COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, May 3, 2010

“Illaahay waxaanu ka baryaynaa inuu Soomaalida Caqligeedii soo celiyo, falka noocaas ahina…”

Sheekh Cali Warsame……..Waraysi
Burco, (NNN)- Sheekh Cali Warsame oo ka mid ah culimada ugu caansan Somaliland, ayaa naqdiyay qarax doraad lala beegsaday Masaajid ku yaala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa Masaajidkaas oo aanay masuuliyadiisa ciddi sheegan, waxa ku dhintay ilaa 40 qof, halka ilaa 80 kalena ku dhaawacmeen.
 Hase yeeshee, Sheekh Cali Warsame waxa uu sheegay in falka noocaas ahi aanu sal ku lahayn diinta Islaaamka iyo bani-aadaminimada. “Waa arrin markaan maqlay qalbigayga aad u gilgishay…Wadamadaa kale waan ka maqli jiray iyadoo Masaajidada la qarxinayo, laakiin arrintani waa mid hadda soo korodhay, waxaana keenaya xadgudubka iyo qofka marka uu dadka Muslimiinta ahi dhiigoodu la fududaado, kumana joogayo markii hore halkuu joogaye, maalin walba waxyaabo la odhan karo kanina kii hore wuu ka fool-xun yahay baa lagu kacayaa,” ayuu yidhi.
Waxa uu Illaahay ka baryay in kuwa falalka noocaas ah samaynaya uu garansiiyo khaladka ay faraha kula jiraan, umadda Soomaaliyeedna uu karaamadeedii soo celiyo. “Haddii aanu nahay Culimada Fadwada, cilmi-baadhista iyo ka jawaabista arrimaha Diinta, arrintaa waxaanu u aragnaa ama aan u arkaa mid aad u fool-xun, diinta ku xun, bani-aadaminimada ku xun oo akhlaaqda ku xun. Markaa aad baan uga xumahay, waxa halkaa (qaraxa Masjidka Bakaaraha Muqdisho) ka dhacay – diinta, bani-aadaminimada, damiirka iyo damqashada Ilaahay bani’aadamka ku abuuray wuu khilaafsan yahay. Arrintaa dhacday meel ay daliil ka helayso, hadday tahay caqliga, cilmiga iyo diinta ma leh. Markaa Illaahay waxaanu ka baryaynaa inuu Soomaalida caqligeedii soo celiyo, falka noocaas oo kale ahina aanu dib dambe uga dhicin, dadka waxaa ku jirana Ilaahay garansiiyo khaladka ay ku jiraan,” ayuu raaciyay.
Mar la waydiiyay in shaqsiyan uu filayay in gudaha Soomaaliya lagu geysan doono qaraxyo lala beegsado goobo lagu cibaadaysanayo, waxa uu ku jawaabay, “Waanu filaynay wax kastaa inay dhici karaan hadday joogsan waayaan, waxaas iyo wax ka darani inay imanayaana waa wax la filayay.”
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Culimada diinta Islaamka ee ay isku aragtida ka yihiin falalka noocaas ah, ay sii wadi doonaan inay umadda ka wacyigeliyaan inay ka joogsadaan.
Mar la waydiiyay waxa uu kula talinayo kooxaha falalkaa geysanaya, waxa uu yidhi, “Waxaan u jeedinayaa Illaahay inay ka cabsadaan, naftooda Illaahay uga cabsadaan, aakhiradooda ay u cabsadaan, umaddana ay u naxaan oo dhibaatadaa ay ku wadaan ay ka waantoobaan.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Ururka Gaaroodi oo deeq lacag ah gaadhsiiyay dadka roobabku ku waxyeeleeyeen Hargeysa

Hargeysa,(NNN)- Ururka Gaaroodi oo ka mid ah ururada samofalka ee ka hawlgla Somaliland, ayaa deeq lacag ah gaadhsiiyay qoysas ku dhaqan degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed-Dhagax oo waxyeelo ka soo gaadhay roobkii todobaadkii hore ka da’ay magaalada Hargeysa.
Munaasibad loo sameeyay gudoonsiinta deeqdaas lacageed oo xalay lagu qabtay Hargeysa, waxa ka qaybgalay Maayarka caasimadda, xubno ka tirsan masuuliyiinta ururka Gaaroodi, guddiga taakulaynta dadka khasaaruhu gaadhay oo lacagtaas lagu wareejiyay iyo marti sharaf kale.
Ugu horayn, guddoomiye kuxigeenka ururka Gaaroodi Mr. Cabdirisaaq Cabdilaahi Aadam oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu faahfaahin ka bixiyay qaabka ay dhaqaalahaas u soo ururiyeen. “Dhibaatada roobku keenay waxay ahayd mid laba dhinac ah, dhinac wuxuu ahaa mid dadkaa uu waxyeeleeyay lagu imtixaamayo, dhinacna wuxuu ahaa mid dadka kale siday wax ugu qabtaan lagu eegayo,” ayuu yidhi. “Xubnaha ururka oo ilaa saddex boqol oo qof ka kooban, kuna kala dhaqan daafaha dunida darteed, waqti bay nagu qaadatay in aanu soo ururinao wixii aanu dadkaa waxyeeladu gaadhay ku taakulaynayo. Laakiin, muddadaa todobaadka ah, waxaanu ku soo ururinay $ 8600 (sideed kun iyo lix boqol oo doolar) oo ay soo bixiyeen xubnaha Gaaroodi ee Qurbaha iyo xubno reer Hargeysa ahi,” ayuu yidhi guddoomiye kuxigeenka Gaaroodi. “Hadda wixii ka dambeeyay, lacagtaa waxa lagala xisaabtamayaa guddiga wax u qabashada dadka dhibtu gaadhay,” ayuu raaciyay Cabdirisaaq Cabdilaahi.
Guddoomiyaha guddiga beesha Koonfurta Hargeysa, ahna guddoomiyaha guddiga taakulaynta dadka uu roobku khasaaraha gaadhsiiyay Kayse Haybe Dheere oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu u mahadnaqay ururka Gaaroodi ee lacagtaas ku deeqay. “Guddi ahaa, gacantii u horaysay waxa na soo gaadhsiiyay dawladda, waxaana sababta lahaa oo dedaal u galay Maayarka caasimadda Hargeysa,” ayuu yidhi guddoomiyuhu. “Deeqda na soo gaadhaa waxay gaadhi doontaa dadka roobabku waxyeeleeyeen, lacagtanina waxay ku baxday halkii ugu haboonayd,” ayuu yidhi Mr. Kayse Kayse.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in tiro dad ah oo ku dhaw intii khasaaraha gaadhay la tiro-koobay aanay weli waxba gaadhin, isla markaana aan markii hore qiimayntii la sameeyay lagu darin. “Markii hore gurmadka anaga uun baa samayn jiray, laakiin maanta mar haddii dawladdu doorkeeda qaadatay way mahadsan yihiin. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa xisbiga KULMIYE, ururka Gaaroodi iyo cid kasta oo gacan ka geysatay taakulaynta dadka roobabku dhibaatada gaadhsiiyeen,” sidaana waxa yidhi Sheekh Maxamed Cali Geedi oo isna halkaa ka hadlay.
Ugu dambayn, Maayarka Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu ka waramay qaabkii ay guddi dawladdu u saartay oo uu xubin ka ahaa u sameeyeen qiimayntii khasaaraha roobku gaadhsiiyay degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed-Dhagax iyo taakulada dawladdu gaadhsiisay dadkaas. “Anaga bulshada oo dhan xil baa naga saaran,” ayuu yidhi Maayar Jiciir.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, May 2, 2010

KULMIYE oo Deeq lacageed gaadhsiiyay dadkii ku waxyeelloobay Roobabkii Hargeysa

Hargaysa,(NNN)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa shalay deeq lacag ah guddoonsiiyey dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay Roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Hargaysa, gaar ahaan labada degmo ee Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax.
Munaasibadii guddoonsiinta deeqdan oo shalay lagu qabtay Hoolka Cali Maarshaal ee xarunta xisbigaas, waxa ka qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige, Guddoomiyaha Xisbigaas ee Gobolka Maroodi-Jeex Axmed Cumar (Xamarji), Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah Mudanayaasha Wakiilada iyo masuuliyiin kale.
Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbigaas ee Gobolka Maroodi-Jeex Axmed Cumar (Xamarji) oo sheegay in Lacagta ay guddoonsiiyeen shalay Guddida horumarinta iyo taakulaynta ee Degmooyinkaas ay dhan tahay $6150 (Lix Kun iyo boqol iyo konton Dollar). waxaanu u mahad-naqay cid kasta oo ka qayb qaadatay Lacagtaas oo uu sheegay in ay tahay qaadhaan Xisbigoodu iska ururiyay. “Runtii Xisbi ahaan cashuur ma qaadno, runtii jeebadayada iyo guddahayaga xisbi ahaan ayaanu dhexda u xidhanay sidii aanu u caawin lahayn ummadayada dhibaatadu gaadhay, ilaahay ha ka abaal mariyee Dumarka xisbiga KULMIYE madaxdooda iyo dhamaan taageerayaasha waxa loo sameeyey sanduuq qaadhaanka lagu ururiyo, qaadhaankiina waanu u ururinay” ayuu yidhi Mr.Xamarji.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha wakiillada ee laga soo doortay degmada Axmed Dhagax. Waxaanu sheegay Xildhibaanku dadkaa u baahan caawimada aanay qaddarkaas Lacagta ah iyo in u dhaw toona ku filnayn, waxaanu dadweynaha ka codsaday in baahida caawimada dadkaasi ay weli taagan tahay.
Guddoomiyaha guddiga dibu-dhiska labada degmo ee Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax Mr. Kayse Haybe Muxumed ayaa isaguna ugu mahadnaqay xisbiga KULMIYE deeqdaa lacagta ah ee ay ugu deeqeen dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay roobabkii dhawaan ka da’ay Hargaysa.
Gebogebadii, Xoghayaha guud ee KULMIYE Keyse Xasan Cige oo munaasibaddaa soo gebogebeeyay, ayaa sheegay in ciddii dalka ay ku timaaddo masiibo aanay u baahnayn in loo kala eego Xisbiga uu taageero iyo halka uu ka soo jeedo, balse loo baahan yahay in la caawiyo.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wasiir Madaarka Dubai kaga hadhay Weftiga Madaxweyne Rayaale

Dubai,(NNN)- Wasiir ka mid ahaa wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay ku hadhay Madaarka magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta oo ay shalay uga gudbeen dalka Faransiiska.
Weftiga Madaxweyne Rayaale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Khaarajiga, Boosaha, Maareeyaha dekedda Berbera iyo xoghayntiisa gaarka ahi, ayaa la sheegay in uu Madaarka Dubai kaga hadhay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Sandule), ka dib markii sida la sheegay cilad aan ujeedadeeda la xaqiijin uu la kulmay. “Arrintaasi way jirtaa, waxayna ahayd dhacdo fool-xun. Weftigu waxay Madaarka tageen saacadu markay 6:00 subaxnimo ahayd, Baasabooradana waxa u siday nin Xasan Diini la yidhaahdo, dabadeedna markii ay xafiiska socdaalka ee Madaarka galeyeen xubnaha kale Boosabooradooda wuu siiyay, Wasiirka Boosahana wuxuu yidhi kaagii waan waayay.” ,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Dubai oo u waramay Ogaal kaas ka cudur-daartay in magaciisa la xuso. “Markii hore wuxuu yidhi Baasaboorku wuu iga lumay, markii dambe ee weftigu ambabaxayna Baasaboorkii jeebkiisa ayuu ka soo saaray, inay la ogaayeen iyo inkalena Ilaahay baa og. Weftigu sidii ay hadalka u dhigayeen, ninkaas uun bay canaanteen, wayna dhoofeen. Laakiin, Wasiirku aad buu u cabanayaa, waanad garan kartaa xaalada uu ku sugan yahay Wasiir halkaa lagaga tegay.” ayuu raaciyay.
Warku wuxuu intaa ku daray, in xubno Jaaliyadda ee magaalada Dubai ka tirsani Wasiir Cali-Sandule dib uga qaadeen Madaarka, kuna celiyeen hotel lagu magacaabo Shiraton oo uu degen yahay.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, May 1, 2010

Somaliland: Lamaanihii ugu da’da yaraa oo is aroostay

Hargeysa, (NNN)- Inta la ogyahay lamaanihii ugu da’da yaraa ee Soomaali ah, ayaa habeen hore ku aqalgalay Somaliland.
Lamaahan oo la kala yidhaahdo Shabcaan Maxamed Carab iyo Nimco Cusmaan Feetin oo labadoodaba da’doodu 13 jir tahay, waxa uu habeen hore arooskoodu ka dhacay degaanka tuulada Warta Aadan Abokor oo ka tirsan degmada Sallaxlay oo ilaa 63 Km Koonfur kaga beegan magaalada Hargeysa.
(lamaanuhu), ka dibna sidii dhaqanka Soomaalidu ahaa waxay noqotay in la isu doono,” sidaa waxa yidhi Cabdinuur Maxamed Carab oo ay walaalo yihiin carruuskaa da’da yar oo shalay Hargeysa ugu waramay Wargeyska Ogaal. “Labadooda midkoodna xataa 14 jir ma gaadhin, labada qoysna way isku waafaqeen guurkooda,” ayuu raaciyay.
Waxa uu sheegay in markii labada dhinac habdhaqan gabadha isu waydiisteen ka dib, ay lamaanahaasi habeen hore ku aqalgaleen guriga qoyska wiilku ka dhashay oo Xoolo-dhaqato ah. “Waxa loo sameeyay aroos, si wanaagsana wuu u qabsoomay,” ayuu yidhi Mr. Cabdinuur Maxamed Carab oo ah nin dhalinyaro ah, carruuskaa gabadha guursaday ee ay walaalaha yihiina afar carruur ahi u dhexeeyeen.
Inta la ogyahay, Shabcaan iyo Nimco waa lamaanihii u horeeyay ee da’daa isku guursada ee arooskoodu ka dhaco Somaliland.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Xisbiga UCID oo barnaamijkiisa Siyaasadeed mar kale daah-furay

Hargeysa,(NNN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shalay si rasmi ah u soo bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasadeed ee Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto.
Munaasibad ballaadhan oo lagu daah-furayay Barnaamijkan siyaasadeed ee Xisbiga UCID, isla markaana ay ka qayb-galeen hoggaanka sare ee Xisbigaas, masuuliyiinta kale ee UCID, Ardayda iyo aqoonyahanka dalka qaarkood iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, ayaa shalay lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Munaasibaddan oo muddo saacado ah socotay, ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. “Horta, waa illaahay mahaddii oo maanta saddexdii xisbiba barnaamijyadoodii waad haysaan, kii UDUB waad haysaan oo waa bilaa Biyo, waa tahriib, waa bilaa idaacad, waa bilaa darajo, musuqmaasuq, qabiil, shaqo la’aan. Markaa saddexdii barnaamij waad haysaan saddexdii musharax iyo ku-xigeenkoodiina waad haysaan, iyagana diirada saara, kaadhkoodana eega mid waliba wuxuu wato, markasaad garan kartaan Xisbi waliba wuxuu wato. Anigu wasiir hore oo shaadh UDUB ah intuu iska soo saaray mid UCID ah idiin gashaday oo tamartiisa garanaysaan ma wadno, Dhiil culanbaanu idiin wadnaa. Maanta waxa la kala dooranayaa lixdaa qof (Murashaxiinta) iyo rakaabkoodii, rakaabku wuu qarsoon yahay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe wuxuu dadweynaha ugu baaqay inay Ololaha horkeenaan Murashaxiinta UDUB ee aanay Xoghaye guud iyo Guddoomiye Olole toona la xisaabtamin. “Markaad maqashid guddoomiyaha ololaha doorashada xisbiga micnihiisu maaha isagu inuu halkii musharaxa madaxweynaha ka ololeeyo, waa inuu dhigaa khidaddii uu kusoo bixi lahaa oo uu qorsheeyaa, haddaba arki mayno musharxii madaxweynaha waxaynu arkaynaa guddoomiyihii ololaha oo ubax loo galinayo, isagu ma musharax baa? Xoghayaha guud ma musharax baa? Waxa wax loo raacayaa waa musharaxiinta. Bal waad na tidhi caynkaase maxaad noo qabatay dhaha, markaa nimankan ina hor boodboodaya waxaad tidhaahdaan idinku musharixiin ma tihiin ee arrintu waxay ka taagan tahay lixda musharaxe ee Rayaale ha yimaado. Waxaananu jecel nahay inay nala akhriyaan, ha yimaaddo Siilaanyo, ha yimaado Rayaale sida Ingiriiska. Saddexda musharaxna ha dooddeen, markaasaad garan doontaan waxa ka soo baxa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Markaa anagu waxaanu doonaynaa inaanu xooga saarno hantida dadka, bani’aadamka hantidiisu maxay tahay? Waa caafimaad iyo waxbarasho, qofku hadduu caafimaad helo oo uu waxbarto, xirfad yeesho shaqo ayuu helayaa markuu shaqo helana dawladana wuu naaxinayaa, cashuurtii buu bixinayaa, intii kalena reerkiisii iyo carruurtiisuu buu ku hagaajinayaa. Mrkaa labadaasaanu ahmiyada saaraynaa.” Waxaanu Faysal sheegay in Tuulooyinka qaarkood la midaynayo oo magaalo laga samaynayo, si adeegyada aasaasiga ahi ugu suurtogalaan, isla markaana ay horumarinayaan Dekedda Berbera.
Mar uu ka hadlayay xidhiidhka ay la yeelan doonaan Itoobiya ee dhinaca Ganacsiga waxa uu Faysal yidhi, “Maanta wax kasta Itoobiya ayay inooga yimaaddaan, haddaynu inagu is nidhaahno wax geeya (Itoobiya) waa kootarabaan, waxaanu samaynaynaa Ganacsi labada dhinacba ka socda. Waxa kale oo aanu ballan qaadaynaa in lacagtan dawladihii hore ee dalkeena ka socota inaanu lix bilood ku bedalno oo aanu ta dalkeena u samayno, in aanu idaacad weyn oo aanu nin xukumin balse guddi xukunto oo qof kasta u furan samayno.” Waxaanu sheegay in Ciidamo xooggan oo ilaalada Xuduudka ay samayn doonaan, isla markaana ay muddo sanad gudaheed ah ku keeni doonaan Ictiraaf. Waxaanu sheegay in ay sanad kasta ilaa 600-Qoys u qaban doonaan Aroos Wadareed. “Insha Allah 120-Milyan oo Dollar ayaanu u qorshaynay sanadkii in aanu gelino adeegyada Bulshada, sida Madaarada, Dekedaha iyo Garoomada, waxaananu u samaynaynaa Hay’ad gaar ah.” ayuu yidhi Guddomiyuhu.
Barnaaijkaa siyaasadeed ee UCID waxa iyana ka mid ahaa qodob u dhignaa sidan; “Waxaanu taageero xoog leh oo maaliyadeed iyo farsamaba siinaynaa Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal iyo SNM”
Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay, Guddoomiye-xigeenka Xisbigaas Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo ka warbixiyay Barnaamijkooda siyaasadeed iyo waxyaabaha hordhaca u ah.
“Munaasibaddan oo ah daah-furkii Barnaamijka Xisbiga oo aan ahayn markii ugu horeysay ee la soo bandhigo, balse ay tahay go’aankii rasmiga ahaa oo maanta la daah-furayo markii la helay tallooyin iyo tusaalooyin dhinaca dadweynaha ka yimi. Barnaamijku wuxuu ka kooban yahay 13 qaybood oo qayb waliba ay leedahay qodobadeeda hoos imanaya qaybahaasi. Hadddii aan ugu horeysiiyo hiraalka Xisbiga, hiraalka xisbiga UCID wuxuu yahay sidii loo heli lahaa bulsho ku salaysan caddaalad, sinnaan iyo wada-jir bulsho ay hogaaminayso dawlad casriya oo ku qotonta qiyam islaami ah, Dhaqanka iyo hiddaha ummada iyo nidaamka dawliga ah ee diqmuraadiga oo ah tallo-wadaag. Sidaa darteed waxaa saldhig u noqonaya jiritaanka iyo horumarka Somaliland saddexdaa tiir oo ay mudnaantiisa leedahay qiyamka islaamiga ah, dawlad ilaalinaysa madaxbanaanideeda, isla markaana muhiimad siinaysa xidhiidhka ay la leedahay wadamada jaarka ah, ixtiraamaysa heshiisyada caalamiga ah, dawlad casriya oo lala xisaabtami karo, muhimadna siinaysa wanaajinta, dhawrida iyo horumarka muwaadiniinteeda.” Ayuu yidhi Mr. Waqaf, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Si looga midho dhaliyo dedaalkaa kor ku xusan xisbiga UCID waxaa hogaaminaya dad leh daacadnimo, wadanimo iyo aqoon ay kaga turjumayaan mabaadida uu xambaarsan yahay qorshahaa waxqabad ee xisbiga. Waxa kale oo lagu xaqiijin karayaa hiraalkaas inuu xisbiga UCID la yimaado dedaal dheeraad ah, waxqabad iyo farsamooyin cilmiyeysan oo uu ku hanto bulshada reer Somaliland iyo beesha caalamkaba. Waxa kale oo lagu xaqiijin karaa taageerada dadweynaha iyo iyaga oo codkooda siiya xisbiga UCID doorashada soo fool leh, maadaama oo wada tashigu lagama maarmaan u yahay dhismaha talo kasta oo la go’ aamiyo, isla markaana uu aasaas u yahay dhismaha dastuurka Somaliland.”
Munaasibaddan oo ka-qayb-galayaashii loogu qaybiyay Buugaagta Barnaamijkan, ayaa sidoo kale waxa ka hadlay Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbigaas Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan oo isna ka hadlay Barnaamijkooda siyaasadeed iyo ku-tagalka qorshahooda Xisbi ahaaneed. Waxaanu ka hadlay oo kale arrimaha Doorashooyinka Qaranka iyo dib-u-dhacyadii hore ugu yimi. “Doorashadii la inoo sheegay ee ay Komishanku inoo sheegeen ee ay yidhaahdeen Bisha June ayey dhacaysaa, waxaynu ognahay in talladaas sida lagu soo gaadhay inay aad iyo aad u adkayd inta ka war haysa inta kalena loo sheegi maayo. Waxa lagu soo gaadhay dadka siyaasada dalkan u ololeeya ama ka ololeeya oo xisbiga UDUB kaw ka yahay inayna doonayn in doorasho xor ahi dhacdo ama doorashaba dhacdo, waxaad ogtihiin iska horimaadkii yimi in xataa si arrintaasi u hirgasho markii xisbiga UCID uu soo diyaargareeyey ee uu ku dooday ilaa wadankan diiwaangelini ka dhacdo inaanay doorasho wanaagsani ka dhacayn. Taa waxa ku xidhan taariikhdii wadankan iyo dawladnimadiisii in dawlad wanaagsan oo casriya wadankan laga dhisi karo oo keliya iyadoo doorashadu wax xalaal ah ay noqoto.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed-Rashiid, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Xisbiga UCID laba goor ayuu ka hadlay waad ogeydeen. Taasi markaa waxay keentay In markii ugu dambaysay qolada kale ee diidani ay xataa diideen wax alla wixii waan-waan ahaa ee ummada reer Somaliland ay u soo jeediyeen xataa ay diideen dadka adduunyada inagula nool ee bulshada Caalamka loo yaqaan ee dalkan nabaddiisa iyo dimuqraadiyadiisa jecel. Waxay keentay taasi inay ku naf waayaan dad dhalinyaro ah oo maanta laga yaabo in dad badani aanay xasuusnayn, doorashada inagu soo socota maaha doorasho ku timi wax ciyaar-ciyaar. Xisbiga UCID wuxuu taariikh ku leeyahay oo lagu ogyahay kaalintii uu ka galay doorashadaas in ummadan iyadoo loogu tallogalay in doorashada loogu marmarsiyoodo oo dagaal iyo fawdo dhacdo inuu xisbiga UCID yidhi maya anagu nabadda ayaanu hogaaminaynaa xataa haddaanu 20- sano sugayno doorashada, taana waa inaad ogaataan.”
Sidoo kale, waxa isna halkaa hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Dhalinyarta ee heer Qaran Mr. Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac oo ku dheeraaday muhiimadda kaalinta uu Xisbiga UCID ugu talo-galay dhalinyarada qorshihiisa mustaqbalka. Waxaanu si qoto-dheer Cabdiraxmaan uga warbixiyay waxyaabaha Xisbigooda uga meel-yaala dhalinyarada haddii uu talada qabto oo ah in ugu yaraan 5 xil ama Wasiir oo la shaqeeya Wasiirada (Shadow Ministers) la siiyo.
Dhinaca kale, waxa iyana halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Maamulka iyo Qorshaynta UCID ee heer Qaran, ahna guddoomiyaha abaabulka dhalinyarada ee Xisbigaas Maxamed Xasan Dirir oo sidoo kale, isna tilmaamay muhiimadda uu UCID siinayo dhalinyarada, waxaanu xisbigaas ku tilmaamay Xisbiga kaliya ee dhalinyarada u qoondeeyay mansabyo sare.
Waxa iyana halkaa ka hadlay dadweyne kale oo tiro badan oo isugu jiray ka-qayb-galayaashii munaasibaddaas.
Gebo-gebadii, dadweynihii munaasibaddaa ka qayb-galay ayaa su’aalo waydiiyay Murashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee UCID, su’aalahaas oo ay ka mid ahaayeen mid nuxurkeedu ahaa, waxa uga qorshaysan dadka qaxootiga ah ee ajaanibka ah ee dalka ku soo badanaya. “Horta, maanta inaga iyo qaxootiga dalka soo galay waxaynu ku kala duwanahay ma jirto..Somaliland-na waa Kawsarad Timir ah oo Xabaal taala, cid walbana qaadanayso. Wax allaala wixii Itoobiya ka dawarsanayay way isku soo keen tilmaameen, intii Cudurka qabtay iyo intii aad ka naxaysay oo dhan, waanu ka sifaynaynaa Insha Allah, sharci baananu u samaynaynaa Insha Allah.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID oo su’aashaas ka jawaabay.
Sidoo kale, mar Guddoomiyaha UCID la waydiiyay waxa uu ka yeelayo xaaladda Soomaaliya haddiiba uu talada ku guulaysto, wuxuu sheegay in haddii talada dalka ku guulaystaan ay dib-u-heshiisiin dhex dhigi doonaan dhinacyada Soomaaliya.
Waxa kale oo wax laga waydiiyay Guddoomiyaha UCID waxa uu ka yeelayo Jaadka haddii uu talada qabto. “Jaadka joojin mayno Insha Allah, laakiin dadka ayaanu wax fahamsiin doonaa..Shaqooyinka marka la qorayana waxa ka kow noqon doona in aanu qofku Qaadka cunin. Waxaananu dadka ku qancin doonaa inay iyagu iska daayaan, inantana waxaanu ku qancin doonaa in aanay guursan qof Qaadka cuna.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking