COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, April 16, 2010

FAALLO: Awoodaha Dulman

Qormadani waxa ay iftiiminaysaa awoodo xaqoodii waayay, una baahan gurmad, garab iyo taageero hiil uga noqda cidda dulmiga ku haysa. Waa awoodo jiritaan ahaan aad u baaxad weyn, saamayn ahaan-na aan la dhayalsan karin, kuwaas oo leh taran iyo tamar-ba. Hasayeeshee ay ku geedaaman yihiin cadaadisyo kaga imaya cid aan jeclayn in awoodahaasi madaxa la soo kacaan. Waa awoodo ku hoos jira dulmi, duudsi, degelaysi iyo daacad darro xoogan oo lagaga horjoogo xuquuqdooda.
Dabcan, markasta oo dulmigu sii siyaado waxa uu horseedaa kacdoon iyo iska-dhicin ay ku kucdo ciddaas dulmiga tirsanayaa, isla markaana waxa bilawda is-xulafaysi iyo is-garabsi dhex-mara inta dulmigu wada saameeyey.
Haddii aynu ku soo dhawaano dulucda qormadeenan uu hal-ku-dhigeedu yahay “AWOODAHA DULMAN,” waxa ay si gaar ah u taabanaysaa qaybo ka mid ah bulsho-weynta reer Somaliland oo in muddo ah u xusul-duubnaa sidii ay dhacsan lahayd xuquuq laga duudsiyey. Tolay xuquuqdaasi maxay ahayd? Yaase ka duudsiyey? Qaab noocee ah ayayse ku hanan karaan?
Qaybahaasi waxa ay kala yihiin, dhalinyarada, Haweenka iyo Naafada. Sababta ay ugu sifoobeen awoodaha dulanina waxa ay tahay, waa marka koobaade waa qaybihii ugu badnaa bulshada, hasayeeshee aan nasiib u helin inay ka qayb-qaataan jaan-goynta iyo dejinta hannaanka-siyaasadeed ee dalka. Waxa ay noqdeen awoodo marti u ah in yar oo kooban, oo sida ay doonto ka yeelaysa. Waa awoodo maskax ahaan, muruq ahaan iyo maamul ahaan-ba wax badan tari lahaa geedi-socodka siyaasadeed ee waddanka.
Dulmiga ku habsaday Awoodahani wuu sii kala qoto-dheer yahay oo waxa ugu sahlan ka Haweenka, oo iyaga waxa caqabad ku noqotay arrimo ay ka mid yihiin dhaqanka, dhaqaalaha iyo hab-dhaqanka beelaysan ee bulshadani u nooshahay. Waxa kale oo awoodooda badhxay ta ragga oo u muuqata inay ka buruud-weyn tahay.
Iyaga xalkoodu waxa uu ku xidhan yahay inay dhinac isaga duwaan arrimaha kor ku xusan oo dhan, taas oo ku imanaysa inay la yimaadaan qorshe hawleed dhamaystiran oo sahlaya hanashada awoodahoos siyaasadeed ee ay doonayaan inay waddanka ka hirgeliyaan.
Haddii aynu u nimaadno dhalinyarada, waa kuwa uu ku habsaday dulmiga ugu xumi. Iyaga si cad oo aan gabasho lahayn ayaa loo duudsiyey xuquuqdoodii ka qayb-galka siyaasada talada dalka. Waxaana sidaa lagu xaqiijiyey Dastuurka u dejisan Jamhuuriyada Somaliland, oo tilmaamaya inaan 35 jir wax ka yari aanay isa soo agtaagi karin doorahada Golahayaasha dalka gaar ahaan Wakiilada iyo deegaankaba. Waana asaaska xudunta u ah dulmiga bahdilay awoodii iyo hamigii siyaasadeed ee dhalinyarada.
Somaliland waxa ay ka mid tahay waddamada faro-ku-tiriska ah ee oo xannibay awoodii dhalinyarada, ka dib markii ay u adeegsadeen Dastuurkooda, iyaga oo dareensan quwadda baaxada leh ee ku jirta dhalinyarada oo aynu ognahay inay yihiin laf-dhabarta, aayaha iyo jiritaanka dalka iyo dadkaba.
Waxa farxadeeda leh in tobankii sannadood ee ugu dambeeyey inay dhalinyadu bilaabeen halgan ay ku muujinayaan awoodooda siyaasadeed, isla markaana ay abaal isaga duwayaan dulmiga iyo duudsiga lagu hayo, “Siyaasada waxaa igu kallifay inaan ku soo biiro aniga oo da’ yar qodobo badan oo is huwan, oo ay ka mid tahay aniga yaraantaydii la soo kacaamay inan masraxa siyaasada mar uun imaado, una imaado inaan Ummadadayda u hago meel wanaagsan, si aanan ugu calaacalin qofka xilka hayaa muxuu waxan u qaban waayay.” Tiraabtani waxa ay ka mid tahay dhawaaqyada muujinaya halganka ay dhalinyardu ugu jiro hannasada talada dalka iyo ka qayb-galka saaxada siyaasada.
Inta kuma koobna dhambaalada iftiiminaya dagaalka ay dhalinyaradu ugu jirto sidii u dadafayn lahayd dulmiga lagu hayo, “...Waxa wax lala yaabo ah sida loo dafiray ee meesha looga saaray xuquuqdii siyaasadeed ee dhalinyaru ku lahayd waddankooda, sida loo bahdilay hankoodii iyo kartidoodiiba, sida loogu maaweelinayo ‘mustaqbalkii berrito ayaad tihiin,’ iyada oo laga war-qabo in hadalkaasi yahay mid aan wax-ba ka jirin.” Odhaahdan oo aan ka soo min-guuriyey hal-ku-dhigta halganka siyaasadeed ee dhalinyarada, ayaa waxa si weyn looga dheehan karaa damqashada iyo xaruunka uu ku hayo dulmiga saarani.
Haddii aynu mar kale soo qaadano mid ka mid ah odhaahyada ugu kulul ee dhalinyaradu ku cabirayaan dulmiga lagu hayo, waxa ay odhanaysaa “Dhalinyaradu ma gayaan in la yidhaahdo kama qayb-geli kartaan talada dalkiina, uma qalmaan inay noqdaan awoodii ugu weynayd ee hadana dulmanayd, haddii is-bedel la samaym waayo, dhalinayaradu waxa ay ku qasban taha in muddo aan dheerayn ay iyagu isbedel samayn doonaan, oo ay hantiyi dooyaan awooda dalka.” Si ay dhalinaradu uga dhabayso odhaahdan, waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan isku duubni, wada-tashi iyo kacdoon siyaasadeed oo kaga taqalusayaan dulmigaas.
Markaa aynu qodobkaas-na istaas ku soo waydaarano ee aynu u soo gudubno awooda saddexaad ee dulman, waa dadka Naafada ah, oo iyaga laftooda uu Dastuurku meel weyn kaga dhacay, isla markaana majara habaabiyey xuquuqdoodii ka qayb-galka talada dalka. Waayo, Dastuurku waxa uu ku sifeeyey qofka doonaya inuu doorashooyinka waddanka ka qayb-glo inuu jidh ahaan iyo caqli ahaan- dhamaystiran yahay. Garan-nay caqli ahaan, oo dee waa muhiim in qofka doonaya inuu talada dalka ka qayb-galo in uu caqligiisu taam yahay. Laakiin waxaa xad-gudub ah jidh ahaan, maxaayeelay qofka beni’aadamka ahi waxa uu ku shaqeegaya caqliga oo ah saldhiga hagaya wax kasta oo uu qabanayo. Waxa la helayaa qofk kartidiisu 100% tahay, hasayeeshee naafo ah, taas macnaheedu maaha inuu qofkaasi caqliga naafo ka yahay.
Dadka naafada ah-na, waxaa loo fadhiyaa inay muujiyaan damacooda iyo awoodooda siyaasadeed, si ay ugu muuqdaan dad jira oo lagu xisaabtamo, isla markaana wax dhacansan kara.
Isku soo wada-duuboo, faalladani waxa ay hogo-sulaalayn u tahay dulmi jira oo u baahan in wax laga qabto, haddii wax laga qaban waayana qarxi doona wakhti aan fogayn. Waxa ay ku talinaysaa; maadaama oo aanay bulshadu kala maar karayn, isla markaana ay sida silsilada isku xidhan tahay, waa in la dejiyaa qorsheyaashii lagu xallin lahaa ee lagu fardaamin lahaa ‘AWOODAHA DULMAN’ ee mici lisanaya, isla mar ahaantaana doonaya inay mar uun iska tuuraan heeryada dulmiga ee saaran.

Prepared by: C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Cabdiheersare01@hotmail.com
A Member of SIPSA GROUP [Somaliland Independent Political and Socio-economic Analyzers]
Hargeisa/Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

“M/weynuhu inta uu ii yeedhay buu igu yidhi ii codee, aniguna waan ka diiday. Sababtoo ah..”

Xildhaab Duur
Hargeysa, (NNN)- Xoghayaha guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Xil. Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyay in ay jebiyeen shuruucda dalka, isla markaana wuxuu ka warbixiyay Xeerka Miisaaniyadda ee la filayo in cod loo qaado iyo sababta keentay in uu Mucaaradka u ololeeyo isaga oo UDUB ka soo baxay.
Xil. Duur oo Waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Wargeyska Ogaal ayaa sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ku eedeeyay in uu horjoogo odoroska Miisaaniyadda oo ay sharciyan ahayd in Golaha la hor keeno afar bilood ka hor.
Xildhibaanku wuxuu xusay in Gole ahaan ay qayb ka yihiin dib-u-dhacyo meelaha qaar dalka kaga yimi shantii sanno ee la soo dhaafay.
Waraysigaas wuxuu u dhacay sidan;
S: Marka hore, waxaad nooga warantaa ka Guddi dhaqaale ahaan halka hawluhu idiin marayaan, oo ay ugu horeyso arrinta Xeerka Miisaaniyada?
J: Guddiga dhaqaaluhu hawlo badan waday, waxa u dambeeyey oo hadda aanu gacanta ku haynay Xeerkii Miisaaniyada Qaranka..Guddiga dhaqaaluhu waxaad ogtihiin inay qabatay aqoon isweydaarsi, si taladii Golaha loo fuliyo oo ay ka soo qayb gasho Wasaarada Maaliyadu, laakiin kamay soo qaybgalin nasiib-darro, waxase kasoo qaybgalay dad badan oo aqoonyahana ilaa konton qofbaa lagu casuumay oo aqoonta dhaqaale leh, dadkaasi wixii talooyin ah ee ay ka bixiyeen Xeerka Miisaaniyada waa lagu daray, dabadeedna Golaha ayaa la dhigay Goluhu wuu ka doodday. Markaa hadda wuxuu ku jiraa Xeerkii Miisaaniyadu Guddi gaara baa loo saaray oo ka kooban shan xubnood oo aan anigu ku jiro oo aan ka mid ahay laba xubnood Guddiga kaga jira oo saddex xubnood oo kale oo aan Guddiga dhaqaalaha ku jirin.
Shantaa xubnood waxaa loo saaray si ay usoo ururiyaan dooddii mudanayaasha oo dabadeedna Golaha dib ugu soo celiyaan muddo todoba cisho ayuu u qabtay Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu. Runtii todobadii cisho way dhaaftay, laakiin hadda waanu dhamaynay waxaanu rajaynaynaa in Sabtida soo socota Golaha loo qaybiyo, dabadeedna loo codeeyo. Markaa Xeerka Miisaaniyada Qaranka oo ah xeer ka dhashay oo uu abuuray Goluhu, Wasaaradda Maaliyaduna aanay waxba ku darsan inay wax ku darsatana ay diiday, waxa uu hadda gabagabadiisii marayaa in Golaha cod looga doono si loo ansixiyo, waana Xeer Maaliyadeed oo wuxuu toos ugu gudbi doonaa Madaxweynaha, Guurtida ma maraayo.
S: Sababta ay Wasaaradda Maaliyaddu uga baaqatay kulankii Xeerka Miisaaniyadda lagaga hadlayay, ma idiin sheegtay?
J: Horta may sababayn oo Wasaarada Maaliyadu sababta ay uga qayb-qaadan wayday, Distoorka Qaranka qodobka 55-aad waxa ku cad in Miisaaniyada ansixinteeda iyo fullinteeda uu xeer qeexi doono, markaa waa qabyo Distooriya oo u baahan in la dhamaystiro in Xeerka Miisaaniyada la sameeyo. May sababayn Xukuumaddu inay xeerkaa ka qayb-qaadato wax sababa u heli mayso, laakiin sababta jirta ee iska cadi waxa weeye Xukuumaddu uma diyaar aha Xeerar Maaliyadeed oo dhaqan gala oo kaantaroola lunsiga iyo musuqa baahsan ee jira. Anaga waxa nooga meel yaal waajib qaranbaa na saaran, waxaanu nahay Golihii Wakiillada ee dalka, waajibka na saarani waxa weeye inaanu shuruucdii dalka lagaga dhaqmi lahaa samayno, inaanu qabyo-tirno Distoorkii oo aanu ka saarno xeerbaa qeexi doona, xeerkii qeexi lahaa waa inaanu caddaynaa waa waajib na saaran oo shaqadayadii ah, markaa anagu shaqadayadii waanu qabanaynaa u dayn mayno inaanay Xukuumaddu xeerarka jira aanay ku dhaqmin, laakiin waxa cad oo marag ma-doon ah inaan shuruucda hadday tahay Distoorka iyo hadday tahay xeerarka jiraba inaanay Xukuumadda maanta jirtaa aanay ixtiraamin oo aanay shuruucdii ku dhaqmin waa arrin cad, laakiin uga daali mayno inaanu anagu waajibkayagii qabsano anaga waajibka na saarani waxa weeye inaanu xeerarkii qaranka lagu dhaqi lahaa abuurno, inaan xeerarkii way samayn waayeen la odhan, laakiin waajibka na saarani maaha inaanu Xukuumadda ku qasabno inay Xeerarka iyo Distoorka ku dhaqanto, markaa taayada ayuun baanu guddanaynaa.
S: Wasiirka Maaliyaddu mar uu Shirguddoonka Wakiilada la kulmay wuxuu sheegay in toddobaad gudihii Miisaaniyadda ku horgeynayo Golaha, arrintaasi ma dhicin ee ma idiin sababeeyeen waxa dib u dhigay?
J: Iima muuqdo wax raad ah in ilaa hadda Golaha Wakiilada la horkeeno waxa ka horeyso in Golaha Wasiiradu soo ansixiyaan, waxa lagu jiraa bishii afraad afar biloodbaa tagay sanadkii, waxa ayaan-darro ah in sanadkii saddex meelood sanadka meeli tagtay oo Qaranka maanta jiraana aanu Miisaaniyad lahayn. Waxa ayaan-darro kale ah in ay Xukuumaddu aanay u diyaar ahayn in Xeerkii Miisaaniyada Qaranka uu dhaqan galo oo ay iyadu caqabad ku hayso oo ay dagaal kula jirto. Markaa daliilkii wuxuu ka cad yahay halkan, dalkii Miisaaniyad malaha bishii afraadna waa lagu jiraa, dalkii malaha Xeer lagu dhaqo Miisaaniyadii, Xeerkiina waxa ku socda dhibaatooyinkaad aragteen, laakiin anaga dedaalbaa xagayaga ka muuqda in Xeer Miisaaniyadeed la helo, markaa way isku xidhan yihiin. Sababta Xukuumaddu Miisaaniyadu ula habsaantay ee bishii afraad lagu ee aan Miisaaniyadiba jirin ayaa ah sababta in Xeer la sameeyana aanay Xukuumaddu ugu diyaar ahayn.
Wasaarada Maaliyaddu waxay hore u sheegtay inay idiin yeedhayso Gole iyo guddi dhaqaale ahaan markay samaynayso odoroska Miisaaniyadda, arrintaa maxaa helay, idinkuse ma u tagteen Wasaaradda oo ma kala hadasheen, maxaase idiinka meel yaal?
J: Walaal, waxaad moodaa anaga xagayaga ayuu wanaagu ku jiraa markaan run u hadlo, anagu markaanu Xeerkan Miisaaniyada aqoon isweydaarsiga u qabanaynay waanu soo casuunay kaadhkii martiqaadka xataa gacantayada ugu qaadnay aniga iyo Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha si ay soo dhaweyn u noqoto oo ay nagala qaybgalaan abuurida Xeerka Miisaaniyada Qaranka. Xukuumaddu ama Wasaarada Maaliyadu waxay ballan qaadday markii Miisaaniyadii koowaad dooddeedii lagu jiray inay Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu ay kala qaybgasho marka odoroska Miisaaniyadda ay Wasaaraduhu ku jiraan ee la abuuraayo Miisaaniyada, taasi may suurto galin inay suurto gashana iska dhaaf ma ogala Xukuumaddu. Waxyaabihii dhibta na dhex dhigay aniga shaqsiyan iyo Xukuumadda waxa ka qayb weyn ka ahaa oo aanu ku kala tagnay odoroska Miisaaniyada, inaanu ka qaybgalno xaqbaanu u leenahay iyo uma lihidin oo Madaxweynaha laftigiisu wuxuu garawsan yahay inay tahay shaqadii Wasaaradda Maaliyadda oo lagu faragaliyey, markaa anagu diyaar baanu u nahay inaanu ka qaybgalno Miisaaniyad marka la samaynayo, Miisaaniyadduna waxa weeye qorshihii dhaqaale ee dalka, waana qorshihii dhaqaale ee Dawladu dalka ku maamuli lahayd. Markaa Xukuumadda hadda jirtaa maba aaminsana waxay u aragtaa arrimaha dhaqaaluhu inaanay arrimo qaranka khuseeya ahayn, oo ay khuseeyaan Wasaarada iyo Madaxweynaha oo kaliya. Dhibta jirtaa waxa weeye Xukuumadda maanta jirtaa tiirarka qaranku ka kooban yahay iyo wada shaqayntiisaba ma taqaano, markaa anagu diyaar baanu u nahay inaanu ka qaybgalno, laakiin iyagu ma ogola inaanu ka qaybgalno albaabka iyo hawsha qolkay ku hayaanba inaanu soo galno.
S: Imika ka Guddi ahaan ma hubtaan ama ma ka haysaan xukuumadda waqti rasmiya ama ballan xagooda ka yimi oo ah waqtigaasaanu keenaynaa Miisaaniyadda ah?
J: Maya, anagu wax ballan-qaada kama hayno, qoraalna kama hayno wax naloo soo gudbiyey oo ogeysinana ma jirto, ma ogin waqtiga iyadoo bishii afraad lagu jiro sidaan hore usoo xusay waqti Miisaaniyadii Qaranka sanadkan 2010-ka la keeni doono ma hubno, ma garanayno, noomana muuqato waqti la keeanayo.
S: Ma jiraan baad aaminsan tahay caqabado Wasaarada iska hor taagi kara samaynta odoroska Miisaaniyadda?
J: Haba yaraatee wax caqabad ku keeni kara in odoroska Miisaaniyadeed la sameeyaa ma jiraan, waayo qorshaha in Miisaaniyad la sameeyaa waa mala-awaal ee maaha wax xaqiiq ku salaysan. Miisaaniyadda waxa la sameeyaa sanadka soo socda intaa la galin waayo.. Markaa inaad samaysato ku talogalkaaga oo qoraal ah wax haba yaraatee caqabada oo hortaagani ma jiraan, waayo haddii dakhligaagu yar yahay Miisaaniyadda sanadkaa ku soo gashay sanadka dambe waxaad ku talogalayasaa dakhli yar waayo xeradaadii waxa ku soo dhacay wax yar.
S: Guddi ahaan hore waxaad u sheegteen in Wasiirka Xannaanada Xooluhu idin diiday in uu idin hor yimaaddo, M/weynuhu ma ka soo jawaabay qoraal arrintaa la xidhiidhay oo Shirguddoonku u qoray, maxaase idiinka qorshaysan?
J: Haba yaraatee xukuumaddu kamay soo jawaabin Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Guddiga dhaqaalaha iyo Shir-guddoonkuba waxay u qoreen Waraaqo badan oo loogu yeedhaayo, masuuliyada loogu yeedhayeyna waxay ahayd in laga waraysto xilka uu gacanta ku hayaa halkuu maraayo waa awood Distooriya in Baarlamaanka iyo Guddiyadiisu si ay Wasiirka Xi-lguddashadiisa wax uga waydiiyaan inay u yeedhaan, waana shaqadii Baarlamaanka. Anagu waanu u yeedhanay wuu diiday oo muu iman. Madaxweynaha qoraaladii oo dhan ogeysiinbaa la siiyey wax jawaab ah oo uu ka bicxiyey ma jiro. Hadda anagu waxaanu ka sugaynaa Shir-guddoonka Wakiillada inay laba talaabo miduun qaadaan; 1- inay Golaha ku soo celiyaan iyo inaanu Wasiirkaasi ogolayn inuu Golaha horyimaado oo ay Golaha caddayn keenaan oo dabadedna dacwad loo furo iyo 2- inay u yeedhaan Wasiirkii oo u yimaado Guddigii u yeedhay oo uu qoraalkii Guddiga soo ajiibo. Labadaasaanu Shir-guddoonka ka sugaynaa anagu talayadii waxaanu u gudbinay Shir-guddoonka labadaa jawaabood oo deg deg ah ayaanu miduun sugaynaa.
S: Ka Gole ahaan in badan waxaad ka hadasheen inaad tihiin hay’ada kaliya ee sharciyan dhisan ee aanu waqtigeedii dhammaan, hadda muddo kooban baa idiin hadhay. Maxaa la sheegi karaa ee aad dalka u qabateen?
J: Wallaahi, masuuliyada Gole weynaha anigu ma lihi, laakiin xubin Baarlamaan ah oo kale ayaan u hadli karaa, waayo dee masuuliyada Golaha, Goluhu Af-hayeenbuu leeyahay wax badan baa la qabtaayoo ummadu markii ay na soo dooranayasay wax badan bay filaysa. Waxay filaysay waxa ka mid ummaddu Dawladnimo ayey taqaanaa, laakiin tiirarka Dawladeed siday u kala shaqeeyaan ma kala taqaano, marka mudanaha wixii laga filaayey ee shacabku ka filaayey waan garan karaa. Waa masuuliyad ka balaadhan waxqabad dhab ah ayey ka filaayeen, markaa anigu fullin ma ihi oo fullinta ayaa leh waxqabadka haddii wado la hagaajinaayo, haddii caafimad la hagaajinaayo, haddii iskuul la hagaajinaayo waa shaqadii xukuumadda waa maxay masuuliayada Baarlamaan saarani waxay u baahan tahay in shacab weyneheen laga dhaadhiciyo. Anigu waxaan ku egahay ka mudane ahaan shaqadii iyo waajibaadkii mudanenimo ayaan ku egaayoo waan maxay shaqadaydu? Waxa weeye, 1-Inaan shuruucdii sameeyo shuruuc qarankan hagi karta oo musuq la dagaalami karta ummada kala xadayn karta ummad bilaa sharci ahi waa ummad fawdo. 2-Inaan xukuumaddii dabar u noqdo oo xukuumaddii aanay noqon mid tagrifal ku jirta oo siday doonto u talaabsanaysa waxaan qabaa labadaa talaabo ee aan lahaab inaan gutay. Laakiin dhibta jirtaa waxa weeye, dabarkii aan xukuumada ku xidhay way goosatay, dabarkii Baarlamaanimo xukuumadaa goosatay, xadayntii aan qaban lahaa xukuumada may fullin. Eedda inay xukuumaddu dabarka goosatay Golahayaga laftigiisu wuxuu ku leeyahay qayb, waayo haddii Goluhu ka midaysan yahay inuu xukuumadda dabro xukuumadda waa la joojin kari lahaa, laakiin eeddaa talaabadii labaad ee shaqadaydu ku burtay Golahayaga laftigiisu dhaliil bdan buu ku leeyahay.
S: Xildhibaan, dadbaa kusoo doortay adiga oo deegaan baad ka soo baxday, doorashooyinka markaad galaysayna ballan-qaadyo ayaad samaysay, maxaad is-odhan kartaa Dadkii cadceedda kuu taagnaa waad u qabatay?
J: Ballan-qaadyadu way kala duwaanayeen markii mudanayaashu is sharaxayeen, waxa jira qaar wadooyin ballan qaaday oo sidaan aan kuu sheegay aanay shaqadooda ahayn, runtii anigu haddaan ballan-qaadyadaydii dib ugu noqdo may ahayn, siyaasada oo aan hore ugu jiray awgeed waxa baarlamaan yahay ayaan aqaanay. Markaa maan ballan-qaadin wixii badnaayee waqtigii ololaha doorashadu socday idaacadaha ka baxayey..Markii maxaad qabanaysaa la igu yidhi, waxaan idhi Baarlamanku maaha goob waxqabad ee fullinta xukuumaddaa leh sidan caawaba leeyahay. Markaa umaan ballan qaadin shacabkayga been, laakiin waxaan idhi waxaan qayb ka noqon doonaa inaan dalka iyo dadka shuruuc wanaagsan shareecada islaamka qaabilsan aan ku hawlgalo, inaan wanaagooda ka taliyo doorkaygii ka xubin ahaan maad gabin ban isleeyahy
S: Waxaad ka mid tahay Xildhibaanada markii ay tartamayeen xidhnaa muuqaalka Xisbiga UDUB maanta waxa in badan laga dhex arkaa xafladaha adigoo KULMIYE u ololaynaya, hore umaad shaacin arrintaa. Ma qiraysaa in aad ka baxday dedaalkii ay kuu sameeyeen dadkii kuu hawl-galay ee codka ku siiyay?
J: Labaynu ka kala dhigaynaaye, doorashada ma qofkaa la doortay, mise Xisbigaa la doortay? Anigu waxaan qabaa in aniga la idoortay ee aan xisbiga la dooran, laakiin waxa xaqiiqa ah inaan anigu ku soo baxay gogosha muuqaalka uu xisbiga UDUB leeyahay. Markaa ma anigaa UDUB-nimadii ka baxay oo gees maray mise UDUB-nimadiibaa la af-duuboo cidbaa ku tagrifashay oo xisbinimadii ka tagtay. Waxaan qabaa UDUB-nimadii ayaa la boobay, xisbigii UDUB ee aan ka tirsanaa Gole dhexe maanta malaha, Gole fullineedna malaha. Wuxuu leeyahay musharax iyo ku-xigeen iyo xoghaye, xilka masuuliyadeed ee xisbiguna wuxuu ahaa inaanu wada tashi yeelano. Ssida aan u aaminsanaa xisbigu waxa weeye siyaasadu waa wax la isu geegeeyo, markaa ninka Madaxweynaha ahi malaha awood uu kaligii qaadanayo oo ay dadku ku khasban yihiin siduu u doonayo in loo raaco. Markaanu isku xisbi nahay Madaxweynaha dalka ee Rayaale waa inuu siyaasad cad oo uu dadka ku hago oo xisbinimo oo uu ku shaqeeyo uu leeyahay, siyaasadaasina mid xisbigu ka tashado waa inay noqotaa anniguna isla siyaasadaa waa inaan baarlamaanka dhexdiisa ka fulliyaa, markaasaa xisbi la yahay. Somaliland iyo maamulkii UDUB ee uu ugu mudnaa Madaxweynuhu waxay noqotay sidaan anigu doonayo yeel, dabadeed aniguna waan diiday. Sidaan anigu doonayo yeel ayuu yidhi Madaxweynihii, waxaanu igu yidhi ii codee barito iyadoo dareenkaygu ka duwan yahay waxa loo codaynayo inaan diido oo dareenkaygu I tusaayo. Maalintii isugu kaaya dambaysay (M/weynaha) waxaanu isku qabsanay Miisaaniyaddii 2007-da, aragtidii loo codaynayey anoo Guddiga dhaqaalaha ah ayaa soo qoray, dabadeedna intuu ii yeedhay buu igu yidhi bari ii code, maxay taasi keenaysaa? Waxay keenaysay inaan anigu waxaan soo qoray ka codeeyo, dabadeedna waan diiday. Taasi hadday xisbinimada tahay waan ka tagay. Markaa waxaan caddaynayaa caawa (xalay) xisbigii (UDUB) kamaan tagin, meel qudha kumaan caddayn, caawana caddayn maayo, laakiin talada xisbiga mar dambe ina Rayaale ku dooran maayo hadduu ina Rayaale maanta xisbiga ka tago oo uu baneeyo kursiga waxaan ahay qof UDUB ah, laakiin intuu taagan yahay oo aan taageeri doonaa oo aan codkayga siin doona waan wax aduunyada ka dhaca, umma arko in ina Rayaale xilka ummadeed dib loogu sii aamino, waxaan u arkaa in kuwa kale fursad la siiyo. Haddii laakiin UDUB waa dad balaadhane isbadal ka yimaado waxaan huwan doonaa xisbigayga.
S: Markaa ma u dhigi karnaa ma odhan karnaa waxaad ka mid tahay darka isbadal-doonka ah ee Xisbiga UDUB?
J: Maanta taariikhda jirtaaba waxa weeye dadkii UDUB dayaca ka muuqda waxay ku kaliftay inuu maalinba mid ka dhaco maantoo u dambaysay qaar baad qorteen, dadka maanta UDUB la joogaa isbadalka Somaliland ka dhacaya waxa sabab u noqon doona dadkii markii hore UDUB taageeray bal soo eeg maanta dadka xisbiayada mucaaradka ugu firfircoon waa dadkii sanadkii hore ina Rayaale doortay, markaa xisbigii lama nicin laakiin Rayaale xukuumaddiisa ayaa laga quustay. UDUB jamaahiir badan oo ay leedahay ayaa imika u diyaar ah inay xisbiyada mucaaradka wax la qaybsadaan, maanta haddii illaahay qadarana, muddadaa doorashada ee la cayimay dalka isbabdal baa ka dhacaya.
S: Xildhibaan, waxaad sheegtay in Rayaale yahay cidda laga tagayo ee aanu Xisbiga ahayn, Madaxweyne Rayaale-na waa Guddoomiyaha Xisbiga, sidaad sheegtayna Xisbigu gaar buu u jiraa. Markaa markaad leedahay UDUB kamaan bixin, Mucaaradka ayaanan u ololaynayaa, siday isu qabaynaysaa labadaasi?
J: Waxay isu qabanaysaa, haddii xisbinimada markii UDUB shiraysay dadka talo la waydiiyey oo la yidhi maanta inaga meel maraayana ninka tagaa gar-daran, haddii in durbaan u tunta ina Rayaale intuu la baxsado raggii albaabkii uu ka xidhay, dee UDUB rag badan oo hal-door ahaa oo aan la tirin karin, aaway Cabdilaahi Dirawal, mudanayaashii toban aan ku jiro ayaa albaabka laga xidhay. Sideebay u suurto gal tahay anigoo xubin baarlamaanka oo xisbiga UDUB ah oo Guddiga fullinta ku jira in albaab xisbigu ku shaqeeyo la iga xidho, ma dhacdo adduunyada. Laakiin, dadku wuu kala fakir duwanadaada. Waa in xisbinimadu ogolaataa dadku kala fikir duwanaado, dabadeedna hadhaw waxa loo bato la qaato. Markaa ina Rayaale isagaa xisbigii iyo magacii la cararay isagoo isticmaalay awoodii xukuumadda, markaa dadkan mucaaradka u ololaynaaya waa lagu qasbay, maanta waxa waajib ah oo inta la joogtana ugu baaqayaa, inay maanta mucaaradka xoojiyaan ee aanay ahayn, in laguba dayo inuu Ina Rayaale jaanis dambe uu dalka ku maamulo.
S: Markaad leedahay hore waan ugu biiriyey codkayga KULMIYE, taa maxaa loo qaadan karaa?
J: Waan taageeray, siyaasiyan baan taageeray, in la dhisaabaan taageeray, markaa mucaaradnimadaydu caawa (xalay) ma cusba afar sano oo hore waxaan lahaa talada xisbiga UDUB laguma aamini karo, markaa ciddaan is idhi way badali kartaa ayaan ku biiriyey culayskaygii siyaadeed.
S: Xildhibaan, afar sano ka hor baad mucaarad ahayd, imikana waxaad sheegaysaa in aanad wali shaacinin in aad ka baxday UDUB. Waxa la isweydiin karaa maxaa weli ku haya Xisbiga ee uu dhinacna u raaci la’yahay?
J: Waxa jira shuruuc qaranka u taala oo aan ixtiraamayo oo xeer lambar 14 sharci jiidh ma ihi sida xukuumadda, xeerarka dalka ayaa waxay qorayaan mudanuhu xisbiga laga soo doortay kama bixi karo, laakiin siyaasadiisa waa u xor, markaa si cad uguma dhawaaqi karo UDUB-baan ka baxay xisbigii iyo qofkiina waa ii kala laba, markaa shuruucda dalka u taala ayaan ixtiraamayaa.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Muqdisho: Maydadka dhalinyaro midkood Qoorta laga jaray oo laga helay xaafado kala duwan

Muqdisho,(NNN)- Maydadka laba Wiil oo dhalinyar ah oo mid ka mid ah Madaxa laga gooyay, ayaa shalay laga helay Degmo ka mid ah Degmooyinka magaalada Muqdisho.
Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, mid ka mid ah labadan Wiil ee dhalinyarada ah ayaa maydkiisa la helay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ay Wararku sheegeen inay Kooxaha Dawladda Shariifka ka horjeedaa xoog ku leeyihiin, kaas oo la helay Qoortiisa oo gaar u go’an iyo qaybta kale ee Jidhkiisa oo hareer taalla.

“Wiilka aan mayadkiisa saaka (shalay) aragnay waxaanu ku qiyaasnay da'diisa 21-sano, lugaha ayuuna ka xidhnaa, qoortiisana waxaa la dhigay dhinaca midig ee jidhkiisa.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadkii arkay Maydka Wiilkan oo aan la aqoonsan sababta loo dilay iyo cidda dishay toona.
Dhinaca kale, Mayd kale oo Wiil isna dhalinyaro ah oo toogasho lagu dilay, ayaa shalay lagu arkay Degmada Wada-jir ee isla magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay inay Kooxo hubaysan oo Gaadhi watay ay dhigeen halkaa. Gabadh ay walaalo yihiin Wiilkan oo magaceeda ku sheegtay Yaasmiin Mayow ayaa sheegtay in aanay la ogayn sababta loo dilay Wiilkooda iyo cidda dishay, hase yeeshee, uu dhawaan ka tegay dalka Yugaandha oo qorshihiisu ahaa in uu u dhaafo dhinaca Qaaradda Yurub.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, April 14, 2010

Maxkamad Xukunno Dil iyo Xadhig Isugu jira ku ridday eedaysanayaal loo haystay dilka Taliyihii qaybta 12-aad ee Ciidanka Qaranka

Hargeysa, (NNN)- Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa maanta xukunno dil iyo xadhig isugu jira ku xukuntay lix eedaysane oo loo haystay dilka Taliyihii qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cismaan Yuusuf Nuur, kaas oo lagu khaarajiyey fal argagixisanimo ah, ka dib markii loo adeegsaday Miinada meesha fog laga hago isaga oo ku sugnaa wakhtigaa Magaalada Laascaanood horraantii bishii 11-aad ee sannadkii 2009.
Maxkamadda Gobolka Saaxil oo muddaba gacanta ku haysay kiiska eedaysanayaashaa, isla markaana dhawaan gebagabaysay dacwadda kiiskaas oo ay muddo ku dhagaysanaysay Xabsiga Degmada Mandheera, ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqday xukun ay ku ridday 5 Nin oo ka mid ah 9 nin oo dilka Taliyihii qaybta 12-aad loo haystay, kuwaas oo ay Maxkamaddu dil ku xukuntay 2 ka mid ah oo kala ah Cabdifataax Muuse Yuusuf oo ahaa Taliyihii Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool iyo Maxamed Axmed Abgaalaw, sidoo kale waxa ay Maxkamaddu dil ku xukuntay Cabdirashiid Yuusuf Buraale oo maqane ah ama aan gacanta Somaliland weli ku jirin.
Waxa kale oo ay Maxkamadda Gobolka Saaxil xukun xadhig ah ku ridday Cabdirashiid Axmed Warsame, waxa lagu xukumay hal(1) sano oo xadhig ah, halka Maxamed Jaamac Ducaale lagaga xukumay 8 sano oo xadhig ah iyo Cabdiqaadir Cabdi Xasan oo ay Maxkamaddu ku xukuntay 15 sannadood oo xadhig ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahin Daahir, ayaa intii aanu xukunkaas ku dhawaaqin, waxa uu sheegay in shanta nin ee la xukumay iyo ka lixaad ee maqan si buuxda loogu helay inay ka dambeeyeen, isla markaana ku lug lahaayeen dilka Taliyihii qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland ee aagga Bari Marxuum Cismaan Yuusuf Nuur oo 1-dii bishii 11-aad 2009 lagu dilay Magaalada Laascaanood, ka dib cadaymo iyo markhtaatiyaal Maxkamadda horteeda ka caddeeyey kiiskaas.
Sidaa daraadeed, waxa lagu xukumay ciqaabo dil iyo xadhig isugu jira oo ay mutaysteen ka dib markii dambigaasi Maxkamadda horteeda si buuxda ugaga caddaaday.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamaddu in xukunkan ay Maxkamadddu u cuskatay qodobbada 434, 120, 122 ee Xeerka Ciqaabta guud iyo qaar ka mid ah Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah. Maxkamaddu, waxa ay xorriyaddoodii u soo celisay oo ay isla maanta sii daysay 4 Nin oo ka mid ahaa sagaal eedaysane oo dilka Taliyahaa loo haystay, kuwaas oo u kala dhashay waddamada jaarka la ah Somaliland ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteria, ka dib markii wax dambi ah lagu waayay.
Si kastaba ha ahaatee, Kiiskan maanta Maxkamaddu xukunkiisa ku dhawaaqday, ayaa soo jiitamayay tan iyo 1-dii bishii 11-aad ee 2009, isla markaana waxa ku xeernaa dareenno aad u fara badan, hase ahaatee, shakigii laga qabay kiiskaas oo dadka qaar ku eedayn jireen inay Xukuumaddu marin-habaabinayso Maxkamadda Gobolka Saaxil oo dhawaan loo soo wareejiyey qaadista dacwadda eedaysanayaasha la xukumay, qaarna la sii daayay, ka dib markii laga soo wareejiyey Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool oo markii hore dacwaddu ka bilaabantay.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Ururka Ciyaaraha ee Waayo-arag oo dhaliilay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Hargeysa,(NNN)- Ururka waaya-aragga Ciyaaraha ee Waayo-arag, ayaa dhaliilay Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha, isla markaana waxay dusha u saareen rabshaddii dorraad ka dhacday Garoonka Ciyaaraha ee Hargeisa Staduim.
Hoggaanka Ururkaas oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha ku eedeeyay in aanu aqoon u lahay xilka loo igmaday, isla markaana waxay xuseen in dhawr jeer cabasho ka muujiyeen, balse aan wax tallaabo ah laga qaadin. “Madaxweyne, in badan baa Joornaallada lagu soo qoray in Wasiirku uu yahay Suus ku dhex jira Somaliland oo laga cawday oo dhalinyaradu ka cabatay ninkaas (Wasiirka Ciyaaraha).” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Ururkaas Axmed Maxamed Sawaaxili, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Hase ahaatee, waxba lagama qabanin. Maahmaah baa tidhaahda; Haamo madhani way sanqadh badan yihiin, waxay uga jeedaan ninka jaahilka ee aan waxba aqoon, Wasiirkan Maxamuud Siciid waa Wasiir jaahil ah, markaa waa inuu sanqadha badiyaa. Waxaan tacsi u dirayaa Wasiirkii iskaaya baray Wasiirkan ee yidhi maxaad wax ula qaban waydeen, isla markaana isu-kaaya geeyay.”
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in Wasaaraddaasi aanay si sax ah u gudan waajibaadkii la saaray, isla markaana ay taasi keentay inay ka rejo go’aan dhalinyaradu wax-qabadka Wasaaraddaas.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta Ururkaas.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Burco: Wasiir xaalad Caafimaad loogala soo cararay Laascaanood

Burco, (NNN)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Saleebaan Warsame Guulleed oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa Caafimaad ahaan loogu soo qaaday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Inkastoo aanay Xukuumaddu wax war ah ka soo saarin sababta Wasiirka loogu soo qaaday Burco, haddana siday faafisay faafisay idaacadda Horyaal, waxa daawan ahaan loo keenay Cusbatal ku yaala Burco, ka dib markii bahal ku qaniinay magaalada Laascaanood.
Warku wuxuu intaa ku daray, in bahalka Wasiirka qaniinay uu ahaa Hangarale ama Dib-qalooc, isla markaana subaxnimadii shalay loo soo qaaday dhinaca Cusbatalka gaarka ah ee MANHAL laantiisa magaalada Burco.
Sida la sheegay, Wasiirku waxa uu xilligaa ku sugnaa hotelka Xamdi ee magaalada Laascaanood.
Lama sheegin in Wasiir Saleebaan Warsame Guulleed Cusbitalka la dhigay iyo in daawayn fudud loogu sameeyay. Isla markaana, mar aanu la xidhiidhnay oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino, ayaanay noo suurtogelin in aanu helno.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking