Muqdisho,(NNN)- Maydadka laba Wiil oo dhalinyar ah oo mid ka mid ah Madaxa laga gooyay, ayaa shalay laga helay Degmo ka mid ah Degmooyinka magaalada Muqdisho.
Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, mid ka mid ah labadan Wiil ee dhalinyarada ah ayaa maydkiisa la helay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ay Wararku sheegeen inay Kooxaha Dawladda Shariifka ka horjeedaa xoog ku leeyihiin, kaas oo la helay Qoortiisa oo gaar u go’an iyo qaybta kale ee Jidhkiisa oo hareer taalla.

Dhinaca kale, Mayd kale oo Wiil isna dhalinyaro ah oo toogasho lagu dilay, ayaa shalay lagu arkay Degmada Wada-jir ee isla magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay inay Kooxo hubaysan oo Gaadhi watay ay dhigeen halkaa. Gabadh ay walaalo yihiin Wiilkan oo magaceeda ku sheegtay Yaasmiin Mayow ayaa sheegtay in aanay la ogayn sababta loo dilay Wiilkooda iyo cidda dishay, hase yeeshee, uu dhawaan ka tegay dalka Yugaandha oo qorshihiisu ahaa in uu u dhaafo dhinaca Qaaradda Yurub.
0 comments:
Post a Comment