COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, January 7, 2010

Sadex Nin oo Soomaali ah Oo Lagu Diley Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykan


Qaahira(Maroodijeex) Alle ha u naxariiste waxaa habeenimadii xalay dil togaasho ah  lagu diley sadex nin oo u dhashey dalka Soomaaliya.  kuwaas oo ahaa ganacsadayaal iska leh goob lagu iibiyo hilibka xalaasha ah.
Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa sheegtey in beleyska ay heleen fariinta gar-gaarka deg-dega ah taas oo ku saabsan dhac loo geysanaayo meel dukaan ah oo markaas la siiyey cinwaanka.
Saddexda nin ee Soomaaliga ah isla markaana la diley ayaa ahaa kuwo qaraabo ah, iyadoo goobtan hilibka lagu iibiyaana ay wada lahayeen, waxayna ku soo galeen dalka maraykanka qaab qaxootinimo.


Si kastaba ha ahaatee, waxa markiiba goobta so gaadhey duqa magaalada Minneapolis Rybak oo goobta yimid si uu  su´´aalo u waydiiyo beleyska iyo dadkii shacabka ahaa ee goobta isugu soo baxay, wuxuuna sheegay, in ay samaynayaan sidii raggi falkan geystey  gacanta loogu so dhiigi lahaa.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking