COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label caafimaadka. Show all posts
Showing posts with label caafimaadka. Show all posts

Saturday, July 17, 2010

Cilmi Baadhid Ku Saabsan Cudurka Joonis-ka (Cagaarshawga)

Cilmi baadhid ku saabsan Cudurka Joonis-ka.....Beerka waxaa ku dhaca cuduro badan, waxaana ka mid ah cudurka la-yidhaado Joonis-ka ama (Cagaarshow-ga). Hebataytis-ku ama Joonisku waxa uu u kala baxaan dhawr nooc oo kala ah *Hebataytis A, B, C, D iyo E* .
Cagaarshow ma aha cudur ee waa calaamad ka mid ah calaamadaha lagu garto infection-ka beer-ka ama hebataytis-ka, waana marka indhaha, maqaarka, kaadida iyo saxarada qofku ay cagaar noqdaan.

Joonis-ka oo dhami waxa ay leeyihiin calaamada lagu garan karo kuwaas oo kala ah:indhaha iyo maqaarka oo midab Hurdiya yeesha, daal, calool xanuun, Cuntada oo kaa xidhanta iyo lalabo, shuban iyo matag.

Dadka qaarkiis waxaa laga yaabaa in aan lagu arkin calaamadahaas ilaa Xanuunku ama jirado ay meel xun gaadho. Tan kale, sida la i sugu gud-biyo Virus-ta cudurka Jooniska keentaa aad ayey u kal kala duwanyihiin taas ayaana u baahan in aad looga taxadiro.

HEBATAYTIS A iyo Sida uu u fido:
Waxaa la isugu gudbiyaa marka cuntada iyo biyaha ay fadareeyaan ama ku qasmaan saxaro ka timid qof qaba cudurka. Way yartahay in cudurka la- isugu gudbiyo dhicana dhiiga.

Yaa khatar ugu jira in Joonis uu ka dhaco
Dadka Socdaalka badan, dadka ku nool meesha uu Hebataytis A uu ku badan yahay, dadka saaxibo la ah dadka qaba cudurka, meelaha caruurta lagu xanaaneeeyo marka cudurka uu dilaaco iyo dadka kuwa irbadaha la isku muddo wadaaga.

Sidee looga hortegi karaa Jooniska
Talaal. Waxaa jira talaalka hebataytis A. Waxaa kale oo wanagsan in la-iska ilaaliyo biyaha fadaraysan iyo in la ilaaliyo nadaafada guud.

Dawada: Inta badan qofka wuu iska bogsada dhowr Todobaad ka dib.

HEBATAYTIS B (Hepatitis B):

Sida loo kala Qaado:
Virus-ka waxaa laga helaa dhecaanka qofka qaba hebataytiska sida candhuufta,
dhiigga, shahwada iwm. Viiruska waxaa la-isugu gudbiyaa marka dhecaanka qof sida Viruska ay gaadhaan dhecaanka qof aan qabin Cudurka. Hooyada waxay u gudbin kartaa Ilmaheeda xiliga dhalmadada, dadka waa weyna waxay isugu gudbiyaan marka ay sameeyaan isutag (sexual contact), ama ay Irbad wadaagaan. Hebataytis B la-isuguma gudbin karo dhinaca biyaha, cuntada ama wada kulan caadi ah sida meelaha shaqada, iskuulaadka ama dukaamada.. Dhiig laga qaada qofka ayaa sheegi kar in Hebataytis B uu qabo iyo in kale.

Ka hortagga Joonis-ka nooca Hebataytis B
Cudurku ka hortag ayuu leeyahay. Talaal ayuu leeyahay. Tan kale waa muhiim in
la-iska ilaaliyo wax allaale iyo wixii keeni kara Virus-ka. Waa in uu isku muddaa
qofkii la kulmay qof qabo cudurka hebataytis B waxa afka qalaad la yidhaahdo Immune Globuling muddo hal Week-ah ama ka yar. Waxa la-isku muddaa talaalka hebataytis B
Seddex Irbadood oo talaalka ah ee lagaga hortago hebataytis B. Talaalku waa amaan.waxa talaalku wax u tarayaa oo kaliya Qofkii aanu hore ugu dhicin Cudurku.

Dawada: waxaa lagu daaweeya Alpha Inferon or Lamivudine.

HEBATAYTIS C iyo Sida uu u fido:

Virus-ka waxaa la isugu gudbiyaa marka dhecaanka qof sida Virus-ka ay gaadhaan dhecaanka qof aan qabin fiiruska. Caadi ma aha in hooyada ay u gudbiso Ilmaheeda xiliga dhalmadada, ama dadka marka ay sameeynayaan isutag (sexual contact).

Dadka intiisa badan calaamado ma laha laakiin qaar ayaa waxay dareemi karaan daal, lalabo iyo indhaha iyo maqaarka oo cagaar noqda (jaundice). Waxaa lagu garan kara in qofka uu qabo cudurka iyada oo la-iska qaado dhiig. Inta badan dadka uu ku dhaco hebataytis C waxaa ku dhaca Cansar-ka beerka.

Dawada: waa iyada oo la qaato Interferon taas oo u baahan in dhakhtar loo taago Virus-ka qaar wali lama oga in ay keenaan hebataytiska waxaana lagu magacaabo ( non A....E) Hebataytis Ama Hebataytis X.


Waxa soo Diyaariyey soona Tarjumay.

Osman Abdillahi Sool
Freelance Journalist. 
sooldhuub@hotmail.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, July 9, 2010

Faa’iidada ay Muuska iyo Basashu u leeyihiin Quruxda iyo Ilaalinta tayada TIMAHA (ka hortagga timaha oo daata)

Hargeysa, (Nnn)- Timaha oo daataa waxa ay ka mid tahay mushkiladaha ugu waaweyn ee dadku ka cadwdaan, waxa aanay si gaar ah ugu badan tahay dadka ku nool dhulka xeebaha ah ee ay ruduubaddu ku badan tahay ama dhulka cimiladoodu sida kediska ah isu bed-beddesho, gaar ahaanna marka lagu jiro xilliga xagaaga.
Khubaradu waxa ay sheegayaan in sababta ugu weyn ee timaha oo daata keenaysaa ay tahay qofka oo si xun ula macaamila timaha. Sababaha keena timahan daadanaya waxa ka mid ah shaambooga oo isticmaalkiisa lagu talax tago, feedhista oo lagu badiyo iyo mishiinka timaha qallajiya oo isticmaalkiisa lagu badiyo. Waxa kale oo sabab u noqon kara jidhka oo ay ka dhiman tahay noocyo ka mid ah macdanaha ama Vitamin-nada ama qanjidhka thyroid oo wax qabadkiisu uu hoos u dhaco.
Waxa ay khubaradu sheegayaan in tiimaha oo si adag loo gunto ama lagu xidho qalabka dumarku isticmaalaan ee loo yaqaanno Roorimaha ama lagu badiyo isticmaalka maaddooyinka kiimikada ah iyo weliba timaha oo la raameeyo.
Haddaba, waxa jira habab badan oo mushkiladdan lagaga hor tegi karo waxaana ugu horreeya, qofka oo ka dheeraada kiriimada iyo walxaha ay warshaduhu u sameeyaan ka hor tagga daadashada timaha, waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in maaddooyinka noocan ahi daadashada timaha muddo gaaban joojiyaan ka dibna ay timuhu halkii dib uga sii bilaabaan.
Haddaba, waxa ay khubaradu xalka arrintan ku soo koobeen qodobbadan:

- Timaha oo baarkooda hore faraqyo yeesho (Aflaaqo) haddii uu qofku isku arko waxa lagula talinayaa in uu Lixdii illaa Siddeedii toddobaadba mar xiiro baarka hore.

- Isku day in aad isticmaasho Balsamka (Conditioner-ka) Shaamboo kasta la socda, iskana jir in aad timaha ku maydho biyo la kululeeyey.

- Timaha ku furfur kordhfeed iskana jir in aad xoog ku dhex mariso, haddii ay timahaagu dheer yihiin waxa aad isticmaashaa saqaf ilkaheedu kala durugsan yihiin.

- Marka aad isticmaalayso mishiinka timaha qallajiya waxa aad isticmaashaa qaybtiisa qabawga ah, waayo dhibta ugu yar ee uu keeni karaa waa in uu madaxa ku keeno toxob.

- Si toddobaad leh timahaaga u mari Saliid Saytuun, ama Saliidda laga sameeyo midha (Garawga iyo qamandiga iyo saliidda laga sameeyo geedka Sisinta).

- Muus lagu dhex qasay Saliidda Lawska iyo malqacad yar oo malab ah, ayaa madaxa la marinayaa, muddo aan saacad ka yarayn ayaana loo deynayaa, ka dib waxa lagaga maydhayaa shamboo, waxa markaba la dareemayaa jileec iyo qurux ku siyaadday timaha.

- Basasha ayaa iyaduna ka mid ah dawooyinka dabiiciga ah ee timaha ka ilaaliya daadashada, sababtuna waa in basashu ay firfircoonayso wareegga dhiigga isla markaana wanaajiso hab-wareeggiisa, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in madaxa lagu duugo basasha oo la ridqay muudkeeda.
Courtesy: Ramaas

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, May 29, 2010

Cajiib: Laba-sanno jir maalintii Qiijiya 40 xabbo oo sigaar ah

Hargeysa, (NNN)- Marka aad aragto sawirka ilmahan yar isaga oo gaadhi-caruureedkiisa isteerinka ku dhagan, Sigaarkana bafta ku haya, waxaa hubaal ah inaad u maleyn doonto darawal gaadhi xamuul oo gawaadhida caruurta ku ciyaaraya, laakiin wiilkan oo lagu magacaabo Ardi Rizal waa laba jir aad u jecel cabbista sigaarka.
Wiilkan oo ka soo jeeda koofurta Gobalka Sumatra ee dal Indonesia waxa uu cabbaa laba baako oo sigaar ah maalinkasta. Waqtigiisa inta badana waxa uu ku dul dhameystaa gaadhi-caruureedkiisa. Way yartay xili aanu Ardi dhuuqeyn sigaar, tani waa sababta keentay inuu kaligii dhaqaaqo waayo iskaba daa caruuurta filkiis ah inuu la cayaaree.
Hooyadii oo khaatiyaan ka taagan sigaar-cabbista uu wiilkeedu sabinimada ku bilaabay ayaa cadaadis ku saartay in uu joojiyo sigaarka, hayeeshee dadaalkaas kuma ay guulaysan, isaga oo Ardi bilaabay inuu ooyo madaxana darbiga la dhaco, wuxuu ku calaacalay in joojinta balwadan ay u keentay xanuun iyo wareer.
 Ilmahan layaabka leh sigaarkasta iskama cabo ee waxaa jira nooc gaar ah oo ay xaraaraddu ugu baxdo. Waalidkii waxa ay maalinkasta sigaarkiisa ku kharash gareeyaan $5.50 (Shan iyo badh dollar). Halka ay hooyadii xusulduub ugu jirto in willkeeda yar uu joojiyo sigaarka, aabihii wuxuu qabaa in ilmahooda uu caafimaad qabo sabab looga joojiyo sigaarkana aanay meesha ku jirin.
‘Cimrigaaga oo dheeraada geel dhalaaya uu ku tusaa,’ ayay ahayd murti ay leeyihiin dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya. Ardi wuxuu si fiican ugu xarragoon yaqaanaa sigaarka, waxaadna moodeysaa in uu yahay jilaa filim ku jilaya sigaarka.
Dowlada Indonesia waxa ay u yaboohday waalidiinta laba jirka sigaaryacabka ah Gaadhi cusub, waase hadii ay ilmhahooda ka dhaadhiciyaan in uu joojiyo balwadan. Waxa ay u muuqataa in waalidiintiisa aanay markan ku dhicin inay weydiistaan inuu joojiyo sigaarka, wayoo waa uu qabatimay.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, May 26, 2010

Dhakhaatiirtii u Horraysay ee Ultrasound-ka (Mishiinka Uur-ku-jirta) Tababar ku Qaata Dalka Gudihiisa oo Maanta Shahaado la Siiyey

Hargeysa (NNN)- 9 Dhakhtar oo ka kala yimid deegaanada Soomaalidu degto ee Geeska Afrika, ayaa maanta la gudoon siiyay shahaadooyinkii ka dib markii ay Magaalada Hargeysa ku dhamaysteen tababar qaatay muddo lix Todobaad ah oo ay ku baranayeen mishiinka uurku jirta (Altra Sound).
Tababarkaasi oo ay fulintiisa iska kaashadeen Jimciyada samo-falka ee Manhal iyo machadka caalamiga ah ee (Afro Asian Institute of Medical Science).
Xafladii loo sameeyay shahaado gudoonsiinta dhakhaatiirtaasi oo lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Md. Mahdi Cismaan Buuri, Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Md. Ibraahim Diiriye Xayd, Masuuliyiinta Haayada Manhal iyo sarkaal ka socday Haayada WHO.
Guddoomiye Ku Xigeenka Haayada samo-falka ee Manhal C/Laahi Carab, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in Haayadaasi ay tahay mid samo-fal oo ka shaqeysa dhinacyada caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha.
C/Laahi Carab, wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay tababarkan ay dhamaysteen Sagaalkaasi dhakhtar waxaanu tilmaamay inay dhakhaatiirtaasi oo ka kala yimid deegaano kala duwan ay juhdi badan u galeen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen Tababarka mishiinka uur ku jirta oo uu xusay inay ahmiyad weyn u leeyahay adeega caafimaadka bulshada.
Guddoomiye Ku Xigeenka Haay’ada Manhal waxa kale oo uu sheegay in ay ka faa’iidaysteen in ka badan 200,000 oo qof mashruuca dawaynta iyo qaliinka indhaha ah ee ay manhal ka fulisay gobolada dalka dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay “Waxa kale oo aanu baadhis iyo dawayn indhaha ah u samaynay ardayda dugsiyada dalka oo tiradoodu gaadhayso illaa 9000 oo arday, waxaana noo qorshaysan inaanu 50.000 oo arday oo wax ka barta dugsiyada dalka. Waxaan idiin sheegi karaa in dedaalka mashruuca caafimaadka indhaha ee Manhal inuu yahay mid looga yimaado dalalka Geeska Afrika oo dhan waxaana mandaqada ugu horreeya dhinaca indhaha Cisbitaalka Manhal,”Ayuu yidhi Guddoomiye Ku Xigeenka Haayada Manhal.
Maxamed Ibraahim, oo ah madaxii tababarkaasi gacanta ku hayay oo xafladaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyay Haayada Manhal dedaalka ay u gashay sidii loo hirgelin lahaa tababarkan waxaanu sheegay in baahi weyn looga goobaha adeega caafimaadka mishiinka uurkujirta.
Maxamed Ibraahim waxa kale oo uu ammaanay dhakhaatiirtii tababarkaasi dhamaysatay oo uu ku sifeeyay inay ahaayeen dad xul ah oo waayo aragnimo caafimaad oo hore lahaa, waxaanu ku booriyay inay aqoontii ay ka korodhsadeen tababarkan ugu adeegaan bulshadii ay ka yimaadeen.
“Waxa tababarkan waxa loo qabtay waxa baahi weyn looga qabaa xarumaha caafimaadka ee dalka mishiinkan uur-ku jirta (Altra Sound) waxa darruuri ah in mishiinkan loo baahan yahay in loo helo dad u dhashay dalka oo ku shaqayn kara ugu yaraan goob kasta hal qof, ilaahay mahadii wuu guulaystay tababarkani waxa ka soo baxay midho fiican waxaana ku ammaanayaa Haayada Manhal oo la garab taagnayd wax kasta oo tababarkani u baahnaa,”ayuu yidhi Madaxii tababarka mishiinka Altra Sound.
Xidhiidhiyaha mashruuca ka hortaga Indho la’aanta ee Haayada WHO Dr. Xanaan Choudhury, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in Haayadiisu ay cisbitaalka Manhal kala shaqeyso sidii kor loogu sii qaadi lahaa adeega ka hortaga indho la’aanta ee ay ku hawlan yihiin.
Waxaanu sheegay inay sii wadayaan iskaashiga shaqo ee ay la leeyihiin Haayada Manhal.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Md. Mahdi Cismaan Buuri, oo ka hadlay xafladaasi ayaa aad u soo dhaweeyay dhakhaatiirtan tababarka dhamaystay waxaanu u soo jeediyay inay dalkooda u shaqeeyaan waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa Cisbitaalka Manhal dedaalka ay u galeen dhamaystirka tababarkan waxaanan leeyahay dhakhaatiirtii dhamaystay tababarkan dadkiina iyo bukaanada idiin yimaada si naxariis leh ugu adeega aqoontan aad barateen.”
Md. Mahdi Cismaan Buuri, wuxuu ka Somalia u rajeeyay inuu ilaahay dabka ka qaboojiyo waxaanu yidhi “Waxa idinku jira dhakhaatiir tababarkan qaatay oo ka yimid dalka Somaliland la dariska ah ee Somalia ee dagaaladu ka jiraan waxaan leeyahay ma ahi tababarkani kii u horreeyay ee halkan lagu qabto ee tan iyo labaatankii sanadood ee qalalaasuhu ka jiray dalkaasi halkeenan ayaa tababarka lagu siiyaa waxaanay taasi ku timid nabadgelyada Somaliland ka jirta waxaanu leenahay dalkaasi waa mid aanu daris nahay oo walaalo nahaye’e ilaahay dabka ha ka qaboojiyo. Somaliland-na waxa la inaga doonayaa inaynu ilaahay uga mahad celino nabadgelyada iyo dawladnimada aynu haysano.”
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Hargeysa Mubaarig Ibraahim Aar, Guddoomiyaha Jaamacada HOPE Najiib Axmed Xaashi iyo Guddoomiyaha Hay’aDda Manhal ee Gobolka Hargeysa, waxaanay dhamaantood ka warameen siday ugu faraxsan yihiin tababarkan oo ay sheegeen in baahi balaadhan loo qabay mishiinkan iyo cidii ku shaqayn lahaydba.
Magacyada Sagaalka Arday
1- Dr. Siciid Xuseen Geeddi.
2- Drs Niciima C/Qaadir Maxamed.
3-Dr.Axmed Jaamac Muuse.
4-Dr.Xuseen Axmed Mahdi.
5-Dr.Nuur Cumar Warsame.
6-Dr. Liibaan Siciid Maxamed.
7-Drs. Nimco Cabdi Xasan.
8.-Dr. Shucayb C/Kariim Sh. Ibraahim.
9- Dr. Axmed Maxamed Axmed.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, May 10, 2010

Somaliland: Dad markii u horaysay maqalkoodii Dhegaha la soo celiyay

Hargeysa,(NNN)- Cusbatalka gaarka ah ee Manhal, ayaa markii u horaysay Somaliland ka sameeyay qaliino dhinaca Dhegaha ah.
Qaliinadaas oo qayb ka ahaa olole Caafimaad oo todobaadkii hore ka bilaabmay xarunta Cusbatalka Manhal ee magaalada Hargeysa, waxa fuliyay Dr. Mazin Mohamed Hajiri oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.
Hawlgalkaa dhinaca qaliinka Dhegaha, waxa barbar socday indho-jeexis uu fulinayay Dr. Maxamuud Axmed (Shiine), kaasoo ay ka faa’iidaysteen dad kun qof gaadhay, isla markaana qaliin dhinaca Indhaha ah loogu sameeyay ilaa afar boqol oo qof.
Qaliinadan Dhegaha oo ah markii ugu horaysay ee laga hirgeliyo Somaliland, waxa sida la sheegay ka faa’iidaystay dad tiro badan, iyadoo ilaa afar qof loo sameeyay beeris maqal ah, kuwaasoo lacag badani ku bixi lahayd haddii Cusbatalo dibadeed loo qaado.
Sidoo kale, waxa qaliino kala duwan loo sameyay dadka dhegaha culus, iyadoo ilaa boqol qofna loo qaybiyay sameecadaha maqalka dhegaha.
Mashaariicdaas oo ay ka faa’iidaysteen dad tiro badan oo ka kala yimi dalalka Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti, waxa gacan ka gaystay hay’adda Manhal Foundation iyo kaalmeeyayaal Carbeed oo kaashanaya hay’adda Bisha Cas.
Cusbatalka Manhal oo la furay 2006, waxa uu ka kooban yahay qaybaha daryeelka hooyada iyo dhalaanka, cudurada guud, Carruurta, qaliimada guud iyo Lafaha, iyadoo muddadii uu furnaa dad tiro badani adeegyo Caaafimaad ka faa’iidaysteen.
Dhinaca kale, waxa habeen hore xaflad casho sharaf ah iyo sagootis ah loogu sameeyay hotelka Ambassador Dr. Mazin Mohamed Hajiri oo qaliinada dhegaha fuliyay, taasoo ay ka qaybgaleen Wasiirka Caafimaad Axmed Xasan Cali (Casoowe), Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Sheekh Maxamed Cali Geedi, maamulka sare ee hay’adda Manhal iyo wefti ka socday hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka. “Waxaan halkan u imi dadkan walaalaheen ah ee aynu Carabta isku nahay ee dadkeena caawiyay inaan u mahadnaqo,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas.
Wasiir Casoowe waxa uu amaanay hay’adda MANHAL oo uu sheegay inay adeegyo Caafimaad oo wax-ku-ool ah dadka u qabatay. “Cusbatalada Manhal dadka way anfaceen, si naxariis leh ayay Dhakhaatiirta u shaqeeyaana dadka ugu hagar-baxaan oo aan kala sooc lahayn, kanaa dhaqaale haysta iyo kan baan haysana lahayn, dadkuna si siman bay daawooyinka u helaan,” ayuu raaciyay Wasiirku.
Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Dr. Mazin oo fulinayay qaliinada dhinaca Dhegaha ee markii u horaysay taariikhda Soomaalida laga bilaabay Cusbatalka gaarka ah ee Manhal.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, May 9, 2010

Cilmi-baadhid ku Saabsan Cudurka Cancer-ka

Hordhac.....Aqoon la'aani waa Iftiin la'aan, Qof kasta oo dunidan ku nooli wax walba ma wada yaqaan, kolay waxna wuu yaqaan waxna waa ka dhimanyiin. Hadaba waxa muhiim ah in dadku ay isku dayaan in wax ka ogaadaan Aqoonta guud, siiba wax yaalaha la xidhiidha Aqoonta guud ee Caafimaadka iyo saxada.
Cancer-ka waxaa keena unugyo aan caadi ahayn oo si deg deg ah u kora. Jidhka dadka caadi ayey u tahay in uu unugyada gaboobay ama duugoobay ku beddelo kuwo cusub, laakiin unugyada Cancer-ku si deg deg ah ayey u koraan.
Unugyada Cancer-ka qaarkood waxaa laga yaabaa in ay sameeyaan koritaan loo yaqaanno burooyin. Burooyinka oo dhan cabbirkoodu wuu kordhaa, laakiin burooyinka qaarkoodna si deg deg ah ayey u koraan, kuwa kalena si gaabisa.

Noocyada Burooyinka
• Burooyinku qaarkood maaha kuwo Canser leh. Kuwa aan sidin Cancer-ka waxa la yidhaahdaa burooyin aan halis ahayn. Waxay ka samaysan yihiin unugyo aad ula mid ah unugyada caafimaadka qaba. Burada noocaas ah waxa ay iskaga taalaa hal meel ah, kumana fido unugyada iyo xubnaha caafimaadka qaba.

• Burooyinka Cancer-ka ah waxa la yidhaahdaa burooyinka halista ah. Cancer-ka ka yimaada burooyinkaan, isaga oo u maraya dhiigga iyo habka dheecaanka jidhka ayuu ku faafaa qaybaha kale ee jidhka.
Marka uu Cancer faafo, waxaa loo yaqaannaa "metastasis". Unugyada Cancer-ku waxay ku safraan jidhka iyaga oo ka imaanaya burada, loona yaqaanno meesha aasaasiga ah, kuna faafaa qaybaha kale ee jidhka.

Noocyada Cansar-ka
Waxaa jira noocyo badan oo kansar ah.
• Karsenoma (carcenoma) waa nooca ugu badan ee kansarka. Kansarrada sanbabka, xiidmaha, weyn, naaska, iyo ugxansiduhu badanaa waa noocaan.
• Sarkooma (sarcoma) waxaa laga helaa lafta,baruurta, iyo muruqa.
• Lymphoma waxa uu ka bilaabmaa qanjidhada sameeya habka difaaca jidhka. Waxaa ka mid ah Hodgkin’s iyo Non-Hodgkin’s Lymphomas.
• Luukiimiya (leukemia) waxa uu ka bilaabmaa unugyada dhiigga ee ku kora dhuuxa lafta waxaana tirooyin badan iyaga oo ah laga helaa marinka dhiigga.

Calaamadaha Cansar-ka
Calaamadaha kansarku waxay ku xidhan yihiin nooca iyo meesha ay buradu ku taalo. iyada oo kansarrada qaarkood, laga yaabo in aanay jirin wax calaamado ah ilaa iyo inta ay buradu ka weynaanayso.

 Calaamadaha caamka ah waxaa ka mid ah:
• Dareemid daal faro badan
• Jidhka oo misaanku ka dhaco iyada oon la'ogayn sabaabta
• Xumad ama Qandho, qadh-qadhyo ama dhidid habeenkii ah
• Gaajo la’aan ama adiga oo aan dareemin gaajada
• Raaxo la’aan jidh ahaaneed ama xanuun
• Qufac, neefta oo aanad qaadan karin ama feedh xanuun
• Shuban, ama dhiig saxarada soo raaca
Marka Cansar-ka la ogaado, baadhitaanno ayaa la sameeyaa si loo arko haddii uu Cansar-ku ku faafay qaybaha kale ee jidhka. Sawirro, raajo iyo baadhitaan dhiig ayaa laga yaabaa in loo baahdo.

Daryeelkaaga
Dhakhtarkaagu waxa uu go’aansan doonaa daryeelka loo baahan yahay isaga oo ku saleysan:
• Nooca cansar-ka
• Sida ugu dhakhsaha badan ee uu kansarku u korayo
• In uu cansar-ku ku faafay qaybaha kale ee jidhkaaga iyo in kale
• Da’daada iyo caafimaadkaaga guud

Daaweynta kansarka ee ugu badan waa:
• Qalliin meesha laga saarayo burada iyo unugyada u dhow
• Daawo kiimiko ah si hoos loogu dhigo ama loo baabiiyo koritaanka ama loo yareeyo unugyada kansarka
• Daawooyin kale si loo daaweeyo saameynada liddiga ah, laguuguna caawiyo in aad si wanaagsan u bogsato

Ka Hortag
Waxaad halista kansarka hoos ugu dhigi kartaa adigoo:
• Aan sigaar cabbin ama isticmaalin tubaako/buuri
• Isticmaalaya qorrax celiye, koofiyado iyo dhar si aad Ogadaada ama maqaarkaaga u dhowrtid markaad debedda joogtid
• Ka fogow cabitaanka Khamriga iyo Cunitaanka Qaadka
• Yareeya cunnooyinka dufanku ku badan yahay ee aad cunto, gaar ahaan kuwa xoolaha ka yimaada
• Adiga oo cuna khudrad fara badan iyo cunnooyinka qamadidu dusha kaga xardhantahay
• Adiga oo jidh ahaan noqonaya mid fir-fircoon
• Dhakhtarkaaga u tag sanad kasta. Baadhidda kansarku waxaa laga yaabaa in ay caawiso in kansarka la ogaado wakhti hore, si fududna loo daaweyn karayo.
Osman Abdillahi Sool
Freelance Journalist.  
sooldhuub@hotmail.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, April 10, 2010

Maxaad ka taqaanaa sababaha iyo Daawaynta Cudurrada Wadne-xannuunka iyo Faaligga?

Hargeysa, (NNN)- Cudurrada ugu halisan ee sababa dhimashada dad badan oo caalamka ah waxa ka mid ah xannuunada ku dhaca wadnaha iyo Faaligga.
Wadne-istaagga oo ka mid ah xanuunada ku dhaca wadnaha waxa uu yimaadda marka socodka dhiiggu xannibmo oo inta badan ay sababto xiddida dhiigga ee wadnaha gala oo is-awda , halka faaliggana ay keenaan xiddid is-xidhay (dhiigga oo xinjiro yeesha) ama unugyada dhiigga ee maskaxda kala googo’a. waxa jira xaalado kale oo sida shaqada wadnaha soo sideeda u soconweyda taas oo ah marka dhiiggu aanu si caado ah ugu wareegayn qaybaha kale ee jidhka. Shaqada wadnaha ayaa ah inuu dhiig ay ogsojiin la socoto and nafaqada kale gaadhsiiyo jidhka intiisa kale ee u baahan. Marka nidaamkan la dhex galo, ama si wanaagsan u shaqayn waayo, waxa natiijadiisu noqotaa xannuun khatar ah ama xataa geeri.
Khatarta xannuunada wadnuhu waxa ay ku badan yihiin dadka cunto-qaadashadoodu liidato, kuwa sigaarka qiijiya ee aan jimicsiga samayn iyo weliba iyada oo raggu uga nugul yihiin inay ka cawdaan marka loo eego dumarka.
Sababaha halista ah iyo ka hortagga
Waxa dhici karta in cudurrada wadnaha ku dhaca iyo xataa faaligga la kala dhaxli karo, balse inta badan waxa ay ku yimaaddaan qaab nololeedka qofka. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ka qayb-qaata ka-hortaggooda waxa ka mid ah isbeddel lagu sameeyo cuntada, jimicsiyo la sameeyo iyo iyada la iska joojiyo qiijinta sigaarka.
Sababaha halista ah
Da’da: Afar ka mid ah shanta qof ee u dhinta xannuunada wadnaha intooda badani waxa ay da’doodu noqotaa 65 sanno iyo wixii ka weyn. Dhinaca kale, halista qofku ugu jiro inuu haleelo Faaliggu waa ay laba-jibbaarantaa toban sanno oo kasta wixii ka dambeeya da’da 55-jirka.
Jinsiga: Raggu waa ay uga halis badan yihiin dumarka inay cudurradani haleelaan, waxaanay la kulmi karaanba xilliyada hore ee noloshooda. Laakiin tirade dhimashada ee labadan xanuun ay dumarka u gaystaan waxa ay laba jeer ku sarraysaa kuwa ay haleelaan noocyada kala duwan ee Kansarku.
Halista dumarka ee cudurradani waxa ay korodhaa wakhtiga ay caadadu ka joogsato waanay sii socotaa halistaasi marka ay da’doodu sii weynaataba, taas oo sida suurto-galka ah timaadda maxaa yeelay waxa marba marka ka sii dambaysa ka sii dhammaada hormoonka dabiiciga ah ee Oestrogen oo masuul ka ah horumarinta astaamaha unugyada dheddignimada ee haweenayda.
Taariikhda Qoyska (Hidde-raac): Carruurta dhalaan waalidka leh xannuunada wadnaha waxa ay u dhow yihiin inay la dhacaan xannuunkan. Qaar ka mid ah Sinjiyada kala duwan sida Afro-Caribbeans oo ah dadka midabkoodu madawga yahay eek u nool Jasiirada Kareebiyanka, waxa ay uga nugul yihiin haleelista labadan xannuun marka loo eego dadyowga kale.
Qiijinta Sigaarka: Dadka Sigaarka cabbaa waxa ay laba-laab uga dhow yihiin dadka kale ee aan cabin inuu haleelo wadne-istaag, waanay uga dhimasho dhow yihiin natiijada kala dhalata. Qiijinta sigaarka waxa kale oo lagu xidhiidhiya halista cudurka Faaligga oo sii saa’idda. Maadada Nicontine iyo Carbon Monoxide-ka ku jira qiiqa buuriga waxa ay dhaawac u gaysataa habdhiska wareegga dhiigga. Waxa kale oo halis ah qofka aan sigaarka cabbiin ee qiiqiisu soo gaadho.
Cabbidda Maandoriyeeyaasha: Cabbitaanka sharaabka maandooriyaha ahi waxa uu kordhin karaa halista xannuunadan loogu nuglaan karo maxaa yeelatay waxa ay saamayn ku leeyihiin cadaadiska dhiigga, miisaanka iyo heerka duxda dhiigga ku jirta ee triglycerides.
Duxda Dhiigga (Cholesterol): Haddii xaddiga duxda dhiigga ku jirtaa sarrayso, waxa sidoo kale kor u kacaya halista xannuunka wadnaha, gaar ahaan haddii ay weliba weheliyaan asbaabaha kale ee halista u ah imaanshiha xanuunkan. Cunto-qaadashada ayaa ka mid ah qodobada sababa kor u kaca xaddiga duxda dhiiga, halka kuwa kalena ka yihiin da’da, jinsiga iyo taariikhda qoyska (hidde).
Cadaadiska Dhiigga: Cadaadiska dhigga oo sarreeyaa waxa uu kordhigayaa wadnaha oo shaqadu ku badato, taas oo sababaysa inuu ballaadho marna daciifo. Marka ay xaaladdan u raacdo qof si xad-dhaaf ah u cayilan, qof sigaar cabba, qof duxda dhiiggiisu badan tahay ama qof macaan qaba, waxa dhawr jeer sii siyaada haliska cudurkan.
Cadaadiska dhiiga oo aan u sarreeya (Dhiig-karka) waxa uu dhibaato ku yahay dumarka uurka leh ama kuwa qaata dawooyinka.
Jimicsi la’aan: Qofka oo aan jimicsi samayn waxa ay sababtaa xannuunka wadnaha oo ku dhaca maxa yeelay jimicsigu waxa ay innaga caawinayaa inay kaantaroolno heerka duxda dhiigga ku jirta, macaanka iyo, xaaladaha qaar, inuu inaga caawiyo heerka cadaadiska dhiigga ee hooseeya.
Cayilnaanta Xad-dhaafka ah: Dadka miisaankoodu saayidka yahay waxa ay u nugul yihiin inay yeeshaan wadne-xanuunka iyo Faaligga. Miisaanka dheeraadka ahi waxa uu sababaa culays dheeraad ah oo ku yimaadda wadnaha, waxa uu saameeyaa cadaadiska dhiigga, Duxda dhiigga ku jirta, waxaanu siyaadiyaa halista inuu qofku yeesho macaan.
Macaanka: Xaaladdani waxa ay si aad ah u kordhisaa halista imaanshaha xannuun ku dhaca wadnaha, xataa haddii la xaddido heerka sonkorta dhiiga. 80% dadka ka macaanku ku dhaco inay u dhintaan nooc xannuunka wadnaha ah.
War-warka badan: Waxa la ogaaday xidhiidho ka dhexeeya war-warka badan iyo xannuunada ku yimaadda xiddidka weyn ee wadnaha dhiiga ka qaada. Waxa ay tani noqon kartaa maxaa yeelay waxa ay dadka ku dhiirigelisaa inuu cunto badan cuno, sigaar-qiijinta bilaabo ama haddii uu cabbi jiray uu qiijiyo xaddi aanu weligii cabbi lahayn
Maxaa ugu suurto-galsan in lagaga hortago
Waxbarasho: Dadka oo la baro asbaabaha halista ah ee keenta wadne-xannuunka iyo faaligga iyo iyada oo lagu qanciyo inay la qabsadaan qaab-nololeed caafimaad qaba waxa ay saamayn ku yeelanaysaa tirada dadka ee u dhimanaya cudurradan.
Iyada oo dadka lagu dhiiri-geliyo inay joojiyaan qiijinta sigaarka, si wanaagsan wax u cunaan iyo inay si joogto ah jimicsi u sameeyaan waa mid muhiimad gaar ah u leh.
La socoshada Xaaladda Caafimaad: Si looga digtoonaado, waa in dadku si joogto u cabbiraan heerka cadaadiska dhiggooda, cabbirka miisaanka iyo dhererkooda, iyo inay iska eegaan heerka duxda dhiiggooda ku jira. Dadka heerka xaaladdoodu aad u sarrayso waa in lagu dhiiri-geliyaa inay horumariyaan cunto-qaadashooda, waxaana lagu dawayn karaa dawooyin haddii heerka duxda dhiigga ku jirtaa liidata. Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in cadaadiska dhiigu aanu ka badan 140 ka 90 Hg.
Jimicsi: Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in jimicsiga ugu yar ee qofku samaynayo ay ahaato saddex ama afar jeer oo midkiiba qaadato 30 daqiqiio todobaadkii.
Cufnaanta jidhka dhammayska tiran – oo laga xisaabiyo culayska (Kg) oo loo qaybiyo laba jibbaarka dhererka (m) qofka, waxa uu u dhexeeyaa 21 iyo 25, waana in wareegga dhex gabadhu aanay ka badan 88sm (35inch) halka ragga laga rabo inaanay wareegga dhexdiisu ka badan 102sm (40inches), wixii intaas ka badan waxa loo tixgelinayaa in qofka miisaankiisu isu dheelli-tiran yahay. Dhinaca kale, dadka uu hore u hayo xannuunka marrinada dhiigu, waxa ay dhakhaatiirtu soo jeediyeen in isticmaalka Aspirin-ka ama Warfarin ay labadoodu ka hortagaan dhiigga xinjiraysta.

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking