COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label somalia. Show all posts
Showing posts with label somalia. Show all posts

Wednesday, December 15, 2010

Kooxda Al-shabaab Oo Amar Ku Bixiyey In Lagubo Cajladaha Quraan-ka Ah Ee Uu Duubay Imaamka Masjid-ka Kabcada Sheikh Abdirahman Al-Sudaysi

Baidoa, Somalia, 15 Dec 2010 (Nnn)- Waaxda Camalka iyo Faaf reebka ee Kooxda Shabab-ka ee magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa soo saaray dhowaan awaamiir aad uga yaabiyey dadka degaan-ka ku nool Awaamiirtaas oo salka ku haya dhageysiga qiraa'aadka Quraanka kariim-ka ah ee uu duubay Imaamyada Masjidka Kacbada ee Maka Al-Mukarmah Sheikh Abdirahman Al-Sudaysi.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Gaadhi lagu xidhay codbaahiyaal uu baahiyey in wixii ka danbeeya maanta aan la dhagaysan karin Qur'aanka iyo Wacdiyada uu akhriyo Sheikh Sudaysi. Sheikha oo ah Caalim ku cod macaan akhriska Quraan-ka uu Dunida Islaam-ka aad looga jecelyahay ayey Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab (Alshabab, the terrorist group in Somalia) ku Eedeeyeen in uu ka mid yahay Culumada ay ku tilmaameen wax ay ugu yeedhaan Culumaa'u Suu .

Dhamaan dadka waxaa lagu amray in ay maalmo kooban ku soo uruuriyaan dhamaan wixii cajlada ah ee uu ku duubanyahay Cod-ka Sheikhu si loo Gubo. Arintan ayaa dad xogogaal ahi ay sheegeen in ay ka timi Xubnaha Kooxda Al-qaai'da ee Jasiirada Carabta gaar ahaan dalka Yemen, kuwaas oo dagaalo kula jira Xukuumada Boroqtooyada Sacuudiga iyo Culumaa'udiinka Dunida Muslim-ka.

Xigasho: wadanka.com
Osman Abdillahi Sool....Freelance Journalist.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, July 17, 2010

21 sanno ka hor maanta oo kale: Xusuusta Xasuuqii Murugada ee Xeebta Jaziira

Hargeysa,(Nnn)- Maanta oo ay bisha July tahay 17, waxay ku beegantahay sanad guuradii 21aad ee markii uu dhacay xasuuqii xeebta Jasiira, taas oo lagu gumaaday dad ka soo jeeday Jamhuuriyadda Somaliland.
Maalintaas oo ahayd 17/7/1989-kii iyada oo ay ciidamadii koofiyad casta ahaa ee taliskii Mohamed Siyaad Barre ay ku xasuuqeen dad shacab ah magaalada Muqdisho degenaa, kuwaas oo laga soo guray guryahoodii iyagoo hurda. Waxaanay dadka halkaas lagu xasuuqay isugu jireen macallimiin, dhakhaatiir, arday baayacmushtar iyo dad kale oo shacab ah.
Dadkaasi oo iyagoon waxba galabsan danbina lagu soo oogin dhegta dhiigga loo daray. Rabshaddii ugu waynayd ee muqdisho ka dhacda dhamaadkii sideetamaadkii ee ay iskaga horyimaadaan dawladii xilligaas talada haysay iyo shacabku, waxay bilaabantay jimcihii 15 july 1989-kii markii ay dadwaynaha magaalada muqdisho iyo dawladdu si toosa isaga horyimaadeen. Waxaana iska horimaadkaasi ka dhacay masaajidka sheikh Cali Suufi ee xaafadda Hodan. Kadib markii salaadii la tukaday baa dadwaynihii dhagax tuur ku sameeyeen askar badnayd iyo tikniko ku hareeraysan ayd masaajidka.
Ciidamaasina waxay ugu jawaabeen si naxariis darro ah waxaana halkaas ku dhintay sarkaal ciidamada booliiska ka tirsanaa. Waxaana taasi sababtay in magaalada muqdisho lagu soo rogo bandoo ka bilaabanta gabal dhaca ilaa waaberiga.
Ciidamadii duubcasta ayaa bilaaby axadii ay soo galaysay 17 July 1989 kii inay guluf iyo weerar ku qaadaan xaafada ka tirsanaa magaalada Muqdisho ( madiina iyo Hodan) oo ay deganaayeen dad reer Somaliland ahi. Ujeedada hawlgalku wuxuu ahaa fal aargoosi ah. Waxaana maslax Mohamed Siyaada amar ku siiyey Gen. canjeex inay layaan dadkaan masaakiinta ah ee aan waxba galafsan. Waxaana lasoo ururshay 47 qof oo ka tirsan gidddigood qabiilka Isaaqa. Waxaana dadkaasi la geeyey xeebta jasiira, markaasaa inta shan shan laysugu xidh xidhay baa qoriga boobaha ah ee Baroonka loo yaqaan lagu furay. Waxaana halkaas ku nafwaayey 46 miskiin oo aan waxba galabsan laguna dilay oo qudha qabiilka ay yihiin oo markaas dawladdu kuwada xukuntay dil. Waxaase mucjiso noqotay 47 kii qof mid kamida makrii ilaahy ka badbaadiyey xasuuqa foosha xun nin dhalinyaro ah oo la yidhaado Muuse Cumar Mire(Cawil ) oo daaha ka feyday gumaadkaas waxshinimada leh iyo siduu u dhacayba.
Muqdisho:
Warkan oo argagax ku noqday muqdisho gaarahaan safaaradii ajanabiga, waxaa dawladii markaas talinaysay isku dayday inay beeniyaan, laakiin waxaa meel kastaba ka caddeeyey Muuse Cumar oo sheegay siday wax u dhaceen. Waxaanu u ahaa gumaadka qudha ee saxaafadda caalamiga ahi ay ogaadeen, intii kale ee ay ku dhimatay laguna xasuuqay inkabadan 100,000 qof ma jirto cid sidaa wax ugu qortay. Waxaana dadkaasi layska laayay iyadoon loo aabo yeelin waxaana ay hadda hurdaan iilka qubuuraha xasuuqa ee degmooyinka iyo tuulooyinka Somaliland.
Kuwani waa Liiska Dadkii Kacaankii Siyaad Barre ku sadaqeeyey xeebtii geerida ee Jasiira:
1.Ibrahim Hasan Gelle( H.Y) US-OMC-somalia
2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie (H.Y)Besinessman
3. Mohamed Ismail Ahmed (H.Y)bUSINESSMAN
4.Yusuf Mohame Handulle( H.Y)USAID
5.Saeed Mohamed Mumin( C.G) Ass.pro.Lafole S.N.U
6.Musa Abdi Gaas( C.G) Businessman
7.Hussein Ali Aden(H.J)Businessman
8.Saeed Nur Musa( H.J)businesman
9.Abdirahman Mohamed Bihi( H.J)Businessman
10.Abiwahab Farah Ahmed(H.Y) Student
11.Abdifatah Ahmed Jiir( H.J) Student
12.Matan Abdi Habashi( Arab)Student
13.Mohamed Mohamud Abdi(H.Y) Businessman
14.Ali Mohamed Abdi(H.A) Student
15.Hassan Aw Nur Barud(H.Y) Businessman
16.Abdi Mohamed Abdi (H.A)Technician
17.Ahmed Yassin Omar Jama( H.A) Businessman
18.Mohamed Abdi Hassan( H.A)Businessman
19.Ibrahim Hassan Ege(H.A) Technician
20.Abdi Muhumed Daud (H.A) Businessman
21.hassan Abdi Muhumed (Arab) Businessman
22.Ali Mohamed Dirie(H.J) C.Serv
23.Jama Mohamed Abdi(H.A) Trader
24.Abdi Osman Dubad(H.Y)Trader
25.Husein Omar Husein(C.G) Trader
26.Mohamed Musa Mohamed(H.Y) Trader
27.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) (H.A)Sportsman
28.Muhumed Abdillahi Warsame (Madigan)Trader
29.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan(H.A)Trader
30.Abdirahman Ahmed Dhimbil (H.A) Civil servent
31.Hussein Muhumed Farah (H.A)Civil servent
32.Mohamoud Bacadle (H.Y) Civil servent
33.Jama Aden (barosin)(H.J) Civil servent
34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)(H.A)Trader
35.Warsame Dugsiye Reydal (G.B) Trader
36.Barre Osman Abdi (C.G) Trader
37.Abdirizaq Aydiid Mohamed (H.A) Student
38.Hussein Osman Jama (H.A)student
39.Khadar Mohamed Ahmed (H.A) Student
40.Bihi Ibrahim Ahmed (H.A) Student
41.Hassan Nur Hersi (H.A) Student
42.Abokor Mohamed Yousuf (H.A)Trader
43.Hassan Guure Abdi (H.A) Trader
44.Khadar nuur Jama (H.A) Trader
45.Ahmed Yusuf Ibrahim (H.A) Trader
46.Mohamed Osman Jama (H.A)Trader
47.Farah Ismail Awale (H.Y) student
48.Yusuf Abdillahi Roble (C.G) graduate Dr.
49.Dayib Abdi Burale (H.Y) Trader
50.Dahir Mohamed Jama Warfaa (H.Y) Trader
51.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale)(C.G) Trader
55.Fuad Abdillahi Ibrahim (Arab)
52.Daud SH. Ibrahim (H.Y).
53.Hussein Kheyre Abdi (H.J)
54.Rashid Mohamed Osman (H.A)
55.Abdi Barre Osman (C.G) graduate.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, July 16, 2010

WARAYSI: (Xeebta Jaziira) Nin habeenkaas la qabtay laakiin laga soo reebay intii dadka aan loo qaadin dhinaca xeebta

Hargeysa, (Nnn)- Maanta waxay ku beegantahay sanadguuradii 19aad ee ka soo wareegtay habeenkii murugada badnayd ee 17kii July 1989 xeebta Jasiira ee magalaada muqdisho lagu xasuuqay 46 nin oo reer Somaliland ahaa oo habeenkaas iyagoo hurda saqdhexe guryahooga lagala baxay iyagoon wax denbi ah gelin laakiin loo xasuuqay isir ahaan halkay ka soo jeedeen.
Hadaba waxaa dhawr sano ka hor SDWO uu waraysi ka qaaday Gaashaanle Sare Canjeex oo dadaafeeyay inuu xasuuqaas ka danbeeyay. Hadaba waxa maanta xuska xasuuqii jasiira noo suurtogashay inaan warysi gaar ah le yeelano Adan Axmed Cabdi (dery) oo hada ku nool UK, oo habeenkaas ku jiray dadkii guryaha lagala baxay hase yeeshee wakhtigiisa oo aan dhamaan uu nin ay jaar ahaayeen ka reebay in la kaxeeyo. Waraysigan oo uu qaaday Guled Abdi Sheekhaash wuxuu u dhacay sidan:

Su,aal: Habeenkii Murugada Badnaa ee xasuuqii Jasiira halkeed kaga sugnayd magaalada Muqdisho, goormaadse ka warheshay in la raafayo ama la qaqabanayo dadkii dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland?

Jawaab: Habeenkaa ragga lagurayey waxaan ku sugnaa xaafada (Buula-xuubey) weliba dhinaca villa baydhabo, wadadayaduna waxay ahayd halkii dadka ugu badan lagala baxay sagaalkii inan ee isku guriga ahaa ee afar walaalaha ahaayeen oo alle ha u naxariitee ahaa rag aanu aad saaxiib u ahayn.


Su'aal: Dadku xasuuqaas waxay ku eedeeyaan inuu ka danbeeyay Gaashaanle Sare Canjeex oo SDWO waraysi ay la yeelatay uun ku beeniyay jirtaanka eedeemaha loo soo jeediyo, isla markaasna sheegayna inaanu wax shaqo ah ku lahayn, Maxaad adigu ku cadayn kartaa inuu ninkaasi watay ciidankii xasuuqa geystay?

Jawaab: Wax lawada ogaa bay ahayd oo aan nina ka qarsoonayn anigaaba habeenkaas guriga la igala baxay oo la iga sii siidaayey Canjeex

Aadan Axmed Cabdi (Deyr)

Su,aal: Sidee baad ku aqoonsatay inuu Canjeex yahay ninka ciidanka watay, mise wejigiisaa ayaad hore u taqaanay, mise isagoo magaciisa loogu yeedhayo ayaad maqlaysay habeenkaas?

Jawaab: Ninikii iga sii daayey markii guriga lagigala soo baxay ayaa ku yidhi waar ina walidow waar canjeexoow inanka abtaan u ahaye siidaaya

Su,aal: Wiilkii ka badbaaday habeenkaasi wuxuu sheegay inuu ciidanka watay canjeex, arinkaasina waxa dadaafeeyey Canjeex oo yidhi habeen madow siduu igu aqoonsan karaa, maxaad adigu doodaas canjeex kaga jawaabilahayd?

Jawaab: Waxaan kaga jawaabilahaa canjeexow aniga iyo adiga iyo illaah way is ogyihiin-raganimadaad habeenkaa ku laysay raga iminkana ku qiro

Su,aal: Maxaa dhacay Habeenkaas bal warbixin yar naga sii, sidey wax u bilaabmeen waxaad ka ogeyd?

Jawaab: Illaah baa mahadleh' waxay walaal kubilaabatay habeenkaa anagoo badan oo ilaa -9 dhalinyaro ah ayaanu makhaayad kasoo kacnay dabadeedna inamadii waxay yidhaahdeen dumnad baanu ciyaaraynaa oo waxaygaleen guriga nagasoo horjeeda, guri xaga bidix ka xiga reer ahaa mareexaan, inankooduna wuxuu noqday koofiyad castii waxaana la joogey inan bah-dhulbahante ahaa oo la odhan jirey Faysal Adhi-Carbeed iyo inan aanu aad saaxiib u ahayn oo majeerteena ah lana yidhaahdo Najiib Raaqow- nin aad u kala yaqaan buu ahaa saraakiish iyo madaxda oo aad baanu uga sheekeysan jirney, wuxuu kaloo aad u yaqaaney sarkaal waliba halkuu joogo. Waaberigii ayuu noo yimi najiib iyo inankii koofiyadcasta ahaaba waxayna nagu yidhaahdee ragii idiin soo galay waxay ahaayeen Canjeex iyo ina Walad oo Cimraan ahaa runtii ninkaa Cimraan waa ragii na loo sheegay waana ninkuu dhagarqabe CANJEEX waraysiga ku sheegay laakiin wax cusub may ahayn oo illaah wuxuu igu ogyahay inaanu waaberigiiba ogeyn ninku inuu cimraan ahaa lasocdey CANJEEX.

Waxa kale oo loo galay habeenkaa nin la odhanjirey QOORGAAB oo isagu guriga nagasoo horjeeda deganaa wuxuuna ahaa sarkaal sirdoon ahaa oo reer-weyd ahaa oo aad ula shqaynjirey ismaacil cali abokor oo inta laxidhay markii lasoo daayey buulka laga dhigay, gurigiisa way galeen habeenkaas, inamo ii adeer iyo abti ahina gurigaa ayay deganaayeen laakiin qoorgaab iyo ragii ciidanka watay ayaa isgartay, kadina albaabkiisaba maydhaafin oo way ka soo baxeen. Qoorgaab wuxu ahaa nin geesi ah oo aad u feejigan.

Su,aal: Adigu sideed uga badbaaday inaan lagu qaban mar hadii aad ciidamadii is aragteen ururinayey dadkii la soo xasuuqayey?

Jawaab: Waxaan walaal uga badbaaday markay noo soo galeen nin baanu aad isu jikaarnay guriga dhexdiisa waayo waxaan aad uga baqayey guriga rasaas baa taaley laakiin meel ay ka taalo ayaanan garanayn inankii garanayeyna habeenkaa muu joogin, markuu jikaarkayagii batay ee ay dhameeyeen ayuu igu yidhi intuu qoriga laabta igaga dhiftay soo bax waryaa, xiligaas go-yarbaan guntanaa, dabadeed waan raacay markaasay hooyo kutidhi waar inanka yar saad leedahay waxuu yadhi geedkan geed qadhaadh waaye - waa kelmada siduu u isitcmaalaye, xiligaas ninka cibraan (ina walid) wuu nala joogaa laakiin muu hadlayn.

Banaanka markii aanu u soo baxnay ayaa ninkii qoorgaab ee aanu jaarka ahayn deg-deg u furay albaabka oo ku yidhi waar canjeexow, waar ina waladow inanka abtaan u ahaye sii daaya, Canjeex ninkuu lahaa baa kuyidhi waryaa Qoorgaab kagal gurigaaga, markaas wadadu way buuxday askari iyo qori miidhan bay ahayd, waxay mar qudha kuwada yidhaah deen waryaa qoorgaab gal gurigaaga, markaasuu ina walad oo dhinacayga taagnaa looto iyo feedh iskukaywada raaciyey, bahal xooguu ahaayoo dhulkuu iigu ridey markiiba, markaasuu laad igu kiciyey xagii albaabka guriga ayuu ii tukhuntukheyey isagoo leh gal gurigaaga kadibna waxaan kudhacay albaabkii weynaa ee guriga sidaasaan gurigii dib ugu galay'

Su,aal: 47kii qof ee xeebta loo qaaday sidaan ka warqabno wax qudha oo ka badbaaday Cumar Muuse, ninkaas marna wax xidhiidh ah ma la yeelatay, mise ogtahay meel lagala xidhiidhi karo hadda?

Jawaab: Waalaal lamaan xidhiidhin runtiina garanmaayo meel uu iminka ku suganyahay


Su,aal: Maxaad ka ogtahay nimanka uu canjeex sheegay inay habeenkaas joogeen sida uu yidhi waa in iyaga wax laga weeydiiyaa sida, Maxamed Cabdilaahi Buraale(ina wilad) oo markaa ahaa taliyaha hawlgelinta guudtada labaad ee tawaangida iyo Gaashaanle Sare Cabdi Hirre Guhaad oo canjeex sheegay inuu joogay goobtii uu amarku ka soo baxay iyo Sedex xadhigle Maxamuud Afrax Shunuunac?

Jawaab: Horta illaah baa iga sareeye ninkii layga reebikari waayey wuxuu ahaa nin sadex xadhigle ha oo dheer oo madow laakiin ma aan maqal mgaciisa

Su,aal: Canjeex wuxuu sheegay ragii habeenkaas ciidanka watay inay ahaayeen Gaashaanle Sare Dhegobacayr iyo Taliyahii Koofiyad Casta -Diiriye Xirsi, Raggan ma aragtay habeenkaas mise maqashay inay habeenkaas ciidanka xasuuqa geystay ay wateen?

Jawaab: Walaal ragan uu dhagar qabuhu sheegay warkooda mahayo laakiin arinkii habeenkaa dhacay wuxuu kadhacay ilaa sadex wado oo qudha. runtiina wax ciidamo iyo saraakiil aad u badan u baahnaa may ahayn, ragii wadooyinkaa lagu arkayeyna ragaas uunbay ahaayeen

Su,aal: Goormaad ogaatay adigu shaqsi ahaan in ragii la xasuuqay?

Jawaab: Waxaanu walaal ogaaney inragii lala baxay jazeera lala tegey oo lagu xasuuqay goobtaa duhurkii markii inankii isagoo dhawac ah ee ka badbaaday xasuuqa uu kasoo baxay ayuu xaafada ku soo horeeyey markaasay baroortu is qabsatay.

Su,aal: Adigu miyaad aragtay inankaas soo badbaaday markuu xaafada yimid, gurigii lagala baxay se intuu u jiray gurigiinii?

Jawaab:Anigu inanka ismaanan arag inanka wadada nagu xigta ayaana lagala baxay hase yeeshee markuu gurigooda yimi ayaa markiiba deg-deg lagaga saaray oo dhinaca kaasa-balbalaadhe ayaa loo qaaday laakiin wuxuu war hayey dumarkii guriga joogay buu usheegay in ragii la-laayey sidaasuuna warku isuwada qabsaday markiiba kadibna waxaanu ku wareegnay guryihii lagala baxay inamada oo badankoodu aan ogeyn in la xasuuqay inamadoodii xalay la qafaashey .

Su,aal: Xasuuqii ka dib markii duhurkii 18ka July laga warhelay wixii xalay dhacay, hadaad ahaydeen dadkii la ugaadhsanayey ee ka soo jeeday Somaliland cabsi intii leeg baa idin soo food saartay in tii xalay dhacaday oo kale ay halkeedii ka sii socoto oo caawana guryaha dadka lagala baxo?

Jawaab: Ruuntii walaal ragu meyd socduu ahaa wer-werkaa aad noogu weyni wuxuu ahaa sidii dumarka iyo caruurta looga saari lahaa, laakiin alle wauxuu nagu ogaa inaan wax baqdin ahi aanay nagelin laakiin wer-wer aad u weynbaa nahaystey, guryihii aanu kujireyna kamaanan bixin laakiin waxaanu joojiney kubadii aanu ciyaarijirney, habeenkiina waanusoo jeedi jirey.

Su,aal: Adiga shaqsi ahaan maadama aad arkaysay dadkii habeenkaas la ururiyey, imikana aan midi dib uga soo laabaan, jawigaagu siduu ahaa habeenadii danbe, ma ka se dheeraatay goobtii hore ee dadka laga ururiyey?

Jawaab: Walaal shaqsiyan aniga dhaawac weyn bay runtii ee iigeysatay anigu markaa waxaan ahaa -13jir ragan walaal la-laayey waa ragii aanu tolka ahayn axsaabta ahayn inamadii 9 ka ahaa jimce walba waxaanu tegijirey halkaa markii danbe lagu laayey ee xeebta jasiira. Xasuuqii baana iigu dambaysey kubad aan ciyaaro waayo niyad ahaan runtii meydbaan ahaa laakiin halkii kamaan tegin gurigiina habeen walba waan seexanjirey.

Su,aal: Goormaad ka soo baxday Muqdisho, sideed se uga soo baxday, xageed se timid?

Jawaab: Waxaan ka soobaxay muqdisho sanadkaa 1989kii bishii October waxaanan imi dalka Qatar-Dooxa, hadana waxaan deganahay UK

Su,aal: Sideed dareentay Markaad maqashay ama aad aragtay waraysigii uu bixiyey Canjeex ee uu ku sheegay inaanu wax shaqo ah ku lahayn xasuuqaas?

Jawaab: Walaahi walaal markaan arkay ee aan daawaday canjeexoo leh aniga muu ahayn ninkii ragaa xasuuqay ee weliba nin somalilander ahi waraysanayo waan ooyey wayna itaabatay waayo anigiyo canjeex markii layga siidayey ilaahay uun baa noo dhexeeyey.

Su,aal: Maxaad dareentaa markaad soo xasuusato habeenkaas iyo xasuuqaasi, gaar ahaan marka aad saxaafadaha ku aragto xuska habeenkaas lagaga sheekeeyo wixii dhacay?
Jawaab: Waxaan dareema murugo iyo ciil waxayna igu noqotaa inaan aamusnado in mudo ah waxaanan uga sheekeeyaa caruurtayda wixii habeenka dhacay si aanay iyaguna weligood u ilaabin taariikhda, waxaanan diyaar u ahay hawlgal walba oo dhagarqabe Canjeex sharci loo horgeyn lahaa sikastaba ha ahaatee weliba anigu aan hormuud ka noqon lahaa.
Courtesy: SDWO

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Warbixin daah-furaysa walaaca caalamku ka qabo daciifnimada dawladda Somalia & talo ku wajahan Aqoonsiga Somaliland

Washington, (Nnn)- Warbixin lagu faaqiday xaaladdaha xilligan ee awoodaha Al-shabaab iyo dawlada ku-meel-gaadhka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dawladda TFG ee Sheekh Shariif aanay u qalmin taageerooyin sii socda oo ay ka helaan beesha caalamka, balse taas bedelkeeda waqtigan loo soo janjeedhsado ictiraaf caalimiya oo la siiyo Somaliland si wax looga qabto khataraha Al-shabaab ee gobolkan.
Warbixintan oo lagu faafiyay bogga Intrnet-ka ee CSM qaybteeda arrimaha Afrika, isla markaana u muuqata in si toos ah loogula hadlayo maamulka Madaxweyne Obama-ha Maraykanku waxay u dhignayd sidan: “Qaraxyadii argagaxa lahaa ee ka dhacay Kampala, Uganda, waxay ahayd uun keliya arrin timi waqti ka hor soo-jeedimo muujinayay in duullaan Somalia lagu qaado uu taageero Maraykanku. Haddaba, hadii wax kasta oo Somalia laga yaqaanaa tahay uun Black Hawk Down, waxa xaqiiqdii wanaagsan in faraha laga qaado in wax laga sheegoba. Waxba kama taqaanaan dhulkaas, ma fahmaysaan xaaladaha siyaasadeed ee halkaa yaala, waxaanay u muuqanaysaa uun inaad jaahil ka tahay sii-waditaan indho la’aan ah. Hadii aad ka fekeraysaan Afghanistan inay tahay meel tusaale ah, waxba arkimaysaan weli. Soomaaliya waxay u noqon doontaa Afghanistan sida iyada beer qurux badan maalin Axad ah la dhex lugaynayo. Khatarta Al Shabaab waa mid run ah, waana mid aad iyo aad khatar u ah. Inka badan 70 qof ayaa naftoodii waayay Axadii, waxaanay u muuqataa in inka badani ay ku naf-waayi doonaan dalalka Uganda, Kenya, Ethiopia, iyo/ama Burundi ka hor inta aanay tani dhicin.
Obama waa inaanu farogelin Soomaaliya:
Caawinta dawladda Somalia wax badan ka qabanmayso sidii meesha looga saari lahaa khatarta Al-Shabaab ka imanaysa. Aynu taas kala cadayno: Dawladda xilligan ee Somalia ee caalamku aqoonsan yahay waa mid kaftan afka ah uun u taagan. Ma maamusho caasimadeeda ay leedahay. Waxay ka hawlgashaa huteel ku yaala Nairobi dhawr sannadoodba. Kama jiri doonto meel aanay jirin joogitaanka ciidamo ajaanib ah oo aanay taageerayn Maraykanku. Sida uu xusay G. Pascal Zachary, waxaynu dheeraysanay ku-xisaabtanka siyaasadii Ameerikaanka ee Somalia ku wajahnayd. Sheegashadii qayb ahaan ee Wasaaradda Difaaca, Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Aqalka Cad ee la xihiidhay in talaabada ugu muhiimsan ee lagu xasilin karo xaaladaha Somalia waa iyada oo la sii wado arrinta male-awaalka ah ee aqoonsiga dhuleed ee Somalia, taasoo ka dhigan uun fikirkii inagu (Maraykanka) dhex-tuuray dhabaqsanaantii dhacday 1993-kii. Markaa maxay tahay inay ka dhacdo ixtiraamka siyaasada Maraykanka ee Somalia? Wax fara badan ayaa ku xidhnaan doona go’aamada laga qaado shirka AU-da ee toddobaadka dambe ka dhacaya Entebbe, Uganda. Kenya, Ethiopia iyo Uganda waxay dhamaan ku socdeen kabista qorshayaasha Maraykanka ee gobolka ee taageerada tabobarrada, mucaawinada iyo qalabka ee dawladda Somalia. Miyay rabi doonaan sii-waditaanka ah inay sidaa sameeyaan, iyada oo ay muuqatay xaqiiqada ah inay Al-Shabaab immika leedahay awooda ay ku baqdin-gelinayaan dadyowgooda gudaha dalalkooda?
Ugu dambayntii, waxa jirta su’aasha Somaliland, dalka iskii isu-maamula ee waqooyiga Somalia, kaasoo leh dhamaanba astaamihii lagu qadarin lahaa qarannimo, balse uu ka maqan yahay arrinka ugu muhiimsan ‘aqoonsi.’ Somaliland waxay immika uun qabsadeen doorashooyin guulaystay oo isla xilligan awoodii uu xisbiga hayay ku wareejinayo xisbi kale. Waa qaran shaqaynaya oo leh dhaqaale koraya iyo gacan-ku-hayn adag oo dhulkooda ah. Waxa waqti hore laga joogaa in Maraykanku xilligii uu joojiyay hawlgalladii Muqdisho ay ahayd inay la shaqeeyaan kuwa (Somaliland) xaqiiqdii awooda u leh maamul-dawladeedka Gobolkaas ka jira. Zachary wuxuu u ololaynayaa in la aqoonsado saddex gobol (Soomaaliyadii hore u kala go’do) oo iskood isu maamula, balse Puntland siday xaqiiqdu tahay sidaa awood uguma laha inay maamulaan wax banaanka ka ah dhawr meelood oo lagu badan yahay, hase ahaatee Somaliland ayaa siday xaqiiqdu tahay awooddaas leh. Aqoonsigu wuxuu saamaxayaa Maraykanku inuu tabobarro siiyo askarta Somaliland, dabadeedna waxa aad muhiim u ah, in la siiyo saldhig hawlgalada ah, kaasoo aad uga xasiloonaan doona marka loo eego xuduudka Kenya ee fawdada ah. Hadii sidaa la sameeyo, waxa xalismaya damaanba mashaakilaadka ka taagan gobolka, gaar ahaan khatarta Al-shabaab. Dabcan, ma wada xalismayso, balse waxa la gaadhay xilligii ugu haboonaa ee aynu joojin lahayn is-caruuraynta ee ah inaanay dawlada maanta ee Somalia shaqaynayn weligeed. Ma shaqayn doonto.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, July 7, 2010

Ismaaciil Buubaa oo ka hadlay Isbeddelka dalka ka dhacay & waxyaabaha looga baahanyay M/weynaha la doortay

Nairobi,(Nnn)- Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa markii u horaysay ka hadlay natiijada doorashada Komishanka Doorashooyinka Somaliland soosaaray iyo guusha xisbiga KULMIYE ee doorashadii Madaxtinimada.
Ismaaciil Buubaa oo isagoo ku sugan magaalada Nairobi waraysi siiyay Wargeyska Ogaal, waxa uu talooyin muhiim ah u jeediyay Madaxweynaha la doortay oo uu guushiisa ugu hambalyeeyay. Waraysigaas oo uu kaga hadlay waxyaabaha looga baahan yahay hoggaanka cusub iyo xukuumaddiisa, meelaha Somaliland ka jilicsan tahay ee waxka qabashooda laga sugayo, waxa uu ka tilmaami karo Axmed-Siilaanyo oo ay ururkii SNM ka wada tirsanaayeen iyo qodobo kale, waxa uu u dhacay sidan;
S: Ismaaciil, sideed u aragtaa natiijada Komishanka Doorashooyinka Somaliland ay soo saareen doorashadii ka dib?
J: Natiijada ay soo saareen runtii waa mid si wayn loo soo agaasimay, xaqiiqadiina doorashadii meesha ka dhacday ka sheegay, shaqo wanaagsan bay runtii Komishanku ay qabteen.
S: Sideed u aragtaa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusub ee la doortay?
J: Runtii waan hambalyeynayaa Madaxweynaha cusub iyo ku-xigeenkaba, waxaanan filayaa sidii loo maamulayey muddo dhawr iyo toban sanadood ah Somaliland in si ka duwan uu hogaankan cusubi u maamulo, runtiina saaro culayska meelaha dalku u baahan yahay in wax looga qabto oo waynu ogsoonahay ilaa maalintii lagu dhawaaqay gooni-isutaaga Somaliland ilaa maanta wax suurogal u noqday dalka horumarkiisa way yaraayeen, waxayna ila tahay inuu halkaa saari doono culayska.
S: Si gaar ah haddaad u taabato waxyaabaha ay yaraayeen suurtagalnimadooda wax qabasho maxaa ka mid ah?
J: Dhinaca dhaqaalaha wax alla wax laga qabtay ma jiro, Somaliland waxyaabaha ugu muhiimsan ee dhaqaaluhu ku kobci karaa waxa weeyaan; dhisida kaabayaasha sida wadooyinka, dekedaha, madaarada, isgaadhsiinta, waayo Somaliland waxay ku taalaa meel muhiim oo dhinaca ganacsiga magaalada Berbera iyo magaalooyin kale oo fara badani oo xeebta ku yaalaa ay waxyaabo badan u tari karaan, haddiise magaalooyinkaas ay go'doon yihiin oo aanay waddooyin jirin, biyo jirin, koronto jirin waxay ila tahay way yaraanaysaa in iqtisaadka wadanku isbedelo. Markaa waxay ila tahay in dawladdu culayska saarto waxa la yidhaahdo dhisme-hoosaadka, waayo waynu ognahay wadooyinku waa sidii nidaamkii hore ee Siyaad Barre kaga tagay, dhinaca dekedaha waxa laga qabtay way yar yihiin, iyadoo aad moodo cida keliya ee dalka wax ka qabatay inay tahay hay'adda UNDP iyo hay'adaha kale ee UN-ka ee in dadka la quudiyo oo keliya ay shaqadoodu tahay, laakiin dhinicii horumarku uu guud ahaan ka maqnaa meesha.
S: Prof Ismaaciil, adigu shaqsiyan ma u soo hambalyeysay Madaxweynaha la doortay?
J: Wallaahi, anigoo isticmaalaya jaaniska aad imika isiiseen ee waraysigan, aad iyo aad baan u jecelahay inaan u gudbniyo Madaxweynaha iyo ku-xigeenka la doortay in insha alla Illaahay xilkaa ku gacan qabto, aadna waan ugu tahniyadaynayaa.
S: Markaa waxay ka dhigan tahay inaanad toos ula soo xidhiidhin?
J: Haa, toos ulamaan soo xidhiidhin, waayo waad iska garan kartaa way adag tahayba imika sida loo heli karaaba, markaa halkan baan uga hambalyeynayaa, waanan soo dhawaynayaa doorashadiisaa.
S: Maxaad isleedahay caqabado ahaan Xukuumaddan cusub way ka hor iman karaan?
J: Caqabado fara badan baa ka hor iman kara, dhinaca siyaasadda mandaqada, hadday tahay dariiqii aad iyo aadka u koobnaa ee aan ahayn inay noqoto Somaliland wadan ka ciyaari kara isbedelka gudihiisa iyo mandaqaduu ku nool yahayba oo wuxuu ka shaqeeyaa ay tahay keliya in lagu tuntuunsado amnigu inaanu faraha ka bixin, waxay ila tahay wax badan u hagaagi maayaan. Sidaa darteed, waxa loo baahan yahay in dhibaatooyin fara badan oo Somaliland dhex yaala ama mandaqadaba waa lagama maarmaan in dawladda hadda la sameeyay inay arrintaa si wanaagsan ugu babac dhigto oo ay wax ka qabato, taasaa ay wax ugu tari doonta dadka Somaliland jooga, dadyawga faraha badan ee mandaqadana wax ugu tari doontaa.
S: Dhinaca arrimaha dibada markaad eegto, ma isleedahay xukuumadda cusubi way ka duwanaan doontaa tii hore oo icitiraaf way keeni kartaa?
J: Horta, kolay ninka laga yaabo inuu wasiirka Khaarajiga noqdo waa nin aad iyo aad mutacalin u ah oo aanan kartidiisa dhayalsanayn, waa nin wax wayn qaban kara, haddii loo dhiibo ninkii KULMIYE u ahaan jiray Xoghayaha arrimaha dibada, waxay ila tahay shaqooyin fara badan inuu qaban karo. Laakiin, runtii arrintaa Ictiraafka iyo horumarinta Somaliland aniga waxay ila tahay inaanay ku xidhnayn wasaarada Arrimaha dibada, balse ay ku xidhan tahay wasaaradaha ganacsiga iyo Daakhiliga, Ictiraafka la raadinayaana aanu ahayn mid yaala dawladdo dibada ah ee mid dhexyaala dadka Soomaalida. Markaa wasiirka Daakhiligu siduu u shaqeeyo ee uu wadanka nabadgelyo uga dhaliyo ee uu dadyawga kale ee Soomaalida ah ee tabaalaysan uu u noqdo mid soo dhaweeya oo wax la qabta ayuu ictiraafku ku iman doonaa, anigu uma arko mid yaala dibada ee waa mid yaala Soomaali dhexdeeda. Ta labaad, cidda qabata wasiirka Ganacsiga waxay ila tahay arrin aad iyo aad u muhiim ah oo maanta dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin ee ku daadsan Imaaraadka, Kenya ku daadsan ee Jabuuti ku daadsan, waxa loo baahan yahay siyaasad dhaqaale oo isu soo ururisa oo dadka isu keenta oo Somaliland noqoto meeshii dhaqaalaha Soomaalidu ku kulmi lahaa, taas iyo ictioraafkuna iska hor iman maayaan ayey aniga ila tahay. Markaa waxay ila tahay inay taasi aad u dedejin doonto waxyaabo fara badan, markaa xaga dhaqaalaha iyo amniga oo loo arko amniga Somaliland sidii uu geyiga kale ee Soomaalida ugu fidi lahaa dadka Soomaalida ee tabaalaysana wax laga qaban lahaa, aniga waxay ila tahay dhinacaasuu ka iman doonaa isbadel xoogan haddii culayska la saaro.
S: Adiga maadaama aad Axmed-Siilaanyo SNM wada ahaydeen, maxaad ka tilmaami lahayd hogaamintiisa?
J: WallaahI Axmed Maxamed Siilaanyo waa nin karti u leh dhinaca maaraynta, dunidana waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay waa maaraynta. Waxa kale oo iyaguna maanta hogaamin culus u baahan dhibaatooyinka wadanka yaala sidii iyadoo la isku duuban yahay loo waajihi lahaa inuu ka shaqeeyo weeyaan. Markaa aniga waxay ila tahay arrimo fara badan oo noocaas ah hadday tahay tacliin ama khibrad ama Somaliland la soo jaan-qaadkeeda ilaa maalintii nidaamkii hore uu dhacay ilaa maanta waxay ila tahay Madaxweynaha la doortay inuu ku soo biirin karo oo uu wax ka qabto.
S: Ugu dambayntii maxaad kula talin lahayd hogaanka cusub ee la doortay?
J: Hogaanka cusub ee la doortay waxaan kula talin lahaa inuu si degan oo dadka isu soo dhaweysa uu maamulkiisu u dhaqmo, in xorriyada dadka dhinaca Saxaafadda ha noqoto ama dadkan la iska qabqabsanayo ee iyadoon Maxkamad la gayn la xidhxidhayo ha noqotee, ummada xor ah baa horumari karta, laakiin umad jeedal lala daba taagan yahay oo xadhig iyo dhibaato lala daba taagan yahay waligeed waxba qabsan kari mayso. Markaa aniga tayda ugu wayn ee aan ku talin lahaa arintaa ku saabsan waxa weeye, dhinaca waxa la yidhaahdo horumarka dhaqaalaha, horumarka siyaasadu waxay ku xidhan yihiin horumarka bani'aadamka ee la maamulayo ee arrimihiisa la maaraynayo xornimadiisa si loo ilaaliyo.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, June 6, 2010

Nin ku nool waddanka Soomaaliya oo nolosha la wadaaga Yaxaasyo ay saaxiibeen

Jawhar, (NNN)- “Waxaanu u socdaallay badhtamaha Deegaan dhaqan ahaan ilaa xad reer Miyi ah oo ah Soomaaliya, si aanu ula kulano Nin Yaxaasyo kula nool Webiga Shabeelle.” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin lagu baahiyay Shabakadda wararka ee Sunatimes, taas oo la xidhiidha hab-nololeedka Nin Soomaali ah oo la nool Yaxaasyo.
Warbixintan oo uu qoray Cabdinaasir Maxamed Guuleed oo ah Suxufi Soomaali ah, isla markaana ku qornayd Afka Ingiriisiga, ayaa iyada oo dhamaystiran u dhignayd sidan;
“Waligaa ma maqasheen Qof bani’aadam ah oo hoggaamiye u ah Yaxaasyo? Had iyo jeer maan rumaysan jirin oo waxaan moodayay in ay arrintani tahay sheeko caruureed khiyaali ah. Laakiin, markii dambe waxaan go’aansaday in aan tago goobaha ay ku nool yihiin Yaxaasyadu.
Baadhistaydii waxay I geysay Magaalada Jawhar oo ah magaalo 55-Mayl Muqdisho ka xigta dhinaca Waqooyiga. Waxa jira Madaar ku yaala dhinaca waqooyi ee magaalada. Waa arooryo hore, waxaanan tegay tuulada Kulundi oo ilaa 4 Mayl dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta Jawhar, halkaas oo aan kula kulmay nin dhinac fadhiya Webiga Shabeelle oo gacmihiisa mid ka mid ah ku haya Kalluun yar.
Salaan aanu isweydaarsanay ka dib, waxaan waydiiyay waxay shaqadiisu tahay. Wuu qoslay, waxaanu ii sheegay in uu yahay hoggaamiye Yaxaas oo uu la nool yahay. Ka dib markii in cabbaar ah aanu kaftanay ee uu faahfaahin iiga siiyay habka uu ula nool yahay iyo sida uu amarrada u siiyo Yaxaasyada sidii Masuul shaqaalihiisii kala diraya, wuxuu si kedis ah iiga codsaday in aan ka aqbalo in uu I tuso sida uu ugu imanayo mid ka mid ah Yaxaasyadu marka uu magac ugu yeedho. Aniga oo la amakaagsan, isla markaana waxoogaa yar naxsan, ayaan ka aqbalay in uu sidaa yeelo, isaguna wuxuu ku dhawaaqay magac. Si degdeg ah waxa Webigii uga soo baxay Yaxaas yar, waxaanu fadhiistay dhinacayaga. Aniga oo ka welwelsan in uu na weeraro Yaxaaska na ag-fadhiyaa, ayaan waydiistay in aan ka durko Yaxaaska. Laakiin, wuxuu ii sheegay in aan is-dejiyo.
Dabadeed, Yaxaaskii yaraa wuxuu saaray garabkiisa midig, waanu la istaagay, isaga oo ula dhaqaaqay dhinaca Gurigiisa, isla markaana uu iga codsaday in aan u raaco. Markii aanu tagnay Gurigiisa, waxaan arkay Yaxaas ilaalinaya cidda galaysa Guriga.
Hassey Muse (maaha magaciisa dhabta ah) ayaa ku-sii sime ka ahaa xilka hoggaamiyaha Yaxaasyada, waxaanu fadhiyay meel u dhaw Hoygiisa. Mid ka mid ah Yaxaasyadii, ayaa si cadho badani ka muuqato dhinacayga ugu soo dhaqaaqay, laakiin Hassey ayaa Luuqad uu garanayo ugu sheegay Yaxaaskii in aanu ka dhaqaaqin halka uu taagan yahay. ‘Wuxuu ku arkayaa in aad tahay qof qariib ah ama cusub, waxaanu doonayaa in uu ku weeraro, laakiin meelna uma dhaqaaqi karo amar la’aan. Yaxaasyadu waa qayb ka mid ah Qoyskayaga, sababtoo ah way nagu dhex nool yihiin’ Ayuu yidhi Hassey. ‘Qoyskayagu way ku faraxsan yihiin Yaxaasyada, balse Yaxaasyadu cidna ma weerari karaan ilaa aan amar siiyo in ay ciddaas weeraraan.’ Ayuu intaa raaciyay.
Markii aan waydiiyay in ay dhici karto weerar aan la filayn oo kaga yimaadda dhinaca Webiga, waxa uu sheegay in waxyaabaha ugu badan ee ay Yaxaasku ka feejigan yihiin tahay.
Waxaanu tagnay dhinaca Webi, si aan u arko habka uu amarrada u bixiyo. Hassey wuxuu ii sheegay in aanan cabsanin marka ay Yaxaasyadu qaataan amarada iyo hadallo macnahoodu yihiin in ay isaga u yimaadaan. Waxaana markiiba si degdeg ah dibedda Biyihii uga soo baxay saddex Yaxaas oo dhaadheer, waawayn, isla markaana dhiniciisa u soo dhaqaaqay.
Hassey oo hoggaamiye-dhaqameed ka ah Tuulada Kulundi, isla markaana Yaxaas yar garabkiisa midig ku sita, ayaa ii sheegay in hoggaaminta Yaxaasyadu ay tahay wax uu ka dhaxlay Awowyadii.
Deegaankan noloshu si hoose ayay uga socotaa, Hassey Caruurtiisu ma tagaan Dugsiyo, mana bartaan Quraanka. Waxay iska joogaan Guriga oo waxay bartaan sida loo dabbaasho, loo kalluumaysto, lana ugaadhsadaan Aabahood. ‘Sidaan rejaynayo mustaqbalka dhaw, Wiilashayda yaryari waxay noqon doonaan ugaadhsadayaal waawayn sidayda oo kale.’ ayuu yidhi Hassey oo wakhtigaa tuurayay Xadhig ka kalluumaysiga ahi.
Hassey wuxuu sheegay ficillo tiro yar oo kaga yimaada dhinaca Yaxaasyada. ‘Bishii hore Xaaskayga waxa ka go’ay afar farood, ka dib markii Yaxaas yari uu Lugteeda midig dhaawac gaadhsiiyay.’ Ayuu yidhi Hassey oo la waydiiyay in ay suurtogal tahay in ay khatar ugu jiraan weerar ay Yaxaasku ku qaadaan. Waxaanu sheegay in Yaxaasyadu ay tababaran yihiin oo aanay falalkaas ku kacaynin.
Magaalada Jawhar waxa kale oo aan kula kulmay Faadumo Ducaale oo ah Hooyo 31 jir ah, waxaanan wax ka waydiiyay arrimaha Hoggaamiyaha Yaxaasyada. Hase ahaatee, intay qososhay ayay ii sheegtay in kelmadahaas ay markay yarayd ka maqli jirtay Ayeydeed.
Weerarada Yaxaasyada ayaa caan ka ah Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo caruur iyo dad waawaynba ay ku dileen ama ku dhaawaceen..Sanadkan oo kaliya inta la ogyahay hal qof ayay cuneen…”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, May 10, 2010

Abwaan Hadraawi oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sababta ay u degi la’dahay

Hargeysa,(NNN)- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaanu baaq u jeediyay dhinacyada ku dagaallamaya.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame waxa uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha qaska, dagaallada iyo is-qarxinta ka taagan guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu ayaan-darro ku tilmaamay. “Dee, ayaan-darrooyin baa Muqdisho ka socda, dabka Muqdisho ka baxaya halkaas kuma ekaanayo, waana iska Sharci wuu fidayaa, sababtoo ah waxa la yidhi Dab munaafaq shiday, muumin baa ku gubta oo qofkii damiir lehi wuu ka damqanayaa dhibta halkaa ka taagan.
Waxtarkayga kaliya waxa weeye, waar toloow Colka jooja. Waxa la yidhi, halka laba Maroodi ku dagaallamaan waxa ku baaba’a Doogga, waxa kale oo la yidhi, Mulac Caruuro qabteen isna waa ku qudh-gooyo, Caruurtana waa la ciyaar.” Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi oo isaga oo ku sugan magaalada Burco ee Xarunta Togdheer khadka Telefoonka ugu waramay Idaacadda Radio Tusmo ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho oo aanu Warkan ka soo xiganay.
Mar la waydiiyay aragtidiisa la xidhiidha in dhinacyada Soomaaliya isku haya ay ku jiraan dad Wadaaddo iyo Culimo ah, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Culimadu waa tii dadka is-dhex taagi jirtaye, Kitaabka Quraanka ah u qaadann jirtaye, ku hoga-tusaalayn jirtaye, dareenkooda damqi jirtaye, iyadu Waddadii Ilaahay iyo sidii uu Ilaahay yidhi dadka ku kala kaxayn jirtay. Kollayba ayaan-darrada jirtaa waxa weeye, Culimo, Diin iyo Kitaab-ba layska tagye, Dabku wuxuu u bakhtiyi waayay, Kitaabkii, Diintii, Islaamkii iyo Ilaahay ayaa layskala fogaadaye, ciddii Ilaahay ka yaabaysa ee rumaysan in Ilaahay jiroow, xil baa kaa saaran oo hadhow if iyo aakhiraba waa lays waydiinayaa oo sidaa ku tegi mayso oo sidaa ahaan mayso’e, waa la joogaa wakhtigii laga dhergi lahaa dhiigga iyo dhimashada ee dadka Miyirku ku soo noqon lahaa ee waan-waani dhalan jirtay oo waa la garanayaa muddada dagaalku socdaye, anigu kala guri maayee cidda Islaam sheeganaysa in ay arrintaa dhinaca wanaagsan iska taagto oo ay waan-waan iyo nabad u faydato.”
Gebogebadii, mar la waydiiiyay Abwaanka waxa uu ugu baaqayo dhinacyada ku dagaallamaya Koonfurta Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Waxaan ka codsanayaa dhinacyada is-haya oo aan ugu baaqayaa in ay mid kastaba ku iloobaan danta umadda iyo Ilaahay dartii oo ay isku dayaan inay dhiigga qubanaya joojiyaan. Maalinkan maanta ah ma jirto inay wada hadlaan oo ay isweydiiyaan waxay isku hayaan, cid walbana tanaasul u samayso umadda maslaxaddeeda iyo ayaan-darradan Waddanka ka dhacaysa ee Caalamka oo dhan gilgishay inay ka wada hadlaan oo ay cid waliba soo tanaasusho oo arrintaa layska arko oo laga kulmo oo Dhiiggaas daadanayaa uu joogsado.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, April 22, 2010

“Somaliland intay aqoonsi raadinaysay, Dawladda Federaalka ah kamay soo raadin, waxaana dhici karta inay fududaato”

Wasiiru-dawlaha Arrimaha gudaha Soomaaliya
Muqdisho, (NNN) - Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xiddig, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay Doorashada suurtogeliso, isla markaana ay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay kala hadasho Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay suurtogal tahay in ay ka hirgesho. Waxaanu Xukuumadda iyo Shacabka Somalialnd uga digay weeraro uu sheegay inay kaga soo maqan yihiin dhinaca Kooxda Al-Shabaab.
Wasiiru-dawlaha Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ku sugan Muqdisho, ayaa waraysi dheer oo uu Khadka Telefoonka ku siiyay Wargeyska Ogaal, wuxuu kaga hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha khilaafka xuduudeed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland, aqoonsiga Somalilad iyo aragtida ay Dawlad ahaan ka qabaan, Doorashooyinka, amniga dalka iyo sidoo kale weeraro uu sheegay inay Al-Shabaab qorshaynayso inay Somaliland ku soo qaadaan.
Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo Khadka Telefoonka ugu waramay Barkhad M. Kaariye oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, ayaa waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan;
S: Wasiir, ugu horrayn guud ahaan waxaad warbixin naga siisaa xaaladda Soomaaliya ee hadda?
J: Qolooyinkan Ajaanibka ah iyo cidda kale ee la socota ama hays qarxiyaan, ama wax ha dilaan, ama wax ha qalaan, way wadaan dhibaatooyinkii ay dalka ka wadeen, waxaanay doonayaan inay dalka oo dhan ku ballaadhiyaan, meel kasta oo ay nabadgelyo ka jirtana, ay nabadgelyo-darro ku abuuraan, gaar ahaan dhinaca Waqooyi iyo dhinaca Waqooyi-bari labadaba oo ah dhinaca Somaliland iyo Puntland oo dadka degani ay degannaansho haystaan. Markaa haddii aan fursad u helay in aan Wargeyskan (Ogaal) caawa (xalay) fikirkayga ka dhiibto, waxaan ugu baaqayaa dadweynaha Soomaaliyeed iyo maamullada halkaa ka jiraba ugu baaqo inay digtoonaadaan oo ay ka feejignaadaan, arrintaana siday uga hortegi lahaayeen xoogga u saaraan, anagana ay gacan naga siin lahaayeen.
S: Maaha markii u horraysay ee digniin noocan ahi ka soo yeedho Dawladda aad ka tirsan tahay oo hore Wasiiru-dawlaha Gaashaan-dhigga Yuusuf M. Siyaad (Indho-cadde) ayaa baaqan mid la mid ah soo jeediyay, maxay tahay waxaad ogtihiin iyo xogta gaarka ah ee aad haysaan?
J: Horta, xannuun ama hawl ninkii la dersay ayaa yaqaana, waxaana laga yaabaa in dad badan oo Waqooyi (Somaliland) ku nool ama Waqooyi-bari (Puntland) ku nool ay maqal uun ku tahay ama aynu Telefishannada ka daawano waxa ka dhacaya Falastiin ama Ciraaq oo kale u tahay, laakiin waa xaqiiq jirta. Runtiina casharo aad wax ku fahmi kartaan waa laydiin dhigay oo waa tii Qaraxyada laga fuliyay deegaannadaas. Hawlaha aanu ognahay waxa weeye, meel kasta o ay degannaansho ka jirto ayaa bar-tilmaameed u ah (Kooxaha Soomaaliya) ama waqooyi (Somaliland) ha noqdo ama Koonfur ha noqdee. Waxaanu ognahay nimanka masuuliyiinta ah ee madaxda u ah mushkiladda Soomaaliya in ay ka soo jeedaan gobollaadaas (Somaliland), cid walibana meeshii ay ka soo jeedday in loo adeegsadaa waa Barnaamij ay leeyihiin (Kooxaha Soomaaliya) weeyaan. Markaa waa waajib in aanu digniin culus u dirno (Somaliland iyo Puntland) oo aanu wixii jira farta ku fiiqno, sababtoo ah, ma rabno in dadkaa walaalahayo ah iyo maamulladaas jira wax la yeelo. Waa meelaha nabadda ah ee maanta ay Soomaalidu ku naaloonayso, run ahaantiina waa wax lagu faani karo. Markaa waanu uga digaynaa, waxaananu ku boorinaynaa inay gacan bir ah ku qabtaan, kana hortegaan wax kasta oo hawshaas ku saabsan.
S: Wasiir, markaad leedahay madaxda Kooxaha mucaaradka ahi waxay ka soo jeedaan Somaliland, maxay daarran tahay? bal faahfaahin ka bixi.
J: Waxaan uga jeedaa, ninka ugu wayn kooxdan Khawaariijta (Al-Shabaab) ee dalka joogtaa, anigu ma aaminsani in Soomaaliya kala meel tahay, laakiin marka la sii kala saar-saaro, waxa uu ka soo jeedaa gobollada Waqooyi (Somaliland), cid walibana way taqaanaa oo hawl-qabadka u horreeya ee u qorshaysan ee uu haystaana waxa weeye in uu dhibaatada ka abuuro gobollada uu ka soo jeedo oo uu gaadhsiiyo dhibaatada uu wado. Markaa, taasi waa lama huraan, waana wax hoosta ka xarriiqan, tamar-la’aan baa haysa mooyaane, laakiin habeen iyo maalinba wuxuu ku fikirayaa sida uu Mushkiladaha uga abuuray gobollada kale ee Soomaaliya uu Hargeysana u gaadhsiiyo. Sidoo kalena, ragga ku xigana qaar badan oo ka mid ahi waxay ka soo jeedaan Gobollada waqooyi-bari, waa dhinaca Puntland, iyaguna waa u bar-tilmaameed. Kuwii ka soo jeeday gobollada Jubbooyinka ama Banaadir ka soo jeedayna way wataan shaqadii loogu talo-galay oo sidii ay ugu talo-galeen ayay u wadaan. Kuwa kalena, way ku sii socdaan, waana arrin ka go’an.
S: Wasiir, waxaad ku cel-celisay gobollada Waqooyi, ama aqoonsi ha hesho ama yaan la aqoonsan, miyaad kala masuugaysaa in aad ugu yeedho Somaliland?
J: Aniga Waqooyi iyo Dadka Soomaaliyeed ee halkaa dega waa dadkaygii, waa walaalahay, inay Somaliland noqdaanna gebi ahaanba dadka ay cudurka ku hayso ma ahi. Madax-bannaanida iyo goonni-isu-taaggu waa mid laga wada hadli doono waqtigeeda, dooddeeda iyo cidday ka go’do, laakiin anigu shaqsi ahaan waan taageerayaa, waxaanan ku dhiirigelin lahaa inay adkeeyaan hawsha ay hayaan. Horta, anigu waliga Hargeysa isma dhex taagin, laakiin waxaan a arkaa Telefishannada, inkasta oo aan ku faraxsanaan lahaa in aan mar arko oo aan is-dhex taago. Balse, waxay qabsadeen iyo bilicda ay u sameeyeen, ayaa ah wax aan anigu shaqsiyan ku faani karo, deegaan ahaanna haddii la yidhaahdo in aan laga fogayn ayaaba laga yaabaa. Markaa aad baan ugu farxayaa in aan anigu arko nolosheeda iyo qaabka ay u samaysan tahay. Axsaabta, Odayaasha ama Maamullada halkaa ka jirana waxaan ku adkaynayaa in furfuran hawlaha ay aad u xidh-xidheen oo ay Soomaalida aad ugu gacan-haadiyaan.
S: Dawlad ahaan ama ka Wasiir ahaan, maxaad ka aaminsan tihiin aqoonsi ay Somaliland hesho?
J: Anigu waxaan ka aaminsahay waan sheegay, arrimaha goonni-isu-taagga Somaliland iyo waxay Somaliland doonayso xilligeeda ayaa laga wada-hadli doonaa, laakiin anigu shaqsiyan waxaan kuu sheegay in aan taageersanahay inay maamulkaasi sida uu hadda u shaqaynayo si ka baaxad wayn oo ka horumarsan oo ka ballaadhan uu u shaqeeyo, sababtoo ah, waxa la horumarinayaa waa dalkayagii iyo dadkayagii. Macnaha, masuuliyadda aanu manata hayno in aananu hayn doonin baa dhici karta oo haddii cid kale talada qabato, shacabka ayaanu ka mid noqonaynaa, masuliyiinta ayaanu ka mid noqonaynaa, in aan anigu Hargeysa ka shaqeeyana wax dhib ah oo ay igu haysaa ma jirto.
S: Waxaad sheegtay in aanad Hargeysa arag, haddiiba ay dhacdo inaad aragto Somaliland iyo amnigeeda, ama Muuqaalkeeda daawo ama si kale u arage, suurtogal ma tahay in ay wax ka bedesho aragtidaada siyaasadeed ee Aqoonsiga Somaliland oo aad sidan ka soo dhawaato?
J: Dabcan, anigu Hargeysa Madaarkeeda waan tegay oo waan ku nastay, laakiin inaan ajanebi ka ahaado in aan Hargeysa galo wax macno ah ma samaynayso, waxase ka qiimo badan in la arko oo la galo oo waayo-aragnimo iyo fikirro badan laga soo qaato. Iyaga laftoodana (Somaliland) fikirka ay qabaan inay dadka geliyaan oo aanay xuduudo isku wareejin. Si kastaba ha ahaatee, waa laga yaabaa haddii aan Hargeysa arki lahaa ama la sheekaysan lahaa, inay wax igu biiran lahaayeen ama aan ku biirin lahaa. Laakiin, waxaan odhan lahaa xidh-xidhnaanta ha ka daayaan, waayo waxaad hayso haddaanad suuq-gaynin, cidina dukaankaaga kuugu soo geli mayso, waa inaad suuq-gaysaa waxaad haysid oo la arko oo aad sharaxdid. Inta Ingiriis, Talyaani, Faransiis iyo Jarmal lagula wareegayo, waxa fiican in Soomaalida dhexdeeda laga gado (dhaadhiciyo). Waxa dhici karta in Soomaali badan oo danaynaysa (aqoonsiga Somaliland) la arko. Anigu waxaan aaminsahay in u-dhalashada iyo ka-dhalashadu aanay macno lahayn ee ay wanaagsan tahay in qofku Soomaali yahay oo uu fahmi karo waxa meesha yaala iyo doorka looga baahan yahay. Waxaan u soo jeedin lahaa dadka Deegaankaa (Somaliland) ku nool inay wax badan ka bedelaan sida ay hadda u dhaqmayaan.
S: Cid kasta oo deris ahi ama dalal ha ahaadaan ama gobollo ha ahaadeene, waxay meel uga soo wada-jeedaan cadowgooda, maadaama oo Qaraxyada ka socda Soomaaliya ay Somaliland-na saamaysay, marna ma jiraa wax xidhiidh oo arrimahaa aad ka yeelateen Xukuumadda Somaliland?
J: Xaqiiqdii, waxaan ka hadlayay taas ayaa ka mid ah oo haddaan lays-dhex gelin oo aan laysku furfurnaan, cidina Hargeysa waxay haysato xoog kagama qaadayso, haddaanay cidna iyadu xoog wax kaga qaadanaynin, cidina uma soo socoto ayaan u malaynayaa. Markaa in laysu yimaaddo ayaa loo baahan yahay, qofku marka uu dalka yimaaddana, wax uun buu ku biirinayaa ee waxba ma yeelayo. Markaa caqabadda jirtaaba waxa weeye kala xidh-xidhnaanta iyo in aanay iyagu war helin ama dhinaca iskaashiga amniga iyo Siyaasadda ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya (Somaliland) iyo qaybaha kale ee Soomaaliya. Taasina waxay keenaysaa in aanay war badan helin oo ay ku koobnaadaan dhinacay jogaan oo kaliya. Inkasta oo uu jiro xidhiidh Ganacsi oo Baabuurta Kismaayo ka tagaa way joogaan Hargeysa, kuwa Hargeysa ka yimaadaana halkan way joogaan. Laakiin, anagu waanu soo dhawaynaynaa oo way fiicnaan lahayd in aanu iskaashi, is-arag, kulamo iyo xidhiidhba yeelano. Iyagu (Somaliland) inay dhinacooda dhiseen oo ay qurxiyeen oo ay Guryo wada Muraayad ah ka taageen iyada oo ay dhinacan kale (Koonfurta Soomaaliya) burbursan tahay, Guryahaa quruxda badan leh ma jirayaan haddaan dhinaca kalena laga shaqaynayn. Markaa way isku wada xidhan tahay bahashu oo ma kala hadhi karto.
S: Laakiin, waxay Somaliland ku doodaysaa in markay hesho waxay xaqa u leedahay oo Aqoonsi ah ay awood u yeelan karto inay dhisto Koonfurta Soomaaliya, laakiin inta ka horraysa ay noqonayso in qasku ku soo baaho. Idinku ma waxaad leedihiin Somaliland ha soo dhex gasho oo qayb ha ka noqoto qalalaasaha Soomaaliya? Arrintaasi ma idinla saxsan tahay?
J: Xaqiiqdii hadda lama odhan karo kaas ayaa sax ah iyo kaas ayaa khalad ah, waana laga fikirayaa. Laakiin, labaduba waa afkaar qiimayntooda u baahan, waxaanan odhan lahaa haddii Guriga deriskaaga ahi gubanayo oo gurigaagu fayow yahay, waxaad garan kartaa inta ay le’eg tahay khatarta gurigaaga ku wajahani, ama ha noqoto Dhimbiil ku soo duusha ama Dabayshu ololka ha keento,ma degannaanaysid. Markaa Hargeysa iyo Xamar waad garan kartaa intay isku jiraan ama gobollada u dhaxeeyaa waxba iskuma jiraan oo xaafad bay isku yihiin. Haddii ay halkan dhibaato ka jirto, dhinacaana (Somaliland) welwel waa jiraa, dadkuna waa isku mid oo sumad ma kala laha, lamana kala yaqaano. Kuwii halkan ku dhashay baa Hargeysa jooga, kuwii Hargeysa ku dhashay baa iyana halkan ka buuxa oo qaarkood Raaskaambooni ka dagaallamayaan. Markaa, uma baahna in taa su’aal la geliyo, haddii iyaga oo wada dhisidda maamulka iyo qaabka ammaanta mudan ee ay wadaan, ayay gacanta kalena kaga shaqayn karaan in ay nabad ka dhalato halkan oo ay yidhaahdaan waar bal ha la damiyo oo hagaajiya, halka ay ka leeyihiin inaga daaya way kharriban tahay oo yaan Albaabka laga furin.
S: Wasiir, waxa jira khilaaf xuduudeed oo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland, idinku sideed u aragtaan arrimahaas, mawqif noocma ah ayaanad ka aaminsan tihiin?
J: Anigu fikirkayga shaqsiga ah ee aanan ku metelin dawlad waxa weeye oo aan soo jeedin lahaa, arrimaha dhaq-dhaqaaqa iyo is-ballaadhinta iyo in ay cidi meel kale u durugto in aan loo baahnayn xilligan xaasaasiga ah. dadka Soomaadlidu qaab soo-jireen ah buu u wada degaa, ama deris ha noqdo ama qabiil ha noqdo, waxaan qabaa in sidii loo deganaa loo deganaado, lagana daayo is-ballaadhinta. Sababtoo ah, cid is-ballaadhin karaysaa ma jirto, ciddii is-ballaadhinaysaana mushkilad ayuun bay isku abuuraysaa ama cid kale ku abuuraysaa. Haddii ay noqoto in lays tuur-tuurana (la dagaallamo) cidina dani uguma jirto, ciddii hadda degmo kale ama gobol kale ku soo durugta ama qabsata waxay ka faa’iidaysaa ma jirto. Waxa ka fiican inay halkooda qolo waliba horumarinta ka shaqeeyaan. Markay horumarin iyo wanaag tusaan dadka, tusaale ahaan labada magaalo ee isu-dhaw ee midi Somaliland ku taalo, midina Puntland ku taalo, Somaliland ha dhisto oo horumar ha tuso, dabadeed magaalada xigtaa iyadaa odhanaysa xaggaas (Somaliland), ayaanu tagaynaa. Sidaa darteed, halkii awood, Milatari iyo xoog loo adeegsan lahaa, waxaan odhan lahaa horumarin ha loo adeegsado. Haddii degmo rabitaankeeda meel kale ku tegaysana, cidi ma celin karayso oo ma odhan karto kuma biiri kartaan. Sidoo kalena, Puntland dhinaceeda iyana tusto nolol, waxa dhici karta in qolo Somaliland ahi tidhaahdo, Somaliland-neey wax horumar ah nooma samaynaysaan ee dhiancaas ayaanu tegaynaa, kuwo Puntland ahina hadday yidhaahdaan Somaliland baanu tegaynaa oo horumar jiraa, cidi uma diidi karayso. Markaa Maamuulladaasi halkii ay Wiilal Soomaaliyeed isku dili lahaayeen, waxaan odhan lahaa ha lagu tartamo dhinaca horumarinta.
S: Waxa jira dadka qaar aaminsan in Dawladda aad ka tirsan tahay ay caqabad ku tahay aqoonsiga Somalilad oo ay qaaddo tallaabooyin ku lid ah qaddiyaddaas, maxaad ka odhanaysaa?
J: Wallaahi, anagu cidna caqabad kuma nihin, Somaliland-na wax badan bay raadinaysay in la aqoonsado, taasna Beesha Caalamka ayay ka raadinaysay ee wali Dawladda Federaalka aqoonsi kamay soo raadin, waxaana laga yaabaa inay u fududaan lahayd, markaa waxaan leeyahay inta aad meel fog eegaysaan, bal hoostiina eega, waxaaba laga yaabaa inay meel dhaw aqoonsigu yaalo. Haddii aad tobannaan sanno sidaa u fikirayseen-na (raadinta Aqoonsiga Beesha Caalamka), bal sidan kalena u roga.
S: Gebo-gebadii, waxa jira Doorashooyin la filayo inay dalka ka dhacaan, ma jiraan waxaad ka odhanaysaan?
J: Waxaan runtii xilligan adag ee Doorashooyinka la gelayo ugu sii baaqi lahaa inay taxaddir badan yeeshaan, dibin-daabyada iyo mushkiladaha lala doonayaa mid sahlan maaha. Inay isku duubni sameeyaan oo wixii waagii dhawayd dhacay (Rabshadihii) aanay dib u dhicin, sababtoo ah aad baanu uga tiiraanyoonaynay. Waxaanu u soo jeedinaynaa dalka waa la wada leeyahaye, cidda tartamaysa, cidda talada haysa iyo cidda kale ee loollanka ku jirtaaba, waxay metelayaan shacabkii Soomaaliyeed’e, inay hawshaa si waddaniyad leh uga soo dhalaalaan, hab Dimuqraadi ahna lagu kala baxo. Waxaanan odhan lahaa, in ciddii ku guulaysata lala shaqeeyo, iyadoo aan loo eegayn Beel, Gobol iyo deegaan, ciddii laga guulaystaana ay aqbasho oo ay sugto waqtiga ay u soo marayso. Dawladda hadda ka jirtana, waxaanu odhan lahayn dadka ha loo suurtogeliyo sidii Doorasho u qabsoomi lahayd. Markaa, haddii ay kalsoonida helaan oo mar labaad ay ku guulaystaan, iyagaa joogaya, haddii ay cid kale timaaddana cid kalaa imanaysa. Waxaanse fikirkayga shaqsiga odhan lahaa, anagoo run ahaantii ka xannuunsanayna haddii wax dhib ahi uu halkaa ka dhaco, wixii wanaag ka jirana aanu ku farxayno.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, April 16, 2010

Muqdisho: Maydadka dhalinyaro midkood Qoorta laga jaray oo laga helay xaafado kala duwan

Muqdisho,(NNN)- Maydadka laba Wiil oo dhalinyar ah oo mid ka mid ah Madaxa laga gooyay, ayaa shalay laga helay Degmo ka mid ah Degmooyinka magaalada Muqdisho.
Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, mid ka mid ah labadan Wiil ee dhalinyarada ah ayaa maydkiisa la helay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ay Wararku sheegeen inay Kooxaha Dawladda Shariifka ka horjeedaa xoog ku leeyihiin, kaas oo la helay Qoortiisa oo gaar u go’an iyo qaybta kale ee Jidhkiisa oo hareer taalla.

“Wiilka aan mayadkiisa saaka (shalay) aragnay waxaanu ku qiyaasnay da'diisa 21-sano, lugaha ayuuna ka xidhnaa, qoortiisana waxaa la dhigay dhinaca midig ee jidhkiisa.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadkii arkay Maydka Wiilkan oo aan la aqoonsan sababta loo dilay iyo cidda dishay toona.
Dhinaca kale, Mayd kale oo Wiil isna dhalinyaro ah oo toogasho lagu dilay, ayaa shalay lagu arkay Degmada Wada-jir ee isla magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay inay Kooxo hubaysan oo Gaadhi watay ay dhigeen halkaa. Gabadh ay walaalo yihiin Wiilkan oo magaceeda ku sheegtay Yaasmiin Mayow ayaa sheegtay in aanay la ogayn sababta loo dilay Wiilkooda iyo cidda dishay, hase yeeshee, uu dhawaan ka tegay dalka Yugaandha oo qorshihiisu ahaa in uu u dhaafo dhinaca Qaaradda Yurub.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, April 11, 2010

Al-shabaab Oo Mamnuucday Ku Dhawaaqida Bisinka

Dhegaysigii BBC-dii ayaa la Mamnuucay waxa xigtay Bisinkii lagu bilaabayey Quraanka Kariimka ah ayaa isna la mamnuucay.......kooxda Al-shabaab ayaa amaro ku soo rogay dhamaan masaajidda ku yaalla degmada Jowhar, kadib markii ay kulan la qaateen Imaamyada iyo Mu’adimiinta, sidaa waxa daabacay website-ka la yidhaahdo Somalida.net
Shanta Qodob ee hoos ku qoran ayaa la faray in ay oofiyaan Imaamyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda gacanta ku haya.
1-In aanu tujin Karin salaada nin aaan Gadh lahayn.
2-In marka salaada la tukado kadib aanu iimaamku si wada jir ah u ducayn Karin {qof walbaa in uu kaligii duceysto}
3-In hal mar masaajidda Jowhar ay wada Tukadaan.
4-In aan salaada subax keligeed la qunuudi Karin.
5-In bisinka la sireysto oo aan kor loo qaadin karin lagana bilaabo Faataxada.... Alxamdu lilaahi
Markii al-shabaab ay ku soo rogtay amarkan masaajidda oo uu soo dhamaaday shirkii ay la lahaayeen iimaamyada ayaa waxa saxaafada la hadlay madaxa dacwada degmada jowhar sheikh Cabdirisaaq Jeylaani Kuuloow wuxuuna sheegay in waxyaabihii ahaa waan soo arki jiray iyo waan u soo joogi jiray ee masaajida lagu hayay ay dhamaadeen.
Waa amarkii koowaad ee noociisa ah ee Argagixisada al-shabaab ay ku soo rogaan masaajidda ku yaala degmada Jowhar, horay waxay u sameeyeen in dhowr masaajid oo ku yaala magaalada Jowhar ay si tartiib tartiib ula wareegaan maamulkooda. 
Imaamyadii kulanka la qaatay al-shabaab ayaan wax war ah ka soo saarin Amarkii la siiyey una oofiyey sidii loogu sheegay.
Argagixisada Al-shabaab ee degmada Balcad ka talisa ayaa 3 todobaad ka hor ku soo rogay amarro ragga ku nool degmadaa, kuwaas oo ahaa in Shaarubta la xiiro Gadh-kana la sii daayo, Surwaalkana la gaabsado.
By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, April 1, 2010

Shariif-ka Oo Ku Hungoobay Safarkiisii Ethiopia

Addis Ababa, (NNN) Wasiirka Arrimaha Debadda ee Federalka Itoobiya, Seyoum Mesfin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha dowladda Taagtaran ee lagu soo dhisay Jabouti, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Seyoum ayaa Sheekh Shariif ka dhageystay warbixin dheer oo ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay dowladda Shariifka iyo waliba duullaanka ay qorshayneyso dowladdiisu in ay dhawaan ku qaado qaybo katirsan caasimadda Soomaaliya, halkaas oo ay ka taliso qiyaas dhan 2 kilometer.
Sheekha ayaa aad uga cawday dowladda Kenya oo dhawaan ku gacansaydhay codsi uu u jeediyey, kaas oo uu ku weydiistay sidii ay dowladda Kenya ugu gacan galin lahayd ciidan u dhashay gobollada Jubooyinka oo ay dowladda Kenya tababartay. Sheekh Shariif ayaa ka codsanday Seyoum in ay dowladda Itoobiya arrintan soo faragaliso.
Dalka Kenya ayaa dhawaan lagu tababaray ciidan xooggan, kaas oo kal hore laga soo uruuriyey labada gobol ee Jubooyinka. Siyaasiyiinta gobollada Jubooyinka oo uu horkacayo wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Soomaaliya, Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa aad uga horyimi qorshaha Sheekh Shariif ee ah in ciidankan la geeyo xarunta madaxtooyada si ay u illaaliyaan guriga Sheekh Shariif.
Siyaasiyiinta Jubooyinka ayaa qorshaynaya in ay ciidankan ka howl galo sidii ay Jubooyinka uga sifayn lahaayeen kooxaha ku dhuunta diinta, Siiba Aragagixisada Al-shabaab isla markaana halkaas ay uga dhisi lahaayeen maamul u adeega shacabka Jubooyinka, kuwaas oo aan helin nimaad dowli ah tan iyo markii ay burburtay dowladii uu hogaaminaayey Kaligii taliyihii Siyaad Bare.
Dowladda Itoobiya ayaa qabta in aanay jirin waxbadan oo Muqdisho laga qaban karo, maadaama dadkii degaaanka u ahaa aanay doonayn dowlad iyo nimaad kala danbayn leh oo ka hirgala koonfurta Somalia.
Sheikh Shariif oo aan wax badan oo uu ku farxo ka helin dhanka dowladda Itoobiya ayaa waxaa galabta sii sagootiyey masuuliyiin uu horkaceyey wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda dhexe ee Itoobiya, mudane Maxamud Dirir. Shariifka ayaa ka duulay Garoonka Bole International Airport.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, February 28, 2010

Haweenka Puntland oo codsi u jeediyay Somaliland

Boosaaso, (NNN)- Haweenka gobolka Bari ee maamul-gobolleedka Puntland, ayaa cambaareeyay dadka ku hawlan xadista caruurta.
Siday ku warantay idaacadda SBC oo fadhigeedu yahay Boosaaso, haweenka gobolkaas oo shalay kulan ku yeeshay magaaladaas, waxay eedayn u jeediyeen dad ay sheegeen inay ku hawlan yihiin sidii ay gabdhaha yaryar u xadi lahaayeen.
Guddoomiyaha ururka haweenka ee Boosaaso Maryan Maxmed Xasan (Maryan Guduudo) oo warbaahinta la hadashay waxay sheegtay in kulankoodaa ay ka soosaareen bayaan ay ku cambaaraynayaan dad ay sheegtay inay caadaysteen xadista caruurta.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, February 27, 2010

Dawladda Soomaaliya oo Somaliland uga digay Weeraro kaga yimaadda Al-Shabaab



Muqdisho (NNN)- Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga ee Dawladda Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde), ayaa Dawladda iyo Shacabka Somaliand uga digay khataraha iyo Weeraro kaga yimaadda Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallama Koonfurta Soomaaliya. Waxaanu baaq u jeediyay Shacabka, Dawladda iyo Axsaabta Somaliland.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, February 22, 2010

Kooxda Al Shabaab oo laba qof ku dishay xarun lagu daanayey ciyaar Champion-ka tirsan oo dhex martay AC Milan iyo Manchester United

Hargeisa, (NNN) - Kooxda Mitidiinta ah ee Al Shabaab ayaa qudha weerar ay ku qaadeen xarun laga daawado ciyaaraha ku dilay laba qof wakhti la daawanayey ciyaar ka tirsanayd tartanka Horyaalka Yurub oo dhex maraysay kooxaha Milan iyo Manchester United Habeennimadii Salaasadii la soo dhaafay.
Sida warka uu sheegayo, kooxda Al Shabaab ee ka soo horjeedda xumuumadda Federaalka Ku-meel gaadhaka ah ee Somalia ayaa weerartahay xarun ciyaaraha lagu daawado oo ku taala degmada Madina ee magaalada Muqdisho iyadoo la daawanayo ciyaar dhex maraysay labadaas koxood.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, February 15, 2010

Puntland oo magaca Siyaad Barre u bixinaya goobo ka mid ah Deegaannadooda

Garowe, 15 Feb, 2010 (Ogaal)- Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa la sheegay inay go’aansadeen in meelo ka mid ah Deegaannada Maamul-gobolleedkaas loogu magac-darro Madaxweynihii kali-taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.
Inkasta oo aanay si rasmi ah uga hadal Maamul-gobolleedkaasi arrintan, haddana siday Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal ahi, Maamul-gobolleedka Puntland 

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking