COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, January 7, 2010

Hargeysa: Wasiir Xukuumadda ka tirsan oo garaacis dhulka loogu tuuray

Hargeysa (Maroojeex)- Ciidanka Booliska Amaanka, ayaa la sheegay inay xidheen nin la yidhaahdo Siciid Saalax Nuur oo ay wada dhasheen marxuum Fagadhe oo ahaa Danjirihii Somaliland u joogay dalka Faransiiska oo shalay lagu aasay magaalada Hargeysa.


Inkastoo aanay Boolisku wax war ah ka soo saarin xadhiga ninkaas, haddana waxa sida la sheegay loo xidhay ka dib markii uu garaacay, dhulkana ugu tuuray Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Maxamed Xagar Dirir oo ay isku gobol ka soo jeedaan Danjirahaa geeriyooday.


Haddaba, waxa uu xalay Wargeyska Ogaal khadka Telefoonka waraysi kula yeeshay Wasiirka ay is faro-saareen marxuum Fagadhe walaalkii. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan;


S: Wasiir; waxa na soo gaadhay warar sheegaya inaad Marxuum Fagadhe walaalkii isku faro-saarteen Xabaasha dusheeda, arrintaa ma jirtaa?


J: Haa, way jirtaa.


S: Dabadeedna siday wax u dhaceen?


J: Arrintu waxay dhacday markii ninka (Marxuum Fagadhe) la aasayay ee dadka badidoodu soo dareertay.


Anigu ninka maan garanaynin, dabaadeedna isagoo nin yari daba socda buu ii yimi anigoo niman la taagan, wuxuuna igu yidhi; ‘adeer, sow hebel ma tihid, ka dibna nabarkii baa ii xigay.’


S: Nabarka kuu xigay muxuu ahaa, muxuu ku yeelay?


J: Bakoorad buu Luqunta igaga dhuftay oo waan dhacay, waanan miyir-beelay. Cabaar markaan miyir la’aa ka dib baan miyirsaday.


S: Markaa imika maxaad qabtaa?


J: Dhulkana waan ku dhacay, ushuna Luqunta ayay igaga dhacday. Usha xaga dambe muu haynine dhexda ayuu haystay, dabadeedna nabar gaadmo ah anigoo aan iska filaynin uu dhanka Midig ee Luqunta igaga dhuftay….Waa la I soo qaatay oo Cusbatalka baa la I geeyay.


S: Ma Cusbatal baa lagu dhigay oo aad imika igala hadlaysaa?


J: Mayee, imika guriga ayaan joogaa.


S: Waxa la sheegay in markii arrintaasi dhacday ay ninkaa Boolisku qabteen, sow sidaa maaha?


J: Iyagoo raadinaya (Boolisku) ayaa iigu dambaysay, inay qabteena war uma hayo….Wuxuba intaas uun bay ahayd.


S: Wasiir; arrinta lagugula dagaalamay maxaa keenay?


J: Ma garan karayo. Waxa la igu yidhi ninka dhintay bay walaalo ahaayeen, weligayna hore uma arag oo wuxu la socday Diyaaradda (maydka siday).


S: Maadaama aad ka mid tahay guddiga loo saaray aaskii Marxuumka, ma laga yaabaa inuu segsaag kaa tirsanayo?


J: Muxuu iga tirsan karaa?


S: Laga yaabaa segsaag la xidhiidha dhinaca qabanqaabada aaskii marxuum Fagadhe?


J: Ma isagaa warba u haya. Waxaan u malaynayaa markii hore ayaa lagu yidhi halkaa (Paris) halagu aaso. Waxay ahayd hadal iyo wax loo dhiibay uun oo ay ahayd, ninkuna dee Ul ma sidan oo Diyaaradda ayuu la socday, mu’aamarad uun baanay iska ahayd.


S: Markaa adigu ma ragga Xukuumadda ka tirsan ee soo jeediyay in marxuumka Paris lagu aaso ayaad ka mid tahay?


J: Xabaalaha Islaamku xagaana (Paris) way yihiin, xagana (Hargeysa) way yihiin.


S: Laakiin, aragti ahaan marka hore waad qabtay sow maaha in Paris lagu aaso?


J: Anigu go’aanka miyaan lahaa? Anigu go’aankaa ma lihi, anigu shaqsiyan halkaana kuma aasi karaynin, halkana ma keeni karaynin.


Xigasho: Wargeyska Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking