COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, June 6, 2010

Isu-soo-bixii ololaha maalinta 2aad ee xisbiga talada haya ee UDUB iyo taageerayaashiisa

Hargeysa (NNN)- Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa maanta muujiyay dhoola tus aad u balaadhan, kana sameeyay Gobollada dalka Somaliland, gaar ahaan Beerta xorriyada ee Magaaladda Hargeysa. Isu soo baxaasi oo ayna u kala hadhin yar iyo weynba, waxa ay ahayd maalintii labaad ee Ololaha Xisbiga UDUB ku muujiyay taageeradooda.
 
Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa khudbad dheer ka jeediyay, waxana uu ku bilaabay hadalkiisa “In Badan ayaa la lahaa UDUB way ku fashilantay barnaamujkeedi Siyaasadeed, kumaanaan fashilminee ee Beri [Isniin] ayaanu keenaynaa oo cidwalba la siinayaa. Ta labaad Xisbigeenu [UDUB] waa Xisbi fac-weyn ee waxaan idinkula dar-daarmayaa sida Xisbiyada kale inaan la caytamin oo aan cidna la xajiimayn oo ololahana si fiican loo galo,".

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Nin ku nool waddanka Soomaaliya oo nolosha la wadaaga Yaxaasyo ay saaxiibeen

Jawhar, (NNN)- “Waxaanu u socdaallay badhtamaha Deegaan dhaqan ahaan ilaa xad reer Miyi ah oo ah Soomaaliya, si aanu ula kulano Nin Yaxaasyo kula nool Webiga Shabeelle.” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin lagu baahiyay Shabakadda wararka ee Sunatimes, taas oo la xidhiidha hab-nololeedka Nin Soomaali ah oo la nool Yaxaasyo.
Warbixintan oo uu qoray Cabdinaasir Maxamed Guuleed oo ah Suxufi Soomaali ah, isla markaana ku qornayd Afka Ingiriisiga, ayaa iyada oo dhamaystiran u dhignayd sidan;
“Waligaa ma maqasheen Qof bani’aadam ah oo hoggaamiye u ah Yaxaasyo? Had iyo jeer maan rumaysan jirin oo waxaan moodayay in ay arrintani tahay sheeko caruureed khiyaali ah. Laakiin, markii dambe waxaan go’aansaday in aan tago goobaha ay ku nool yihiin Yaxaasyadu.
Baadhistaydii waxay I geysay Magaalada Jawhar oo ah magaalo 55-Mayl Muqdisho ka xigta dhinaca Waqooyiga. Waxa jira Madaar ku yaala dhinaca waqooyi ee magaalada. Waa arooryo hore, waxaanan tegay tuulada Kulundi oo ilaa 4 Mayl dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta Jawhar, halkaas oo aan kula kulmay nin dhinac fadhiya Webiga Shabeelle oo gacmihiisa mid ka mid ah ku haya Kalluun yar.
Salaan aanu isweydaarsanay ka dib, waxaan waydiiyay waxay shaqadiisu tahay. Wuu qoslay, waxaanu ii sheegay in uu yahay hoggaamiye Yaxaas oo uu la nool yahay. Ka dib markii in cabbaar ah aanu kaftanay ee uu faahfaahin iiga siiyay habka uu ula nool yahay iyo sida uu amarrada u siiyo Yaxaasyada sidii Masuul shaqaalihiisii kala diraya, wuxuu si kedis ah iiga codsaday in aan ka aqbalo in uu I tuso sida uu ugu imanayo mid ka mid ah Yaxaasyadu marka uu magac ugu yeedho. Aniga oo la amakaagsan, isla markaana waxoogaa yar naxsan, ayaan ka aqbalay in uu sidaa yeelo, isaguna wuxuu ku dhawaaqay magac. Si degdeg ah waxa Webigii uga soo baxay Yaxaas yar, waxaanu fadhiistay dhinacayaga. Aniga oo ka welwelsan in uu na weeraro Yaxaaska na ag-fadhiyaa, ayaan waydiistay in aan ka durko Yaxaaska. Laakiin, wuxuu ii sheegay in aan is-dejiyo.
Dabadeed, Yaxaaskii yaraa wuxuu saaray garabkiisa midig, waanu la istaagay, isaga oo ula dhaqaaqay dhinaca Gurigiisa, isla markaana uu iga codsaday in aan u raaco. Markii aanu tagnay Gurigiisa, waxaan arkay Yaxaas ilaalinaya cidda galaysa Guriga.
Hassey Muse (maaha magaciisa dhabta ah) ayaa ku-sii sime ka ahaa xilka hoggaamiyaha Yaxaasyada, waxaanu fadhiyay meel u dhaw Hoygiisa. Mid ka mid ah Yaxaasyadii, ayaa si cadho badani ka muuqato dhinacayga ugu soo dhaqaaqay, laakiin Hassey ayaa Luuqad uu garanayo ugu sheegay Yaxaaskii in aanu ka dhaqaaqin halka uu taagan yahay. ‘Wuxuu ku arkayaa in aad tahay qof qariib ah ama cusub, waxaanu doonayaa in uu ku weeraro, laakiin meelna uma dhaqaaqi karo amar la’aan. Yaxaasyadu waa qayb ka mid ah Qoyskayaga, sababtoo ah way nagu dhex nool yihiin’ Ayuu yidhi Hassey. ‘Qoyskayagu way ku faraxsan yihiin Yaxaasyada, balse Yaxaasyadu cidna ma weerari karaan ilaa aan amar siiyo in ay ciddaas weeraraan.’ Ayuu intaa raaciyay.
Markii aan waydiiyay in ay dhici karto weerar aan la filayn oo kaga yimaadda dhinaca Webiga, waxa uu sheegay in waxyaabaha ugu badan ee ay Yaxaasku ka feejigan yihiin tahay.
Waxaanu tagnay dhinaca Webi, si aan u arko habka uu amarrada u bixiyo. Hassey wuxuu ii sheegay in aanan cabsanin marka ay Yaxaasyadu qaataan amarada iyo hadallo macnahoodu yihiin in ay isaga u yimaadaan. Waxaana markiiba si degdeg ah dibedda Biyihii uga soo baxay saddex Yaxaas oo dhaadheer, waawayn, isla markaana dhiniciisa u soo dhaqaaqay.
Hassey oo hoggaamiye-dhaqameed ka ah Tuulada Kulundi, isla markaana Yaxaas yar garabkiisa midig ku sita, ayaa ii sheegay in hoggaaminta Yaxaasyadu ay tahay wax uu ka dhaxlay Awowyadii.
Deegaankan noloshu si hoose ayay uga socotaa, Hassey Caruurtiisu ma tagaan Dugsiyo, mana bartaan Quraanka. Waxay iska joogaan Guriga oo waxay bartaan sida loo dabbaasho, loo kalluumaysto, lana ugaadhsadaan Aabahood. ‘Sidaan rejaynayo mustaqbalka dhaw, Wiilashayda yaryari waxay noqon doonaan ugaadhsadayaal waawayn sidayda oo kale.’ ayuu yidhi Hassey oo wakhtigaa tuurayay Xadhig ka kalluumaysiga ahi.
Hassey wuxuu sheegay ficillo tiro yar oo kaga yimaada dhinaca Yaxaasyada. ‘Bishii hore Xaaskayga waxa ka go’ay afar farood, ka dib markii Yaxaas yari uu Lugteeda midig dhaawac gaadhsiiyay.’ Ayuu yidhi Hassey oo la waydiiyay in ay suurtogal tahay in ay khatar ugu jiraan weerar ay Yaxaasku ku qaadaan. Waxaanu sheegay in Yaxaasyadu ay tababaran yihiin oo aanay falalkaas ku kacaynin.
Magaalada Jawhar waxa kale oo aan kula kulmay Faadumo Ducaale oo ah Hooyo 31 jir ah, waxaanan wax ka waydiiyay arrimaha Hoggaamiyaha Yaxaasyada. Hase ahaatee, intay qososhay ayay ii sheegtay in kelmadahaas ay markay yarayd ka maqli jirtay Ayeydeed.
Weerarada Yaxaasyada ayaa caan ka ah Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo caruur iyo dad waawaynba ay ku dileen ama ku dhaawaceen..Sanadkan oo kaliya inta la ogyahay hal qof ayay cuneen…”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Taageerayaasha Xisbiga UCID oo khalkhal geliyay xisbiyada kale ee KULMIYE iyo UDUB

Hargeysa,(NNN)- Taageerayaasha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shalay isu-soo-baxyo balaadhan ka dhigay magaalooyinka waawayn iyo degmooyinka dalka.
Isu-soo-baxaas oo qayb ka ah ololaha doorashada Madaxtinimada oo xisbiga UCID shalay maalintiisii koowaad u dabaal-degay, waxay taageerayaashu ku muujiyeen cududooda iyo taageerada ay u hayaan xisbigaas.

Burco:
Murashaxa jagada Madaxweynenimo ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbad u jeediyay kumanaan ka mid ah taageerayaashiisa ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Fagaaraha Burco oo ay hadalo ka jeediyeen xubno ka tirsan hoggaanka UCID, waxay taageerayaashooda uga warameen barnaamijyada ay dalka ku hagi doonaan haddii ay qabtaan talada dalka. “Walalayaal, waxa mihiim ah in aynu taariikhda dib u milicsano, 26 June waxaynu u dabaal-degaynaa 50 sanno guuradii ka soo wareegtay markaynu xornimada ka qaadanay Ingiriiska, kontonkaa sannona wax inaga dhaca mooyee wax inoo kordhay may jirin, waxaana sababay hogaanka oo inaga xumaday,” ayuu yidhi Murashaxa UCID. Wuxuuna ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland tan iyo 1960-kii. “Anagu UCID ahaan waxa aanu nahay iyadoo la leeyahay shir Beeled hala qabto raggii diiday qabyalada ee Xisbigi u horeeyay fura oo UCID ah, maantana waxa aanu wadnaa Kitaabka iyo in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka. Maxkamadda dalka waxa aanu dhigaynaa Kitaabka Quraanka ah, waxaanuna Maxkamadaha fadhisinaynaa Culimada waaweyn ee dalka haddi aanu talada dalka ku guulaysano ma arki doontan Madaxweyne iyo qof shicib ah oo isku haysta neef Adhiya, ma jirayso Maxjar dambe oo dadka lagu dhaco, ma jiri doonto TOTAL dambe iyo ganacsi kooto la galiyaa. Waxanu dalka ka dhigaynaa mid loo siman yahay iyo cadaalad ku wada noolasho iyo in aanu ka shaqayno horumarka dalka,” ayuu raaciyay. Wuxuuna taageerayaasha Togdheer ka codsaday in si isbedelkaa loo hirgeliyo la taageero xisbiga UCID.
Murashaxa UCID waxa uu baaq u jeediyay bulshada ku dhaqan degmada Buuhoodle iyo dawladdaha jaarka la ah Somaliland. “Reer Buuhoodle waxa aanu u fidinaynaa gacan walaalnimo iyo wadahadal ee ma doonayno dagaal. Somaliland ma kala go’i karto, markaa walaalayaal gacan wanaagsan baanu idiin soo fidinaynaa wixii aad tabanaysaan waynu wada dhamaynaynaa. Laakiin, Somaliland uma baahna dhiig dambe, uma baahna dagaal dambe, waxaana inoo cibaaro ah waxa ka socda Xamar. Dawladaha jaaraanka ah waxa aan leeyahay Jabuuti waxaanu leenahay waanu idiin soo halganay oo idiin dhimanay ee iska daaya koruboodada aad Soomaaliya ugu boodaysaan. Waxaan leeyahay, Somaliland way jiraysaa ee imaansada oo dhawra wada noolaanshaha iyo walaaltinimada. Itoobiya waxa aan leeyahay laba isku helimaysaan, in wixiinu si fudud dalkayaga u soo galaan, waxa dalkayaguna kootarabaan noqdaan, haddii aanu talada qabano arrintaa waanu kala hadlaynaa dawladda Itoobiya, anagoo dhawrayna jaar wanaaga,” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID. Wuxuuna intaa ku daray, in xisbi ahaan ay doonayaan in Itoobiya qaataan Milixda iyo Kalluunka Somaliland.
Murashaxa UCID waxa uu sheegay in maalintooda labaad oo ku beegan 8-da bisha, in aanay qaban doonin isu-soo-baxa ololaha, isla markaana kharashka maalintaas ku baxaya ay ku caawin doonaan Carruurta Agoomaha iyo Bukaan-jiifka Cusbataalada.
Waxa uu balanqaaday in haddii ay talada qabtaan ay wax ka qaban doonaan adeegyada bulshada oo uu sheegay inay dayacan yihiin, wuxuuna sheegay in waxbarashada ilaa heer dugsiga Sare ay bilaash ka dhigi doonaan.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in haddii ay talada qabtaan ay jaar wanaag kula noolaan doonaan Koonfurta Soomaaliya oo uu sheegay in aanay Somaliland dib ula midoobi doonin. "Dawladda Soomaaliya ee aynu walaalaha nahay , daris-wanaagsan ayaynu ka dhiganaynaa, laakin Soomaliland laba u dulqaadan mayso mar dambe UDUB ma dooran doonto waana ka mamnuuc, dadka reer Somalilandna mar dambe Xamar ku noqonmayso oo waa inaga xaaraan,” ayuu raaciyay. “Reer Burcow qabiilkiinu waa reer Togdheer, waxa laydinka doonayaa isku duubni iyo wadajir. Markaa waxaanu idiin wadnaa hadaanu nahay xisbiga UCID isbedel dhab ah iyo barnaamijka xisbiga ee aad aragteen oo aanu sidiisa u fulinayno. Sidaa awgeed, waxaan idiin sheegayaa UDUB way saqiirtay oo ka hadli mayo, balse labada xisbi Mucaarid waxaad ku kala dooranaysaan barnaamijkooda siyaasadeed iyo dadka ku jira. Xisbiga cadaalada iyo daryeelku maanta waxa uu idiin wadaa barnaamij aanu doonayno inaad ku doorataan, kaasoo aanu isbedel ku keeno. Waxaanu idiin wadnaa dad cusub oo musharixiin ah oo uu kaw ka yahay Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo ku-xigeenkiisa Dr. Maxamed-Rashiid iyo rakaabka ay soo wadaan ee wasiirada noqonaya,” sidaana waxa yidhi guddoomiye kuxigeenka UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo isna hadal ka jeediyay fagaarahaas.
Waxa kale oo iyana halkaas ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Burco, ahna Xoghayaha Beeraha UCID Prof. Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale, guddoomiyaha gobolka Togdheer ee UCID Cusmaan Ibraahim Nuur, Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, Axmed Xuseen Fagfagaash iyo masuuliyiin kale.
Isu-soo-baxii UCID ee Hargeysa:
Taageerayaashii ugu badnaa oo isugu yimi fagaaraha Beerta Xorriyada, waxa hadalo ka jeediyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbigaas oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Murashaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, Madaxa ololaha doorashada Madaxtooyada UCID, Xildhibaano golaha Wakiillada ka tirsan iyo masuuliyiin kale. “Waxa ay maanta (shalay) ugu horaysaa maalintii xisbiga UCID loo qorsheeyey, waana maalintii ololihiisa la xidhiidha doorashada Madaxweyenimada ee ugu horaysay, waa maalin taariikh leh. Waxaa kaloo maalintani tahay maalintii xabsiga Mandheera laga jebiyey ee laga sii daayay dadkii xaqdarada ku xidhnaa ee 5-tii June 1983-kii,” ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne kuxigeenka UCID.
Waxa uu ku dheeraaday barnaamijka hogaamineed ee xisbiga UCID iyo sida loogu baahan yahay in bulshadu uga fiirsato masiirkeeda, wuxuuna ka codsaday inay garab istaagaan xisbigaas. “Xisbi UCID waxa uu dhisi doonaa dawlad kooban oo tayo leh, annaga oo ka turjumayna rabitaanka shacabka, waxa aanu goo’aansanay inaanay tirada Wasiiradu ka badan 18 Wasiir. Xisbiga UCID waxa uu si aqooni ku dheehan tahay ku maamuli doonaa xilliga kala-guurta ah haddii ilaahay nagu guuleeyo doorashada. 12 maalmood ee ugu horeeya waxa aanu qabanaynaa laba arrimood oo muhiim ah oo ay isu imanayaan aqoonyahanka wax-garadka Somaliland oo aanu u soo bandhigi doonoo barnaamijkayaga wax-qabad. Waxa kale oo aanu qabanaynaa shirka kale oo muhiim ah oo aanu ku casuumayno baayac-mushteriga Somaliland, kuwa Soomaaliyeed iyo Ajanabi kasta oo doonaya inay wadanka maal-gashato,” ayuu raaciyay.
Dr. Maxamed-Rashiid waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay muhiimad gaar ah siinayaan dhalinyarada iyo Haweenka, si ay uga qaybqaataan talada dalkooda.
Guddoomiyaha ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UCID Saleebaan Daahir Cabdilaahi oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu taageerayaashaa uga mahadceliyay siday ugu soo baxeen xisbiga, una muujiyeen taageerada ay u hayaan. “Dadlka Somaliland isbedel uun uma baahnee, waxa uu u baahan yahay badbaado oo meel halis ah yaynu maraynaa, idinka ayaana badbaadin karaya,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cusmaan Caalin oo isna hadal kooban ka jeediyay isu-soo-baxaas, waxa uu dadweynahaa ku booriyay inay taageeraan xisbiga UCID, si loo hirgeliyo himilooyinka horumarka dalka.
Gebo-gebo:
Dhinaca kale, isu-soo-baxyo la xidhiidha ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UCID, ayaa shalay ka dhacay magaalooyinka Ceerigaabo, Boorama, Berbera, Gabiley iyo Wajaale.
Dibad-baxa Boorama oo kumanaan taageerayaal ahi isugu soo baxeen, waxa hadalo ka jeediyay Afhayeenka xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare iyo masuuliyiinta xisbigaas ee gobolka Awdal, kuwaasoo dadweynaha ku dhiirigeliyay inay taageeraan xisbigaas.
Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Muuse Xaaji Muxumed Guulleed (Inji), ayaa isna shalay dadweynaha ku dhaqan Gabiley iyo Wajaale kala qaybgalay isu-soo-baxyo ay dhigeen, kuwaasoo ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbigaas.
Mr. Inji waxa uu sheegay in haddii ay talada qabtaan ay dalka ku hagi doonaan Shareecada diinta Islaamka, isla markaana ka shaqayn doonaan horumarinta dalka.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, June 4, 2010

Dhoolatuskii Xisbiga Kulmiye iyo Taageerayaashiisa + Khudbadihii Masuuliyiinta Xisbiga + Sawirro

Hargeysa (NNN)- Kumaanaan kun oo qof oo ka mid ah taageereyaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta dhoola tuskii ugu balaadhnaa ka sameeyay fagaaraha beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa.
Taaageereyaasha xisbiga KULMIYE ee Magaalada Hargeysa ayaa oo iskaga yimid shanta degmo ee Caasimada Hargeysa ayaa iyaga iyo gaadiidkoodii meel laga maro la waayay.
Fagaaraha beerta Xoriyada ayaa buuxsamay oo dadkii qaadi waayay waxaana dadku ay ku sugnaayeen ilaa duleedka fagaarahaasi.
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal ka jeediyay isu soo baxaasi wuxuu yidhi "Dadweynaha Somaliland ee iskugu yimid Beerta Xoriyada Hargeysa ee ka soo qeyb galay bilowgii olalaha doorashada Madaxtooyada aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin mahad aad u balaadhan ayaan idiin celinayaa. Waxaan ka jecelahay. Haddii aynu nahay dadweynaha reer Somaliland kuwa Gobolkan Maroodi-jeex maanta doorasho ayaynu u diyaar garoobaynaa waxa inagu waajib ah inaynu marka u horreysa nabadgelyo ku shaqayno, oo doorashada nabadgelyo ku gaadhno."
Waa inaynu ilaalinaa oo aynu xaq dhawraa xisbiyada kale maalmahooda waxaynu u baahan nahay inaynu ciidamada nabadgelyada gacan ku siino nabadgelyada ilaalinteeda anagoo aad iyo aad ugu mahad naqayna hawsha ay hayaan."
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu xukuumada Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inaanay waxba qaban muddo sided sanadood ah oo uu xilka hayay waxaanu yidhi "Maanta sideed sanadood oo dhow dhow ayuu joogaa Daahir Rayaale Kaahin, waynu aragnaa waxaynu ku tallo jirnaa inaynu wax ka bedelno waxaasi uu ka baaqsaday ee xisbiga UDUB fulin waayay, waxaynu samayn doonaa waad aragteen xisbiga KULMIYE barnaamijkiisa waxaynu wax ka bedeli doonaan xaga dhaqaalaha, nolasha, wadooyinka, cadaalada iyo caafimaadka."
"Xisbiga UDUB illaa maanta Barnaamij siyaasadeed oo uu soo saaray ma jirto waad aragteen oo wax uu sheegan karo iyo wax uu qabtayba ma jiro, wuxuu soo bandhigaa waa cay , hantidii ummadda ee uu lunsaday, cadaaladii uu xumeeyay iyo waxqabad la’aan. Walaalayaal waxa barnaamijkayaga ku cad muwaadiniinta reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inaan xuquuqdooda la duudsiyin,"ayuu yidhi Md. Siilaanyo.
Md. Axmed Siilaanyo wuxuu u balan qaaday ciidamada Somaliland inay u samaynayaan darajadii ciiddanimo, isla markaana ay fulinayaan sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay oo ay siyaasada si buuxda uga qeyb gelinayaan.
"Waxaanu ku balan qaadaynaa inaan boob iyo dhac lagu samayn Ganacsiga oo aanu madax banayno, waxaanu balan qaadaynaa inaanu dadka cadaalada, dekadaha dalka oo la balaadhiyo iyo wadooyinka aanu balaadhino, xisbiga UDUB waxay yidhaahdaan in shaqaalaha dawlada Xisbiga KULMIYE ay eryi doonaan waxaan leeyahay inaanay arrintaasi waxba ka jirin oo ay shaqaalaha dawladu qaranka u shaqeeyaan oo ay xuquuqdoodii leeyihiin. Qofka aan sharciga jabin wax loo sheeganayaa ma jirto. Waxa ummadda lagu bajinayaa inaanu wax xidhi doono inaanu wax dili doono. Anagu kuma tallo jirno inaanu cidna godob u raacno waxaanu ku tallo jirnaa inaanu dhisno dad iyo dal caafimaad qaba,"ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE.

Axmed Siilaanyo wuxuu ammaan u soo jeediyay Komishanka doorashooyinka qaranka oo uu ku tilmaamay rag si wanaagsan u shaqeynaya waxaanu bulshada ugu baaqay in lala shaqeeyo.
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu shacbiga ka dalbaday inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE oo uu carabka ku dhuftay inuu dalka isbedel weyn ku samayn doono.
Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Casiis Maxamed Samaale oo ka hadlay isu soo baxan ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale ee uu ku durayay Shirgudoonka Wakiilada waxaanu yidhi "Madaxweynaheena Md. Daahir Rayaale Kaahin, shalay khudbadiisii uu ummadda ugu sheegi lahaa wuxuu ummadda u qabtay waxaad ogaydeen wuxuu kaga hadlay Golaha Wakiilada, waxay muujinaysaa in Madaxweynuhu shirgudoonka jecel yahay soo ma aha? Tolloow muxuu ku jeclaaday? Golaha Wakiiladu waa Golihii sharci dejinta waa dabarkii xukuumadda waa kii hubinayay waxa sida dharaarta u muuqata inuu Madaxweynuhu intaba ka diiday Golaha Wakiilada. Shirgudoonku isagoo kaashanaya Gole weynaha wuxuu hor istaagay sharci jabintii u caadada ahayn Madaxweynaha. Madaxweynuhu wuxuu ahaa markii sharcigii lagaga adkaaday kii isagoo isticmaalaya ciidamadii qaranka xoog ku galay Gurigii Wakiilada oo uu quful ku xidhay. Waxaanu ummadda reer Somaliland uga mahad naqaynaa siday ugu hiilisay Golaha Wakiilada. Waxaanu halkan ugu ducaynaynaa labadii dhalinyarta ahaa ee ku shihiiday dhacdadii lagu furtay Golaha Wakiilada markii uu qufulka ku jabiyay kaligii Taliye Daahir Rayaale Kaahin."
Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Wakiiladu wuxuu sheegay in Golihiisu isagoo kaashanaya deeqbixiyeyaasha uu dhistay laba xarumood oo bilicsan, halka uu Madaxweynahana ku dhaliilay inuu 13 sanadood dhex fadhiyo Gurigii Kaligii Taliye Moorgan.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna xukuumada ku tilmaamay mid marjo ah oo ku guuldaraysatay xilkii iyo waajibaadkii loo doortay.
Mudane Muuse Biixi wuxuu shacbiga ugu baaqay inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE waxaanu ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.
Dhinaca kale, isu soo baxan oo ka dhacay Gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa sida wararku sheegayaan ku dhamaaday jawi nabad gelyo ah.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, June 3, 2010

Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo go’aan ka soosaartay dacwada Gen. Maxamed Cali Samatar

Washington, (NNN)- Maxkamad ku taala dalka Maraykanka oo qaadaysay dacwad ka dhan ah Jen. Maxamed Cal Samatar, ayaa shaaca ka qaaday inaanu heli karin ogolaanshaha sharci jidaynaya inaan dacwad lagu oogin, ka dib markii hore loogu soo oogay jidh-dil, xasuuq iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqal iinsaanka, isla markaana waxay maxkamadda sare ee dalkaasi xukuntay shalay in maxkamad lagu taago dembiyaddaas.
Go’aan loo dhan yahay ayay Maxkamadda Sare ee Maraykanku ugu wargelisay gacan-ku-dhiigle Maxamed Cali Samatar in la jebiyay dalab uu isku difaacayay oo uu kaashanayay Sharciga Daryeelka Ajaanibka Madaxabanaan ee Maraykanka u yaala. Hase yeeshee, siday faafiyeen Wakaladdaha Wararka Ajaanibka ah qaarkood, Xaakim John Paul Stevens, ayaa sheegay in ku-xukunka qaynuunka Maraykanka ee Sharciga Daryeelka Ajaanibka Madaxabanaan uu ilaaliyo hay’addaha shisheeyaha ah iyo dalalka shisheeyaha ah, balse aanu si rasmiya u damaanad-qaadayn sarkaal metelaya waddan, isla markaana aanu siinayn Mr Samatar wax badbaado ah. “Maraykanku ma difaacayo dacwad ka dhan ah saraakaal hore oo Soomaali ah,” ayuu yidhi garsooruhu.
Xaakim ka tirsan Maxkamadda Federaalka Maraykanka, ayaa hore meesha uga saaray kiiska ka dhanka ah Maxamed Cali Samatar, isla markaana sheegay inuu helayo hanaanka sharci ee dareelka diblomaasiyadeed. Hase yeeshee, Maxkamad Racfaanka ah ayaa dib u soo noolaysay kiiskaas oo sheegtay inaanu qaynuunkaasi daryeel u ogolaanayn shaqsiyaadka gaarka ah.
Kiiskan oo la sheegay in si dhaw loola socday saamaynta siyaasadeed ee uu la iman karo, ayaa bixinta damaanad-qaaddis loo ogoladaa ay ka dhigan tahay in jidh-dilayaasha ajaanibka ah ee Maraykanka ku nooli ay ka baxsan karaan masuuliyaddahooda dembiyada ay galaan, sidaana waxa la sheegay inay soo qaddimeen kooxaha u ololeeya ururada xuquqal iinsaanku.
Kooxo Somalilanders ah oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa soo qaddimay inay Cali Samatar u haystaan dacwado la xidhiidha jidh-dil iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqal iinsaanka oo ay galeen askartii iyo masuuliyiin kale oo ka tirsanaa nidaamkii Siyaad Barre oo uu Cali Samatar taliskiisa ciidamada hayay. Mr Samatar waxa uu ku noolaa Virginia tan iyo 1997-kii, waxaana kiiskan markii ugu horaysay lagu soo oogay sannadkii 2004-tii, iyada oo loo cuskanayay sharciga Maraykanka u yaala ee Daryeelka Dhibanayaasha Jidh-dilka.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, June 1, 2010

Daruuro ka samaysan ciidda duufaan ka dhacay lamadegaanka Gobi oo dul hoganaya tuulo ka tirsan Shiinaha


Hargeysa, (NNN)- Tuulo yar oo ku taala badhtamaha waddanka Shiinaha ayaa gebi ahaanteedaba qarsoontay ka dib markii uu ku kacay duufaan ka dhashay lamadegaan ay ku dhex taalo tuuladani. Tuulada oo dhammaan dhismayaasha ka dhisani ay u samaysan yihiin qaab iyo midab isku mid ah, waxa ay mar kale ka sinmeen muuqaalkii ay hore u wadaagayeen.
Dhammaan dadkii tuulada deggenaa waxa ay isku xereeyeen guryahooda oo ay u xidhan yihiin albaabada iyo daaqaduhu iyada oo duufaankuna halkii daqiiqaba kor ugu sii kacayey qiyaas 70 fuudh ah.
Maalintii ayaa habeen isku rogtay iyada oo boodhkii duufaanku uu si ku meel-gaadh ah u daboolay qorraxda isla markaana yareeyay iftiinka ilaa 600 fuudh oo dhulka ah. Haseyeeshee, si lamafilaan ah ayuu u dagay duufaanku isaga ka tagay daruur dhulka ka sarraysa joog ah hal Mayl taas oo markii dambe dadkii tuulada u sahashay inay dib u nadiifiso dhammaan boodhkii uu kaga tagay.
Tuuladan oo magaceeda la yidhaahdo Golmud isla markaana ay ku nool yihiin dad tiradoodu gaadhayso 200,000 oo qof, waxa ay barbarka ku haysaa magaalo-warshadeed dhinaca ku haysa lamadegaanka ugu weyn qaaradda Eeshiya ee Gobi.
In kasta oo aanay ahayn meel ku habboon in lagu noolaado, tobanaan kun oo qof ayay hoy u tahay kuwaas oo ka shaqeeya meelaha milixda laga soo saaro ee gobolkan.
Has your friend read your website today?
Haseyeeshee, jacaylka loo qabo shaqo wanaagsan iyo meelo badan oo lagu noolaado waxa ay ku timaaddaa haysasha lacag badan. Sannad kasta xilliga guga, dabaylo xoog leh ayaa ka dhaca lamadegaanka Gobi waxaanay oo sameeyaan taagag ka samaysan boodh iyo ciid kuwaas oo marka roobku ku baaha meelaha ka ag dhow. Boodhka duufaanku waxa uu sababi karaa dhibaatooyin joogto ah oo ay ka mid yihiin korontada oo go’da, dib u dhac ku yimaadda gaadiidka iyo weliba xannuunno dhanka neefsashada ah.
Camuudda lamadegaanka Gobi xataa waxa ay gaadhaa ilaa magaalo-madaxda Shiinaha ee Beijing taas oo ugu dhawaan sannad walba magaalada ku reeba malaayiin tan oo ciid ah.
Wax ka badan afar-meeloodaw meel dhulweynaha Shiinaha, waxa ku daboolan ciid oo marka lagu daro lamadegaanka Gobi noqonaysa inay ku daboolan tahay dhammaan qaybaha woqooyi ee dalkaas.

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking