COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label waxbarasho. Show all posts
Showing posts with label waxbarasho. Show all posts

Wednesday, June 16, 2010

Hargeysa: Maxkamad xukun ku ridday Rag fikir khaldan ka dhaadhiciyay Arday ay wax barayeen

Hargeysa, 16 June, 2010 (Nnn)- Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa xukunno isku mid ah ku ridday saddex Nin oo laba ka mid ahi ay Walaalo yihiin, kuwaas oo la sheegay in Maxkamadda horteeda ay kaga caddaatay in ay xaaraan ku tilmaameen guud ahaanba Hilibka lagu cuno Somaliland, isla markaana ay fikirkaa ka dhaadhiciyeen Arday ay wax barayeen.
Dhegaysiga dacwaddan iyo xukunka oo shalay ka dhacday xarunta Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa Guddoomiyaha Maxkamaddaas Mr. Cabdirashiid Beer-geel oo dacwaddaas garsoorayay waxa uu halkaa kaga dhawaaqay in laba Wiil oo walaalo ah, magacyadooduna kala yihiin Cabdicasiis Maxamed Cali oo da’diisu 25-jir tahay iyo Cayni Maxamed Cali oo isna 20-jir ah ay ku caddaatay in ay xaaraan ku tilmaameen Hilibka Xoolaha lagu qalo Hargeysa, isla markaana ay arrintaa u cuskadeen in dadka qala Xoolaha Hargeysa aanay tukan, waa siday aaminsan yihiine, eeddaas oo Garsooruhu sheegay in qirteen.
Laba ka mid ah Eedaysanayaasha La Xukumay
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in iyada oo Maxkamaddu cuskanaysa Aayadaha Quraanka Kariimka ee 118 iyo 128 ee Suuratul-Ancaam iyo qodobada 70,71,73,75,103,104,108,119,120,121, 68 iyo 149 ee Xeerka Ciqaabta Guud ay labada Wiil oo markii hore ka yimi dalka Itoobiya ay Maxkamaddu ku xukuntay min hal sanno oo xadhig ah iyo Hal Milyan oo Somaliland Shilin ah midkiiba. Waxa kale oo Maxkamaddu labadan Wiil oo walaalo ah ay ku xukuntay in laga masaafuriyo dalka markay xukunka hore dhammaystaan, loona masaafuriyo dalka Itoobiya oo ay hore uga yimaadeen.
Sidoo kale, waxa Maxkamaddu ay isagana shalay isaga oo maqan xukun ku ridday Xasan Mukhtaar oo la sheegay in uu fikirkan macallin ugu ahaa labada Wiil. Waxaanay Maxkamaddu ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo hal Milyan oo Somaliland Shilin ah, isla markaana isagana laga masaafuriyo dalka.
Raggan la xukumay ayaa ahaa macallimiin wax ka dhiga Madarasad ka mid ah madarasadaha Hargeysa, waxaanay Ardayda ay wax u dhigi jireen ka dhaadhiciyeen in Hilibka Hargeysa iyo Somaliland lagu qalaa uu xaaraan yahay, maadaama sida ay yidhaahdeen ay qalaan dad aan tukan.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, June 13, 2010

“Waxaan u mahadnaqayaa Shirkadda Dahabshiil oo gacan siisa ardayda reer Somaliland ee Malaysia”

Guddoomiyaha ururka ardayda Somaliland ee wax ka barta Malaysia
Hargeysa(NNN)- Guddoomiyaha ururka ardayda Somaliland ee wax ka barta Jaamacadda dalka Malaysia Mr. Shaafici Axmed Cali, ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalkaas.
Guddoomiyaha oo haatan socdaal ku jooga caasimadda Hargeysa oo u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu u mahadceliyay shirkadda Dahabshiil oo uu sheegay in ardayda reer Somaliland ee dalkaas ay gacan siiso, wuxuuna waraysigaas oo uu kaga hadlay tayada waxbarashada dalkaas uu u dhacay sidan;
S: Guddoomiye bal waxaad nooga waranta muddadii aad ku maqnayd jaamacada dalka Malaysia
J. Wallaahi imika waxaan ku maqnaa muddo laba sanno iyo sideed bilood ah. Markaa dalka Malaysia waxa jooga arday reer Somaliland oo gaadhaysa 1,800-2000. Gaar ahaan Jaamacadda dhiganayay hadaan kaaga waramo waxaa dhigta 92 arday oo ay 18 habloodna ku jiraan oo reer Somaliland ah, kuwaasoo kala dhigta qaybo kala duwan oo Jaamacada ka kooban min heer Degree, Master ilaa PhD. Nasiib wanaag sannadkan waxay Jaamacaddu aqbashay ardaygii ugu horeeyey ee PhD ee Somaliland ka yimaada, kaasoo waliba ahaa macalinkaygii dugsiga sare.
S: Adigu Kulliyada aad barataa waa noocma?
J: Kulliyadaydu waa Human Science.
S: Waxaad ka waranta tayada waxbarashada ee dalka Malaysia?
J : Wallaahi tayada waxbarashada Malaysia waxaa lagu tiriyada wadamada ugu waxbarashada wanaagsan. Imika waa wadan aad u hormaray, waa wadan aad u casriya, waa yurub oo kale ayaan odhan karaa, waana wadan aad waxbarashadiisu u sareyso.
S: Ardayda reer Somaliland miyay ku soo badanayaan waxbarashada dalka Malaysia?
J: Waxaan ku qiyaasi lahaa ardayda reer Somaliland 1800-2000, inkastoo ay imika joogan qoysas badan oo reer Somaliland oo ka yimid xaga Yurub oo ay soo degeen, iyagoo waxbarasho doonaya oo jecel inay wadan Muslim ah soo degaan, si ay wax ugu bartaan ubadkoodu.
S: Bal waxaad ka waranta waqtiyada aad munasibadaha qabtan hadaad tihiin ardayda reer Somaliland Malaysia ama ururkiina yaa idinka caawiya dhanka dhaqaalaha?
J: Waxaanu inta badan qabanaa 18-ka May. Waxa kale oo aanu qabanaa xafladaha ciidaha oo kale inaanu meel isugu keeno ardayda reer Somaliland, sidoo kalena waxaanu qabanaa markay arday dhamaysato waxbarashada inaanu u samayno xaflad sabootin ah oo aanu shahaado sharafyo ku gudoonsino, si ay u noqdaan oo ay dadku ku daydaan ardayda kale ee soo socota. Markaa dhaqaalaha ku baxa waxaa naga caawisa shirkadda Dahabshiil iyo shaqsiyaad kale, laakiin gacanta ugu weyn waxaa naga siisa shirkadda Dahabshiil, taasoo aan odhan karo waa shirkadda dadkeeda dal iyo dibadba heegan ugu ah inay caawiso, gaar ahaan ardayda, waliba siisay percentage gooni ah markay faa’ido ka hesho shacabka ay dib ugu celiso. Markaa waxaan halkan ugu mahadnaqayaa shirkadda Dahabshiil oo aad noola shaqaysa dalka iyo dibadba.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe oo maalintii 2aad maraya iyo digniinta Guddida Imtixaanaadka Qaranka

Hargaysa, (NNN)- Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare oo shalay si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan gobollada Somaliland ayaa maraya Maalintiisii labaad.
Guddoomiyaha Guddida Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in Imtixaanku uu si wanaagsan uga bilaabmay gobollada dalka oo dhan, waxaanu ka warbixiyay tirada ardayda u fadhiisatay Imtixaanka iyo tirada Dugsiyada laga galay.
“Sida aad ogtihiin, waxa maanta (shalay) ka bilaabmay dalka Somaliland oo dhan imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare iyo dhexe, dhamaan gobollada dalka oo dhanna ilaa hadda wax dhibaato ah kama hayno, waxaanau ka warhaynaa dhamaan inay saaka (shalay) 8:00 ka wada bilaabmeen.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Tirada dugsiyada dhexe 156 dugsi dhexe ardayda imtixaanada u fadhiisatay dugsiyada dhexena waxay dhan tahay 8904 arday. Tirada dugiyada sare waxay dhan tahay 49 dugsi tirada ardayduna waxay dhan tahay 4042 arday, markaa waxaad moodaa inuu korodh badani jiro, waxaana ka qayb galay sarakiishii waxbarada oo aad u fara badan illaahayna waxaan ka rajeynaynaa in sidaa ay ku bilaabantay ay ku dhamaato.”
Mr. Daa’uud wuxuu farriin u diray guud ahaan Ardayda dalka ee imtixaanka galaya iyo waalidkoodba. “Ardaydana waxaan u sheegaynaa inay si wanaagsan uga qayb galaan, waxa kaliya ee aanu uga digaynaa waxa weeye qishka ama kala eeegashada ama arbushaadda imtixaanka, waliba waxaanu aad uga digaynaa bahalka la yidhaahdo Mobile-ka (Telefoonka gacanta) oo runtii ardayga khasaare u keeni kara, waanu giiranay sanadkan, sanad walba waxa nagu dhaca in Mobile-kaasi ardayda si caddaalad darro ah isu dhaafiyo. Marar qaarkood ardaygii soo dedaalay ee wax yaqaanay, in mid aan waxba aqoon in Mobile imtixaankii loogaga soo shaqeeyo.” Ayuu yidhi Daa’uud, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sidaa darteed imika aad baanu uga digaynaa arrintaas, waxaananu waalidiinta u gudbinaynaa in dulqaadkii xagga Mobile-ku naga soo dhamaaday, Mobile-kana waanu la wareegaynaa, ilmahana imtixaanka waa laga baabiinayaa, haddii lagu qabto. Waayo, waxaanu doonaynaa inuu yimaado isagoo nadiif ah oo laba ama saddex qalin wata, waana kaa hubkiisu. Markaa si aynu caddaalada u sugno, waalidka waxaanu leenahay hadhaw baad odhan doontaa inankaygu wankuu gali jiray marka imtixaanka laga baabiiyo, imika ilmihiina guul baanu u rajaynaynaa. Laakiin aroortii markay soo baxayaan ka reeba Mobile-da.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, May 26, 2010

Dhakhaatiirtii u Horraysay ee Ultrasound-ka (Mishiinka Uur-ku-jirta) Tababar ku Qaata Dalka Gudihiisa oo Maanta Shahaado la Siiyey

Hargeysa (NNN)- 9 Dhakhtar oo ka kala yimid deegaanada Soomaalidu degto ee Geeska Afrika, ayaa maanta la gudoon siiyay shahaadooyinkii ka dib markii ay Magaalada Hargeysa ku dhamaysteen tababar qaatay muddo lix Todobaad ah oo ay ku baranayeen mishiinka uurku jirta (Altra Sound).
Tababarkaasi oo ay fulintiisa iska kaashadeen Jimciyada samo-falka ee Manhal iyo machadka caalamiga ah ee (Afro Asian Institute of Medical Science).
Xafladii loo sameeyay shahaado gudoonsiinta dhakhaatiirtaasi oo lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Md. Mahdi Cismaan Buuri, Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Md. Ibraahim Diiriye Xayd, Masuuliyiinta Haayada Manhal iyo sarkaal ka socday Haayada WHO.
Guddoomiye Ku Xigeenka Haayada samo-falka ee Manhal C/Laahi Carab, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in Haayadaasi ay tahay mid samo-fal oo ka shaqeysa dhinacyada caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha.
C/Laahi Carab, wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay tababarkan ay dhamaysteen Sagaalkaasi dhakhtar waxaanu tilmaamay inay dhakhaatiirtaasi oo ka kala yimid deegaano kala duwan ay juhdi badan u galeen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen Tababarka mishiinka uur ku jirta oo uu xusay inay ahmiyad weyn u leeyahay adeega caafimaadka bulshada.
Guddoomiye Ku Xigeenka Haay’ada Manhal waxa kale oo uu sheegay in ay ka faa’iidaysteen in ka badan 200,000 oo qof mashruuca dawaynta iyo qaliinka indhaha ah ee ay manhal ka fulisay gobolada dalka dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay “Waxa kale oo aanu baadhis iyo dawayn indhaha ah u samaynay ardayda dugsiyada dalka oo tiradoodu gaadhayso illaa 9000 oo arday, waxaana noo qorshaysan inaanu 50.000 oo arday oo wax ka barta dugsiyada dalka. Waxaan idiin sheegi karaa in dedaalka mashruuca caafimaadka indhaha ee Manhal inuu yahay mid looga yimaado dalalka Geeska Afrika oo dhan waxaana mandaqada ugu horreeya dhinaca indhaha Cisbitaalka Manhal,”Ayuu yidhi Guddoomiye Ku Xigeenka Haayada Manhal.
Maxamed Ibraahim, oo ah madaxii tababarkaasi gacanta ku hayay oo xafladaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyay Haayada Manhal dedaalka ay u gashay sidii loo hirgelin lahaa tababarkan waxaanu sheegay in baahi weyn looga goobaha adeega caafimaadka mishiinka uurkujirta.
Maxamed Ibraahim waxa kale oo uu ammaanay dhakhaatiirtii tababarkaasi dhamaysatay oo uu ku sifeeyay inay ahaayeen dad xul ah oo waayo aragnimo caafimaad oo hore lahaa, waxaanu ku booriyay inay aqoontii ay ka korodhsadeen tababarkan ugu adeegaan bulshadii ay ka yimaadeen.
“Waxa tababarkan waxa loo qabtay waxa baahi weyn looga qabaa xarumaha caafimaadka ee dalka mishiinkan uur-ku jirta (Altra Sound) waxa darruuri ah in mishiinkan loo baahan yahay in loo helo dad u dhashay dalka oo ku shaqayn kara ugu yaraan goob kasta hal qof, ilaahay mahadii wuu guulaystay tababarkani waxa ka soo baxay midho fiican waxaana ku ammaanayaa Haayada Manhal oo la garab taagnayd wax kasta oo tababarkani u baahnaa,”ayuu yidhi Madaxii tababarka mishiinka Altra Sound.
Xidhiidhiyaha mashruuca ka hortaga Indho la’aanta ee Haayada WHO Dr. Xanaan Choudhury, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in Haayadiisu ay cisbitaalka Manhal kala shaqeyso sidii kor loogu sii qaadi lahaa adeega ka hortaga indho la’aanta ee ay ku hawlan yihiin.
Waxaanu sheegay inay sii wadayaan iskaashiga shaqo ee ay la leeyihiin Haayada Manhal.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Md. Mahdi Cismaan Buuri, oo ka hadlay xafladaasi ayaa aad u soo dhaweeyay dhakhaatiirtan tababarka dhamaystay waxaanu u soo jeediyay inay dalkooda u shaqeeyaan waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa Cisbitaalka Manhal dedaalka ay u galeen dhamaystirka tababarkan waxaanan leeyahay dhakhaatiirtii dhamaystay tababarkan dadkiina iyo bukaanada idiin yimaada si naxariis leh ugu adeega aqoontan aad barateen.”
Md. Mahdi Cismaan Buuri, wuxuu ka Somalia u rajeeyay inuu ilaahay dabka ka qaboojiyo waxaanu yidhi “Waxa idinku jira dhakhaatiir tababarkan qaatay oo ka yimid dalka Somaliland la dariska ah ee Somalia ee dagaaladu ka jiraan waxaan leeyahay ma ahi tababarkani kii u horreeyay ee halkan lagu qabto ee tan iyo labaatankii sanadood ee qalalaasuhu ka jiray dalkaasi halkeenan ayaa tababarka lagu siiyaa waxaanay taasi ku timid nabadgelyada Somaliland ka jirta waxaanu leenahay dalkaasi waa mid aanu daris nahay oo walaalo nahaye’e ilaahay dabka ha ka qaboojiyo. Somaliland-na waxa la inaga doonayaa inaynu ilaahay uga mahad celino nabadgelyada iyo dawladnimada aynu haysano.”
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Hargeysa Mubaarig Ibraahim Aar, Guddoomiyaha Jaamacada HOPE Najiib Axmed Xaashi iyo Guddoomiyaha Hay’aDda Manhal ee Gobolka Hargeysa, waxaanay dhamaantood ka warameen siday ugu faraxsan yihiin tababarkan oo ay sheegeen in baahi balaadhan loo qabay mishiinkan iyo cidii ku shaqayn lahaydba.
Magacyada Sagaalka Arday
1- Dr. Siciid Xuseen Geeddi.
2- Drs Niciima C/Qaadir Maxamed.
3-Dr.Axmed Jaamac Muuse.
4-Dr.Xuseen Axmed Mahdi.
5-Dr.Nuur Cumar Warsame.
6-Dr. Liibaan Siciid Maxamed.
7-Drs. Nimco Cabdi Xasan.
8.-Dr. Shucayb C/Kariim Sh. Ibraahim.
9- Dr. Axmed Maxamed Axmed.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, May 24, 2010

Sheekh: Mac-hadka faafinta Islaamka oo kulan la xidhiidha fikirta Diinta ee is-qarxinta u qabtay Ardayda Dusgiga SOS

Sheikh,(NNN) Mac-hadka faafinta Islaamka ee ka hawlgala Somaliland, ayaa dorraad kulan-diimeed u qabtay ardayda Dugsiga sare ee SOS ee degmada Sheekh.
Kulankaas oo ka dhacay xarunta Dugsiga sare ee SOS, isla markaana ku saabsanayd fahanka saxda ah ee diinta islaamku ka qabto is-qarxinta, waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), Sheekh Saleebaan Siciid, Ardayda iyo macalimiinta Dugsiga.
Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo ka warbixiyay Mac-hadka faafinta Diinta Islaamka. “Mac-hadkani waa mid diinta Islaamka fidiya, waxaanu wax badan ka qabtay wadamada Afrikada galbeed, maantana waxa farxad weyn noo ah in aanu la joogno ardaydan wax baranaysa ee dugsiga SOS.” Ayuu yidhi Guddomiye Mooge, isaga oo hadalkiisa sii wadana waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan idin sheegayaa in Hay’addani u dhisan tahay in ay dadka ku wacyigeliso ha is-qarxinina cidna ha dilina, idinkuna ha is-dilina. Waxaana aad ogaataan in Dugsigan madaxda maanta wadankeena ugu caansani ay dugsigan sheikh ka soo baxeen, waxanan rajaynayaa in idinkana ay madaxweynaha mustaqbalku idinku jiro.”
Waxa kaloo halkaas muxaadaro diini ah ka soo jeediyay Sheekh Saleebaan Siciid, oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen, “Waxanan maanta idin soo gudbin doonaa sida islaamu ula dhaqmo dadka aan islaamka ahayn, waxana haboon in dhalinyaradu ay diinta si fiican u bartaan, si ay u kala saaraan dadka sharka xun wada ee halaynaya dhalinyarada ee odhanaya si aad janada u gashaan is-qarxiya, oo ku jano taga dadkaas halkaas jooga, waayo dhalinyaradii fikirka ay ku xadeen waxa weeye, idinku dadka meesha jooga wada qarxiya muslin iyo gaalaba ha ahaadaane waxa iman doonta in dadka halkaas ku dhintay loo kala saari doono niyadooda. Markaas taasi waa fakir liita, oo aan haboonayn.”
Isaga oo hadalkiisa sii wadana waxa uu sheekku ku daray “idinku ka SOS ahaan waa dhadhmiseen wax wax dila waayo waxa halkan lagu dilay malimiintii wax idin dhigi jiray oo aan waxba galabsan, taasina waa ta maanta ka jirta meelo badan oo ay wadaaan dad fakir aad u daciif ah wata oo runtii u bahan in laga hortago.” Waxaanu intaas ku ladhay oo uu yidhi “waxad maqlaysaan musaajid ayaa la qarxiyay, runtii taasi waa mid inagu cusub waayo marka la qarxiyo musaajid aamiintu ka baxayso waa mid aad u daran, una bahan in tashi iyo wacyi gelin xoog ah u bahan. walalayaal maanta farxad weyn ayay noo tahay in aanu horfadhiyo shabaabkii wadanka oo u tafo xaydan sidii ay wax u baran lahayeen.”
Gebo-gabadii kulan diimeedkaas waxa halkaas su’aalo diimi ah ku waydiiyay Sheekha muxaadirada jeediyay ardayda Dugsiga sare ee SOS.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, April 20, 2010

Unugga Wadaniyadda Somaliland Oo ka qayb galay Xuska Maalinta Wadaniyadda D/sare Ee Faarax Oomaar

Hargeisa, (NNN)- Unugga Wadaniyadda Somaliliand(Somaliland Nationalism Cell) oo ah Unugg ay Aasaaseen qaar kamaida arday Jaamacadaha dalka JSL ayaa ka qaybgalay Xaflad Wadaniyaddeed Oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeeen Unugga wadaniyadda Iyo Ardayda D/Sare Ee Faarax Oomar ,xafladan oo runtii ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay Ardayduna ay ku labisnaayeen Geeni-qaaro iyo Masaro ka samaysan calanka JSL
isla markaana ay heeso wadani ah oo qiiro badan ay madasha ka baxayeen.waxaa si mugleh goobta loogu soo dhaweeyey Unugga Wadaniyada Somaliland,waxaa bilaabantay xalfladii waxaa ugu horeyn lagu furay aayado quraana, kadib waxaa mikrofoonka la wareegay Maamulaha Dugsiga Faarax Omaar C/shakuur Max’ed Ismaaciil oo runtii sheegay inay wadaniyadu ka bilaabmayso guriga ka dibna iskuulkaaga isagoo maamuluhu sheegay in kursiga aad meel dayacan ka qaadaa oo aad dhigto meel fiican ay astaan u tahay wadaniyada, Maamulu waxaa kaloo uu amaan u soo jeediyay Unugga isagoo sheegay inuu maanta aad u la dhacsanyahay waxa halkan kasocda(wadaniyadda) ee dareenka qofkasta tabanaysa.
Waxaa kaloo halkaa ka hadlay ardayda D/saree Faarax Omar G/gudiga qabanqaabada ardayda Maxamed xasan Nageeye,C/faraax Maxamed Xasan,khadar Cali Max’ed, Nasir Yuusuf,Axmed ismacil,c/kariim Max’ud ,Muna mux’ed,dhamaan ardaydani waxay ku dheeraadeen oo aad moodaysay inay ka midaysnaayeen qiimaha wadanka hooyo leeyahay inay laga ma maarmaan tahay wada-jirka iyo iskaashigu, ardaydani waxaa kalooy soo bandhigeen riwaayad ka hadlaysa inaad sharaf ku leedahay dhulkaaga hooyo, riwaayadani waxaa kalooy tibaaxaysay dhibatada tahriibka aafeeyey ubixi Dalkeena (Dhalinyaradda).
Waxaa kaloo halkaa hadal kajeediyay abwaan C/risaaq Max’ed Muuse oo kamid ah Unugga Wadaniyada abwaanku waxaa da’yarta u sheegay wadan jacaylku inuu kamid yahay waxyaalaha bulsho ku horumarto isagoo abwaanku ugu danbayntii sahay uga dhigay tixdan
Waaxyihii naftaadiyo
Wadnahaaga jeexii
Waddankani inuu yahay
Walaalkaa rumaad yahay
Waligaa ogsoonoow.
Intaas ka dib Ardayda D/sare Ee faarax Oomar ayaa Shahaado Sharaf Gudoon siisay Unugga Wadaniyadda Somaliland iyaga oo ku sababeeyey sida wadaniyadda leh ee Unuggu uu ugu heelanyey Horumarinta Wadaniyadda Ka taabo qaday JSL.
Waxaa gabagabadii barnaamijkan soo gunaanaday Gudoomiye ku xigeenka Unugga Wadaniyada Somaliland Khadar A/rahman A/lahi Oo si qoto dheer uga war bixiyey ahmiyadda Wadaniyaddu u leedahay Qaran kasta iyo Mooganaanta Dadkeenu aanay faham sanayn waajib ka dalkeenu inagu leeyey iyo Qofkasta oo Muwaadin ahi inuu fahmo waxa uu xaq uleeyey iyo Waxa Xaq isaga loogu leeyey (rights and responsibilities) ugu dambayna waxa uu u mahad naqay Maamulka iyo Ardayda Dugsiga Sare Ee faarax Oomaar sida fiican ee ay ugu heelan yihiin Horumarinta Wadaniyadad.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Doorka Shirkadaha Ganacsiga Ee Horumarka Waxbarashada‏

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-Baadhista ERA oo ah akadami ahmiyadda saaara horumarka waxbarashada iyo Cilmi-baadhista ayaa cilmi-baadhis kooban, u kuur-gelid, iyo indho-indhayn ku sameeyay doorka ay shirkadaha ganacsi ee Somaliland ka qaataan horumarka waxbarashada.
Marka aanu sidaas leenahay, uma jeedno in ay shirkadaha ganacsigu furaan goobo waxbarasho sida iskuullo, jaamacado, macaahid, malcaamado, maktabado iyo meelo kale, waxa uu se muraadkayagau yahay in aanu iftiimino sida ay shirkadaha ganacsigu u taageeraan xarumaha waxbarashada ee ka shaqeeya Somaliland, iyo sida adeegyada iyo agabka ay iibiyaan shirkadaha ganacsigu ay yihiin qaar ku habboon taageerada waxbarashada. Waana dhiirigelin aanu ku dhiirigelinayno in ay shirkadaha waxbarashadu door muhiim ka ciyaaraan adeegyada waxbarashada
Muddadii uu akadamigu waday hawshan baadhista ah, waxa u suurtogashay in uu ogaado doorka ay shirkadaha waddaniga ahi ka ciyaaraan horumarka waxbarashada, haddaba iyada oo ay shirkado door ahi kaalin ka ciyaaraan horumarka waxbarashada, ayuu Akadamigu maqalaadan ku eegi doonaa doorka ay Shirkadda Telesom ka ciyaarto horumarka waxbarashada.
Shirkadda Telesom waa shirkad waddani ah oo macaamiisheeda u fidisa adeegyo ay ka mid yihiin tilifoonada iyo internetku, fadhigeeduna uu yahay magaalada Hargeysa, sidoo kalena laamo ku leh degmooyinka iyo gobolada Somaliland, waxaanay shirkaddani ka mid tahay shirkadaha sameeyay koboc iyo korriin la taaban karo muddadii ay jireen, kuna tallaabsaday horumar la taaban karo.
Shirkadda Telesom waxa ay ka mid tahay shirkadahakaalin muuqda ka ciyaara dhamaystirka arrimaha bulshada, waxa ay se qormadi taabanaysaa qaar ka mid doorka lama illaawaanka ah ee ay shirkaddu ka qaadato dhanka waxbarashada. Barnaamijyada waxbarasho ee ay shirkadda Telesom fulisay, ka qaybqaadatay, ama ay ka ciyaartay doorka muhiimka ah waxa ka mid ah kuwan
Tartan-aqooneedkii Waaxyaha Hargeysa ee 2008
Tartan-aqooneedkan oo ay qabatay shirkadda Telesom bishii Ramadaan ee Sannadkii 1430H/2008, waxa uu ahaa mid ay ku tartameen dhalinyaro aqoonyahanno ah oo laga soo xulay shan ka mid ah waaxyaha ay ka kooban caasimadda Hargeysa, waaxyahaas oo kala ahaa: Gacan-libaax, Ibraahim Koodbuur, Axmed-Dhagax, 26/June iyo Maxamuud Haybe waxa uu ahaa tartan aad u xiiso badan oo galabnimada lagu qabto xarunta Telesom ee u dhaw ishaarada ku taalla faras-magaalaha Hargeysa.
Tartan-aqooneedkan oo si joogto ah habeen walba looga baahin jiray Telefishanka Qaranka Somaliland ee SLNTV waxa uu ahaa mid ay aad uga heleen bulshada daawada SLNTV gaar ahaanna bahweynta aqoontu, waxaanu ahaa mid la isku weydiin jiray su’aalo isugu jira diinta Islaamka, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida, Sayniska, Taariikhda, Juquraafiga iyo guud ahaan noocyada kala geddisan ee cilmiga waxaanu ahaa mid laga dheefay lagana dhaxlay aqoon heersare ah oo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno su’aalaha tartanka u soo xulay qaab heersare ah, iyada ay tartamayaasha waaxyuhuna su’aalaha u doo ran jireen qaab nasiib ah.
Tartankani waxa uu sababay is-dhexgal iyo is-barasho dhexmarta dhalinyarada aqoonyahanka ah ee Hargeysa, eek u kala nool qaybaha kala geddisan ee Hargeysa, waxaanu ahaa mid loo garsoori jiray si hufan oo ka madhan eex, caddaalad-darro, iyo dhan u iilasho, ugu dambayntiina waxa tartan-aqooneedkaas ka socotay ku guuleystay waaxda Gacan-libaax, kaalinta labaadna waxa ku guuleystay Waaxda Maxamuud Haybe.
Xafladdii xidhitaanka tartan—aqooneedkaas oo ay ka soo qaybgaleen Culimo, Madaxda Waaxyaha Hargeysa, Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex iyo dadweyne kale ayaa waxa jaaisado lagu guddoonsiiyay waaxyihii ku guuleystay tartanka iyo waaxyihii kale ee u tartamay sida hufnaanta leh. Ugu dambayntii waxa uu tartan-aqooneedkaasi ka mid ahaa barnaamij aqooneedyada loo bogay ee ay fulisay Shirkadda Telesom, iyada oo ay shirkadda Telesom hirgalinta hawshan u hurtay dhaqaale, feker, maskax iyo dadaal aad u badan, oo dhalay midho aayatiin badan.
ERA desk
eraorg@ymail.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, March 31, 2010

Hormoodka Jaamacadda SUTECH oo ka hadlay habka ay u bixinayaan Deeq Waxbarasho oo dalka dibeddiisa ah

Hargeysa, (NNN)- Guddoomiyaha Jaamacada (SUTECH) Prof Siciid Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Somaliland aanay ula dhaqmin Jaamacaddaas sida Jaamacadaha kale, isla markaana wuxuu codsi u jeediyay Madaxweyne Rayaale.
Prof. Siciid Sheekh Maxamed oo shalay xarunta Jaamacaddaas ugu waramay qaar ka mid ah Warbaahinta, ayaa sheegay in Jaamacadda SUTECH dhammaan ardayda dhigata ay bilaash ugu dhigaan, hase ahaatee, ay Wasaaradda Waxbarashada ka waayeen wixii ay xaqa ugu lahaayeen.
“Dhammaan ardayda oo dhan bilaash baanu ugu dhignaa, inta arday dhigatana waxaan 10 ka badnayn ayaanu ka qaadnay Lacagtii is-qorista (Registration Fee), waxa taa dheer Dhulka ay Jaamacaddu ku fadhido oo Beer wayn ah waxay nagu joogtaa Nus-Malyuun Dollar. sidaa darteed, anagu soo maanu lacag doonan sida Jaamacadaha qaarkood ee waliba ku jira Guryaha kirada ah, isla markaana ah Jaamacadda labaad ee Hargeysa Dhul iyo dhisme iyadu leedahay ku jirta. sidaas oo ay tahay, ayaa haddana Wasaaradda Waxbarashadu aanay noo diidday Warqad aqoonsi.” Ayuu yidhi Prof. Siciid, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxay sanad ka dib markii aanu aasaasnay Jaamacadda, ayuu Wasiirka Tacliintu na siiyay Warqad aan qiimo badan lahayn, taas oo macnaheedu yahay in aananu helin kaalmada ay Jaamacadaha kale ka helaan Dawladda.”
Prof. Siciid wuxuu ka hadlay muran u dhaxeeya Jaamacaddiisa iyo Jaamacadda ADMAS, waxaanu sheegay in Jaamacaddaasi ay kaxaysatay Macallimiin ajaanib ah oo kala duwan oo uu ka kala keenay afar dal oo Yurub ah. waxaanu codsi u jeediyay Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa. “Horeba codsi waan ugu jeediyay Dawladda oo Wasiirada Tacliinta iyo Arrimaha gudaha ilaa Madaxweyne Rayaale ayaan socday, waxaanan mar kale ka codsanayaa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadda in Macallimiintaas laga masaafuriyo dalka, haddiise la leeyahay Jaamacadda kaliya ee bariga Hargeysa ku taala waa la cabudhinayaa ha la caddeeyo.” Ayuu yidhi Siciid. Waxaanu sheegay in Telefishanka Qaranku aanu dhex ka noqonin muranka labada Jaamacadood u dhaxeeya.
Mar la waydiiyay Hormoodka Jaamacadda SUTECH habka ay imtixaanka uga qaadayaan iyo nidaamka ay u xulanayaan 20 Arday oo ay Deeq Waxbarasho u fidiyeen Baanka Islaamiga ah oo iyaga loo soo mariyay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Habka aanu u xulanaynaa waxa weeye, cid kasta oo Dugsi sare ka baxday, waxaanu ku baahin doonaa Jaraa’idka, anaga oo imtixaan ka qaadi doona Ardayda aan dhigan Jaamacaddayada, halka kuwa Jaamacadda SUTECH ugu yaraan in uu laba sanno dhigtay Jaamacaddu ay shuruud u tahay. Hase yeeshee, waqtiga ay noqonayso dib baanu ka sheegi doonaa.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, March 5, 2010

Siyaasiyiin magac ku leh dalka oo dhammaystay Waxbarasho ay muddo ku jireen

Hargeysa, (NNN) - Munaasibad loo qabtay qalin-jebinta dufcaddii koowaad ee ka qalin-jebisa Mac-hadka Nabadda iyo xallinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa xalay lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibaddan waxa ka qayb-galay masuuliyiin sarsare oo ay ka mid yihiin, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, Shirguddoonada Wakiilada iyo Guurtida, Wasiirka Madaxtooyada, Abwaanno, Culima’udiin, Aqoonyahan iyo marti-sharaf kale.
Munaasibaddan oo loo qabtay 33 Arday oo u badan Siyaasiyiin iyo aqoonyahan dalka magac ku leh, kana mid yihiin, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ku-xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye-xigeenka Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale, ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo ka waramay uujeedada Mac-hadkan ay ka qalin-jebiyeen masuuliyiintan iyo in uu ka tirsan yahay waaxyaha Jaamacadda Hargeysa. Waxaanu Guddoomiyaha Jaamacaddu sheegay in masuuliyiintani ay dhigayanayeen xallinta khilaafaadka muddo sanad ah, lagana rejaynayo in ay wax ka bedelaan arrimaha siyaasadeed ee dalka.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay Mac-hadkan, isla markaana sheegay in masuuliyiinta ka baxay dugsigani ay tahay mid lagu farxo waxay barteen. Waxaanu Xisbiga UDUB ugu baaqay inay galaan Mac-hadkan. “Masuuliyiinta Xisbiga UDUB ayaa iyana u baahan inay galaan Mac-hadkan, si ay u bartaan nabadda iyo xallinta khilaafaadka.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna halkaa ka hadlay, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay wax-qabad-la’aan, waxaanu sheegay in tallaabada ay qaadeen masuuliyiintani ay tahay mid loo baahan yahay. “Laakiin, aniga iyo Guddoomiye Siilaanyo ayaad naga tagteen oo ay ahayd in aanu galno.” Ayuu si kaftan ku dheehan yahay u yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu ku hambalyeeyay masuuliyinta ka qalin-jebiyay Mac-hadkan.
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xallinta khilaafaadku iyo sida ay Diintu u aragto.
Sidoo kale, masuuliyiintii halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Abwaan Gaarriye, Madaxa Mac-hadka nabadda iyo xalinta khilaafaadka, Wasiirka Madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale (Macallin), Maxamed Cabdi Malow oo UDUB u hadlay, kuwaas oo dhammaantood ka waramay muhiimadda ay leedahay barashada xallinta khilaafaadka, isla markaana ku hambalyeeyay ardayda iyo masuuliyiinta Jaamacadda.
Somaliland.org

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking