COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label dhacdooyinka. Show all posts
Showing posts with label dhacdooyinka. Show all posts

Friday, July 9, 2010

Dalalka Maraykanka iyo Ruushka oo isweydaarsaday Maxaabiis (Basaasiin) labada dhinac ah

Hargeysa, (Nnn)- Dowlada Maraykanka ayaa maxkamad horkeentay 11 qof oo looga shakisan yahay in ay u shaqaynayeen sirdoonka Ciidmada Ruushka ayaa waxa ay maxkamadu go´´ aansantay in ay qaadato dalab ay xukuumada Ruushka soo jeediyeen oo ah maxaabiis kala beddelasho.
Afhayaan u hadlay Maraykanka ayaa sheegay in ay maxkamada Magaalada New York ay go´´ aan ku gaartay sii daynta dadkaasi,
Waxana iyaduna go´´aan ka la mid ah qaadatey dowlada Ruushka oo iyaguna sheegay inay sii daynayaan 4 khuburo ah oo dhinaca Nuclear-ka sirdoon uga ahaa Maraykanka iyo Britain.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Ruushka Demetri Medvadev ayaa sheegay in ay go´´ aan sadeen sii daynta 4-qof oo dhamaantood ahaa muwadaadiniin uu dhashay dalka Ruushka ah oo u sirdoonayay laanta CIA-DA Maraykanka.

Laba ka mid ah basaasiinta Ruushka

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, June 30, 2010

Soomaali xukun khaldan lagu riday oo magdhaw u helay $525,000 oo Doollar

MELBOURNE,(Nnn)- Nin Soomaali ah oo si khaldan loo xukumay, loona xabsiyay kiis kufsi ah, ayay dawladda Ustaraaliya abaal-marin u siisay lacag dhan $525,000, ka dib markii lagu waayay dembigii loo xukumay, sidaana waxa faafiyay Taleefishanka ABC ee dalka Ustaraaliya.
Faarax Jaamac oo da’diisu tahay 22 jir, ayaa qaaday dedaal uu ku doonayay magdhaw, ka dib markii uu 15 bilood xabsiga ku jiray oo sambalka dhiigiisa DNA-ga oo laga qaaday laga waayay inuu la fal-galay dhiiga haweenay lagu eedeeyay inuu kufsaday xilli ay ku jirtay Kalaab habeenkii lagu caweeyo. Ninkan Soomaaliga ah ayaa la sheegay in xabsiga laga soo daayay bishii November ee sannadkii tegay, iyada oo xaakim Brett Sonnet lagu ganaaxay inuu kiiskaasi ahaa mid si aad ah u muujiyay cadaalad-darro.
Haweenayda la sheegay in la weeraray oo 48 jir ah, ayaa la sheegay inay wax yar ka xusuusato dhacdaddaas dhacday bishii July 2006-dii, isla markaana Mr Sonnet ayaa sheegay inaan weligeed wax sharraxaad ah laga siinin khatarta dhiigga DNA-ga laysugu talaali karo.
Xaakimadii Maxkamada dembigaa qaadaysay, ayaa diiday dacwaddii ninkan Soomaaliga ah ee la xidhiidhay inaanu weligii tegin Kalaabkii la sheegay inay arrintaasi ka dhacday, dabadeedna waxa lagu xukumay lix sannadood oo xadhig ah oo isku noqonayay afar sannadood inuu ku jiro xabsiga. Looyarada difaacayay Mr Jaamac ee Hina Pasha, ayaa habeen hore u sheegay Taleefishanka ABC in go’aan kama dambays ah arrintaa laga gaadhay Jimcihii la soo dhaafay. “Marka laga yimaado inuu Mr Jaamac uu faraxsan yahay, haddana wuxuu awoodaa inuu noloshiisa degenaanso uga raadin karo halka uu doono,” ayay tidhi Looyaradiisa difaacaysay.
Ms Pasha waxay sheegtay in Mr Jaamac wuxuu raadinayay raaligelin shaqsiyadeed oo uga timaada Xeer-ilaaliyaha guud Rob Hulls, kaasoo raaligelintaas si aan qarsoodi lahayn ugu soo bandhigay. Mr Hulls oo arrintaa ka hadlayay ayaa yidhi, “Dawladu may haynin waajibaad sharciyaynayay inay magdhaw siiso Mr Jaamac, balse waxay aaminsanayd in magdawgu ahaa talaabada saxa ah ee lagu dhaqaaqayo, immikana waxa arrintaa lagu wajahayaa iyadoo loo eegayo aayaha degenaanshaha nolosha Mr. Jaamac.”
Qoyska uu ka dhashay Mr Jaamac ayaa la sheegay inay tixgelinayeen talaabo sharci oo laga qaado dawlada gobolka Victoria iyo booliska oo ay sheegeen inuu argagax isku-buuq lahaa ku abuuray wiilkooda intii lagu guda jiray dacwadii ka dhanka ahayd.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, June 14, 2010

Warsaw: Basaas ka tirsan Sirdoonka Yuhuudda ee MOSSAD oo loo xidhay dilka hoggaamiyihii garabka hubaysan ee Xamaas

Hargeysa (Nnn)- Wakiil ka tirsan hay’adda Sirdoonka Yuhuudda ee Mossad oo lagu eedaynayo inuu ku lug lahaa dilka hoggaamiyihii garabka hubaysan ee ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas oo lagu dilay magaalada Dubai ayaa lagu xidhay waddanka Poland.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Uri Brodsky waxa lagu wadaa in la isku dhaafiyo waddanka Jarmalka oo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay samaynta baasaaboorka Jarmalka oo been abuur ah kaas oo u adeegsaday mid ka mid ah kuwii fuliyay hawlgalka dilka ah.
Hoggaamiyihii ururka Xamaas Mr. Mahmoud al-Mabhouh, oo ka mid ahaa aasaasayaashii dhidibka u taagay garabka hubaysay ee ururka, waxa 20kii Jeenwari ee sannadkan maydkiisa laga helay huteel ku yaala magaalada Dubai.
 Mahmoud al-Mabhouh oo ku socda qolkiisas
Masuuliyiinta dalka Poland ayaa sheegay in Brodsky oo u dhashay Israel, lagu qabtay waaran xadhig oo midowga Yurub ku rogay ka dib markii uu ka soo degay madaarka caasimadda Poland ee Warsaw.
 Mid ka mid ah dadka dilka gaystay oo iska dhigaysa inay ku hadlayso telefan
Dhinaca kale, masuuliyiinta Jarmalka ayaa sheeganaya inuu baasaaboorka ku helay isla markaana kaga qaatay masuuliyiinta magaalada Cologne magaca ninka kale oo magaciisa lagu sheegay Michael Bodenheimer. Waxaana lagu eedaynayaa inuu khiyaameeyay shaqaalaha isaga oo sheeganaya inay qaraabo yihiin qoys Yuhuud ah oo lagu magacaabo Bodenheimer 
kuwaas oo sannadadii soddomeeyihii ay ciidamadii Naazigu ka caydhiyeen gurigooda.
Sida sharciga Jarmalku dhigayo, qaraabada dadkii lagu baro-kiciyay ama lagu laayay xilligii hawl-gallada isir-nacaybka ee Naaziga, waxa loo ogolyahay inay muwaadiniin ka noqon karaan dalka Jarmalka.
Warbixin maanta lagu daabacay majallada Jarmalka ka soo baxda ee Der Spiegel, waxa shaaca lagaga qaaday in wakaaladaha booliska caalamiga ah ay Mr. Brodsky dhowr jeer arkeen isaga oo u socdaalaya magaalada Dubai ka hor bishii January ee shirqoolku dhacay. Masuuliyiinta Jarmalka ayaa sidoo kale ku andacoonaya inay hayaan caddayn muujinaysa been abuur ay Mossad ku samaysay ciwaanka guriga la siiyay Brodsky.
Xidhitaanka ninkani waxa uu dhibaatooyin khatar ah u soo jiidayaa Israel oo hore u beenisay inay ka dambeeyeen dilkii al-Mabhouh.




 Mahmoud al-Mobhouh

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, June 1, 2010

Daruuro ka samaysan ciidda duufaan ka dhacay lamadegaanka Gobi oo dul hoganaya tuulo ka tirsan Shiinaha


Hargeysa, (NNN)- Tuulo yar oo ku taala badhtamaha waddanka Shiinaha ayaa gebi ahaanteedaba qarsoontay ka dib markii uu ku kacay duufaan ka dhashay lamadegaan ay ku dhex taalo tuuladani. Tuulada oo dhammaan dhismayaasha ka dhisani ay u samaysan yihiin qaab iyo midab isku mid ah, waxa ay mar kale ka sinmeen muuqaalkii ay hore u wadaagayeen.
Dhammaan dadkii tuulada deggenaa waxa ay isku xereeyeen guryahooda oo ay u xidhan yihiin albaabada iyo daaqaduhu iyada oo duufaankuna halkii daqiiqaba kor ugu sii kacayey qiyaas 70 fuudh ah.
Maalintii ayaa habeen isku rogtay iyada oo boodhkii duufaanku uu si ku meel-gaadh ah u daboolay qorraxda isla markaana yareeyay iftiinka ilaa 600 fuudh oo dhulka ah. Haseyeeshee, si lamafilaan ah ayuu u dagay duufaanku isaga ka tagay daruur dhulka ka sarraysa joog ah hal Mayl taas oo markii dambe dadkii tuulada u sahashay inay dib u nadiifiso dhammaan boodhkii uu kaga tagay.
Tuuladan oo magaceeda la yidhaahdo Golmud isla markaana ay ku nool yihiin dad tiradoodu gaadhayso 200,000 oo qof, waxa ay barbarka ku haysaa magaalo-warshadeed dhinaca ku haysa lamadegaanka ugu weyn qaaradda Eeshiya ee Gobi.
In kasta oo aanay ahayn meel ku habboon in lagu noolaado, tobanaan kun oo qof ayay hoy u tahay kuwaas oo ka shaqeeya meelaha milixda laga soo saaro ee gobolkan.
Has your friend read your website today?
Haseyeeshee, jacaylka loo qabo shaqo wanaagsan iyo meelo badan oo lagu noolaado waxa ay ku timaaddaa haysasha lacag badan. Sannad kasta xilliga guga, dabaylo xoog leh ayaa ka dhaca lamadegaanka Gobi waxaanay oo sameeyaan taagag ka samaysan boodh iyo ciid kuwaas oo marka roobku ku baaha meelaha ka ag dhow. Boodhka duufaanku waxa uu sababi karaa dhibaatooyin joogto ah oo ay ka mid yihiin korontada oo go’da, dib u dhac ku yimaadda gaadiidka iyo weliba xannuunno dhanka neefsashada ah.
Camuudda lamadegaanka Gobi xataa waxa ay gaadhaa ilaa magaalo-madaxda Shiinaha ee Beijing taas oo ugu dhawaan sannad walba magaalada ku reeba malaayiin tan oo ciid ah.
Wax ka badan afar-meeloodaw meel dhulweynaha Shiinaha, waxa ku daboolan ciid oo marka lagu daro lamadegaanka Gobi noqonaysa inay ku daboolan tahay dhammaan qaybaha woqooyi ee dalkaas.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, May 29, 2010

Cajiib: Laba-sanno jir maalintii Qiijiya 40 xabbo oo sigaar ah

Hargeysa, (NNN)- Marka aad aragto sawirka ilmahan yar isaga oo gaadhi-caruureedkiisa isteerinka ku dhagan, Sigaarkana bafta ku haya, waxaa hubaal ah inaad u maleyn doonto darawal gaadhi xamuul oo gawaadhida caruurta ku ciyaaraya, laakiin wiilkan oo lagu magacaabo Ardi Rizal waa laba jir aad u jecel cabbista sigaarka.
Wiilkan oo ka soo jeeda koofurta Gobalka Sumatra ee dal Indonesia waxa uu cabbaa laba baako oo sigaar ah maalinkasta. Waqtigiisa inta badana waxa uu ku dul dhameystaa gaadhi-caruureedkiisa. Way yartay xili aanu Ardi dhuuqeyn sigaar, tani waa sababta keentay inuu kaligii dhaqaaqo waayo iskaba daa caruuurta filkiis ah inuu la cayaaree.
Hooyadii oo khaatiyaan ka taagan sigaar-cabbista uu wiilkeedu sabinimada ku bilaabay ayaa cadaadis ku saartay in uu joojiyo sigaarka, hayeeshee dadaalkaas kuma ay guulaysan, isaga oo Ardi bilaabay inuu ooyo madaxana darbiga la dhaco, wuxuu ku calaacalay in joojinta balwadan ay u keentay xanuun iyo wareer.
 Ilmahan layaabka leh sigaarkasta iskama cabo ee waxaa jira nooc gaar ah oo ay xaraaraddu ugu baxdo. Waalidkii waxa ay maalinkasta sigaarkiisa ku kharash gareeyaan $5.50 (Shan iyo badh dollar). Halka ay hooyadii xusulduub ugu jirto in willkeeda yar uu joojiyo sigaarka, aabihii wuxuu qabaa in ilmahooda uu caafimaad qabo sabab looga joojiyo sigaarkana aanay meesha ku jirin.
‘Cimrigaaga oo dheeraada geel dhalaaya uu ku tusaa,’ ayay ahayd murti ay leeyihiin dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya. Ardi wuxuu si fiican ugu xarragoon yaqaanaa sigaarka, waxaadna moodeysaa in uu yahay jilaa filim ku jilaya sigaarka.
Dowlada Indonesia waxa ay u yaboohday waalidiinta laba jirka sigaaryacabka ah Gaadhi cusub, waase hadii ay ilmhahooda ka dhaadhiciyaan in uu joojiyo balwadan. Waxa ay u muuqataa in waalidiintiisa aanay markan ku dhicin inay weydiistaan inuu joojiyo sigaarka, wayoo waa uu qabatimay.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, May 24, 2010

Wasiir Xukuumadda ka tirsan oo shalay Daad ku qaaday Hargeysa

Hargeysa, (NNN)- Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil, ayaa shalay daad ku qaaday gudaha caasimadda Hargeysa.
Wasiirka oo gelinkii dambe doonayay inuu ka gudbo Laagta xaafadda Goljano ee degmada 26 Juun, waxa qaaday daad ka dhashay roob xoogan oo shalay ka da’ay magaalada Hargeysa.
Mr. Abiib Xasan Filfil oo markii gurmad loo sameeyay lagu badbaadiyay ka dib, una warramay Wargeyska Ogaal, waxa uu ka xogwaramay dhacdadaas.
Wasiirka oo dhacdadaas ka waramaya, ayaa sheegay in Gaadhigii ay wateen uu daadku qaaday shalay duhurki, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Maanta (shalay) 2:30-kii roobkii oo da’aya ayaanu rawaxnay, Laag yar oo Xaafadda Goljano ku taala oo Baabuurtu marto, wakhtigaana ay Caruuri ku ciyaaraysay, ayaanu is-nidhi Gaadhiga anaga oo wadana mara, dabadeed Gaadhiga ayaa naga yar qabsaday. Anaga oo aan meeshii ka bixin oo Gaadhigu haysto, ayay Mawjad Biyo ahi noo timi, ileen Roob baa da’ayee. Dabadeed, anaga iyo Gaadhigiiba way na rogtay oo anaga iyo Gaadhigiiba Daadku wuu nala tegay, Biyihiibaa na qaaday oo Doon naga dhigay (na kaxeeyay) oo meel kale ayuu na geeyay.”
Mar aanu Wasiirka waydiinay tirada dadka ay gaadhiga ku saarnaayeen iyo sida ay wax u gaadheen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Saddex qof baanu ahayn, darawalka, Askari iyo Aniga..Shakhsiyan waxba namay gaadhin, laakiin waanu ashahaadanay oo waanu dhiman waynoo, meel buu Gaadhigii Daadku dhigayoo, dad baa noo gurmaday oo naga saaray markii ay Muraayadihii dambe naga jebiyeen ee ay Biyihii ku soo dhex dhaceen, ayaanu gacanta dhiibanay oo nalaga guray. Markaa imika Gaadhigaa ay dhibaatadu gaadhay mooyaane, wax dad ahaan a gaadhay ma jirto, Alxamdullilaah waa nalaga guray oo dawakh yar mooyaane, wax kale oo na soo gaadhay may jirin.”
Wasiirku wuxuu sheegay in Gaadhigii laga soo saari kari waayay Laagtii qaadday, isla markaana Wiishashkii loogu yeedhay ay ka saari kari waayeen. “Gaadhigu halkii (Laagta) ayuu yaalaa mooyaan, meel loo maraa la waayay, saddex Wiish baanu ugu yeedhnay oo way ka noqdeen, Makaaniga (farsamo-yaqaanka) ayuun baa sheegi doona marka la jiido.” Ayuu yidhi Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal aanu arrintaa ka waydiinay.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, May 22, 2010

Hindiy: 158 qof oo ku dhintay burburka diyaarad waddankaas laga leeyahay

Hargeysa, (NNN) - Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee India Express oo ka kacday madaarka magaalada Dubai ayaa burburtay ka dib markii ay isku dayday inuu ku degto madaar ku yaala Koonfurta waddanka Hindiya taas oo ay ku dhinteen 158 qof, waxaanu shirlku yimid markii ay si khaldan ugu degtay madaarka isla markaana ay ka baxday dhabbaadii diyaaradaha.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 kuna degaysay madaarka Mangalore ee gobolka Karnata waxa ay sidday 166 qof oo ay ku jiraan shaqaalihii diyaaradda, kaliya waxa ka badbaaday siddeed qof, sida uu sheegay agaasimaha shirkadda diyaaradaha ee Air India.
Shaqaalaha badbaadaha ayaa burburkii diyaaradda ka soo guray dad mayd ah oo jidhkoodu gubanayo, taas oo inta badan dadkii dhintay ay kuraastooda weli ku dhegsanaayeen.
Burburka diyaaradda ayaa yimid cimilada oo xumayd awgeed – roobab laxaad leh oo xataa hakiyey hawshii badbaadinta shaqaalaha. Waxa kale oo shilka sii xumeeyey cimilada daruuraha lahayd iyo aragtida duuliyaha diyaaradda oo ay ka xannibtay. Waxa kale oo ka qayb-qaatay madaarka oo ku yaala meel buuruhu ku badan yihiin taas oo ay ku adagtahay shaqaalaha dab-demiska inay gaadhaan goobtii shilku ka dhacayh.
Telefishannada waddankaas qaarkood ayaa sheegtay in diyaaraddu saaka abbaara 6:30 ay ku burburtay meel kayn ah oo ka ag dhow madaarka. “Diyaaraddu waxa ay u kala go’day laba. Waan ka booday diyaaradda markii ay burburtay. Waxa kale oo aan arkay laba qof oo iyaguna diyaaradda ka baxaya,” waxa sidaa yidhi nin magaciisa la yidhaahdo Abdullah oo isagu ka mid ahaa siddeeddii qof ee ka badbaaday diyaaradda oo u warramay telefishanak TV9. Mid kale oo ka mid ah dadka badbaaday oo magaciisa la yidhaahdo Pradeep ayaa u sheegay telefishan waddankaas laga leeyahay in taayirka hore ee diyaaraddu uu go’ay markii ay diyaaraddu isku dayday inay degto.

Source: NASIIB NEWS

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, April 22, 2010

Raaligelintu waxa ay siyaasidaa cimriga iyo caafimaad qabka haweenayda

Hargeysa, (NNN)- Kelmadda raali-gelinta ah ee ‘waan ka xumahay’ waxa ay u muuqataa inay adagtay inuu qofku ku hadaaqo, balse khubaro cilmi-nafsiga ayaa sheegay inay ka mid tahay kelmada ugu saamaynta badan caafimaadka qofka gaar ahaan haweenka.
Cilmi-baadhayaashu waxa ay daah-fureen in dumarka hela raalli-gelin uga timaadda qof ay si qalbi ah ka tahay ay ka yaraystaan warwar iyo waxyeellada ku timaadda wadnaha marka loo eego dumarka kale ee aan helin.
Sida lagu sheegay cilmi-baadhista, tani maaha mid shaqaysa marka la eego dhanka ragga. In badan ayey ku qaatadda in garaaca wadnahoodu ka soo kabto marka raali-gelin la siiyo, waanay ka xumaadaan marka uu jiro ogolaanshaha dambi laga galay.
Cilmi-baadhista oo ay sameeyeen khubaro Maraykan ah oo adeegsanaya natiijada baadhitaan ay ka qayb-qaateen 29 rag iyo 59 dumar ah kuwaas heerka cadaadiska dhiiggooda la cabbiray intii ay tijaabadu socotay. Ragga iyo dumarka tijaabada ka qayb-qaatay waxa shakhsi-shakhsi loo weydiistay inay qabtaan hawl-qabad xisaab ah taas oo lagu wargeliyey inay ku dhammastiraan muddo shan daqiiqo ah laakiin waxa laga dhex galay laba daqiiqo dabadeed iyada oo lagu wargelinayo inay dhakhso ku dhammeeyaan.
Haddana, waxa hawshoodii laga dhex galay mar labaad ka hor intii aanay dhammaanin muddada shanta daqiiqo ah iyada oo loo sheegayo inay kordhiyaan xawaaraha. Ugu dambaynta, markii ay dhammaystireen hawl-qabadkii ayaa si cad loogu sheegay inaanay si wanaagsan u qaban hawshii. Laba daqiiqo ka dib, kala badh raggi iyo haweenkii waxa siiyey raalli-gelin.
Cilmi-baadhayaasha waxa u soo baxday, celcelis ahaan, in dumarkii ka qayb-galay uu hoos u dhacay heer cadaadiska dhiiggooda 20% markii ay raalligelinta heleen, halka raggii ay ku qaadatay wax ka badan 20% in cadaadiska dhiiggoodu caadi noqday ka dib markii la raaligeliyey.
Mid ka mid ah cilmi-baadhayaasha ayaa yidhi, “Natiijooyinku waxay tusinayaan inay jiraan faa’idooyin caafimaad oo laga helo is-cafinta iyo raali-gelinta.”
Nasiib News

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, April 16, 2010

Shakhsiyaadka Muuqaalladoodu isku egyihiin Adduunka


Halkan waxa ku jira sawiro laga soo ururiyey shakhsiyaadka adduunka oo muuqaalladoodu aad isugu eg yihiin. Bal ila eeg.
Waxa ka mid ah:


Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, April 11, 2010

QARAN MURUGOONAYA: Shil diyaaradeed oo sababay geerida Hoggaamiyeyaal Waddan

Warsaw,(NNN)- Madaxweynihii dalka Poland Mr. Lech Kaczynski, xaaskiisii iyo ilaa sagaashan qof oo kale oo masuuliyiin sare ka mid ahaayeen, ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Ruushka.
Sida lagu faafiyay barta Internet-ka ee jariiradda Dailymail, waxa uu shilkani dhacay ka dib markii diyaaradu isku dayday inay cagadhigato Madaarka Smolensk ee waqooyiga Ruushka.
Shilkaas ay ku dhinteen Madaxweyne Lech Kaczynski iyo xaaskiisii Maria, waxa kale oo u jira saraakiil sarsare oo ka tirsanaa dalka dawladda Poland, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Taliyihii guud ee ciidamada, madaxii baanka qaranka iyo xubno kale oo muhiim ahaa.
Sida Daily Mail sheegay, waxay dad goobjoogayaal ahi masuuliyadda dhacdadaas u xambaariyeen duuliyihii diyaaradda oo siday sheegeen saddex ilaa afar jeer isku dayay inuu cago-dhigto, iyadoo ay jireen dhado iyo ceeryaamo xoogani.



Raysal-wasaaraha Ruushka, Vlamadir Putin oo dul-jooga Maydka Madaxweynaha
Diyaaradda burburtay oo la odhan jiray Tupolev Tu-154, waxa sida la sheegay saarnaa 132 qof, laakiin waxa jira warar kala duwan oo ka soo baxaya tirada khasaaraha ka dhashay shilkaas culus.
Telefishanka Sky News ee dalka Maraykanku, waxa uu ku waramay in 96 qof ku dhinteen dhacdadaas. Hase yeeshee, saraakiil ka tirsan dawladda Poland waxay sheegeen in markii diyaaraddu burburtay ay saarnaayeen 88 qof.
Muuqaallada Dadkii ku dhintay Shilka Diyaaradeed oo ay ku jiraan M/weynaha iyo xaaskiisa 

Raysal-wasaaraha qaranka murugaysan ee Poland Mr. Donald Tusk, waxa uu ku baaqay in kulan degdeg ah ay isugu yimaadaan golaha Wasiiradu, isla markaana kala badh la dejiyo calanka dalkaas, gaar ahaan xarunta Madaxtooyada, si ay dadku koox koox ugu soo ururaan, una dul dhigaan ubaxyo iyo shamaxyo iftiimaya.



















Guddoomiyihii Bangiga Qaranka                                      Iyo Taliyihii Ciidamada Qalabka Sida
Mr. Tusk waxa uu sheegay inuu amar ku bixiyay in 10:00 GMT, kuna beegan ilaa 01:00 duhurnimo ee Axadda maanta laba daqiiqo loo aamuso dhacdadaas.
Sida uu sheegay aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin, Raysal-wasaare Vladimir Putin, ayaa magacaabay guddi baadhitaan ku sameeya dhacdada burburka ku yimi diyaaraddaa dadka badan galaafatay. “Qofna kama uu badbaadin shilkan masiibada ah,” sidaana waxa yidhi Badhasaabka gobolka Smolensk ee dalka Ruushka ee ay diyaaraddu ku burburtay Mr. Sergei Anufriev oo u waramay Telefishanka Rossiya-24.
Dadkaa shilka ku dhintay, waxay u socdeen inay ka qaybgalaan xus loo samaynayay dad Polish ah oo Ruushku xasuuqay intii uu socday dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee dunidu.
Inta badan hoggaamiyeyaasha dunida, ayaa dhambaalo tacsi ah u diray shacabka Poland, waxayna muujiyeen siday uga xun yihiin mashaqada ka dhalatay shilkaa diyaaradeed.
Madaxweynaha geeriyooday ee Kaczynski oo 60 jir ahaa, waxa uu xukunka qabtay December 2005, ka dib markii uu codbixintii doorashada madaxtinimada kaga guulaystay Raysal-wasaaraha xilligan ee Donald Tusk.

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking