COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label ganacsi. Show all posts
Showing posts with label ganacsi. Show all posts

Thursday, December 30, 2010

WorldRemit: Adeeg Cusub oo Wakhti Badan La Sugayey (Goob kasta iyo Goor Kastaba)

By: Architect/Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |UK|


Immisa ayaad diraysaa? Halkee loo dirayaa? Yaa diraya? Yaa loo dirayaa? …!

Shaki la’aan, qof kasta oo booqda xarumaha lacagaha laga xawilo, waxaa badanaaba uu maqlaa ama dhegihiisa ku soo dhaca afarta su’aalood ee kor ku xusan.
Waa su’aalaha ay Shirkadaha Xawaaladuhu weydiiyaan macaamiishooda lacagaha ka xawilaya, si ay lacagaha ugu gudbiyaan meeshii looga baahnaa. Illaa hadda, waa habka keliya ee ay adeegsadaan Shirkadaha Xawaaladuhu si ay ugu adeegaan macaamiishooda. Waana qaab adeeg oo guud ahaanba dhammaan Shirkadaha lacagaha xawilaa ay ka siman yihiin, marka laga reebo Shirkadda Casriga ah WorldRemit (www.worldremit.com).

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, November 29, 2010

Maxaa Ka Dhexeeya Dalkom Somalia Iyo Kooxda Al Shabaab?

Tixraac Maqaalka Lagu Daabacay Wargayska Hargaysa Star Cadadkiisii 90aad Kuna Taariikhaysan 28/11/2010 Ee Sida Badheedhka Loogu Caayayo Madaxwaynaha Somaliland, Madaxwaynaha Djibouti, Shirkada Somcable, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid. Hadaba Iyadoo Caadeysatay Hargeisa Star Cayda Madaxda Qaranka, Ganacsatada Iyo Ashqaasta Magaca Ku Leh Dalka Ayaa Waxaa Manta Si Qaawan Aan Ugu Jawaabayaa Cayda Ay Caadaysatay Wargeyska Hargeisa Star.
Maqalkan Ay Qoreen Hargeysa Star Waa Mid Ka Wayn War Wargeys Qoro Lakiin Waa Mid Siyaasadeysan Oo Ay Ujeedadiisuna Ka Wayn Tahay Faalo, Una Muuqata Mid Qarankan Somaliland Lagu Waxyeelaynayo Oo Ah Mid Ay Ka Danbeeyaan Shirkada Dalkom Iyo Shariifka Maanta Loo Haysto Saamiyadii Shirkadda Telecom Ee Dhawaan Albaabada Loo Xidhay Dacwaddeeduna Maxkamadda Hortaalo.
Hadaba Waxa Uu Yahay Qodobkaygu:
1. Ugu Horeyn Wargeyska Star/Dalkom/Iyo Inta U Adeegta Ee La Ogsoonyahay Inay Wax Wada Leeyihiin, Lana Hubo In Ay Qarankan Somaliland Weerar Aan Kala Go,Lahayn Ku Wadaan Ka Dib Markay Ka Waayeen Madaxwaynaha Cusub Isku Celintii Labadii Dale E Somaliland Iyo Somaliya Waxay Si Joogto Ah Hargeisa Star Loogu Soo Daabaco Cay Qaawan Oo Siyaasadaysan . Insha Allahna Madaxweyne Siilanyo Ma Noqon Doono Mid Isku Celiya Somaliland Iyo Somaaliya. Wargeyska Hargeysa Starna Nasiib Darro Waxay Noqotay Afkii Lagu Caayi Lahaa Sharafta Iyo Karaamada Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweyne Siilanyana Laguma Oga Taariikh Iyo Magic Xumo Ee Waa Halyey Taariikhdu Sheegtay Wuxuu Yahay Nin Shisheeyana Manta Kama Ogolin Inuu Maalin Walba Suuqyada Hargeysa Ku Qornaado Warqad Loo Sameystay In Lagu Qaldo Oo Lagu Caayo Sharafta Shakhsiyaadka Qiimaha Leh. Waxaa Kale Oo Lagu Daabacay Cayda Madaxweynaha Jabuuti Oo Lagu Dilayo Lagagana Xunyahay Soo Dhaweytii Diirraneyd Ee Walaaltinimadu Ku Dheehnayd Ee Madaxweynaha Somaliland Iyo Xidhiidhka Wanaagsan Ee Bilaabmay. Waxaa Xaqiiq Ah In Markii Ay Ka Waayeen Wixii Ay Rabeen Dadkan Argagixisadu Ku Xidhantahay In Ay Cay Aanay Jamhuuriyadda Djibouti Geyin Maalin Walba Warqaddan Hargeysa Star La Yidhaahdo Uu Si Badheedha Ugu Dhigo. Waxaan Leeyahay Jamhuuriyadda Jabuuti Waa Dhiigayaga Waananu Difaacaynaa Ee Ninkaan Hore U Aqoonoow Barasho Wacan, Jabuutina Waxaa Markhati Ah In La Wada Ogyahay Kaalinta Ay Halgankii SNM Ka Qadatay Mana Qaban Doonto Beenta Qaawan Ee Laga Qorey Waxaanan Siinaynaa Xaal.
Maxamed Aw Siciid Oo La Ogyahay Kaalinta Uu Ka Qaato Horumarinta Dalka, Xag Waxbarashada, Cafimadka, Nabadgalyada, Wadooyinka, Shaqo Aburista Iyo Dib U Dhiska Dalkiisa Somaliland Maaha In Malin Walba Lagu Caayo Hargeisa Star.
In Badan Baa Loo Dulqatay Lakiin Hadii Dad Ahaan Iyo Dawlad Ahaan Wax Looga Qaban Waayo Dagaalkan Cusub Ee Argagixisaddu Dalka Ku Soo Qaaday Way Ka Fogaan Oo Wax Badan Baa La Qod Qodi Shirkado Iyo Ganacsadayaal Badan Oo Ku Lug Leh Cayda Cida Qorta. Muuse Biixi Ma Gayo Mana Aha Mid Muran La Galiyo Halgankii SNM Wuxuu Kaga Yaalaa Baal Dahaba. Waxaan U Aragnaa In Taasina Tahay Mid Lagu Wiiqayo Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye Waana Mid Ka Mid Ah Weererka Dalkom Iyo Huwanteeda Argagixisada Ah. Waxaa Kale Oo Loo Tuhunsanyahay Inuu Rukunada Waaweyn Ee Madaxweyne Siilaanyo Iyo S/Land Ku Taagan Yihiin Baananka Jabuuti Maaha Kuwo S/Land Dhib Ku Haya Laakiin Waa Kuwo La Ogyahay Hadii Aanay Ganacsatada S/Land Baanankaa Helin In Aanay Berbera Sida La Ogyahay Wax Uga Soo Dageen Waxaanad Moodaa In Dalkom Ay Ka Wayday Danaha Ganacsigooda Waxaa Kale Oo Iyana Aad Moodaa In Mucaaridkii Jabuuti .Hargeysa Star Ay Isu Bahaysteen Iney Geeska Africa Dabcusub Ka Holciyaan Hadaba Maxaa La Gudboon Dadweynaha Jamhuuriyada Somaliland Iyo Guud Ahaanshacbiga Reer Jabuutiba Waxaa La Gudboon Inaan Lagu Dilin Dhaqaalaha Faraha Badan Ee Ka Soo Gala Ganacsiga Faraha Badan Eeuga Socda Ta Kale Jabuutina Waxaa La Gudboon Iney Fiira Gaara U Yeelato Ganacsiga Dalkom Uga Socda Haday Jiraan Sida Televoonada Oo Kale La Soco…..

Mohamed Aadan Hassan
Hargeysa,Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, November 15, 2010

Shirkadda Dalkom Soomaaliya Iyo Eassy Oo Lagu Eedeeyey Inay Duulaan Ku Yihiin Qaranimadda Somaliland

Hargeysa (Nnn) –Waxa eedeyn culus loo jeediyey Shirkada DALKOM Soomaaliya iyo Eassy inay duulaan ku tahay qaranimada iyo jiritaanka Somaliland
Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexanyahay Qareen Cabdi Jaamac Yuusuf, oo caawa nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Saxaafada, Waxaanu u dhignaa warsaxafadeedkii oo dhameystiran sidan:-
Waxa saxaafadda Somaliland si is-daba joog ah ugu soo badanaya wargeysyo si joogto ah ugu ban baxay cayda iyo aflagaadada madaxweynaha iyo shirkadda somcable kuna eedaynaya inay u xidhay xukuumadu shirkadda somcable kooto liisan isgaadhsiineed.
waxa intaa dheer inay shaqsiyaad kala duwan oo bulshada kaga kala jira meelo kala duwan oo horleh aanay marnaba u tudhin sharaftooda iyo heerka ay kaga jiraan bulshada inay tusaaleeyaan umadooda ay caddahay inay muuqato inay door bideen laaluush ay qaataan kana caayaan xukuumadda sharafta leh iyo shirkaddaha waddaniga ah ee horumarka iyo ku hawlan sidii ummaddan somaliland cilmi iyo shaqooyin dhalinteeda dihin ay u kasban lahaayeen dalkanina u noqon lahaa mid la jaan qaada kuwa ay umaddoodu meel marisay ee caalamka
Mawduuca xadhkaha badda hoosteeda marra ee ay shirkadda somcable soo xidhayso dhawaan sida shirkadda ka go’an, ee ay shirkadda dalkom somaliya aad moodo inay wargeysyada caasimadda hargeysa ka soo baxa ay ka kireysteen bogag been abuur iska hor imaad iyo jaha wareer ku dheehanyahay. waxa kaloo cad inaanay wargeysyada qoraya qoraaladaasi aanay wax akhbaar ah meelna u doonin ee ay maqaal meel lagu qorey ay soo koobiyaan deetana dhigaan bogoodii wargeyska. shirkadda dalkom waxa ay liisan kooto ah oo aan xili dhamaada ah lahayn ka qaadatay dowlad kusheegva meel gaadhka ah, ina ay soomaaliya dalkom oo kaliya ay xidhi karto xadhiga isgaadhsiinta soomaaliya. dalkom waxa ay ka mid tahay shikadaha ku bahoobay ururka wiocc arag http://www.wiocc.net dalkom waxa ay heshiiska kula gashay inay muqdisho dhigto xadhiga eassy submarine cable oo isku xidhaya siddeed dal oo kala ah k/afrika, moosaambiik,madagaskar, anzania, somalia (muqdhisho), Djibouti iyo Sudan ka dibna ay ku xidhan doonaan xadhkaha caalamiga ah ee yaala dalka djibouti si ay uga helaan inku xidhka europe, americas iyo asia bixina doonaan fiiga ama lacagta qiimaha ay noqoto connection waliba. sida ku cad warsaxaafadeedkii ay soo saartay shirkadda urrurka eassy cable ee taariikhdiisu ahayd 05/08/2010, wax muran ama madmadow u baahan maaha! waxa ku cad muqdisho maanaan dhigin xadhiga sababtoo ah waxa jira xasilooni darro xaga badda somalia ah hase yeeshee waxaanu dhigi doonaa dhinaca waqooyiga somalia oo aanu adeegii soomaaliya ka bixin doono muddo sanad ama laba sanadood ah ka bacdina aanu muqdisho dhigi doono saldhigii waynaa ee aanu ugu talo galney siduu ahaa barnaamijkayagu, xadhigan ku meel gaadhka ahna ee aanu waqooyiga soomaliya dhigaynona waxa aanu ka soo jiidi doonaa dalka jamhuuriyadda djibouti. eeg boga internetka ee http://www.engineeringnews.co.za/article/eassy-undersea-cable-launched-capacity-almost-trebled-2010-08-05" oo ay djibouti marnaba ogolaan doonin inay siiso xadhig aan la hubin cidda leh marka laga eego dhinacyo baddan oo ay u horayso dhinaca amniga. waxa layaab leh in been laga sheego war cad oo aan qarsooneyn
Qaranka somaliland markey arkeen sida ku cad warkan iyo qorshaha shirkadda dalkom somalia waxa loo qoray qoraal lagu waydiinayo liisankooda berbera, shaqada ay qabanayaan oo faahfaahsan, iyo cadenta lahaanshaha xadhiga badda la dhigaayo ee berbera la keenayo meesha uu ka iman doono. dalkom somaliya waxay ku fashilantay inay inta su’aalood ee la waydiiyay ay midnaba ka jawaabi wayday, kaliya waxa ay keeneen shirkad ka diiwaan gashan wasaaradda ganacsiga oo liisankeedu hayay mid loo kala leeyahay 4 qof oo ka ka soo jeeda somaliland uu leeyahay 1% , 99% ka kalena ay leeyihiin niman reer muqdisho ahi . sababta looga waayey jawaab maxay tahay? waa mid fudud jawaabteedu taasi: dalkom somaliya waxa ay liisankeedu yahay mid ay bixisay wasaaradda isgaadhsiinta ee tfg waxana ay ku cadeynaysaa in ay berberi tahay gobol soomaaliya ah madaxwayne siilaanyona yahay badhasaabka maamul goboleedka hargeysa. ka dib markii uu mafdaxweynuhu aqoonsaday khatarta xadhigan siyaasadysan, waxa uu wareegto ku sioo saaray in ay shirkadda somcable tahay shirkadda saxa ah ee waddani ah ee qaranka iyo jiritaanka karaamadda somaliland ay hawshaasi qabato umadduna ugu ducaysay.

Digreetada madaxweynaha jsl
Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) siiyey keenista qalabkan, isaga oo soo saaray Digreeto uu ku ogolaanayo Dhaqangelinta Qoraalka uu madaxwaynihii hore Ruqsada keenista Kaybalka Bada Mara ku siiyey Shirkada Somcable Ka dib: Markuu Arkay Codsiga uu soo qoray M,aamulaha Shirkada Somcable ee ku taariikhaysan 05-082010
Markuu arkay Warqada Ogolaanshiiyaha ee ka soo baxday xafiiska Madaxwaynha 15-08-2010 ee ku saabsanayd Ruqsada kaybalka bada mara ( Submarine Cable ) ee ay bixisay Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo la bixiyey     07- November 2009.Markuu arkay Jiwanka Cashuur qabashada (Voucher 066606) ee wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta.
Markuu arkay: Shahaadada (Certification ) ogolaansha dhigista iyo dhisida kaalinta laga isticmaalayo Submarine Cable.Markuu arkay Muhiimada Dhaqaale iyo huru-marineed ee uu wadanka u leeyahay xadhiga badda mara ee Fiber Optic Cable-ku Madaxwaynuhu waxa uu ogolaaday Dhaqangelinta qoraalka hore uga soo baxay xafiiska madaxwaynaha JSL ee lagu siiyey ogolaanshaha shirkada Somcable Ruqsada keenista Kaybalka Badda mara (Submarine Cable) taas oo ku salaysan Xeerarka Dalka iyadoo loo raacayo Dastuurka iyo Xeerarka ka Farcama.”qaranka/dastuurka jiritaanka jamhuuruyadda somalilandyaa difaaci kara qarankan curdinka ah ee soo koraya su’aashani waxa ay tahay waxa difaacaya waa xukuumadda sare ee dalka iyagoo raacaya sifo sharciya waxaana ay ka bilaabmaysaa wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta oo ka haysatta maandhayd toos ah madaxweynaha, wasaaraddu waxa ay qortay tixraac sharciyeysan oo lagu hagaajiyey madaxda shirkaddaha iyagu leh xadhiga badda ee eassy, mtn iyo contractorkooda warqadaasi oo ay ku cadeyd in aanay cid ka socota shirkadaha kor ku qoran aanay wax xidhiidha ah la yeelan lana lahayn xukuumadda somaliland balse ay jirto shirkadda dalkom somalia inay sheegatay inay xadhig badda soo dhiganayso wax sharciyihina aanu haba yaraatee ka oolin wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta sidii aanu idiinku cadayney qoraalkii wassaaradda ka soo baxay feb/2010. kaasi oonu ku cadeynayney inaan dalkom somalia haba yaraatee wax sharciya aanu ka oolin dalkan sidaa daraadeed aanu ku dardaarayno anagoo waa wassaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta e ixtiraamayna sharciyada iyo dastuurka dalka somaliland aanay dalkom heshiis dhaqaale iyo mis farsamo misnaba ku gali karin magaca somaliland maadaama aanay ka haysan liisankii loogu tala galay shaqooyinka isgaadhsiineed ee noocan oo kale ah hadii la ixtiraami waayo karaamadda dalkayaga iyo soohdimihiisa cayiman waxa aanu qaadi doonaa talaabo sharciga wwfaqsan anagoo ku kalsoon in shirkadda waddaniga ah ee somcable ay ruqsad u haysato hawshaasi kaybelka iyo keenidiisa dawladdana ku qancisay shuruudihii looga baahnaa.
Waxa su’aashu tahay cidda u ololaynaysa ama u hadlaysa shirkadda dalkom ee xadhig ku meel gaadh ah ka keenaysa sida ku cad sawiraddooda iyo warsaxaafadeedkooda djibouti miyaanay hayan mid ku duulaysa jiritaanka somaliland. somalilandna ay tahay talaabadani tii koowaad ee ay ku xaqiijinaysay gooni isu taagooda sida ku cad qoraalkan wiocc/eassy waa sideed dal iyo berbera!! haddaba berbera  ma soomaaliyaa mise waa Somaliland
Hadaba Shirkadda Dalkom Somalia Iyo Eassy Maanta Waa In La Soo Saaro Maxkamad Caalamiya&Nbsp; Laguna Eedeeyo Sharci Darro Ay Kula Kaceen&Nbsp; Somaliland, Oo Ay Ogaadaan In Jiritaanka Soomaaliland Uu Yahay Mid Jira Shirkaddo Iyo Ururo Isu Tagey Oo U Ololeeya Soomaaliwayna Aanay Marnaba Jiritaankaasi Dhiigu Ka Qoyanyahay Isku Dayin Inay Laaluush Iyo Musuqmaasuq Ku Dheelitiri Karin. Shirkadda Wadaniga Ah Ee SOMCABLE Waxaan Ku Hambalyeynayaa Inay Bilaabeen Hordhacii Shaqadda Siday Todobaadkii Hore Ku Sheegeen Saxaafadda, Ayna Si Kalsooniya U Qabsadaan Hawshooda Maadaama Uu Shacabka Reer Somaliland Ee Degan Lixda Gobol Ee Dalka, Xukuumadda Iyo Golayaasha Sharcigu Somaliland Ay Si Buuxda Mu Garab Taagan Yihiin SOMCABLE.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, July 11, 2010

Heshiis Hordhac Ah Oo Laga Gaadhay Wadaaga Biyaha Webiga Biyaha Nile.

Addis Ababa, (Nnn)- Labada dal ee Itoobiya iyo Masar ayaa u muuqda in ay hashiis ka gaadheen murankii ka dhashay qaabka loo qaybsanayo biyaha Wabiga Nile, kaas oo dhawaan khalkhal galiyey xidhiidhka labada dal.
Kulan ay labada wasiir Arrimo Dibaddeed ee labada dal, Itoobiya iyo Masar Mr. Seyoum Mesfin iyo Axmed Aboul Gheit ku yeesheen magaalladan Addis Ababa ayey kaga wadahadleen sidii arrinta biyaha Wabiga Nile xal waara loogu heli lahaa.

Seyoum ayaa Axmed u sheegay in meel-marinta qorshaha dowladda Itoobiya ay hogaaminayso ee qaab isticmaalka biyaha aanu cidna wax u dhimi doonin. "Cidna ku qasaarimayso," ayuu yidhi Seyoum, "wadamada oo dhami waxay doonayaan inay u isticmaalaan si macquul ah."

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar
Dhigiisa ayaa isna yidhi "howsha way socotaa, waxaanu filaynaa in aan wadahadalka sii wadno si aanu uga gudubno khilaafka inoo dhaxeeya."

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya
Masar ayaa shirkii ugu danbeeyey ee qaab qeybsiga biyaha Wabiga Nile ee ka dhacay magaallada Addis Ababa ku gacanseydhay, iyada oo markaas sheegtay in aanay waligeed saxiixi doonin heshiiskaas.

Heshiiska biyaha Wabiga Nile lagu qaybsanayo oo ay hogaamineyso Itoobiya ayaa waxaa kal hore saxiixay dhamaan dalalka uu maro Wabiga Nile, marka laga reebo Masar iyo Sudan.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, July 8, 2010

Taleefishanka Universal oo raaligeliyay shacabka Somaliland

London,(Nnn)- Taleefishanka Caalamiga ah ee Universal, ayaa raaligelin buuxda ka bixiyay barnaamij hore uga baxay oo meel-ka-dhac ku ahaa ummadda reer Somaliland. Isla markaana taleefishanka Universal waxa uu maamulkiisu shaaciyay in macaamiishooda ugu badani yihiin dad reer Somaliland ah.
Weriye ka tirsanaa Taleefishanka Universal oo lagu magacaabay Nadaara ayaa barnaamij si toos ahayd loo tebinayay dood ku dhex-dhigay dhawr qof oo Somaliland iyo Somalia u kala dhashay toddobaadyadii la soo dhaafay, taasoo la xidhiiday xilligii ay labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur is-raaceen. Sidaas darteedna gefaf xad-gudub ahaa ayaa ka dhacay nin koonfurta u doodayay, kuwaasoo weriyihii barnaamijka daadihinayay aanu ka qabanin, kaasoo aanay ahayn markii ugu horaysay ee uu gefkaasoo kale ka dhaco.
Sidaa aawadeed, kulan balaadhan oo ay ka qaybgaleen muwaadiniin badan oo Reer Somaliland ah oo Taleefishanku qabanqaabiyay, ayaa lagu soo bandhigay inuu Maamulka TV Universal ka xun yahay khaladka laga galay Somaliland, isla markaana waxay ku shaaciyeen in weriyihii khaladaadkaas galay laga fadhiisiyay shaqada. Inj. Axmed Abubakar oo ah hantiilaha taleefishankaas ayaa sheegay inuu dadka reer Somaliland ka raaligelinayo dhacdada ka baxday Teleefishanka Universal. Waxaanu hadalkiisii madashaas oo ay meteleyeen reer Somaliland laba xubnood ka jeediyay ku bilaabay, “Waxaan raaligelin ka bixinayaa barnaamijkii ka baxay toddobaadkan TV-ga Universal oo ay dad badani ka xumaadeen. Inkasta fikir shaqsi gaar ahi watay aanu ahayn fikir Tv-ga ah, TV-ga Universal waa mid loo aasaasay inuu ummada kulmiyo, inuu ummada fikirkeeda iyo wanaageeda ka shaqeeyo, inuu isu keeno ummada Soomaaliyeed qof kasta oo Afka Soomaaliga ku hadlaa wuu iska dhex-arkaa Teleefishanka. Inay dad gaar ahi wadaan olole ay doonayaan inay ummada reer Somaliland iyo Universal TV iskaga horkeenaana, ummada reer Somaliland waanu ka raaligelinaynaa khaladkii Wariye Nadaara uu sameeyay.”
Raaligelintan oo ahayd markii labaad ee TV-ga Univesal ka bixiyo khaladkii uu Somaliland kula kacay Weriye Nadaara, waxa barnaamijka lagu baahinayay lagu soo celiyay xalay markii saddexaad, isla markaana dadka reer Somaliland ee madashaa ku sugnaa ayaa ka dalbaday TV-ga Universal inuu gees isaga leexiyo khaladkaas, balse Jaaliyad ahaan aanay ka hadhi doonin weriyahaa gefka xad-gudubka ah kula kacay sumacada iyo sharafta guud ahaanba muwaadiniinta reer Somaliland.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, June 21, 2010

Dahabshiil oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay 43 ka mid ah Madaxda Gobolada Dalka Ee Shirkadaasi

Hargeysa,(Nnn) - Shirkada Xawaaladaha ee Dahabshiil ayaa xalay shahaadooyin guddoonsiisay 43 sarkaal oo ka kala socda xafiisyada Dahabshiil ee gudaha kuwaas oo muddo 5 maalmood ah tababar uga socday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Tababarkaas oo shalay ka furmay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb galay 43 sarkaal oo ka kala socda xafiisyada Dahabshiil ee gudaha, waxanu socon doonaa muddo 5 maalmood ah.
Xafladii xidhitaanka tababarka ee shahaadooyinka lagu guddoonsiiyay shaqaalaha Dahabshiil, ayaa waxa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa shirkada Dahabshiil oo ay ka mid yihiin, Madaxa Shaqaalaha shirkada Dahabshiil, Maxamed Jaamac Iriir, madaxa Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha iyo saxaafada Prof. Xasan Maxamed Jaamac (Xasan-xiis), Axmed Cabdilaahi Caynaanshe, Maareeyaha Guud ee Dahabshiil, Cabdiraxmaan Cali Cabdi iyo Madaxa Suuq Geynta shirkada Dahabshiil, Faarax Bootaan.
43-ka xubnood ee ka tirsanaa Dahabshiil oo ahaa madaxda laamaha gobolada ee shikadaasi ayaa mudadii siminaarku u socday waxa la barayay duruus la xidhiidha raali gelinta macaamiisha iyo tayaynta adeega ay dadweynaha u hayaan.
Maareeyaha Guud ee Dahabshiil,C/raxmaan Cali Cabdi ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay 43-ka sarkaal ee siminaarku u dhamaaday, waxanu kula dar daarmay inay sii laban laabaan adeegyada bulshada ay u hayaan.
Madaxa Suuq Geynta shirkada Dahabshiil, Faarax Bootaan, ayaa u sheegay xubnaha shahaadooyinka la guddoonsiiyay inay duruustii ay barteen ku dabaqaan shaqadooda isla markaana dadkii la shaqeynayay uga faa’iideeyaan wixii ay barteen.
Ugu dambeyntii waxa halkaasi ka hadlay mid ka mid ah dadkii shahaadooyinka la siiyay, oo magaciisa la yidhaa, Maxamed Cismaan, waxanu sheegay inay casharo muhiim ah oo u dhigma kuwa jaamacadaha lagu barto ka faa’iideysteen intii siminaarku socday, waxanu amaan u soo jeediyay macalimiintii wax baraysay.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, June 13, 2010

“Waxaan u mahadnaqayaa Shirkadda Dahabshiil oo gacan siisa ardayda reer Somaliland ee Malaysia”

Guddoomiyaha ururka ardayda Somaliland ee wax ka barta Malaysia
Hargeysa(NNN)- Guddoomiyaha ururka ardayda Somaliland ee wax ka barta Jaamacadda dalka Malaysia Mr. Shaafici Axmed Cali, ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalkaas.
Guddoomiyaha oo haatan socdaal ku jooga caasimadda Hargeysa oo u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu u mahadceliyay shirkadda Dahabshiil oo uu sheegay in ardayda reer Somaliland ee dalkaas ay gacan siiso, wuxuuna waraysigaas oo uu kaga hadlay tayada waxbarashada dalkaas uu u dhacay sidan;
S: Guddoomiye bal waxaad nooga waranta muddadii aad ku maqnayd jaamacada dalka Malaysia
J. Wallaahi imika waxaan ku maqnaa muddo laba sanno iyo sideed bilood ah. Markaa dalka Malaysia waxa jooga arday reer Somaliland oo gaadhaysa 1,800-2000. Gaar ahaan Jaamacadda dhiganayay hadaan kaaga waramo waxaa dhigta 92 arday oo ay 18 habloodna ku jiraan oo reer Somaliland ah, kuwaasoo kala dhigta qaybo kala duwan oo Jaamacada ka kooban min heer Degree, Master ilaa PhD. Nasiib wanaag sannadkan waxay Jaamacaddu aqbashay ardaygii ugu horeeyey ee PhD ee Somaliland ka yimaada, kaasoo waliba ahaa macalinkaygii dugsiga sare.
S: Adigu Kulliyada aad barataa waa noocma?
J: Kulliyadaydu waa Human Science.
S: Waxaad ka waranta tayada waxbarashada ee dalka Malaysia?
J : Wallaahi tayada waxbarashada Malaysia waxaa lagu tiriyada wadamada ugu waxbarashada wanaagsan. Imika waa wadan aad u hormaray, waa wadan aad u casriya, waa yurub oo kale ayaan odhan karaa, waana wadan aad waxbarashadiisu u sareyso.
S: Ardayda reer Somaliland miyay ku soo badanayaan waxbarashada dalka Malaysia?
J: Waxaan ku qiyaasi lahaa ardayda reer Somaliland 1800-2000, inkastoo ay imika joogan qoysas badan oo reer Somaliland oo ka yimid xaga Yurub oo ay soo degeen, iyagoo waxbarasho doonaya oo jecel inay wadan Muslim ah soo degaan, si ay wax ugu bartaan ubadkoodu.
S: Bal waxaad ka waranta waqtiyada aad munasibadaha qabtan hadaad tihiin ardayda reer Somaliland Malaysia ama ururkiina yaa idinka caawiya dhanka dhaqaalaha?
J: Waxaanu inta badan qabanaa 18-ka May. Waxa kale oo aanu qabanaa xafladaha ciidaha oo kale inaanu meel isugu keeno ardayda reer Somaliland, sidoo kalena waxaanu qabanaa markay arday dhamaysato waxbarashada inaanu u samayno xaflad sabootin ah oo aanu shahaado sharafyo ku gudoonsino, si ay u noqdaan oo ay dadku ku daydaan ardayda kale ee soo socota. Markaa dhaqaalaha ku baxa waxaa naga caawisa shirkadda Dahabshiil iyo shaqsiyaad kale, laakiin gacanta ugu weyn waxaa naga siisa shirkadda Dahabshiil, taasoo aan odhan karo waa shirkadda dadkeeda dal iyo dibadba heegan ugu ah inay caawiso, gaar ahaan ardayda, waliba siisay percentage gooni ah markay faa’ido ka hesho shacabka ay dib ugu celiso. Markaa waxaan halkan ugu mahadnaqayaa shirkadda Dahabshiil oo aad noola shaqaysa dalka iyo dibadba.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Maxay TELESOM ku hanatay horyaalka Isgaadhsiinta Somaliland?

Marka laga hadlayo sababaha shirkaddii ku hanan karto kaalinta horyaalnimada, waa kuwo u baahan dedaal iyo qiimayn gaar ah.
Shirkadda TELESOM waxay dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyay ka shaqaynaysay adeegyada Isgaadhsiineed ee dalka, waxayna soo martay marxalado kala duwan.
Inta badan keli kumay ahayn bixinta adeegyada Isgaadhsiinta, balse waxay ku keliyaysatay horyaalka shirkaddaha Isgaadhsiinta ee dalka.
Marka aynu eegno sababaha ay kaalintaa ku hanatay, waxa ka mid ah dedaalka kobcinta adeegyada ay bixiyaan, kor-u-qaadista kalsoonida macaamiishooda, tayaynta iyo casriyaynta adeegyada ay bulshada u hayaan iyo ka midho-dhalinta hiigsigooda.
Bilawgiiba waxay ku caanbaxday in fal-celintooda dareenka macmiishoodu noqoto mid sugan oo degdeg ah, si ay u dhisaan kalsoonida macaamiisha, una horumariyaan adeegyada ay u fidiyaan, taasoo ka mid ah tiirarka aaminaada iyo isku-xidhnaanta macmiilka iyo shirkadda.
Sannadkan bilawga ah oo keliya, waxay soo kordhiyeen adeegyo wax-ku-ool ah oo qayb ka ah casriyayntaa ay muddada dheer soo waday shirkadda TELESOM, kuwaas oo ay ka mid yihiin; keenista Telefoono ku shaqaynaya tamarta Qorraxda, ZAAD Services, Mobile Internet (GPRS), Dhambaal (MYSMS), Ii-CUG JAALLE (CUG) iyo kuwo kale.
Telefoonadan Qorraxda ku shaqaynaya, waa markii u horaysay ee dalka la keeno, kuwaasoo muhiimad gaar ah qayb bulshada ka mid ah oo ah kuwo aan haysan ama aan joogin goobaha korontada leh. “Faa’iido kamaanu eegin keenista telefoonadan, balse waxaanu ka eegnay sidii aanu bulshada degaamada Miyiga ku dhaqan fursad ugu siin lahayn inay macaamiisha kale kula raaxaystaan adeegyada shirkadda TELESOM,” sidaa waxa yidhi Madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo Suuq-geynta TELESOM, Maxamed Isaaq Cilmi oo hadal ka jeediyay munaasibadii lagu soo bandhigay telefoonadaas.
Marka la eego adeegga ZAAD Service, waxay dadweynuhu ku tilmaameen inuu yahay mid ka mid ah adeegyada baahiyaha bulshada ugu muhiimsan ee ay shirkaddu hirgelisay, wuxuuna kuu sahlayaa inaad lacagtaada ku kaydsan karto telefoonkaaga gacanta, lacag ku diri karto, waxna kaga iibsan karto meel kasta oo dalka gudihiisa ah.
Adeegga GPRS, waxa uu kuu saamaxayaa inaad telefoonkaaga gacanta ku isticmaali karto Internet-ka, isla markaana ka eegan karto, kuna diran karto fariimaha.
Adeegga Dhambaal (MySMS) waxa loogu talo-galay hay’addaha iyo shirkaddaha oo loo samaynayo nidaam u sahlaya inay halmar fariimo wargelin ah oo loo marinayo telefoonadooda gacanta u diri karaan hawlwadeenadooda, taasoo xoojinaysa adeegyada ay hayaan hay’adduhu/Shirkadduhu.
Iyadoo muhiimad la siinayo qiimo-dhimista macmiisha shirkadda, TELESOM waxay dhowaan nidaamisay sidii loo hirgelin lahaa adeegga Ii-CUG JAALLE (Closed users group) ama CUG, kaasoo loogu talogalay in hawlwadeenada hay’addaha, shirkaddaha ama kooxaha hawl-wadaagta ahi ku wada hadli karaan qiimo gaar ah oo ka jaban ka dadka caadiga ah.
Ka sokow adeegyadan ay Shirkaddu bulshada u soo kordhisay, waxa muhiimad gaar ah leh kaalinta ay dalka kaga jirto, gaar ahaan marka laga hadlayo dhinaca shaqo-abuurka bulshadan saboolka u badan.
Source: TELESOM

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, May 20, 2010

Siraha ku daboollan Heshiiskii AL-JAABIRI iyo Somaliland

Hargeysa, (NNN)- Warbixin dheer oo daah-furaysa khasaaraha reer Somaliland ka soo gaadhay heshiiskii kootada xoolaha Somaliland ee Al-Jaabiri, hanti malaayiin ah oo ay shirkaddiisu ka faa’iiday iyo cidda dhismaha maxjarka berbera fulisay, ayaa lagu qaadaa-dhigay arrimo badan oo heshiiskaa la xidhiidha.

Warbixintan oo lagu faafiyay qaar ka mid ah shabakadaha wararka Af-soomaaliga, ayaa u dhigan sidan: 
“Heshiiskii Xukuumaddu la gashay ninka carbeed ee AL-JAABIRI iyo kootadii loogu xidhay dhoofka xoolaha Somaliland, waxa loo baahan yahay in la is-waydiiyo khasaare iyo faa’iido waxa ugu jira dalkan Somaliland. Waayo, waxa la joogaa waqtigii ummaddani ay xisaabtami lahayd.
Sharcinnimada Heshiiska:
Ugu horrayntii waxaynu odhan karnaa heshiiska lala galay AL-JAABIRI waa sharci-darro, wuxuuna xad-gudub ku yahay dastuurka dalka u yaala. Qoddobka 11aad ee Dastuurka ee mabaadii’da aasaasiga ah ayaa damaanadqaadaya ganacsiga suuqa xorta ah iyo sinnaanta fursaddaha dhaqaale, waxaanu qoddobkaa faqraddihiisa 1aad iyo 2aad ay dhigayaan sidan:
1. Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha oo ku salaysan mabaadi'da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantid wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.
2. lyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.
Qoddobkaa dastuuriga ahi waxa uu u danaynayaa dhaqaalaha dalka iyo dadka, wuxuuna ka soo horjeedaa in qof keliya kooto loogu xidho ganacsiga, kaasoo qiimaha uu doono ku iibsada ama ku iibiya, halkii ay ahayd in tartanku uu xukumo qiimaha badeecaddaha.
Qoddobka 53aad, faqradda 3aad, waxa uu waajibinayaa in Golaha Wakiillada oo ka wakiil ah dadweynaha la horgeeyo heshiisyada caalamiga ah ee ay xukuumadu gasho, waxaanu qoddobka 53aad ee dastuurka faqraddiisa 3aad u qoran tahay sidan; "Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda ama keenaya soo-saarid ama wax-ka beddelid qaanuun."
Qoddobkan dastuuriga ahi waxa uu u danaynayaa qaranka guud ahaan, waxana uu ka dhigayaa heshiisyada xukuumadu gasho kuwo daah-furan (Transparent) oo aan qarsoodi ahayn, lana ogyahay danta iyo faa’iidada ugu jirta qaranka, si wakiillada dadweynuhu (Golaha Wakiillada) u ansixiyaan iyo khasaaraha uu qaranka u leeyahay si wakiillada ummaddu u diidaan.
Haddaba, heshiiska lala galay AL-JAABIRI marka hore waa heshiis caalami ah. Mar labaadkana waxa uu la imanayaa culays dhaqaale oo waxa ku jira maalgashi lagu sheegay 5 milyanoo Doollar oo lagu dhisayay Maxjar wayn oo lagu daweeyo xoolaha, laguna xanaaneeyo inta aanay xooluhu dhoofin. Sidaa darteed, heshiiskaasi waxa xad-gudub ku yahay qoddobkaa dastuuriga ah. Ka-tallaabsiga qoddobkaa dastuuriga ahi waxa uu ka dhigayaa heshiiskaa mid qarsoodi ah oo aanay ummadu waxba ka ogayn, isla markaana aanay kala garanayn khayr iyo khasaare ka uu u soo sido.
AL-JAABIRI Faa’iido intee le’eg ayuu ka ruqsaday Somaliland?
Tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2006-dii markii uu soo galay sayladdaha xoolaha Somaliland Ganacsadaha Carbeed ee AL-JAABIRI, isla markaana keligii xukuumadu kootada ugu xidhay xoolaha Somaliland ee tegaya dalka Sucuudiga. Waxa u hirgashay inuu AL-JAABIRI ku qaato xoolaha Somaliland qiime aad u hooseeya, maadaama oo aanay ciddi kula tartamayn sayladda, waxaanu mudo yar gudeheed ku macaashay boqolaal milyan oo dollar. Taasoo marka loo eego qiimaha uu ku qaadanayay neefka xoolaha iyo qiimaha uu ka joogay Suuqa ugu wayn ganacsiga xoolaha ee Sucuudiga noqonaysa dhac axmaqnimo ah oo saamaynaya min aabaha, hooyada, inanka iyo inanta ku tabcay neefka xoolaha ee sayladda keenay oo qiimaha uu AL-JAABIRI aanu u goynayn kabdad raashin ah, ilaa dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka qaranka.
Bal u fiirso xogta shaxdani daah-furayso oo ah qiimihii uu neefka xoolaha ah ka siistay sayladdaha Somaliland iyo qiimihii uu neefku ka joogay Sucuudiga iyo faa’iidada uu ka helay AL-JAABIRI afartaa sanadood oo marka la kala jaro qiimihii uu siistay iyo qiimihii uu ku iibiyay ay soo baxayso inuu helay faa’iido dhan $237,792,424:

Macaashka intaa le'eg ee uu Al- Jaabiri ka qaatay Somaliland, ma jirto wax kaga soo noqday dalka, marka laga reebo cashuurta oo neefkiiba $2 doolar ah. Waxaase jira (Shares) yaryar oo ay ku leeyhiin macaashkaas Al Jaabiri Wakiilladiisa iyo masuuliyiinta sar-sare ee qaranka qaar ka mid ah. Sidoo kale, inta la ogyahay dadka saamaynta ku leh arrintan dhaca ah waxa ka mid ah, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim, labada Wakiil ee Al-Jaabiri u iibiya xoolaha Somaliland iyo Masuuliyiin kale.
Xogahani waxay caddeeyeen in labada wakiil ee Al Jaabiri xoolaha u iibiyaa ay ku leeyihiin neefkiiba $5 (Shan Doolar) oo uu siiyo Al-Jaabiri, halka Wasiirka Xannaanada Xoolaha, mudane Idiris la xaqiijiyey in Neefkiiba uu ku leeyahay $0.2 (Laba Senti). Marka la eego xogtaas, Wasiirka Xannaanada Xoolaha saamiga uu ka helayo macaashka uu ruqsaday Al Jaabiri waxa uu noqonayaa $763,341 (Toddoba Boqol iyo Saddex iyo Lixdan Kun, Saddex boqol iyo Kow iyo Afartan Doolar). Marka loo eego hantida uu dalka ka helay Al Jaabiri, waxa ka soo gaadhay masuuliyiinta xukuumadda iyo Wakiilladiisuba waa fara-guudkood.
Ballanfurka Al Jaabiri iyo Maxjarka Been-abuurka ah: 
Xukuumaddu waxay dadka u sheegtay markii ay kootada ugu xidhay Al Jaabiri Xoolaha Somaliland, in ninkaasi Lix bilood gudahood uu dalka ka dhisi doono Maxjar ama Karantiinka Xoolaha ee ugu weyn Afrikada Bari, kaasoo lagu xanaanaynayo, laguna hubinayo caafimaadka xoolaha la dhoofinayo iyo inuu xoolaheenna u furayo Suuqii Sucuudiga oo ah Suuqa ugu weyn ee la geeyo Xoolaha Soomaalida.  Ugu horrayn waxa beenowdey in Al Jaabiri xayiraaddii ka qaado Xoolaha Somaliland. Saddex sannadood ka dib heshiiskaa qarsoodiga ahaa ee kootada loogu xidhay Al-Jaabiri, bishii November 2009, ayaa dawladda Sucuudigu iskeed xayiraadda uga qaadday Xoolaha Soomaalida, iyadoo aanay cidina ka hawlgelin, waxaana kellifey baahida xoolaha Xajka oo dawladda Sucuudigu u baahatay inay ku kabto xoolaha Soomaalida, mana jirin shuruud gaar ah oo ay dawladda Sucuudigu ku xidhay xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaalida oo aan ahayn inay caafimaad qabaan.
Sidoo kale, waxaan suuragelin Maxjarkii la sheegay in Al Jaabiri dhisayo, balse waxa jira Maxjar la been-abuuray oo dadka loogu sheegay inuu yahay Maxjarkii uu dhisayey Al Jaabiri, kaasoo dhaqaale farabadan lagaga lunsaday qaranka, waxaana ku jirta khiyaamo weyn oo qaranka loo geystey. Ugu horrayn ma jirin Maxjar hore oo dalku lahaa, balse waxa dib loo habeeyey Xeradii hore ee la odhan jirey Livestock (Xoolaha Nool) ee Berbera oo uu dhisay maamulkii Aadan Cadde ee Soomaaliya, 1960-meeyadii. Xeradaas waxa dib u habayn ku sameeyey Bangiga Islaamka oo isagu masuul ka ah Xoolaha Xajka, isla markaana dhigay adeegyada ilaa hadda yaalla. Maxjarka la sheego ee dadku maqlayna waa xeradii hore ee la odhan jirey Xannaanada Xoolaha ee Berbera ee Bangiga Islaamku ugu deeqay Somaliland dib u habaynta uu ku sameeyey, mana jiro Maxjar uu dalka ka dhisay Al Jaabiri. Maxjarkii ay ahayd Al Jaabiri inuu dhiso waxa loogu talagalay oo loo qaydey dhul Saddex Kiiloo Mitir ah oo Galbeedka ka xiga Haamaha Shidaalka Berbera. Dhulka loo qaydey in laga dhiso Maxjarka cusub oo la dhagax-dhigay sannadkii hore ilaa iyo hadda waa gegi bannaan. Mana jirto wax hanti ah oo Al Jaabiri ka gashay meesha hadda loo isticmaalo Maxjar ahaan iyo meesha la dhagax-dhigay midna, balse, Al Jaabiri ayaa lacag ku gurtay lacag malaayiin doollar ah oo aanu xaq u lahayn. Eeg Shaxdan hoose oo caddaynaysa lacagta Al Jaabiri ka helay Maxjarka Bangiga Islaamku dayactiray:
November 2009 ilaa April 2010 xoolaha maray Maxjarka
                                                                       
SN.
Nooca Xoolaha
Tirada
Qiimaha neefka
Isu geyn
1.
Adhi
1,124,171 neef
$7.5
$8,431,282.5
2.
Geel
60,000 neef
$23
$1,380,000
 Isugeyn                                                                           $9,811,282.5
Lacagtaa ma jirto wax looga qabto xoolaha la dhoofinayo, mana jirto meel ay dalka ka muuqato.
Dayaca ka jira Maxjarka iyo khasaarayaasha kale ee uu qaranka u geystey
Ganacsatada iyo Xooluhuba waxay dhibaato weyn kala kulmeen maxjarka been-abuurka ah ee lacagtaa badan lagaga qaado. Maxjarka neefkasta lagaga qaado $7.5 (Adhiga) iyo $23 (Geela), waa hadh ama hooso keliya oo uu maalgeliyey Bangiga Islaamku. Malaha Biyo oo ganacsade kasta waxa ku waajib ah in uu xoolihiisa Biyo iyo Baadba siiyo inta ay ku jiraan maxjarka, iyadoo Maxjarku sidiisaba uu yahay meel lagu xannaaneeyo, lagu daryeelo, laguna daaweeyo xoolaha dibadda loo dhoofinayo, si xoolaha dalka ka dhoofayaa ay u noqdaan kuwo caafimaadkoodu sugan yahay, naaxsan, dhogortooduna fiican tahay. Adeegga keliya ee xooluhu ka helaan maxjarka Berbera ee uu sheegto Al Jaabiri waa Shaybaadhka xoolaha oo ka mid ah qalabka uu Bangiga Islaamku keenay iyo dhakhaatiirta Xoolaha ee ka hawlgala Maxjarka oo iyaguna dulmi iyo dhac kala kulmay halkaa. Sida ay caddeeyeen ururka Dhakhaatiirta ee ULBO iyo xogahan aanu helayba, dhakhaatiirta Xoolaha ee ka hawlgasha Maxjarka waxa loogu talagalay in neefkiiba laga siiyo $1.5 Doolar oo ka mid ah $7.5 doolarka maxjarka lagaga qaado neefka adhiga ah, taas oo uu Wasiirka Xannaanada Xooluhu ka dafiray, markii ururka dhakhaatiirtu ka hadleenna lagu xidhay.
Dhibaatada ugu weyn ee ka jirta Maxjarka Berbera ayaa ah cidhiidhi xoog leh iyo iyadoo aanay kala soocnayn xooluhu oo ay isku dhexjiraan Geela, Adhiga iyo Lo'du, taas oo sababta inay isku neefsadaan, isku bukhuuraan, si fududna isugu gudbiyaan cudurada ama xanuuno ay kala qaadaan. Arrintan iyo dayaca kale ee badan ee ka jira Maxjarka waxay sababtay in la soo celiyo 5 Markab oo Geel ah, kuwaas oo kii ugu dambeeyey uu soo gaadhey dekedda Berbera toddobaadkan horraantiisii.
Tartan aan Suuragal ahayn:
Inkasta oo ay dhammaatay kootadii xukuumaddu ugu xidhay Al Jaabiri dhoofka xoolaha November 2009 markii dowladda Sucuudigu Xayiraadda ka qaadday Xoolaha Soomaalida haddana weli Al Jaabiri wuxuu ku haystaa xoolaha Somaliland kooto dadban, taas oo aan suuragal ka dhigayn in ganacsatada muwaaddiniinta ahi la tartamaan Al Jaabiri iyo in Xoolaha Somaliland ay ku tartamaan Sayladda Sucuudiga. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka jira Maxjarka Berbera ee ay ka cabanayaan ganacsatada xooluhu waxa ka mid ah in Xoolaha Al Jaabiri laga horraysiiyo xoolaha muwaaddiniinta ee ku soo hoyda Maxjarka, waxaana caado noqotay in inta neef Al Jaabiri leeyahay uu ku jiro Maxjarka aan la saarin neef kale, taas oo cadaadin iyo iska reebis ku ah ganacsatada muwaaddiniinta ah ee tartanka kula jirta Al Jaabiri. Waxa kale oo aan suuragal ka dhigayn in ganacsiga iyo dhoofinta xoolaha lagula tartamo Ganacsadaha Carbeed ee Al Jaabiri lacagta $7.5 ah ee neefkasta lagaga qaado oo u xeroota Al Jaabiri oo ah ganacsade isaga laftiisa xoolo ay uga dhoofaan Berbera, taas oo ka dhigaysa in neefka Adhiga ah ee Al Jaabiri ka dhoofiyo Berbera uu raacayo Markabka isagoo macaash ah $7.5 oo saaran neefka muwaaddinku dhoofinayo.
Waxa kale oo lacagtani ka dhigaysaa xoolaha Somaliland kuwo aan sayladda Sucuudiga kula tartami karin xoolaha ka yimaadda dunida kale oo xaqiiqdii ka qara weyn xoolaheenna, taas oo loo baahnaa in neefka xoolaha ah ee Somaliland uu ku tago Sayladda Sucuudiga qiimo jaban, si uu ula tartami karo xoolaha dunida kale, halka uu iminka tegayo Sucuudiga iyagoo ay saaran yihiin $15.5 Doolar oo neefka Adhiga ah ka raacaya Berbera; (7.5 Maxjarka, $2 Cashuur iyo $6 nooli ah).
Khiyaamo Qaran:   
Si kastaba ha ahaatee, Hantida intaa le'eg ee Al Jaabiri dalka ka dhacay iyo sida loogu xad-gudbey shuruucda dalka ee ilaalinaysa xuquuqda muwaaddiniinta iyo dhaqaalaha qaranka, iyadoo ay halkan inooga caddahay in khasaarahan iyo khiyaamadani aanay qaranka ku dhacdeen haddii aan laga tallaabsan lahayn qodobada dastuurka ee kor ku xusan, balse su’aashu waxay tahay, ma laga hadhi doonaa, isla markaana waa arrin mudan in maxkamad lagu soo taago inta ka qaybqaadatay luggooyadan Qaran.” 
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, May 9, 2010

Shirkadda Wadaniga SOMCABLE oo dalka keenaysa Xadhigga Isgaadhsiinta ee Badda iyo berrigaba mara

Hargeysa,(NNN)- Shirkadda Somaliland Cable (Somcable) oo ah shirkad wadani ah, ayaa sheegtay inay markii u horeysay ka bilaabi doono Somaliland mashruuca Isgaadhsiinta Badda iyo Berriga ee loo yaqaan Cable Fiber Optic, isla markaana uu wax weyn ka bedeli doono dhinacyada Internetka Iyo Telefoonada Line-ka Iyo Mobiladaba.
Sida lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay ay shirkada SOMCABLE, waxa hirgelinta mashruucan oo uu ku baxaya 35 Milayan oo dollar shaqo ka heli doona ku dhawaad 10,000 qof oo reer Somaliland ah oo haatan shaqo la’, kuwaas oo ay si dadban uga sii faa’iidi doonaan Bulshada inteeda kale siiba dhalinyarada. Waxa kale oo ay sheegeen in ka mid noqon doona faa’iidada uu mashruucani ku soo kordhin doono Somaliland in hay’adaha dawliga ah ee qaabilsan arrimaha amniga, difaaca, bilayska iyo ilaalinta xuduudaha Badda iyo barrigaba in ay heli doonaan isgaadhsiin ku filan oo ay iyagu si toos ah u maamushaan.
Waxa kale oo War-murtiyeedkan lagu sheegay farriin ay Shirkaddani u dirtay Shirkadaha kale ee Isgaadhsiinta.
Warsaxaafadeedka shirkadda SOMCABLE oo dhameystiran waxa uu u qornaa sidan:
“Shirkadda wadaniga ah ee Somaliland Cable (Somcable) waxa ay hir galin doontaa mashruuc balaadhan sanadkan 2010ka. Mashruucani waxa uu yahay mid ku kooban dhinaca isgaadhsiinta oo kaliya, loona yaqaan Cable fiber optic, oo wax weyn ka bedeli doona dhinacyada internetka iyo telefoonada Line-ka iyo Mobiladaba. Mashruucani waxa uu yeelanayaa laba qaybood oo la kala dhigi doono Badda iyo berrigaba. Dhinaca barriga waxa keebalkaasi la dhigi doonaa dhulka hoostiisa qiyaastii laba mitir in ku dhow, dhinaca baddana keebalka loo yaqaan Submarine Cable ee badda hoosteeda mara.
Mashruucan qaybtiisa dhulka waxa Cable-ka la wada gaadhsiin doonaa dhamaan gobolada dalka iyo soohdimaha ay Somaliland la leedahay dalalka deriska ah, dhinaca Baddana wuxuu sidoo kale ka bilaabmi doonaa soohdinta Somaliland ee xagga badda kala leedahay Djibouti ilaa berbera. Inkastoo ay bad iyo barri kala mari doonaan, haddana waxay leeyihiin nidaam farsamo oo u saamaxaya hadii ay dhacdo in mid ciladi ku timaado, ka kale isla markiiba shaqeyn karo. Mashruucan waxa fulin doonta Shirkada Waddaniga ah ee Somaliland Cable, cidkalena la wadaagin. Hawsha ay shikadani qabanayso ayaa ah mid caalami ah oo geeska afrika ka sokow isku xidhaysa ilaa caalamka oo dhan, sidaasi daraadeed waxay shirkadu gacan saar la leedahay shirkado caalami ah oo ah kuwa iyagu kala wada isgaadhsiinta caalamiga. Shirkadahaasi oo kala ah alcatel-lucent oo laga leeyahay dalalka Faransiiska iyo Maraykanka iyo Sagemcom oo ah mid Faransiis ah. Mashruucan waxa lagu maal galinayaa lacag kor u dhaafaysa 35 milyan oo Dollarka Maraykanka ah, lacagtaasoo haatanba ay shirkaddu gacanta ku hayso, iyadoo aanay jirin cid shirkadda ka baxsan oo gacan ka geysaneysa maalgelinta mashruucan.
Ruqsadda ay Shirkadda Somaliland Cable ku fulinayso mashruucan waxa la siiyey sanadkii 2009-kii, iyadoo la raacayo sida uu qeexayo Sharciga dalka Jamhuuruyada Somaliland u yaala dhinaca Isgaadhsiinta (National & international long distance - NLD & ILD - Service license agreement for provision of access facilitation, landing facilities at cable landing stations for international submarine cable, bandwidth capacity & co-location facilities).
Sida ku cad heshiiska ruqsaddan ayaa waxa ay Shirkaddu mashruucan kaligeed gacanta ku hayn doontaa muddo 25 sanadood ah, iyadoo mudadaasi ka dib ay si buuxda ugu wareejin doonto shirkaddu lahaanshaha mashruucan Qaranka Somaliland. Mashruucan oo la hubo in uu waxtar weyn u yeelan doono dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadaba, ayaa waxa faa’iidooyinkii ka mid ah:
1- Somaliland oo si buuxda uga hoos bixi doontaa Isgaadhsiin ay u marto caalamka intiisa kale Muqdisho.
2-Fududeynta dhamaanba Isgaadhsiinta guud ee dalka.
3-Mashruucani waxa uu ku soo kordhin doonaa hay’adaha dawliga ah ee qaabilsan arrimaha amniga, difaaca, Bilayska iyo ilaalinta xuduudaha badda iyo barrigaba in ay helaan Isgaadhsiin ku filan oo ay iyagu si toos ah maamushaan. Sidoo kale, hay’adaha caalamiga ah ee dalka degan, Jaamacadaha, Iskuullada, Cusbitaalada iyo dhakhaatiirta, ayaa dhamaantood ka faa’iidaysan doona mashruucan, iyadoo uu u dhib yareyn doono, fursadna u siin doono inay Caalamka kala xidhiidhaan dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Cilmi baadhista IWM.
4-Hirgelinta mashruucan waxa shaqo ka heli doona ku dhawaad 10,000 qof oo somalilander ah, oo haatan shaqo la’ kuwaasi oo ay si dadban uga sii faaiidi doonaan bulshada inteeda kale siiba dhalinyarada.
5-Shirkadaha isgaadhsiinta dalku, iyadoo ay amaan mudan yihiin marka dib loo eego xiliga ay soo bilaabeen iyo heerka ay maanta marayaan iyo waliba kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan u adeega bulshada dhan walba, ayaa waxaanu jecelahay inaanu si cad ugu muujino in shirkada Somaliland Cable aanay noqon doonin mid kula tartanta suuqa iyo adeegyada ay ka shaqaystaan Shirkadaha Isgaadhsiinta dalku. Balse waxa aanu adeegooda ku soo kordhin doonaa in ay helaan awood (capacity) ka badan ka ay maanta haystaan oo waliba qiima ahaan aad uga jaban kharashka ay hadda kaga iibsadaan adeegyada isgaadhsiineed caalamka.
Mashruucan oo hawshiisu ay bilaabmi doonto badhtamaha 2010ka ee sanadkan, ayaa waxa ay shirkaddu ku faraxsantahay inay hormood ka noqoto maalgashiga mashruuc baaxadan oo kale leh, iyadoo shirkadu filaysa inay tani dhiirigalin u noqoto maalqabeenada waaweyn ee dalka, si ay dalka uga hirgaliyaan mashaariic kan la mid ah amaba ka waaweyn oo fursad shaqo u abuuri kara bulshada, siiba dhalinyarada.”
Courtesy: Ogaal

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, April 8, 2010

Dahab Shiil oo Tabobar u soo gebo-gabeeyey 40 ka mid ah Ilaalada Amaanka Shirkaddaas

Hargeysa, (NNN)- Shirkada Dahabshiil ayaa galabka 40 ka mid ah ciidanka Amaanka ee Shirkadaas u soo xidhay aqoon-iswaydaarsi ay qaadayeen muddo 12 cisho ah, aqoon isweydaarsigaa oo lagu baranayey ilaalinta nabadgelyada iyo kor u qaadista xaalada Amaanka ee Shirkada Dahab shiil.
40-ka xubnood ee loo soo xidhay tababarka oo ka kala socday Ciidanka Amaanka ee ilaaliya xarumaha shirkada Dahabshiil ay ku leedahay magaalada Hargeysa, ayaa waxa galabta lagu soo gabogabeeyey xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayey oo lagu qabtay xarunta shirkada Dahabshiil ay ku leedahay magaalada Hargeysa. Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen maareeye ku xigeenka Shirkada Dahabshiil Axmed Warsame Ducaale, madaxa ciidanka ammaanka ee shirkada Sheekh Saleebaan Muuse Xasan, madaxa suuqgeynta shirkada, Faarax Bootaan iyo masuuliyiin kale oo ka socday shirkada.
Xafladan shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay ciidankaa ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay, madaxa ciidanka ammaanka, Sh. Saleebaan Muuse Xasan oo ka waramay ujeeddada ay tababarka u qabteen oo uu ku tilmaamay mid kor loogu qaadayay tayada ilaalineed ee ciidanka ammaanka ka hawlgala xarumaha shirkada, waxaanu mahadnaq u soo jeediyay ka qayb galayaashi tababarka oo uu sheegay inay u dhabar adeygeen muddadii uu tababarku u socday, isla markaana ay ka faa'iidaysteen duruustii iyo aqoontii la barayay.
Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi "tababarkani waxa uu socday muddo 12 cisho ah waxana loo qabtay oo ka soo qayb galay 40 xubnood oo ka mid ah ciidanka ammaanka ee shirkada Dahabshiil uga shaqeeya xarumaha kala duwan ee magaalada Hargeysa, ujeeddada aanu ka lahayn tababarku wuxu ahaa in aanu kor ugu qaadno tayada iyo aqoonta shaqaalaha ammaanka oo hawl muhiim ah u haya shirkada iyo dadweynaha macaamiishayada ah si aanu u suurto gelino in wada shaqayn iyo is faham buuxa na dhex maro macaamiisha Dahabshiil".
Sidoo kale, waxa isna ka hadlay xafladaa macalinkii bixinayey casharada la siinayey Ciidanka Amaanka ee Shirkada Dhabashiil Cabdiqani Ciise, waxaanu xusay inay Ciidaanku qaatay Casharo muhiim u ah hawlaha ay u hayaan bulshada, isagoo uga mahadceliyey dedaalkii ay muujiyeen intii uu tababarku u socday.
Maareeye-ku-xigeenka Dahabshiil oo isna ka hadlay munaasinaadaa ayaa ka waramay faa'iidada ay nabadgelyadu leedahay iyo sida loogu baahan yahay in markasta loo ilaaliyo. Maareeye ku Xigeenku waxa uu sheegay in tababarka ujeeddadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta Ciidanka Amaanka ee Shirkada.
Ugu dambayntii Maareeye ku xigeenka Shirkada Dahab Shiil Axmed Warsame Ducaale waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey xubnihii loo soo xidhay tababarka.
Courtesy: Ramaas

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, March 20, 2010

Dahabshiil oo Bangi Caalami ah ka hirgeliyey waddanka Jibuuti

Djibouti, (NNN) - Sharikadda xawaaladda ee Dahab-shiil ayaa maanta bangi ka furatay magaalada Djibouti ee waddanka Djibouti halkaas oo lagu qabtay xaflad ballaadhan.
Munaasabadda xafladda furitaanka bangiga Dahab-shiil waxaa goob joog ka ahaa madaxda ugu sarreysa waddanka Djibouti, Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xeyd, Ra'iisul Wasaaraha Dileita Maxamed Dileita,
Guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti Idris A. Ali, Guddoomiyaha bangiga dhexe Jaamac Maxamuud Xeyd iyo marti sharaf kale
Madaxa shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Saciid, oo Djibouti jooga oo BBC -da uga waramayay furitaanka bangiga ayaa sheegay in bangigoodu yahay mid caalami ah oo Islaami ah.
Bangigan cusub ayuu sheegay madaxa shirkadda in uu u adeegi doono dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, March 7, 2010

Munaasibaddii Furitaanka Shirkadda SOMTEL ee dalka oo dhan & bilowga adeegyo cusub

Hargeysa (NNN)- Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo xadhigga lagaga jaray Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL, ayaa shalay lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Munaaisbaddan oo ay ka qaybgaleen, Hoggaanka sare ee saddexda Xisbi Qaran, Shirguddoonnada Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida, Wasiiro, Xildhibaanno, Aqoonyahan, Masuuliyiinta Shirkadda SOMTEL, Shirkadda kale ee Telesom, Madax-dhaqameed, Culima’udiin, Ganacsato iyo marti sharaf kale oo tiro badan, ayaa maanta lagu furay Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL.
Munaasibaddaas oo ahayd mid ay ka qayb galeen dad tiradoodu ku dhaw dahay Kun qof, ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda SOMTEL Mr. Xirsi Cali X. Xasan oo sheegay in Shirkadda SOMTEL ay adeegyo cusub oo casri ah ku soo kordhisay nidaamka Isgaadhsiinta. “Shirkadda SOMTEL waxa la aasaasay sanadkii 1998-kii, waxaanay ka hawlgeli jirtay magaalooyinka Burco, Berbera, Buuhoodle iyo Laascaanood oo hore looga bilaabay, maantase dhammaan dalka oo dhan ayaa laga bilaabay. Waxyaabaha aanu soo kordhinayna waxa ka mid ah Adeegga Internet-ka ee Telefoonnada gacanta laga isticmaalo (GSM) iyo adeegyo tayo leh” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Mar uu guddoomiyuhu ka hadlayay ujeedada bilaabista Shirkaddan, waxa uu yidhi, “Markii aanu aragnay xawliga ay Teknoolajiyadda casriga ahi ku socoto iyo baahida ay dadku u qabaan tartan madax bannaan oo xor ah, ayaanu arrintan bilownay, waxaananu keenay qalab tayadoodu aad u sarrayso oo aanu ka keenay dalalka ugu horreeya Teknoolajiyadda casriga ah ee Yurub, waxaanu heshiis la galnay shirkad Faransiiska laga leeyahay oo qalabkeeda tayadeedu sarrayso.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Laga bilaabo maanta Laascaanood ilaa Lawyacaddo inta u dhaxaysa oo dhan adeegga shirkadda SOMTEL wuu ka bilaabmay. Waxyaabaha cusub ee aanu soo kordhinay waxa ka mid ah Telefoon laba Kaadh leh oo mid ka mid ah uu anaga noo xidhan yahay, halka Kaadhka kalena uu qofku u isticmaali karo Shirkadda kale ee uu doono. Sidoo kale, adeegga Internet-ka waa laga helayaa meel kasta oo uu gaadhay adeeggayaga Telefoonnadu, adiga oo Jidka magaalooyinka isku xidha maraya ayaad isticmaali kartaa Internetka.”
Mr. Xirsi wuxuu sheegay in ay sidoo kale keeneen Telefoonno Line ah oo bilaa xadhig ah. “Ma jiri doono Xadhko la jiido iyo kuwo dhulka lagu aaso, balse qofku wuxuu qaadanayaa Madaxii Laynka oo WIRELESS ah, oo uu isticmaalayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu xusay in Ciidamada Qaranka, Booliska, Dhakhaatiirta iyo hoggaamiyayaasha saddexda Xisbi Siyaasi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ay siin doonaan Telefoonno isku xiga oo bilaa lacag lagula soo hadlo, si ay adeegyada Qaranka u fududeeyaan. Waxaanu xusay in Sheerka Shirkadda ay fureen, isla markaana ay muddada u horraysa ilaa inta tijaabada ay ku jirto Shirkaddu ay bilaash tahay. “Waxaanu Shacabka ugu bushaaraynaynaa oo kale in Dhakhtarrada, Ciidamada iyo Dawladdaba lagula hadli doono bilaash, iyada oo markaad garaacdo 111 ama 333 uu kula hadlayo adeegga SOMTEL, iyaga ayaana ku hagaya Cusbatalka ama Saldhigga magaalooyinka ee aad rabto, haddii ay tahay magaalo kasta oo uu gaadhay adeegayagu.” Ayuu yidhi Xirsi. Waxaanu intaa raaciyay, “Waxaan si gaar ah ugu bushaaraynayaa saddexda Musharax Madaxweyne ee Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Md. Faysal Cali Waraabe in Telefoonaddooda lagula hadli doono bilaash cidda la hadlaysaa.”
Guddooomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaa ka hadlay, ayaa Shirkadda ku hambalyeeyay waxqabadka iyo adeegga cusub ee ay soo kordhisay. “Hambalyo aad u ballaadhan ayaan u soo jeedinayaa Shirkadda SOMTEL, waxa kale oo aan hambalyaynayaa Shirkadaha kale ee gaarka loo leeyahay ee Isgaadhsiinta, waayo dawlad kaligeed waxba ma dhisi karto, cidda wax dhistaa waa shacabka iyo aqoonyahanka dalka u dhashay, waananu ku hambalyaynayaa doorkooda muwaadiniinta dalka gudo iyo dibedba.” Ayuu yidhi Siilaanyo.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa isna masuuliyiintii halkaa ka hadashay, ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay mulkiilaha, maamulka iyo shaqaalaha shirkadda cusub ee SOMTEL oo uu ku tilmmaamay inay tahay mid loo baahnaa. Waxaanu si kaftan ah u yidhi, “Axsaab ahaan wax waanu shaxaadnaa, waana nala shaxaadaa ee haddii aad bilaash ka dhigteen dadkii nala soo hadlayay, anagana bilaash nooga dhiga kuwaanu la hadlayno, gaar ahaan dadka dibedda.”
Waxa isna halkaa ka hadlay Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen, “In ifka laga shaqaysto Diintu way ina faraysaa, waxaana loo baahan yahay in dhinaca Diintana wax laga qabto, inkasta oo Shirkadda Dahabshiil ee ay mataanaha yihiin shirkaddan ay ka mid tahay shirkadaha ugu horreeya inay arrimaha diinta gacan ka geystaan, haddana waxaan soo jeedin lahaa in aanu tartanku noqon mid laysla daadego ee uu noqdo mid xor iyo xalaal ah oo laga faa’iido.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu kaftan ahaan u yidhi, “Mar haddii Siyaasiyiintii dalka iyo madaxdii Qaranka looga dhigay, anagana 3 Wadaad bilaash nooga dhiga.”
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa Shirkadda Dahabshiil uga mahadnaqay in ay gacan dhaqaale ka geysteen Xafiis kuwa maamulka ah oo ay Jaamacaddoodu dhisanaysay, waxaanu ku baaqay in la sameeyo wada-hadal dhex mara Shirkadaha iyo inay dadku awood u yeeshaan in iyaga oo kala isticmaalaya Shirkadaha kala duwan ay isla hadli karaan.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaa ka hadashay, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan Shirkadda cusub ee SOMTEL. “Shirkadda SOMTEL waanu ku hambalyaynayaa adeegyada cusub ee ay soo kordhiyeen iyo sida ay u danaynayaan dadka danyarta ah, Shirkadaha ka horreeyay ee Isgaadhsiintana waxaanu leenahay ku dayda Shirkadda SOMTEL. Waxaananu dhiirigelinaynaa tartanka xorta ah iyo Lahaanshaha gaarka ah, balse ma noqon doono taasi mid wax dumiya ee waxay noqon doonta mid aanu hagno.” Ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.
Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyana halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay in Isgaadhsiintu kaliya aanay ahayn war-kala-qaadashada, hase ahaatee ay sidoo kale qayb ka qaataan arrimaha Caafimaadka, iyada oo tusaale u soo qaadatay in ay Khadka Telefoonka ka hagaysay mid ka mid ah Umulisooyinka Caafimaaadka ee ka hawl-gala magaalo ka mid ah kuwa Somaliland. “Somaliland maanta maalin wayn oo farxad leh ayay u tahay, waxaanan odhan karaa halkan iskugumaynaan iman karneen haddaynaan u dhabar-adaygin dhibtii 20 sanno ee ina dhaafay, waana markii u horraysay ee aan arko Madaxdii Qaranka iyo muwaadiniin tiradan leh oo meel sidan oo kale isugu yimi.” Ayay tidhi Drs. Edna.
Mulkiilaha, ahna guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) oo halkaa ka hadlay, ayaa ugu baaqay Axsaabta siyaasadda in tartankoodu uu noqdo mid la mid ah kuwa Isgaadhsiinta oo uu sheegay in u tartamaan aflagaaddo-la’aan iyo tartan hoose. Waxaanu u mahad-naqay guud ahaan martidii ka qayb gashay munaasibaddaas. “Axsaabta waxaanu leenahay, waar sida Shirkadahayaga u tartama oo isma cayno anagu ee hoosta ayaanu ka tartannaa.” Ayuu yidhi Mulkiiluhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu sheegay in Shirkadda Dahabshiil la aasaasay sanadkii 1970-naadkii.
Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay, Abwaan Xasan X. Cabdilaahi (Xasan Ganey) oo tilmaamay in aanay ahayn markii u horraysay ee ay Shirkadda Dahabshiil wax cusub ku soo kordhinin, balse ay hore Shirkadaasi kaalin ugaga jirtay waxtarka bulshada iyo kaalmada arrimaha Bulshada. Waxa kale oo halkaa ka hadlay, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiye-xigeenka Golaha Guurtida Sheekh Axmed Nuux Furre, Wasiir-ku-xigeenka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Wasiirka Madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale (Xasan-Macallin), Guddoomiyaha Ururka Shirkadaha Isgaadhsiinta Yuusuf Axmed Yaasiin iyo Guddoomiye-xigeenka Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM Maxamed X. Aadan Axmed, kuwaas oo dhammaantood ka hadlay muhiimadda adeegga cusub ee shirkadda SOMTEL iyo sida loogu baahan yahay. Waxaanu Wasiirka Madaxtooyada oo metelayay Madaxweynaha Somaliland xadhigga ka jaray Shirkaddaas oo uu halkaa kaga dhawaaqay inay furan tahay.
Geesta kale, Munaasibaddan qaar la mid ah ayaa shalay ka dhacday magaalooyinka waawayn ee dalka.
Courtesy: Ogaal

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, March 3, 2010

Hargeysa: Xawaaladda Qaran Express oo Aqoon-isweydaarsi u furtay Shaqaalaheeda

Hargeysa, (NNN)- Xawaaladda Qaran Express ayaa shalay Aqoon-isweydaarsi la xidhiidha nidaamka xawilaadda Lacagta ee Caalamiga ah u furtay Shaqaalaheeda dibedda iyo gudaha dalkaba.
Furitaankii aqoon-isweydaarsigaas oo lagu qabtay Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa, isla markaana socon doona muddo laba maalmood ah, waxa ka qayb galay Wasiirada, Duulista Hawada Cali Maxamed Warancadde, Guriyaynta Siciid Sulub Maxamed, Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, Wasiiru-dawlayaasha Caafimaadka iyo Shaqada Axmed Cali Shire, Arrimaha gudaha Farxaan Jaamac Ismaaciil iyo Wasiir-xigeennada Ganacsiga Cabdixaliim Axmed Muuse, Cadaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo), maamulka iyo masuuliyiinta Xawaaladda Qaran, Xildhibaanno iyo marti-sharaf kale oo badan.
Ugu horrayn waxa munaasibaddaas hadal furitaan ah ka jeediyay maamulaha guud ee Xawaaladda Qaran Mr. Cabdilaahi Jaamac oo marti-sharaftii iyo shaqaalaha Xawaaladdaba uga mahad-naqay sida ay uga xaadireen Aqoon-isweydaarsigaas.
Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Guddoomiyaha guud ee Xawaaladda Qaran Cabdulqaadir Xaashi Jimcaale oo ka warbixiyay ujeedada aqoon-isweydaarsiga, isla markaana ka waramay aasaaskii Shirkaddan. “Xawaaladdan waxa la aasaasay sanadkii 2005, waqtigaas oo gacansato Soomaaliyeed ay isugu yimaadeen, kuna kulmeen Dubai, kuwaas oo ku talo-galkoodu ahaa in ay Xawaaladdu kaalinta afraad ee Xawaaladaha ku gasho muddo 12 bilood ah. Hase ahaatee, laba sanno gudahood ayay Shirkaddu ku gaadhay halkii la higsanayay.” Ayuu yidhi Cabdulqaadir Xaashi. Waxaanu sheegay in ay dalka ku soo kordhiyeen habka xawaaladda degdegga ah oo uu sheegay in Shirkaddooda lagaga daydo maanta.
Waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiye-xigeenka Rugta Ganacsiga Somaliland Xasan Cabdi Cawad oo ku dheeraaday muhiimadda ay leeyihin Shirkadaha Xawaaladda iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka, waxaanu maamulka shirkadaha kale ugu baaqay in ay xawaaladda Qaran kaga daydaan horumarka sida uu sheegay ay gaadhay.
Masuuliyiintii halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Wasiirka Duulista Hawada Cali Maxamed Warancadde oo mahad-naq ka sokow hadalkiisa ku bilaabay, “Waqtigii Xawaaladdan la aasaasayay ayaa qolo ii timi oo ay igu tidhi miyaad wax ku darsanaysaa, waan yar shakiyay oo fulay waa belo’e waxaan is-idhi armay kaa lumaan 2-da Kun (Dollar) ee aad ku darsataa, laakiin maanta ayaan garanayaa ee cid baaban iga yeelayn in aan ku biiro..Waxaynu u baahanahay haddaad Xawaaladaha tihiin in aad inaga ilaalisaan maydhaanka (maydhista) Lacagta.” Waxaanu Dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay Somaliland iyo Somalia labadaba ay iyagu soo geliyeen Lacagta Dollar-ka madow oo uu sheegay in waqtigii Maraykanku Soomaaliya ku jiray dalka keenay, iyaga oo ka cabsi qaba in Doollarka laga dhaco haddaanay mid madow aanu ahayn.
Mr. Warancadde wuxuu Shirkadaha uga digay inay shaqo-qorista ku saleeyaan qaab Qabiil. “Waxaynu u baahanahay caddaalad, waayo Ganacsatadu gurigooda kalamay iman Lacagta ee markay shaqaalaha qorayaan hadday ehelkooda ku koobaan, noqon mayso shirkaddu shirkad Qaran ee waxay noqonaysaa mid qabiil..Ilaahay baan idinku dhaaryee Shirkadahoow 10% ka dhiga shaqaalaha ehelkiina, 90% kalena umadda klae ka dhiga, si aad taageero uga heshaan Shacabka, taas ayaa dalkana u wanaagsan.” Ayuu yidhi Warancadde. Waxaanu sheegay in aanu waligii cid u kaxaynin, si ay qabiilnimo shaqo ugu qoraan.
Waxa sidoo kale, isna halkaa ka hadlay xoghayaha guddida dhaqaalaha Golaha Wakiilada Xil. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo sheegay in dadkii aqoonta lahaa ee ganacsiga hagi lahaa ay u qaybsameen in haajirtay iyo in u shaqaysa shirkado gaar ah. waxaanu sheegay in ay Gole Wakiilo ahaan ansixiyeen Xeerkii Bangiyada Islaamiga ah.
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Axmed Cali Shire. “Xawaaladaha iyo Shirkadaha Telefoonnadu waa kuwa shaqada ugu badan dalka ka qabta, haddaanay jirina wax badani may qabsoomeen..Shirkadaha waxaan idhaahdaa ha laga faa’iidaysto fursadaha hadda bannaan, sababtoo ah waxa iman doonta maalin aynu sida Dawladaha Dunida u fikirno oo fursad la heli maayo, wax walibana qaali bay noqon doonaan.” Ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Qolooyinka Baasaboorrada sita ee dhoofa iyo dadka tahriibay waqti baa iman doona ay ku adkaan doonto inay dalka soo galaan oo ay dal-ku-galka dalka helaan, isla markaana ay adkaan doonto nin dambe oo Baasaboor iska sita oo dalka soo gala.”
Wasiir-ku-xigeenka Cadaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sooyaalkii taariikheed ee hab-gnacsiga Somaliland, isla markaana wuxuu sheegay in aan Ganacsi ka hirgaleen dalka haddii aanay nidaam dawladnimo iyo kala-dambayni jirin. “Muuqayga oon jirin, muunad yeelan maysid..idinkuna (Ganacsatada) Lacagtii baad soo hesheen, anaguna Liisanka ayaanu idiin jaraynaa. Waxaana wanaagsan in Ganacsato ahaan aad qabataan wixii inaga dhiman kaalintiina..Maxkamaddii Ganacsiga ayaananu anagu Xukuumad ahaan hadda idiin samaynaynaa, si aanay kiisaskiinu idiinka dhex galin Maxkamadaha dembiyada.” Ayuu yidhi Wasiir-xigeenka Cadaaladdu.
Khabiirka bixinayay duruusta tababarkan oo u dhashay wadanka Ingiriis, Simon Davis ayaa kulankaas kaga waramayay tusaalayaal uu ka bixiyay Xawaaladaha caalamiyan qawaaniinta looga baahan yahay ee caalamku u samaystay in lagu maamulo, laguna dhaqo ama lacagta lagu kala xawilo.
Waxa sidoo kale, halkaa ka hadlay Wasiirka Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, ku-xigeenkiisa Cabdixaliim Maxamed Muuse, Cabdiraxmaan Muxumed Xirsi oo ah aqoonyan, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay nidaamka Xawaaladdaha iyo sida loogu baahan yahay in ay Bangiyo noqdaan.
Countesy: Ogaal

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking