saaraana wuxuu ahaa mid ku salaysan khilaafaadkaas oo dano shakhsi loogu adeegayo!!? Kuwaasoo dayacay Dantii Guud iyo Masuuliyadii saarnayd iyo Dhaartii ILLAAHAY ay ugu dhaarteen inay dadkooda dalkoodaba dhex ugu ahaanayaan. Mushkiladaasina waa mid ka dhalatay si xun adeegsiga KURSIGA talada iyo Masuuliyadda Dalka! Xeer Kasta oo 20-kaa sanadood Ka soo Baxay Baarlamaanka JSL marka uu M/weyne saxeexo ayuu isna meel sida Teneg Xashiishka uu ku tuurayey oo aan la gaadhsiin Dadweynaha JSL iyo Hay’adihii ku shaqayn lahaaba, Dabadeedna Xeerar ku sheegaas waxaa la dhaqdhaqaajiyaa Marka Awr lagu kacsanayo ama la doonayo in loo cuskado cid larabo in lagu xad-gudbo. Markaa hawsha Baarlaamaanku waa sida dad FOOSTO GUN LA’ DHAAMINAYA, markaa inay xilka iska casilaan bay ahaydee inay maantaba sii fadhiyaan may ahayn!!
M/weyne Xukuumaddii hore waxay ahayd mid fulisa Rabitaanka Madaxdeeda, halkay ka ahaan lahayd inay fuliso Sharciga iyo xeerarka ka soo baxa Baarlamaanka ee awoodda iyo xaqa u siinaya inay qaado.
Sidoo kale ma jiro Xidhiidh Sharciyeed oo ka dhexeeya Ciidanka Booliska iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha oo qeexaya sida ay u wada shaqaynayaan iyo doorka uu Wasiirku ku leeyahay. Sidoo kalena ma jiraan Xeer Baarlamaan oo lagu aasaasay Dhismaha Booliska iyo Xeerar Nidaaminaya Waajibaadka, Shaqada, Awoodaha, Derajada kala sarayneed iyo Xuquuqaha Ciidamada Dalka oo dhan gaar ahaan ciidamada Booliska oo kasoo baxay Baarlamaanka JSL, sidaas darteedna taasi waxay ka dhigaysaa in Ciidamadu ay noqdaa una socod iyo dhaqan eekaadan sidii kuwii Argagixisada ahaa ee Dawladdii Soomaaliya ee qaadan jiray Awaamiirta Khaldan hal-haysdtana u lahaa “YAAKHII ANIGA AMARAAN QABAA NOO!!” iyo in mar walba uu khilaaf ka dhex taagnaado Xukuumadda, Garsoorka iyo Ciidanka Booliska, isla markaana ay noqdaan sida NIN – Nin u Shaqeeya, halkay ka ahaan lahaayeen Dad u Dalkooda iyo Dadkooda u shaqeeya oo Haybad ku dhex leh Bulshadooda.

SOO GUDBINTA TALADA SHARCI
M/weyne, soo bandhigid dhaliilo sixid u baahan Talooyin badaniba waxay ku diyaarsan yihiin Qoraalka iga qabyayada ah ee aan ugu magac daray “QIIMO-DHACA SHARCIGA, QABYADA DAWLADNIMO IYO HABAYCSANAANTA SHARCIYAQAANADA JSL” Fiiro Gaar ah;- M/weyne miyaad ilowday Dulmigii iyo Xanuunkuu Shalay adiga iyo Xaaskaagaba idin Haysatay, Maxaad u soo Magaacibi Weyday GARYAANKI GUUD ee aan kaa Codsaday iyo Soo Af-jaridii Kiiskii TOTAL!!!!?

XEERARKA U BAAHAN IN DHAKHSO LOO SAMEEYO
Si looga baxo in rabitaanka madaxda dalku uu noqdo sharciga keliya ee dalka lagu dhaqo, waxaa loo baahan yahay in xeerarka iyo kuwo kale oo fara badan oo aan gadaal kasoo sheegi doono iyaga iyo faahfaahintoodaba waa sidan;
1. Sharciga Latalinta (Advisory At)
Sharcigani wuxuu Dawladda ku khasbayaa in dhammaan Hay’adaha Dawladda iyo kuwa Caalamiga ahba ay qaataan lataliyeyaal, sababtoo si ah; (1) Si ay Meesha uga baxdo Malo awaalka iyo aqoon la’aanta Sharci ee Madaxda Dalka Haysata iyo in Rabitaankoodu u ahaado Sharciga ugu sareeya ee dalka lagu maamulo. (2) In ay Suuq helaan dhalinta Sharciyaqaanada ahi oo suuqa aanay ku naanaabin, isla markaana iyadoo baahidooda dhaqaale xumo laga faa’iidaysanayo aan ku dhex wasakhoobin Nidaamka Musuqmaasuqa ah (Corrupted System) iyo hab-dhaqanka xun ee Madaxda iyo Siyaasiiinta Dalka, oo ay u noqdaan dad han wayn oo oo xumaha iyo xaaraanta iyo Sharci darada ay uga dhiidhiyaans. (3) Iwm.
2. Xeerkaasi waxa kale oo uu nidaaminayaa habka shaqo, xuquuqda iyo waajibaadka Gudiga Lataliyeyaasha M/weynaha, waxaanu dammaanad-qaadayaa xaqa fikirkooda, waxaanu jidaynayaa in la abuuro Guddi La talin M/weyne (Preesidential Advisory Board). TALO waxay dhimatay markii la weydiin waayey Ehelkeeda ee cidiba u baahan weyday. Waan ku hambalyeynayaa M/weynaha JSL tallaabadiisii ugu horaysay ee ahayd codsigii LATALINTA, waana mid waafaqsan Aayadaha Quraanka Kariimka ah ee 51 Suuradda Shuura iyo 109 ee Suuradda Aala Cimraan.

3. Xeerka Habdhaqanka Madaxda iyo Siyaasiyiinta Dawladda.
4. Xeer Nidaamiyaha Fadhiyada Golaha Wasiirada. Iyadoo lagu cibro qaadanay Qaabkii foosha xumayd ee ay u qornayd warqadii lagu eryey Eng. Maxamed Xaashi Cilmi markii uu Wasiirka Ganacsiga ahaa ee M/weyne Daahir uu qoray waxay u dhignayd sidan “Kadib markaad Golaha Intiisa Kale aad Ka Ra’yi Duwanaatay Shaqadii Waa Kaa Eryey” waa xadgudub in qofku uu fikirkiisa lagu eryo oo uu shaqadiisa kuwaayo, sidoo kale siiqadaasi waxay horseeday in meesha ay ka baxday nuxurkii madashu fadhigu G/Wasiiradu ee ahaa wada tashiga, sidoo kalena waxay sababtay in qof walbaaba uu ka baqay inuu shaqdiisa ku waayo fikirkiisa. Anigu Sideed Sanadood baan ahaa saraakiisha Wasaaradda Ganacsiga ee waaxda Berbera, oo waxaan garanayaa in wasaaradda Ganacsigu tahay barta keliya ee laga qiimayn karo dhaqaalaha Dalka oo dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga oo dhan bay Bille iyo Sanadle u tirakoobtaa Wasaaradaasi (Import ; Export)
5. Sharciga Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda
6. Sharciga Sirta Qaranka.
Wax walba waxaa lagu odhanayaa waa sir oo waxay dhibaato badan la kulma Ardayda Ka Qalin jebinaya Jaamacdaha Dalka ee Diyaarinaya Buugooda Qalin jebinta (thesis Book) iyo dadka kaleba, sidaas darteed waa in la kala cadeeyaa waxa sirta ah iyo waxa aan sirta ahayn. Kiis inantii Samsam waa in aynu ku cibro qaadanaa ee!!?
7. Sharciga Xogta iyo Madax banaanida Helidda Macluumaadka.
Sharcigani wuxuu xaq u siin doonaa in muwaadiniintu ay Dawladooda xaq ugu leeyihiin inay si madax banaan u helaan xogta iyo macluumaadka ay uga baahan yihiin Dawladooda oo inay Baadhitaan iyo waraysiyo la yeelan karaan Hay’adaha Dawladda.
8. Xeerarka keli keli dib loogu aasaasayo dhamaan dhismeyaasha Hay’adaha Dawladda.
9. Xeer Adeega Dalaka Shisheeye (Foreign Service Law) oo Nidaaminaya Waajibaadka Masuuliyadda, Shaqada, Xuquuqda Danjireyaasha iwm, marka laga yimaado Heshiiska Xidhiidhka Dibloomaasiyadeed ee Dalalka Caalamka ee Vienna 1961(Vienna Convention on Diplomatic Relations of 1961) dal kastaaba waxa uu gaarkiisa u leeyahay xeer u gaar ah Functions, Posts, Diplomatic Missions, Consolers and Officers
10. Xeerka Maamulka Dawladda (Public Administration Act)
11. Sharciga Maamulka Booliska JSL (Police Administration Act)

DHISMEYAASHA HAYADAHA/GUDDIYADA
1. Sharciga Dhismaha Xukuumadda/Dawladda.
2. Sharciga Dhismaha Guddiga Diyaarinta iyo Qaabaynta Mashaariicda Sharci (Legal Drafter Board).
Sababta Sharcigani waxay tahay waa si dhakhso loogu daboolo baahida helitaanka shuruucdaas oo xukuumadda iyo baarlamaanku keligood aanay ka lug baxayn, sidaas darteedna waa lagama maarmaan in la dhiso guddiga oo jiritaankoodu noqon doono muddo lix bilood ah.

N.B. waan ka xumahay in ujeedooyinka iyo baahiyaha iyo waxa ay daboolayaan xeerarkaasi aanan halkan ku soo wada koobi kari waayo!

Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-dhige)

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, August 4, 2010

WARQAD FURAN oo Kusocota M/weynenaha JSL

M/weyne Anigoo Sharciga hortiisa Shirkadda TOTAL kaga heli kara xuquuqdaydii fulineed Ma Aha in Kolba Cid aan Ka Baryo COMPUTER iyo in Khayrkay aan Gacanta Hoos Dhigto Anigoo Ah Muwadin–Jaamici–Garyaqan(Lawyer), Horena U Ahaan Jiray Sarkaal Dawladda JSL u shaqeeya iskiina uga tegay sababo Mushahar yari awgeed (Eeg WGW/AG/14/121-12/06/04 ee 12/06/04). Attached here
(Fiiro gaara: M/weyne Saacadaydii iyo Moobilkaygii ayaan usoo rahmay Diyaarinta Qoraalkan manta aan kugula hadlayo awgeed [internet Café u dhow Macmacaanlaha Idacadda Aadan Siiro)
BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIMI
Ugu Horayn, Waxaa Mahad Leh Illaaha Ged-Gediya Quluubta Dadka Iyo Axwaashaba (Xaaladaha) Ee Maalinba Cid U Dhiiba Xilka, Waxaa Mahad Leh Illaaha Nagu Addoonsaday In Madaxdayada Ku Adeecno Wixii Macruuf Ah Iyo In Waalidiintayada Aanu U Samafalno, Illaahas Oo Ah Illaaha Rabbil Caalimiinta Ah. Mahad Illaahay Ka Dib:-

Mudane M/weyne, weli maan arag M/weyne Muwaadinimadayda JSL igu tixgeliya oo aniga idanaynaya oo kana Damqada Dhibta igaadhay, Mid dhankiisa la iiga soo dhaco mooyee, oo Danaynaya, Metelaya(Represent) una doodaya Shirkadda TOTAL/MEG mooyee!!? Waxa xaqiiq ah in Shirkadda TOTAL ay tahay mid iga jeeb weyn dhaqaal ahaan, aniguna aan ahay muwaadin danyar ah oo dhaqaale xumo ay hayso, taasina waa farqiga noo dhexeeya aniga iyo Shirkadda TOTAL ee xadidayey inta aanu u jirno M/weynaha JSL!!? Albaabka M/weynuhu wuxu u furnaa Shirkadda TOTAL taasoo ku hanatay jeebkeeda. Weli may dhicin in M/weyneyaashii adiga kaa horeyey aan u kaxaysto Odayaashayda iyo madaxda Dawladda ee kasoo jeeda Qabiilkayga, sidoo kalena M/weyne adigana kuu soo kaxaysan maayo, Muwaadinimo ayaan adeegsanayaa. Marka ay Dawladi jirto Qofka Dawladdiisa ayaa ka Masuul ah ilaalintiisa iyo u doodistiisaba, marka aanay jirina Qabiilkiisa ayaa leh gudashada Masuuliyaddaas!!? Aniga iyo Shirkadda TOTAL waxaa jira albaab naga wada dhexeeya oo cidwalba u furan (Equal Access) oo ah Maxkamadaha Sharciga ah!!? M/weyne TOTAL Jeebkeeda ayaa Kursga gaadhsiiya laakiin aniga Sharciga ayaa isiiyey dariiq aan ku cabbiro oo bulshaday aan ku gaadhsiiyo dhibta I haysata Sida ku cad Qod: 32(3) ee dastuurka JSL. Markaa Saxaafaddu waa Albaabka aan kala xidhiidho Madaxweyneyaashayda, Runtiina “Haddii Aanay Jiri Lahayn Saxaafadda(W/Bahinta) Madaxa Bannaani Waan Qarxi Lahaa!!?” Ma aha weedh si fudud loo odhan laakiin waa mid dareen dhab ah ka soo jeedda!!

M/weyne maanta waa xilligii LA IS-XAQSIIN LAHAA, ee Muwaadinku heli lahaa Madaxweyne isaga metala(Represent) oo codkiisa ku hadla(On Behalf of The Citizen). Haddaba, mudane M/weyne adigoo tixgelinaaya duruufo badan oo ad-adag oo aan soo maraywaxaan si Sharaf, iyo Qaddarinba leh aan kaaga codsanayaa daahid la’aan; 1) In Maamulka Shirkadda TOTAL aad Amartid in ay u Hogaansamaan Sharciga Dalka iyo Awaamiirta Maxkamadaha Dalkan JSL oo Sharciga hortiisa aanu ku kala xaq-qaadano; 2) In Kalsooni Madaxbanani-Gudasho-Shaqo ah aad siisid Guddoomiyaha iyo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare oo Kursigan M/weynenimo Ciddii ku fadhiday ayaa hore shaqadooda u haddiday; 3) In Taliyaha Booliska JSL aad Amar ku siisid in uu u Hogaansamo Fulinta Awaamiirta Maxkamadda Sare ee JSL iyo kuwa Maxkamadaha kale ee dalka JSL, waayo Mar kasta oo Maxkamadda Sare ay Gacanteeda ku Fuliso Xuquuqdayda lidka ku Shirkadda TOTAL ee ay sidaas Amar ku siiso Taliyaha Booliska ayaa ka dhego adaygi jiray fulinta Awaamiirtaas isagoo taliyuhu qaata Amar ka dambe (ee ah Un-Lawful Order) ee Madaxweynaha JSL uu bixiyo, markaasna halkaasbay ku hakataa helitaanka xuquuqdaydu. Sababtuna waxay tahay Garsooreyaasha Maxkamaduhu gacantooda wax kuma soo qabtaan ee waxa gacmaha Sharciga ah oo ay adeegsadaan waa Ciidanka Booliska. Markaa Ciidamadamada Booliska JSL waxay yihiin sida "HAL LABA MIDIGOODLE UU DHENGADEEYEY OO DHANNA UMA FAYOOBA!!" waana Nin -- Nin u shaqeeya!!?? waayo majiro Sharci ilaalinaya Xuquuqahooda Shaqo, Qeexaya Waajibaadkooda Shaqo iwm oo ka soo baxday Baarlamaanka JSL, markaa waa sida Nin- nin ushaqeeya oo kle, halkay ka ahaan lahaayeen dad dalkooda u shaqeeya!

Sidoo kale, Mudane M/weyne waxaan si Qaddarin iyo Xushmadi ay ku jirto aan kaaga codsanayaa in si dhakhso ah aad u soo Magacdid GARYAQAANKII GUUD EE DAWLADDA DIFAACI LAHAA, si Maxkamadda Sare ee Awoodda Sharciyeed u leh aan uga Furto Dacwad Maamul oo Lid Ku Ah Dawladda JSL oo ah in Magdhaw dhan $ 230, 000 (Laba Boqol iyo Sodon Kun oo Dollar) ay ........... si waafaqsan Qodobka 97 (1) ee Dastuurka JSL iyo Qodobka 9aad ee XHM iyo Shuruucaha kale ee laxidhiidhidoona qadiyada dacwaddaas. Magdhawyadaas oo ah Dhibaatooyinkii kala dambeeyey labadii Madaxweyne ee hore ay ii geysteen Marxuum M. I. Cigaal iyo M/weyne Daahir Rayaale Kaahin oo ay ka mid yihiin labadii goor ee Dawladdu ay sababtay Burburka dhismahayga QOYSNIMO!!??
FIIRO GAARA: DHAMMAAN Dhokumentiyadii la xidhiidhay qadiyan ka akhriso http://www.nasiibnews.co.cc Waayo Qarankani uma taagna inuu DUUDSIYO / DULMIYO XUQUUQDA MUWAADINIINTIISA IYO CID KALE TOONA, isagoo Qaranku taa xaqiijinaya, isla markaana si looga badbaado Xad-gudubyada Maamul-Xumo (Maladministration) ee Madaxda Dalku/Dawladdu u geysanayaan Xuquuqda Aadamaha ayaa wuxuu diyaarsaday Maxkamado ilaaliya Xuquuqahaas oo Garqaadis sameeya, sida ku Cad Qodobka 97aad (1) oo u dhigan sidan "Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor, oo hawsheedu tahay u Gar-naqa ka dhaxeeya Dawladda iyo Dadka; iyo Dadka dhexdooda." Mudane M/weyne, Dacwaddaas dambe dheeraanshaheeda iyo dhakhso u soo af-jarideedu waa mid ku xidhan sida uu ka yeelo kolba cidda Dawladdani ay Madaxweynaha ka Dhigato iyo sida uu wax u qiimeeyo Qiyam ahaan(Values), maadaamaa uu isagu yahay cidda ka madaxda ah (Odayga ah) siwaafaqsan Qodobka 90aad ee Dastuurka JSL oo u dhigan sidan "AWOODAHA MADAXWEYNAHA: "Madaxweynuhu waa Madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana Astaanta Midnimada Muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil¬saaran yahay Daryeelka Haybadda Dalka; ilaalinta Nabadgelyada; Horumarinta Bulshada iyo Hab-sami-u-socodsiinta Maamulka Dawadda." waayo Dadka dalkani waxay leeyihiin Gobonimo badan oo waxaa jira wax la yidhaahdo "XAAL" oo la xidhiidha la bixiyo marka dhexdooda ay timaado Xad-gudubyo Deel-qaaf ah oo Lacag iyo Xooloba aan ka Qaalisan, oo GARAWSHIIYO-BIXIN ah (Magdhaw Akhlaaqadeed, Damiireed iwm ah) (Moral Remedy). Waxaan ilaaliyey sharafta Qabiilkayga, Sharafta Deegaankayga, Sharafta M/weynahayga, Sharafta Dadkayga iyo ta Dalkaygaba. Waxaan ku sugnaaday waajibaadka ay ina farayaan Qodobadan kala ah Qodobka 312aad ee Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobka 34aad (2), iyo Qodobka 28aad (1) Xaqa Dacwadda ee Dastuurka JSL. Sidaas darteed xaq baan aniguna ugu leehay in Dadkuna ay ii hadlaan oo xuquuqahayga ay ilaaliyaan, waayo jidh qudhaataanu nahay oo haddii xubini wax noqoto jidhka intiisa kalena ay la damqanayaan.

Mudane M/weyne Adiga iyo Marwadaada Aamina Sh. Maxamuud Jirde (Aamina-Weris) oo keliya maaha Qoysaska sida gaarka ah Dawladdani ay cadaadiska u saartay uguna xadgudubtay xuquuqahooda, dhibtaas aniguba kaala mid baan ahay, oo Qoys ahaanbay Aniga oo ah Maxamed Xasan siciid iyo Eedaday SHUUN SICIID CILMI (INA SALLI-DHIGE) Eedaday aamina Weris Horteed ayey isla Booskaas Hay'adda CARE INTERNATIONAL ee ah Team-Leader-ka Xafiiska Hargeysa ay tartan imtixaan u galeen dad 250 Qof ah, eedaday baa ku guulaysatay booskii, markii ilaa xaruntooda Dalka Markaykanka ee Hay’addaasi ay ka soo hambalyeysay ayaa, isla markaana Baasaboorkeeda ay diyaarsatay si magaalada NAIROBIi ee Dalka KENYA ay ugu soo qaadato Office-Policy-Training. Waxaa intii eedo ay ku mashquulsanayd hawshaas baasaboorka ayaa Dawladdu si badheedh ah ayisaga hortaagtay shaqadii, kuna Amartay hay’addas in dalka ay ka baxdo hadii kale oo SHUUN ahayn ay u soo magacaabato, sidiina Hay’addii ay shaqadii uga joojisay eedaday cid kalena ay u soo magacaabatay!!? Arintaas Aqoon yahana JSL badankoodu way ogyihiin, eedadayna waa ruux Dumar ah oo Caan ah oo lawada yaqaano, madaxdii goob-joogeyaasha xilligaasna waxaa ka mid ah JAAMAC SWEDEN Ex-NEC Commissioner!!?? Xilgaas Eedaday sidii SIILAANYO, Dr. GABOOSE iyo MAX’ED XAASHI iyo Marwo Aamina Werisba ay uga QUUSTEEN inay helayaan Garsoor Caddaalad ah Xuquuqdooda sharciga hortiisa ku difaacaya, ayey eedadayna xilligaas uga Quusatay inay helayso Caddaalad Garsoor!!??? Aamina Weris waxay udhibaatowday oo keliya inay tahay xaaska hoggaamiye Xisbi siyaasadeed oo caan ah; Su'aashuse waxay tahay maxay u dhibaatowday eedaday!!? Jawaabtu waa “Xoriayaadda Fikirkeeda” iyo Baaxadeeda Aqooneed iyo fir-fircoonida ay u dhalatay!!??
waydo waxa hubaal ah in Sifo Sharci ah ay Xuquuqdeeda iyo Mustaqbalka Nolosheedaba ay ku heli doonto, mana ahaan taas mid cid loo daba fadhiisan doono!! Haddii Madaxda dalka ee Xilka Loo Dhiibaa ay is halaynayso Caydhimada Yurub, oo ay Aaminsan yihiin fikrado daciif ah sida weedhaha mar walba dhegeheena ku soo dhaca sida 'MEESHU WAA AFRIKA' 'MA YURUB BAY ISMOODAYAAN INAY JOOGAAN iwm'.
Waxaan Halkan ka Sheegayaa in DALKAYAGU UU YURUB NOOYAHAY, isla markaana dariiq Sharci aanu Xuquuqahayaga ku Heli doono!!??

Qiimo-Dhaca Muwaadinimada JSL
Ma aha in la i nacsiiyo Muwaadinimada aan maanta Dalkayga ku joogo oo la igu dirqiyo inaan TAHRIIBO oo Muwaadinimadayda JSL aan ka door bido LAAJINIMO DAL SHISHEEYE AH. M/weyne waxaa hubaal ah oo aad ogtahay, in haddii aniga oo LAAJI ah oo jooga Dal Shisheeye (sida Dalka FARANSIISKA) in M/weynaha Dalka Faransiisku imuu yidhaahdeen intuu warqad ii soo diro Laajiyahaw Anigaa DUUDSIYEY Xuquuqdii ay kuu Xukuntay Maxkamadda Dalkaygu (Eeg warqadda Xaaraanta ah ee uu qoray marxuum M. I. Cigaal ee Sumaddeedu tahay JSL/M/TOT-001/02004 ee ku taariikhaysan 23/02/2004) ee Lidka ku ahaa Shirkadda TOTAL, sidoo kalena muu iskortaagi kareen Fulinta Maxkamadda u saraysa Dalka Faransiiska (ee warqadda Maxkamadda Sare ee JSL ee Fulinta ah ee Summadeedu tahay MS/102/01 ee 2/2/05) isagoo weliba ka faa’iideysanaya baahidayda iyo duruufaha igu wareegsan intuu ciidan iyo saraakiil Dawladda ah igu meero muu amreen in si khasab ah la iiga saxeexo inaan ka tanaasulay dhammaan xuquuqihii la ii xukumay iyo in baadil ay ahaayeen dhammaan tallaabooyinkii Maxkamadaha Dalku ay qaadeen (Xukunadii iwm) kala duwanaa ee ay soo kala saareen qaybaha kala duwan ee Dawladdu ee khuseeyey kiiskaygu (Eed Warqadda Xaaraanta ah ee M/weyne Rayaale ee Sum/tahay JSL/MMXS/100-007/112000 ee ku taariikhaysnayd 4th November 2000), muddo 12- sanadood ahna imuu silciyeen!!?

Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, June 8, 2010

Dacwad Lid Ku Ah Dawladda JSL (M/weyne Daahir rayaale)

Ujeeddo:- Warqad Furan (Open Latter) oo ku kala socota:-
"Maanta waa maalintii uu shaqayn lahaa Qodobka 8aad xubintiisa 1aad ee Dastuurka JSL ee ay muuqan lahayd in aniga iyo M/weyne Daahir R. K. aanu sharciga hortiisa ku leenahay Xuquuqo iyo Waajibaad siman"
KU: Madaxweynaha JSL, muadne Daahir Rayaale Kaahin
KU: M/weyne Ku Xigeenka JSL mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, isla Markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Hawlaha Qaban-qaabada Olalaha u Diyaargarawga Tartanka Doorashada M/weynenimo ee JSL.
KU: Dhammaan Madax-Dhaqameedyada Beelaha JSL
KU: Dhammaan Xuquuqul Iinsaanka JSL
KU: Sadexda Urur Qareen ee JSL, iyo D/weynaha JSL

Mudane M/weyne; Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-Dhige) waxaan kuu sheegayaa oo aan leeyahay;
Maanta waa xilligii M/wyne Daahir Rayaale Kaahin uu kala dooran lahaa;
• Muwaadinka iyo Jeebka TOTAL;
• Sharciga iyo Jeebka TOTAL;
Maanta waa maalintii uu shaqayn lahaa Qodobka 8aad xubintiisa 1aad ee Dastuurka JSL ee ay muuqan lahayd in aniga iyo M/weyne Daahir R. K. aanu sharciga hortiisa ku leenahay Xuquuqo iyo Waajibaad siman; Maanta waa maalintii Sharcigu sarayn lahaa; Maanta waa maalintii uu muwaadinka danyarta ahi ee mudada 12-sanadood daba socday uu xaqiisa si sahlan oo sharaf leh ugu heli lahaa sharciga hortiisa, iyadoo aan loo daba fadhiisanayn M/weyne Muwaadinkiisa ka doorbiday Jeebka TOTAL. Waa Maalintii mar labaad aniga iyo Shirkadda TOTAL-ba ay Maxkamadda Sare horteeda ku kala qaadan lahaayeen.

Mudane M/weyne waxaad ogtahay in adigu Kursigan Madaxweynenimo ee JSL aad 14/04/2003 ku heshay Xukunkii (Go’aankii) Maxkamadda Sare ee JSL ay ku go’aamisay in 80 Cod aad kaga badisay/heshay musharixii Xisbiga Kulmiye ee Siilaanyo, sidaas darteedna aanay jirin cid kaa carqaladaysay Fulinta Go’aankaas Maxk. Sare, oo si sahlan aad ku heshay Xuquuqdaadii Siyaasadeed ee ahayd xaqa aad u leedahay in loo doorto Xilka M/weynenimo sida ku cad Qodobka 22aad xubintiisa 2aad ee Dastuurka JSL. Sidoo kale waxaa lawada ogyahay in Anigana Maxkamadda Sare ee JSL sida ku cad Xukunkeeda Lambarkiisu yahay MS/1/2000 ee ku taariikhaysan 10/09/2000 ay ii Xukuntay Xuquuq magdhaw iyo musharo dhan $ 1,69,966 USD (Boqol iyo Sagaal iyo Lixdan Kun, Sagaal Boqol iyo Lix iyo Lixdan Doolar) kana midka ahayd lacagta magdhawga iyo Mushaharka dhan $ 5,09,900 USD sadexda muwaadin ee Fulinteedu Lidka ku yahay Shirkadda TOTAL
Haddaba, Su’aalaha is weydiinta mudani waxa tahay (1) Maxaa sababay ee aniga iyo Madaxweynaha na kala fadilay ee isna Xukun ka soo baxay Maxkamadda Sare ee JSL uu ugu helay xuquuqdiisii Siyaasadeed, anigana aan muddada 12-ka sanadood ah u daba socdaa helintaanka xuquuqdaydii Maxkamadda sare ay ii xukuntay?!! (2) Maxaa sababay in M/weyne Daahir Rayaale Kaahin uu haddido Shaqada Garsoorihii Maxkamadda Sare ee Fulinyey Xukunka Maxk. Sare Lr MS/1/200 ee 10/09/2000 (Eeg Warqadda uu qoray Garsoorahaasi ee Summadeedu tahay MS/102/01 ee 2/2/05 oo iskeed isu fasiraysa), waxaanan Madaxda Saxaafadda ka codsanayaa inay warqaddaas ku soo sawiraan saxaafadda si Ummadda JSL ay u arkaan waayaha Hawlwadeenada Garsoorkoodu ay ku sugan yihiin, warqaddaas oo marag cad u ah madax bannaani la’aanta Garsoorka Dalka iyo Baahida Dadka Dalkani ay u qabaan helitaan Caddaalad Garsoor oo Madaxbannaan, waayo dhibtu ma aha mid aniga igu eg laakiin Somaliland oo dhan bay saamaysay).
(3) Ma Waxaan sitaa Xukun ka soo baxay Dal Shisheeye (Foreign Judgement) oo Madaxweyne Daahir Rayaale uu diidan yahay inay Dawladdiisu Aqoonsato Xukunkaas?!! (3) Maxaa sababay in M/weynahaygu Daahir Rayaale si uu ii seejiyo xaqayga uu igu khasbo in sifo sharci daro ah aan ku qaato xuquuqdaydii?!! (4) Maxaa sababay in M/weynahayga dhiniciisa la iiga soo dhaco?!! (5) Qiime intee le’eg buu M/weynuhu siistay inuu hortaagnaado Xuquuqda Muwaadinkiisa, inuu ku Tunto Sharciga Dalkiisa iyoinuu bahdilo Maxkamadda Sare ee Dalka JSL?!! (6) Shirkadda TOTAL-se ma tahay mid maanta ku filnaanaysa oo u gelaysa bedelkii Muwaadiniintiisa?!! (7) Muxuuse ku Diidan yahay M/weynuhu inuu Muwaadinkiisa uga garaabo dhibta gaadhay isla markaana uu aqoonsado oo uu ixtiraamo Xukunka kama dambaysta ah ee dhaqan galay ee ka soo baxay Maxkamadda Sare ee JSL iyo inuu ka faa’iideysto Aayadda ________ oo Sharafta uu ka raaco

Maanta waxaan ka dalbayaa Maxkamadda Sare inay Awoodeeda iigu Fuliso Xukunkeeda Lambarkiisu yahay MS/1/2000 ee ku taariikhaysan 10/09/2000 eelacagta dhan $ 1,66,666 USD (Boqol iyo Lix iyo Lixdan Kun, Lix Boqol iyo Lix iyo Lixdan Doolar) kana midka ahayd lacagta magdhawga iyo Mushaharka dhan $ 5,00,000 USD.
TAAGEERADA BULSHADA
M/weyne labadeenuba waxaynu u baahanahay taageerada dadka JSL, taadu waxa ku xidhan tahay xod-xodxodasho iyo olele. Laakiin taydu way ka duwan tahay taas, waayo in aniga ay itaageeraan waa mid ay dhammaan dadweynuhu ku khasba yihiin, waayo anigu waxaan ilaaliyey Sharaftooda iyo Xuquuqdoodiiba oo mudaas 12-ka sanadood ahaa ee aad I silcinayseenba may dhicin inaan sharciga gacantayda ku fushado, maa dhibaatayn, maan afduubin manaan layn Gaalada iyo dadka ajaanibka ah ee Shirkadaha TOTAL iyo MEG-ba mudadaasba aniga ayuunbuu ahaa ciddii dhibaatoobaysay ee aad xidhayseen ee mudaaharaadayey. Waxaan ilaaliyey sharafta Qabiilkayga, Sharafta Deegaankayga Sharafta M/weynahayga, Sharafta Dadkayga iyo Dalkaygaba. Waxaan ku sugnaaday waajibaadka ay ina farayaan Qodobadan kala ah Qodobka 312aad ee Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobka 34aad (2), iyo Qodobka 28aad (1) Xaqa Dacwadda ee Dastuurka JSL. Sidaas darteed xaq baan aniguna ugu leehay inay ii hadlaan oo iyana ay ilaaliyaan xuquuqdayda, waayo jidh qudhaataanu nahay oo haddii xubini wax noqoto jidhka intiisa kalena ay la damqanayaan.
M/weyne waad ogtahay oo maalin qudhaata adiga iyo marxuum Cigaalba umaan soo kaxaysan Odayaashayda iyo Masuulinta Qaranka ee kazoo jeeda Qabiilkaygaba, kuwaasoo aad ogtahay inay yihiin Rag aan dhinacooda looga soo dhacayn dadkooda iyo dalkoodaba, way la socdaan qadiyadayda waxaanay eegayaan sidaad ka yeeshaan, waxaanay igu ogyihiin inaan ku ekaado Sharciga oo aanan wax dhibaato ah geysan.

Waxaan ka codsanayaa Madax dhaqmeedyada Beelaha Somalilanba, dhamaan Ururada Qareenada, Ururada Xuquuqul Iinsaanka, Madax Dhaqameedyada Beelaha JSL iyo Dhammaan D/weynaha JSL inay isha ku hayaan Dacwaddaydan oo ay la socdaan in M/weynuhu uu Dib u Amro Taliyaha (Jananka) Booliska JSL inuu is hortaago fulinta Maxkamadda Sare, waayo Soomaalidu waxay tidhaahdaa “ISAAQ LABA KA XEERAN”.
Madaxweyne waxaan ahay Qof Muslim ah, Qofna ma Dili Karo, Isma Qarxin Karo Toban Sanadood in kabadana Masii Dacwoon Karo, Helitaanka Xuquuqdaydana Ugama Hadhi Karo Xad-gudub iyo Awood Sheegasho Madaxweyne. Qormadaas waxaa ay maalmo kala dambeeyey ay kusoo kala baxday afarta wargeys ee kala ah HAATUF 27/11/2008; OGAAL 27/11/2008; WAAHEEN 30/11/2008 iyo GEESKA AFRIKA 30/11/2008. qoralkan oo iskii isu fasiraya Madaxweyne Daahir Rayaale muu sii wax ahmiyad ah (pay no attention), lakiin anigu waan ku nefisay qormadaas oo culays cadho, ciil iyo cadaadis badan oo i haystay ayaa iga dhacay. Waayo waxaan ahay DHEG XUMO NIMAAN DALKIISA LA JECLAYN OO XUMO LAGU KHASBAAYO. Waxaan gutay waajibaadka ay ina farayaan Qodobadan kala ah Qodobka 312aad ee Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobka 34aad (2), iyo Qodobka 28aad (1) Xaqa Dacwadda ee Dastuurka JSL.

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Iyo Xubnaha Kale ee Xisbiga UDUB Ma U Qabsoomi Doonaa oo Ma U Dhawrsanaan Doonaa Madaxweyne Daahir Rayaale?!!
Way adag tahay taasi inay dhacdo, waayo Madaxweyne Ku Xigeenka JSL mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah runtii Qof Muslim ah oo Masuul dawladeed ah, ayaa waxaa dhacday in beri aan ku khaldamay oo aan ku Mudaaharaaday, oo isaga aan mooday inuu hor istaagay Waraankii Maxkamadda Sare ee Ujeedadiisu ahayd AMAR SOO QABASHO (MAAREEYAHA SHIRKADDA TOTAL Si Waafaqsan QOD: 95 XHC ee Summaddiisu tahay MS/102/2001 ee ku taariikhaysnaa 30/01/2003 ka dib markii maareeyahaasi uu ka dhego adayga inuu u hogaansamo oo uu Fuliyo warqadda Maxkamadda Sare ee MS/769/2002 ee ku Tr: 29/12/2002 ee hore loogu Amray bixinta Mushaharkaygii. Kadib markii aan ku Mudaaharaaday M/weyne Xigeenku wuxuu isoo diray Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo Dr. Maxamed Ismaaciil Burco, markii aan u tegay wuxuu ii sheegay in aanu isagu isagu is hortaagin Fulintii Maxkamadda Sare Laakiin ka dib markii uu waydiiyey Taliyaha (Jananka) Booliska JSL, wuxuu u sheegay in M/weyne Daahir Rayaale Kaahin uu bixiyey Amarkaas, dabadeed M/weyne ku Xigeenka waxaan ka dalbaday inuu iska kay saamaxo, wuuna iga aqbalay, waxaanan u sheegay M/weyne ku Xigeenka inaan iminku sharaftaadii aan dib kuugu soo celin doono oo Telefishanka iyo Saxaafadaba ka sheegi doono in Cidda Fulinta Xukunkii Maxkamadda Sare hor istaagtay uu ahaa M/weyne Daahir Rayaale, cidda ii sheegtay ee ii xaqiijisay warkan dambana uu yahay M/weyne ku Xigeenka JSL. Markii aan ka soo baxay kadinkiisa ayuu askartii iga soo daba diray M/weyne ku xigeenku oo uu iyeedhay, wuxuuna iga dalbaday inaan iska aamuso oo aanan cidna u sheegin oo aan iska dulqaato oo isaga aan berito ugu imaado Xafiiskiisa M/tooyada. Subaxdii markaan ugu tegayna Xafiiskiisii ayuu igu yidhi isug waxaan u gelayaa M/weynaha, cabaar markuu iga maqnaa buu M/weyne ku xigeenkii ii soo noqday isagoo wejigiisu bedelan yahay, wuxuuna igu yidhi laba cisho dabadeed ii kaalay. Laba cisho kadib ayaan haddana Xafiiskii M/weyne ku xigeenka aan ugu tegay, sidii hore oo kale ayuu igu yidhi waar bal xafiiska sii fadhi aan u tago M/weynaha, kadib markii uu iga tegay ee uu hal cabbaar ah iga maqnaa ayuu Madxweyne ku xigeenkii uu igu soo noqday dabadeed waxaan wejigiisa aan ka gartay inay ku adkaatay arintii oo uu marsiin waayey M/weynihii, isla markaana aanu iisheegi Karin waxa ay is yidhaahdeen. Intaan iska kacay ayaan ku idhi mudane M/weyne iga raali ahaw hawl culus baan ku geliyey, iskana kay saamax khaladkaygii hore, sidaad jeceshahayna waan yeelayaa oo waan iska samrayaa oo adiga dartaana waan u adkaysanayaa gefkaas M/weynaha.
Haddaba, muddo yar dabadeed, ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya Baahidayda iyo duruufaha adag ee igu xeeran ayuu M/weyne daahir Rayaale Kaahin wuxuu soo saaray Qoraalkiisa Xaaraanta ah ee Summaddiisu tahay JSL/M/TOT-001/02004 ee ku taariikhaysan 23/02/2004, isagoo M/weynuhu xuquuqdaydii Mushaharo ee Maxkamaddu ay ii xukuntay ku sheegay inay Baqshiish ahaan u qaato oo aan saxeexo inay baadil ahaayeen dhammaan xukunadii iyo Tallaabooyinkii Xuquuqda ku saabsanaa oo dhan.
Kumuu cibro qaadan in hortii jireba (Marxuu Cigaal) isagoo noolba ay socon weyday Warqaddiisii DUUDSIGA Xuquuqdayda ahayd ee summadeedu tahay JSL/MMXS/100-007/112000 ee ku taariikhaysnayd 4th November 2000 iyo Maxkamaddii Gaarka ahayd ee ka koobnayd 5-ta Guurtida ahayd ee Kiiskayga Baabiintiisa uu u samaystay, Maxkamaddaas oo Golaha Baarlamaanku Cod Buuxa oo Sare Joog ah ay laaleen sharcinimadeeda, waayo anigu dadka JSL baan la xaq iyo Xuquuqba wadaagaa, oo dabinka loo dhigo xuquuqdayda JSL oo dhan baa gelaysa.
M/weynuhu wuxuu ilawsan yahay in dalkani uu leeyahay qawaaniin lagu kala socdo oo ilaalinaya Xuquuqda Muwaadinka iyo Maxkamado aqoonsan Xukunkooda oo difaaca Xuquuqda Muwaadinka.!!

Xaaladdu si kastaba ha ahaatee, Maanta maadaamaa M/weyne ku xigeenku uu yahay Guddoomiyaha Hawlaha Qaban-qaabada Ololaha Doorashada M/tooyada ee Xisbiga UDUB, anigu waxaan qabaa inay tahay fursad uu M/weynuhu ku qancin karo si waadiniinta uu uu u tuso inay ka noqdeen khaladaadkoodii Maamul in M/weyne Daahir Rayaale uu Faraha kala baxo Arinkan isla markaana uu Amro Shirkadda TOTAL inay Ololaha Doorashada horteed ay keento Maxkamadda Sare horteeda lacagta dhan $ 1,66,666 USD (Boqol iyo Lix iyo Lixdan Kun, Lix Boqol iyo Lix iyo Lixdan Doolar) ee Shirkadda TOTAL ay Damiinal-maalka ka ahayd ee ku cad Xukunka Maxkamadda Sare ee Lambarkiisu yahay MS/1/2000 ee ku taariikhaysan 10/09/2000 ee ka midka ahayd lacagta dhan $ 5,00,000 USD.
Bar-Is-Marinwaaga
Mawqifyada aanu kala taaganahay ee aniga iyo M/weyneyaashu aanu isku mari la’nahay waxay tahay sidan;
• M/wyne Daahir Rayaale Kaahin: - waxaa Ka Go’an inuu i Xaq-seejiyo, oo Lacagtii Laga Qaaday Shirkadii MEG ee Lunaaniyiinta ahaa ee TOTAL ay Damiinal-maalka ahayd la lunsado oo aniga aan la isiinin, oo si aan loo helin Raadraac iyo wax Cadayn ahba oo ku saabsan Dhibtii Caafimaad Daro ee i gaadhay aanay dhicin inay Maxkamadda Sare Meelmariso Xukunkeeda;
• Aniga: waxaa iga Go’an in sifo Sharci ah mooyee aanan aqbalin Xoog-xoog iyo Qarjajac M/weyne oo aan daba Taagnaado helitaanka xuquuqdayda iyo Fulitaanka iyo Meelmarinta Xukunka Maxkamadda Sare;
• Maxkamadda Sare:- Waxaa Ka Go’an inay Fuliso Xukunkeeda oo Awoodeeda (gacanteeda) ay ugu soo qaado kuna bixiso kadib marka sidaas ay soo dalbadaan ciddii Loo Fuliyaha ahayd ee lahayd Xuquuqdaa Xukuman

Furashada Dacwad Maamul oo Lid Ku Ah Dawladda JSL
Waxaan ahay maanta Nin Looyar ah (Lawyer), waxaanan Maxkamadda Sare ee JSL aan ka Furanayaa Dacwad Maamul oo Lid ku ah magaca Dawladda JSL oo aan ku Dalbayo inay Dawladda la iga siiyo keligay Magdhow dhan $ 1, 000, 000 USD (Hal Milyan oo Doolar) oo ka badan kan TOTAL la iigu fulinayo ee M/weynahaygu uu ku mashquulay siduu ii seejin lahaa, magdhawgaas oo ka dhashay Maamul-Xumada (Maladministration) iyo Masuuliyad-darradda Madaxweyneyaashu kala dambeeyey ee Marxuum Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal illaahay ha u naxariistee oo qabriga ha u nuuree M/w. Daahir Rayaale Kaahinka maanta oo Dhibaatadii, Silicii, Rafaadkii, Naxdintii iyo Hagardaamooyinkii kala duwanaa ee isugu jiray (Physically, Morally, and/or psychologically) ee mudadaas 12-ka sanadood kudhowaadka ah ay ii geysteen oo iyagoo huwan Shaadhka Dawladnimo oo si khaldan u adeegsanaya Karaamada iyo Awoodda Masuuliyadeed ee Dawladnimo (Power abuses) iyagoo aan marqudhaataba ku xisaabtamin inay iyagu aniga i metelayaan oo ay ka masuuliyihiin ilaalinta Muwaadinka JSL ee Dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba, inay gutaan waajibaadkaas iska daayoo ay kolba is hortaagayeen Maxkamadda ii Fulinaysa Xuquuqahayga, magdhagaas oo uu ku jiro labada jeer ee M/weyne ahaan aad sababteen in Dhismahaygii Qoysnimo uu ku Burburo daba socoshada Fulinta Xuquuqahayga. Waayo Dawladda JSL ma aha mid u taagan (udhisan) inay Dadkeeda Dulmida oo xaq-seejisa, mana aha aha mid Sharciga ka saraysa, mana aha mid aan qabsoomayn oo dadkeeda ka garqaadan weyda. Laakiin waa dawlad leh Qiyam (Values) oo sida Dawladaha Caalamka u taagan inay ilaaliso xuquuqaha aadamaha, oo khaladaadka maamul ee ay cidda metelaysa Magaca iyo Masuuliyadda Dawladdu diyaar u ah inay Sharciga hortiisa ka garbaxdo. Markaa Maxkamadda Sare ee JSL ayaa aniga iyo Qareeno badan oo Somalilander ah oo I barbartaagani aanu dhowr cisho kadib ka furaynaa kiiskaa Maamul ee aan Ku Dalbayo Magdhawga Maamul (Administrative Remedies).
Haddii Madaxweynaha JSL uu si cad Dadweynaha JSL hortooda uu uga qirto khaladaadka Maamul ee ay iga galeen, isla markaana uu si cad carabka ugu dhufto inaan ahay muwaadin Somalilander ah oo Sharciga xagiisa u ciirsaday oo Dawladiisu ku khaldantay, hadday taasi dhacdo anigoo eegaya karaamada iyo dhaqanka suuban ee ummaddan ayaa sababtaas darteed wax badan oo xuquuqdayda ah aan ka tanaasuli doonaa. Haddii kale, oo uu is adkeeyo Madaxweynuhu Sharcig hortiisa ayaanu ku xisaabtami doonaa.
Dacwaddan oo lid ku Dawladda JSL si waafaqsan Qodobka 97 aad xubintiisa 1aad, ee Dastuurka JSL waxaa oogisteeda ila geli doona looyaro dhawr ah oo Somalilander ah. Sidoo kale waan soo dhawaynayaa looyar kasta oo iga taageera arinkaas oo ila soo gala dacwaddaas oo ila difaacaigala dooda Maxkamadda Sare horteeda Xuuqda Muwaadinka ee magdhaw ahaan uu aka mudan yahay dawladdiisa. Lacagtaasi waxay ahaan doontaa mid laga saari oono jeebka daDawladda, oo lagu sunti faylkana loo gelin doono M/weyneyaasha oo ah khaladaadka Maamul xumo ee dadka muwaadiniinta ah ay soo gaadhsiiyeen
Qaddarka lacagtu ma aha muhiimadda Oogidda Dacwadda, laakiin Qaddiyadda ayaa muhiim ah, si tusaale ay ugu noqoto madaxda dalka, oo la arko in Dawladdu ay tahay mid aan u taagnayn inay dadkeeda dulmido magdhawna(Xaalna) ka bixiso dhibta gaadha muwaadiniinteeda.

ARRINBA ALLAA ISKA LEH
Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salidhige)

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking