COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label diinta. Show all posts
Showing posts with label diinta. Show all posts

Monday, November 29, 2010

Sh.Aadan Siiro oo looga yeedhay Xarunta CID iyo Dareenka Ku Xeeran Arintaasi

Hargeysa, 28 Nov, 2010 (Nnn)- Hay’adda baadhista dambiyada ee CID-da ee Somaliland ayaa la sheegay inay warqad yeedhmo ah u qortay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalkan Somaliland.
ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in warqada yeedhmada ah ee loo qoray Sheekh Aadan-Siiro ay la xidhiidho khudbad kulul oo uu Salaadii Jimce ee doraad ka jeediyay masaajidka ku yaala xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa, taas oo uu kaga tiraab celiyay hadalo ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabose, oo uu kaga hadlay nin Jarmal ah oo Hargeysa ugu xidhan falal dhaqan xumo ah oo uu ku sameeyay hablo reer Somaliland ah, waxaanu Sheekh Aadam ku baaqay in ninkaas shareecada Islaamka la mariyo.
Ilahaas xogogaalka ahi waxa ay intaas ku dareen in la filayo in Sheekha maanta looga yeedho xarunta CID-da, waxaana la sheegayaa inay Sheekha arrimahan u maleegayaan masuuliyiin ay dhibtay khudbadiisii salaadii Jimce oo doonaya inay sharaf dilaan.
Sheekh Aadan-Siiro oo ku caan baxay ilaalinta shareecada iyo qaddiyadda Somaliland, khudbadihiisana salaadda Jimce ku eega hadba dhacdooyinka bulshada dhexdeeda ka taagan, laguna yaqaano difaaca arrimaha danyarta iyo waxtarokooda, waa markii ugu horaysay ee intii xukuumado dalka soo maray looga yeedho xarunta CID-da ee Somaliland, waxase la eegi doonaa halka ay isugu biyo shubato arrintan oo la filayo inay dareen xaasaasi ah ka dhex abuurto bulshada, maadaama oo uu yahay Sheekh magaca ku dhex leh bulshada islamarkaana taageerayaal badan iyo jawaabta ay shacabku ka bixiyaan.
Hay’adda baadhista dambiyada ee CID-da ayaa lagu eedeeyaa inay indhaheeda iyo shaqadeeda ku koobto bulshada Somaliland gudaheeda, balse ay iska indho tirto inay nidaam qaran ku shaqayso, waxaana la xasuusanyahay inaanay dan iyo muraad ka gelin dadka ka soo horjeeda qaranimada Somaliland ee dhex mushaaxa magaalooyinka kala duwan ee Somaliland oo uu u dambeeyay siyaasiga Cismaan Jaamac Cali oo isagoo aan aaminsanayn Somaliland dhawaan muddo dheer dalka joogay. Waxaana muddooyinkan dambe la arkayaa in hay’adani hawlaheeda ku koobtay daba galka dadka difaaca ee taageersan madaxbanaanida Somaliland. Si kastaba ha ahate yeedhmada CID-da ee Sheekh Aadam-Siiro, waxa la eegi doonaa halka ay ku dambayso iyo wararka ka soo kordha.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, May 24, 2010

Sheekh: Mac-hadka faafinta Islaamka oo kulan la xidhiidha fikirta Diinta ee is-qarxinta u qabtay Ardayda Dusgiga SOS

Sheikh,(NNN) Mac-hadka faafinta Islaamka ee ka hawlgala Somaliland, ayaa dorraad kulan-diimeed u qabtay ardayda Dugsiga sare ee SOS ee degmada Sheekh.
Kulankaas oo ka dhacay xarunta Dugsiga sare ee SOS, isla markaana ku saabsanayd fahanka saxda ah ee diinta islaamku ka qabto is-qarxinta, waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), Sheekh Saleebaan Siciid, Ardayda iyo macalimiinta Dugsiga.
Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo ka warbixiyay Mac-hadka faafinta Diinta Islaamka. “Mac-hadkani waa mid diinta Islaamka fidiya, waxaanu wax badan ka qabtay wadamada Afrikada galbeed, maantana waxa farxad weyn noo ah in aanu la joogno ardaydan wax baranaysa ee dugsiga SOS.” Ayuu yidhi Guddomiye Mooge, isaga oo hadalkiisa sii wadana waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan idin sheegayaa in Hay’addani u dhisan tahay in ay dadka ku wacyigeliso ha is-qarxinina cidna ha dilina, idinkuna ha is-dilina. Waxaana aad ogaataan in Dugsigan madaxda maanta wadankeena ugu caansani ay dugsigan sheikh ka soo baxeen, waxanan rajaynayaa in idinkana ay madaxweynaha mustaqbalku idinku jiro.”
Waxa kaloo halkaas muxaadaro diini ah ka soo jeediyay Sheekh Saleebaan Siciid, oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen, “Waxanan maanta idin soo gudbin doonaa sida islaamu ula dhaqmo dadka aan islaamka ahayn, waxana haboon in dhalinyaradu ay diinta si fiican u bartaan, si ay u kala saaraan dadka sharka xun wada ee halaynaya dhalinyarada ee odhanaya si aad janada u gashaan is-qarxiya, oo ku jano taga dadkaas halkaas jooga, waayo dhalinyaradii fikirka ay ku xadeen waxa weeye, idinku dadka meesha jooga wada qarxiya muslin iyo gaalaba ha ahaadaane waxa iman doonta in dadka halkaas ku dhintay loo kala saari doono niyadooda. Markaas taasi waa fakir liita, oo aan haboonayn.”
Isaga oo hadalkiisa sii wadana waxa uu sheekku ku daray “idinku ka SOS ahaan waa dhadhmiseen wax wax dila waayo waxa halkan lagu dilay malimiintii wax idin dhigi jiray oo aan waxba galabsan, taasina waa ta maanta ka jirta meelo badan oo ay wadaaan dad fakir aad u daciif ah wata oo runtii u bahan in laga hortago.” Waxaanu intaas ku ladhay oo uu yidhi “waxad maqlaysaan musaajid ayaa la qarxiyay, runtii taasi waa mid inagu cusub waayo marka la qarxiyo musaajid aamiintu ka baxayso waa mid aad u daran, una bahan in tashi iyo wacyi gelin xoog ah u bahan. walalayaal maanta farxad weyn ayay noo tahay in aanu horfadhiyo shabaabkii wadanka oo u tafo xaydan sidii ay wax u baran lahayeen.”
Gebo-gabadii kulan diimeedkaas waxa halkaas su’aalo diimi ah ku waydiiyay Sheekha muxaadirada jeediyay ardayda Dugsiga sare ee SOS.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, May 3, 2010

Itoobiya oo sheegtay inay qabteen xubno Al-Shabaab ka tirsan oo Somaliland sii maray

Addis Ababa,(NNN)- Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay xidhay 10 xubnood oo ka mid ah Kooxda Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ka dagaallama, kuwaas oo ay sheegtay inay ka gudbeen oo ay sii mareen Somaliland.
Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Nazret.com ee dalka Itoobiya, Saraakiisha Booliska ee dalkaas, ayaa sheegay in maalintii sabtidii ee toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen ilaa 10 xubnood oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen in ay qorshayayeen falal ismiidaamin ah oo qorshahoodu ahaa in ay ku khalkhal-geliyaan Doorashooyinka Itoobiya la filayo in ay ka dhacaan Bishan. Warku wuxuu intaa ku daray in Boolisku sheegeen in Raggan ay gacanta ku dhigeen ay mareen markii hore dhinaca Somaliland.
Ciidamada Boolisku waxay intaa raaciyeen in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Hubkii iyo agabkii kale ee ay u adeegsan lahaayeen falalka xasillooni-darro, kuwaas oo ay xuseen in ay sida ugu dhakhsaha badan u horkeeni doonaan Maxkamad.
Dawladda Itoobiya, ayaa Dalka Ereteriya ku eedeeya in uu tababaro iyo gargaarba u fidiyo Kooxaha ka dagaallama Koonfurta Soomaaliya ee ay Al-Shabaab ka mid tahay.23 bishan May ayaa la filayaa in ay dalka Itoobiya ka qabsoonto Doorasho, taas oo ay codkooda ku dhiiban doonaan in ku dhaw 30-Milyan oo qof oo ku dhaqan dalkaas.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

“Illaahay waxaanu ka baryaynaa inuu Soomaalida Caqligeedii soo celiyo, falka noocaas ahina…”

Sheekh Cali Warsame……..Waraysi
Burco, (NNN)- Sheekh Cali Warsame oo ka mid ah culimada ugu caansan Somaliland, ayaa naqdiyay qarax doraad lala beegsaday Masaajid ku yaala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa Masaajidkaas oo aanay masuuliyadiisa ciddi sheegan, waxa ku dhintay ilaa 40 qof, halka ilaa 80 kalena ku dhaawacmeen.
 Hase yeeshee, Sheekh Cali Warsame waxa uu sheegay in falka noocaas ahi aanu sal ku lahayn diinta Islaaamka iyo bani-aadaminimada. “Waa arrin markaan maqlay qalbigayga aad u gilgishay…Wadamadaa kale waan ka maqli jiray iyadoo Masaajidada la qarxinayo, laakiin arrintani waa mid hadda soo korodhay, waxaana keenaya xadgudubka iyo qofka marka uu dadka Muslimiinta ahi dhiigoodu la fududaado, kumana joogayo markii hore halkuu joogaye, maalin walba waxyaabo la odhan karo kanina kii hore wuu ka fool-xun yahay baa lagu kacayaa,” ayuu yidhi.
Waxa uu Illaahay ka baryay in kuwa falalka noocaas ah samaynaya uu garansiiyo khaladka ay faraha kula jiraan, umadda Soomaaliyeedna uu karaamadeedii soo celiyo. “Haddii aanu nahay Culimada Fadwada, cilmi-baadhista iyo ka jawaabista arrimaha Diinta, arrintaa waxaanu u aragnaa ama aan u arkaa mid aad u fool-xun, diinta ku xun, bani-aadaminimada ku xun oo akhlaaqda ku xun. Markaa aad baan uga xumahay, waxa halkaa (qaraxa Masjidka Bakaaraha Muqdisho) ka dhacay – diinta, bani-aadaminimada, damiirka iyo damqashada Ilaahay bani’aadamka ku abuuray wuu khilaafsan yahay. Arrintaa dhacday meel ay daliil ka helayso, hadday tahay caqliga, cilmiga iyo diinta ma leh. Markaa Illaahay waxaanu ka baryaynaa inuu Soomaalida caqligeedii soo celiyo, falka noocaas oo kale ahina aanu dib dambe uga dhicin, dadka waxaa ku jirana Ilaahay garansiiyo khaladka ay ku jiraan,” ayuu raaciyay.
Mar la waydiiyay in shaqsiyan uu filayay in gudaha Soomaaliya lagu geysan doono qaraxyo lala beegsado goobo lagu cibaadaysanayo, waxa uu ku jawaabay, “Waanu filaynay wax kastaa inay dhici karaan hadday joogsan waayaan, waxaas iyo wax ka darani inay imanayaana waa wax la filayay.”
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Culimada diinta Islaamka ee ay isku aragtida ka yihiin falalka noocaas ah, ay sii wadi doonaan inay umadda ka wacyigeliyaan inay ka joogsadaan.
Mar la waydiiyay waxa uu kula talinayo kooxaha falalkaa geysanaya, waxa uu yidhi, “Waxaan u jeedinayaa Illaahay inay ka cabsadaan, naftooda Illaahay uga cabsadaan, aakhiradooda ay u cabsadaan, umaddana ay u naxaan oo dhibaatadaa ay ku wadaan ay ka waantoobaan.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking