COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, April 22, 2010

Raaligelintu waxa ay siyaasidaa cimriga iyo caafimaad qabka haweenayda

Hargeysa, (NNN)- Kelmadda raali-gelinta ah ee ‘waan ka xumahay’ waxa ay u muuqataa inay adagtay inuu qofku ku hadaaqo, balse khubaro cilmi-nafsiga ayaa sheegay inay ka mid tahay kelmada ugu saamaynta badan caafimaadka qofka gaar ahaan haweenka.
Cilmi-baadhayaashu waxa ay daah-fureen in dumarka hela raalli-gelin uga timaadda qof ay si qalbi ah ka tahay ay ka yaraystaan warwar iyo waxyeellada ku timaadda wadnaha marka loo eego dumarka kale ee aan helin.
Sida lagu sheegay cilmi-baadhista, tani maaha mid shaqaysa marka la eego dhanka ragga. In badan ayey ku qaatadda in garaaca wadnahoodu ka soo kabto marka raali-gelin la siiyo, waanay ka xumaadaan marka uu jiro ogolaanshaha dambi laga galay.
Cilmi-baadhista oo ay sameeyeen khubaro Maraykan ah oo adeegsanaya natiijada baadhitaan ay ka qayb-qaateen 29 rag iyo 59 dumar ah kuwaas heerka cadaadiska dhiiggooda la cabbiray intii ay tijaabadu socotay. Ragga iyo dumarka tijaabada ka qayb-qaatay waxa shakhsi-shakhsi loo weydiistay inay qabtaan hawl-qabad xisaab ah taas oo lagu wargeliyey inay ku dhammastiraan muddo shan daqiiqo ah laakiin waxa laga dhex galay laba daqiiqo dabadeed iyada oo lagu wargelinayo inay dhakhso ku dhammeeyaan.
Haddana, waxa hawshoodii laga dhex galay mar labaad ka hor intii aanay dhammaanin muddada shanta daqiiqo ah iyada oo loo sheegayo inay kordhiyaan xawaaraha. Ugu dambaynta, markii ay dhammaystireen hawl-qabadkii ayaa si cad loogu sheegay inaanay si wanaagsan u qaban hawshii. Laba daqiiqo ka dib, kala badh raggi iyo haweenkii waxa siiyey raalli-gelin.
Cilmi-baadhayaasha waxa u soo baxday, celcelis ahaan, in dumarkii ka qayb-galay uu hoos u dhacay heer cadaadiska dhiiggooda 20% markii ay raalligelinta heleen, halka raggii ay ku qaadatay wax ka badan 20% in cadaadiska dhiiggoodu caadi noqday ka dib markii la raaligeliyey.
Mid ka mid ah cilmi-baadhayaasha ayaa yidhi, “Natiijooyinku waxay tusinayaan inay jiraan faa’idooyin caafimaad oo laga helo is-cafinta iyo raali-gelinta.”
Nasiib News

Warkii oo Dhan

Nasiib News

“Somaliland intay aqoonsi raadinaysay, Dawladda Federaalka ah kamay soo raadin, waxaana dhici karta inay fududaato”

Wasiiru-dawlaha Arrimaha gudaha Soomaaliya
Muqdisho, (NNN) - Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xiddig, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay Doorashada suurtogeliso, isla markaana ay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay kala hadasho Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay suurtogal tahay in ay ka hirgesho. Waxaanu Xukuumadda iyo Shacabka Somalialnd uga digay weeraro uu sheegay inay kaga soo maqan yihiin dhinaca Kooxda Al-Shabaab.
Wasiiru-dawlaha Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ku sugan Muqdisho, ayaa waraysi dheer oo uu Khadka Telefoonka ku siiyay Wargeyska Ogaal, wuxuu kaga hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha khilaafka xuduudeed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland, aqoonsiga Somalilad iyo aragtida ay Dawlad ahaan ka qabaan, Doorashooyinka, amniga dalka iyo sidoo kale weeraro uu sheegay inay Al-Shabaab qorshaynayso inay Somaliland ku soo qaadaan.
Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo Khadka Telefoonka ugu waramay Barkhad M. Kaariye oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, ayaa waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan;
S: Wasiir, ugu horrayn guud ahaan waxaad warbixin naga siisaa xaaladda Soomaaliya ee hadda?
J: Qolooyinkan Ajaanibka ah iyo cidda kale ee la socota ama hays qarxiyaan, ama wax ha dilaan, ama wax ha qalaan, way wadaan dhibaatooyinkii ay dalka ka wadeen, waxaanay doonayaan inay dalka oo dhan ku ballaadhiyaan, meel kasta oo ay nabadgelyo ka jirtana, ay nabadgelyo-darro ku abuuraan, gaar ahaan dhinaca Waqooyi iyo dhinaca Waqooyi-bari labadaba oo ah dhinaca Somaliland iyo Puntland oo dadka degani ay degannaansho haystaan. Markaa haddii aan fursad u helay in aan Wargeyskan (Ogaal) caawa (xalay) fikirkayga ka dhiibto, waxaan ugu baaqayaa dadweynaha Soomaaliyeed iyo maamullada halkaa ka jiraba ugu baaqo inay digtoonaadaan oo ay ka feejignaadaan, arrintaana siday uga hortegi lahaayeen xoogga u saaraan, anagana ay gacan naga siin lahaayeen.
S: Maaha markii u horraysay ee digniin noocan ahi ka soo yeedho Dawladda aad ka tirsan tahay oo hore Wasiiru-dawlaha Gaashaan-dhigga Yuusuf M. Siyaad (Indho-cadde) ayaa baaqan mid la mid ah soo jeediyay, maxay tahay waxaad ogtihiin iyo xogta gaarka ah ee aad haysaan?
J: Horta, xannuun ama hawl ninkii la dersay ayaa yaqaana, waxaana laga yaabaa in dad badan oo Waqooyi (Somaliland) ku nool ama Waqooyi-bari (Puntland) ku nool ay maqal uun ku tahay ama aynu Telefishannada ka daawano waxa ka dhacaya Falastiin ama Ciraaq oo kale u tahay, laakiin waa xaqiiq jirta. Runtiina casharo aad wax ku fahmi kartaan waa laydiin dhigay oo waa tii Qaraxyada laga fuliyay deegaannadaas. Hawlaha aanu ognahay waxa weeye, meel kasta o ay degannaansho ka jirto ayaa bar-tilmaameed u ah (Kooxaha Soomaaliya) ama waqooyi (Somaliland) ha noqdo ama Koonfur ha noqdee. Waxaanu ognahay nimanka masuuliyiinta ah ee madaxda u ah mushkiladda Soomaaliya in ay ka soo jeedaan gobollaadaas (Somaliland), cid walibana meeshii ay ka soo jeedday in loo adeegsadaa waa Barnaamij ay leeyihiin (Kooxaha Soomaaliya) weeyaan. Markaa waa waajib in aanu digniin culus u dirno (Somaliland iyo Puntland) oo aanu wixii jira farta ku fiiqno, sababtoo ah, ma rabno in dadkaa walaalahayo ah iyo maamulladaas jira wax la yeelo. Waa meelaha nabadda ah ee maanta ay Soomaalidu ku naaloonayso, run ahaantiina waa wax lagu faani karo. Markaa waanu uga digaynaa, waxaananu ku boorinaynaa inay gacan bir ah ku qabtaan, kana hortegaan wax kasta oo hawshaas ku saabsan.
S: Wasiir, markaad leedahay madaxda Kooxaha mucaaradka ahi waxay ka soo jeedaan Somaliland, maxay daarran tahay? bal faahfaahin ka bixi.
J: Waxaan uga jeedaa, ninka ugu wayn kooxdan Khawaariijta (Al-Shabaab) ee dalka joogtaa, anigu ma aaminsani in Soomaaliya kala meel tahay, laakiin marka la sii kala saar-saaro, waxa uu ka soo jeedaa gobollada Waqooyi (Somaliland), cid walibana way taqaanaa oo hawl-qabadka u horreeya ee u qorshaysan ee uu haystaana waxa weeye in uu dhibaatada ka abuuro gobollada uu ka soo jeedo oo uu gaadhsiiyo dhibaatada uu wado. Markaa, taasi waa lama huraan, waana wax hoosta ka xarriiqan, tamar-la’aan baa haysa mooyaane, laakiin habeen iyo maalinba wuxuu ku fikirayaa sida uu Mushkiladaha uga abuuray gobollada kale ee Soomaaliya uu Hargeysana u gaadhsiiyo. Sidoo kalena, ragga ku xigana qaar badan oo ka mid ahi waxay ka soo jeedaan Gobollada waqooyi-bari, waa dhinaca Puntland, iyaguna waa u bar-tilmaameed. Kuwii ka soo jeeday gobollada Jubbooyinka ama Banaadir ka soo jeedayna way wataan shaqadii loogu talo-galay oo sidii ay ugu talo-galeen ayay u wadaan. Kuwa kalena, way ku sii socdaan, waana arrin ka go’an.
S: Wasiir, waxaad ku cel-celisay gobollada Waqooyi, ama aqoonsi ha hesho ama yaan la aqoonsan, miyaad kala masuugaysaa in aad ugu yeedho Somaliland?
J: Aniga Waqooyi iyo Dadka Soomaaliyeed ee halkaa dega waa dadkaygii, waa walaalahay, inay Somaliland noqdaanna gebi ahaanba dadka ay cudurka ku hayso ma ahi. Madax-bannaanida iyo goonni-isu-taaggu waa mid laga wada hadli doono waqtigeeda, dooddeeda iyo cidday ka go’do, laakiin anigu shaqsi ahaan waan taageerayaa, waxaanan ku dhiirigelin lahaa inay adkeeyaan hawsha ay hayaan. Horta, anigu waliga Hargeysa isma dhex taagin, laakiin waxaan a arkaa Telefishannada, inkasta oo aan ku faraxsanaan lahaa in aan mar arko oo aan is-dhex taago. Balse, waxay qabsadeen iyo bilicda ay u sameeyeen, ayaa ah wax aan anigu shaqsiyan ku faani karo, deegaan ahaanna haddii la yidhaahdo in aan laga fogayn ayaaba laga yaabaa. Markaa aad baan ugu farxayaa in aan anigu arko nolosheeda iyo qaabka ay u samaysan tahay. Axsaabta, Odayaasha ama Maamullada halkaa ka jirana waxaan ku adkaynayaa in furfuran hawlaha ay aad u xidh-xidheen oo ay Soomaalida aad ugu gacan-haadiyaan.
S: Dawlad ahaan ama ka Wasiir ahaan, maxaad ka aaminsan tihiin aqoonsi ay Somaliland hesho?
J: Anigu waxaan ka aaminsahay waan sheegay, arrimaha goonni-isu-taagga Somaliland iyo waxay Somaliland doonayso xilligeeda ayaa laga wada-hadli doonaa, laakiin anigu shaqsiyan waxaan kuu sheegay in aan taageersanahay inay maamulkaasi sida uu hadda u shaqaynayo si ka baaxad wayn oo ka horumarsan oo ka ballaadhan uu u shaqeeyo, sababtoo ah, waxa la horumarinayaa waa dalkayagii iyo dadkayagii. Macnaha, masuuliyadda aanu manata hayno in aananu hayn doonin baa dhici karta oo haddii cid kale talada qabato, shacabka ayaanu ka mid noqonaynaa, masuliyiinta ayaanu ka mid noqonaynaa, in aan anigu Hargeysa ka shaqeeyana wax dhib ah oo ay igu haysaa ma jirto.
S: Waxaad sheegtay in aanad Hargeysa arag, haddiiba ay dhacdo inaad aragto Somaliland iyo amnigeeda, ama Muuqaalkeeda daawo ama si kale u arage, suurtogal ma tahay in ay wax ka bedesho aragtidaada siyaasadeed ee Aqoonsiga Somaliland oo aad sidan ka soo dhawaato?
J: Dabcan, anigu Hargeysa Madaarkeeda waan tegay oo waan ku nastay, laakiin inaan ajanebi ka ahaado in aan Hargeysa galo wax macno ah ma samaynayso, waxase ka qiimo badan in la arko oo la galo oo waayo-aragnimo iyo fikirro badan laga soo qaato. Iyaga laftoodana (Somaliland) fikirka ay qabaan inay dadka geliyaan oo aanay xuduudo isku wareejin. Si kastaba ha ahaatee, waa laga yaabaa haddii aan Hargeysa arki lahaa ama la sheekaysan lahaa, inay wax igu biiran lahaayeen ama aan ku biirin lahaa. Laakiin, waxaan odhan lahaa xidh-xidhnaanta ha ka daayaan, waayo waxaad hayso haddaanad suuq-gaynin, cidina dukaankaaga kuugu soo geli mayso, waa inaad suuq-gaysaa waxaad haysid oo la arko oo aad sharaxdid. Inta Ingiriis, Talyaani, Faransiis iyo Jarmal lagula wareegayo, waxa fiican in Soomaalida dhexdeeda laga gado (dhaadhiciyo). Waxa dhici karta in Soomaali badan oo danaynaysa (aqoonsiga Somaliland) la arko. Anigu waxaan aaminsahay in u-dhalashada iyo ka-dhalashadu aanay macno lahayn ee ay wanaagsan tahay in qofku Soomaali yahay oo uu fahmi karo waxa meesha yaala iyo doorka looga baahan yahay. Waxaan u soo jeedin lahaa dadka Deegaankaa (Somaliland) ku nool inay wax badan ka bedelaan sida ay hadda u dhaqmayaan.
S: Cid kasta oo deris ahi ama dalal ha ahaadaan ama gobollo ha ahaadeene, waxay meel uga soo wada-jeedaan cadowgooda, maadaama oo Qaraxyada ka socda Soomaaliya ay Somaliland-na saamaysay, marna ma jiraa wax xidhiidh oo arrimahaa aad ka yeelateen Xukuumadda Somaliland?
J: Xaqiiqdii, waxaan ka hadlayay taas ayaa ka mid ah oo haddaan lays-dhex gelin oo aan laysku furfurnaan, cidina Hargeysa waxay haysato xoog kagama qaadayso, haddaanay cidna iyadu xoog wax kaga qaadanaynin, cidina uma soo socoto ayaan u malaynayaa. Markaa in laysu yimaaddo ayaa loo baahan yahay, qofku marka uu dalka yimaaddana, wax uun buu ku biirinayaa ee waxba ma yeelayo. Markaa caqabadda jirtaaba waxa weeye kala xidh-xidhnaanta iyo in aanay iyagu war helin ama dhinaca iskaashiga amniga iyo Siyaasadda ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya (Somaliland) iyo qaybaha kale ee Soomaaliya. Taasina waxay keenaysaa in aanay war badan helin oo ay ku koobnaadaan dhinacay jogaan oo kaliya. Inkasta oo uu jiro xidhiidh Ganacsi oo Baabuurta Kismaayo ka tagaa way joogaan Hargeysa, kuwa Hargeysa ka yimaadaana halkan way joogaan. Laakiin, anagu waanu soo dhawaynaynaa oo way fiicnaan lahayd in aanu iskaashi, is-arag, kulamo iyo xidhiidhba yeelano. Iyagu (Somaliland) inay dhinacooda dhiseen oo ay qurxiyeen oo ay Guryo wada Muraayad ah ka taageen iyada oo ay dhinacan kale (Koonfurta Soomaaliya) burbursan tahay, Guryahaa quruxda badan leh ma jirayaan haddaan dhinaca kalena laga shaqaynayn. Markaa way isku wada xidhan tahay bahashu oo ma kala hadhi karto.
S: Laakiin, waxay Somaliland ku doodaysaa in markay hesho waxay xaqa u leedahay oo Aqoonsi ah ay awood u yeelan karto inay dhisto Koonfurta Soomaaliya, laakiin inta ka horraysa ay noqonayso in qasku ku soo baaho. Idinku ma waxaad leedihiin Somaliland ha soo dhex gasho oo qayb ha ka noqoto qalalaasaha Soomaaliya? Arrintaasi ma idinla saxsan tahay?
J: Xaqiiqdii hadda lama odhan karo kaas ayaa sax ah iyo kaas ayaa khalad ah, waana laga fikirayaa. Laakiin, labaduba waa afkaar qiimayntooda u baahan, waxaanan odhan lahaa haddii Guriga deriskaaga ahi gubanayo oo gurigaagu fayow yahay, waxaad garan kartaa inta ay le’eg tahay khatarta gurigaaga ku wajahani, ama ha noqoto Dhimbiil ku soo duusha ama Dabayshu ololka ha keento,ma degannaanaysid. Markaa Hargeysa iyo Xamar waad garan kartaa intay isku jiraan ama gobollada u dhaxeeyaa waxba iskuma jiraan oo xaafad bay isku yihiin. Haddii ay halkan dhibaato ka jirto, dhinacaana (Somaliland) welwel waa jiraa, dadkuna waa isku mid oo sumad ma kala laha, lamana kala yaqaano. Kuwii halkan ku dhashay baa Hargeysa jooga, kuwii Hargeysa ku dhashay baa iyana halkan ka buuxa oo qaarkood Raaskaambooni ka dagaallamayaan. Markaa, uma baahna in taa su’aal la geliyo, haddii iyaga oo wada dhisidda maamulka iyo qaabka ammaanta mudan ee ay wadaan, ayay gacanta kalena kaga shaqayn karaan in ay nabad ka dhalato halkan oo ay yidhaahdaan waar bal ha la damiyo oo hagaajiya, halka ay ka leeyihiin inaga daaya way kharriban tahay oo yaan Albaabka laga furin.
S: Wasiir, waxa jira khilaaf xuduudeed oo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland, idinku sideed u aragtaan arrimahaas, mawqif noocma ah ayaanad ka aaminsan tihiin?
J: Anigu fikirkayga shaqsiga ah ee aanan ku metelin dawlad waxa weeye oo aan soo jeedin lahaa, arrimaha dhaq-dhaqaaqa iyo is-ballaadhinta iyo in ay cidi meel kale u durugto in aan loo baahnayn xilligan xaasaasiga ah. dadka Soomaadlidu qaab soo-jireen ah buu u wada degaa, ama deris ha noqdo ama qabiil ha noqdo, waxaan qabaa in sidii loo deganaa loo deganaado, lagana daayo is-ballaadhinta. Sababtoo ah, cid is-ballaadhin karaysaa ma jirto, ciddii is-ballaadhinaysaana mushkilad ayuun bay isku abuuraysaa ama cid kale ku abuuraysaa. Haddii ay noqoto in lays tuur-tuurana (la dagaallamo) cidina dani uguma jirto, ciddii hadda degmo kale ama gobol kale ku soo durugta ama qabsata waxay ka faa’iidaysaa ma jirto. Waxa ka fiican inay halkooda qolo waliba horumarinta ka shaqeeyaan. Markay horumarin iyo wanaag tusaan dadka, tusaale ahaan labada magaalo ee isu-dhaw ee midi Somaliland ku taalo, midina Puntland ku taalo, Somaliland ha dhisto oo horumar ha tuso, dabadeed magaalada xigtaa iyadaa odhanaysa xaggaas (Somaliland), ayaanu tagaynaa. Sidaa darteed, halkii awood, Milatari iyo xoog loo adeegsan lahaa, waxaan odhan lahaa horumarin ha loo adeegsado. Haddii degmo rabitaankeeda meel kale ku tegaysana, cidi ma celin karayso oo ma odhan karto kuma biiri kartaan. Sidoo kalena, Puntland dhinaceeda iyana tusto nolol, waxa dhici karta in qolo Somaliland ahi tidhaahdo, Somaliland-neey wax horumar ah nooma samaynaysaan ee dhiancaas ayaanu tegaynaa, kuwo Puntland ahina hadday yidhaahdaan Somaliland baanu tegaynaa oo horumar jiraa, cidi uma diidi karayso. Markaa Maamuulladaasi halkii ay Wiilal Soomaaliyeed isku dili lahaayeen, waxaan odhan lahaa ha lagu tartamo dhinaca horumarinta.
S: Waxa jira dadka qaar aaminsan in Dawladda aad ka tirsan tahay ay caqabad ku tahay aqoonsiga Somalilad oo ay qaaddo tallaabooyin ku lid ah qaddiyaddaas, maxaad ka odhanaysaa?
J: Wallaahi, anagu cidna caqabad kuma nihin, Somaliland-na wax badan bay raadinaysay in la aqoonsado, taasna Beesha Caalamka ayay ka raadinaysay ee wali Dawladda Federaalka aqoonsi kamay soo raadin, waxaana laga yaabaa inay u fududaan lahayd, markaa waxaan leeyahay inta aad meel fog eegaysaan, bal hoostiina eega, waxaaba laga yaabaa inay meel dhaw aqoonsigu yaalo. Haddii aad tobannaan sanno sidaa u fikirayseen-na (raadinta Aqoonsiga Beesha Caalamka), bal sidan kalena u roga.
S: Gebo-gebadii, waxa jira Doorashooyin la filayo inay dalka ka dhacaan, ma jiraan waxaad ka odhanaysaan?
J: Waxaan runtii xilligan adag ee Doorashooyinka la gelayo ugu sii baaqi lahaa inay taxaddir badan yeeshaan, dibin-daabyada iyo mushkiladaha lala doonayaa mid sahlan maaha. Inay isku duubni sameeyaan oo wixii waagii dhawayd dhacay (Rabshadihii) aanay dib u dhicin, sababtoo ah aad baanu uga tiiraanyoonaynay. Waxaanu u soo jeedinaynaa dalka waa la wada leeyahaye, cidda tartamaysa, cidda talada haysa iyo cidda kale ee loollanka ku jirtaaba, waxay metelayaan shacabkii Soomaaliyeed’e, inay hawshaa si waddaniyad leh uga soo dhalaalaan, hab Dimuqraadi ahna lagu kala baxo. Waxaanan odhan lahaa, in ciddii ku guulaysata lala shaqeeyo, iyadoo aan loo eegayn Beel, Gobol iyo deegaan, ciddii laga guulaystaana ay aqbasho oo ay sugto waqtiga ay u soo marayso. Dawladda hadda ka jirtana, waxaanu odhan lahayn dadka ha loo suurtogeliyo sidii Doorasho u qabsoomi lahayd. Markaa, haddii ay kalsoonida helaan oo mar labaad ay ku guulaystaan, iyagaa joogaya, haddii ay cid kale timaaddana cid kalaa imanaysa. Waxaanse fikirkayga shaqsiga odhan lahaa, anagoo run ahaantii ka xannuunsanayna haddii wax dhib ahi uu halkaa ka dhaco, wixii wanaag ka jirana aanu ku farxayno.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, April 21, 2010

Shalay: Baaqii Darawal, Ballantii Siilaanyo, baanniddii Sandoon & badheedhihii Gabboose

Hargeysa, (NNN)- Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE iyo garabka isbedel-doonka UDUB, ayaa si wada-jir ah Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa ugu eedeeyay Musuq-maasuq iyo wax-qabad-la’aan.
Masuuliyiintan oo shalay ka hadlay munaasibad loo sameeyay Heshiis ay labada dhinac ku kala saxeexdeen Hutel Kaah ee bariga Hargeysa oo ay ku midoobayeen, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku fashilantay wax-qabadkii looga baahnaa.
Weedhaha KULMIYE:
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaa ka hadlay ayaa hadallo soo-dhawayn ah u jeediyay hoggaanka iyo xubnaha Isbedel-doonka UDUB ee shalay ku biiray Xisbigooda. “Munaasibadan waxaanu aanu ku soo dhaweynayno walaalaheena isbedel-doonka garabka UDUB ahaan jiray ee ku soo biiray maanta xisbiga KULMIYE. Waxaanu leenahay aad iyo aad baanu idiin soo dhaweynaynaa qalbi furan iyo laab furan baanu idinku soo dhaweynaynaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Aniguna waxaan idinka ballan qaadayaa oo kalsooni badan ka qabaa maanta, waynu ku guulaysanaynaa doorashadaa waqtigeedii lagu dhawaaqay saacadii ayuun baan lagu dhawaaqin. Laakiin waa la sheegay waqtigii inuu aad iyo aad inoogu soo dhaw yahay, wixii aynu maanta u diyaargarawnaaba waa sidii aynu u hawl gali lahayn, sidii aynu ummadeena iyo shacbigeena inagoo illaahay la kaashnayna, inagoo dadkeena la kaashanayna, inagoo garbaha ishaysana, iswada barbar taagan, sidii aynu isbedelkaa aynu u rumayn lahayn ee aynu u xaqiijin lahayn ee dadkeeniyo dalkeenu maanta ubaahan yahay.” Waxaanu sheegay inay Xisbi ahaan diyaar u yihiin isbedel dhab ah.
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiye-xigeenka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa ku bilaabay, “Aniga way igu adagtahay Waddo uu ina baray taliskii inkaarta qabay ee Siyaad Barre oo ah in marka meel la yimaaddo la tiriyo oo la yidhaahdo Guddoomiyaha, Guddoomiyaha kale, hebel iyo hebel, meesha inta timi waa wada akhyaar ee waxaan leeyahay waad salaaman tihiin akhyaareey. maanta waxa inoo sharaf ah oo inoo guul ah oo libin KULMIYE iyo Somaliland u soo hoyatay ah, haddii walaalaheenii waxgaradka ahaa siyaasiyiinta ahaa talada dalka ragga ugu waaweyn ka mid ahaa, ay maanta fikradoodii iyo teenii KULMIYE midoobeen waxay inoo farxad weyn inta jecel horumarka Somaliland, qaranimada Somaliland iyo mustaqbalka Somaliland inuu fiicnaado maanta guul weyn iyo farxad weynbay u tahay, waxay dhabar-jab iyo naxdin ku tahay inta aan jeclayn ama aan dan ka lahayn horumarka qaranka iyo guusha Somaliland iyo gawskooda ka talisa ee aan garaad badan lahayn.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal haddaynu maanta eegno ragga inagu soo kordhay ee aynu talada midawnay ee aynu wada hawlgali doono oo hawl weyn iyo xil weyn inala qaban doona kaalin banaan buuxin doona insha alla..Lixdii urur ee tartamay markaynu dawladaha hoose dooranaynay xisbiga UDUB mooyaane in ntii kale hogaankoodii ay isugu yimaadeen xisbiga KULMIYE waxa hore usii wada joogay oo isku fikrad noqday HORMOOD, SAHAN, KULMIYE. Waxa mar labaad kusoo kordhay ASAD maanta waxa kusoo kordhay BIRSOL iyo aasaasayaashii UDUB Maxamed X. Ibraahim Cigaal raggii la aasaasay UDUB dhamaantood raggii ugu dambeeyey ee ugu adkaysiga badnaa inay wax toosiyaan baa maanta socda..Waxaanu ognahay bani’aadam meel wada joogaaba inuu talada isaga horyimaaddo oo talada laga murmo, taas waxaanu aamisanahay in khilaafku bani’aadmiga uu la dhashay iyo rayi’ga kala duwani. Biyaha ayaa ugu wanaagsan oo waxwalba oo nijaasa maydha, biyuhu haddii ay meel fadhiyaan oo ay socon waayaan way qudhmaan, taladuna haddii la rogrogi waayo oo kolba wax laga badali waayo oo kolba waayaha cusub iyo waqtiga taladeeda la qaadi waayo taladuna way qudhuntaa sida maanta Somaliland Madaxtooyadeeda haysata.” Waxaanu sheegay in Xisbigooda ay ka dhex jirto dood iyo af-kaar isweydaarsi, isla markaana loo sinnaanayo talada Xisbigaas.
Guddoomiyaha Ololaha gobollada bariga Somaliland ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Waxa ugu weyn ee aad KULMIYE ka helaysaan waxa weeye waxaad kasoo guurteen goob mugdi ah oo aan dood iyo rayi’ isdhaafsi jirin, waxaad imanaysaan goob afkaarta iyo isdhagaysiga iyo isku celinta, markaa haddaad marar qaarkood u qaadataan halkan fawdo inay tahay, fawdo maaha ee muddaad mugdiga ku jirteene naga raali ahaada. Xisbiga KULMIYE waxa idin keenay ayaa Qaran-na (Ururkii Qaran) keenay..Xaqiiqdii wuxuu wadanku u baahan yahay isbedel. Inteena meesha fadhidaa waa inta runta og waliba qolada UDUB ka timi (Isbedel-doonka UDUB) ceelkii bay ka yimaadeenoo, waxaynu ka sugaynaa inay inoo sheegaan bal meesha waxa ka jira. Waxa halkan odhanayaa muddo dheer ayaa xisbiga KULMIYE nasteexo ahaan usoo jeedinayey xisbiga UDUB iyo hogaanka talada u haya iyo Madaxweynahaba in xaaladan wax laga badalo in wixii xun la sheego. Laakiin nasiib-darro iyadoo loo isticmaalayo Tv-ga iyo Jaraa’idka iyo dad kaleba, waxa nasteexo laga dhigay in xisbiga KULMIYE uu yahay mid xagxaganaya xukuumadda.” Ayuu yidhi Dr. Gabboose, waxaanu sheegay in ay hubaan in Doorashadu dhacayso, isla markaana ay Barnaamijkoodii siyaasadeed diyaariyeen oo ay soo bandhigayaan toddobaadkan. “Qolo ka timi tuulooyinka ayaanu maalin dhaweyd aragnay, waxay nagu yidhaahdeen dadkiiba nacay Rayaale oo ololahaba uma baahnidin inaad waqti badan iskaga lumisaan, waxaan idhi oo dadkii maxaa beddalay, waxay yidhaahdeen, anagu reer Guuraa baanu nahayoo markii neefkii loogu yimi (Kooto loo xidhay), ayey dadkiina naceen.” Ayuu yidhi Gabboose, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxa ka go’an xisbiga KULMIYE inaanu abaabulin doorasho xamaadsad leh, doorasho kicin karta dadka xamaasaddooda, inaanu shaqsi durin, shaqsi caayin oo aanu waxaa waqti ku lumIn xisbiga KULMIYE waxa halgan u ah anshaxa doorashadiisa barnaamijka uu wato.”
Dr. Gabboose wuxuu halkaa uga duceeyay Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin. “Waxaan idinka codsanayaa, xanuunka dadku iskuma keeno haddaan kala afkaar duwan nahay, anigu dhakhtar baan ahayoo bukaannada waan u naxaa. Aniga oo xisbiga KULMIYE afkiisa ku hadlaya waxaan u soo ducaynaynaa Madaxweyne ku-xigeenka in illaahay sida ugu dhakhsaha badan xanuunka uga dulqaado oo isagoo caafimaad qaba aanu tartanka ku loolano anagoo walaalo ah, waa nin sokeeye ahe.” ayuu yidhi Dr. Gaboose.
Digniintii Isbeddel-doonka UDUB:
Guddoomiyaha Garabka isbedel-doonka UDUB Axmed Sandoon Xasan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Anigoo ku hadlaya magaca isbedel-doonka xisbiga UDUB meel kasta oo uu joogo, waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa xisbiga KULMIYE ee sida wanaagsan noogu soo dhaweeyey , waxaan leeyahay garabka isbedel-doonku meel walb dalka wuu ka joogaa..Cududna waanu idinku kordhinaynaa si wanaagsana waynu u hawlgalaynaa. Waxaanan illaahay ka baryayaa in doorkan sidii odaygii gaabnaa ee Obama (M/weynaha Maraykanka) la tartamyey markay dhawr cod la tiriyey uu iska dhiibay, haddii uu garto inuu iska dhiibo (M/weyne Rayaale). Guddoomiye waxaanu halkan kaaga cadddaynaynaa inaanu si caddaan ah aanu ugu soo biirnay xisbiga KULMIYE anagoo kala joogna dalka daafihiisa oo dhan…Markii aanu quus iska taagnay xisbigii aanu ka nimi (UDUB), waxaan anigu ku qiyaasay Lo’da Hindiya Waddada hawaarsata (fadhiisata) ee hareeraha laga dhaafo. Inaynu hareeraha ka dhaafno dawladdan sidii Lo’dii Hindiya ina hor fadhiisatay ee dhalinyartii ku xiiqday ee toddoba sano la sugayey inay dalkan horumar u samayso ee dariiqa fadhida ee kaba dhaqaaqi wayday, inaynu hareeraha ka dhaafno.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan doonaynaa inaynu sida ugu fudud u sii waddacno xukuumadda iyada ah” Waxaanu Xukuumadda ku eedeeyay in aan shaqo la siin ciddii lagu tuhmo inay ka tirsanayd SNM.
Axmed Sandoon wuxuu ka hadlay wakhtigii uu isu-sharaxay Madaxweynenimada Xisbiga UDUB dhexdiisa. “Iga dhab bay ahayd markii aan UDUB dhexdeeda iska sharaxay oo waxaan islahaa wax waliba way dhacaane, Ina Rayaale ku soo reeb Xisbiga dhexdiisa. Haddiise ay dhici lahayd, waxaan islahaa oo aan ka fikiri jiray sideed Axmed-Siilaanyo ula tartami doontaa. Maantase fikirkaasi iguma jiro ee waxaan u imi in aanu ku dhisno Guddoomiye ilaa Madaxtinimada Somaliland iga soo gaadhayso.” Ayuu yidhi Axmed Sandoon.
Geesta kale, Xuseen Cabdilaahi Iimaan (Darawal) oo ka mi ahaa masuuliyiintii Isbedel-doonka UDUB eek u biiray shalay KULMIYE oo isna halkaa ka hadlay, ayaa mahad-naq uu u jeediyay Mulkiilaha Hudheelka Kaah ka dib, ka warbixiyay sababta keentay inay ku biiraan KULMIYE. “Markii aanu meesha (UDUB) ka biyo diidnay oo imika maraysa laba sano, waxay nala noqotay halkii ninba meel u carari lahaa oo xisbi ku biiri lahaa, inaanu xoog samayno, si aanu arrimahan waddanka ka socda ee dhibaatooyinka ah ee aynu aragno meeshay u jeedaan ragga ku jira, aynu u garab galno oo aynu la hawlgalno. Maanta markay hawshii (Doorashadii) soo dhawaatayna, waqti yaalaa ma jiree waa majarafadii buuxsantay sidii aynu u hinjin lahayn.” Ayuu yidhi Darawal.
Cabdilaahi wuxuu ka hadlay Garabkooda Isbedel-doonka ee shalay ku biiray KULMIYE, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Waxa laga yaabaa dadka badankiisu inay Koofiyadahan (Koofiyado ay ku qornaayeen Isbedel-doonka UDUB) yaryar uun arkaane, markay u yaraadaan Mudanayaasha Baarlamanka siddeed Nin baanu nahay, Deegaanka Hargaysana Shan Mudane ayaanu ku jirnaa, balse Guurtida ayaan ii tirsanayn. Laakiin qaar baaban imika arkaa oo fadhiya.” Marka uu halkaa hadalka marinayo, ayaa Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim (Dhugad) oo ka mid ah Mudanayaasha guddida joogtada ah ee Guurtida oo madasha fadhiyay ku jawaabay oo yidhi, “Waanakan Cabdillaahi-Darawaloow, waanu joognaa.”
Darawal waxa uu ka hadlay xaaladda uu u arko Xisbiga UDUB ee ay hore uga tirsanaayeen. “Golaha dhexe (UDUB) iyo fullinta tiro badan baa naga joogta, waayo meesha (UDUB) waad ogtihiin oo Gole dhexena ma jiro, xisbina ma jiro. Laba nin oo aanu saaxiib nahay oo xaggiina (Dhinaca KULMIYE) ka soo cararay ayaa meesha jooga, cid kale anagu ma hayno. Cali (Cali-Gurey) saaxiib baanu nahay, maalintii uu galay UDUB, England baan joogay, markuu Internet-ka igaga soo baxay waa naxay. Waayo meesha uu tagay baan arkayaa siday ahayd iyo isaga jacayl aan ka qabay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Maalin dhaweyd baanu wada hadalnoo waxaan ku idhi, Caliyaw anna meel baan ka cararay (UDUB), adna meel kale ayaad ku carartay (UDUB) ee bal keena soo hor booda ha la arko. Ballantaasaa noo taala.”
Cabdilaahi-Darawal waxa uu hadallo digniin iyo talo isugu jira u jeediyay Xisbiga uu ku biiray ee KULMIYE. “Runtii waxa weeyaan, inaynu nidhaahno waxeenu bannaankaasay inoo yaalaan. Anigu raggii aan meesha kaga imi ragga waxan aad ka sheekaynaysaanba haya maaha, waa kuwo wax kastaa ka suuroobi karaan. Sidaa darteed, waxa loo baahan yahay sidii kooxdii dagaalkii Uxud uu Nebigu yidhi xaggaa dambe ragga ka jooga ee markii alaabtii la boobay iska soo yaacay ee lagaga yimi dhabarka, waar meeshan wax waliba way iman karaan, nimankani waa niman quus ah anigu fikirkaan ka qaatay, ragguna iskuma jireen rag badan maba oga waxa meesha ka jiree mushaharka ayuun bay iska qaataa. Laakiin rag tirsan oo u haysta inay Somaliland u dhamaatay hadduu Daahir Rayaale tago ayaa jooga oo cidiyaha ku dagaalamaya oo wax walba ka suuroobaan. Markaa waxa la inooga baahan yahay inaynu dagaalka noocaas ah u diyaar garawno.” Ayuu yidhi Darawal, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Qoladiina KULMIYE waxa la idinku dacaayadeeyaa nabadgalyaduun baa la idin hordhigayaa waad baqaysaan oo kuwii jajabinayey baa idin hordhigaya oo odhanaya nabadgalyada ayey u diidayaan dalka, dabadeedna dhulkayba idin kaga dhacaysaa. Waxa idinkaga filan maalintii dhaweyd ee shirka halkan (Hutel Kaah) lagu qabanayey iyagaa (UDUB) Taayirada gubayey saw maydaan ogayn. Haddana waxa laga yaabaa inay isaga (M/weyne Rayaale) odhanayaan, qoladiibaa halkan Taayiro ku gubaya, ileen waa nin xidhane. Waxaynu u baahannahay runtii inaynu xaaladda si yar oo sahlan u qiimayno…Markaa waxa loo baahan yahay inaynu fikirka badino, waayo nimankaa taayirada gubaya, hadhawna adiga kugu sheegaya ee ku odhanaya adigaa gubay oo nabadgalyadii qaribay..Markaa raggii labeenta ahaa ee Sirdoonka ahaa ee sida wanaagsan u shaqayn lahaa suuqay wada joogaan, markaa waa inaad meel walba cid u samaysataa, haddii kale inta la qarxiyaa baa lagu odhan doonaa adigaa qarxiyey.” Darawal waxa uu dhaliil u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. “Dastuurkeena nin baa iiga sheekaynayey Mudane ah, wuxuu yidhi waxaan la jabin waxaan ka helay shan qodob oo ah shantii qaranimada ee aan la taaban karayn. Waxa kale oo dhan waa jabiyey. Sharci la raacana waad arkaysaanoo waatan la leeyahay hebel haka iibin waxba, dhaqaalihiina waynu ognahay maanta nin in uun lexejeclo kaga jirto ama danaynaya dalka wuu ogyahay heerkuu dalku marayo. Laakiin nin nacas ah iyo mid kabo qaadana u sheegi mayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Ta labaad anagu imaatinkaanu idiin nimi (KULMIYE ahaan) niman derajo soo doontay ma nihin, waxaaanu idiin soo doonanay waa wax guud oo sidii maamul hagaagsan dalkani u heli lahaa oo dadkani nolol wanaagsan u heli lahaayeen, mida muhiimka ahi waxa weeyaan dadkeenu wax alla waxay ka yaqaanaan dawladnimo nimankeenaa ilaa lixdankii joogay, horta dawlad ay leeyihiinba may arag mid ay ka baqaan mooyaane, dadkeenu ma yaqaanaan dawladnimada xuquuqda ay leedahay ma yaqaanaan, ta isaga xaq loogu leeyahayna ma yaqaanaan..”
Waxa sidoo kale, halkaa iyana ka hadlay Badhasaabkii hore ee Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Dheere) oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen; “Xisbiga KULMIYE sas buu ka qabay nabad-sugidda, waxaanu leenahay idinku soo biirnay ee arrintaa halkeeda u daaya oo ha ka sasina.”
Gebo-gebo:
Munaasibaddan oo ahayd mid si ballaadhan loo soo agaasimay, isla markaana ka qayb galeen dhinacyada kala duwan ee Bulshadu, ayaa waxa sidoo kale iyana ka hadlay Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale, Dr. Axmed Maxamed Jaamac (WHO), Maxamed X. Hadliye oo dhammaantood ka mid ah Garabka UDUB shalay ku biiray KULMIYE iyo sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee KULMIYE Xamarji iyo Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo iyana u hadlay KULMIYE, waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimadda munaasibaddaas.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, April 20, 2010

Unugga Wadaniyadda Somaliland Oo ka qayb galay Xuska Maalinta Wadaniyadda D/sare Ee Faarax Oomaar

Hargeisa, (NNN)- Unugga Wadaniyadda Somaliliand(Somaliland Nationalism Cell) oo ah Unugg ay Aasaaseen qaar kamaida arday Jaamacadaha dalka JSL ayaa ka qaybgalay Xaflad Wadaniyaddeed Oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeeen Unugga wadaniyadda Iyo Ardayda D/Sare Ee Faarax Oomar ,xafladan oo runtii ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay Ardayduna ay ku labisnaayeen Geeni-qaaro iyo Masaro ka samaysan calanka JSL
isla markaana ay heeso wadani ah oo qiiro badan ay madasha ka baxayeen.waxaa si mugleh goobta loogu soo dhaweeyey Unugga Wadaniyada Somaliland,waxaa bilaabantay xalfladii waxaa ugu horeyn lagu furay aayado quraana, kadib waxaa mikrofoonka la wareegay Maamulaha Dugsiga Faarax Omaar C/shakuur Max’ed Ismaaciil oo runtii sheegay inay wadaniyadu ka bilaabmayso guriga ka dibna iskuulkaaga isagoo maamuluhu sheegay in kursiga aad meel dayacan ka qaadaa oo aad dhigto meel fiican ay astaan u tahay wadaniyada, Maamulu waxaa kaloo uu amaan u soo jeediyay Unugga isagoo sheegay inuu maanta aad u la dhacsanyahay waxa halkan kasocda(wadaniyadda) ee dareenka qofkasta tabanaysa.
Waxaa kaloo halkaa ka hadlay ardayda D/saree Faarax Omar G/gudiga qabanqaabada ardayda Maxamed xasan Nageeye,C/faraax Maxamed Xasan,khadar Cali Max’ed, Nasir Yuusuf,Axmed ismacil,c/kariim Max’ud ,Muna mux’ed,dhamaan ardaydani waxay ku dheeraadeen oo aad moodaysay inay ka midaysnaayeen qiimaha wadanka hooyo leeyahay inay laga ma maarmaan tahay wada-jirka iyo iskaashigu, ardaydani waxaa kalooy soo bandhigeen riwaayad ka hadlaysa inaad sharaf ku leedahay dhulkaaga hooyo, riwaayadani waxaa kalooy tibaaxaysay dhibatada tahriibka aafeeyey ubixi Dalkeena (Dhalinyaradda).
Waxaa kaloo halkaa hadal kajeediyay abwaan C/risaaq Max’ed Muuse oo kamid ah Unugga Wadaniyada abwaanku waxaa da’yarta u sheegay wadan jacaylku inuu kamid yahay waxyaalaha bulsho ku horumarto isagoo abwaanku ugu danbayntii sahay uga dhigay tixdan
Waaxyihii naftaadiyo
Wadnahaaga jeexii
Waddankani inuu yahay
Walaalkaa rumaad yahay
Waligaa ogsoonoow.
Intaas ka dib Ardayda D/sare Ee faarax Oomar ayaa Shahaado Sharaf Gudoon siisay Unugga Wadaniyadda Somaliland iyaga oo ku sababeeyey sida wadaniyadda leh ee Unuggu uu ugu heelanyey Horumarinta Wadaniyadda Ka taabo qaday JSL.
Waxaa gabagabadii barnaamijkan soo gunaanaday Gudoomiye ku xigeenka Unugga Wadaniyada Somaliland Khadar A/rahman A/lahi Oo si qoto dheer uga war bixiyey ahmiyadda Wadaniyaddu u leedahay Qaran kasta iyo Mooganaanta Dadkeenu aanay faham sanayn waajib ka dalkeenu inagu leeyey iyo Qofkasta oo Muwaadin ahi inuu fahmo waxa uu xaq uleeyey iyo Waxa Xaq isaga loogu leeyey (rights and responsibilities) ugu dambayna waxa uu u mahad naqay Maamulka iyo Ardayda Dugsiga Sare Ee faarax Oomaar sida fiican ee ay ugu heelan yihiin Horumarinta Wadaniyadad.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Doorka Shirkadaha Ganacsiga Ee Horumarka Waxbarashada‏

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-Baadhista ERA oo ah akadami ahmiyadda saaara horumarka waxbarashada iyo Cilmi-baadhista ayaa cilmi-baadhis kooban, u kuur-gelid, iyo indho-indhayn ku sameeyay doorka ay shirkadaha ganacsi ee Somaliland ka qaataan horumarka waxbarashada.
Marka aanu sidaas leenahay, uma jeedno in ay shirkadaha ganacsigu furaan goobo waxbarasho sida iskuullo, jaamacado, macaahid, malcaamado, maktabado iyo meelo kale, waxa uu se muraadkayagau yahay in aanu iftiimino sida ay shirkadaha ganacsigu u taageeraan xarumaha waxbarashada ee ka shaqeeya Somaliland, iyo sida adeegyada iyo agabka ay iibiyaan shirkadaha ganacsigu ay yihiin qaar ku habboon taageerada waxbarashada. Waana dhiirigelin aanu ku dhiirigelinayno in ay shirkadaha waxbarashadu door muhiim ka ciyaaraan adeegyada waxbarashada
Muddadii uu akadamigu waday hawshan baadhista ah, waxa u suurtogashay in uu ogaado doorka ay shirkadaha waddaniga ahi ka ciyaaraan horumarka waxbarashada, haddaba iyada oo ay shirkado door ahi kaalin ka ciyaaraan horumarka waxbarashada, ayuu Akadamigu maqalaadan ku eegi doonaa doorka ay Shirkadda Telesom ka ciyaarto horumarka waxbarashada.
Shirkadda Telesom waa shirkad waddani ah oo macaamiisheeda u fidisa adeegyo ay ka mid yihiin tilifoonada iyo internetku, fadhigeeduna uu yahay magaalada Hargeysa, sidoo kalena laamo ku leh degmooyinka iyo gobolada Somaliland, waxaanay shirkaddani ka mid tahay shirkadaha sameeyay koboc iyo korriin la taaban karo muddadii ay jireen, kuna tallaabsaday horumar la taaban karo.
Shirkadda Telesom waxa ay ka mid tahay shirkadahakaalin muuqda ka ciyaara dhamaystirka arrimaha bulshada, waxa ay se qormadi taabanaysaa qaar ka mid doorka lama illaawaanka ah ee ay shirkaddu ka qaadato dhanka waxbarashada. Barnaamijyada waxbarasho ee ay shirkadda Telesom fulisay, ka qaybqaadatay, ama ay ka ciyaartay doorka muhiimka ah waxa ka mid ah kuwan
Tartan-aqooneedkii Waaxyaha Hargeysa ee 2008
Tartan-aqooneedkan oo ay qabatay shirkadda Telesom bishii Ramadaan ee Sannadkii 1430H/2008, waxa uu ahaa mid ay ku tartameen dhalinyaro aqoonyahanno ah oo laga soo xulay shan ka mid ah waaxyaha ay ka kooban caasimadda Hargeysa, waaxyahaas oo kala ahaa: Gacan-libaax, Ibraahim Koodbuur, Axmed-Dhagax, 26/June iyo Maxamuud Haybe waxa uu ahaa tartan aad u xiiso badan oo galabnimada lagu qabto xarunta Telesom ee u dhaw ishaarada ku taalla faras-magaalaha Hargeysa.
Tartan-aqooneedkan oo si joogto ah habeen walba looga baahin jiray Telefishanka Qaranka Somaliland ee SLNTV waxa uu ahaa mid ay aad uga heleen bulshada daawada SLNTV gaar ahaanna bahweynta aqoontu, waxaanu ahaa mid la isku weydiin jiray su’aalo isugu jira diinta Islaamka, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida, Sayniska, Taariikhda, Juquraafiga iyo guud ahaan noocyada kala geddisan ee cilmiga waxaanu ahaa mid laga dheefay lagana dhaxlay aqoon heersare ah oo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno su’aalaha tartanka u soo xulay qaab heersare ah, iyada ay tartamayaasha waaxyuhuna su’aalaha u doo ran jireen qaab nasiib ah.
Tartankani waxa uu sababay is-dhexgal iyo is-barasho dhexmarta dhalinyarada aqoonyahanka ah ee Hargeysa, eek u kala nool qaybaha kala geddisan ee Hargeysa, waxaanu ahaa mid loo garsoori jiray si hufan oo ka madhan eex, caddaalad-darro, iyo dhan u iilasho, ugu dambayntiina waxa tartan-aqooneedkaas ka socotay ku guuleystay waaxda Gacan-libaax, kaalinta labaadna waxa ku guuleystay Waaxda Maxamuud Haybe.
Xafladdii xidhitaanka tartan—aqooneedkaas oo ay ka soo qaybgaleen Culimo, Madaxda Waaxyaha Hargeysa, Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex iyo dadweyne kale ayaa waxa jaaisado lagu guddoonsiiyay waaxyihii ku guuleystay tartanka iyo waaxyihii kale ee u tartamay sida hufnaanta leh. Ugu dambayntii waxa uu tartan-aqooneedkaasi ka mid ahaa barnaamij aqooneedyada loo bogay ee ay fulisay Shirkadda Telesom, iyada oo ay shirkadda Telesom hirgalinta hawshan u hurtay dhaqaale, feker, maskax iyo dadaal aad u badan, oo dhalay midho aayatiin badan.
ERA desk
eraorg@ymail.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, April 16, 2010

Shakhsiyaadka Muuqaalladoodu isku egyihiin Adduunka


Halkan waxa ku jira sawiro laga soo ururiyey shakhsiyaadka adduunka oo muuqaalladoodu aad isugu eg yihiin. Bal ila eeg.
Waxa ka mid ah:


Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking