Showing posts with label fikrad. Show all posts
Showing posts with label fikrad. Show all posts

Tuesday, July 6, 2010

Nidaamka Xil-Wareejinta Madaxtooyada

Ujeedada Nidaamka Dimoqradiyaddu waa habsami xil u wareejinta awooda fulinta ee dawladda. Dawladdaha Caalamkana qarniyo bay ku qaadataa inay dejiyaan nidaam sugan oo distooriya oo lagula kala wareego awooda fulinta ee dawladda. Siyaasiyan way fududay sida badanaa ka dhacda dalalka aan dimoqradiyaddu ka tisqaadin in laba Madaxweyne oo isku Xisbi ahi ay xilka iska dhaxlaan. Laakiin nidaamka dimoqradiyadda runta ahi wuxuu tis qaadaa marka ugu horaysa ee Madaxweyne geeriyeyooday Ku-xigeenkiisa xilka loo dhaariyo.
Dalka Maraykanka Madaxweynihii ugu horeeyey ee dhinta isagoo xilka haya wuxuu ahaa William H. Harrison sanadkii 1841. Laakiin Kongreskii Maraykanku way qaadaceen inay ku-xigeenkiisii, John Taylor, u aqoonsadaan Madaxweyne ilaa la ansaxiyey qodobka dhaxalka Madaxweynaha (Presidential Line of succession Amendment).
Siyaasiyan arintani way khalkhalisay dadka Maraykanka. Laakiin Somaliland waxay ka gudubtay imtixaankan May, 03, 2002 ka dib markii Daahir Rayale Kaahin loo dhaariyey xilka Madaxweynenimo saacado ka dib geeridii marxuum Mohamed Ibrahim Cigaal.
Imtixaanka labaad ee dimoqradiyddu waa marka Xisbi-Xaakimka talada haya ee uu Musharax u yahay Madaxweyne xilka hore u hayey doorashada laga helo ee uu aqbalo natiijada. Arintani Qaarada Afrika kama dhacdo. (Dalka Senegal Sanadkii 2000 Madaxweyne Abdou Diouf wuxuu xilka ku wareejiyey musharaxii mucaaridka ee doorashada ka helay Mudane Abdoula Wade, ka dib markii Ciidamada qalabka sidaa ku hanjabeen inay talada dalka la wareegi doonaan hadii dimoqradiyadda la iixtiraami waayo). Sidaa awgeed waxaa la sameeyey jaaisado iyo bilado lagu sharfo Madaxda Afrikaanka ah ee xilka ka dega marka doorashooyinka laga helo.
Hadaba sidee bay laba maamul oo kala laba Xisbi ahi isu bedali karaan isuguna wareejin karaan shookaanta maamulka fulinta ee dawladnimadda?
Hambalyooyinka iyo Tahniyadda ka dib waa in Madaxweyne Mudane Daahir Rayale Kaahin iyo Mudane Axmed Maxamed Muhamoud, Madaxweynaha la doortay (President Elect) wadajir u magacaabaan Guddiga Xil-Wareejinta Madaxtooyadda. Guddidani waa inay shaqaysaa ilaa July, 25, 2010. Ujeedadada Guddiguna waa habsami xil-u-wareejinta awooda fulinta ee dawladda. Tiro ahaan waa in Xisbiyadda UDUB iyo KULMIYE midkiiba yeeshaan shan xubnood halka Xisbiga UCIDna ay tahay inay yeeshaan laba xubnood oo markhaatiyaal ah.
Siyaasiyan waxaa ugu haboon in loo magacaabo guddigan:
UDUB:
Wasiir ka tirsan Xukuumadda, Xubin ka tirsan Golaha Wakiiladda, Xubin ka tirsan Golaha Guurtida iyo Xubin ka tirsan Golaha Fulinta ee UDUB iyo Xubin ka tirsan dadweynaha.
KULMIYE:
Xubin uu Madaxweynaha la doortay damacsan yahay in uu Wasiir u magacaabo. Xubin ka tirsan Golaha Wakiiladda, Xubin ka tirsan Golaha Guurtidda, Xubin ka tirsan Golaha Fulinta ee KULMIYE iyo Xubin ka tirsan dadweynaha.
Sharciyan waa in labada dhinacba ay ku jiraan hal garyaqaan. Kulanka ugu horeeya ee Guddiga waa in la isla meel-dhigo arrimahan:
-Tirada Madaxda la badalayo.
-Tirakoobka hantida Qaranka.
-Wareejinta Arkiveska dawladda.
Madaxweynaha la doortay wuxuu xaq u leeyahay saraakiishii digreeto Madaxweyne lagu magacaabay oo kala ah:
-Wasiir, Wasiir -u-Dawle, Wasiir-ku-xigeen.
-Maareeye.
-Taliyayaasha Ciidamada iyo Ku-xigeenadooda.
-Danjirayaasha.
-Agaasimayaasha Guud.

Golaha Wakiiladda:
Waa in sida ugu dhakhsaha badan dib la isugu yeedho GW si ay u fatashaan, baadhaan, waraysiyana la yeeshaan Xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada iyo Madaxda kale ee ay distooriyan tahay in ay ansixiyaan.
Waa in laga taxadiro in uu dhaco faariqaad awoodeed (power vacuum). Isla markaana waa in si joogto ah Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Taliyaha Milatariga, Taliyaha Boliiska si joogto ah ugu waramaan lana tashadaan Madaxweynaha la doortay (President Elect).
Ugu dambayn Caalamiyan waxaa akhlaaqiyaadka siyaasadda ka reeban in dawladda doorashada laga helay ay:
-Darajo bixiso.
-Heshiisyo gasho.
-Cafis bixiso.
-Cashuur cusub soo rogto ama mid hore dhaafto.
-Shaqaale cusub qorato.
Ilaamaa xilka laga tirsanayo.

Abdihakim Yusuf Kheire,
President, Institute of Democracy & Governance
Abdihakim365@hotmail.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, June 28, 2010

Sababaha ka dambeeya guushii ay somaliland dadkeedu ka soo hooyeen , doorashadii dhacday‏

Waxaan salaamaya , oo aan ugu hamabalyeynayaa guusha doorashada, ee ay ku farxeen dhamaan shacabweynaha somaliland meelkasta dunida ha ka joogaane , bacda salaan , waxaan isku dayi doonaa , inaan aragtidayda ku iftiimiyo arrin aanu soomalida kale oo dhan dheeraanay , oo ilaa hadda aanay iyaguna dhaadsanayn , balse ah , lix tiir oo ay somaliland maanta ku tiirsan tahay , alle ( s.w.c ) ka sokowna , aanay halkaas maanta somali oo dhami majiiranayso soo gaadheen , hadaanay jirin , lixdaa qolo oo aan aniga iyo inta ila aragtida ahi u aqoonsan yihiin , tiirarka dhabta ah , ee ay ku taagan yihiin guulaha ay somaliland gaadhay intii ay xoriyadeeda la soo noqotay , isla markaana aan ku guubaabin lahaa inay somalidan arrinteeda xalka loo waayey , inay nagaga daydaan , hadaanu nahay qaranka somaliland iyo dadkiisa.
Bal aan carabaabo anigo mid mid u kala qaadaya lixdaa tiir ee somaliland ay ku faanto oo aanu dheernahay wixii la odhan jiray shanta somaliwayn
(1) Askari , daacadnimo iyo akhlaaq wanaag isku darsaday
(2) Suxufi , daacadnimo , dhiiranaan iyo dhexdhexaadnimo isku darsaday
(3) Guurti , daacadnimo iyo xaqsoornimo isku darsaday ( f.g : guurtidu maaha 82 golaha noo fadhida oo kaliya ee waa qof walba oo nabada iyo wanaaga ka taliyayaaba isla markaana dadka isku soo jiida )
(4) Siyaasi aan axmaq ahayn oo dadkiisa iyo dalkiisaba u naxa , oo harag-daamada ka ilaaliya
(5) Sheekh caalim ah , oo sida alle iyo rasuulkiisu , raalida ka yihiin , caamada diinta ugu bayaamiya oo aan jaahwareer ku ridin
(6) Shacab dantooda u heelan oo kala garanaya wixii u dan ah iyo wixii dhib u horseedi kara

Aan mid walba taabtaabto waxqabadkiisa anigoon buunbuuninayn
(1) Waxqabadka askariga somaliland
Askari somaliland waa mid aan ku fikirin , sida ka dhacda askarta caalamka kale , diraysan aad gashan tahay waa mid aad waxaad doonto , ama danahaaga gaarka ah ayaad ku fushan doontaa, balse askariga somaliland waxa uu ka warqabaa inuu dadkiisa iyo dalkiisa u shaqeeyo isla markaana ka difaacayo , cadaw dibadeed iyo midka gudahaba , askariga somaliland waa mid aan tacadi ku samayn , isla markaana xaqdhawra shacabka Police, iyo Milatari ka uu doono ha ahaadee, waa askari , binu-aadanimada iyo akhlaaqdii muslinimadu ka muuqato, waa askari marka uu cadawga qabanayo ku faro kulul, marka uu dadkiisa u shaqaynayana aad ka dareemayso , deganaan , dabacsanaan, akhlaaq wanaag , taxadar uu ka taxadirayo , inaanu wax hagardaamo ah u gaysan dadkiisa , mana aaminsana in uu dadkiisa xoogisa askarinimo u muujiyo, ee wuxuu aaminsan yahay odhaahda carbeed ee tidhaahda , qofka binu-aadamka ah wada ugu sahlan ee aad ku gumaysan kartaa waa adigoo wanaag badan u sameeya , dantu qofkaas aad wanaajisay waxay ku khasbin inuu ku adeeco oo kaa dambeeyo, somaliland dadkeedu markay arkeen akhlaaq wanaaga askartooda , dhamaan waxay ka siman yihiin fikirka ah , askarigu inaguu inoo shaqeeyaaye aynu la shaqayno ixtiraam badana ugu muujino la shaqayntaa , madaama baahiyihiisa badan ee uu khaaska u leeyahay dalkeenu maanta wada dabooli karin alse cadawga sida loo karbaasho waa yaqaan, marar badan oo cidda somaliland u cadawga ahi dibad iyo guddo meesha ay doonaan ha ka yimadeene , ay damceen inay shamacaa damiyaan , askarta somaliland talaabadii ku haboonayd way qaadeen , guulna way u soo hooyeen dalka iyo shacabka somaliland, taariikhdaana xusin oo aan ka duugoobayn.
(2) Askariga labaad aan ku baro ( suxufiga qalinka ku dagaalama )
Tan iyo intii somaliland xoriyadeedi la soo noqotay , waxay samaynaysa , astaamo ay ku muujinayso, erayga ah ( xoriyad ) oo ah erayga ay ku andacooto inay u dagaalantay oo 500,000 qof kaga baxeen sida ay u heli lahayd eraygaa kaliya ee ah xoriyad, waa laga yaabaa in dadka qaar u yaqaanaan erayga xoriyad , dhul , ama dad , balse waa eray intaas ka macno balaadhan , dhulkuna haddaanad xoriyad ku haysan macno kuguma fadhiyo , waxaana tusaale kugu filan , walaaleheena falastiin .
su,aasha meesha taal ayaa ah somaliland eraygii dalkeedu u burburay isla markaana kumanaan ay jeclayd u wayday ma heshay mise wali may helin?, su,aasha jawaabtan waxaa ka jawaabaya ninka suxufiga la yidhaahdo ee somaliland ka hawl gala , warbaahinta uu ka hawl galaa mida ay doonto ha ahaatee ( sida , websideyada , wargeysyada, tvyada , ) balse madaxa banaan ee aan loo yeedhin waxa ay qorayaan, isla markaana shaqada ay dadkooda u hayaan , aan cidna uga gaban , agaasime , wasiir , ama madaxweyn ka uu doono ha sheegte, hadii mur ay ka qadhaadhahayna, runta kolba shacabku ku sugan yahay soo gaadhsiiya, isla markaana ka taxadara in warbixintaa uu gudbinayaa keento isku dhac ama qalalaase hor leh , oo waa nin masuuliyada uu hayaa inay tahay seef laba afleh oo dhanka xunna loo adeegsan karo dhanka wanaagsana loo adeegsan karo garan kara, isla markaana mixnadiisa aan runta ku dabooli ee banaanka ku keena , isaga oo ka taxadiraya dhibka ay leedahay warkaa uu gudbiyaa , balse xagga wanaagsan ka eega.
waana askari meelaha qaar kaga wanaagsan askariga qoriga sitta, sida wasiirada iyo madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiintaayada khaldanta ama dhibka soo wada waddada aanu kaga cabano ama iskaga qabanaa waa wiilashaa iyo gabdhahaa dada yar ee u dibad-gaaloobay difaacida rayidka , uu ninka masuulka ahi ama siyaasiga ahi ku tuman lahaa.
waana waxyaabaha aanu dhamaan shantii somaliya lagu magacaabi jiray kaga duwanahay

(3) Guurtinimo
Erayga guurti fasilaad badan iigama baahna oo somali way wada taqaan ,balse halka uu waxqabadka somaliland kaga jiro aan yara xuso , somaliland waxay somaliyada kale dhamaanteed ku dhaanta oo ay nasiib u yeelatay , marka horeba in odaygeeda la tixgaliyo oo wiilka dhalinyarada ahi ka dambeeyo odayga guurtida ah , isla markaana aanu garab boodin ee uu u daayo talada , isla markaana adeeco go'aamada ka soo baxa , kolba arinta taagan cidda ka guurtiyeysa , guurtidaasina waxay ka dheeraataa inay ku kacdo wax eex noqon kara , illaahay dartiina arin kasta oo timaada dhexdhexaad ayey uga noqdaa, waana tallo waayeel waxa ay somaliland halkaas ku soo gaadhay , walow aad moodo in hadda qoladii , aanu sida gaarka ah guriga Guurtida u fadhisinay ay siyaasadii ku dhex milmayaan, waana arin khatarteeda leh , hadaan intay dhaw dahay xal loo helina dhibkeedu badan , saamaynteedana dalka iyo dadkaba waa ay ku yeelan, waayo siyaasigu waa cadaw , hadii uu arrinka odayga kala hoos baxana sida somaliya hadda ka taagan ayay noqon, oo odaygii waxba laga dhagaysan maayo , wiilkii dhalinyarada ah wuxuu noqon doonaa sida somaliya agab uu ninka siyaasiga ahi danihiisa ku fushado
waana wax alle loogu mahadnaqo in odayaasheenu cuqaal , waxgarad , abwaan , mutacalim ka uu doono ha ahadee ,garanayo macnaha guurti , isla markaana danta dalka iyo dadkaba dhexdhexaad ka yahay
(4) Siyaasi dadkiisa u naxa
siyaasiyiinta somaliland maaha , siyaasiyiin damacooda oo qudha tixgaliya, ee waa siyaasiyiin waxbadan eega isla markaana aan ka talaabsan danta dalka iyo dadka , oo aan dan khaasa oo ay leeyihiin u halaagin , ummada ay masuulka ka yihiin, balse hadii ay dhici lahayd sida ay u walaaqayaan siyaasiyiintu walaalahena somaliya meeshaas aynu hadda joogno maynaan soo gaadhnee
tusaalena waxa kugu filan , markii qamaamuurta kulmiye lagu yidhi 80cod ayaa laydinkaga helay , hadii ay damacooda ku sii taagnaan lahaayeen wax badan ayey kharibi lahayeen , balse dalka oo ay lexjeclo ka haysay ayey uga tanaasuleen cabashadoodii,
tii kale ee maalintii dhawayd saddexda xusbi dalka ku badbaadiyeena guul kale oo siyaasiga somaliland u soo hoyatay ayey ahayd , doorashada soo socotana alle xaqqa ha garan siiyo , komishanka , cidii ku guulaysatana waxaan filayaa inay labada kale u hambalyeyn doonaan , oo ay taariikhda ku gali doonaan waxaan afrika ka dhicin
(5) Sheekh diinta islaamka sida xaqqa ah u sheega
alle s.w.c umadiisa diinta isku si umuu wada barin , dalkastana waxa uu maalinta qiyaame kala xisaabtami doona kolba inta uu fursada u siiyey diintiisa macaan inay bartaa, cidii si khaldan u adeegsatana , alle waa yaqaan waxa uu abaal uga dhigi doono, waana ayaan daro hadda somalida ku soo koradhay in waxaan diin ahayn diin lagu sheego isla markaana , kitaabkii alle laga dhigo ( la jiifiyaana banaan ) oo aad arkayso laba nin oo culimo sheeganaya isla markaana midba aayad quraan ah soo daliishanayo , danahiisana ka dhex eegayo , ka fikirka kaga soo hor jeedo ku tilmaamayo ( gaal ) subxnalah , allahayow yaqiinta ha naga xumayn.
somaliland dadkeedu way ka nabad galeen , culumo isku sheeg caamiyaha wareerisa , isla markaana kitaabki alle ka dhigata , madedaalo qofba sida laabtiisu jeceshahay u marsado
waana culimo wixii alle kitaabkiisa ku diiday dadka u diida , wixii ku dhiiriyeyna ku guubaabiya inay sameeyaan si dambi dhaaf iyo naxariis ay xagga alle uga helaan
(6) Shacabka
Waa shacab yaqaana colaada iyo nabada farqiga u dhexeeya , horumarka iyo burburka farqiga u dhexeeya , isla markaana waa dad muwaadinimadu ka dhab tahay oo isku tanaasulka iyo istixgalinta dhexdooda ah yaqaan , waxaanad ka dareemaysaa marka ay sidan 26 jun dhacday oo kale iskugu yimadaan , kooda jilicsan waa ay ixtiraamaan , kooda naafada ah way u gargaaraan,
waana dad garaadkoodu sareeyo oo aan in gaar ahi ku shuban karin danaha gaarka ah ee ay kooxdaa gaarka ahi leedahay , ku darsoo waa dad baraarugsan oo intaanu ciidanku cadawga qaban isku taxalujiya inay iyagu qabtaan oo qofka ama kooxda dalka harag daamada u wada aan la sugin ciidanka dalka balse waxwalba isku daya inay iyagu saxaan, iyagoo dhexdooda is tixgalinaya sida uu qof kasta oo ololihii somaliland saddexda todobaad ka socday , ogaa , dareemi karo ama ka dheehan karo , sida shacabka somaliland u yihiin dad isku xidhan, waana sababaha somaliland halkaas soo gaadhsiiyey.
Somaliland qodobaddaas aan kor ku xusay ayey ku caano maashay , somalida kalena alle ha garan siiyo , wixii ay xaq u leeyihiin

Allena ummada islaamka ha u gargaaro meelkasta oo ay dunida kaga nooshahay dhibkana ha ka dul qaado

Cabdiqaadir Maxamuud Maxamed
Hargeysa, somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, June 26, 2010

Haddaan Taageero Waayey, Ma Tabaan Waayey?!!

Dadweyenaha sharafta leh ee reer soomaaliland waxan ku salaamayaa salaanta islaamka asalaamu alaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu. Ayadoo oo maanta loo dareeray codbixintii doorashada Madaxweynaha, waxaan Illaahay ka baryeyaa in ay si nabadgalyo ah inoogu dhacdo.
Waxan jecelahay inaan sii baraarujiyo shacbiga isbeddel-doonka ah si ay codkooda uugu hubsadaan xisbiga kulmiye oo masiirka dadka iyo dalkuba ku toosayo.
Taageerada xisbiga Kulmiye oo buuxdhaaftey iyadoo lagaasoo digaroganayo xisbiga Udub, Maxaa u sabab ah?
1. Kaarbetkii Casaa ee Odweyne (The Odweyne Red Carpet Reception)
Kadib socdaalkii Mujaahid AHMED MOHAMED MOHAMOUD SIILANYO ku tagay Odweyne, waxay anfariir iyo layaab ku noqotay xisbiga Udub oo beesha Odweyne isku halaynaysey.
2. Taageerada ay beesha saaxil ay siisey kulmiye, iyadoo Udub iskuhalayneysey oo qoondeysatay inay helayso taageeradooda.
3. Wasiirada, xildhibaanada, madaxdhaqameedada, fanaaniinta iyo wakiilada xisbiga UDUB oo si xaddhaafa uugu soo biiraya kulmiye, waxay u qooskoysay rajadii ay ka qabeen in ay doorashada madaxtooyada ku guulaystaan.
4. Xisbigii Udub Oo U Eekaadey Boqortooyo Burburaeysa.
Qodabadaa iyo qaar kale oo badani , waxay kaliftey in xisbiga UDUB tabihiisii siyaasadeed u badalo habar dhaliweydey aleelo ku waalatey.
• Kaadhadh la iibsado.
• Dacaayad raqiis ah.
• Beelo colaad lagu kala dhex abuuyro.
• Tvga qaranka oo laga mamnuuco xisbiyada mucaaradka.
• Hantida qaranka oo gaar loo adeegsado ( violation of code of conduct).Dardaaran: xisbiga kulmiyey waxan leeyahay weynuguulaysan inshaallaahu ee sodaha siigada ka qunyara.

QORE. Abdulkhaliq Mohamed Sheikh Osman NUR

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, June 23, 2010

Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Dr Maxamed Cabdillahi Cumar waxay soo nooleeyeen saxan saxadii iyo dabayshii aqoonsiga Somaliland‏

Marka hore waxaan salaan kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan shacabaka xariirta ah ee Somaliland , ee karaamada,sharafta iyo qadarinataba mudan,meel kast oo ay joogaanba.
Mahadda dhammaanteed waxaa iska leh Allaha weyn subxaanahu watacaalee,waxaanan idiinka baryayaa dhammaantiin inuu idinka yeello kuwii if iyo aakhiraba liibaana.
Waxaa taa ii xiga oo aan hambalyo aan la soo koobi karayn iyana u dirayaa dhammaan saxaafadda Somaliland,hawsha qiimaha leh ee ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan,habeen iyo habeenna heeganka ugu jira , inay u soo gubiyaan bulshada Somaliland xaqaaiqa iyo xaaladda dhabta ah ee Dalka iyo Dadkuba ku sugan yihiin.

Aan u soo gondo noqdo xudunta qoraalkaygan, qadarrna aan is dul taago hawsha qiimaha iyo qadarinta leh ee ay ku tallaabsadeen Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Dr/Professor Maxamed Cabdillahi Cumar,si ay uga midha dhaliyaan himilada,rabitaanka iyo jeelka ay u ummaddu u qabaan inay aqoonsi buuxa bulshada Caalamka ka helaan.

Waxaa xaqiiqa ah,biyo kama dhibcaan ah, in maamulka Riyaale ku guul daraystay
inuu qadiyadda Somaliland gaadhsiiyo , kana dhaadhiciyo wadamada Caalamka ,gaar ahaan Dawladaha taladu ka go'do ee u badan reer Galbeedka,sida Maraykanka,Ingiriiska,iwm.

Wuxuu miciin iyo xeelado uu adeegsado ka dhigtay,inuu shacabka ku maaweeliyo
ballamo been ah,war baahinta Qarankana u adeegsado,kuna cel celiyo ."Aqoonsigii
wuu imanayaa,fadhiguu inoogu imanayaa,",subxaana laah, waar miyaan ilaahay laga baqayn, oon dhaartii laga baqayn.
Ta meesha taallaana waxay tahay, oon meel looga wareegaana aanay jirin,maah maahdii Somaaliyeed ee ahayd."Fadhi iyo fuud yicibeed laysla waa,",waxaanad u hawshoonna doobiga looma cusho.

Xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa sareba, iyagoo ka damqanaya hab dhaqanka iyo tamar
darrada Xukuumadda ,waxay go'aan sadeen inay buuxiyaan kaalintii maamulka Riyaale ka
gaabiyey,una guntadeen inay qadiyadda Somaliland Caalamka gaadhsiiyaan.

Xisbiga KULMIYE,isagoo oofinaya ballan qaadakaasi,waxay wafddi ballaadhan oo uu
hogaaminayo Mujaahid Axmed Siilaanyo ugu anab baxeen Dalka Maraykanka,waxaanay kala kulmeen soo dhaweyn aan abid loo fidin wefdi Somaliland ka socda,lana kulmeen madax sare oo ka tirsan baarlamanka iyo guriga odayaashaa ee carriga Maraykanka looga taliyo,una bandhigeen sida ay uga go'an tahay in Somaliland xaqeeda hesho , oo aqoonsi hesho ,cid kalena u daba fadhiisanayn Qaranimadeeda iyo jiritaankeeda.Halkaasi waxaa kaag soo baxaya guusha iyo libinta ay u soo hooyeen gayigeenna Somaliland.

Waxaa iyana xusid mudan,oon marnaba la hal maami karin,sidii layaabka lahayd ee Jaaliyadaha Somaliland ee Maraykanka ku dhaqani,u soo dhaweeyeen,isu garab taageen,ugu han weynaayeen,inay la kulmaan madaxda Xisbiga KULMIYE,kana xog wareystaan xaaladda Dalkii ku sigan yahay,madaxda ay la kulmeen,barnaamijka siyaasada ee Xisbiga iyo guud ahaan xaaladda dalku ku sugan yahay.
Hawshaa baaxaddaa leh ee Muj Siilaanyo iyo Dr Maxamed Cabdillahi ku soo guuleyste en,waxay soo noolaysay ididiiladii,rajadii iyo quluubtii shacabka e u oomanaa inay arkaan madax karti iyo aqoon leh oo caalamka la gor gortami kara,kana dhaadhicin kara Qadiyadda Somaliland.


Haddaba waxaa is weydiin mudan, sidee bay u arkeen, ugana jawaabeen
maamulka Riyaale iyo Golihiisa Wasiiradu ?

Akhriste jawaabta suaashan waxaan filayaa inaanad meel fog ka doonayn,haddii
aad la socoto saxaafadda Xorta ah ee Somaliland,waxaanse anigu ra'yigayga ii gaar ka ah
ku soo koobayaa hal hays uu ka tagay Cabdi Malaw,ee ahaa:

"Sidii Waraabihii Biriijka Hargeysa ka dhacay,baraa rugay goor la soo
baxay,Ilaahaya ballankii barqaan kacay."


Guushaa Xisbiga Kulmiye soo hooyey,waxay duufaanno dabaylo xoogan wata ka
dhex kicisay ,maamulkii Riyaale , oo waqtigaa ku suganaa Hurdadii Asxaabul Kaafka oo kale ,meel adduun marayana ka baraad la'aa.

Habqankii iyo kala codlayntii Golaha Wasiirada ka soo yeedheyna,waxaa ka mid ahaa
"Mujaahid Siilaanyo waa inuu Riyaale Cafis soo weydiistaa ,haddii kale Dalka
kuma soo noqon karo.".....Yaabaye ma yaabteen....Ma Mujaahdikii Dalkan naftiisii
,aqoontiisi,xoogiisii iyo maalkiisiiba u soo huray ,ayaa maanta kuwii
uu ka xorreeyey naxligaasi ku hadaaqayaan,sidii ilma af barad ah....Waar maana waalan mise cadan baa laga heesayaa....


Taladase waxaanay kuba darsan,in shacabka Xariirta ah ee soo halgamay ,ee nabadda jeceli,inay ka talo baxeen Riyaale iyo Xulafadiisa ,hadalkooduna waxa miisaan iyo saameyn ah ku lahayn,Ri geeskeedna aanu jabin karin ....Wagar waar nimanku war la'aa..


Mujaahid Axmed Siilaanyo iyo wefdigiisii guushii ay la soo guryo noqdeen,waxaa
caleemo qoyan ku soo dhaweeyey shacabakiisii,lagana soo bilaabo Egal International
Air Port illaa Gurigii Mujaahidkana , umaddii oo aad mawjado mooddo is tubeen dariiqa
hareerihiisa.

Maamulka Riyaale dakharkii maalintaa soo gaadhay,waata maanta shacabkii Somaliland
sidii Tusbax furtay ugu soo qul qulayaan Xisbiga KULMIYE. Ahristaw,yaan qalinku ila fogaanine ,bal aan kalmad sagootin iyo dar daaran ah aan siiyo Guddomiyahaha Xisbiga UDUB:

"Riyaalaw Galbataye,Toobaddu yey ku seegin."

Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkaygan, Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Dr Maxamed Cabdillahi Cumar , waxay soo nooleeyeen saxan saxadii iyo dabayshii aqoonsiga Somaliland.

Allahayaw Dalkayga ka yeel kii Nabad iyo Caano lagu wada nagaado. Aamiin...Aamiin

Eng Mohamed Ali Muse
Civil Engineer
Senior Computer Network Specialist

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, June 10, 2010

Falsafadaha Qarsoon ee Hay'adaha Caalamiga ah

Baryihii hore waxaynu ahayn dad muruqooda iyo maskaxdooda ku ciil baxa, imika waxaynu nahay dad maskaxdooda iyo muruqooda la hawl gabay mustaqbalkana waxaynu noqon dad baryootama hadii aan la is daba qabatyn”   AbdiRahman M. .Ali
Hantidaa dameer kolay ku tahay,Layskama haleeyo
Hoygaa harreef koluu ku yahay, Lama huraan weeye
Ninaan xoolahaa haw hallayn, Xoolo bini aadam
Oo hebel xurmuu kugu lahaa, Haysu kala xaydin
Naaleeye Xirsi Samatar
Fikrada maqaalkani waxay igu soo dhacday habeen dhawayd ayaa anigoo xiisad ah maamulida mashruucyada (Project Management) ku jira ayaa macalinkii xiisada noo dhigayay ayaa wuxuu filim documentary ah nagu daawad siiyay mashruuc kamida mashruucyadii la bixin jiray 1970aadkii gaar ahaan 78kii, mashruucaas sidaan indhahayaga ku arkaynay wuxuu ahaa mashruuc wayn oo lacagta ku baxaday ahayd 150milion oo Dollar ($150milion waxay maanta u dhigmaan dhawr Billion oo Dollar waayo Dollarku aad iyo aad ayuu hoos ugu wuu jabay marka xilligaa loo eego), wuxuu macallinkii noo sheegay in bilawgii sagaashanaadkii lacagta mashruucyada lagu qabto ee caawimada lagu bixinjiray ay ahayd 200,000-400,000 Dollar, wuxuu ku sii daray in maanta lacagta mashruucyada lagu qabto ee haayaduhu bixiyaan ay tahay inta badan 20,000 -30,000 Dollar oo ay waliba hoos ay lacagtani u sii socoto.
Markuu macalinku intaa noo sheegay ani ahaan waxay ii noqotay baraarug (eye opener), waxaan dareemay inay mar uun caawimada iyo haayadahu meesha ka baxayaan sida kolba lacagaha ay deeqaha ay ku bixiyaan u sii yaraanayso, bal hadaba saamaynta haayadaha inkastooy badan yihiin aynu hal mid kasoo yar qaadano, anoo saamayntaa laba qaybood u qaybinaya Muruq Naafayn (Muscle Disarmament) iyo Maskax Naafayn (Mental Disarmament).
Muruq Naafayn (Muscle Disarmament): Qaybtan koowaad waa mid ay dadka in badani dareensanyihiin, tusaale ahaan, haayada WFP waa haayad jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan cunto qaybinta , waxay hadafkeedu yahay inay dadka tabaalaysan ee cunto yaridu hayso cunto ku caawiso, laakiin arrintu taa ka wayn marka la eego wadamada islaamka ee dhaqaalahoodu hooseeyo, haayadani ma bixiso caawinta cuntada xilliga loo baahanyahay sida markay aabaruhu dheeraadaan ee waxay bixisaa markuu roobku soo dhawaado ee beeraha labeeranayo si beeralayda waxa ka soo baxaa suuq aanuu u helin oon aan loo iibsan waayo marka dadkii bilaash lagu siiyo cunto tii iibka ahayd ee beeraha wadanka ka soo baxday lama iibsanayo dabadeed ninkii beeralayda ahaa markuu dhawr jeer inta uu beero beertiisa (waaba ka ugu fiicane qaarbaaba markay mar beeraan niyad jaba e) waxba laga iibsan waayo ee uu khasaaro ayuu ninkii beeralayda ahaa niyad jabayaa ka dib dib waxba uma beerayo oo wuxuu sugayaa uun caawimadaa WFP-da, barigii dhawayd ee abaaruhu dabadheeraadeen ee biyo la,aantu dhacday haayad qudha may biyo dhaamiso marka laga reebo laba urur oo wadanka ka dhisan iyo haayada islaamka ah ee laydhaa Haayada Geeska, tusaale kale oon anigu toos u arkay waxaa weeye, wasaarad kamida wasaaradaha dalka loogu tuhun badan yahay inuu kharash soo galo ayaa maalin maalamaha kamida xafiis kamida waxaa ka yar istaagay printerkii( mishiinka wax daabaca) markaas aniga iyo nin kale oo aanu saaxiib nahay ayaa ku nidhi inankii xafiiska haystay maxaad u hagaajin waydeen printer-ka, inankii xafiiska fadhiyay wuxuu yidhi “haayad hebla ayaa na siisay printerka markaas iyagaa noo hagaajinaya” hadana isla wasaaradaas ayuu maalin kale khadka Internet-ka ayaa yar xumaaday markaan ku idhi maxaad u hagaajin waydeen wuxuu yidhi nin kamida shaqaalaha wasaaraardaasi haayad ayaa noogu deeqday Internet-ka markaa iyagaa ayaa hadana noo hagaajinaya khadka internet-ka. Waxaa kaloo dhacday wasaarad kale oo ah kuwa xaga maamulka dalka gacanta ku haya ILAAHAY kasakow waxaa ka xumaaday mishinkii daabacada (printer) dabadeeed shaqadii wasaarada ayaa istaagtay illeen mishiinkii kala waday ayaa isna istaagee, muddo dhawr cisho ah ayay sidii u taagnayd oo dadkii iyo hawlihiiba isku wada xanibmeen, markii lawaydiiyay maxaa ku dhacay mishiinka oo aad u keeni waydeen waxay shaqaalihii wasaaradu ku jawaabden “haayad hebla ayaa noogu balanqaaday inay noo keenayso printer cusub oo iyadaanu sugaynaa” . Bal u fiirso maskixiyan ayaa laynaga dhaadhiciyay inaynaan waxba qabsan Karin.
Maskax Naafayn (Mental Disarmament): baryihii hore haayado dalka may joogi jirin oo dadka cilmiga lihi badh dawlada ayay u shaqayn jireen kuwa kalena shirkado ganacsi ayay u shaqayn jireen,halka qaar kalena iskood u shaqaysan jireen, laakiin hal mabda’ ayay ka sinaayeen , wuxuu ahaa mabda,aasi inay maruun ninkastaa iskii u shaqaysto haduu yahay nin dawlad u shaqeeyo ama tukaan ama hudheel, hadaanuu macaal wakhtigu u saamixin hadana arrinkaa ah inuu mar iskii u shaqaysto maskaxdiisa kamuu madhnayn , wakhtigan imika la joogo waxaabad moodaan soomalida kale ee dalalka kale joogtaa inay ka dhaqdhaqaaq badanyihiin kuwa dalka jooga haday tahay , kuwa Kenya jooga ama South Africa waayo halkaa haayado ma joogaanoo maskaxdooda ayay maalayaan oo waxay ku fikiraan sidii ay iskood u shaqaysan lahaayeen, taasi dalka kama jirto waayo ardaydii jaamacadaha kasoo baxday ninkastaa haayad ayuunbuu eegayaa. U fiirso haayadaha hawlahooda waxaa la raaca dariiqyo (guide line) hore loo dajiyay hadii wax cusub loo baahdana dibada ayaa lagaga soo daraa laakiin ma jirto maskax fikir/ ikhtiraac cusub keenaysa wadanka gudihiisa oo siyaasada haayadaha ayaanay ku jirin inay dadkani fikiraan laakiin ay raacaan oo qudha waddo loo jeexay, ogow hadii maskaxda laga fikirsiinwaayana lasoco oo korrinkeeda ayaa ay wax iska dhimayaan oo tusaale ahaan hadii xubin ka mida jidhkaaga shaqadii ILAAHAY u abuuray qaban waydo waxaa ku dhacaya korriin la,aan, lugaha hadii lagu socon waayo heerka caruurnimada ee cagabaruurnimada ah dhaafimaayaan.
Ardayda jaamacadaha kasoo baxday laba ayay isugu jiraan mid waalidkii ganacsi leeyahay oo uu wakhtigu la hayo iyo mid wakhtigu hayo.
Jaamiciga wakhtigu lahayo: baryihii hore ardayga jaamacad kasoo baxaa ee aabihii ganacsade yahay meel kale mabuu tagi jirine shaqaadaas aabihii ayuu horomarin jiray oo uu cilmiyayn jiray waayo aabihii maaha nin cilmi leh waa nin ku dhashay miyi, shaqada kasoo bilaabay hudheele, tukaan haye ama wax lamida dabadeed dadaal sameeyay ka dib waayo-aragnimo ku shaqaynaya laakiin inankiisii waa nin jaamacad ka soo baxay aduunyada la socda xaga horumarka luuqadihiina yaqaana laakiin wakhtigan xaadirkaa waxaad arkaysaa inan jaamacad kasoo baxay aabihii ganacsade yahay hadana ku leh haayad ayaan doonayaa inaan ka shaqeeyo oo meelahaas ayuu iska fadhfadhiyaa oo maalinba warsidayaasha ayuu eegayaa inay wax shaqo haayadii ku qoran tahay, talow sidan aabihii u noolaan maayee yuu ugu talo galay markay tiisa noqoto inuu shaqada aabihii sii wado.
Nin la odhan jiray Harold Geneen ayaa wuxuu yidhi “dunida ganacsigu laba shay ayay u baahantahay lacag iyo waayo-aragnimo, waayo-aragnimada marka hore qaado lacagtu iyadaa imane”, inankii haduu marka aabihii dhinto uu is yidhaahdo shaqadii sii wadoo uu lacagtii aabihii hayo xageebuu waayo-aragnimada ka helayaa illeen hore shaqadan aabihii umuu soo dhex geline dabadeed waxay ku noqon afkalaqaad inankii jaamiciga ahaa markay shaqadii isku wada cayn go,do.
Jaamiciga wakhtigu hayo: jaamiciga wakhtigu hayo garbuu u leeyahay inuu haayad ka shaqeeyo oo uu masruufkiisa ka raadsado, laakiin qaladkuu leeyahay jamicigani waa isagoo maskaxda ku hayn inuu mar uun iskii u shaqaysto oo wuxuu doonayaa inuu waligii shaqaalahaa ahaado, waxaabad mararka qaar ka maqlaysaa iyagoo leh sannadka 2040 anoo haayad hebla u shaqeeya talow muu yidhaahdo sannadka 2040 anoo intaas oo qof ii shaqaynayso ama shirkad intaas leeg haysta oo maamula.
Soomalida ayaa waxay ku maahmaahdaa “wuxuu ganacsi ku siiyo saaxiib kuma siiyo” ta kale markuu qofku uu isagu iskii u shaqysto cid uu fasax ka qaadanayo ma jirto cid maamulaysaa ma jirto, marka aad shaqaale tahay, haday Hooyadaa xanuunsato waxaa tahay kii fasax waydiista cidaad u shaqaynayso oo waliba muddo go,an lagu siinayo xadaa haddaanay hooyadaa bogsan.
Qolyahan laydhaa Peace Corps ee maraykanka ah waa qolo haayad oo kale ah oo waxbay caawiyaan, waxbay dhisaan, dabadeed qolo kamida oo joogtay wadanka Philippine ayaa waxay is qabsadeen oo isfahamwaa ka dhex dhacay iyaga iyo xagii maamulkii wadanka Philippine dabadeed waxay noqotay inay iska tagaan oo ay ka baxaan waddanka, markay tagayeen ayaa nin kamida wasiiradii dawlada Philippine ayaa kalmad laga qoray wuxuu idhi “ ANAGA OO DAD AH AYAAD NOO TIMAADEEN, WAXAAD NAGA TAGTEEN ANAGA OO AAN DAD AHAYN” wuxuu u jeedaa waxaydin noo timaadeen anaga oo wax qabsan karna (Powerful) waxaydun naga tagteen anaga oo waxba qabsankarin (Powerless).
U fiirso, barigii maxkamaduhu haysteen Koonfurta Somaliya, waxaa dhacday inay wabiyadu fataheen, ganacsatadii ayaa lacago iska ururisay dabadeed si aanay waligeed haayad reer galbeed ahi wax u caawin ayay dadkii daadadku tabaaleeyeen u caawiyeen.
Bal u fiirso macaal hablihii gashaantiyaha ahaa ninka isagu iskii u shaqaysta waxay ka door bidaan ninka haayad u shaqeeya oo waxaabay isugu faanaan “hebla ninkeedu haayad ayuu u shaqeeyaa”.
Waxaa dhacday gabadh ka shaqaysa xafiisyada dawlada ayaa sidii caadada u ahayd waxaa soo doonay gaadhiigii dawlada ee numberka cagaarkaa lahaa si uu shaqada u geeyo, waxaa arkay wiil ay qaraabo yihiin gaadhigii markaasuu ku yidhi isagoo gabadhii la hadlayaa “ naa hebla maxaad ka raacdaa gaadhigan numberka cagaarkaa leh, hadaanuu numberkiisu ahayn number cas oo haayadeed, lugtaa kuu dhaanta gaadhigan” bal u fiirso wiilkaa maskaxdiisa sida loo dilay ee looga dhaadhiciyay gaadhi haayadeed.
Waxaas oo dhan waxaa ugu wacan hamigii dhalinyarad ama jaamiciyiinta oo noqday haayad inuu u shaqeeyo, gabadh cas inuu guursado, gaadhi cadna lagu qaado, waligiina inuu shaqaale ahaado. Lasoco waxaa la ogaaday intabadan dadka haayadaha ka shaqeeya haday naftooda iyo xaaskooda ay ku filaadaan/kaafiyaan ayaabuu buro sidaa, Talow dadka ka intan fikirkoodu yahay maanay cidi kusoo tabcin oo aanay waalid iyo qaraabo lahayn. Sidani waxay inyar ka saraysaa CALOOSHII U SHAQAYSTE waxaanan u bixiyay CALOOSHA QOYSKII U SHAQAYASTE.
Adoo maskaxda ku haya inaanay haayadahani waligood dalka joogayn fadlan sawiro markay haayadahani dalka ka tagaan xageed u dhaqaaqi.
Nin wayn oo waayo araga magaciisuna yahay Dr.Food-Cadde waxaan afkiisa ka hayaa “had iyo jeer waa inaad lahaataa meel aasaas (base) kuu ah oo aad kasoo saad qaadato marka aad shaqo tagaysid kuna noqotid markay albaabad oo dhami iska kaasoo xidhaan”.
Maskaxda ku hay inay haayadaha 90% ay ka shaqeeyaan dalalka dawlad xumada ama dagaalada sokeeye ka jiraan markaynu hagaagno bal isa sawir halkaad istaagi doonto ileen macaal dawlad uma shaqayn kartid oo hawo kale ayaa ku gashee.
Caawimada ay wadamada reer galbeedku bixiyaan siyaasad ayay ka leeyihiin, qofna bilaash wax uma bixiyo oo macaal Islaamku hadii aanuu Janno ku helayn muu bixiyeen shayna iyagoo gaalo ah oo Aakhiro wax uga horeeya jirin miyay kula tahay inay bilaash wax kuu siinayaan sidaa daraadeed waxay doonayaan inay awrkooda ku kicistaan, tusaale ahaan marka hore waxbay kaa dharginayaan marka ay in muddo ah kugu wadaan ee aad la qabsatid oo aad ilawdid awoodaadi wax qabsi ayuun bay dhinaca kale kuugu rogayaan oo hadaadan waxay doonayaan qaban waxay kugu xuuxinayaan deeqaha ayaanu kaa jojinaynaa adna waad habranaysaayoo goormaaba kuugu dambaysay wax aad qabsatid, inbadan ayaynu idaacadaha ka maqalaa dawlad hebla cadaadis ayaa lagu saaray arrinkaas, cadaadisku wax kale maaha ee lacagtii yarayd ee la siin jiray ayuunbaa laga joojiyay dabadeed wataa dawladii cadaadiska lasaaray wixii laga codsaday qabanaysa illeen caawintan la,aanteed inaanay jiri Karin ayay aaminsanyihiine, tusaale cad waxaa inoogu filan dawlada Malawi, 28/ May/2010 waxay xukuntay laba nin oo isku guursaday wadankeeda ka dib waxaa labadii nin lagu xukumay 14 sanno oo xadhiga, markiiba wadamadii reer galbeedka ayaa qaylo isla oogsaday iyagoo leh dawlada Malawi dimuqraadiyad maaha, dadku hadalkooda iyo ficilkooda xor uma aha iyo hadallo kale oo badan, dabadeed cadaadiskoodii ayay saareen, ogow 40% kamida miisaaniyada waddanka Malawi waxaa siiya wadamada reer galbeedka, intan ayaanay ku bajinayaan inay ka jaridoonaan. Dawladii Malawi labadii nin ee isguursaday May/30/2010 ayay ooda ka qaaday oo ay sii daysay waayo dawlad 40% ka mida miisaaniyada wadakeeda laga xanibay waxay qaban kartaaba iska yar, lacagtan la siiyo ha u fahmin in toos loo siiyo, haayadaha ayaa loo soo mariyaa oo waataa hayadi odhanaysa Police-ka ayaanu kaa caawinaynaa midkalena wax barashada halka qaar kalena o dhanayaan caafimaadka yaanu kaa caawinaynaa.
Haddaynaan sidan isu dhaamin, haayadahani way iska tagi dabadeed sida qaxoontiga ayaa layna quudin illeen waatan Maskax iyo Muruqba laynaga naafeeyee waxaanaynuna noqon dad Mahaadin (dependent) ah oo qoladaa reer galbeedkuna meel fog ayay inaga maamuli (remote control).
Caalamka waxaa ka jira shirkado boqolaal sano jiray oo walina si fiican u shaqeeya, sidaas waxaa u saamaxay qoyskasta oo ubadkiisa ku tababara sidii ay shaqada u sii wadi lahaayeen laakiin innaka iska daa inaynu ubadkeena ku tababaro inay shaqada sii wadaane waxaad arkaysaa oday wayn oo ganacsade ah hadana inamadiisii dibada u dhoofinaya oo haduu wax barasho u diro waaba sahaale wuxuu u dirayaa inuu qoxoonti yurub ku noqdo oo garaam loo qoro.
Cilmi baadhis ay ku samaysay koox lagu magacaabo Tokyo Yoko Research 1,975,620 shirkadood oo ku jira database-kooda, waxay heleen 21,666 shirkadood oo jiray in kabadan 100 sano. Markale, bankiga kuuriya cilmibaadhis uu sameeyay wuxuu isna helay, 837 shirkadood oo 200 sano ka wayni inay ka jiraan waddanka Jarmalka, 222 shirkadoodna ka jiraan waddanka Holland, halka 196 shirkadood oo iyana 200 sano ka wayni ka jiraan waddanka Faransiiska. Iyana waxaa kale oo la sheegay in waddanka Japan ay ka jiraan in ka badan 20,000 oo shirkadood oo ka wayn 100 sano.
Markaan ku leeyahay shirkado boqolaal sano jiray ha u fahmin shirkado waawayn oo kumanaan shaqaale ahi u shaqeeyaan ee muhiimadu waa joogtaynta shaqada gaar-ahaaneed haba iska yaratee waayo 89.4% ka mida shirkadaha boqolka sano kawayn waxaa ka shaqeeya shaqaale tiradoodu ka yar tahay 300 qof.
Magaca shirkada Xilliga la aasaasay Magaalada iyo dalka lagu aasaasay Nooca shaqada Website
1. Kongo Gumi 578 Osaka, Japan Dhismaha http://www.kongogumi.co.jp

2. Hoshi Ryokan
718 Komatsu, Japan Hotel ama Albeerko http://www.ho-shi.co.jp/jiten/Houshi_E/

3. Barone Ricasoli 1141 Siena, Italy Saliida Olive www.ricasoli.it

4. Barovier & Toso 1295 Venezia, Italy Weelka quraarada ah www.barovier.com

5. Richard de Bas 1326 Amvert d’Auvergne, France Waraaqaha www.richarddebas.fr

6. Torrini Firenze 1369 Florence, Italy Dahable` www.torrini.com

7. Baronnie de Coussergues 1495 Montblanc, France Samaynta maraakiibta www.henokiens.com/index_baronnie_gb.php

8. Fabbrica D’Armi Pietro Beretta S.p.A. 1526 Gardone, Italy Hubka www.beretta.it

9. William Prym GmbH & Co. 1530 Stolberg, Germany Naxaasta/ Maarta www.prym.com

10. John Brooke & Sons 1541 Based in Huddersfield, United Kingdom Dharka www.brookesmill.co.uk

Shirkadaha soomaalidu waxay la dhintaan marka qofka aasaasay uu dhinto badankoodu waayo waxaan jirin cid sii wadda oo sidaan hore u carabaabay ayuunbay ninka shirkad aasaasay caruurtiisii u hiyi kacsanyihiin oo ay meel kale u eegayaan ama uu odaygii dalkale uu ugu dhoofiyaa.
Markaan in muddo ah u dhaba galay shirkadaha ugu da,da wayn dalkeena, waxaan helay saddex shirkadadood oo kala ah OGF Company, Dahabshiil Company iyo Mohamed Ali Abby & Sons Company Ltd ALLE ha garabgalee.
OGF: shirkaddan waxaa la aasaasay sannadkii 1943-kii, iyadoo marxalado badan soo martay imika waxay maraysaa heerkii ugu sareeyay, iswaydii sababta? Sababtu waa aasaasihii shirkada oo ku tabcay caruurtiisii, waxay ka soo baxeen jaamacadaha ugu qaalisan wadanka ingiriiska oo meeshay istaagaanba shaqo haayadeed ka waayi maayan laakiin ALLE ayaa tii wanaagsanayd garansiyay oo shirkadii aabahood ayay sii horomariyeen oo heerkaa ay imika marayso ayay soo gaadhsiiyeen oo ay waliba mustaqbalfiican leeyihiin.
Dahabshiil: Sannadkan 2010 ayaa loo dabaal dagay afartan guuradii shirkadan Dahabshiil, waxaynu ognahay inta waddanee ay xafiisyo ay ku leedahay iyo tirade dadka u shaqeeya imikana waxaabay noqotay Banki caalami ah, shirkadana odaygii aasaasay caruurtiisii ayuu ku tabcay oo imika iyo heerkay shirkadu maraysana gaadhsiiyay.
Mohamed Ali Abby & Sons Co. Lmtd: Shirkadan waxaa la, aasaasay 1970-kii walina sifiican ayay shaqaynaysaa ALLE hala garabgale.
Saddexdan shirkadood waa shirkado tusaale fiican inoo ah (role model) oo ku dayasho mudan, sida saddexdaa oday ee aasaasay shirkadahaas ayaa looga baahanyahay odayaasha imika shaqeeyaa inay ku daydaan.
Talow dadkan iyo dawladahan sugaya in la caawiyo ee bini aadam ku tiirsan miyaanay maqal xadiiskii Nabigu ku yidhi (CSWS) isagoo dhiiri galinaya qofku inuu wax qabsado oo aanu bini Aadam wax waydiisan “inaad xadhig qaadatid oo aad soo xaabaysato ayaa ka fiican inaad dadka martidid oo aad wax waydiisatid”.
Isna Abraham Lincoln oo mar ahaa madaxwaynaha Maraykanka ayaa yidhi “Qaninimada dadka qaar waxay ina tusaysaa inay inta kalena qani noqon karaan taas oo inoo ah dhiiri galin iyo inaynu wax aasaasno”
Nin kale oo asalkiisu yahay Japanese laakiin Maraykanka ku nool oo laydhaa R. T. Kiyosaki buugiisa laydhaa Rich Dad Poor Dad wuxuu ku yidhi “Shaqo jidheed oo sax ahi waxay kor u qaadaa caafimaadka qofka, fakir maskaxeedna oo sax ahina wuxuu kor u qaadaa qaninimada qofka. Caajisnimadu caafimaadka iyo qaninimadaba way la dagaalantaa”.
Guntii iyo gabagabadii waxaa loo baahanyahay inaynu fikirkeena badalno oo aynu maskaxdan iyo muruqan laynaga gumaystay iska qabano oo aynu maskaxdeena iyo muruqeenaba ka shaqaysiino sidaasuu ILAAHAYna inoogu gargaarayaaye.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa gabaygaan ku bilaabay oo oday reer hawd ahaa oo la odhan jiray Naaleeye Xirsi Samatar qarniyo ka hor tiriyay:
Hantidaa dameer kolay ku tahay Layskama haleeyo
Hoygaa harreef koluu ku yahay Lama huraan weeye
Ninaan xoolahaa haw hallayn Xoolo bini aadam
Oo hebel xurmuu kugu lahaa Haysu kala xaydin
FIIRO GAARA: INSHA, ALLE waxaa soo bixi doona buug ka hadlayaa saamaynta fog ee haayadaha reer galbeedka iyo sida dadkeenu isu dhiibay maskixiyan iyo muruqiyan kaasoo statistics badan oo ay ka midyihiin inta qof ee ku hamiya inuu mar uun iskii u shaqaysto, inta qof ee haayado ku hamiya iyo xogo kale oo aad u xiiso badan taas oo lagu ogaaday cilmi baadhis dhaba.
BUUG KAASHI:
• Rich Dad Poor Dad (1998) by Robert T. Kiyosaki with Sharon L. Lechter, Page 20
ISPN 38373635343332313029
• Associated Press, Aug 12, 2009
• Kyoto-Saga Art University, Lecture Series "Sense on beauty in Kyoto (captial city)" 5th lecture
• The fifth time "Celebration events in Kyoto (capital city)" lecturer: Mr. Genda Zenro (President of Genda-Shigyo stock company) Mar. 26th, 2005 (Sat) from 14:00 note:open 30 minutes before]
• Information magazine Kyoto, No.48 issued 2000-05-08 (Japanese). On the box at very bottom
• http://www.topdare.com/2010/01/top-100-oldest-companies-in-the-world/
• bizaims.com
• http://nortonlilly.com
MAHAD CELIN:
Waxaa mahad leh ALLE ka sakow Ahmed Shooqi, Khadar A/lahi, AbdiAziz Khadar, Ahmed Saleban Birinbir iyo Mohamud Saxardiid.
WQ: AbdiRahman Mohammed Ali
E-mail: amaabby@yahoo.com


Warkii oo Dhan

Nasiib News

MAANTA DALKEENA CADAW INAMA XUKUMO, HADDANA DIB AYEYNU U FAQASHOOBAYNAA!!

Maamulkii dawladii Soomaaliya waxaynu ula dagaalanay ee ay uga goosanay waxay ahayd Dulmi iyo Dhibaatooyin fara badan oo ay inaga galeen, kuna tacadiyeen xuquuqaheenii, waxaana aynu u bixinay FAQASH. Waayo nidaamka maamul ee meeshaan ka dhisnaa oo ahaa Kacaan Meliteri ayaa wuxuu ahaa mid caddaalad in lahelo aan xaqiinayn, xuquuqaha dadkana aan difaacayn.
Sidoo kalena madaxdu waxay ahaayeen kuwo aan runta isu sheegi kari oo kala habrada, oo aan lahayn kudhac kooda khaldama ee xadgudbaya ay iskaga qabtaan. Haddaba, Ereygan “FAQASH” wuxuu ka mid noqday erayada cusub ee ku soo biiray Af-Soomaaliga, ayaa anigu buug aan qoray waxaan ku micneeyey sidan ‘FAQASH’= waa ‘Maamul kasta (Every Regime) oo ku xad gudba Nidaam iyo Shuruuc u Dejisan Ummad (Dal), wanaaga aan isfarin, Xumaha aan iska reebin, Runtana aan isu sheegi Karin oo kala habrada’. Sidaasna cid kasta oo ku sifowda ama yeelata sifooyinkaasi waa FAQASH. Markaa FAQASH ma aha sifo iyo magic ay leedahay cid gaar ahi, laakiin waa sifo/magic taagan xilli kasta iyo meel kastaba oo lagu tilmaansan doono cid kasta oo ku sifowda ama yeelata tilmaamahaas sare aan ku soo sheegnay. Markaa hab-dhaqankaasi waa mid ka wada muuqda dhammaan madaxda maamulka Dawladda iyo Hay’addaha gaarka ahba. Sidaas darteed haddii aynu sidan sii ahaano oo madaxdeenu ay runta isu sheegi kari waayaan, khaladkana iska qaban waayaan oo lakala habrado, waxaa dhici doonta in la inagu salididoono qoom kale oo ku jira dhabarkeena oo ka dhiidhiya xumaha oo dalka dib inooga xorayndoona.

Tilmaamahaas FAQASH waxay lid ku tahay Dhaqanka wanaagsan ee awooweyaasheen aynu ka soo dhaxalnay iyo Diinteena suuban ee Illaahay (SWT) uu inagu manaystay, waxaanay lid ku tahay oo ay ka soo horjeedaa “GOBONIMO” waxaanay u dhigantaa “GUNIMO”. Aayadda boqol iyo tobnaad (110) ee Suuradda al-Cimraan ee Quraanka Kariimka ah wuxuu Illaahay uu inagu sifeeyey inaynu nahay Ummad Tii ugu Khayrka badan, waayo waxaynu nahay Kuwo Wanaaga isfara, Xumaha iska Reeba, oo illaahay (SWT) Aaminay.

Sidoo kale, sifaha habdhaqan ee ‘FAQASH’ wuxuu yahay mid dhaawacaya oo meeshaba ka saaraya xuquuqda ‘Xorriyadda Dammiireed’ ee Ummadeena. Bal dib u eeg madaxda dawladeena Xukuumadda, Baarlamaanka, Garsoorka, saddexda Xisbi Qaran, Shirkadaha, iyo ururada gaarka ah ee rayidka.

Waxaynu wada ognahay muddo konton sanadood (50th Years) ah (1960kii ilaa iyo maanta 2010) in dadka dadkani JSL aanay mar qudhaata ku xasilin wax Dawlad-wanaag ah, oo ay ahaayeen kuwa mudadaasba kusoo jiray Qax iyo kacaa-kuf. May jirin cadaw shisheeyo oo dibada uga soo dhacay. Laakiin dadka iyaga (JSL) ka dhasha ee aqoon yahanada iyo madaxda u ah ayuunbaa ah cadawga qudhaata ee sababaya, kuwaasoo aqoontoodu, fikirkooda iyo hab-maamulkoodu aanay ahayn kuwo ka turjumaya inay daboolaan baahdi horumarineed ee ay qabaan, sidoo kale aan ahayn kuwo ku salaysan kana soo jeeda dhaqanka, hab-u-fekirka, diinta suuban iyo duruufaha bay’adeed eek u xeeranba. Shaqaduna (U-shaqaynta Dawladda) waa guumaysiga keliya ee dalka ka jira.

Haddaba, waxaa is waydiin mudan MAANTA DALKEENA CADAW INAMA XUKUMEE, MAXAA SABABAY IN DIB AYNU U FAQASHOWNO?!!

MADAXNIMO IYO DAWLADNIMOOY MAXAAD TAHAY?!!

Qof kasta oo muwaadin ah waxaa waajib uu ka saaran yahay inuu ka fekero oo uu maskaxdiisa ka shaqaysiiyo, oo uu derso/baadho halka sartu ay ka qudhunsan tahay ee ay dawladnimadeenu ay ka xidhmi la’dahay, ee sababaya in dib aynu u faqashowno iyo sababta dawladnumadeenu ay u noqonweyday mid xaqiijisa himilooyinkeenii oo dadkeedana ilaashata oo ka shaqaysa horumarkooda.
Haddaba, anigoo muwaadin Sharciyaqaan (Lawyer) ah ayaa haddii Alle idmo waxaan halkan saxaafadda madaxa bannaan ee JSL aan ku soo bandhigi doonaa qormo taxane noqondoonta oo cinwaankeedu yahay QIIMO-DHACA SHARCIGA, QABYADA DAWLADNIMO IYO HABAYACSANAANTA SHARCIYAQAANKA JSL, Qormadaydan oo ah natiijadii kasoo baxday kana dhalatay baadhitaan dheer oo sharciyeed (Legal research) oo hore nooceedu aanay dalka uga dhicin oo deraasad aan ku sameeyey dhammaan aasaaska sharci ee dhismeyaasha Dawladda, Xisbiyadda iyo guud ahaanba xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee dalka. Waxaay ka waramaysaa Mushkiladaha Madaxda, Siyaasiyiinta iyo Sharciyaqaanada dalku ay ku hayaan dadkooda dan yarta ah.

By: Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-dhige)
e-mail address: dalabcilmi99@gmail.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, May 29, 2010

Damaca Al-Shabaab Damanaanta Xukuumada Iyo Doorashada Somaliland

Waa Maalin salaasa ah bishu waa 28 october saacada waa 10:28 Subaxnimo ayaa guud ahaan waxaa gilgiley Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa qarax aad iyo aad u xoog badan oo qofkasta oo hargeisa Joogay is yidhi maxaa kugu qarxay dareenkaa kadib waxa shaqsi kastaa is waydiiyey suaalo dhawr ah.
Maxaa qarxay halkee wax ka qarxeen maxaase quruxu yahay suaalahaas jawaabtooda oo noqotay amakaag yaab afriir qiiq oohin sawaxan iyo qaylo kasoo yeedhay goobihii nacabku ku xaansuuqay dadkii biri magaydayga ahaa iyo shacabkii aan waxba galabsan ee goobahaa ku sugnaa taariikhdaas ah mid ma guurto ah abidna aan ka go,ayn qalbigayga iyo dhamaan ka bulshada reer Somaliland.
Dhacdadaa murugada leh ayaa ahayd mid ku cusub umada bilaa xusuusta ah ee Somaliland iyadoo qaraxaasi uu ina gaadhsiiyey khasaare isugu jira dhimasho dhaawac iyo burbur soo gaadhay sedexdii goobood ee muhiimka ahaa ee qaraxa lala beegsaday.
Hadaba Sidaad la wada socotaan dhacdo kasta oo caalamka ka dhacda waxaa lagu dadaalaa mar haday dhacday inaanay mar dambe dhicin.
Hadii hadaba caalamku taa aaminsan yahay inagu maxaynu ka baranay xaansuuqii bahalnimada ahaa ee lagula kacay shacbiga reer S/land ee ku dhaqan caasimada hargeisa Waxaan odhan karaa Somaliland waxay lamid tahay umushii la odhan jiray kolka uu ilmuhu dhasho ayey fooshii iyo xanuunkii soo maray ilawdaa waxaan uga jeedaa taas.
Waxa la filayaa inay Somaliland ka qabsoonto doorshada madaxtooyada oo xukumada iyo xusbiyada mucaaridkuba ay ku mashquulsan yihiin sidii ay ugu guulaysan lahaayeen Taasoo daaqada kasaartay heegankii iyo foojignaantii looga bartay ciidanka Sirdoonka qaranka Somaliland oo xukumadii arintaa loo igmaday ayaa ka dheerayn wayday KULMIYE qaar kadib ah ayaa ALSHABAAB ku jira INA XAASHI IYO GABOOSE KULMIYE ayaa soo kiraystay iyo ereyo lamid ah.
Iyagoo Mucaaridka laftoodu ay u muuqdaan inaanay dabyar shiday oo iyana ay wadhooda ritaan ayaa waxaan maal mahan dambe website yada qoorkood ku qornaa xog sir ah oo sheegaysan damaca alshabaab ee ku wajahan doorashada Somaliland warbixintaas oo u qornayd sida :
Sagaalkan nin oo ka soo jeeda Gobalada Somaliland hase yeeshee bilihii u dambeeyey tababaro ku qaadanayey Xero ku taala Gobalka Bay ayaa waxaa u soo dhamaaday tababarkoodii ay siinayeen saraakiil isugu jirta Soomaali iyo ajaanib oo ka wada tirsan Alshabaab, waxaana gunaanadka tababarkoodu halkaasi loogu soo jeediyey dardaaran iyo guubaabo.
Kooxdan dhalinyarada ah ayaa waxa illo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in ay safar dhinaca dhulka ah ku galeen Somaliland, iyaga oo sida la sheegay isu kala qeybiyey Gobalada iyo goobaha Muhiimka ah oo ay doorashooyinku ka dhici doonaan, waxaana bartilmaameedka kooxdan la sheegay in ay tahay sidii ay u toogan lahaayeen ama u qarxin lahaayeen goobjoogayaasha caalamiga ah iyo Madaxda Xisbiyada ee tartameysa.
ka hor intii ayna ka safrin Koofurta Soomaaliya ragani naftood Dilayaasha ah ayaa waxa ay duubeen Cajalado maqal iyo muuqaal ah oo ay ku cadeynayaan ujeedada socdaalkooda iyo howlaha ay ka soo qaban doonaan Somaliland, waxaana halkaasi ugu duceeyey Amiirka Alshabaab Axmed Godane oo loo yaqaano Shiikh Mukhtaar Abuu Zubeyr.
Sagaalkan nin ayaa la sheegay in ay heyb ahaan ka soo jeedaan Gobalada Jamhuuriyada Somaliland, waxaana ay deegaanadooda ka soo tageen laba sano ka hor, qaarkod waxa ay ahaayeen arday, halka kuwo kalana ay ahaayeen kuwo reero leh, mana la oga in ay amarada loo soo dhiibay fulin doonaan iyo in kale.
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa ay ku talaabsatay horumar baaxad leh, waxa ay heer sare ka gaadhay dhinaca nabada iyo dimiqoraadiyada, iminka waxa ay u diyaargaroobayaan sidii ay u dooran lahaayeen Madaxweynaha xiligan kala guurka ah.”
Hadaba iyadoo cadawga Somaliland maagan yahay inay hawlgal ismiidaamin ah ka fuliyaa wadanka ayaad moodaa inaynaan warkaaba ahayn ,
Waa ta labaade maxaa qorsha ah ee xumukada Somaliland ay kaga hortagaysaa khatarta alshabaab ee ku wajahan doorashada madaxtooyada shacabkuse ma yihiin kuwa lagu soo Dhex dhuumanayo maadama raga warbixintu sheegtay ay yihiin muwaadiniin la qalday oo dhalasho ahaan kasoo jeedo Somaliland

Abdilahi Abdi Mahdi (DAJIYE )
Mobile:4479627 or 65479627
DAJIYE2005@HOTMAIL.COM

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, May 28, 2010

Sir Fakatay: Sheekaddii Cisman Hindi Uu Yidhi Waa Laysoo Weeraray Oo Noqotay Mid Uu Isagu Soo Abaabulay. Iyo Ujeedadii Laga Lahaa.!( Sir Ma Qabe Allow Sahan Ah)‏

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
Dhamanba Shacabka Somaliland Salaan Xushmad Iyo Karaamo Mudan Iga Gudooma.

Waxaa Shalay magaalada Hargeysa ee caasimada JSL kadhacay arin layaable oo la yidhi waxaa la weeraray Ninka Lagu Magacaabo Cismaan Hindi, Arinkaas ayaa Markiiba Saxaafada Qaar kamidihi Qoreen in weerarka uu geystay nin kamida Shaqaalihii udub Goobjoogeyasha u ahaa howshii kaadhadh bedelka,Isla Markana dhaawac la gaadhsiiiyey Mr Hindi.
Haddaba Halkaa Iyada oo Xaaladu Marayso oo dadka qaarkii rumaysteen in arintaasi sidaa tahay oo Nin xaqiisii la duudsiyey oo Cadhaysani Uu Mr Hindi Nabar Gaadhsiiyey ayaa Waxaa Saxaafada La hadlay Mr Hindi oo Yidhi Xusbiga Kulmiye ayaa Arintaa Ka Danbeeyey Waxaanay Ka cadhoodeen Hadalkii aan idhi iyaga ayaana Weerarka Ka Danbeeyey.

Hadaba Waxaa Arintii noqotay mid uu ka danbeeyey Cismaan Hindi Laftiisu oo uu isagu soo abaabulay waxaana Warkaas Xaqiijinaya Waraysigii uu Bixiyay ee Ku Qoraa Saaxaafada. Aan Ku Bilaabee Sheekadan Waa Mid Loogu Gogol Xaadhayo Weerar Lagu Qaado Mucaaridka Gaar ahaana Madaxda Xusbuiga Kulmiye, Si Loo Hello Wado Lagu Weeraro Madaxda Kulmiye Waa In Horta la hello Deriiqii Sheekadaasi Ku Suuro Geli Lahayd. Kadibna Mu'aamaradii Waxaa Loo qaybiyay Sidan Bal Eega Sheekadan Layaabka leh.!

1-In marka hore Cismaan La Weeararo Wax wayna aan loo gelaysan Si ay u Furanto Wadada Madax Wareerku.
2-Marka Xigana In Cismaan Hindi Shirjaa'id Qabto ooYidhaaho Kulmiye ayaa Ka danbeeyey Si Loo Hello Wado Loogu Magac Daray Anigaba Waa Lay Weeraray, Loona Abaabulo Cidii weerari Lahayd Madaxda Kulmiye.
3- In la Bartil-maameedsado Madaxda Kulmiye Sida Muj Siilanyo, Xildh Nacnac, Dr Gaboose Iyo Kuwooda Ugu Hadalka Kulul.
4-In laga dhigo sheekada Mid u dhexaysa laba reer, iyada oo la adeegsanayo Mr Hindi Ayaa Siilaanyo Wax ka sheegay Ka dibna Reer Hebel ayaa ka Cadhooday, Kadibna Cismaan Hindi ayay La dagaalameen, Dariiqaa oo ah ka La doonayo in Lagu Weeraro Siilanyo Laftiisa Si Loo Abuuro Xafiiltan U dhexeeya Laba Reer.

Maxaa u Caddayn Ah in Sheekadaa Mr Hindi Soo Abaabulay?

U fiirso Hadalka Mr Hindi. Wuxuu Yidhi Xafiiskayga ayaan Soo Gelayey, Sedex Gaadhi oo Lagu Hor gooyey ayaan arkay, Askarigii i illaalinayey ayaan Ku Idhi Orod bal soo Eeg Waxay Yihiiin, Sida uu Hadal ka U dhigay Xagii Baabuurtu Ka xigtay ayuu askarigii qabtay, Wuxuu Yidhi intii Askarigii iga Maqnaa Ayaa Lay Soo Weeraray,
Wuxuu Yidhi ninka ila dagalamay Waan Garanayey,Wuxuu Yidhi Askarigii ayaan Isku Duubay Oo Waxaan Is Idhi Yaanu Layn Nimanka, Wuxuu Yidhi Sedexdii Gaadhi Markii aan Askariga Qabtay Ayay Carareen Kadibna Police Ka Ayaa Meeshii Yimi.

Su'aalaha Meesha Yaalla Waxay Yihiin?
1- Nimanka Ku Dilay Haddii Aad Garanaysay Maxad U odhan Waydey Hebel Iyo Hebel ayay ahaayeen?
2- Haddiii Lagu Dilay oo Lagu Soo Weeraray Maxad Ninkii Ku Illaalinayey Isugu Duubtay Illeen Nimanka Waa uu Qaban Lahaaye?
3-Haddii Aad Askariga Isku Duubi Karaysay oo aadan Waxba Qabin Maxaad isugu Duubi Waydey Mid ka mida Kuwii Ku Dilayay Ama aad Baabuurtii Ku Weerartay Number kooda u qoran waydey?
4- Haddii Aad Ku tidhi Askariga orod Nimanka Soo Eeg halkee ayay Ka soo Daba Mareen Illeen Xagii nimanku Joogeen Waakii Askarigu Qabtaye?!
5- Haddii aad Askariga Isku Duubayso Muxuu Illaalinayaa ee uu kaala Socdaa markaa?
6- Nimankii hadii la garanayo Maxaa loo soo qaban Waayey?

Haddii aad Si Fiican u akhridaan Hadalka Mr Hindi Waxaad Ogaanaysan in uu Filma Isagu Ka danbeeyey Laguna heshiiyay isoo weerara kadibna Askariga ayaan isku Doobayaa Idinkuna Yaaca, Si aan Laydiiin Qaban. Sheekadani oo kale Shacabka Somaliland Kuma cusba Waxayna La mid tahay Sheekadiii Berigii dhowayd dhacday ee La yidhi nin ba Meel Miiino Dhigayey oo Gabadh yaa isku Duubtay.! Waxayna Ka mid mid tahay Siyaasadaha NSS ta.

Talo Ku Socota Madaxda Mucaaradka Iyo Dhamanba Shacabka Somaliland.
Waxaa Xaqiiqo ah in ay jiraan shirqoolo La maleegay oo loogu tallo galay mucaridka gaar ahaana Madaxda Xusbiga Kulmiye,Waxaa Jira Mu'aamarado Ka dhan ah Madaxda oo Loo Diyaariyay Marka Ololaha Doorashgadu Bilaabmo in La Weeraro ama Arrimo kale oo dahsoon la Sameeyo Sida Qaraxyo la dhigo kadibna La yidhaaho Waa Laynagu soo duulay Dhalinyaro la abaabulo oo Dagaal Geysta.
Hadaba Waxaan U Soo jeedinayaa Dhamanba Shacabka Somalilnd Gaar Ahaana Madaxda Mucaridka In ay Ka Digtoonaadaan Shirqoolada Udub Maleegtay, Sidoo Kalena In La Adkeeyo Amaanka Musharaxiinta Xusbiyada Mucaridka Ah. In ay Iska Jiraan Goobaha Ay Ka hadlayaan Waxaa Jira Dhex raacise.

Sir Ma Qabe Allow Sahan Ah.

Cali Kayse Kabadhe
The Netherlands
Calikayse@live.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Isbeddel Siyaasadeed Waa Lama Huraan

Halgan dheer oo muddo qaatay kadib, waxay beelaha Somaliland iyaga oo isku dhan isugu yimaaddeen shirwayne, kaas oo ay ku go’aansadeen in ay la soo noqdaan dawladnimadii sibiqda kaga fakatay lixdankii, waxayna ku heshiiyeen inay unkaan qaran loo wada dhan yahay oo loo wadasiman yahay oo ayna cidina ka sheegan cid kale,
waxaanna la isla meel dhigay in xumaantii taliskii hore kala dhexdhigay bulshada daadka la raacsho, run ahaantiina taasi waxay noqotay mid hirgashay, balse cadawga Somaliland wuxu ahaa mid mar walba ku dedaalayey oo heegan u ahaa sidii uu shaki u kala dhex dhigi lahaa beelaha Somaliland ee walaaaha ah iyaga oo beelaha qaarkood ku beer-laxawsan jirey in aanay waxba ka noqon karin Somaliland oo beel-gaara ay u xidhan tahay

Waxayna ahayd arrintani degaalkii kowaad ee cadawga muddadii u dhexeysay 1991 – 2002 marka dhinacyo badan laga eego dhacdadan aynu dusha ku soo xusnay ee cadawgu qoriga ka dhiganaayey, waxay saameynteeda marka laga eega sida ay dhegta ugu laad-laadiyeen qurba-joogga beelaha darifyada Somaliland.

Waxa ku xigay cahdigii cusbaa iyo isbeddelkii xaqu keenay May 2002, Madaxweyne-ku-xigeenkii waqtigaa markii loo dhaariyey inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay soo afjarantay aafadii uu cadawgu kula dhex jirey shacabka, waxayna keentay taariikh cusub oo rumaysay wixii beelaha Somaliland kusoo heshiiyeen.

Mar labaad markii la qaatay nidaamka xisbiyada badan ku dhisan ee lagalay doorasho dimoqoraadiya (one man on vote) waxa dib loo doortay Madaxweyne hadda oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha darifyada Somaliland, waxayna tani noqotay mid u quus-gooysa cadawgii Somaliland.

Waxa bilaabmay cahdi cusub oo ahaa shantii sanno ee hoggaaminta Madaxweyne Rayaale loo doortay iyo istaraatajiyad hoggaamineed ee qarankan oo la sugayey in la helo isbeddel taageero gudo iyo caalamiba leh, maadaama ay meesha ka baxday wixii lagu tuhmayey in uu ku sifoobay qarankan Somaliland. Isbeddel dhaqaale oo ay kaga baxaan dadweynaha muddada dheer ku sugnaa xaaladaha adag ee quutal-daruurigu u ahaa xorriyadda iyo calankaa ka dul lusha, qorshayaasha siyaasadeed iyo tayada hawlwadeenadiisa maamul ee uu hoggaamiye dejisto, ayaa furre u ah in ay hoggaamintiisu najaxdo iyo in ay fashilanto.

Madaxweyne Daahir Rayaale nasiib-darro waxa uu ku guuldaraystay inuu dalkan u dhigo qorshe cad oo leh mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxa uu ku guuldarraystay in uu halbawlaysaash hogaamineed ee xukuumaddiisa u xusho dad tayo leh oo dalkooda iyo dadkoodaba u daacada, waxay labadan arrimood u fureen cadawgii Somaliland wadiiqo kale oo ay kaga hortagayaan in Somaliland noqoto qaran madaxbannaan, iyaga oo ka hortagaya isku-duubnida, midnimada iyo iskaashiga mujtamaca Somaliland, iyaga oo ka hortagaya in aynu beesha caalamka ka helno aqoonsi, waxayna kaga faa’idaysteen oo u suurageliyey hawlgaladooda tayo-darrida hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Rayaale waxay bilaabeen falal argagixo oo hor leh oo ay ku fuliyeen goobo kala duwan oo dalka ka mid ah 99% ay ku guuleysteen.

Haddaba iyada oo lafilaayo inay doorashadii qabsoonto bisha june iyada oo ay muddo ay dib inooga dhacday waxa uu dalku u baahan yahay markaa isbeddel siyaasadeed iyo mid maamul oo kasaara dalka marxaladan uu ku jiro, awoodna u yeesha fulinta dhamaan arimahaa aynu dusha kusoo xusnay hoggaaminta wanaagsan iyo tayadda hoggaamiyayaashu waa xirfad lagaga hortagi karo cadawga islamarkaana dalka lagaga saari karo cidhiidhiga siyaasadeed iyo dhaqaale, xulashada hawl-bawlayaasha maamul oo loo doorto cida ku habboon waa furaha horumarka uu dal kastaa ku faano, wada-shaqaynta iyo isjacaylka dadweynaha iyo ciidammada ammaanku waa furaha xakamaynta cadawga Somaliland, isku-duubnida dadweynaha Somaliland guud ahaan iyo wadashaqaynta golayaasha iyo xukuumad tayo lehi waa furaha aqoonsi ay Somaliland hesho.

Waxaan ku soo gunaanadayaa, guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka, marka hore waxaan leeyahay hambalyo, marka xigta maanta kubadii idinka ayay hortiina taalaa, idinkaa gacanta ku haya masiirkii badbaadinta qaranka oo ah in aad u guntataan oo aad habeen iyo maalin u shaqaysaan sidii ay doorashadu u noqon lahayd mid ku dhacda si xor iyo xalaal ah.

Waxaad ogtihiin cid waloo oo masuuliyad ummad u qaadaa in ay noqondaan kuwa wanaagooda iyo xumaantooduba ay u gasho taariikhda umadooda, manta waxa uu dalku galay neecaw qabow iyo filasho inay doorashii dhacdo .waana mid shacabku u wada diyaar garoobay isla markaana hogaamiyayaasha asxaabta qaranku diyaar u yihiin waxaynu sugnaaba waa doorsho dhacda iyo isbedel siyaasaddeed oo yimaad.

Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa, Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, May 25, 2010

Doorashadda Madaxtooyadda, Dalabka Rayaale iyo Doodda Shacabka

Doorashadda ayaa ah shaandho ama miire kala reeba huubaha iyo faa,iidada waxa lagu miiro waxaana faa,iidada ka soo baxdda kala shaandhayntaasi hella shacabka oo ah kuwa iyagu khasaare iyo faa,iido ba gacantooda ku keena.
Somaliland ayey ku soo fool leedahay doorashadda madaxtooyadda oo ay naawilayeen ama sugayeen shacabku mudo 3 sanno ku dhaw.

Madaxwayne Rayaale ayaa talladda dalka hayey muddo 8 sanno ah oo kala ah 5,tii sanno ee xilkiisa iyo 3 sanno oo uu ku korarsaday .
Muddo korarsiga madaxwaynuhu waxa uu sii kordhiyey haraadkii shacabku u qabay isbaddal siyaasadeed oo dalka ka dhaca.

Isbaddal la’aanta 8-da sanno ah ee ka jirtay Somaliland waxay dhiiri galisay dhibaatooyin doora oo isugu jira mushkillada tahriibka, balwaddaha dhalinyaradda iyo in dalka gabi ahaanba ay ka mooraal jabaan dadkii u dhashay ee dheeftiisa lahaa.

Doorashadda la filayo in bisha jun ee sannadkan ay ka qabsoonto s/land ayey ku tartamayaan Seddexda xisbi ee Ucid,Udub , iyo Kulmiye
Xisbiga udub ee ay ka soo jeedo xukuumadda M/wayne Riyaale ayaa isagu soo maray tijaabo sideedii sano ee uu dalka ka talinayey taasi oo uu hadda hayo natiijadeedii.
Waxaana si wayn ay shacabku ugu Doodaan M/wayne Riyaale in aanu dhigan abaal ay markale ugu celiyaan xilka, waxaanay
sababta ku sheegaan in uu M/Riyaale garan waayey fursadii soo martay ee uu ku badbaadin lahaa sucadiisa
Iyaga oo daliishanaya waxqabad la,aanta guud ahaanba Naafaysay Dalka , Musuqmaasuqa ku baahay xukuumaddiisa, Ballan qaadyaddiisii oo dhaafi waayey dhagax meel la dhigo, ku xadgudubka Distoorka dalka
Khaladaadka laga galay shacabka, Diciifinta nidaamka Dimuquraadiyada, Xaraashka Hantida Qaran ka, Xaqiraadda taariikhda S/land soo martay,Bahdilaadda iyo xadhiga dadka qiimaha ku leh dalka
Hoos u dhaca dhaqaalaha, kootadda xoolaha loogu xidhay Ganacsadaha shisheeye, Xal u waayidda qadiyada Ceel Cardaale, Dilalkii Muwaadiniinta, Kootadda Shidaalka,Camal la,aanta dhalinyaradda
Iyo dhaliilo aan qoraal lagu soo koobi Karin

Arrimahaasi ayaa dood adag ka dhex dhaliyey Xukuumadda M/wayne Riyaale iyo Shacabka reer s/land kuwaas oo jawaabta kaliya ee ay u hayaan dallabka M/waynaha iyo xisbigiisa udub ay tahay maxaad qabteen sideedii sanno ee aad hayseen tallada dalka ????

Maaha mid ku kooban xisaabtankani maalmahan balse waxaa la filayaa xoogiisa xilliga Ololaha doorashadda ee bilowga bisha June.

Qalinkii Muna Casayr Jaamac
Hargaysa, Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, May 18, 2010

Dikreetada Ogolaanshiyaha Rayaale Iyo Carqaladaynta Qabsoomida Doorashada ee uu Wadaa Ma Wax Isqabtaa?

Khamiistii toddobaadkii hore ayaa inta badan gobolada iyo degmooyinka Somaliland waxa si rasmi ah uga bilaabmay bedelaada kaadhadhkii diiwaangelintii hore iyo qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta doorashada Madaxtooyada ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku u cayimeen isla markaana uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin digreeto ku ogolaaday wakhtigaasi.
Iyadoo maanta ay tahay maalintii shanaad ee ay socoto bedelaada kaadhadhka iyo qaadashada kuwa cusub ayaa Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka waxa laga soo sheegayaa inay aad u hooseyso tirada dadweynaha u soo baxaya goobaha lagu qaadanayo kaadhadhka cusub.
haddaba waxaynu la soconaa dhacdadii ay Ciidanka Ammaanku Albaabada ugu xidheen laba goobood oo ku yaalla Hargeysa oo ay ka socotay hawsha bedelaada kaadhadhkii hore ee diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, waxaynu sidoo kale aynu ka warqabnaa sababta ay u cuskadeen carqaladaynta hordhaca ah , waa dariiqa xukuumadda Rayaale damacsan tahay inay ku khalkhaliso hanaanka kaadhadh bedelka iyo qabsoomidda doorashada , si shacabka loo seexiyana waxa uu madaxweynuhu soo saaray qoraal degreeto ogolaanshiyo ku aadan wakhtiga doorashada loo qoondeeyey, bal u dhug-yeesha shacabyahaow ninka leh doorashada waanu galaynaa waa Daahir Rayaale e dhanka kalena adeegayaashii dhagaha fududaa waxay ku guda jiraan afcaashaa aynu soo xusnay ee ah curyaaminta dimoqoraadiyada , cabudhinta shacabka, burburinta dawladnimadda , abuurida qas iyo qalalaase , kala fogaynta bulsho isku xidhan. Bal shacab yahow, hab-dhaqankaa uu Daahir Rayaale faraha kula jiraa ee uu isleeyahay kursiga kusii adkayso miyeynu ka yeelnaa ? shacabiyahow qabsoomida doorashadu ma waxay dan u tahay seddexda hogaamiye xisbi ee musharaxiinta ah mise waxay dan u tahay mustaqbalka dalka iyo shacabka guud ahaan? Daahir Rayaale haddii uu isleeyahay musuq kursiga ku hanti mar labaad miyeynu ka aqbalnaa? “Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho” .
gabagabadii; maanta wax hadal ah oo aan usoo jeedinaayo cida ay arintani khusaysaa iima hadhin, balse kelmeda u dambaysa ama marxaladan hadda taagan waa mid khusaysa shacbiweynaha Somaliland oo kali ah , tallo iyo tusaalayn hogaamiyaasha asxaabtu hore ayaynu inbadan usoo nidhi , haddase cida aan xusuusinayaa markale shacbi weynaha muwaadiniinta guda iyo dibedba weeyi, waxaanan leeyahay shacbiyow dhagartaa udub gacanta ku maleegayso cida ay saameynaysaa waa idinka waa shacabka gudaha iyo dibedaba guud ahaa waa muwaadiniinta reer Somaliland. Haddaba sidee ayaynu uga hortagi karnaa mastaqbalkeena iyo masiirka qarankeena rag qorshaystay inay jar ka tuuraan wixii lagu soo tabcay labaatanka sanno? Anigu waxaan odhan. Aynu indha kusoo wada jeedino oo yaan laga jeesan oo indhaha halagu hayo carqaladaha iyo mushkiladaha ay maleegayaan kuwa dalka sideeda sanno soo silcinaayey ee haddana raba inay shan sanno oo dambe leeleeliyaan, waxay ka dhigan yihiin habartii “ xaabada qaadi kariweyday ee tidhi ii kordhiya”

wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa. Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, May 16, 2010

“Saqadhiyoow Somaliland kala badbaadi oo geesinimo samee, haddii kale xilka iska casil”

Taliyaha ciidanka boolisku wuxuu muujiyey inuusan ahayn nin fahamsan xilkiisa oo aan dhex-dhexaad ahayn, waana taliye hore oo ka soo jeeda gaalo ka dhadhkii hore oo aan marnaba Brain-wash casri lagu camaynin maskaxdiisa oo ah nin ka amar qaata hadba cidda ka sarreysa, sax iyo khaladba, iskana indho iyo dhego tira sharciyadda iyo Kaalinta ciidamada nabadgelyada lagaga waajibiyey arrimaha doorashada, iyadoo uu durba taliyaha ciidanka boolisku baal-maray, kuna xad-gudbey waajibaadkii iyo kaalintii dhex-dhexaadnimo, ee laga filaayey inuu raaco boolis ahaan:-
1. Inay boolis ahaan ahaadaan dhex-dhexaad, markey xilkooda gudanayaan.
2. Inay dhawraan una hoggaansamaan shuruucda iyo hab-raaca doorashada.
3. Inay sugaan ammaanka iyo kala danbeynta inta ay doorashadu socoto, iyadoo uu waajibku yahay inay hoos yimaaddaan Guddiga doorashada, kana amar qaataan wixii doorashada ku shaqada leh oo dhan.
4. Inay wada shaqayn fiican la yeeshaan axsaabta iyo ururada bulshada.
5. In sida uu sharcigu sheegayo ay ku waajib tahay inay ka amar qaataan wakhtiga arrimaha doorashadu socdaan hawl-wadeennada doorashad u xil-saaran, iyadoo amarka kama danbeysta ahna ay leeyihiin loonna dhaafayo Guddoomiyeyaasha goobaha doorashada.
6. Booliska waxa ka reeban inay iyagu carqaladeeyaan ama is-hortaagaan hawlaha hawlwaddeennada Guddiga doorashada, isla markaasna aysan wax amar ah oo ku saabsan doorashada ka qaadan wasiir iyo cid kale toonna ee aan ahayn Guddiga doorashada.
-Boolisku waa inay si gaar ah u ogsoon yihiin shawrsanaanta iyo xasaanadda komishanka (heer kasta), murashaxiinta iyo hawl-wadeennada doorashada loo magacaabaa ay leeyihiin, sida ku cad qodobka 21aad ee xeerka doorashada 20/2001.
-Komishanka iyo Guddiga ilaalinta anshaxa doorashada waa inay indhaha furnaan oo ay arrimaha doorashada cidda faro-gelinta ku haysa ummadda u sheegaan oo berri ka maalin la soo bandhigo wixii fal denbiyeed ah ee laga galo dalka iyo dadka, si loo raadraaco
-Taliyahan ciidanka boolisku waa nin turxaan hore u lahaa oo wuxuu ahaa ninkii marxuun Cabdi-rashiid nabadgelyadiisa mas’uul ka ahaa markii lagu diley Laas-caanood, taas oo magac xumo iyo taariikh madow ku reebtay laguna xasuusto Saqadhi, waxaana manta looga digayaa inuu taariikh xun oo ma-ha-dho ah ka kasban, kuna fekero sidii uu uga dabaalan lahaa, ugana samata-bixi lahaa ceebaha iyo shir-qoollada loo maleegaayo inuu ku dhaco oo uu ku fashilmo, hadduusan iska garan oo uusan iska fogeynin, kuwa amarada qaldan ee aan sharciga ahayn kor ka soo siinaya, taasoo uu ka shalleyn doono, hadduusan inta goori-goor tahay is-daba qaban oo iska garanin, isna sixin isagoo raacaya xeerka iyo nidaamka doorashada.
A.A.A GOODIR, HARGEYSA

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, May 12, 2010

Xisbiga Talada Ku Guuleysta Wa In Uu Rali Geliya Bulshada Maha In Uu Rali Geliyo Xubnaha Xisbiga

Runti Somaliland waxay qaadey tubta nidamka dorashoyinka xorta ah inkastoo ay jiraan caqabad badan oo ay sababo badan keeneen, markastana ay iska adagtahay in nimdaam si fudud ku meel maro aya waxa jirta in komishanka dorashoyinka Somaliland ay dhawan iclamiyeen xiliga rasmiga ah e ay dhacayso dorashada madaxtooda Somaliland oo ah bisha june 2010.
Sida darted waxay komishanku ka haw galeen arrimo badan oo muran keenay isla markan go’amada ay ka gadheen ay tageeren shacabka iyo axsaabta ay komishanku garsoorka u yihiinba. Isal markana ay hawshii bilbayan dhawabba sidii loo qaybin laha kadhadhaka codaynta si loo sugo tirade dhabta ah ee codaynaysa dorashada si ay u noqoto mid xor iyo xalalna ah laguna wada kalsoonado.
Hadaba waxa aad isaga cad firfirconata xisbiyada iyo sadasha jirta oo ah in mucaradku ku guuleysanayn doorashad tasi hadii ay dhacdo oo mucaaradku talada qabto waxa loo doortey waxay weeyan in xisibaga soo baxa ee ku guuleysta doorashadu uu ugu horeyn ku dhaqaaqo rali gelinta ummada iyo in uu fuliyo dhamaan waxyahaba uu balan qaaday xisbigaasu, muhiimadu maaha in uu xisibigu isku dayo bilwagaba in uu rali geliyo xubnaha xisbigaas isla markana uu radiyo sidii uu ugu qanci laha xilka loo dhiibayo xubin walba oo xisbiga katirsan. Waxa loo bahanyahay in xisbiga ku guuleysta talada xubnaha xisbiga ka tirsan ay noqdaan qaar mutadawiciina si ay ummada ugu gargaaran una hagajiyaan waxyaabaha seeska ah ee ka maqan nolosha sida cafimad waxbarasho iyo waxyaabaha kale ee daruriga wana in ugu horeynba la arka waxa ay dhashay dorashadu iyo micnaha nidamakan doorasho oo ah in bulshadu ay so saran madaxdooda.

axmed_saleeban@hotamil.com
AHMED SULIEMAN NOUR
UKRAIN.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, May 11, 2010

Qubanaha Munaasibada Xuska 18-Ka May

Waxaan Haddii Eebe idmo isku dayi doonaa in aan qormoyin goo-goos ah oo aan kaga qayb-qelayo xuska iyo farxada maalinta 18-ka bisha May u soo gudbiyo shacbi weynaha reer Somaliland ee ila wadaagaya farxad 18-ka May.
18-ka bisha May ayaa ah mid aniga iyo dhamaan umadda reer Somaliland-ba noo ah maalin farxadeed isla markaana qiimo badan noogu fadhida.
Marka aad maqasho maalin hebla’ ama sannad-guuradii maalin heblaayo, waxaad markiiba yaqiinsanaysaa in ay tahay maalin suntan, laakiin yey u suntan tahay iyo maxay ku suntan tahay ayay noqonayaan su’aalaha ku xigga ee maskaxdu is-weydiinayso, jawaabtana u raadinayso.Waxa hubaal ah samaan iyo xumaan-ba in ay jirto, sabab ay maalintaasi muddatay oo lagu xusuusto iyo cid ay taariikh u tahayba.
Haddaba Somaliland waxay leedahay dharaaro u gaar ah oo laga xuso, dharaar kastaana waxay huwanyahay waayeheeda taariikhdeeda ama ha ahaato mid wanaagsan ama mid xun.
Haddaba waxaynu maanta joognaa oo fooda inagu soo haysa oo aynu xusidoonaa sannad-guurada 20-aad ee xuska 18-ka May oo ah maalinta dib u yagleelida madaxbanaanida Somaliland taas oo ku began todobaadkan soo socda, waxaana la filayaa in siweyn looga dabaal-degi doono goob kasta oo ay ku sugan yihiin umada reer Somaliland dal iyo dibad-ba.
Goobtu waxay ahayd Caasimadda labaad ee Somaliland,taariikhduna waxay ahayd 18-ka bisha May Damaashaadka iyo farxada ay cirka isku shareeray farxad aan la qiyaasi Karin ayaa lala yaacay, ka dib markii magaalada Burco oo uu ka socday shirkii koowaad ee beelaha Somaliland lagaga dhawaaqay go’aamadii najaxay ee ahaa inay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideedii , isla markaana ay ka go’day dalwaynihii beenta ku dhisnaa ee la odhan jiray jamhuuriyadda somaliyeed.
Warka ku dhawaaqidda madaxbanaanida Somaliland oo ay habeenimadii ka dambaysay maalinimadii 18-ka may baahisay idaacadda raadyow hargaysa waxa cirka isku shareeray sanqadha iyo iftiinka rasaas boqolaal xabo gaadhaysa oo laga ridayey qoryo kala duwan oo ay ka midyihiin boobayaasha fudud iyo kuwa lidka diyaaradaha,waxayna taasi qayb ka ahayd dabaal-degii ku saabsanaa go’aankii ku dhawaaqidda madaxbanaanida Somaliland.
Ka dib markii lagu dhawaaqay go’aankii madaxbanaanida waxa magaalada Burco lagu soo dhisay dawlad ka kooban Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen iyo gole wasiiro ah, waxayna xarunta dawladaasi noqotay magaalada hargaysa oo ah caasimadda Somaliland...
Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland –na wuxuu noqday C/raxmaan Axmed Cali (tuur), Madaxweyne-ku-xigeena waxa noqday Xasan Ciise Jaamac oo waqtigaa isu ahaa labadoodu Gudoomiyihii iyo gudoomiye-ku-xigeenkii ururka SNM ee qabsaday goboladii Waqooyi ee Jamhuuriyadii Soomaaliya, ka dib markii si fool xun looga saaray canaasiirtii iyo taliskii keligii taliye Siyaad Barre.
Mohamed Abdi jama
E-mail: mabdi1@live.nl

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, April 16, 2010

FAALLO: Awoodaha Dulman

Qormadani waxa ay iftiiminaysaa awoodo xaqoodii waayay, una baahan gurmad, garab iyo taageero hiil uga noqda cidda dulmiga ku haysa. Waa awoodo jiritaan ahaan aad u baaxad weyn, saamayn ahaan-na aan la dhayalsan karin, kuwaas oo leh taran iyo tamar-ba. Hasayeeshee ay ku geedaaman yihiin cadaadisyo kaga imaya cid aan jeclayn in awoodahaasi madaxa la soo kacaan. Waa awoodo ku hoos jira dulmi, duudsi, degelaysi iyo daacad darro xoogan oo lagaga horjoogo xuquuqdooda.
Dabcan, markasta oo dulmigu sii siyaado waxa uu horseedaa kacdoon iyo iska-dhicin ay ku kucdo ciddaas dulmiga tirsanayaa, isla markaana waxa bilawda is-xulafaysi iyo is-garabsi dhex-mara inta dulmigu wada saameeyey.
Haddii aynu ku soo dhawaano dulucda qormadeenan uu hal-ku-dhigeedu yahay “AWOODAHA DULMAN,” waxa ay si gaar ah u taabanaysaa qaybo ka mid ah bulsho-weynta reer Somaliland oo in muddo ah u xusul-duubnaa sidii ay dhacsan lahayd xuquuq laga duudsiyey. Tolay xuquuqdaasi maxay ahayd? Yaase ka duudsiyey? Qaab noocee ah ayayse ku hanan karaan?
Qaybahaasi waxa ay kala yihiin, dhalinyarada, Haweenka iyo Naafada. Sababta ay ugu sifoobeen awoodaha dulanina waxa ay tahay, waa marka koobaade waa qaybihii ugu badnaa bulshada, hasayeeshee aan nasiib u helin inay ka qayb-qaataan jaan-goynta iyo dejinta hannaanka-siyaasadeed ee dalka. Waxa ay noqdeen awoodo marti u ah in yar oo kooban, oo sida ay doonto ka yeelaysa. Waa awoodo maskax ahaan, muruq ahaan iyo maamul ahaan-ba wax badan tari lahaa geedi-socodka siyaasadeed ee waddanka.
Dulmiga ku habsaday Awoodahani wuu sii kala qoto-dheer yahay oo waxa ugu sahlan ka Haweenka, oo iyaga waxa caqabad ku noqotay arrimo ay ka mid yihiin dhaqanka, dhaqaalaha iyo hab-dhaqanka beelaysan ee bulshadani u nooshahay. Waxa kale oo awoodooda badhxay ta ragga oo u muuqata inay ka buruud-weyn tahay.
Iyaga xalkoodu waxa uu ku xidhan yahay inay dhinac isaga duwaan arrimaha kor ku xusan oo dhan, taas oo ku imanaysa inay la yimaadaan qorshe hawleed dhamaystiran oo sahlaya hanashada awoodahoos siyaasadeed ee ay doonayaan inay waddanka ka hirgeliyaan.
Haddii aynu u nimaadno dhalinyarada, waa kuwa uu ku habsaday dulmiga ugu xumi. Iyaga si cad oo aan gabasho lahayn ayaa loo duudsiyey xuquuqdoodii ka qayb-galka siyaasada talada dalka. Waxaana sidaa lagu xaqiijiyey Dastuurka u dejisan Jamhuuriyada Somaliland, oo tilmaamaya inaan 35 jir wax ka yari aanay isa soo agtaagi karin doorahada Golahayaasha dalka gaar ahaan Wakiilada iyo deegaankaba. Waana asaaska xudunta u ah dulmiga bahdilay awoodii iyo hamigii siyaasadeed ee dhalinyarada.
Somaliland waxa ay ka mid tahay waddamada faro-ku-tiriska ah ee oo xannibay awoodii dhalinyarada, ka dib markii ay u adeegsadeen Dastuurkooda, iyaga oo dareensan quwadda baaxada leh ee ku jirta dhalinyarada oo aynu ognahay inay yihiin laf-dhabarta, aayaha iyo jiritaanka dalka iyo dadkaba.
Waxa farxadeeda leh in tobankii sannadood ee ugu dambeeyey inay dhalinyadu bilaabeen halgan ay ku muujinayaan awoodooda siyaasadeed, isla markaana ay abaal isaga duwayaan dulmiga iyo duudsiga lagu hayo, “Siyaasada waxaa igu kallifay inaan ku soo biiro aniga oo da’ yar qodobo badan oo is huwan, oo ay ka mid tahay aniga yaraantaydii la soo kacaamay inan masraxa siyaasada mar uun imaado, una imaado inaan Ummadadayda u hago meel wanaagsan, si aanan ugu calaacalin qofka xilka hayaa muxuu waxan u qaban waayay.” Tiraabtani waxa ay ka mid tahay dhawaaqyada muujinaya halganka ay dhalinyardu ugu jiro hannasada talada dalka iyo ka qayb-galka saaxada siyaasada.
Inta kuma koobna dhambaalada iftiiminaya dagaalka ay dhalinyaradu ugu jirto sidii u dadafayn lahayd dulmiga lagu hayo, “...Waxa wax lala yaabo ah sida loo dafiray ee meesha looga saaray xuquuqdii siyaasadeed ee dhalinyaru ku lahayd waddankooda, sida loo bahdilay hankoodii iyo kartidoodiiba, sida loogu maaweelinayo ‘mustaqbalkii berrito ayaad tihiin,’ iyada oo laga war-qabo in hadalkaasi yahay mid aan wax-ba ka jirin.” Odhaahdan oo aan ka soo min-guuriyey hal-ku-dhigta halganka siyaasadeed ee dhalinyarada, ayaa waxa si weyn looga dheehan karaa damqashada iyo xaruunka uu ku hayo dulmiga saarani.
Haddii aynu mar kale soo qaadano mid ka mid ah odhaahyada ugu kulul ee dhalinyaradu ku cabirayaan dulmiga lagu hayo, waxa ay odhanaysaa “Dhalinyaradu ma gayaan in la yidhaahdo kama qayb-geli kartaan talada dalkiina, uma qalmaan inay noqdaan awoodii ugu weynayd ee hadana dulmanayd, haddii is-bedel la samaym waayo, dhalinayaradu waxa ay ku qasban taha in muddo aan dheerayn ay iyagu isbedel samayn doonaan, oo ay hantiyi dooyaan awooda dalka.” Si ay dhalinaradu uga dhabayso odhaahdan, waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan isku duubni, wada-tashi iyo kacdoon siyaasadeed oo kaga taqalusayaan dulmigaas.
Markaa aynu qodobkaas-na istaas ku soo waydaarano ee aynu u soo gudubno awooda saddexaad ee dulman, waa dadka Naafada ah, oo iyaga laftooda uu Dastuurku meel weyn kaga dhacay, isla markaana majara habaabiyey xuquuqdoodii ka qayb-galka talada dalka. Waayo, Dastuurku waxa uu ku sifeeyey qofka doonaya inuu doorashooyinka waddanka ka qayb-glo inuu jidh ahaan iyo caqli ahaan- dhamaystiran yahay. Garan-nay caqli ahaan, oo dee waa muhiim in qofka doonaya inuu talada dalka ka qayb-galo in uu caqligiisu taam yahay. Laakiin waxaa xad-gudub ah jidh ahaan, maxaayeelay qofka beni’aadamka ahi waxa uu ku shaqeegaya caqliga oo ah saldhiga hagaya wax kasta oo uu qabanayo. Waxa la helayaa qofk kartidiisu 100% tahay, hasayeeshee naafo ah, taas macnaheedu maaha inuu qofkaasi caqliga naafo ka yahay.
Dadka naafada ah-na, waxaa loo fadhiyaa inay muujiyaan damacooda iyo awoodooda siyaasadeed, si ay ugu muuqdaan dad jira oo lagu xisaabtamo, isla markaana wax dhacansan kara.
Isku soo wada-duuboo, faalladani waxa ay hogo-sulaalayn u tahay dulmi jira oo u baahan in wax laga qabto, haddii wax laga qaban waayana qarxi doona wakhti aan fogayn. Waxa ay ku talinaysaa; maadaama oo aanay bulshadu kala maar karayn, isla markaana ay sida silsilada isku xidhan tahay, waa in la dejiyaa qorsheyaashii lagu xallin lahaa ee lagu fardaamin lahaa ‘AWOODAHA DULMAN’ ee mici lisanaya, isla mar ahaantaana doonaya inay mar uun iska tuuraan heeryada dulmiga ee saaran.

Prepared by: C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Cabdiheersare01@hotmail.com
A Member of SIPSA GROUP [Somaliland Independent Political and Socio-economic Analyzers]
Hargeisa/Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, April 11, 2010

NOLOL MISE GEERI?

Meertada noloshu, waa mid isku xidhiidhsan oo leh qaab-wadaag dhamaystiran oo ilaahay isku dheeli-tiray. Waa qaabab suurta-geliya jiritaanka-nololeed ee shay ku sugnaanayo, iyada ay ku xeeran yihiin caddawyo badan oo baadi-goob ugu jira sidii ay waxyeelayn lahaayeen.
Waxa aynu guda-galnay qarnigii 21-aad, oo la kowsaday calaamooyin u gaar ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin isbedelo xoogan oo adhax-wareemay qaab-dhismeedkii nololeed ee kownkan aynu ku uuman-nahay. Wax weliba waa is-dhalan-rogay, oo dadku dadkii maaha, dhaqanku dhaqankii mahaa, cimilladu cimilladii maaha, bulshadu bulshadii mahaa. Wax kasta waxa ku dhacay is-bedelo isugu jira qaar tadan iyo kuwo togan-ba.
Noloshu waxa ay la baaxaa-degaysaa sidii ay ula jaan-qaadi lahayd cidhiidhiga baaxadda leh ee ka haysta hanashada qaab-nololeed sugan, oo gabbood iyo hiil uga noqda cadawga halaambaynaya ee lidka ku ah jiritaankeeda.
Haddii aynu intaas ku soo dhaafo ararta qalinka, oo aynu u soo gundo-degno nuxurka faalladan hal-ku-dhigeedu yahay “NOLOL MISE GEERI,” waxa ay ka unkantay aafo ku habstay geyigan Somaliland. Waa mushkilad horseedi doonta in deegaano badan oo waddankan ka mid ahi uu ku dambayn doonaan meel lamo-degaana oo cidla caarsira ah. Waa dhibaato keenaysa in duunyo badani xaaqanto, isla markaana dad aan tiro lagu soo koobi karayni caydhoobaan.
Wax-ba meel fog ha ka eegin aafadaas, ee waa mid kula deris noqotay oo noloshoodu miciin-bidday, taas oo wax-tar laga deyayo, laakiin waxyeeladeedu ka xun tahay. Waa dabar-goynta lagu hayo dhirta qoyan ee ilaahay waddankeena ku mannaystay, oo imika gabaabsi ku dhaw. Waa dhuxulaysiga aan xuduuda lahayn, ee shirkadaha loo samaystay.
Geedku, waa noole ay ku nool yihiin in-badan oo ka mid ah makhluuqaat-ka ilaahay, isla mar ahaantaana kuwo kalena ay ka dhigtaan hoy ay ka galaan kulaylka cadceeda, roobka, dabaysha iyo beni’aadamka-ba. Waxa kale oo uu wax-tar weyn u leeyahay nolosha dadka, deegaanka iyo duunyada la dhaqanayaba.
Geedkii noocaas ahaa, waxa noloshiisii galaaftay oo gunta ku hubsaday, mid baas oo ilaahay ku sababay, kaas oo hadafkiisa ugu weyni yahay inuu nolol ka raadiyo, isaga oo garwaaqsan inuu geeri u horseeday nooleyal badan oo isaga uga xaq lahaa ku noolaanshaha geedka.
Haddii aynu soo qaadano geedka loogu dabar-goynta badan yahay, waa geedka loo yaqaan “GALOOLKA,” oo runtii si xun oo aan ka nax lahayn loo dabar-goynayo, iyada dhuxulaysatadu ugu mar-mar-soodaan inuu ka dhuxul wanaagsan yahay dhamaan dhirta kale, kaas oo aan loo kala eegin qoyaan iyo qallayl toona.
Dabcan, waa noole la duudsiiyey xuquuqdisii uu ku noolaan lahaa, looguna bedelay goyn, gubis iyo xaaqid bilaa tudhis ah, iyada oo aanay muuqan ciddii ka dhicin lahayd ee hiilka uga noqon lahayd nacabkaas weerarka xun ku haya.
Waxaa lagama maar maan ah in la qaado tallaabooyinka wax-ku-ool ah oo loogu hawl-gelayo sidii loo badbaadin Geedkaas iyo weliba dhirta kale ee sida xun loo gubayo, oo ay muuqato inay ka dhalanayso cawaaqib-xumo si weyn u saamayn doonta suurta-galnimada nolosha ee deegnnada miyiga ee Somaliland.
Waxa ay ahayd 12-kii bishii January ee sannadkii 2009-kii, markii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu xadhiga ka jaray Shirkaddii u horreysay ee hirgelisay adeeg lagaga maarmo dhuxusha wax lagu karsado, taas oo keentay qalabka shooladaha loo yaqaan iyo gaasta lagu shido. Shirkadaasina waa SOMGAS.
Tallaabadan waxaa suurta-geliyey muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaas oo arkay baahida laxaadka leh ee bulshadu u qabto inay helaan waxa ay kaga kaaftoomaan dhuxusa, isla markaana xal u noqota gumaadka loo gaysanayo dhirta uu kawga ka yahay geedka Galoolka ah.
Inkasta oo shirkadaasi shaqaynaysay muddo sannad iyo dhawr bilood ah, hadana waxa ay ku guulaysatay inay si weyn u dhinto gumaadkii lagu hayay dhirta, iyada oo bulshaduna si tallaabo-tallaabo ah ula soo qabsanaysa isticmaalka iyo adeegsiga adeegyada gaasta iyo shoolada wax lagu karsado ee ay SOMGAS bixiso.
Sidaa darteed, sida muwaadiniintaas oo kale, waxaa qof kasta la gudboon inuu ku dhaqaaqdo wixii uu ku badbaadin lahaa Geedka GALOOLKA iyo inta kale ee ay isku bahda yihiin ee u gacanta galay u-ma-naxayaasha nacabka ah ee dabka iyo dabar-goynta ku haya. Haddii kale wakhti aan fogayn ayaa laga shallayn doonaa aafada deegaanka ku habsatay ee xalkeeduna fudud yahay.
Waxa aan qormadan nuxurkiisu yahay ‘NOLOL MISE GEERI’ ku soo af-meerayaa dhawrkan weydiimood ee soo socda, ma tahay qof dareemay gumaadka lagu hayo GALOOLKA iyo dhirta kale ee bah-wadaagta yihiin? Haddii aad dareentay maxaa kula gudboon inaad arrintaa ku xalliso? Mase haysaa qorshe lagu samata-bixin karo gumaadka dhirta? Yaad-se u malaynaysaa inay tallabaas fulinteeda ay ka muul yihiin? Maxaa la adeegsan karaa si loo sugo nolosha Galool loogana hortago Geeridiisa? Dhamaan su’aalahani waa qaar u furan cid kasta oo jecel inay ka jawaabto.
Prepared by: C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Cabdiheersare01@hotmail.com
A Member of SIPSA GROUP [Somaliland Independent Political and Socio-economic Analyzers]
Hargeisa/Somaliland

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, April 6, 2010

Kormeerkii Madaxweynaha Ee Gobollada Awdal Iyo Gebiley, Maxaa Natiijo La Taaban Karo Ka Soo Baxay

−Marka uu Madaxweynuhu kormeer ugu kicitimaayo Gobollada, uguna kuur-gelaayo xaaladda wax-qabad ee maamulka, waa inuu qabo tuhun iyo dareen ah inay jiraan waxyaabo ka qalloocan oo uga baahan toosin iyo sixitaan.
−Kormeerka Madaxweynuhu dhayal maaha oo waa furaha iyo cabirka lagu ogaado baahida heerka wax-qabad iyo qiimaha shaqada maamulku qabto. Sidaas awgeed, waxa muhiim ah inay bulsho weyntu ogaato natiijada iyo midhaha ka soo baxay kormeerkii uu Madaxweynuhu ku tegey Gobollada kor ku sheegan, iyadoo laga filaayey Madaxweynaha inuu go’aan ka soo gaadhi doono arrimaha iyo khilaafaadka ragaadiyey xidhiidhka labada Gobol, iyo sidoo kale dardar-gelinta maamul-wanaagga casriga ah, loogana saari lahaa habaca maamul iyo dib-u-dhaca ku habsadey iyo amar-ku-taagleynta madaxda maamulku ku hayaan bulshada danyarta ah.

−Arrin kale, waxay tahay indhaha fiiqan ee Madaxweynuh marnaba ma qabteen amase ma arkeen seddexda degmo ee isu wada muuqda, isna dul-saaran ee qosol ku jabka ah, sida Dila, Magaalo-cad iyo Togwajaale , siiba iyadoo Magaalo-cad iyo Dila oo isku deegaan ahi aysan laba degmo kala noqon Karin, maadaama sharciga maamulku yahay inay kala fogaadaan degmooyinku ugu yaraan 45 mile.

−Dhinaca kale, Gobolka Gabiiley maxa ka hortaagan in laga saaro qoqobka ay ku jirto oo xadkeeda loogu jiidi waayey xagga waqooyiga, looguna fidin waayey maamulkeeda ilaa iyo dhinaca xeebta, si maamulkeedu u noqdo mid dhamaystiran oo taabbo gal ah.

−Waxa kale oo isweydiin mudan, sababta Madaxweynuhu amar uga soo bixin waayey barwaaqeynta beerista ee wax-soo-saarka banka hodanka ah ee Tog-wajaale oo raashin ugu fillaan lahaa Ciidamada.

−Haddii Kormeerka Madaxweyne, laga soo saari waayo natiijo wax-ku-ool ah, waxa kormeerka noocaas ah lagu sheegi karaa inuu ahaa mid mijo-baxsi iyo tamashleyn ahaa oo keliya, amaba looga dan lahaa indha-sarcaad iyo qol-madow kula shirid kooxo yar oo gaar ah, iyadoo la ogsoon yahay inaysan dhicin dadweyne lala kulmay oo la dhegeystey. Madaxweyne aan arag dadkiisa oon dhegeysan dhibaatooyinka iyo baahiyaha ay qabaan waa waxaan hore loo arag, loona maqlin.

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking