COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, November 29, 2010

Sh.Aadan Siiro oo looga yeedhay Xarunta CID iyo Dareenka Ku Xeeran Arintaasi

Hargeysa, 28 Nov, 2010 (Nnn)- Hay’adda baadhista dambiyada ee CID-da ee Somaliland ayaa la sheegay inay warqad yeedhmo ah u qortay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalkan Somaliland.
ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in warqada yeedhmada ah ee loo qoray Sheekh Aadan-Siiro ay la xidhiidho khudbad kulul oo uu Salaadii Jimce ee doraad ka jeediyay masaajidka ku yaala xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa, taas oo uu kaga tiraab celiyay hadalo ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabose, oo uu kaga hadlay nin Jarmal ah oo Hargeysa ugu xidhan falal dhaqan xumo ah oo uu ku sameeyay hablo reer Somaliland ah, waxaanu Sheekh Aadam ku baaqay in ninkaas shareecada Islaamka la mariyo.
Ilahaas xogogaalka ahi waxa ay intaas ku dareen in la filayo in Sheekha maanta looga yeedho xarunta CID-da, waxaana la sheegayaa inay Sheekha arrimahan u maleegayaan masuuliyiin ay dhibtay khudbadiisii salaadii Jimce oo doonaya inay sharaf dilaan.
Sheekh Aadan-Siiro oo ku caan baxay ilaalinta shareecada iyo qaddiyadda Somaliland, khudbadihiisana salaadda Jimce ku eega hadba dhacdooyinka bulshada dhexdeeda ka taagan, laguna yaqaano difaaca arrimaha danyarta iyo waxtarokooda, waa markii ugu horaysay ee intii xukuumado dalka soo maray looga yeedho xarunta CID-da ee Somaliland, waxase la eegi doonaa halka ay isugu biyo shubato arrintan oo la filayo inay dareen xaasaasi ah ka dhex abuurto bulshada, maadaama oo uu yahay Sheekh magaca ku dhex leh bulshada islamarkaana taageerayaal badan iyo jawaabta ay shacabku ka bixiyaan.
Hay’adda baadhista dambiyada ee CID-da ayaa lagu eedeeyaa inay indhaheeda iyo shaqadeeda ku koobto bulshada Somaliland gudaheeda, balse ay iska indho tirto inay nidaam qaran ku shaqayso, waxaana la xasuusanyahay inaanay dan iyo muraad ka gelin dadka ka soo horjeeda qaranimada Somaliland ee dhex mushaaxa magaalooyinka kala duwan ee Somaliland oo uu u dambeeyay siyaasiga Cismaan Jaamac Cali oo isagoo aan aaminsanayn Somaliland dhawaan muddo dheer dalka joogay. Waxaana muddooyinkan dambe la arkayaa in hay’adani hawlaheeda ku koobtay daba galka dadka difaaca ee taageersan madaxbanaanida Somaliland. Si kastaba ha ahate yeedhmada CID-da ee Sheekh Aadam-Siiro, waxa la eegi doonaa halka ay ku dambayso iyo wararka ka soo kordha.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Maxaa Ka Dhexeeya Dalkom Somalia Iyo Kooxda Al Shabaab?

Tixraac Maqaalka Lagu Daabacay Wargayska Hargaysa Star Cadadkiisii 90aad Kuna Taariikhaysan 28/11/2010 Ee Sida Badheedhka Loogu Caayayo Madaxwaynaha Somaliland, Madaxwaynaha Djibouti, Shirkada Somcable, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid. Hadaba Iyadoo Caadeysatay Hargeisa Star Cayda Madaxda Qaranka, Ganacsatada Iyo Ashqaasta Magaca Ku Leh Dalka Ayaa Waxaa Manta Si Qaawan Aan Ugu Jawaabayaa Cayda Ay Caadaysatay Wargeyska Hargeisa Star.
Maqalkan Ay Qoreen Hargeysa Star Waa Mid Ka Wayn War Wargeys Qoro Lakiin Waa Mid Siyaasadeysan Oo Ay Ujeedadiisuna Ka Wayn Tahay Faalo, Una Muuqata Mid Qarankan Somaliland Lagu Waxyeelaynayo Oo Ah Mid Ay Ka Danbeeyaan Shirkada Dalkom Iyo Shariifka Maanta Loo Haysto Saamiyadii Shirkadda Telecom Ee Dhawaan Albaabada Loo Xidhay Dacwaddeeduna Maxkamadda Hortaalo.
Hadaba Waxa Uu Yahay Qodobkaygu:
1. Ugu Horeyn Wargeyska Star/Dalkom/Iyo Inta U Adeegta Ee La Ogsoonyahay Inay Wax Wada Leeyihiin, Lana Hubo In Ay Qarankan Somaliland Weerar Aan Kala Go,Lahayn Ku Wadaan Ka Dib Markay Ka Waayeen Madaxwaynaha Cusub Isku Celintii Labadii Dale E Somaliland Iyo Somaliya Waxay Si Joogto Ah Hargeisa Star Loogu Soo Daabaco Cay Qaawan Oo Siyaasadaysan . Insha Allahna Madaxweyne Siilanyo Ma Noqon Doono Mid Isku Celiya Somaliland Iyo Somaaliya. Wargeyska Hargeysa Starna Nasiib Darro Waxay Noqotay Afkii Lagu Caayi Lahaa Sharafta Iyo Karaamada Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweyne Siilanyana Laguma Oga Taariikh Iyo Magic Xumo Ee Waa Halyey Taariikhdu Sheegtay Wuxuu Yahay Nin Shisheeyana Manta Kama Ogolin Inuu Maalin Walba Suuqyada Hargeysa Ku Qornaado Warqad Loo Sameystay In Lagu Qaldo Oo Lagu Caayo Sharafta Shakhsiyaadka Qiimaha Leh. Waxaa Kale Oo Lagu Daabacay Cayda Madaxweynaha Jabuuti Oo Lagu Dilayo Lagagana Xunyahay Soo Dhaweytii Diirraneyd Ee Walaaltinimadu Ku Dheehnayd Ee Madaxweynaha Somaliland Iyo Xidhiidhka Wanaagsan Ee Bilaabmay. Waxaa Xaqiiq Ah In Markii Ay Ka Waayeen Wixii Ay Rabeen Dadkan Argagixisadu Ku Xidhantahay In Ay Cay Aanay Jamhuuriyadda Djibouti Geyin Maalin Walba Warqaddan Hargeysa Star La Yidhaahdo Uu Si Badheedha Ugu Dhigo. Waxaan Leeyahay Jamhuuriyadda Jabuuti Waa Dhiigayaga Waananu Difaacaynaa Ee Ninkaan Hore U Aqoonoow Barasho Wacan, Jabuutina Waxaa Markhati Ah In La Wada Ogyahay Kaalinta Ay Halgankii SNM Ka Qadatay Mana Qaban Doonto Beenta Qaawan Ee Laga Qorey Waxaanan Siinaynaa Xaal.
Maxamed Aw Siciid Oo La Ogyahay Kaalinta Uu Ka Qaato Horumarinta Dalka, Xag Waxbarashada, Cafimadka, Nabadgalyada, Wadooyinka, Shaqo Aburista Iyo Dib U Dhiska Dalkiisa Somaliland Maaha In Malin Walba Lagu Caayo Hargeisa Star.
In Badan Baa Loo Dulqatay Lakiin Hadii Dad Ahaan Iyo Dawlad Ahaan Wax Looga Qaban Waayo Dagaalkan Cusub Ee Argagixisaddu Dalka Ku Soo Qaaday Way Ka Fogaan Oo Wax Badan Baa La Qod Qodi Shirkado Iyo Ganacsadayaal Badan Oo Ku Lug Leh Cayda Cida Qorta. Muuse Biixi Ma Gayo Mana Aha Mid Muran La Galiyo Halgankii SNM Wuxuu Kaga Yaalaa Baal Dahaba. Waxaan U Aragnaa In Taasina Tahay Mid Lagu Wiiqayo Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye Waana Mid Ka Mid Ah Weererka Dalkom Iyo Huwanteeda Argagixisada Ah. Waxaa Kale Oo Loo Tuhunsanyahay Inuu Rukunada Waaweyn Ee Madaxweyne Siilaanyo Iyo S/Land Ku Taagan Yihiin Baananka Jabuuti Maaha Kuwo S/Land Dhib Ku Haya Laakiin Waa Kuwo La Ogyahay Hadii Aanay Ganacsatada S/Land Baanankaa Helin In Aanay Berbera Sida La Ogyahay Wax Uga Soo Dageen Waxaanad Moodaa In Dalkom Ay Ka Wayday Danaha Ganacsigooda Waxaa Kale Oo Iyana Aad Moodaa In Mucaaridkii Jabuuti .Hargeysa Star Ay Isu Bahaysteen Iney Geeska Africa Dabcusub Ka Holciyaan Hadaba Maxaa La Gudboon Dadweynaha Jamhuuriyada Somaliland Iyo Guud Ahaanshacbiga Reer Jabuutiba Waxaa La Gudboon Inaan Lagu Dilin Dhaqaalaha Faraha Badan Ee Ka Soo Gala Ganacsiga Faraha Badan Eeuga Socda Ta Kale Jabuutina Waxaa La Gudboon Iney Fiira Gaara U Yeelato Ganacsiga Dalkom Uga Socda Haday Jiraan Sida Televoonada Oo Kale La Soco…..

Mohamed Aadan Hassan
Hargeysa,Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, November 15, 2010

Shirkadda Dalkom Soomaaliya Iyo Eassy Oo Lagu Eedeeyey Inay Duulaan Ku Yihiin Qaranimadda Somaliland

Hargeysa (Nnn) –Waxa eedeyn culus loo jeediyey Shirkada DALKOM Soomaaliya iyo Eassy inay duulaan ku tahay qaranimada iyo jiritaanka Somaliland
Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexanyahay Qareen Cabdi Jaamac Yuusuf, oo caawa nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Saxaafada, Waxaanu u dhignaa warsaxafadeedkii oo dhameystiran sidan:-
Waxa saxaafadda Somaliland si is-daba joog ah ugu soo badanaya wargeysyo si joogto ah ugu ban baxay cayda iyo aflagaadada madaxweynaha iyo shirkadda somcable kuna eedaynaya inay u xidhay xukuumadu shirkadda somcable kooto liisan isgaadhsiineed.
waxa intaa dheer inay shaqsiyaad kala duwan oo bulshada kaga kala jira meelo kala duwan oo horleh aanay marnaba u tudhin sharaftooda iyo heerka ay kaga jiraan bulshada inay tusaaleeyaan umadooda ay caddahay inay muuqato inay door bideen laaluush ay qaataan kana caayaan xukuumadda sharafta leh iyo shirkaddaha waddaniga ah ee horumarka iyo ku hawlan sidii ummaddan somaliland cilmi iyo shaqooyin dhalinteeda dihin ay u kasban lahaayeen dalkanina u noqon lahaa mid la jaan qaada kuwa ay umaddoodu meel marisay ee caalamka
Mawduuca xadhkaha badda hoosteeda marra ee ay shirkadda somcable soo xidhayso dhawaan sida shirkadda ka go’an, ee ay shirkadda dalkom somaliya aad moodo inay wargeysyada caasimadda hargeysa ka soo baxa ay ka kireysteen bogag been abuur iska hor imaad iyo jaha wareer ku dheehanyahay. waxa kaloo cad inaanay wargeysyada qoraya qoraaladaasi aanay wax akhbaar ah meelna u doonin ee ay maqaal meel lagu qorey ay soo koobiyaan deetana dhigaan bogoodii wargeyska. shirkadda dalkom waxa ay liisan kooto ah oo aan xili dhamaada ah lahayn ka qaadatay dowlad kusheegva meel gaadhka ah, ina ay soomaaliya dalkom oo kaliya ay xidhi karto xadhiga isgaadhsiinta soomaaliya. dalkom waxa ay ka mid tahay shikadaha ku bahoobay ururka wiocc arag http://www.wiocc.net dalkom waxa ay heshiiska kula gashay inay muqdisho dhigto xadhiga eassy submarine cable oo isku xidhaya siddeed dal oo kala ah k/afrika, moosaambiik,madagaskar, anzania, somalia (muqdhisho), Djibouti iyo Sudan ka dibna ay ku xidhan doonaan xadhkaha caalamiga ah ee yaala dalka djibouti si ay uga helaan inku xidhka europe, americas iyo asia bixina doonaan fiiga ama lacagta qiimaha ay noqoto connection waliba. sida ku cad warsaxaafadeedkii ay soo saartay shirkadda urrurka eassy cable ee taariikhdiisu ahayd 05/08/2010, wax muran ama madmadow u baahan maaha! waxa ku cad muqdisho maanaan dhigin xadhiga sababtoo ah waxa jira xasilooni darro xaga badda somalia ah hase yeeshee waxaanu dhigi doonaa dhinaca waqooyiga somalia oo aanu adeegii soomaaliya ka bixin doono muddo sanad ama laba sanadood ah ka bacdina aanu muqdisho dhigi doono saldhigii waynaa ee aanu ugu talo galney siduu ahaa barnaamijkayagu, xadhigan ku meel gaadhka ahna ee aanu waqooyiga soomaliya dhigaynona waxa aanu ka soo jiidi doonaa dalka jamhuuriyadda djibouti. eeg boga internetka ee http://www.engineeringnews.co.za/article/eassy-undersea-cable-launched-capacity-almost-trebled-2010-08-05" oo ay djibouti marnaba ogolaan doonin inay siiso xadhig aan la hubin cidda leh marka laga eego dhinacyo baddan oo ay u horayso dhinaca amniga. waxa layaab leh in been laga sheego war cad oo aan qarsooneyn
Qaranka somaliland markey arkeen sida ku cad warkan iyo qorshaha shirkadda dalkom somalia waxa loo qoray qoraal lagu waydiinayo liisankooda berbera, shaqada ay qabanayaan oo faahfaahsan, iyo cadenta lahaanshaha xadhiga badda la dhigaayo ee berbera la keenayo meesha uu ka iman doono. dalkom somaliya waxay ku fashilantay inay inta su’aalood ee la waydiiyay ay midnaba ka jawaabi wayday, kaliya waxa ay keeneen shirkad ka diiwaan gashan wasaaradda ganacsiga oo liisankeedu hayay mid loo kala leeyahay 4 qof oo ka ka soo jeeda somaliland uu leeyahay 1% , 99% ka kalena ay leeyihiin niman reer muqdisho ahi . sababta looga waayey jawaab maxay tahay? waa mid fudud jawaabteedu taasi: dalkom somaliya waxa ay liisankeedu yahay mid ay bixisay wasaaradda isgaadhsiinta ee tfg waxana ay ku cadeynaysaa in ay berberi tahay gobol soomaaliya ah madaxwayne siilaanyona yahay badhasaabka maamul goboleedka hargeysa. ka dib markii uu mafdaxweynuhu aqoonsaday khatarta xadhigan siyaasadysan, waxa uu wareegto ku sioo saaray in ay shirkadda somcable tahay shirkadda saxa ah ee waddani ah ee qaranka iyo jiritaanka karaamadda somaliland ay hawshaasi qabato umadduna ugu ducaysay.

Digreetada madaxweynaha jsl
Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) siiyey keenista qalabkan, isaga oo soo saaray Digreeto uu ku ogolaanayo Dhaqangelinta Qoraalka uu madaxwaynihii hore Ruqsada keenista Kaybalka Bada Mara ku siiyey Shirkada Somcable Ka dib: Markuu Arkay Codsiga uu soo qoray M,aamulaha Shirkada Somcable ee ku taariikhaysan 05-082010
Markuu arkay Warqada Ogolaanshiiyaha ee ka soo baxday xafiiska Madaxwaynha 15-08-2010 ee ku saabsanayd Ruqsada kaybalka bada mara ( Submarine Cable ) ee ay bixisay Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo la bixiyey     07- November 2009.Markuu arkay Jiwanka Cashuur qabashada (Voucher 066606) ee wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta.
Markuu arkay: Shahaadada (Certification ) ogolaansha dhigista iyo dhisida kaalinta laga isticmaalayo Submarine Cable.Markuu arkay Muhiimada Dhaqaale iyo huru-marineed ee uu wadanka u leeyahay xadhiga badda mara ee Fiber Optic Cable-ku Madaxwaynuhu waxa uu ogolaaday Dhaqangelinta qoraalka hore uga soo baxay xafiiska madaxwaynaha JSL ee lagu siiyey ogolaanshaha shirkada Somcable Ruqsada keenista Kaybalka Badda mara (Submarine Cable) taas oo ku salaysan Xeerarka Dalka iyadoo loo raacayo Dastuurka iyo Xeerarka ka Farcama.”qaranka/dastuurka jiritaanka jamhuuruyadda somalilandyaa difaaci kara qarankan curdinka ah ee soo koraya su’aashani waxa ay tahay waxa difaacaya waa xukuumadda sare ee dalka iyagoo raacaya sifo sharciya waxaana ay ka bilaabmaysaa wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta oo ka haysatta maandhayd toos ah madaxweynaha, wasaaraddu waxa ay qortay tixraac sharciyeysan oo lagu hagaajiyey madaxda shirkaddaha iyagu leh xadhiga badda ee eassy, mtn iyo contractorkooda warqadaasi oo ay ku cadeyd in aanay cid ka socota shirkadaha kor ku qoran aanay wax xidhiidha ah la yeelan lana lahayn xukuumadda somaliland balse ay jirto shirkadda dalkom somalia inay sheegatay inay xadhig badda soo dhiganayso wax sharciyihina aanu haba yaraatee ka oolin wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta sidii aanu idiinku cadayney qoraalkii wassaaradda ka soo baxay feb/2010. kaasi oonu ku cadeynayney inaan dalkom somalia haba yaraatee wax sharciya aanu ka oolin dalkan sidaa daraadeed aanu ku dardaarayno anagoo waa wassaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta e ixtiraamayna sharciyada iyo dastuurka dalka somaliland aanay dalkom heshiis dhaqaale iyo mis farsamo misnaba ku gali karin magaca somaliland maadaama aanay ka haysan liisankii loogu tala galay shaqooyinka isgaadhsiineed ee noocan oo kale ah hadii la ixtiraami waayo karaamadda dalkayaga iyo soohdimihiisa cayiman waxa aanu qaadi doonaa talaabo sharciga wwfaqsan anagoo ku kalsoon in shirkadda waddaniga ah ee somcable ay ruqsad u haysato hawshaasi kaybelka iyo keenidiisa dawladdana ku qancisay shuruudihii looga baahnaa.
Waxa su’aashu tahay cidda u ololaynaysa ama u hadlaysa shirkadda dalkom ee xadhig ku meel gaadh ah ka keenaysa sida ku cad sawiraddooda iyo warsaxaafadeedkooda djibouti miyaanay hayan mid ku duulaysa jiritaanka somaliland. somalilandna ay tahay talaabadani tii koowaad ee ay ku xaqiijinaysay gooni isu taagooda sida ku cad qoraalkan wiocc/eassy waa sideed dal iyo berbera!! haddaba berbera  ma soomaaliyaa mise waa Somaliland
Hadaba Shirkadda Dalkom Somalia Iyo Eassy Maanta Waa In La Soo Saaro Maxkamad Caalamiya&Nbsp; Laguna Eedeeyo Sharci Darro Ay Kula Kaceen&Nbsp; Somaliland, Oo Ay Ogaadaan In Jiritaanka Soomaaliland Uu Yahay Mid Jira Shirkaddo Iyo Ururo Isu Tagey Oo U Ololeeya Soomaaliwayna Aanay Marnaba Jiritaankaasi Dhiigu Ka Qoyanyahay Isku Dayin Inay Laaluush Iyo Musuqmaasuq Ku Dheelitiri Karin. Shirkadda Wadaniga Ah Ee SOMCABLE Waxaan Ku Hambalyeynayaa Inay Bilaabeen Hordhacii Shaqadda Siday Todobaadkii Hore Ku Sheegeen Saxaafadda, Ayna Si Kalsooniya U Qabsadaan Hawshooda Maadaama Uu Shacabka Reer Somaliland Ee Degan Lixda Gobol Ee Dalka, Xukuumadda Iyo Golayaasha Sharcigu Somaliland Ay Si Buuxda Mu Garab Taagan Yihiin SOMCABLE.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, November 6, 2010

WAAGACUSUB: Warbaahin Laaluush Ku Kortay

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan dadka afka somaliga ku hadla marka xigta waxaan salaamaya shacab xalaasha ah ee reer soamliland
Sidaan la wada socono aduunka aynu ku noolahay waxa uu marayaa heer lagu tilmaamay casri, waxaana cadaan ah in wax kasta dhib iyo dheef is barbar yaala leeyihiin
Dareenka haru marka waxa uu taabtaa meelaha ugu nugul ee u baahanaa in la daadaheeyo tusaale ahaan waxbarashada, caafimadka, iyo war baahinta oo ah shayga dadka somalida ahi 100% uga faa’iidaysteen casriga iyo technology-yada..
War baahintaas oo u badan nooca loo yaqaan website ama mareegaha ayaa ah kuwo noocyo badan oo adeegsado iyadoo dadka qaar u adeegsadaan hab qabiil iyo qoys mid magac doon iyo mid wararka dalka iyo debedaba si fiican looga helo iyo mid waxaasa ka duwan oo ka raadiyaanay wixii uu ku noolaan lahaa ama quudal daruurigii.
Illaahay SWT waxa uu Qur'aankiisa ku sheegay, "Qof aanan irsaaqad u qorin ma jiro ama silic iyo dhib ha ku dhamaysto ama raaxo iyo wanaag." Waxa kale oo Illaahay yidhi, "Qof walba meesha uu ka raadiyo ayaan u galinaa irsaaqadda maadaama oo bini'aadam irsaaqaddiisu tacab ku timaado.."
Tusaale qofka tuugga ah waxa soomaalidu tidhaahda lama ogaado xilli uu jeebkaaga wax kala baxay ama laguma tuso habeenkii haddii uu qorigoo dhan guranaayo, waxa meesha ku jirta xigmad rabaani ah oo qofkan wax lagala baxayaa waa sakhiran yahay ..
Aan u daadago nuxurka qoraalka
Website-ka waagacusub oo aan booqanaayey ilaa iyo markii Cabdilaahi Yuusuf madaxweynaha Soomaaliya laga dhigay waxaan ku arkaayey war bixino si toosa uga soo baxay maamulka webka oo wax lagaga sheegaayo shirkado gaar loo leeyahay sida xawaaladaha, isgaadhsiimaha qaar iyo qabiilooyinka Somaliland qaar ka mid ah iyo shaqsiyaad magac iyo maamuus leh. Waxa hadaba muddooyinka webka ku soo noqnoqo naayey war bixino lagu dhaleecaynaaya xawlaadda ama shirkada dahabshiil taas oo sida ka muuqata war bixinaas u xaglinaysa laaluush doon si toosa uu u caadeystay ninka webka waagacusub leh daahir Cullasow, waxaana ninkaasi caan ku yahay qaadashada laaluushka anigoo markhaati buuxa u haysta war bixin uu ka qoray daahir xawaalada tawakal sanadihii aynu soo dhaafnay.
Ninka maamulaha website-yadani waxa adeegsada shakhsiyaad gaar ah ama xataa shirkado laaluush siiya. 
Saddex maalmood kadibna war bixin kale ku sheegay isla daahir in wixii la isku qabtay laga heshiiyey oo mar danbe aanay dhici doonin in xawaalada wax lagaga sheego waagacusub, iyo war bixino kale oo badan.
Saaxiib Daahiroow xawaaladda dahabshiil way ka weyn tahay wax bogyar lagu wax yeelayn karo magaceeda iyo maamuuskeedana waxba yeeli kari maysid adiguna waxaan hubaa in aad ku dayoobayso meel geri go’an ama hees samee ama muddo haraad, dahabshiil wax uu Somali u qabtay waa wax qoran adiguna waxaad tahay waa wax qoran..
Daahir wax kale oo aan odhan lahaa shacab reer Somaliland in aad 20 sano kadib dib ula soo noqoshadii xornimadooda isku daydo in aad qabiilooyin u kala qaado waa waxa aad u noqotay ma gudbaha iyo inaad aaminto hadii aanad laaluush qaadan oo qof ama shirkad ceebayn in irsaaqadaadu dhamaatay.
Marka aad dhinac kale ka eegto, ninkani waa dantiisa yaqaan si fududna loo adeegsan karo, waxaanad mararka qaarkood is-odhan kartaa maba ahaa nin xalaal ku dhashay, marka loo eego sida xayada iyo xishoodka dadka hagaagsan lagu yaqaanay, damiirka iyo anshaxa Soomaali xalaal ku dhashay. 
Sida aan ku maqlay warar hoose, waxaaba la sheegaa inuu Daahir Alasow ka mid ahaa DHALINTII KACAANKA EE MUQDISHO.
Daahirow sxb filinkaas reer hebel iyo habar hebel waanu soo daawanay hadana waxa uu ka socdaa isagoo waliba luuqad fiican lagu turjumay dalkii aad u dhalatay laakiin waa kuu nasiib daro in aad isku daydo dad jaamacad ka soo baxay in aad u sharaxdo shacarshuu uulada
Waxaan ku soo koobayaa dahabshiil waligeed ma bixiso wax aan milgaheeda ahayn mana bixin doonto waligaaba ciwaano kala duwan soo samee. 
maala yeelo iyo boog 
malax iyo hunqaac dhiig 
madaxana digo ku soo shubo 
waa waxaad macnaysaa


Warbixinno kale FILO

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, October 2, 2010

Nasiib News Is going to develop its contents

Shabakadda Nasiib News Network oo dib u habayn wayn lagu samayn doono. 

Waxaad halkan kala socon doontaa wararkii ugu dambeeyay ee dalka.

The latest Somaliland news.


Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, August 29, 2010

TALLO-BIXIN SHARCI OO KU SAABSAN DHAMAYSTIRKA SHARCIYADDA MASUULIYIINTAN IYO DHISMEYAASHA DAWLADDABA CUSUB

Mudane M/weyne, anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-dhige), isla markaana ah muwaadin Somalilander ah oo aan ka tirsanayn saddexdan Xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID-toona, ayaa ugu horayn aniga oo ku faraxsan kuguna hambalyeynaya Magacabista Masuuliyiintan Cusub ee xilalka dawladda aad u magacawday oo ay ku jiraan Rag iyo dhalin Sharciyaqaano ah oo muddakar ah iyo kuwo kale oo dhammaantood ay yihiin kuwo u qalma xilalkaas oo gudan kara waajibaadkooda shaqo, kuwaasoo aan iyagana Illaahay aan uga baryaayo inuu u fududeeyo gudashada masuuliyadooda AAMIIN – AAMIIN, ayaa M/weyne si aad u xaqiijin kartid ISBEDLKA ay dadku doonayeen oo ah helitaanka Madax dhawrsan iyo Dawlad ku Dhisan kuna dhaqanta Sharciga oo keliya, isla markaana aan ka hor tegayo in Masuuliyiintan cusubi ay Noloshu ka wasakhawdo oo aanay u noqon Xaaraan quuteyaal ILLAAH kama dhigo’e, ayaa waxaa Dammiirkaygu uu igu khasbay inaan halkan si kooban aan kuugu soo gudbiyo Dhaliisha jirta iyo Tallo-bixinta Sharci ee ku haboon in laqaado, oo aan u arko inay Dawladdani ku khasbanan doonto meel-marinteeda waana sidan:-
Soo Bandhigid Kooban ee Dhaliilaha
Ugu horayn, isbedel waxaa la qaadi karaa waa marka la arko dhaliisha jirta ee la isla qaato sida la isu bedelayo. M/weyne, Dalka ma jiraan Sharciyaqaano iyo Baarlamaan kuu nool oo kugu ilaalin karaya inaad ku ekaatid tubta toosan ee ah ISBEDELKA aad rabtid inaad qaado ee laguu doortay, oo ku qaban kara markaad Khaldantid, waxaana hore u baaba’saday oo shiiqiyey madaxdii iskaga kala dambaysay Kursigaa aad maanta ku fadhidid, oo ah kursiga dhibaatadiisa ay ummadani ka degi la’dahay ee hortaagan in ummadani ay hesho Caddaalad Garsoor oo Madax Bannaan oo Wax Ku Ool ah oo Dhakhso ah. M/weyne Mushkiladaha iyo Dhibaatada Garsoorka waa la sixi karaa oo way fududahay oo baadhitaan baanu ku samaynay laakiin cidda u bahaahan in Gacan Bir ah lagu qabto waa laba Gole Siyaasi ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka. Sharciyaqaankuna ma aha mid soo bartay sida Raciyadda loogu noqdo ee beenta loogu raali geliyo Madaxda, laakiin waa dad soo bartay dhawrsanaanta, ilaalinta Xuquuqaha iyo sida Sharciga Raciyadda loogu noqdo, mana jirto sabab ay noo kelifayaan anagoon awoodin ee ay uga hadli la’yihiin toosinta dhibta haysata madaxdooda dedaalaysa. Xataa waad og tahay oo kamay hadal Sharciyaqaanada Dalku Heshiiskii Xaaraanta ahaa ee Saddexda Guddoomiye Xisbi ay ku heshiiyeen in aan jiri karin cid Cid Muwaadin ah oo furan karta Urur/Xisbi Siyaasadeed, kaasoo lid ku ahaa xuquuqda Muwaadinka JSL oo sababtaa darteed ay weli helitaanka xuquuqdaas siyaasadeed ay u dhiban yihiin Ururka u UDHIS iyo qaar kale oo iyaguna leh damac siyaasadeed oo raba inay inay furtaan Ururo/Xisbiyo, waxaanan arinkaas aan kugula talin lahaa inaad adigu M/weyne aad afkaaga ka qirtid oo aad sheegtid Sharcidarada Heshiiskiinii hore ee xaaraanta ahaa ee duruufta iyo Shaydaanku idinku kelifay, waayo Maanta waxaad tahay M/weyne, Xisbigiina (KULMIYE) si Gobonimo leh oo Dimuquraadi ah baad u wareejisay oo waxay tallaabadaadaasi ay ka mid ahayd ISBEDELKA ay ummaddani rabtay, oo ma jirto sabab iyo duruuf dambe oo kugu kelifi karta inaad u hortaagnaatid xuquuqo dad muwaadiniin ahi ay leeyihiin. Waxaana xaqiiq ah haddii dalka ay ka jiri lahaayeen Ururo Sharciyaqaano firfircoon ah oo si guud u ilaalinaaya kana hadlaaya danta guud ee ummadda iyo Maxkamado leh Gobonimo badan oo Sharciga ku difaaci kara xuquuqaha muwaadiniinta oo lagu hiran karo Cidna looma daba fadhiisteen arintaas, khaladaadkaas oo kalena dalka kamuu dhaceen.

Sixitaanka iyo Dhamaystirka Sharciyadda Madaxda iyo Hayadaha Cusub
M/weyne Waxaad Samaysay Wasaarado iyo Hay’ado Cusub; Qaar kale oo jiray waad Baabiisay; Qaar Wax baad ka dhintay; Qaar qaybo Cusub baad ku soo biirisay, Qaar kalena Magacyadoodii hore ayaad ka bedeshay oo magacyo cusub ayaad u bixisay, dhamaan waxaas oo isbedel ahi waxay u baahan yihiin in la waafajiyo Sharciga oo Baarlamaanka la hor geeyo, oo Wasaarado iyo Hay’ado cusub ayuu M/weyne magacaabay oo keliya kuma filna oo sidaa inay ku shaqeeyaan ma aha Ansax (Not Valid). Waxaa mudane M/weyne loo baahan yahay in Masuuliyiintan iyo Hay’adahan cusuba la soo dhamaystiro Sharciyeyntooda (it’s Legitimazation), waayo isbedeladaasi waxay saamaynayaan Shaabaddii, Boodhkii Wasaarada/Hayaddaas, dhamaan Dhukumentiyadii iyo dhammaan xidhiidhada macaamileed ee ay la lahaayeen Dadweynaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda dhexdoodaba. Haddaan Sharciga la waafajin dhammaan talaabooyinka ay qaadaan madaxdaas iyo hay’adahaasi waxay noqonayaa kuwo waxba kama jiraan ah oo aan yeelan doonin wax saamayn raad Sharci ah!! Waayo, “HAL XAARAAN AHI MA DHASHO NIRIG XALAAL AH!!?” sidaas darteed waa in la hawl geliyaa Sharciyaqaanada cusub ee Dalka u baxay, kuwaasoo maanta gaadhay ilaa iyo 300 oo Sharciyaqaan oo bilaa camal ah oo suuqa ku silcayay, kuwaas oo dalkan wax u soo bartay. Ma jirto siyaasad Qaran oo ku waajahan Daboolidda baahidda dhinaca Sharciga ee dalka, madaxduna rabbitaankooda ayaa sharci u ah oo rabaan taas, sidaas darted waxaan ugu baaqayaa dhammaan sharciyaqaanadu inay fadhiga ka kacaan oo heeryada Dulliga ah ay iska rogaan oo ay ismuujiyaan oo ay cidhiidhsadaan. Waayo xuquuqahan oo kale baryo iyo walaal la iskuma siiyo!!?
M/weyne waxaa hubaal ah, in Masuuliyiintan cusub ee aad magacawday ay yihii kuwo loo magaacabay meele cidlo ah oo wax shaqo ah oo cayiman oo la isla garan karo loo dhiibin!! Dabadeedna uu mid waliba si uu isaga tiiryo uu ku dedaalayo inuu jilo xilka masuuliyadeed oo isaga sida ay la noqoto uu wax u qabto, taasina hadhow waxay keenaysaa inay in boqolaal rabitaan (dhako) oo kala jaad ahi ay isku dhici doonaana adiga iyaguba aydin wareeri doontaa oo UDUB ay bikh noqon doonto oo dadku ay idinku dhibaatoobi oo si dhakhso la idiin nici doono dabadeedna cod la idiin qaadi doono ama banana bax la idinkaga dejin doono xilka!!? ILAAH maqaddaro’e. Markaa M/weyne inta aad meel cidla ah aad u magacaabaysid malaa waxaa waxaa ka haboonaan lahayd inaad u dirtid (Magacwdid) inay Aasaaska Hay’ad kasta dhisaan illeen tacabka ay iminka gelayaan kaas baa ka dhowaan lahaa intaanay been jilin!!? ARRINBA ALLAA LEH.
uu mid waliba
M/weyne waxaan haboonayn oo caqliga iyo dammiirka wanaagsaniba aanu qaadan Karin in la magacaabo Masuuliyiin Dawladeed oo aan la garanayn waxa ay shaqadoodo tahay, awoodoodu tahay, Waajibaadkoodu yahay iwm. Sidoo kalena waxa iyana la mid ah in Qof aqoon yahan ah oo Xil iyo Masuuliyad Dawladeed loo magacaabay uu isna aqbalo arinkaa oo uu xar xariiqo waraaqo iwm!! Sidoo kale waxa iyana taas kasii daran Baarlamaanka qaran ee isna ay shaqadiisa iyo sababta Masuuliyadeed ee darteed uu ku qaato mushaharada uu quuto ee uu siiyo caruurtiisa iyo ehelkiisa oo og inaanay sidaas Sharci ku noqonayn Dhismeyaashaas iyo Masuuliyiintaas cusub ee uu M/weynuhu magacaabayba oo aanay ansax ku noqonayn oo aanay miisaaniyad ku yeelan Karin!!? anigu ma garanayo ma mucaarid baan ahay, ma cadaw baan ahayn mise muwaadin baraarujinaya oo toosinaya Madaxdiisaan ahay!!? ARINBA ALLAA LEH
Si kastaba ha ahaatee waxaa xaqiiq ah in Cidda Dawladnimadan JSL aqoonsani ay tahay oo keliya cidda aqoonsan ee uu qabtaan Shuruucda iyo Xeerarka kale ee dalka, laakiin Madaxda dalku aanay isugu tag helayn inay yeeshaan dhaqan, hadal iyo fakir dawladnimo oo ay ku dhaqmaan Sharciga.

M/weyne Baarlamaanku wuu ansixin karaa madax iyo masuuliyiin Wasiiro ah oo la magacaabay, waanu u yeedhi karaa oo wax buu waydiin karaa, laakiin ma garan karaan inay is weydiiyaan Xaaladda Sharci ee ay ku sugan yihiin Masuuliyiinta Wasiirada iyo Aasaaska Sharci ee dhismeyaasha Hay’adaha Dawladda, oo ma jiro haba yaraatee wax xidhiidh sharci ah oo ka dhexeeya Hay’adahaas iyo Baarlamaanka JSL, dalkana kama jiro Xeerka Dhismaha Xukuumadda/Dawladda (Organizations of the Government Act) oo Qeexaya isla markaana nidaaminaya Ujeedooyinka, Hawlahooda, Qaabdhismeedkooda, Baahida Qaran ee ay u taagan yihiin inay daboolaan iwm oo ka soo baxay Baarlamaanka JSL. Sidoo kalena ma jiro Xeerar Qeexaya oo Nidaaminaya Shaqada, Waajibaadka, Awoodaha iyo Masuuliyadda shaqo ee Wasiirada, ku xigeenadooda, Wasiiru Dawleyaasha, Mareeyeyaasha, iwm iyo qayb walba (Every Departments) qaabka ay u shaqayso iyo waxa ay qabatoba. Sidaasna Baarlamaankan maanta wuxuu yihiin kuwo raciyad u kala ahaa saddexda Gudoomiye Xisbi oo mudadii 5 sanadood ku soo dhamaystay Khilaaf iyo laga soo bilaabo arinkii DHAADHJEERE ilaa iyo shalay 26kii June 2010, Xeer kusheeg kasta oo ay soo saaraana wuxuu ahaa mid ku salaysan khilaafaadkaas oo dano shakhsi loogu adeegayo!!? Kuwaasoo dayacay Dantii Guud iyo Masuuliyadii saarnayd iyo Dhaartii ILLAAHAY ay ugu dhaarteen inay dadkooda dalkoodaba dhex ugu ahaanayaan. Mushkiladaasina waa mid ka dhalatay si xun adeegsiga KURSIGA talada iyo Masuuliyadda Dalka! Xeer Kasta oo 20-kaa sanadood Ka soo Baxay Baarlamaanka JSL marka uu M/weyne saxeexo ayuu isna meel sida Teneg Xashiishka uu ku tuurayey oo aan la gaadhsiin Dadweynaha JSL iyo Hay’adihii ku shaqayn lahaaba, Dabadeedna Xeerar ku sheegaas waxaa la dhaqdhaqaajiyaa Marka Awr lagu kacsanayo ama la doonayo in loo cuskado cid larabo in lagu xad-gudbo. Markaa hawsha Baarlaamaanku waa sida dad FOOSTO GUN LA’ DHAAMINAYA, markaa inay xilka iska casilaan bay ahaydee inay maantaba sii fadhiyaan may ahayn!!
M/weyne Xukuumaddii hore waxay ahayd mid fulisa Rabitaanka Madaxdeeda, halkay ka ahaan lahayd inay fuliso Sharciga iyo xeerarka ka soo baxa Baarlamaanka ee awoodda iyo xaqa u siinaya inay qaado.
Sidoo kale ma jiro Xidhiidh Sharciyeed oo ka dhexeeya Ciidanka Booliska iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha oo qeexaya sida ay u wada shaqaynayaan iyo doorka uu Wasiirku ku leeyahay. Sidoo kalena ma jiraan Xeer Baarlamaan oo lagu aasaasay Dhismaha Booliska iyo Xeerar Nidaaminaya Waajibaadka, Shaqada, Awoodaha, Derajada kala sarayneed iyo Xuquuqaha Ciidamada Dalka oo dhan gaar ahaan ciidamada Booliska oo kasoo baxay Baarlamaanka JSL, sidaas darteedna taasi waxay ka dhigaysaa in Ciidamadu ay noqdaa una socod iyo dhaqan eekaadan sidii kuwii Argagixisada ahaa ee Dawladdii Soomaaliya ee qaadan jiray Awaamiirta Khaldan hal-haysdtana u lahaa “YAAKHII ANIGA AMARAAN QABAA NOO!!” iyo in mar walba uu khilaaf ka dhex taagnaado Xukuumadda, Garsoorka iyo Ciidanka Booliska, isla markaana ay noqdaan sida NIN – Nin u Shaqeeya, halkay ka ahaan lahaayeen Dad u Dalkooda iyo Dadkooda u shaqeeya oo Haybad ku dhex leh Bulshadooda.

SOO GUDBINTA TALADA SHARCI
M/weyne, soo bandhigid dhaliilo sixid u baahan Talooyin badaniba waxay ku diyaarsan yihiin Qoraalka iga qabyayada ah ee aan ugu magac daray “QIIMO-DHACA SHARCIGA, QABYADA DAWLADNIMO IYO HABAYCSANAANTA SHARCIYAQAANADA JSL” Fiiro Gaar ah;- M/weyne miyaad ilowday Dulmigii iyo Xanuunkuu Shalay adiga iyo Xaaskaagaba idin Haysatay, Maxaad u soo Magaacibi Weyday GARYAANKI GUUD ee aan kaa Codsaday iyo Soo Af-jaridii Kiiskii TOTAL!!!!?

XEERARKA U BAAHAN IN DHAKHSO LOO SAMEEYO
Si looga baxo in rabitaanka madaxda dalku uu noqdo sharciga keliya ee dalka lagu dhaqo, waxaa loo baahan yahay in xeerarka iyo kuwo kale oo fara badan oo aan gadaal kasoo sheegi doono iyaga iyo faahfaahintoodaba waa sidan;
1. Sharciga Latalinta (Advisory At)
Sharcigani wuxuu Dawladda ku khasbayaa in dhammaan Hay’adaha Dawladda iyo kuwa Caalamiga ahba ay qaataan lataliyeyaal, sababtoo si ah; (1) Si ay Meesha uga baxdo Malo awaalka iyo aqoon la’aanta Sharci ee Madaxda Dalka Haysata iyo in Rabitaankoodu u ahaado Sharciga ugu sareeya ee dalka lagu maamulo. (2) In ay Suuq helaan dhalinta Sharciyaqaanada ahi oo suuqa aanay ku naanaabin, isla markaana iyadoo baahidooda dhaqaale xumo laga faa’iidaysanayo aan ku dhex wasakhoobin Nidaamka Musuqmaasuqa ah (Corrupted System) iyo hab-dhaqanka xun ee Madaxda iyo Siyaasiiinta Dalka, oo ay u noqdaan dad han wayn oo oo xumaha iyo xaaraanta iyo Sharci darada ay uga dhiidhiyaans. (3) Iwm.
2. Xeerkaasi waxa kale oo uu nidaaminayaa habka shaqo, xuquuqda iyo waajibaadka Gudiga Lataliyeyaasha M/weynaha, waxaanu dammaanad-qaadayaa xaqa fikirkooda, waxaanu jidaynayaa in la abuuro Guddi La talin M/weyne (Preesidential Advisory Board). TALO waxay dhimatay markii la weydiin waayey Ehelkeeda ee cidiba u baahan weyday. Waan ku hambalyeynayaa M/weynaha JSL tallaabadiisii ugu horaysay ee ahayd codsigii LATALINTA, waana mid waafaqsan Aayadaha Quraanka Kariimka ah ee 51 Suuradda Shuura iyo 109 ee Suuradda Aala Cimraan.

3. Xeerka Habdhaqanka Madaxda iyo Siyaasiyiinta Dawladda.
4. Xeer Nidaamiyaha Fadhiyada Golaha Wasiirada. Iyadoo lagu cibro qaadanay Qaabkii foosha xumayd ee ay u qornayd warqadii lagu eryey Eng. Maxamed Xaashi Cilmi markii uu Wasiirka Ganacsiga ahaa ee M/weyne Daahir uu qoray waxay u dhignayd sidan “Kadib markaad Golaha Intiisa Kale aad Ka Ra’yi Duwanaatay Shaqadii Waa Kaa Eryey” waa xadgudub in qofku uu fikirkiisa lagu eryo oo uu shaqadiisa kuwaayo, sidoo kale siiqadaasi waxay horseeday in meesha ay ka baxday nuxurkii madashu fadhigu G/Wasiiradu ee ahaa wada tashiga, sidoo kalena waxay sababtay in qof walbaaba uu ka baqay inuu shaqdiisa ku waayo fikirkiisa. Anigu Sideed Sanadood baan ahaa saraakiisha Wasaaradda Ganacsiga ee waaxda Berbera, oo waxaan garanayaa in wasaaradda Ganacsigu tahay barta keliya ee laga qiimayn karo dhaqaalaha Dalka oo dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga oo dhan bay Bille iyo Sanadle u tirakoobtaa Wasaaradaasi (Import ; Export)
5. Sharciga Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda
6. Sharciga Sirta Qaranka.
Wax walba waxaa lagu odhanayaa waa sir oo waxay dhibaato badan la kulma Ardayda Ka Qalin jebinaya Jaamacdaha Dalka ee Diyaarinaya Buugooda Qalin jebinta (thesis Book) iyo dadka kaleba, sidaas darteed waa in la kala cadeeyaa waxa sirta ah iyo waxa aan sirta ahayn. Kiis inantii Samsam waa in aynu ku cibro qaadanaa ee!!?
7. Sharciga Xogta iyo Madax banaanida Helidda Macluumaadka.
Sharcigani wuxuu xaq u siin doonaa in muwaadiniintu ay Dawladooda xaq ugu leeyihiin inay si madax banaan u helaan xogta iyo macluumaadka ay uga baahan yihiin Dawladooda oo inay Baadhitaan iyo waraysiyo la yeelan karaan Hay’adaha Dawladda.
8. Xeerarka keli keli dib loogu aasaasayo dhamaan dhismeyaasha Hay’adaha Dawladda.
9. Xeer Adeega Dalaka Shisheeye (Foreign Service Law) oo Nidaaminaya Waajibaadka Masuuliyadda, Shaqada, Xuquuqda Danjireyaasha iwm, marka laga yimaado Heshiiska Xidhiidhka Dibloomaasiyadeed ee Dalalka Caalamka ee Vienna 1961(Vienna Convention on Diplomatic Relations of 1961) dal kastaaba waxa uu gaarkiisa u leeyahay xeer u gaar ah Functions, Posts, Diplomatic Missions, Consolers and Officers
10. Xeerka Maamulka Dawladda (Public Administration Act)
11. Sharciga Maamulka Booliska JSL (Police Administration Act)

DHISMEYAASHA HAYADAHA/GUDDIYADA
1. Sharciga Dhismaha Xukuumadda/Dawladda.
2. Sharciga Dhismaha Guddiga Diyaarinta iyo Qaabaynta Mashaariicda Sharci (Legal Drafter Board).
Sababta Sharcigani waxay tahay waa si dhakhso loogu daboolo baahida helitaanka shuruucdaas oo xukuumadda iyo baarlamaanku keligood aanay ka lug baxayn, sidaas darteedna waa lagama maarmaan in la dhiso guddiga oo jiritaankoodu noqon doono muddo lix bilood ah.

N.B. waan ka xumahay in ujeedooyinka iyo baahiyaha iyo waxa ay daboolayaan xeerarkaasi aanan halkan ku soo wada koobi kari waayo!

Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali-dhige)

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking