COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, May 10, 2010

Somaliland: Dad markii u horaysay maqalkoodii Dhegaha la soo celiyay

Hargeysa,(NNN)- Cusbatalka gaarka ah ee Manhal, ayaa markii u horaysay Somaliland ka sameeyay qaliino dhinaca Dhegaha ah.
Qaliinadaas oo qayb ka ahaa olole Caafimaad oo todobaadkii hore ka bilaabmay xarunta Cusbatalka Manhal ee magaalada Hargeysa, waxa fuliyay Dr. Mazin Mohamed Hajiri oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.
Hawlgalkaa dhinaca qaliinka Dhegaha, waxa barbar socday indho-jeexis uu fulinayay Dr. Maxamuud Axmed (Shiine), kaasoo ay ka faa’iidaysteen dad kun qof gaadhay, isla markaana qaliin dhinaca Indhaha ah loogu sameeyay ilaa afar boqol oo qof.
Qaliinadan Dhegaha oo ah markii ugu horaysay ee laga hirgeliyo Somaliland, waxa sida la sheegay ka faa’iidaystay dad tiro badan, iyadoo ilaa afar qof loo sameeyay beeris maqal ah, kuwaasoo lacag badani ku bixi lahayd haddii Cusbatalo dibadeed loo qaado.
Sidoo kale, waxa qaliino kala duwan loo sameyay dadka dhegaha culus, iyadoo ilaa boqol qofna loo qaybiyay sameecadaha maqalka dhegaha.
Mashaariicdaas oo ay ka faa’iidaysteen dad tiro badan oo ka kala yimi dalalka Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti, waxa gacan ka gaystay hay’adda Manhal Foundation iyo kaalmeeyayaal Carbeed oo kaashanaya hay’adda Bisha Cas.
Cusbatalka Manhal oo la furay 2006, waxa uu ka kooban yahay qaybaha daryeelka hooyada iyo dhalaanka, cudurada guud, Carruurta, qaliimada guud iyo Lafaha, iyadoo muddadii uu furnaa dad tiro badani adeegyo Caaafimaad ka faa’iidaysteen.
Dhinaca kale, waxa habeen hore xaflad casho sharaf ah iyo sagootis ah loogu sameeyay hotelka Ambassador Dr. Mazin Mohamed Hajiri oo qaliinada dhegaha fuliyay, taasoo ay ka qaybgaleen Wasiirka Caafimaad Axmed Xasan Cali (Casoowe), Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Sheekh Maxamed Cali Geedi, maamulka sare ee hay’adda Manhal iyo wefti ka socday hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka. “Waxaan halkan u imi dadkan walaalaheen ah ee aynu Carabta isku nahay ee dadkeena caawiyay inaan u mahadnaqo,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas.
Wasiir Casoowe waxa uu amaanay hay’adda MANHAL oo uu sheegay inay adeegyo Caafimaad oo wax-ku-ool ah dadka u qabatay. “Cusbatalada Manhal dadka way anfaceen, si naxariis leh ayay Dhakhaatiirta u shaqeeyaana dadka ugu hagar-baxaan oo aan kala sooc lahayn, kanaa dhaqaale haysta iyo kan baan haysana lahayn, dadkuna si siman bay daawooyinka u helaan,” ayuu raaciyay Wasiirku.
Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Dr. Mazin oo fulinayay qaliinada dhinaca Dhegaha ee markii u horaysay taariikhda Soomaalida laga bilaabay Cusbatalka gaarka ah ee Manhal.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

“Balaayadu waxay ka dhacdaa qof gardaran oo cid joog tidhaahda la waayey, Xukuumadduna..”

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa, (NNN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin war dhawaan ay baahisay Idaacadda Raadyow Hargeysa oo la xidhiidha in Masuuliyiin ka tirsan Xisbigaasi xidhiidh la leeyihiin Al-Shabaab iyo sidoo kale Safarka Madaxweyne Rayaale.
Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiska Xisbigaas, ayaa ku dheeraaday sidoo kale xidhiidhka Xisbigoodu la leeyahay Komishanka Doorashada.
Warsaxaafadeed uu halkaa ka akhriyay Muuse Biixi ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Walaalayaal, waxaanu halkan ka soo gudbinaynaa dhawr qodob oo ka soo baxay wada tashi hoggaanka Xisbigu lahaa maalmahan u dambeeyey, kuwaas oo kala ah:-
-Isu diyaarinta doorashooyinka madaxtooyada ee bisha june loo muddeeyey.
-safarka madaxweynaha.
-tabashooyinka xisbiga kulmiye ka tirsanaayo xisbiga udub iyo xukuumadda isku milmay.

TALO SOO JEEDIN.
1-ISU DIYAARINTA DOORASHOOYINKA
Xisbiga KULMIYE isaga oo la jaanqaadaya dareenka shacbiga reer Somaliland, isagoo og in dalku u baahan yahay is-bedel maamul oo khayr leh, isagoo ku qanacsan in is-bedelku ku yimaado hab dimuqraadi ah iyo codbixin, wuxuu ugu baaqayaa Ummadda reer Somaliland inay u diyaargarawdo doorashada soo socota.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ku boorinayaa in shacbigu qaataan kaadhadhka cusub ee codbixinta ee komishanku soo bandhigaayo. Waxaanu codsanaynaa in loo dhabar adaygo hawshaa, in Guddiga Doorashooyinka Qaranka lala shaqeeyo, hawsha loo fududeeyo, in laysu dulqaato iyo in laga fogaado wax kasta oo nabadgelyada carqaladayn kara, isla markaana si wada jir ah looga hor tago cid kasta oo dib u dhac iyo dibindaabyo ku keenaysa geedi socodka doorashada.
Xisbiga KULMIYE wuxuu Ummadda Somaliland u balanqaadayaa in uu diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada si nabad ah oo dimuqraadi ah oo waliba dulqaad ku jiro, gacan buuxdana siinayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Hay’adaha amniga.

2-SAFARKA MADAXWEYNAHA EE MAD-MADOWGU HADHEEYEY.
Walaalayaal Madaxweynuhu muddo sideed sanadood ah ayuu safaro badan oo aan midho yeelan gaalaa bixinaayey. Madaxweynuhu safaradaa kama soo helin ictiraafkii dalkii u baahnaa. Kuma soo gelin heshiisyo dawlado ama hay’ado caalami ah oo dhaqaale u kordhiya dalka. Madaxweynuhu wuxuu in badan inoo sheegi jiray in uu heshiis la soo galay shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay oo dalka ka dhisi doonna warshado, sida kuwii uu dhagax dhigay Berbera duleedkeeda.
Walaalayaal, waxa isweydiin mudan sideedaa sanadood ee Madaxweynuhu tamashlaynayey daafaha dunida, maxa faa’iido ah ee la taaban karo ee uu u soo hooyey Ummadda reer Somaliland. Safarkan maanta uu ku maqan yahay wuxuu yaab ku leeyahay isaga oo kaga tagay Wasiirkii qudha ahaa ee Hargeysa ka raacay uu kaga tagay garoonka Dubai, waa arrin curad ah oo la ogaan doono sirta ku qarsoon.
Sida dad badani saadaalinayaan, safarkan Madaxweynaha ujeedadiisu ma dhaafsiisna danno isaga u gaar ah iyo shirkado la soo wada faqo. Xisbiga KULMIYE wuxuu si cad ugu sheegayaa cid walba in heshiis Madaxweynuhu ajnebi la soo galo ee aan golaha baarlamaanku ansixin noqon doonin sharci meelmar ah.

3-TABASHADA KULMIYE EE KU WAJAHAN XISBIGA UDUB IYO XUKUUMADDA KU MILAN
Walaalayaal, Sida curfiga dawladnimo yahay ee caalamku ku dhaqmaa, xukuumadi waxay ku fadhidaa aqbalaada mucaaridku ogolaado natiijo doorasho ama heshiis la galay. Doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday 2003-gii, Xisbiga KULMIYE iyo UDUB mid waliba wuxuu helay 41%. Wixii la is-dheeraaday oo sida la sheegay ahaa 80 cod oo doodi ka taagnayd, ayaa Xisbiga KULMIYE isaga oo xeerinaaya xaaladda nugul ee ay ku sugan tahay Somaliland, isagoo xog-ogaal u ah culayskii Ummadda ka soo gaadhay halgankii dib-u-xoreynta dalkan, isaga oo eegaya mustaqbalka da’yarta dalkan curdinka ah, isagoo ilbuuxda ku haya colaadaha ka taagan geeskan Afrika, ayaa wuxuu go’aansaday in uu aqbalo in UDUB soo dhisto Xukuumad, isaga oo aan KULMIYE wax shuruud ah ku xidhin.
Garashada toolmooni waxay ahayd in Xisbiga UDUB iyo Xukuumadii uu dhisay ay xidhiidh wanaagsan, wada tashi iyo wada shaqayn la yeelato Xisbiyada Qaranka iyo shacbi weynaha. Nasiib daro Xisbiga UDUB iyo Xukuumadii uu dhisay waxay dagaal qaawan oo af iyo addin ah ku soo qaadeen Xisbiga KULMIYE iyo shacbigii Somaliland.
Walaalayaal, waxaad markhaati ka ahaydeen weerarkii hubaysnaa ee Xukuumaddu ku soo qaaday Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE, iyada oo ay joogaan Madaxda Xisbigu, waa ka daawateen TV-yada iyada oo tiknikadu ku dhex cartamayso Xarunta Xisbiga KULMIYE.
Ummadda reer Somaliland waxay u soo taagnayd Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo boolisku rasaas huwiyey isaga oo lugaynaya jidka weyn ee mara badhtamaha magaalada hargeysa, waxa marag ma doon ah in askarigii guddoomiyaha rasaasta la beegsaday si toos ah xukuumada qaar ka mid ahi u soo amreen, sida uu ku faanayey Wasiirkii dhacdadaa ay ka waraystay BBC-du isla maalintaas.
Walaalayaal, waxaynu wada ognahay in hantidii Qaranka, haday dhaqaale tahay, haday warbaahinta Qaranka tahay, haday awoodihii Xafiis iyo ciidanba tahay in Xisbiga UDUB si gaar ah loogu adeegayo.
Warbaahinta Qaranka ee Xukuumadu gacanta ku haysaa umma adeegaan UDUB oo keliya ee waxay baahiyaan fidno abuur sidii warbaahintii Rwanda iyo Bosnia markii ay ka soo hurayeen dagaaladu “Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara”. Walaalayaal balaayadu waxay ka dhacdaa qof gardaran oo cid joog tidhaahda la waayey, Radio Hargeysa iyo TV-ga qaranka wixii ka baxaayey sanadihii u dambeeyey waxaynu kaga badbaadnay dulqaadka shacbiga iyo bisaylka Xisbiyada mucaaridka ah. Walaalayaal, Soomaalidu waxay tidhaahdaa mayd maxaa ugu dambeeyey iyo kaa la sii sidaye 5 bisha May, 2010 Radio Hargeysa wuxuu baahiyey war dhiilo iyo argagax leh oo uu ku sheegay in Madaxda Qaranka qaar ka mid ahi ay gacansaar la leeyihiin Al-shabaab, hadda ogow muwaadin xukuumadu hore ayey inoogu sheegtay in Al-shabaab ay tahay cadawgii qarxiyey Qasriga Madaxtooyada, Xafiiska UNDP iyo Xafiiska Ethiopia ee Hargeysa. Haddaba miyaanay laf jab Ummada ku ahayd in madaxda Qaran ee ay ka mid yihiin C/casiis Maxamed Samaale, Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi in lagu tilmaamo cadawga Somaliland.
Bangiga Qaranka Somaliland wuxuu caadeystay ku tagri falka hantida Ummadda iyo ugu ololeynta Xisbiga UDUB lacagtii Ummaddu ku aamintay.
Todobaadkii u dambeeyey Xisbiga UDUB wuxuu weerar abaabulan ku soo qaaday Xafiisyada KULMIYE ee Burco iyo Ceerigaabo, taas oo keentay dhimasho iyo dhaawacba, marka hore waxaan u diraynaa tacsi qoyskii ninkii ku dhintay Ceerigaabo, kuwa dhaawaca ahna Eebe caafimaad taam ah siiyo.
Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa falalkan is-daba jooga ah ee ay ku kacayso UDUB inay quus ka taagan tahay codkii shacbiga Somaliland. Sidaa darteed ay UDUB carqaladaynayso doorashada soo socota.
4-TALO SOO JEEDIN
Xisbiga KULMIYE wuxuu kula talinayaa asxaabta Siyaasiga ah in loolanka Siyaasadeed ee Xisbiyadu uu ku ekaado fikrado kala duwan oo shacbiga loo bandhigo iyo doodo danta ummaddu ku jirto. Kulmiye isaga oo ka duulaya mabda’a dimuqraadiyada iyo dood wadaaga, wuxuu u dhabar adaygi doonaa gardarooyinka ka imanaya UDUB intii suurtagal ah si loo gaadho danta guud.
Xisbiga KULMIYE wuxuu u taagan yahay doorasho iyo nabad, wuxuu ka soo horjeedaa fidno, afxumo iyo wax kasta oo carqaladayn kara doorashooyinka.
Xisbiga KULMIYE, wuxuu wada shaqayn fiican la leeyahay Guddiga doorashooyinka Qaranka, waana sii adkaynayaa wada shaqayntaas. Kulmiye wuxuu ka codsanayaa KDQ inay ku dhiiradaan waajobkooda qaran ee ah kala hagida axsaabta iyo fulinta Xeerkii anshaxa.
Xisbiga KULMIYE, waxa uu shacbiga ka codsanayaa inay codkooda si nabad ah ugu hiiliyaan horumarka dalka iyo mustaqal ka fiican halka aynu manta joogno, muwaadin ogow codkaaga wuxuu dhisi karaa Qaran horumara, muwaadin u dulqaado hawlaha doorashooyinka iyo codbixinta, u dhabar adayg wixii gef ah kaaga yimaada cid qaldan si aynu u gaadhno doorasho khayr leh oo nabad ku qabsoonta.”
Intaa ka dib su’aalo la waydiiyay Guddoomiye-xigeenka iyo jawaabo uu ka bixiyay waxay u dhaceen sidan;
S: Sidaynu ka war qabno Dastuurka qaranka Somaliland wuxuu tilmaamayaa in Golaha Wakiilada Somaliland ay kala xisaabtamayaan, waydiinayaan, isla markaana ay dabagalayaan heshiisyada oo uu soo galo Madaxweynuhu, safaraduu tago iyo gudbinta warbixintooda, balse taniyo intii uu Madaxweynuhu xilka hayey idinkuna aad xisbi mucaarada aad ahaydeen aad ka hadlayseen in Madaxweynuhu safaradaa uu tagaa dano shaqsiya iyo barkumataal ay yihiin, balse aad ilaawaysaan golihii wakiilada iyo waliba cidii rasmiga u ahayd inay hawshaa iyada ah ay galaan. Taasi maxaad u tilmaami waydeen ee aydun saddexda dhadhaar isugu miisaami waydeen si aanay ugu muuqan dhaliil Madaxweynaha oo keliya ku kooban?
J: Madaxweynaha iyo xukuumadda waxa waajib ku ah heshiisyada caalamiga ee ay soo galaan inay horgeeyaan golaha baarlamaanka si ay u ansixiyaan, markaasuu noqonayaa sharci inaga iyo ciddii lala soo galay ina wada qabta oo uu qarankuna ogolaaday, warbaahinta idinkaa rikoodhka haya oo maalin walba wax qora, haddii la soo helo hal heshiis oo xukuumadda iyo Madaxweynuhu ay baarlamaanka geeyeen oo uu ansixiyey, waa guul Somaliland u soo hoyatay. Intaanu ognahay ma jiro heshiis qudha oo la horgeeeyey baarlamaanka. Sidaa darteed waxa uu soo galaa waa dan gaara maaha dan caam ah. Hadda waxaanu halkna ka caddaynaynaa hore u sheegnay KULMIYE ahaan cod dheerna cidwalba ugu sheegaynaa heshiis kasta oo ajinabi lala soo galo oo Madaxweynuhu la soo galo oo aan golaha baarlamaanku ansixinin maaha sharci dalkan ka hirgalaaya, waayo sharciga waxa hirgaliya golaha baarlamaanka. Golaha baarlamaanka in badan ayaad ka aragteen saxaafada isagoo codsanaaya in heshiisyada lala galo ajaanibka la horkeeno baarlamaanka. Laakiin waxa ka dhega adayga dhadhaarkii fullinta, markaa labada u simi mayno eeda ee dhadhaarkii fullinta oo Madaxweynuhu kaw ka yahay ayaa ka dhega adayga sharciyadii dalka, uma jeedno cid gaar ah saddexda dhadhaarna ma kala jeclin. Laakiin gar baa la qaadaa.
S: Guddoomiye, waxaad ka sheekaysay dhacdooyin kala duwan oo dalka soo maray oo xasaasi ah, hadaladan xanafta leh ee aad xilligan kusoo beegteen bal waxay daaran yihiin noo sheeg?
J: Anagu xamaasada waanu daminaynaa, warkayaguna wuxuu u badan yahay nabadayn, waxaanu sheeganay gar markhaati idinku aad ka tihiin oo dhacdo aan dhicin oo aanu cid imika xanaf ugu yeelayno ama TV-ga lagu hayn oo aanay ummaddu wada daawan naga reeban, waxa waajib oo aanu u soo qaadanaynaa oo aanu ummada u xusuusinaynaa waxaasoo dhacdo ah si looga digtoonaado inaanay dhibaato dambe inoogu iman si looga hortago fidnada UDUB iyo xukuumadda isku milani ay soo wadaan ee muuqata, markaa anagu xajiimayn uma jeednee dajin u wadnaa waxa laga yaabaa dadku qaar inay sidaa u qaataan. Laakiin waxaanu ka qancinaynaa waxaanu doonaynaa nabad iyo xasilooni inaynu doorashada ku gaadhno. Tan aanu kuwii hore soo qaadnay waxaanu ka digaynaa inaan tu dambe lala iman.
S: Waxaad sheegtay in warkii maalintii dhaweyd laga sii daayey Idaacada Raadyaw Hargeysa aad ka gudbiseen dacwad oo aad xeer ilaalinta u gudbiseen, waxaynu la soconaa hore in masuul ka tirsan xisbiga UDUB uu xisbigiina KULMIYE ku eedeeyey inaad ka tirsan tihiin ururka Al-shabaab. Taasoo isla waqtigaana aad ka gudbiseen dacwad, balse aan lahayn dacwadaasi meel ay ku dambaysay cid dambe oo hadal haysana aan la maqal, maxay dacwad dambe ee aad gudbiseen taraysaa, kalsooni intee le’eg baadse ku qabtaan inay noqon doonto dacwad si caddaalada ah loo qaado oo idiin mel marta?
J: Dacwado farabadan oo gar-darroyinka nagaga yimi UDUB iyo xukuumadda ayaanu u gudbinaa garsoorka, markaanu u gudbinayno garsoorkana waxaanu u dacwooyinka waa garsoorka qaranka Somaliland maaha qofka maalintaa fadhiyaa hadduu fullin waayo gartaa la qaadi maayo, kalsooni buuxda ayaanu ku qabnaa maalin maalmaha ka mid ah dacwadaa la qaadi doono. Hadday xukuumadda Rayaale ee maanta joogtaa ay hoosta mari oo ay qaadi waydo, waxaan hubaa cisho dhaw xisbiga talladan ku xiga iyo dawlada soo socotaa inay dacwadaa qaadi doonto, xad kastaba ha gaadhee KULMIYE mabdi’iyan buu u aaminsan yahay wixii gar-darro ah ee yimaada inaanu si dacwad ah nabadgalyo ah kaga baxno, dacwadaana had kasta ha gaadhee ma jirayso dacwad halkeeda taalaa, kalsooni waxaanu ku qabnaa in dacwadaa la qaadi doono maalin maalmaha ka mid ah, ma hubo in dawlada Rayaale qaadi doonto iyo in kale. Laakiin waxaan hubaa in maalin uun la qaadi doono, markaa kuma niyad jabayno tii horaa la qaadi waayey, dacwadahaa waanu gaynaynaa mana gaboobaan dambiyada qaarkood, sida dambiyada laga galo qaranka, kuwa musuqmaasuqa iyo ku aadmiga laga gala dacwado dhamaadaba maaha, xataa qofkii galay oo dhintay baa dacwada lagu qaadaa, markaa waa dacwad u oolaysa ciddii gashay.
S: Waxa jirta baryahan warar isa soo taraya oo sheegaya in Cable isgaadhsiineed dhawaan la doonayo in la soo mariyo badda Somaliland, waxaana jira warar sheegaya in xukuumaddu kula gashay heshiisyo dad ajaanib ah oo aan u dhalanin Somaliland arrimahaas maxaad kala socotaan?
J: Wararkan qoladan baayac-mushtarka ee Cable-ka iyo Madaxweynaha oo ku murmay arrintaa aad baa suuqa looga hadal hayaa, anaga ciddina wax xog ah arrintaa nagama siin oo qolada baayac-mushtarka ah ee arinta ku jirtaana wax xog ah nooma keenin, xukuumadda iyo shacbiga war sugan kamay siin. Laakiin KULMIYE mabda’ buu aaminsan yahay oo caddeynaynaa oo aan gabasho lahayn waa mabda’ a Dastuurku sheegayo, waa mabda’a wadaniyadu sheegayso, marka laba shirkadood oo midi wadani yahay midna ajinabi yahay ay hawshan wada doontaan, marka shirkada wadaniga ay hawshaa aqoonteeda, dhaqaalaheeda iyo awooddeeda uu leeyahay ma sinmayaan ka wadaniga ah ayaa leh. Laba tartamaya maaha waakaa sida uu qoraayo wadaniyada Dastuurka iyo siyaasadda cad ee KULMIYE-ba waa la ogol yahay in shirkado badan oo ajaanib ahi wadanka maal-geliyaan waana lasoo dhaweynayaa. Laakiin loo sadqayn maayo muwaadiniinta iyo shirkadaheena.
S: Guddoomiye, sida laga war qabo lama gaadhin ololihii doorashada, UDUB waad sheegtay horey u samaysay KULMIYE-na muu dhaamin oo wuu sameeyey, arrintaasi dhibaatay keentay KULMIYE tallada ma ugu jirtaa maadaama oo aan la gaadhin ololihii waqtigii doorashada, maadaama oo ololaha imika axsaabtu wadaa ay keeneen durba dhibaatooyin badan inuu uga wareego dhinac kale inta la gaadhayo waqtiga doorashada oo uu la yimaaado?
J: Xisbiga KULMIYE hadii aad tidhi muu dhaamin UDUB gar eexaan u arkaa inaad qaaday, waayo anagu olole maanaan gelin. Ololuhu waxa weeyi marka aad dad badan magaalada dhexdeeda iskugu keento ee aad dhex wareejiso, halkan anaga waxa naga tagay wefti ka kooban afar baabuur, haddii ay ka horyimaadeen waxaanu shacabka waydiinaynaa KULMIYE oo xisbi qaran ah miyuu ka liitaa aroos, aroosbaad aragteen toban gaadhi la isdabagaliyo oo magaalada ku mara, fanaan heesa oo magaalo kale tagaya ayey kooxdiisu intaa in le’eg kaga hortimaadaa, koox kubad soo ciyaartay oo koob soo qaaday in ka yar bay ahaayeen. Haddii aad na leedahay yaanay ciddi idinka horiman oo yaanay ciddiba dhaqaaqin nama qabato. Laakiin KULMIYE inuu sharciga ku dhaqmo oo olole aanu galin iyadoo guddigu fasaxdo mooyaane. Laakiin anagoo ku tallagalnay oo iska ilaalinay marka horeba inaanaan samayn wax rabshad soo jiidi kara, waxa Tv-ga iyo cajaladaha ka daawan kartaan in nagu weeraray xafiisyadayadii.
S: Waxaad sheegtay in Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ka mid ahaa weftiga Madaxweynaha ee uu ku tagay Faransiiska inuu ku hadhay Dubai oo tahayna arrin aan hore uga dhicin wadanka, arrintaasi maadaama oo aad tahay guddoomiye ku-xigeenka sababta hadhitaankaas maxaad ka aaminsan tahay inay tahay?
J: Wasiirka Boosaha ee lagaga tagay Dubai, waxaanu u aragnaa inay tahay waxa la yidhi ninkii aad kabahaaga ka tolanayso kabihiisaa la eegaa, waxaynu arkaynaa xukuumadda aynu tallo ka sugaynaa in Madaxweyneheedii Wasiirkii qudha ee Hargaysa ka raacay inuu kaga tagay garoonka Dubai, waxaanu u arkaynaa inay tahay tallo kala gaabsan iyo dawlad kala socota. Sababtay u dhacdayna waa su’aal taagan.
S: Xisbiga UCID wuxuu shalay war-saxaafadeed kusoo saaray inaanay raalli ka ahayn inay muraaqibiin xisbiyadu ay leeyihiin ay tagaan goobaha laga qaadanayo kaadhadhka cusub, KULMIYE muxuu ka aaminsan yahay?
J: Haddii UCID ay tidhi muraaqibiin inay tagaan goobaha ma ogolin, anagu go’aankaa ma lihin anagu waxaanu qaadanaa waxay nagu amraan guddiga doorashooyinku. Guddiga doorashooyinka qaranku waxay yidhaahdeen xisbiyada waanu u ogol nahay hadday keensanayaan muraaqibiin goobaha lagu bedelayo kaadhadhka, anagoo amarkaa raacayna xisbi ahaan waxaanu doorbidnay oo nala qurux badnaatay in cid xisbigayaga ka wakiil ahi ay goob-joog ka ahaato oo ay noo kormeerto inay si wanaagsan u socoto ama ay noo soo tabiso haddii ay wax dhaliil ah arkaan intii hadhaw aanu ka caban lahayn, markaa waxaanu raacaynaa amaawirta guddiga doorashooyinka, anagu mana nahin karno, waa la tagi karaana ma odhan karno.
S: KULMIYE marar hore ayuu kalsooni ka muujiyey doorashada hadaladaada inta badan waxa ka muuqday in doorashada aad ku guulaysan doontaan, doorashooyinkii Deegaanka, doorashooyinkii Madaxtooyada, doorashooyinkii Baarlamaanka dhamaantoodba xisbiga tallada dalka haya ee UDUB xisbiga KULMIYE wuu kaga adkaaday, rejada aad maanta ka qabto inaad ku guulaysanaysaan maxay tahay?
J: Waa dhab waanu aqbalnay intaasoo doorasho natiijadii oo UDUB u badnayd. Laakiin maanta kalsoonida aanu qabnaa waxa weeyi dadkii kusoo hungoobay doorashadii hore ee todoba sano waxaanu uga digaynay arkay oo shacbi waynihii UDUB doortay ayaa nooga markhaati furay inay UDUB ku hungoobeen. Sidaa darteed ayaanu kalsooni u qabnaa, kuwii hore u arkaayey inay meel madhan yihiin iyo kuwii kusoo hungoobay isu biiray in aanaan maanta u daahayn UDUB iyadana waa laga arkaa quusta iyo rafashada ay rafanayso.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Abwaan Hadraawi oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sababta ay u degi la’dahay

Hargeysa,(NNN)- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaanu baaq u jeediyay dhinacyada ku dagaallamaya.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame waxa uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha qaska, dagaallada iyo is-qarxinta ka taagan guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu ayaan-darro ku tilmaamay. “Dee, ayaan-darrooyin baa Muqdisho ka socda, dabka Muqdisho ka baxaya halkaas kuma ekaanayo, waana iska Sharci wuu fidayaa, sababtoo ah waxa la yidhi Dab munaafaq shiday, muumin baa ku gubta oo qofkii damiir lehi wuu ka damqanayaa dhibta halkaa ka taagan.
Waxtarkayga kaliya waxa weeye, waar toloow Colka jooja. Waxa la yidhi, halka laba Maroodi ku dagaallamaan waxa ku baaba’a Doogga, waxa kale oo la yidhi, Mulac Caruuro qabteen isna waa ku qudh-gooyo, Caruurtana waa la ciyaar.” Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi oo isaga oo ku sugan magaalada Burco ee Xarunta Togdheer khadka Telefoonka ugu waramay Idaacadda Radio Tusmo ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho oo aanu Warkan ka soo xiganay.
Mar la waydiiyay aragtidiisa la xidhiidha in dhinacyada Soomaaliya isku haya ay ku jiraan dad Wadaaddo iyo Culimo ah, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Culimadu waa tii dadka is-dhex taagi jirtaye, Kitaabka Quraanka ah u qaadann jirtaye, ku hoga-tusaalayn jirtaye, dareenkooda damqi jirtaye, iyadu Waddadii Ilaahay iyo sidii uu Ilaahay yidhi dadka ku kala kaxayn jirtay. Kollayba ayaan-darrada jirtaa waxa weeye, Culimo, Diin iyo Kitaab-ba layska tagye, Dabku wuxuu u bakhtiyi waayay, Kitaabkii, Diintii, Islaamkii iyo Ilaahay ayaa layskala fogaadaye, ciddii Ilaahay ka yaabaysa ee rumaysan in Ilaahay jiroow, xil baa kaa saaran oo hadhow if iyo aakhiraba waa lays waydiinayaa oo sidaa ku tegi mayso oo sidaa ahaan mayso’e, waa la joogaa wakhtigii laga dhergi lahaa dhiigga iyo dhimashada ee dadka Miyirku ku soo noqon lahaa ee waan-waani dhalan jirtay oo waa la garanayaa muddada dagaalku socdaye, anigu kala guri maayee cidda Islaam sheeganaysa in ay arrintaa dhinaca wanaagsan iska taagto oo ay waan-waan iyo nabad u faydato.”
Gebogebadii, mar la waydiiiyay Abwaanka waxa uu ugu baaqayo dhinacyada ku dagaallamaya Koonfurta Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Waxaan ka codsanayaa dhinacyada is-haya oo aan ugu baaqayaa in ay mid kastaba ku iloobaan danta umadda iyo Ilaahay dartii oo ay isku dayaan inay dhiigga qubanaya joojiyaan. Maalinkan maanta ah ma jirto inay wada hadlaan oo ay isweydiiyaan waxay isku hayaan, cid walbana tanaasul u samayso umadda maslaxaddeeda iyo ayaan-darradan Waddanka ka dhacaysa ee Caalamka oo dhan gilgishay inay ka wada hadlaan oo ay cid waliba soo tanaasusho oo arrintaa layska arko oo laga kulmo oo Dhiiggaas daadanayaa uu joogsado.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, May 9, 2010

Cilmi-baadhid ku Saabsan Cudurka Cancer-ka

Hordhac.....Aqoon la'aani waa Iftiin la'aan, Qof kasta oo dunidan ku nooli wax walba ma wada yaqaan, kolay waxna wuu yaqaan waxna waa ka dhimanyiin. Hadaba waxa muhiim ah in dadku ay isku dayaan in wax ka ogaadaan Aqoonta guud, siiba wax yaalaha la xidhiidha Aqoonta guud ee Caafimaadka iyo saxada.
Cancer-ka waxaa keena unugyo aan caadi ahayn oo si deg deg ah u kora. Jidhka dadka caadi ayey u tahay in uu unugyada gaboobay ama duugoobay ku beddelo kuwo cusub, laakiin unugyada Cancer-ku si deg deg ah ayey u koraan.
Unugyada Cancer-ka qaarkood waxaa laga yaabaa in ay sameeyaan koritaan loo yaqaanno burooyin. Burooyinka oo dhan cabbirkoodu wuu kordhaa, laakiin burooyinka qaarkoodna si deg deg ah ayey u koraan, kuwa kalena si gaabisa.

Noocyada Burooyinka
• Burooyinku qaarkood maaha kuwo Canser leh. Kuwa aan sidin Cancer-ka waxa la yidhaahdaa burooyin aan halis ahayn. Waxay ka samaysan yihiin unugyo aad ula mid ah unugyada caafimaadka qaba. Burada noocaas ah waxa ay iskaga taalaa hal meel ah, kumana fido unugyada iyo xubnaha caafimaadka qaba.

• Burooyinka Cancer-ka ah waxa la yidhaahdaa burooyinka halista ah. Cancer-ka ka yimaada burooyinkaan, isaga oo u maraya dhiigga iyo habka dheecaanka jidhka ayuu ku faafaa qaybaha kale ee jidhka.
Marka uu Cancer faafo, waxaa loo yaqaannaa "metastasis". Unugyada Cancer-ku waxay ku safraan jidhka iyaga oo ka imaanaya burada, loona yaqaanno meesha aasaasiga ah, kuna faafaa qaybaha kale ee jidhka.

Noocyada Cansar-ka
Waxaa jira noocyo badan oo kansar ah.
• Karsenoma (carcenoma) waa nooca ugu badan ee kansarka. Kansarrada sanbabka, xiidmaha, weyn, naaska, iyo ugxansiduhu badanaa waa noocaan.
• Sarkooma (sarcoma) waxaa laga helaa lafta,baruurta, iyo muruqa.
• Lymphoma waxa uu ka bilaabmaa qanjidhada sameeya habka difaaca jidhka. Waxaa ka mid ah Hodgkin’s iyo Non-Hodgkin’s Lymphomas.
• Luukiimiya (leukemia) waxa uu ka bilaabmaa unugyada dhiigga ee ku kora dhuuxa lafta waxaana tirooyin badan iyaga oo ah laga helaa marinka dhiigga.

Calaamadaha Cansar-ka
Calaamadaha kansarku waxay ku xidhan yihiin nooca iyo meesha ay buradu ku taalo. iyada oo kansarrada qaarkood, laga yaabo in aanay jirin wax calaamado ah ilaa iyo inta ay buradu ka weynaanayso.

 Calaamadaha caamka ah waxaa ka mid ah:
• Dareemid daal faro badan
• Jidhka oo misaanku ka dhaco iyada oon la'ogayn sabaabta
• Xumad ama Qandho, qadh-qadhyo ama dhidid habeenkii ah
• Gaajo la’aan ama adiga oo aan dareemin gaajada
• Raaxo la’aan jidh ahaaneed ama xanuun
• Qufac, neefta oo aanad qaadan karin ama feedh xanuun
• Shuban, ama dhiig saxarada soo raaca
Marka Cansar-ka la ogaado, baadhitaanno ayaa la sameeyaa si loo arko haddii uu Cansar-ku ku faafay qaybaha kale ee jidhka. Sawirro, raajo iyo baadhitaan dhiig ayaa laga yaabaa in loo baahdo.

Daryeelkaaga
Dhakhtarkaagu waxa uu go’aansan doonaa daryeelka loo baahan yahay isaga oo ku saleysan:
• Nooca cansar-ka
• Sida ugu dhakhsaha badan ee uu kansarku u korayo
• In uu cansar-ku ku faafay qaybaha kale ee jidhkaaga iyo in kale
• Da’daada iyo caafimaadkaaga guud

Daaweynta kansarka ee ugu badan waa:
• Qalliin meesha laga saarayo burada iyo unugyada u dhow
• Daawo kiimiko ah si hoos loogu dhigo ama loo baabiiyo koritaanka ama loo yareeyo unugyada kansarka
• Daawooyin kale si loo daaweeyo saameynada liddiga ah, laguuguna caawiyo in aad si wanaagsan u bogsato

Ka Hortag
Waxaad halista kansarka hoos ugu dhigi kartaa adigoo:
• Aan sigaar cabbin ama isticmaalin tubaako/buuri
• Isticmaalaya qorrax celiye, koofiyado iyo dhar si aad Ogadaada ama maqaarkaaga u dhowrtid markaad debedda joogtid
• Ka fogow cabitaanka Khamriga iyo Cunitaanka Qaadka
• Yareeya cunnooyinka dufanku ku badan yahay ee aad cunto, gaar ahaan kuwa xoolaha ka yimaada
• Adiga oo cuna khudrad fara badan iyo cunnooyinka qamadidu dusha kaga xardhantahay
• Adiga oo jidh ahaan noqonaya mid fir-fircoon
• Dhakhtarkaaga u tag sanad kasta. Baadhidda kansarku waxaa laga yaabaa in ay caawiso in kansarka la ogaado wakhti hore, si fududna loo daaweyn karayo.
Osman Abdillahi Sool
Freelance Journalist.  
sooldhuub@hotmail.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Shirkadda Wadaniga SOMCABLE oo dalka keenaysa Xadhigga Isgaadhsiinta ee Badda iyo berrigaba mara

Hargeysa,(NNN)- Shirkadda Somaliland Cable (Somcable) oo ah shirkad wadani ah, ayaa sheegtay inay markii u horeysay ka bilaabi doono Somaliland mashruuca Isgaadhsiinta Badda iyo Berriga ee loo yaqaan Cable Fiber Optic, isla markaana uu wax weyn ka bedeli doono dhinacyada Internetka Iyo Telefoonada Line-ka Iyo Mobiladaba.
Sida lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay ay shirkada SOMCABLE, waxa hirgelinta mashruucan oo uu ku baxaya 35 Milayan oo dollar shaqo ka heli doona ku dhawaad 10,000 qof oo reer Somaliland ah oo haatan shaqo la’, kuwaas oo ay si dadban uga sii faa’iidi doonaan Bulshada inteeda kale siiba dhalinyarada. Waxa kale oo ay sheegeen in ka mid noqon doona faa’iidada uu mashruucani ku soo kordhin doono Somaliland in hay’adaha dawliga ah ee qaabilsan arrimaha amniga, difaaca, bilayska iyo ilaalinta xuduudaha Badda iyo barrigaba in ay heli doonaan isgaadhsiin ku filan oo ay iyagu si toos ah u maamushaan.
Waxa kale oo War-murtiyeedkan lagu sheegay farriin ay Shirkaddani u dirtay Shirkadaha kale ee Isgaadhsiinta.
Warsaxaafadeedka shirkadda SOMCABLE oo dhameystiran waxa uu u qornaa sidan:
“Shirkadda wadaniga ah ee Somaliland Cable (Somcable) waxa ay hir galin doontaa mashruuc balaadhan sanadkan 2010ka. Mashruucani waxa uu yahay mid ku kooban dhinaca isgaadhsiinta oo kaliya, loona yaqaan Cable fiber optic, oo wax weyn ka bedeli doona dhinacyada internetka iyo telefoonada Line-ka iyo Mobiladaba. Mashruucani waxa uu yeelanayaa laba qaybood oo la kala dhigi doono Badda iyo berrigaba. Dhinaca barriga waxa keebalkaasi la dhigi doonaa dhulka hoostiisa qiyaastii laba mitir in ku dhow, dhinaca baddana keebalka loo yaqaan Submarine Cable ee badda hoosteeda mara.
Mashruucan qaybtiisa dhulka waxa Cable-ka la wada gaadhsiin doonaa dhamaan gobolada dalka iyo soohdimaha ay Somaliland la leedahay dalalka deriska ah, dhinaca Baddana wuxuu sidoo kale ka bilaabmi doonaa soohdinta Somaliland ee xagga badda kala leedahay Djibouti ilaa berbera. Inkastoo ay bad iyo barri kala mari doonaan, haddana waxay leeyihiin nidaam farsamo oo u saamaxaya hadii ay dhacdo in mid ciladi ku timaado, ka kale isla markiiba shaqeyn karo. Mashruucan waxa fulin doonta Shirkada Waddaniga ah ee Somaliland Cable, cidkalena la wadaagin. Hawsha ay shikadani qabanayso ayaa ah mid caalami ah oo geeska afrika ka sokow isku xidhaysa ilaa caalamka oo dhan, sidaasi daraadeed waxay shirkadu gacan saar la leedahay shirkado caalami ah oo ah kuwa iyagu kala wada isgaadhsiinta caalamiga. Shirkadahaasi oo kala ah alcatel-lucent oo laga leeyahay dalalka Faransiiska iyo Maraykanka iyo Sagemcom oo ah mid Faransiis ah. Mashruucan waxa lagu maal galinayaa lacag kor u dhaafaysa 35 milyan oo Dollarka Maraykanka ah, lacagtaasoo haatanba ay shirkaddu gacanta ku hayso, iyadoo aanay jirin cid shirkadda ka baxsan oo gacan ka geysaneysa maalgelinta mashruucan.
Ruqsadda ay Shirkadda Somaliland Cable ku fulinayso mashruucan waxa la siiyey sanadkii 2009-kii, iyadoo la raacayo sida uu qeexayo Sharciga dalka Jamhuuruyada Somaliland u yaala dhinaca Isgaadhsiinta (National & international long distance - NLD & ILD - Service license agreement for provision of access facilitation, landing facilities at cable landing stations for international submarine cable, bandwidth capacity & co-location facilities).
Sida ku cad heshiiska ruqsaddan ayaa waxa ay Shirkaddu mashruucan kaligeed gacanta ku hayn doontaa muddo 25 sanadood ah, iyadoo mudadaasi ka dib ay si buuxda ugu wareejin doonto shirkaddu lahaanshaha mashruucan Qaranka Somaliland. Mashruucan oo la hubo in uu waxtar weyn u yeelan doono dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadaba, ayaa waxa faa’iidooyinkii ka mid ah:
1- Somaliland oo si buuxda uga hoos bixi doontaa Isgaadhsiin ay u marto caalamka intiisa kale Muqdisho.
2-Fududeynta dhamaanba Isgaadhsiinta guud ee dalka.
3-Mashruucani waxa uu ku soo kordhin doonaa hay’adaha dawliga ah ee qaabilsan arrimaha amniga, difaaca, Bilayska iyo ilaalinta xuduudaha badda iyo barrigaba in ay helaan Isgaadhsiin ku filan oo ay iyagu si toos ah maamushaan. Sidoo kale, hay’adaha caalamiga ah ee dalka degan, Jaamacadaha, Iskuullada, Cusbitaalada iyo dhakhaatiirta, ayaa dhamaantood ka faa’iidaysan doona mashruucan, iyadoo uu u dhib yareyn doono, fursadna u siin doono inay Caalamka kala xidhiidhaan dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Cilmi baadhista IWM.
4-Hirgelinta mashruucan waxa shaqo ka heli doona ku dhawaad 10,000 qof oo somalilander ah, oo haatan shaqo la’ kuwaasi oo ay si dadban uga sii faaiidi doonaan bulshada inteeda kale siiba dhalinyarada.
5-Shirkadaha isgaadhsiinta dalku, iyadoo ay amaan mudan yihiin marka dib loo eego xiliga ay soo bilaabeen iyo heerka ay maanta marayaan iyo waliba kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan u adeega bulshada dhan walba, ayaa waxaanu jecelahay inaanu si cad ugu muujino in shirkada Somaliland Cable aanay noqon doonin mid kula tartanta suuqa iyo adeegyada ay ka shaqaystaan Shirkadaha Isgaadhsiinta dalku. Balse waxa aanu adeegooda ku soo kordhin doonaa in ay helaan awood (capacity) ka badan ka ay maanta haystaan oo waliba qiima ahaan aad uga jaban kharashka ay hadda kaga iibsadaan adeegyada isgaadhsiineed caalamka.
Mashruucan oo hawshiisu ay bilaabmi doonto badhtamaha 2010ka ee sanadkan, ayaa waxa ay shirkaddu ku faraxsantahay inay hormood ka noqoto maalgashiga mashruuc baaxadan oo kale leh, iyadoo shirkadu filaysa inay tani dhiirigalin u noqoto maalqabeenada waaweyn ee dalka, si ay dalka uga hirgaliyaan mashaariic kan la mid ah amaba ka waaweyn oo fursad shaqo u abuuri kara bulshada, siiba dhalinyarada.”
Courtesy: Ogaal

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Xisbiyada oo ku qaybsamay inay goob-joogayaal u dirsadaan beddelaadda kaadhadhka codbixinta

Hargeysa,(NNN)- Xisbiyada siyaasadda Somaliland, ayaa isku maandhaafay in hawlwadeeno metelayaa ka qaybgalaan hawsha bedelaada kaadhadhka codbixinta.
Ismaandhaafkan oo labadii maalmood ee u dambeeyay taagnaa, waxa uu aragtiyo kala duwan iska taagay xisbiyada UCID, KULMIYE iyo UDUB.
Afhayeenka xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare oo shalay warsaxaafadeed soosaaray, waxa uu sheegay in aanu sharcigu dhigaynin in wakiilo xisbiyada metelayaa goobjoog ka noqdaan wax ka baxsan codbixinta doorashada. “Xisbiyada Qaranku waxay xaq sharci ah u leeyihiin kuna xusan xeerka Doorashooyinka, xeerka hab-dhaqanka xisbiyada in muraaqibiinta xisbiyadu ku egyihiin inay goobjoog ka ahaadaan goobaha cod-bixinta maalinta Doorashadu dhacayso oo kaliya, balse aanay ku jirin meel ay ku qoran tahay aanay muuqan in xisbiyadu geystaan muraaqibiin goobaha kaadhadhka lagu bedelayo. Iyadoo hore la iskula qaatay in Komishinku fuliyo hawshaas uu u xilsaaran yahay, waxaanan xisbi ahaan u aragnaa inay gaf iyo sharci-darro tahay in KDQ ogolaado si ikhtiyaari ah uga qaybgeliyaan xisbiyada mudadda kala bedelka kaadhadhka, taaso noogu muuqata mid carqalad iyo hakad ku keeni kara habsami u socodka xiliga loo qoondeeyay kaadhadh bedelka,” ayuu yidhi Afhayeenku. “Sidaas darteed, xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka UCID wuxu Komishinka Doorashinka Qaranka ku wargelinayaa inaanu qayb ka noqonayn waxaan sharciyada ku fadhiyin, horseedi karta is-maandhaaf iyo muran hor leh,” ayuu raaciyay.
Hase yeeshee, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Mr. Kayse Xasan Cige, ayaa ku dooday in xisbi ahaan ay gudbinayaan hawlwadeeno aanu Komishanku dhaqaale siinaynin oo xisbigooda ula socda bixinta kaadhadhka cusub. “Shaqaalahani waxay ku shaqaynayaan si mutadawacnimo ah, xisbiga UCIDna wuxuu yidhi anagu ma xiisaynayno,” ayuu yidhi Xoghayaha oo uu xalay xogwaran kooban la yeeshay Wargeyska Ogaal. “Komishanku waxay yidhaahdeen markay doorashada gaadho dadka xisbiyada muraaqibiinta u ah anagaa lacagta ka bixinayna oo kharashka ayay ugu jirtaa, laakiin tani waa mutadawacnimo oo xisbigii doona ayaa dirsanaya,” ayuu raaciyay.
Waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay isku raaceen in dadkaa metelaya la hawlgeliyo, isla markaana ay khibrad ka qaadan doonaan hawsha bedelaada kaadhadhka, si ay muraaqibiin rasmi ah u noqdaan xilliga codbixinta doorashada Madaxtooyada. “Xisbiyadu cid metelaysa way geysan karaan, wayna iska dayn karaan oo khasab maaha,” ayuu yidhi Kayse Xasan Cige.
Mar la waydiiyay sida uu u arko hadalka xisbiga UCID ee la xidhiidha in aanay sharciyad ku fadhiyin in dad xisbiyada metelayaa ka shaqeeyaan bedelaada kaadhadhka codbixinta, waxa uu sheegay in bedelka kaadhadhku tahay arrin xilli dambe timi, horena diiwaangelin loo galay. “Laakiin, waa la isla afgartay in haddii xisbigu doonayo inuu cid keensado oo waxba kama qabaan (Komishanku), wayna ogolyihiin Komishanku,” ayuu yidhi. “Dadka aanu imika dirsanaynaa hadhowna xiliga doorashada way na anfacayaan, xisbi ahaan baanay noo anfacayaan oo way waayo-arkayaan. Markaa dadkaa imikaanu xulanaynaa, waananu gudbinaynaa,” ayuu raaciyay.
Xoghayaha KULMIYE waxa uu ku dooday in hawlwadeenadan ay xisbi ahaan dirsanayaan in aanay waxba u dhimaynin sharciyada hawlaha doorashada. “Waxayna waxba u yeelaynin, dadka kaadhadhka bedelaya waxa dirsanaya Komishanka, dadkanina waa goobjoogayaal eegaya siday hawshu u socoto,” ayuu yidhi Mr. Kayse Xasan Cige.
Dhinaca kale, xisbiga talada dalka haya ee UDUB ayaa soo dhaweeyay in xisbiyadu shaqaale ay dirsadeen geysan karaan goobaha muwaadiniintu ka qaadanayaan kaadhadhka cusub. “Anagu Komishanka waanu iska aragnay arrintaa, waxayna noo sheegeen in wakiilo Axsaabtu leeyihiin inay goobaha u diraan aanay kharash u haynin, laakiin xisbigii doonaa uu keensan karo wakiilo u jooga goobtaa,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha xafiiska siyaasadda xisbiga UDUB Mr. Cumar Jaamac Faarax oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay arrintaas.
Waxa uu sheegay inay taageersan yihiin xisbiga doonayaa inuu wakiilo geysto goobaha kaadhadhka lagu qaybinayo. “Waanu ku talo jiraa in aanu geysano,” ayuu yidhi mar la waydiiyay inay dirsanayaan shaqaale wakiilo u noqda.
Courtesy: Ogaal

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking