COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label gobolka. Show all posts
Showing posts with label gobolka. Show all posts

Monday, July 19, 2010

Rayslawasaaraha Itoobiya oo ku baaqay in la cidhib-tiro kooxda Alshabaab

Addis Ababa, (Nnn)- Ray’sal Wasaaraha Meles Zenawi, ayaa shaaca ka qaaday inay waajib tahay in guud ahaanba la masaxo kooxda Al-shabaab ee ka dagaallama koonfurta dalka colaaduhu ragaadiyeen ee Soomaaliya.
“Ma jirto wax rejo ah oo haba-yaraatee laga qabo in wadahadal lala galo kooxda Al-shabaab. Ma jiro jid kale, laakiin waa in guud ahaanba laga shaqeeyo in la masaxo.” Ayaa ka mid ahaa hadalkiisa. Waxaanu intaasi raaciyey Ray’asal wasaaruhu, “Dadkani (Al-Shabaab) waa cadawga bina-aadamka, kuwaasoo diyaar u ah inay xasuuqaan dad aan waxba galabsan iyaga oo aan cidnaba tixgelin.”
Dalka Uganda ayaa sheegay khamiisii la soo dhaafay inay diyaar u yihiin sidii ay Ciidamo dheeraad ah ugu diri lahaayeen magaalada Muqdisho, taasoo ka dambaysay markii Gobolku go’aan ku gaadhay in halkaas loo diro 2000 oo Askari , kuwaasoo looga baahan yahay sidii ay Ciidamada Midawga Afrika u guda-gali lahaayeen halw-galladooda marka ay tiradoodu gaadho 8100.
Inkasta oo Ray’sal wasaare Meles Zenawi uu u sheegay wakaaladda wararka AFP horraantii bishan inaanu doonayn Ciidamo Millatari ah oo uu dib u geeyo Soomaaliya, haddana dhawaaqiisaa hore ayay ku jirtay inaanu wax shaki ahi ka gali doonin sidii uu uga jawaabi lahaa haddiiba ay kooxda Al-Shabaab ku wada guulaysato awoodda Soomaaliya. Hadalka Ray’sal wasaaraha ayaa ka dambeeyey weerarro qaraxyo ah oo Axaddii toddobaadkii hore lala beegsaday Makhaayado ku yaalla badhtamaha magaalada Kampala ee xarunta Uganda, halkaasoo 74 ruux ku dhinteen, in 80 qof ka badanina ku dhaawacmeen, qaraxyadaasoo ay kooxda Al-shabaab masuuliyaddooda sheegatay.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, July 14, 2010

Wasiir ka tirsan Dawladda Ingiriiska oo la kulmay ergooyin ka socda dalal Somaliland ka mid tahay

Nairobi, (Nnn)- Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay aqoonyahan ka kala socda deegaamada Soomaalidu degto oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ka mid tahay.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Nairobi, ayaa qasdigiisu ahaa u xogogaal noqoshada xaaladda Soomaalida ee Dawladda cusub ee Ingiriiska, waxaanay labada dhinac ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xidhiidhka dawladda Ingiriisku la yeelanayso.
Aqoonyahanka iyo masuuliyiinta Somaliland uga qayb galay kulankaa waxa ka mid ah Hormoodka Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ka warbixiyay ujeedada kulankaa iyo wixii lagaga wada hadlay. “Waxaanu la kulanay Wasiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan iskaashiga caalamiga, waxaanu wada qaadanay laba saacadood oo Qado dusheed ah, anaga oo Aqoonyahanno Soomaaliyeed ah oo dadka Soomaalida wada matala, sida Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland-ba, qaybaha ay ka kala socdeena waxay ahaayeen Jaamacadaha, Ganacsatada iyo Bulshada rayidka ah. Dawladuna way cusub tahay, dawlad kasta oo cusubina waxay rabtaa inay siyaasad gooni ah la timaado ama teedii horeba dib u eegto. Markaa, arrinta aanu iska waraysanaynay ee Safaaradda Ingiriisku soo qaban-qaabisay waxay ahayd mucaawinooyinkii uu Ingiriiska ama midawga Yurub bixinayeen Soomaalida qaybaheeda sidee bay u gaadhaan? Ama tayadeedu sideebay tahay arrintaasaanu ka wada hadalnay.” Ayuu yidhi Saleebaan oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Mar la waydiiyay Prof. Saleebaan waxa ay kala kulmeen Wasiirka iyo waxay dhinacooda warbixin u gudbiyeen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta Waraysi buu noogu yimi, wuxuu yidhi, maadaama oo aanu dawlad cusub nahay waxaanu doonaynaa inaanu ogaano ilaa xad xaalkiinu siduu yahay, sida ay mucaawinooyinkaasi yihiin, anagay tahay markaa inaan uga warano. Waxaanu ku nidhi, waa wax la wada ogyahay, dawlada Ingiriiska iyo dawladaha kale mucaawinooyinkay bixiyaan ee Soomaalida waxay u badan yihiin halka laga maamulaa magaalada Nairobi iyo magaalooyinka kale oo Geeska Afrika ah, taanu u sheegnayna waxa weeye inaan inteedii badnayn halkan lagu kharash gareeyo in dadkii lacagtaa loogu talo galay aanay awood badan ku lahayn sidii loo isticmaalayey iyo meelaha ay galaysaba. In Nairobi lagu qorsheeyo, mashaariicda dadka maamulayaana badankoodu ay yihiin dad shisheeye ah, maadaama aanaan marka horeba qorshahaa shaqo ama gacan ku lahayn, fullinteediina gacan badan kuma yeelanayno runtii. Markaa, sidii la doonaynayey aanay wada noqonayn arrintaas si cad baanu ugu sheegnay.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaanu ku talinay in Ingriiska iyo dawladaha ay gacan saarka leeyihiinba ay dib u eegaan waxtarka ay mucaawinooyinkaasi tarayaan, in isbadel la sameeyo oo la dhagaysto dadkay mucaawinadu u socotay ee Soomaalida ah, dhinaca Somaliland maamul dawlad baa ka jirta in la warsado iyaga cidda kale ee ay la shaqaynayaan, Puntland in la warsado meeshii ay mucaawino geeyaanba, ka dibna la dhagaysto waxa dan la moodana lagu saleeyo baahidii dadka. Taladaa Wasiirku si wanaagsan ayuu u qaatay, wuxuu yidhi dib ayaanu u eegaynaa. Xataa waxaanu ku nidhi, haddii dadka gudaha jooga la is-haleeli waayo ama aydaan noo dhiibin, waxa la idinla joogta dad soomaali ah, kuwaa noo soo dira halka ay ka shaqaynayaan qolooyinkan Afrikada bari iyo dadkan kale ee aan dhaqankayagana aad u fahmayn maslaxadana aan aad u eegayn.”
Gebogebadii, mar uu Prof. Saleebaan ka hadlayay gunaanadkii kulankaa iyo wixii ku dhammaaday, ayaa wuxuu yidhi, “Horta, labada dawladood oo heshiis galaya maanu ahayn ee wuxuu ahaa is-waraysi, waraysigiina talooyinkaa aanu soo jeedinay waxaanu u arkaynay inuu si fiican u dhagaystay, waxaanan jecelahay siduu ballan qaaday inay ku darsan doonaan talada.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, July 11, 2010

Heshiis Hordhac Ah Oo Laga Gaadhay Wadaaga Biyaha Webiga Biyaha Nile.

Addis Ababa, (Nnn)- Labada dal ee Itoobiya iyo Masar ayaa u muuqda in ay hashiis ka gaadheen murankii ka dhashay qaabka loo qaybsanayo biyaha Wabiga Nile, kaas oo dhawaan khalkhal galiyey xidhiidhka labada dal.
Kulan ay labada wasiir Arrimo Dibaddeed ee labada dal, Itoobiya iyo Masar Mr. Seyoum Mesfin iyo Axmed Aboul Gheit ku yeesheen magaalladan Addis Ababa ayey kaga wadahadleen sidii arrinta biyaha Wabiga Nile xal waara loogu heli lahaa.

Seyoum ayaa Axmed u sheegay in meel-marinta qorshaha dowladda Itoobiya ay hogaaminayso ee qaab isticmaalka biyaha aanu cidna wax u dhimi doonin. "Cidna ku qasaarimayso," ayuu yidhi Seyoum, "wadamada oo dhami waxay doonayaan inay u isticmaalaan si macquul ah."

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar
Dhigiisa ayaa isna yidhi "howsha way socotaa, waxaanu filaynaa in aan wadahadalka sii wadno si aanu uga gudubno khilaafka inoo dhaxeeya."

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya
Masar ayaa shirkii ugu danbeeyey ee qaab qeybsiga biyaha Wabiga Nile ee ka dhacay magaallada Addis Ababa ku gacanseydhay, iyada oo markaas sheegtay in aanay waligeed saxiixi doonin heshiiskaas.

Heshiiska biyaha Wabiga Nile lagu qaybsanayo oo ay hogaamineyso Itoobiya ayaa waxaa kal hore saxiixay dhamaan dalalka uu maro Wabiga Nile, marka laga reebo Masar iyo Sudan.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, May 3, 2010

Itoobiya oo sheegtay inay qabteen xubno Al-Shabaab ka tirsan oo Somaliland sii maray

Addis Ababa,(NNN)- Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay xidhay 10 xubnood oo ka mid ah Kooxda Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ka dagaallama, kuwaas oo ay sheegtay inay ka gudbeen oo ay sii mareen Somaliland.
Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Nazret.com ee dalka Itoobiya, Saraakiisha Booliska ee dalkaas, ayaa sheegay in maalintii sabtidii ee toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen ilaa 10 xubnood oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen in ay qorshayayeen falal ismiidaamin ah oo qorshahoodu ahaa in ay ku khalkhal-geliyaan Doorashooyinka Itoobiya la filayo in ay ka dhacaan Bishan. Warku wuxuu intaa ku daray in Boolisku sheegeen in Raggan ay gacanta ku dhigeen ay mareen markii hore dhinaca Somaliland.
Ciidamada Boolisku waxay intaa raaciyeen in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Hubkii iyo agabkii kale ee ay u adeegsan lahaayeen falalka xasillooni-darro, kuwaas oo ay xuseen in ay sida ugu dhakhsaha badan u horkeeni doonaan Maxkamad.
Dawladda Itoobiya, ayaa Dalka Ereteriya ku eedeeya in uu tababaro iyo gargaarba u fidiyo Kooxaha ka dagaallama Koonfurta Soomaaliya ee ay Al-Shabaab ka mid tahay.23 bishan May ayaa la filayaa in ay dalka Itoobiya ka qabsoonto Doorasho, taas oo ay codkooda ku dhiiban doonaan in ku dhaw 30-Milyan oo qof oo ku dhaqan dalkaas.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, March 27, 2010

Booliska Kenya oo Xabsiga dhigay Soomaali Argagixiso iyo Budhcad-badeed lala xidhiidhiyay

Nairobi, (NNN)- Ciidanka ammaanka dalka Kenya, ayaa xabsiga u taxaabay Soomaali looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Argagixisada.
Siday faafisay wakaalada wararka ee AP, Soomaalidan Kenya xidhay oo saddex nin ka kooban, waxa uu Boolisku gacanta ku xidhay xilli ay saarnaayeen diyaarad caawimo siday oo ay doonayeen inay ugu socdaalaan Soomaaliya. “Saddexdan qof ee laga shakiyay, waxa su’aalo laga waydiinayaa dhaqdhaqaaqooda ay doonayeen inay dalka ka bilaabaan, waxaana laga baadhayaa inay ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqyada Argagixisada,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan Booliska Kenya. “Ma jiraan eedaymo gaar ah oo saddexdooda ka dhan ah, laakiin baadhis uun baa lagu hayaa,” ayuu raaciyay.
Madaxa ciidanka Booliska ee la-dagaalanka Argagixisada Mr. Nicholas Kamwende, ayaa xaqiijiyay xadhiga saddexdaa nin ee Soomaalida ah, balse waxa uu diiday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo.
Saddexdan nin waxa ka mid ah Saleebaan Ciise oo haysta dhalashada Maraykanka, sida la sheegayna ku jira liiska kooxaha Argagixisada, iyadoo labada kalena kala yihiin, Axmed Cali Xasan oo sita dhalashada Kanada iyo Maxamed Xusseen Xaashi oo haysta dhalashada dalka Kenya, kuwaasoo haatan su’aalo lagu waydiinayo xarumaha qaybta la-dagaalanka Argagixisada ee Booliska Kenya.
Dhinaca kale, Ciidanka Kenya ee xeebta jasiirada Lamu, ayaa xidhay 11 qof oo lala xidhiidhay Budhcad-badeeda Soomaaliya, kuwaasoo markii u horaysay Axaddii lagu xidhay biyaha dalkaas, ka dib markii ay ku guuldaraysteen isku-day la xidhiidha afduubka Doon nooca kalluumaysiga ah.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Rabaso: Jabhadda ONLF oo laysay dhalinyaro reer Somaliland ah

Hargeysa, (NNN)- Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta dawladda Itoobiya, ayaa la sheegay inay dad shacab ah oo reer Somaliland ah ku laayeen degaanka Rabaso oo ka tirsan degmada Awaare ee gobolka Dhagaxbuur ee kilalka Shanaad.
Sida uu xaqiijiyay Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, Jabhaddu waxay shalay degaan lagu magacaabo Ciryare oo ka tirsan degaanka Rabaso ku dileen shan wiil oo dhalinyaro ah. “Waxay dileen shan nin oo weliba dhalinyaro yaryar ah oo Geeljire ah,” ayuu yidhi Caaqil Rashiid. “Waxay ku dileen meel lagu magacaabo Ciryare oo dhinaca Hawd ka xigta Rabaso, waxaana galabta (gelinkii dambe ee shalay) nimankaa lagu aasay magaalada Rabaso,” ayuu raaciyay. “Xilliga ay ONLF laysay, wiilashu waxay la joogeen Geel, intooda badana da’doodu labaatan jir way ka yar tahay, inta ay qabqabteen baanay laayeen,” ayuu yidhi.
Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir waxa uu sheegay in weerar noocaas ah ay muddooyinkii u dambeeyay Jabhadda ONLF ku haysay beesha Ciidagale ee degaankaas, isla markaana ay marar hore weeraro ay soo qaaday ku laysay dad shicib ah oo Xoolo-dhaqato ah. “Weerarkan ONLF kii koowaad maaha oo waa kii shanaad ama lixaad, kan kii ka horeeyayna wuxuu ka dhacay dhinaca Galbeed ee Abokor ku beegan, dhinaca Bari ee Darroor ku beegana wuu ka dhacay, degaanka dhexe ee Rabaso ku beegana waa markii afraad. Markaa waa weerar joogto ah oo ay ku wadaan jiidaha ku beegan saddexdaa kaam ee waawayn ee Abokor, Rabaso iyo Darroor,” ayuu yidhi Caaqil Rashiid Jaambiir.
Mar la waydiiyay ujeedada ka dambaysa weerarka jabhadda ONLF ku hayso dadka degaankaas, waxa uu sheegay inay salka ku hayso qorshe ay jabhaddu ku doonayso sidii ay dadka shacabka ah ugu khasbi lahaayeen inay dagaalka ay wadaan gacan ku siiyaan. “Jabhaddu waxay dadka degaanka kula kacaan dhac iyo dil, imikana weeraro joogto ah bay ku hayaan dadka Xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaqan jiidahaas,” ayuu yidhi Caaqilku.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, March 15, 2010

Caadooyinka iyo Dhaqammada Qabiilka Mursi ee Koonfurta Itoobiya

Bulshooyinka kala duwan ee caalamka waxa ka jira dadyow u qaabaysan qabaa’ilo kuwaas oo waddamada ay ku nool yihiin aan si weyn looga tixgelin dhaqannadooda iyo caadooyinkooda. Dadyowgaasi waa kuwa loo yaqaan cawaanka waxaanay leeyihiin dhaqanno ka yaabiya dadka kale ee caadiga ah.
Haddaba, waddanka Itoobiya ee aynu jaarka nahay waxa ku nool dadyow kala duwan. Kuwan waxa ka mid ah qabiilka loo yaqaan Mursi oo mararka qaarna loo yaqaan Murzu kuwaas oo ku nool deegaanka geeri-go’anka ah ee Debub Omo oo ku yaala Koonfurta Itoobiya una dhow xadka ay la wadaagto Suudaan. Qabiilka Mursi ee ku nool deegaankan waxa lagu qiyaasaa 10,000 qof, xukuumadda Itoobiyana waxa ay qabiilkaas la kooxaysaa labada qabiil ee kale ee Suri iyo Me’en kuwaas oo dhammaantood ay ugu yeedhaan qabiil-weynaha Surma kaas oo qabiilka Mursi uu diiday inuu hoos yimaadda isla markaana loogu yeedho Surma.
Mursigu waxa uu kaga duwan yahay qabiillada kale ee Afrikaanka ah ee ay dhaqamada iyo caadooyinka wadaagaan, waa dad meel kaliya deggen oo aan guur-guurin. Waxa jira siyaabo badan oo ay qabiilkani kaga duwan yihiin dadyowga ay isku deegaanka yihiin. Tusaale ahaan, Luqadda ay dadkani ku hadlaan waxa ay ka mid tahay bahda afafka la isku yidhaahdo Nilo-Saharan, halka dadyowga ay isku deegaanka yihiin qaarkood kaga hadlaan bahda luuqadaha la isku yidhaahdo Afro-Asiatic oo luqadda Amxaarigu ka mid tahay, in kasta oo qaybo yaryar oo qabiilkan ka mid ahi ku hadlaan luqadda Amxaariga.
Dadka Qabiilkani intooda badani waa qaar aan waxba akhriyin waxna qorin. Marka la eego dhinaca diimaha ay aaminsan yihiin, in kasta oo inyar oo ka mid ahi ay haystaan diinta Masiixiga, intooda badani waxa ay caabudaan xayawaanada, iyaga oo rumaysan in dhirta, xayawaannada iyo qaar kale oo ka mid ah walxaha aan noolayn ay ruuxi ku jirto.
Waxa qabiilkan lagu yaqaanaa in hablahooda iyo dumarkuba ay dabnahooda hoose ku xidhaan biro wareegsan waxaanay dhaqamadan isaga mid yihiin qabaa’illada Amazon sida Suya oo ku nool agagaaarka webiga Xingu ee waddanka Brazil, in kasta oo qabiilka Suya raggoodu ay dabnahooda ku xidhaan biraha wareegsan, halka Mursi-ga ay dumarku ka xidhaan.
Qabiilka Mursi-ga hablaha gashaantimaha ahi waxa ay dabnahooda ka hoose ka lulaan bir wareegsan iyo kuulo ka laadaan. Sida ay tani ugu suurto-gasho, qabiilkani waxa ay sameeyaan in hablaha inta ay yar-yar yihiin laga daadiyo ilkahooda hoose. Deegaanka ay qabiilkani ku nool yihiin oo ah dhul-kaymeed duur-joogtu ku badan tahay isla markaana dhaqaale badan ka soo galo dawladda Itoobiya, waxa ay muddooyinkii ugu dambeeyey la kulmayeen baro-bixin ay dawladda waddankaasi kaga saarayso deegaanka iyaga oo aan magdhow ka helin baabiin loo gaysto guryahooda ku dhex yaala dhulka duurjoogtu ku nooshahay.
Qabiilkan waxa lagu tixgeliyaa inay yihiin ka mid yihiin qabiillada Afrika ee ugu daan-daansiga badan isla markaana duullaannada ku qaada qabiillada kale. Waxa ay caan ku yihiin munaasibad dagaal oo la yidhaahdo Donga taas oo ay ulo ku ragga qabiilkan cawaanka ah. Ninka ku guulaysta dagaalkani waxa uu awood u leeyahay inuu xusho hablaha ugu quruxda badan ee qabiilkan, xataa haddii uu nin kale qabo. Qabiilkan waxa caado u ah inay cabbitaanka ka dhigtaan isku jirka caano iyo dhiig la isku daray sida ay sameeyaan qabaa’illada cawaanka ee ku nool meelo badan oo ka mid ah qaaradda Africa.






Hablaha Gashaantimaha ah ee Qamiilka Mursiga

Nasiib News Network

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, March 7, 2010

Faarax Macalin oo difaacay Somaliland sheegayna inuu mar labaad ku soo noqonayo

Nairobi, (NNN) - Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macallin, ayaa sheegay in mar kale uu booqasho ku imanayo Somaliland, isla markaana wuxuu mar kale dedafeeyay eedayn uu Wasiirka arrimaha dibedda ee dalkiisu u jeediyay, taas oo uu sharci-darro ku tilmaamay.
Md. Faarax Macallin wuxuu sheegay in eedda ka dhanka ah socdaal uu Somaliland ku yimi dabayaaqadii sanadkii tegay ee uu u jeediyay Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya Moses Watengula, waxaanu sheegay in aanu awood u lahayn dacwaddaas in uu soo oogo. “Baarlamaanku wuu ka awood badan yahay xitaa Madaxweynaha, guddiyada Baarlamaanka ee 27-ka ahi dhammaantood cidday ka amar qaataan ee ay hoos tagaan waa aniga, ciddii aan amrayayna aniga ima dacwayn karto, kaliya waxa laygu dacwayn karaa Baarlamaanka oo dhan oo is-raaca. Waxaanse u arkaa uun in uu Wasiirku cid uu u adeegayay ku qancinayay.” Ayuu yidhi Faarax Macallin oo shalay u waramay Telefishanka ETN. Waxaanu sheegay in siyaasaddii dawladdiisa Kenya ee la xidhiidhay Soomaalidu ay is-bedeshay, isla markaana garatay in dantoodu ku jirto dhismaha Soomaalida.
Mar la waydiiyay guddoomiye-xigeenka in booqashadiisu shaqsi ahayd iyo in kale, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Booqashada waxaan ku metelayay Dawladda Kenya oo waxa hantida iyo kharashka bixisay Dawladda Kenya, ninku haddii aanu ahayn mid ajaanib ah oo aanu Af-Soomaali ku hadlayn Soomaalidu waxay u aragtaa Masuul culus, laakiin waxaan ku metelayay Dawladda Kenya. Warbixinta aanu ka soo diyaarinay Somaliland-na waxa iska leh Baarlamaanka, ma laha Fulintu ee waxa leh Baarlamaanka oo dersaya wixii aanu soo aragnay oo ka doodaya. Maadaama aanu xaqiiqo-raadis ahayn, waanu sheegaynaa xaqiiqadii aanu soo aragnay, hadddana iima saamaxayso in aan ka sheekeeyo wixii aanu soo aragnay, waayo waxay u taalaa Baarlamaanka oo ay u taalaa.” Ayuu yidhi.
Mar Faarax Macallin la waydiiyay kulamo uu la yeeshay xubno ka tirsan Somaliland-diidka ku sugan Nairobi iyo waxyaabaha uu Somaliland ku soo arkay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Anigu hebel iyo hebel kuma odhanayo, in aan halkaa (Somaliland) u socdo dad badan baan u sheegaya, waxaana I geeyay cabsi aan ka qabay in isku-dhac ka dhaco (Somaliland iyo Puntland oo isku dhaca)..Dad baan la tashaday kuma odhanayo, laakiin wax badan baanu is-aragnay dadka reer Sool, waxaanu is-aragnay gobollo badan oo Soomaaliya ka tirsan iyo gobollo kale oo Somaliland ka tirsan. Imikana, dadka ka qaylinaya muxuu u tegay Laascaanood, waxaan leeyahay Laascaanood cid iga xigta ma jirto, maantana ninka u dhashay waa ninka wax la qabta, waayo waxay u baahan yihiin Caafimaad, Waxbarasho iyo Biyo.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan tegay Borama waxaan ku arkay Jaamacad kuwa Kenya ka sarraysa, dadkii aqoonyahanka ahaa ee reer Borama ayaa soo diray Kharashka iyo maal-gelinta, waxa kale oo aan Arkay Cusbatal halkaa ku yaala oo 2-Milyan oo Dollar ay ka badan tahay Qalabka yaala.”
“Anigu waan tagay Borama. Waxaan ku soo arkay Jaamacad ay yaalaan qalab aan kuwa Kiiniya laga helin. Waana dad wax qabsaday. Tusaale ahaan qurbajoogga reer Borama way ku kala aragti duwan yihiin inay Somaliland go’do, laakiin waxay u midoobeen wax-qabad.” Waxaanu Faarax baaq u jeediyay qurba-joogga Gobollada Sool iyo Sanaag. “Qurba-joogga reer Sool iyo reer Sanaag waxaan odhanayaa ha isku dar-daraan lacag oo yaryarka halkaa ku rafaadsan wax la qabtaan oo ay Biyo nadiif ah u raadiyaan deegannadooda. Waayo hadday Somaliland go’do ha la go’aan iyaga oo Bulshadoodu dhisan tahay, haddaanay Somaliland go’inna Soomaaliya ha kula midoobaan dadkooda oo wax taransaday. Waxaan leeyahay, intaydaan dood kale galin dadkiina badbaadiya. Waan diri doonaa waqti aan fogayn khabiir baadha Biyaha halka laga helayo oo waan u soo ballan-qaaday.” Ayuu yidhi Faarax Macallin. Waxa kale oo uu intaas ku daray, “Horaan u tagay Muqdisho, Puntland, maxaa looga hadli waayey ee loo hadal hayaa booqashadayda Somaliland.”
Mar la waydiiyay in socdaalkiisu daarnaa in Puntland uu uga dan lahaa oo dhawaanahan Itoobiya u dhiibtay dad u dhashay Soomaalida Itoobiya ee Ogaadeeniya oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, wuxuu kaga jawaabay oo uu yidhi, “Somaliland miyaanay gudbinin dad u dhashay Gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo la hubo in aan cadaalad la saarayn oo aan xuquuq la siinin…Waxaan u arkaa aragti rakhiis ah.”
Sidoo kale, mar uu ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay waxa uu kala kulmay dadweynaha reer Laascaanood waqtigii uu tegay, ayaa wuxuu yidhi, “Waxay ka cawdeen dadka xidhnaa oo tiro yar, waxaanay dalbadeen in Maxkamad la soo taago, taasna waan u ballan qaaday, Xukuumadduna sidaan ballan qaaday way fulisay, maalin walbana way ila soo hadlaan dadka ku dhaqan Laascaanood oo waxay leeyihiin, dadka waxyaabahan ka hadlaya waa dad dheregsan ee in wax nalala qabto ayaanu doonaynaa, runtiina way igu hambalyeeyeen socdaalkaygaas.” Waxaanu xusay in aanay jirin wax cadaadis ah oo lagu hayo, haddii ay jirtana ay waajib ku tahay inay ka hadlaan. “Waxyaabahaa aan u tegay waxay ahayd arrimo Bani’aadamnimo, sida aanu iyaga ugu doodayno in wax loola qabto, ayaa waajib na saaran tahay in aanu hubino in aanay jirin dadka deegaankaas cadaadis ku haynin Xukuumadda Somaliland.” ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan jeclaan lahaa sidii aan ku soo arkay magaalooyinka Borama, Gabiley, Hargeysa iyo Burco in ay dhaqdhaqaaqyo ka jiraan magaalooyinkaas.”
Gebogebadii, Faarax Macallin wuxuu sheegay in dhawaan ay u qorshaysan tahay in uu ku soo laabto Somaliland oo uu mar kale booqasho ku yimaaddo. “Laasacaanood waan tegay, Buuhoodlena in aan tago waan rabaa, waan tegayaa Ceerigaabo, waxaanan jeclahay in ay noqoto mid waqti dhaw..Markaa waa sheeko basiid ah, ninka u dagaallamaya aee leh Soomaaliya kama go’I karto Soomaaliland, muxuu u leeyahay muxuu u leeyahay Faarax Macallin Laascaanood muxuu u tegayaa. Inta arrintan socdaalkayga ka hadlaysa oo dhan waan ogsoonahay, waayo dawlad baan u shaqeeyaa, waanan ogsoonahay. Ajaanib baa faraha kula jira, waanay kula jireen waligood.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, March 4, 2010

Xukuumadda oo eedaysay dhaleecaynta loo jeediyey Faarax Macalin

Laascaanood, (NNN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa su’aalo iyo dalab hawada u marisay Wasiirka Khaarajiga Kenya.
Wasiirka Khaarajiga Kenya Mr. Moses Wantengula, waxa uu todobaadkii hore qoraal uu guddiga xidhiidhka dibadda ee Baarlamaanka dalkiisa ka dalbaday inay baadhitaan ku sameeyaan socdaalkiisa guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka dalkaas Mr. Faarax Macalin dabayaaqadii December 2009 ku yimi Somaliland.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Sandule) oo xalay u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA, waxa uu Wasiirka Khaarajiga Kenya ka dalbaday inuu yimaado Somaliland, waxaanu hawada u mariyay dhawr su’aalood oo la xidhiidha sababta uu dacwada uga maagan yahay guddoomiye Faarax Macalin.

Waraysigaas koobani waxa uu u dhacay sidan;

S: Maxay tahay ujeedada aad u qabatay shirka jaraa’id?

Shirkaygan jaraa’id waxa uu ahaa waad ogtahay oo waqti saddex bilood ka hor ah, waxaa halkan noogu yimi guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo wefti guddi hoosaadyo oo arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda madaxdooda. Gudiyada qaybo ka mid ah Baarlamaanka Kenya madaxdoodii ayaa noo yimid oo booqasho noogu yimid Somaliland oo dhan gobolada oo dhan bay mareen.

Hadda xaaladayada waxa lagu jiraa doorashooyin, waxayna u yimaadeen isu-soo dhawayn iyo inay nabadgelyo ku dhacdo iyo bal inay xaalada dalka oo dhan ogaadaan, anaguna aad baanu u soo dhawaynay oo gobollada oo dhan bay tageen….Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya wuxuu ku eedeeyay, ‘ninkaasi inuu tago gobolladaasi arrin khalad ah bay ahayd,’ isaguna waatii uu warbaahinta iska difaacayay. Markaa taas baa keliftay waqtigan inaan ka hadlo anigoo Laascaanood jooga, maalintaa horena joogay markuu yimid ina Macalin.

S: Markaa haddii ay tahay arrin u dhaxaysa Xukuumadda iyo Baarlamaanka Kenya, maxaad idinku u doorateen inaad ka hadashaan?

J: Waxaanu uga hadalay cidda loo yimi ee la isku haystaa waa anaga (Somaliland) - Wasiirku waxa uu ku haystaa maxaad u tagtay Somaliland? anaguna waxaanu leenayahay Wasiir adigu Somaliland maxaad u iman wayday? Ma xaaraan baa in la tagaa? Miyayna ahayn dawlad Afrikaan ah? Miyaanay ahayn kuwa aad nabada iyo wanaaga u wado, miyaanay ahay kuwa aad dariska tihiin? miyaanay ahayn kuwa xaqa kuugu leh? Miyaanay ahayn kuwa deeqaha laguu soo mariyo ee deeqahoodii dalkaaga Kenya joogaan ee waliba ka faa’iidaystaan?. Markaa iyagaa keenay in laga hadlo, sababtuna waxa weeyee; meesha laga hadlay ee la isku haystaa waa ‘maxaad u tagtay Somaliland?’.

S: Marka laga hadlayo booqashadii Faarax Macalin, meelaha ugu waawayn waxa ka mid ah degaanka Laascaanood oo muran dhinaca xuduuda ahi ka taagan yahay. Markaa mala odhan karaa murankaas baa keenay su’aalaha booqashada Faarax Macalin?

J: Faarax Macalin ma keenin taas. Marka hore, Faarax Macalin Kenya ha u dhasho deegaanka Kenya, laakiin degaankana wuu u dhashay, Booramana wuu tagay, Laascaanoodna wuu tagay, weliba marka la eego dhaqanka Soomalida meel baa xigta, Puntland iyo isaguna way u siman yihiin oo marka aad qaab qabiil u hadlayso waa walaalo u siman, marka qaab dawladeed la eegana Laascaanood waa degaanka Somaliland…..Booqasho ayuu ku yimi, horumar buu waday, sharaf bay u tahay Kenya, isaga iyo weftiga kale ee Baarlamaanka ah ee la socdayna waa lagu qiimeeyay inay xisbiyada yidhaahdaan doorashada gala oo guulaysa, Laascaanoodna sidaa si la mid ah buu ugu yimi, Puntlandna ma haysato Laascaanood waa Somaliland, haddii Puntland haysatana wuu ugu iman lahaa.

Faarax dalku dalkiisa weeye, Wasiirkana waxaanu leenahay; ‘waar kaalay adigu, dalku waa dalkaad u baahnayd inaad timaado - dawlada Itoobiya Wasiirka Arriamaha Dibadda ayaa noo yimaada, Wasiiru-dawlayaashaa noo yimaada, Jabuuti sidaa si le’eg, dawlad aan noo iman oo Afrika ahina ma jirto. Markaa waxaanu leenahay, noo kaalay dalka soo arag xaq baad u leedahaye.
Courtesy: Ogaal

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, March 3, 2010

Gudoomiyaha UCID oo Hambalyo u Diray Faarax Macalin Si Kululna u Weeraray Yuusuf Garaad

Hargeysa (NNN) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa hanbalyo u diray Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo difaacay socdaalkiisii uu somaliland ku yimid dabayaaqadii sanadkii hore ee 2009-kii oo shalay eedo uga soo jeediyey wasiirka arimaha dibada ee Kenya inuu taageeray gooni isku taaga somaliland, jawaabihii uu Faarax Macalin ka bixiyey waraysigii xalay uu la yeeshay tifaftiraha laanta afsomaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, ayuu sidoo kale ku sheegay in wariyahaasi waji gabax kala kulmay. Waxa kale oo uu gudoomiyaha UCID Yuusuf Garaad ku eedeeyey inuu geed dheer iyo geed gaabanba ugu taagan yahay xumaynta Somaliland, kuna tilmaamay mid idaacadii ka dhigay mid loogu adeego kooxaha ku dagaalamaya Somalia qaar ka mid ah.
Guddoomiyaha UCID waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Haatuf, kaas oo uu si adag jawaab ugaga bixiyey eedaha loo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ee lagu haysto socdaalkii uu ku yimid Somaliland, kuna tilmaamay shakhsi geesi ah oo xaqiiqda aan iska indha tirin isagoo arintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “waxaan halkan tahniyad uga dirayaa anigoo ku hadlaya magaca xisbiga UCID iyo taageerayaasha balaadhan ee dalka iyo gudihiisa iyo dibadiisa kala jooga, Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin sidii geesinimada lahayd ee uu uga hadlay una difaacay socdaalkiisii uu ku yimid dalka iyo Yuusuf Garaad oo isaguna ku sifoobay “Dhidar xabaalo qodaa qudhun buu uga dhaadhacaa” kuna caanbaxay xaasidnimada iyo xumaynta Somaliland, waraysigii uu la yeeshay Faarax Macalina waji gabax kala kulmay shaqsigaasi ina Garaad oo isagu ah mid xaasidnimo iyo cuqdad uu u qabo Somaliland ay ka soo ifbaxayso, mudadii uu idaacada tifaftiraha ka ahaana ka dhigay goob uu Somaliland ka colaadiyo oo uu koox ugu adeego, waxaanuse leenahay Somaliland kuma baabiin kartid xiqdigaa iyo buqdigaa aad ka wado BBC-da ee isdabo qabo ayaanu ku leenahay iyadoo hooyadaa iyo ehelkaagiiba ay u soo qaxeen Somaliland, hadana waxa nasiib daro ah inaad xumaynta Somaliland uun ka shaqaynayso, wasiir khaarajigan kenyana waxaanu leenahay dalkayaga waxba kama sheegi karo nin magac sharmuuto lihi, Faarax Macalina waxaanu leenahay waa nin aqoon iyo waayo aragnimo dheer u leh Somaliland sharaf iyo qadarin wayna u leh shacbiga reer Somaliland iyo taariikhda faca wayn ee dalka iyo dadka reer Somaliland.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, March 2, 2010

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Kenya, Faarax Macalin, oo iska difaacay eedayn dhinac ka raran wasiir Kenya ka tirsani ugu soo jeediyey safarkii uu Somaliland ku yimid

Hargeisa, (NNN) Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin Axmed, ayaa gaashaanka ku dhuftay qoraal uu Wasiirka Arrimaha dibada Kenya ku dalbaday in Guddi Hoosaadka difaaca iyo Arrimaha dibada ee Baarlamaanku baadhaan dhaqdhaqaaqyadii weftigii Guddoomiye Ku Xigeenka baarlamaanka Kenya uu ku yimid Somaliland bishii December ee la soo dhaafay.
Md. Faarax Macalin oo ka hadlayay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha dibada wuxuu yidhi “Wasiirku Arrintan uu imika ku hadlay Xalaalna ma aha, sharcina ma aha dafaf iyo...

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking