Hargeysa 25, Jan.2010 (Ogaal)- Ciidanka qaranka Somaliland, ayaa la sheegay inay gaadheen tuulada Holhol oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.
Sida uu xalay baahiyay Telefishanka Horn Cable, Ciidanku waxay tuulada Holhol u tageen si ay uga hortagaan shir Somaliland ka dhan ah oo la doonayo in lagu qabto degaankaas, kaasoo ay dhawaan shaaciyeen qaar ka mid ah Garaadada beesha gobolka Sool.
Warku wuxuu intaa ku daray, in Ciidanka Milaterigu markii ay gaadheen tuulada ay qabqabteen saddex ka mid ah Garaadada doonayay inay shirkaas qabtaan. Waxa la sheegay in Ciidanku fadhiisin ka samaysteen tuulada Holhol, isla markaana ay halkaas ka baxsadeen qaar ka mid ah koox dhowaan shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo muddooynkii u dambeeyay abaabulayay shir lagu diidan yahay Somaliland .
Dhinaca kale, Ciidanka Qaranka ee jiida hore, waxay shalay u ruqaansadeen dhinaca Puntland.
Sida warku sheegay, Ciidanku waxay ku ruqaansadeen oo ay gaadheen tuulada Tuko-rag oo ilaa 50 Km u jirta magaalada Garoowe ee maamul-gobolleedka Puntland.
Hargeysa: Ciidanka Booliska oo is hortaagay dadweyne gadood sameeyay
Hargeysa 25, Jan.2010 (Ogaal)- Ciidanka Booliska ee Somaliland , ayaa is hortaagay dadweyne gadood ka sameeyay magaalada Hargeysa.
Taliyaha guud ee Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in dadkaas oo dumar iyo dhalinyaro u badnaa ay doonayeen inay gacanta ula tagaan nin habeenimadii Jimcihii aynu ka soo gudubnay wiil dhalinyaro ah Toori ku dilay, kaasoo weli maydkiisu yaalo Cusbatalka guud ee Hargeysa.
Taliyuhu waxa uu sheegay in dilka wiilkaa dhalinyarada ahi ka dambeeyay ka dib markii hoteel dhinaca Bariga magaalada ku yaala uu isku dhac ku dhexmaray dhalinyaro aroos ka qaybgashay. “Niman dhalinyaro ah baa is af dhaafay, dabadeedna mid baa Mindi la geliyay oo u dhintay, imikana dilkiisa shan baa u xidhan,” ayuu yidhi.
Mr. Maxamed Saqadhi Dubad waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo inay gudbiyeen dadka falkaas loo haysto oo sida la sheegay Maxkamadda gobolka Hargeysa shalay rumaan ahaan ugu gudbisay Xabsiga Mandheera. “Hala rumaangareeyo ama Saldhiga haku jireena, waa loo hayaa, nimankana wixii loo xidhay baa lagu eedaynayaa, kiiskana baadhistiisii baa socota,” ayuu raaciyay. “Dhalinyaro ehelka ninka dhintay ah baa buuqa samaynayay, cadhaysnaa oo lahaa ‘noo soo saara anagaa wax ka qabane’. Markaa rumaan may diidanayne, waxay doonayeen inay ninka farosaaraan oo ay waxyeeleeyaan,” ayuu yidhi Maxamed Saqadhi oo ka jawaabayay waxyaabaha ay dadweynuhu doonayeen.
Taliyuhu waxa uu sheegay in aanay jirin cid ay u xidhxidheen gadoodkaa dadweynuhu sameeyeen.
Dhinaca kale, sida uu sheegay Weriye Wargeyska Ogaal ka tirsan oo goob joog u ahaa isku-dhacaa kooban ee Booliska iyo dadkaa dibad-baxa samaynayay, Ciidanku waxay rasaas ay kor u rideen u adeegsadeen inay kala dareeriyaan dadkaas. Intii uu socday is wajahaada Ciidanka iyo dadkaasi, waxay askartu mararka qaarkood dhagax-tuur kaga jawaabayeen shiidh ay dadweynuhu la beegsadeen Ciidanka iyo Saldhiga dhexe ee Booliska Hargeysa.
Dawladda Itoobiya oo xidhay Xadka ay la wadaagto Somaliland iyo socdaalka Meles Zenawi ee Jigjiga
Jigjiga, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- Dawladda Itoobiya ayaa muddo 48 saacadood ah xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland , waxaanay joojisay gebi ahaanba isu-socodka gaadiidka ee u kala gudbi jiray labada dal, marka laga reebo Baabuurta Qaadka.
Inkasta oo aanay labada Dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya si rasmi ah uga hadal arrintan, haddana siday Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Dawladda Itoobiya ayaa shalay xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland, kaas oo ay sheegtay in uu xidhnaan doono muddo 48 saacadood ah oo shalay ka bilaabma, kuna eg maanta oo Isniin ah. “Toddobaadkii u dambeeyayba waa la adkeeyay xadka, si adag baana loo baadhayay dadka ka gudbaya, balse maanta (shalay) ayaa la xidhay. Dhinaca Somaliland waxa tuman dad badan oo u gudbi lahaa dhinaca Itoobiya, waxaanay buux-dhaafiyeen Huteellada la seexdo.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalo-xuduudeedda Wajaale oo Wargeyska Ogaal uga waramay arrintan. “Baabuurta Qaadka ka soo qaada Itoobiya oo kaliya oo aanay Darawalka iyo raacuhu oo kaliya la socdaan ayaa la ogol yahay inay ka gudbaan Xadka, kuwaas laf ahaantoodana lama ogola inay dib ugu noqdaan Itoobiya ilaa amar dambe oo waxa la faray in ay joogaan dhinaca Somaliland.” ayuu intaa raaciyay qofkaasi. Waxaanu sheegay in dadkii ka bixi lahaa Itoobiya ee u socday dhinaca Somaliland lagu joojiyay Magalaada Jigjiga oo aan loo ogolayn inay ka baxaan ilaa xadka la furayo.
Sababta loo xidhay Xadka ayaa lagu sheegay in uu Ra’iisal-Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi markii ugu horraysay muddo 20 sano ku dhaw oo uu xilka hayay uu socdaal ku imanayo magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. “Magaalada Jigjiga waxa lagu qabanaa shirkii xoolo-dhaqatada Itooobiya oo beri (maanta) oo Isniin ah, marka laga yimaaddo masuuliyiinta kale ee ka qayb-galaya, waxa Shirkan imanaya oo ka qayb-galaya Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo la filayo in uu Diyaarad ku yimaaddo.” Waxa isna sidaa Ogaal u sheegay mid ka mid ah masuuliyiinta u dhuun-daloola arrintan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.
Masuulkani wuxuu intaa ku daray in waqtiga la filayo in la furo Xadka Somaliland iyo Itoobiya ay tahay marka uu Meles Zenawi ka amba-baxo magaalada Jigjiga. “Waxa la filayaa in uu Jigjiga joogo muddo afar saacadood ah, waxaana la furi doonaa xadka marka uu noqdo gelinka dambe ee beri (maanta). Inta ka horraysa waxa la sheegay in uu xidhnaan doono xadku.” Ayuu yidhi masuulkaasi.
Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Booliska ee Jigjiga oo loo magac-bixiyay Booliska cusub (New Police), ayaa la keenay magaalo-xuduudeedda Wajaale, kuwaas oo ilaa shalay hubinayay hirgelidda xidhitaanka Xadka, isla markaana kormeerayay xadka.
Maaha markii u horraysay ee ay Dawladda Itoobiya xidho xadka ay la wadaagto Somaliland , hase ahaatee sanadkii hore ayay ahayd markii muddo gaaban ay sidan oo kale u xidhay, balse ay markii dambe dib u furtay.
Garoowe: Dil lagu xukumay nin Al-Shabaab uga adeegi jiray Hargeysa iyo Kismaayo
Garoowe 25, Jan.2010 (W.Wararka/Ogaal)- Maxkamadda derajada koowaad ee magaalada Garoowe ee maamul-gobolleedka Puntland, ayaa xukun dil ah ku riday nin la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Nugaal ee Puntland Sheekh Cabdinuur Jaamac Xusseen, ayaa sheegay in ka dib marii Maxkamaddu dhegaysatay dacwadda Xusseen Maxamed Cali oo 20 jir ah oo Al-Shabaab ka tirsanaa, ay ku xukuntay dil toogasho ah.
Guddoomiyuhu waxa u sheegay in markii wiilkan Maxkamadda la soo taagay uu qirtay dambiyada lagu oogay, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid ahaayeen; inuu Al-Shabab sawiro u qaadi jiray, isla markaana uu u kala safri jiray magaalooyinka Hargeysa, Garoowe iyo Kismaayo, sidaa darteedna ay Maxkamaddu go’aamisay in dil toogasho ah lagu fuliyo.
Xusseen Maxamed Cali oo ah wiilka xukunka lagu riday oo xukunkaa ka dib Saxaafadda kula hadlay Maxkamadda Garoowe, waxa uu sheegay iuu qirsan yahay eedaha loo haysto oo ah inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Wiilkan oo labaatan jir ahi, waxa uu sheegay in hadda ka hor Maxkamadda lagu soo taagay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Dhinaca kale, maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Nugaal, ayaa isla shalay xukuntay Cabdiweli Maxamed Daahir oo l sheegay in Ciidanka Amaanka ee Garoowe isagoo xidhan dharka dumarka, waxayna Maxkamaddu ku xukuntay 10 sannadood oo xadhig ah.
Doraad waxay Maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Bari xukun dil iyo xabsi dheer ah ku riday dad la sheegay inay dilal ka geysteen badhtamaha magaalada Boosaaso ee Puntland.
KULMIYE oo ka hadlay xaaladda dalka iyo hadal Xukuumadda ka soo yeedhay
“Madaxweyne Rayaale ha la waydiiyo inuu ogol yahay in ku-xigeenkiisu Wasiirada beddeli karo”
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose
Hargeysa, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- “Saddexda Xisbi waxa ay isku raaceen oo ay ku heshiiyeen Lixdii qodob, oo ay gundhig ay u ahayd in doorashada la qabto, dalkana xasarad siyaasadeed laga badbaadiyo, wixii hada ka dambeeyana dalka iyo dadka looga tudho in wax carqalad ku keeni kara xasiloonida, wada jirkooda iyo hab sami u socodka dimuquraadiyada laga ilaaliyo. Laakiin nasiib-daro baryahan dambe sida aad la socotaan waxa ka socda dhanka Xukuumada iyo Xisbiga talada haya ee UDUB weeraro si badheedh ah loogu qaadayo Xisbiga KULMIYE, hadii ay tahay Guddoomiyaha iyo hogaankiisa iyo hadii ay tahay qaabkiisa jiritaan oo dhan. Arimahaa oo xag xagashadooda loogu talo galay sida aan dareensanahay in xasaasiyad siyaasadeed lagu abuuro si hab sami u socodkii iyo heshiiskii ahaa in laga midho dhaliyo, doorashaduna ay si wanaagsan u dhacda carqaladani ku dhacdo.” Sidaa waxa yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo shalay ka hadlay Shir-jaraa’id oo ay qabteen hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE.
Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa shalay jawaab ka bixiyay hadal hore uga soo yeedhay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, isla markaana waxay ku eedeeyeen in ay si gurracan u adeegsadaan Warbaahinta Qaranka iyo talada dalka. “Hadii aan arimahaas mid mid u soo qaadano Idaacada Radio Hargeysa iyo Tv-ga qaranka saacad alaala iyo saacada aad furataan waxa a socda hadalo dhaxli leh hadalo colaad abuuraya, hadalo aflagaado ah, waad ogaydeen oo dalka Rwanda waxay lahayd Idaacad qudha waxa ku dhintay Kumaankun qof, markaa hubka Warbaahinta marka si qaloocan loo isticmaalo wuxuu noqon karaa hub khatarteeda leh.” Ayuu yidhi Dr. Gabboose.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Ololaha KULMIYE ee gobollada bariga Somaliland Dr. Gabboose wuxuu ka jawaabay hadal hore uga soo yeedhay Xukuumadda, kaas oo ay ku sheegeen in Guddoomiyaha KULMIYE aaminsan yahay Soomaaliweyn. “Guddoomiyaha Axmed Maxamed Siilaanyo la idin bari mayo, bulshada Somaliland la bari mayo, Xukuumada iyo Xisbiga UDUB la bari maaayo, noloshiisa oo dhan waxa ku qaatay geed hoostii iyo Kaneecada iyo nolol adag, naftiisa ayuu huray inay xabadu ku dhacdo inay dhibaatada uu dadkiisa lagu hayey ee murugsan uu ka badbaadiyo. Halgankii aad ogaydeen ee maanta midhihiisa aan wada hadhsanayno oo waliba kuwa isaga aflagaadaynayaa ay yihiin kuwii dhanka kale ka soo jeeday markii uu isagu halganka waday, ayaa maanta lagau leeyahay hadalo qaloocan oo ah Maddaarka kama soo degi karo, cafis ha waydiisto oo Wasiiradii dawlada ugu waynaa ay ku hadlayaan oo waa nasiib darada iyo taariikhda ummada. Waxa ay sabab uga dhigeen Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi Federaal ayaan aaminsanaa. Waxaan idin xasuusinayaa Ururkii SNM waxa uu ahaa urur ka abuurmay ummada xuquuqdoodii jiritaan iyo xasuuq joogto ah lagu hayey sidii ay isaga dul qaadi lahayeen, Ururkaasi distoorka uu lahaa waxa ku qornaa Somalia wada jir ah ay u tahay siyaasadiisu, sababtoo ah markii la bilaabayey arimahaas ama ahaato dalka aan deriska la ahayn iyo aragtii uu ka qabay, ama ahaato dadka halganka u soo baxasy oo nin walba fikradiisa ayaa lagu qoray. Marka halganku soo dhawaadaba xaqiiqda runta ah ayaa isa sii qorayey in ummada iyo guddoomiyahoodu uu arimahaasi ka yidhi Cabdilaahi Yuusuf oo ahaa hogaankii Ururkii SSDF ayaa ka markhaati kacay, hadii uu maanta Siilaanyo yidhaahdo waxaan aaminsanaa Federaal xaq buu u lahaa qofkasta oo SNM ku jiray inuu afkaartiisa soo bandhigo.” Ayuu yidhi Dr. Gabboose, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Laakiin Xisbigan SNM waxa sal u ahaa Dimuquraadiyad, waxaad doonto aamin, balse intayada badani halka aanu isku raacno ayaad aaminsan tahay, waxaaan ku soo galnay oo aanu dalka ku nimid iyadoo SNM oo dhami, aniguna (Gabboose) waxaan ku jiray golaha dhexe, ay maalintaas ay dhammaanteed ay u bislaayeen in Somaliland go’do, Axmed Siilaanyana kamuu duwanayn. Tusaale ahaan Guddoomiyihii markaa na hogaaminaayey oo noqday Madaxweynaha dalka muu qarin fakirkiisii inuu Federaal aaminsan yahay waa Cabdiraxmaan Tuur Alle ha u naxariistee, waayo fikirku dambi maaha ee waa talo la kala dooranayo, waxaanu yidhi ‘sida Imaaraadka aan noqono dawlado kala jira, hase yeeshee shacabkiisa ayaa yidhi maya ee waanu go’aynaa, iyagaanu u ogaansamay.”
Waxa kale oo uu Gabboose jawaab ka bixiyay hadal Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibeddu oo uu ku sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE aanu dalka iman ilaa uu cafis waydiisto Xukuumadda. “Wasiir-ku-xigeen ayaa yidhi kama soo degi karo Maddaarka, Wasiir baa yidhi wax dambi oo Axmed galay ma jirto, Wasiir kale ayaa kaga dambeeyey oo yidhi cafis hana waydiisto, Xukuumada na haysata sida ay u jaho wareersan tahay oo aanay siyaasad midaysan lahayn, ku dheeraan mayo, balse waxaynu eegi cida Maddaarka iska hor taagta. Arinta xaasaasiyad lagu abuurayo waxa ka mid ah Guurtida, waxaan ognahay nidaamka loo dhisi qaab dhismeed, inteenan hadaan qof ka dhigano hogaamiye ama guddoomiye ka dhigano in aan ku xigeenkiisu waxba bedelin Karin, hadiiba uu awood u leeyahay inuu wax bedelo Madaxweyne Rayaale hala waydiiyo inuu ogol yahay in ku xigeenkiisu Wasiirada bedali karo, maxaa ka dhigay Shirguddoonka, waxa nasiib daro ah in golihii ugu qaalisaa dalka albaabada loo xidho, sababta loo xidhayna tahay wax alaala iyo wixii aad dhigatay inagaa bedelay hadaan ku xigeenkaagii ahay.” Ayuu yidhi Gabboose.
Waxa kale oo uu ka hadlay xadhig la sheegay in Xukuumaddu la doonayso Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Maxamed Xaashi Cilmi ma diidin Haya’ada sharciga, Maxamed Xaashi waa aasaasayaashii dalka xoreeyey, Maxamed Xaashi nololashada ugu qaalisan isagoo ka heli kara Maraykan ayuu cimrigiisa ku dhamaystay darxumo iyo halgan, waxa la isku khaldayaa Askariga CID-da ah xogta ee uu soo helo waxa uu u gudbiyaa haya’adii soo diratay, siyaasiguna fikirkiisa ayuu cabirayaa, hay’adu waxay hay’ad tahay markaad cadaalada ka heshid, hore ayaan Aniga (Gaboose), Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid hore ayaanu u soo aragnay Hay’adaha ay sheegaan oo dhakada ayaa laga maamulaa. Maxamed Xaashi ma diidana haya’ada garsoorka ee wuxuu diidan yahay karaamo dhaca, Maxamed Xaashi ma diidana qarannimo ee waxa uu diidan yahay kuwo ku gabanaya qaranimada, Maxamed Xaashi waxa u taagan yahay xariyatul qawlka, anana waan la qabnaa oo waanagaa hadlayna, markaa waxaan leeyahay Haya’adaha qaranka ee aad sheegaysaan ka dhiga kuwo qaranka u qalma, Askarigii ayaa laga dhigay mid shaqsi u shaqeeya.” Waxaanu Xukuumadda iyo Xisbiga UDUB ku eedeeyay inay gobollada ka bilaabeen Olole aanu Komishanku fasaxin.
Dr. Gabboose waxa uu Komishanka ugu baaqay inay fiiro u yeeshaan wax kasta oo carqaladaynaya habsami-u-socodka hannaanka qabashada Doorashada, maadaama iyaga loo igmaday hawlahaas.
Fadhigii Golaha Guurtida oo maalintii labaad u baaqday kooram-la’aan
“Ma ogi waxaanu shirguddoon ahaan ku kala maqanahay, laakiin Mudanayaal Goluhu wuxuu inoo furmayaa..”
Guddoomiyaha Golaha Guurtida
Hargeysa, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in aanu ka war-qabin sababta keentay in shirguddoonka Golahaasi ku kala maqnaado Golahaas oo maalintii labaad fadhigiigiisii baaqday, ka dib markii uu kooramku buuxsami waayay, isla markaana ay Shirguddoonku isu-dhammaan waayeen.
Fadhigii Golaha Guurtida Soamaliland ee shalay ayaa maalintii saddexaad kooram la’aan u furmi waayey, kadib markii ay Mudanayaasha garabka Muxaafidka ah ee la safan labada guddoomiye-xigeen ee Guurtidu ay ka soo xaadiri waayeen saddexdii fadhi ee u dambeeyey.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhigaas guddoominaayey oo kelmado kooban u jeediyay mudanayaashii madasha ka xaadiray, ayaa sheegay in aanay Shirguddoon ahaan dhammayn, isla markaana aanu garayn sababta keentay kala maqnaanshaha, taas oo loo aanaynayo maqnaanshaha Mudanayasha Guurtida. “Kooramka Goluhu ma dhama, Anaguna (Shirguddoon ahaan), ma dhamin, kolayba waxaanu kula maqan nahay ma ogi, markaa Mudanayaal waa in Goluhu isku soo dhammaado Sabti.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.
Labadii fadhi ee u dambeeyay oo ka mid ah saddex maalmood oo ay Guurtidu leeyihiin inay ku shiraan Hoolka shirarka ee Guurtida, maadaama ay saddexda maalmood ee kale Hoolka ku shiraan Mudanayaasha Wakiilada oo Hoolkoodii shirku dhisme ku socdo, ayaa baaqday, isla markaana waxa Golaha Guurtidu u ballamay inay kulmaan sabtida soo socota.
Maamulka Gobolka Togdheer oo shaaciyay abaaro ka jira Deegaano ka tirsan Gobolkaas
“Waxaan idiinku yeedhay inaan idinku wareliyo xaaladaha Abbaareed ee ka jira gobolka Togdheer”
Badhasaabka gobolka Togdheer
Burco 25, Jan.2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Biin, ayaa hay’adda iyo ururada samofalka ka dalbaday inay Biyo gaadhsiiyaan dadka iyo Xoolaha ku dhaqan tuulooyinka ku xeeran magaalada Burco.
Mr. Biin oo shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay hay’adda samafalka ee ka shaqeeya gobolka Togdheer, waxa uu ka warbixiyay socdaal uu dhawaan ku soo maray deegaamada gobolkaas.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dhulka uu soo maray uu ku arkay Abbaaro daaq la’aan ah iyo Biyo la’aan ba’an, sidaa darteedna ay dadkaasi u baahan yihiin gurmad iyo taakulayn degdeg ah. "Waxaan idiinku yeedhay in aan idinku wargaliyo xaaladaha abaareed ee ka jira gobolka Togdheer iyo waxyaabaha laydiinka baahanyahay,” ayuu yidhi Jaamac Cabdullaahi Biin.
Waxa uu hay’adda iyo ururada samofalka ee gobolkaa ka hawlgala u soo jeediyay inay si degdeg ah wax ugu qabtaan dadkaas tabaalaysan, isla markaana gudbiyaan fariimaha Biyo la’aanta iyo abbaaraha deegaankaas ku dhuftay.
Guddoomiyuhu waxa uu shegay inuu kulan noocan oo kale ah la yeelan doono ganacsatada, si ay gacan uga geystaan Biyo-dhaamis loo sameeyo dadkaas.
Ilaa labaatan hay’adood oo kulankaas ka qaybgalay, waxay dhinacooda balanqaadeen inay maalmaha soo socda soddon Booyadood oo Biyo ah u dirayaan deegaamada Biyo la’aantu ka jirto, isla markaana ay gudbin doonaan baaq la xidhiidha xaaladaaas.
0 comments:
Post a Comment