COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, January 28, 2010

Qarax maanta ka dhacay Laascaanood oo lagu dhaawacay guddoomihii gobolka dadka kalana ku dhinteen



Laascaanood (Nasiiba)- Mid ka mid ah ilaaladii Guddoomiyaha Gobolka Sool Saalax Askar Xuseen ayaa dhintay, Guddoomiyaha iyo afar qof oo kalena waxa soo gaadhay dhaawac ka dib markii maanta Laascaanood lagula beegsaday Bam nooca meesha fog laga hago ah.
Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood, Guddoomiyaha Gobolka Sool Saalax Askar Xuseen oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Ilaaladiisa, ayaa Bambo nooca meesha fog laga hago ah oo Gurigiisa la ag-dhigay lagu qarxiyay abbaaro 11:15 subaxnimo ee saacadda Afrikada bari, waxaana halkaa ku dhintay mid ka mid ah Ilaaladiisa, halka ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale oo uu ku jiro Guddoomiyuhu.


Guddoomiyaha, Darawalkii Gaadhiga u waday, mid ka mid ah Ilaaladiisa iyo laba qof oo kale oo shacab ah oo goobta ka ag-dhawaa ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaas oo gelinkii dambe ee maanta dhaawacooda la keenay Cusbatalka guud ee Burco, halkaas oo lagu dawaynayo. Guddoomiye Saalax ayaa la sheegay in dhaawac culus uu ka gaadhay Wejiga, Madaxa dhiniciisa dambe ee Qadaadka iyo lugaha. Sidoo kale, waxa uu warku sheegay in Darawalkii gaadhiga u waday iyo gabadh ka mid ah daka shacabka ah ee dhaawacmay uu dhaawacoodu culus yahay.
Dhawaanahan waxa isa soo tarayay Qaraxyada lagu ugaadhsanayo Madaxda iyo Masuuliyiinta Ciidanka Booliska ee Gobolka Sool iyo Madaxda kale, kuwaas oo badankoodu ka dhacay Magaalada Laascaanood.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking