COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, May 7, 2010

INOO KALA GOO - Maqaal Xiiso badan Leh

Marka hore waxan salaamayaa dhammaan dadka reer Soomaaliland madax iyo minjaba, waayeel iyo dhallaanba , sheikh iyo shariifba, Haween iyo dhalaanba oo aan ku salaamayo asalaamu alaykum dhammaantiinba.
Waxan jecelahay in aan yer mililico siyaasada dalkeena (dibadda iyo gudahaba), maamulka hadda jira, musuqmaasaqa iyo dardaaran kii u danbeeyey ee xisbiyada mucaaradka iyadoo haatan xilligii doorashadu kaabiga inagu soo heyso.

QISADII INOO KALA GOO:
Casrigii Nebi Daauud iyo Nebi Suleymaan (Caleyhim salaam) oo aan xiligaa jirin waxa loo yaqaano DNA ee dhiiga lagu baadho ayaa laba dumarah isku qabsadeen ilmo yer oo mid waliba tidhi anaa dhalay. Markaasay isula tageen nabi Daauud ( calayhi salaam) oo ay yidhaahdeen nakala furo. Dabadeedna tii aan dhalin oo oyaysa , dhulkana isla dhacaysa ayuu nabigi arkay markaasuu u xukumay iyadii ( waa tii aan dhalin ilmaha). Hooyadii run ahaantii dhashay ayaa qanciweyday, dabadeena waxay hadana isula tageen nabi Suleymaan ( calayhi salaam).
Nabi suleymaan wuxu yidhi hadii aydaan isudayn waan idiin kala goynayaa ilmaha, dabadeena seef ayuu soo qaatay oo uu dul dhigay ilmihii.Hooyadii rasmiyan u dhashay ayaa soo boodey oo tidhi ha dilin ee iyada sii, tii kalena ee aan dhalin waxay lee dahay noo kala goo. Dabadeedna nabi Suleymaan ( calayhi salaam) wuxu ilmihii u xukumay Hooyadii tidhi ha noo kala goyne iyada sii.
Waxan qisadan aan uuga jeedaa marar badan oo wadenkeenu khal khal la galiyey ayaa xisbiyada mucaaradka uuga tanaasuleen xisbul xaakim oo lahaa noo kala gooya , waayo iyagu ( siiba xisbiga kulmiye) soomaaliland wey dhaleen.Waana astaanta hogaanka fiican ( good leadership) inuu tanaasulo xaaladaa adeg.
Maanta la isutanaasulimaynee food ( Vote) ayaa lagu kala baxayaa ee barbarkay ka baxdaa waa bakayla qaleen, dadweynihuna waxay ku ciilbaxayaan footkooda.

Siyaasada dibedda: Waxan ku tilmaamey siyaasada dibadda ee dalkeena Dawaarad aan meel laga baxo lahaeyn (Roundabout without exit).
Maxaa yeeley isku wuxuun bay sheegayaan nimaka talada hayaa madaxweyne illaa wasiir, waxay odhanayaan waanu isa soo afgaraney wadankii aanu u baxnay, wax natiijo ah oo wadanka looga soo midhodhaliyeyna majiraan 10kii sanadood ee u danbeeyey.

Siyaasada gudaha:Iyadu yooyootan iyo xisbiga kulmiye muxu yidhi ayey ka dhammaan weydey iyo hebel hebel ku dhufo iyo been dadka ku maaweeli.
Ajinabiga u yimaadana waxay ku yidhaahdaa anagaa isdabarney oo dalkayaga macawino dabadeed laanteed dhisanay. Waxa ay ilowsanyihiin inaan reergalbeedka iyo IMF daynka bixisaa u riyaaqeyn erayadda siyaasiyan iyo dhaqaaalo ahaanba iyagoo markey kula joogaan aan kaa hor imaneyn. Balse waxay garan layihiin si kale wuxuu uugu sheega.

Dhulboobka:Dhibaatada dhulboobka oo inugu habsatay waxay garan la yihiin sidii dalka Sudan oo taas oo kale ku dhacdey inay qofkii meel weyn xidha layidhaahdo cashuurta dhulkaa baaxadda leh bixi kana soo biximaysid intaa aad oodatey inta kale dadka inta hadhey ayaa leh. Aakhirkii qofna jeelkaa iyo kharaashkaa xamilimaaayo ,wuxu ogolaadey in dhulka in macquul ah uu ka qaato taasna waxa laga filayaa xisbiga kulmiyey oo talada dalka dhawaan la wareegidoona inshaalla.

Musuqmaasuqa:Madaxda iyo minjaha musuqmaasuqa aafeeyey ee aan nina ninka kale ka daa odhaneyn ,waayo ninwaliba isagaa lugta kula jira, tuuguna wuxu jecelyahay tuug uu ku dhexdhuunto oo aanu tuke baalcad noqon. Taasina kulmiyey aayaa isbadelkeeda looga fadhiyaa. Wasiirada mustaqbalkana sidii Kenya ayaa hantidooda la diiwaan galinayaa inta aanu wasiir noqon ama ninkasto oo jagada dawlada mansab sare ka qabta Madaxweynahana ku daroo.Taana kulmiyaa looga fadhiyaa.

Tacllinta:Waxa dalkeena ku caan ah inaan la kantroolin manaahijta iskuulada malcaamadaha khaaska loo leeyahey. Taas oo halisø ku ah nabadgelyada dalkeena iyo heerka tacliimeed ee ilmaha laga rabo. Ayaduna waa hawl xisbiga kulmiye u taal.

Qaxoontiga (immigration): Arrinkaa cidina kama warheyso tirade dadka ajinabiga ah ee dalka jooga iyo meesha loogusoo hagaagayo.Majiro adduunka dal aan diwaangalin dadka qaxootiga ah ee dalkooda yimaada Somaliland mooyee. Iyana kulmiyey utaalaa.
Dardaaran: waxaan kula talinayaa dhamman inta isbadeldoonka ah in ay ayagu muujiyaan isbedel oo ay naftooda ka billaabaan .Haddii kale arrinku wuxu inooga dhacayaa iiga gac meesha.Ninkii caanka ahaa ee Mahatba Ghandi ee u dhashey India Wuxu yidhi “ If you like to make a change , be the change”.

Wabillaahi tawfiiq

Abdulkhaliq Mohamed Sheikh Osman Nur
Birminghakm UK

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, May 4, 2010

Madaxweyne Rayaale iyo Weftigiisa oo la kulmay masuuliyiin Faransiis ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta gudo galay hawlahoodii shaqo ee ay Dalka Fransiiska u joogeen, kaasi oo ay ku yimaadeen Dalkan Fransiiska booqasho rasmi ah, waxa maanta lagu qaabilay aqalka looga taliyo Dalka Fransiiska ee la yidhaahdo Elysee, halkaasi oo uu ku qaabilay la taliyaha Madaxweynaha Fransiiska ee Arrimaha Africa , Mudane , Andre Parant iyo saraakiil ka socotay aqalka Madaxtooyada.
Kullankaasi labadaa dhinac ay isaga waraysteen, arrimaha labada dal dhinacyadooda ; Siyaasadda; dhaqaalaha iyo Nabadgelyada; taasi oo ay ku jirto arrimaha ka taagan, mandaqadda Geeska Africa oo Dawladda Fransiisku aad xogogaal ugu tahay.
Arrimahaaasi ay labada dhinac isla soo qaadeen falanqeyn dheer ka dib waxay ku soo gabagaboobeen jawi wanaagsan iyo is afgarad,
Madaxweynaha waxa kullankaasi ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Debedda, Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wakiilka Somaliland ee Dalka Fransiiska, Mudane Cali Ismaaciil Xassan iyo Mudane Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha. 

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, May 3, 2010

Shalay: Weydiimihii Mudanayaasha Wakiilada iyo war-wareeggii Masuuliyiinta Maaliyadda

Hargeysa,(NNN)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay su’aalo kala duwan oo la xidhiidha Miisaaniyadda Qaranka iyo qaar ka mid ah dhaqaalaha kale ee dalka ku boobay Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil).
Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayay Xildhibaanada ku weydiiyeen Wasiirka, hase ahaatee ay kala jawaabayeen Agaasimihiisa guud iyo Xisaabiyaha guud ee Qaranka.
Su’aalihii la waydiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo jawaabihii ay ka bixiyeen waxay u dhaceen sidan;
S: Xisaab-xidh hal sano Golaha 2005 ayaad keenteen, waxaana ka muuqday madow-madow badan, waxaana lagu celiyey hanti-dhawrka Qaranka iyo xisaabiyaha guud, muddadii loogu talagalayna kumaydaan soo celin. Markaa ma saaka (shalay) ayaad siddaan, xageed sharcigaa ka dhaafteen?
J: Xisaabiyaha guud: Xisaab-xidhka sanadkii 2005 2006 iyo 2007 Goluhu wuu hayaa, tii 2008-da xilligii loogu talogalay baanu u gudbinay hanti-dhawrka waanu diyaariyey hanti-dhawrku. Xisaab-xidhkii 2009-kana weli lama gaadhin xilligii la diyaarin lahaa.
S: Wasiirku wuxuu in badan ku celceliyey kharashyada baxaa waxay u badan yihiin Ciidamada, waxaynu ognahay ciidamadu ilaa hadda inaanay hayn raashinkii yaraa ee ay qaadan jireen Xaasaskoodu, ma Ciidan aan kuwan ahayn baad siisaan Wasiir raashinkaa?
J: Cawil: Waxaan ka xumahay arrin ciidanka ku saabsan inay Xildhibaanadu halkan kaga hadlaan, Ciidanku waa ciidan inoo tirsan oo aynu ku faani karno, waxooda way helaan, taakulaynta way helaan, qalabaynta way helaan, arrin halkan la isku waydiiyo maaha, ninkii xildhibaan ah ee doonaya inuu Taliska u tago weeyaan.
S: Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda xanaanada xoolaha iyo Wasaarada Deegaanka Saddexdaa wasaaradood oo ah wasaarado waaweyn Miisaaniyadoodu waa afar Bilyan iyo badh, halka TV-ga Qaranku Miisaaniyadiisu tahay lix bilyan, taasoo aanan garanayn hawl gaara uu u qabto dalka Tv-ga qaranku oo aan doonayo inaad noo sheegtaan?
J: Cawil: TV-ga Qaranku waa hanti qaran oo ummadu leedahay, xildhibaanada qaarkood yaanay si kale u arkin, wixii ay mudan yihiin baanu siinay wax dheerad ah maanu siin, markaanu qaybinayno miiisaaniyaddana waxaanu ku dedaalnaa wax yar oo kooban baanu haynaa inaanu sida caddaaladu ku jirto u qaybino. Marka lagu yidhaahdo wax yar qaybi culayskeeday leedahay, nin Wasiir Maaliyadeed noqday ayuun baa garan kara culayskay leedahay, ragbaa iga horeeyey oo ay xitaa ku adkaatay inay miisaaniyad sameeyaan.
S: Wasiirka waxaan waydiinayaa lacagtii uu yidhi Sool baan ururinayaa imisay noqotay, maxaa loogu qabtay. Dhinaca kalena lacagta Burco ee sanad walba miisaaniyadda ku jirta maxaa looga badali waayey, lacagtii ugu dambaysay ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee maxjarka ma halkii TOTAL bay martay, maxaa laga hayaa yaa haya?
J: Cawil: Taakulayntii Gobollada bari ee ahayd 2% waa la hayaa kayd gaara ayey ku jirtaa, iyaga ayuun baa lagu isticmaalaa gobolladaa bari taakulayntooda iyo maamulka tayeyntiisa. Haddii ay noqoto in la kordhiyana waanu idiin keenaynaa haddii alla yidhaahdo. Ta maxjarka, horta aynu ogaano xooluhu nolosha ummada, Carabtu saliid bay leeyihiin, inaguna xoolaynu leenahay. Neefka Adhiga ahi Foostada Baatroolka ah ayuu ku dhawdhaw yahay, Geela iyo Lo’duna way ka qaalisan yihiin. Waxaan aaminsanahay haddaan ummadan maxjar loo samaynin oo xoolahaasi aanay tegin sucuudiga in dadkeenu dhaqaale ahaan ay hagaasi doonaan. 2004-tii ayaanu ka bilawnay inaanu raadino cid Maxjar inoo samaysa, anigu laba jeer baan u tagay nin la yidhaahdo Sh. Al-camuudi oo aan ka codsaday inuu maxjar naga damiinto in la noo dhiso, aduunkuna xoolo aan caafimaadkooda la baadhin inaga aqbali maayo. Waxaanu doonay in aanu ganacsatada xoolaha u yeedhno oo aanu ku nidhaahno waar Maxjar samaysta, way isu iman waayeen, waxaana ku adkaaday dhawrkaa Milyan ee Doollar ee ay ku furanayaan maxjarka. Illaahay mahadii maxjarkii wuu inoo furmay waxaad ogaataan maxjarkaasi faa’iidada uu u leeyahay ummaddeena, nin carbeed baa dhisay lacag buu galiyey, waa lala xisaabtamayaa wixii ka galay, xisaabtankii wuu socdaa, waxaan idinka codsanayaa xildhibaanaa tihiine inaad sugtaan inta ay hawlahaasi soo dhamaanayaan. Lacagtii Burcana horta aniguba Nin Burco ka soo jeeda ayaan ahay, meeshuu Nacnac (Xildhibaanka Su’aasha waydiiyay) ka soo galay garan maayo. Lacagtaa waa waxaanu filayno, waananu badalaynaa si dhakhso ahna waad u arki doontaa.
S: Mudane Wasiir, Distoorku wuxuu qorayaa haddii miisaaniyadda lagu keeni waayo wakhtiga uu Distoorku waajibiyey, waxa lagu sii dhaqmayaa Miisaaniyaddii sanadkii hore, muddo saddex bilood ah adigu Wasiir Maaliyadeed ahaan waxaad fasaxday mushaharka iyo Shidaalka oo keliya, intii kale oo dhan way ka xidhnayd hay’adaha miisaaniyad leh, miyaanay Distoorka ka soo horjeedin arrintaasi?
J: Agaasimaha guud: Sidaa uu sheegay Xildhibaanku waxa lagu sii dhaqmayaa Miisaaniyaddii sanadkii hore, run ahaantii waxaanu ku dhaqanay ilaa imika sidii uu sharcigu dhigayey, waxaananu fasaxnay Shidaalkii iyo Mushaharkii oo iyagu daruuriyaadkii ah. Waxyaabaha kale ee Hay’aduhu kharashaad ahaan u isticmaaleen markay tani bilaabanto ayuun baa laga jarayaa.
S: 28-Milyan ayaad soo qorteen, Dekedda Berbera 2-Milyan mooyaane intii kale waxaad tidhaahdeen iyadaa is-cuntay, waxaynu ognahay Maraakiibtii ku gubatay dekedda Berbera in loo waayey Dab damiye. Maxay Dekeddu ku qabataa lacagta intaa le’eg, xageedse mariseen, maxaad ummada ugu qabataan, ma baddaad ku macaanaysaan?
J: Agaasimaha guud: Waxa fiicnaan lahayd inaad xogogaal u tahay miisaaniyadda meesha ku taala, xog fara badan baa ku taala, hoos u akhri meelaha muhiimka ah, warbixinaa ku yaala iyo waxqabad iyo wixii loogu talo galay intuba adeegeeda caadiga ah ayey ku baxaan. Markaa, Xildhibaan waxaan jeclaan lahaa inaad tafaashiisa meesha ku taala aad akhrido oo aad wax iga waydiiso.
S: Ugu horrayn, Mudanayaasha su’aasha wasiirka la waydiinayo isku dhigaya (Muxaafadka) waxaan u sheegayaa, idinka ayaa wasiirka ka qiimo badan oo ummad baa idin soo dooratay isagan wa la magacaabay..Su’aashaydu waxay tahay odoroska miisaaniyada waxaad sheegtay inay jiraan kharashyo soo kordhay oo aan ku jirin miisaaniyadihii hore ee 2009-kii oo lama huraan noqday kana mid yihiin kharashka korodhka tirada shaqaalaha iyo ciidamada, korodhka raashinka iyo sixirka, korodhka raashinka maxaabiista, korodhka adeegyada iyo socodsiinta, kharashka qaadka iyo gaadiidka, kharashka doorashooyinka iyo golaha wakiilada intuba way ku jirtay wasiir 2009-kii, markaa halkay ka korodhay?
J: Agaasimaha: Kharashyadu horey u jireen, kuwa kalena way imanayaan. Marka mushaharka laga hadlayo waxay ka muuqataa qodobka mushaharka, marka la is barbar-dhigo 2008 iyo 2009 faraq baa ka muuqda, dhinaca gunada wuu ka muuqdaa, waxbarashada lafteeda shaqaalaha wax badan baa korodh ah, markaad dhinacyadaa ka eegto waxaad arkaysaa kharashka iyo mushaharka faraqa u dhexeeya labada miisaaniyadood.
S: Lacagtii doorashooyinka Madaxtooyada ee ku jiray miisaaniyadihii hore iyaduna kuma jiraan miisaaniyadan, waxay ku jiraan odoroska miisaaniyadda sanadkan, iyana xagay ku xisaabsan yihiin?
J: Agaasimaha guud: Markaan ka hadlo Doorashooyinka sanadkii hore way ku jirtay, waa runtii hal bilyan buu tiradeedu ahaa, sanadkana hal bilyan baa ku kordhay labadaa bilyan baa u yaala, marka madaxtooayda laga hadlayo oo laba qaybood kala noqotay, qayb soo bandhigidda ah iyo qayb doorashada lagu galayo.
S: Waxaan jecelahay in Wasiirka iyo Wasaaraddu ay ka jawaabaan su’aal la soo celceliyey oo ah; hantida qaranka ee la iibiyey?
J: Cawil: Horta, waxaad tihiin rag waayo-arag ah oo Xildhibaano ah, dawladaha kale sida Itoobiyada inoo dhaw iyo Jabuuti haddaad tagtid waxaad arkaysaa in dadka maal-qabeenka Dhul la siiyo oo ay dhistaan, Huteelka Sheraton dhulka uu ku fadhiyo bilaash baa lagu siiyey. Inagu, Indian line-kii niman maal-qabeen ah ayaan damcay inay qurxiyaan, waxaanu ku qasabnay nimankaa maal-qabeenka oo waliba aananu xaq ugu lahayn dawlad ahaan inay dadkeena danyarta ee ku jira mid walba ay siiyaan lacag ay ku guuraan oo ugu yaraan 30-kun oo Doollar ah, anagoo u tudhayna ummaddeenaa ku jirtay guryaha ee danyarta ah. Haddii dawladdu ka iibisay, markay hawlaha guud dakhligaa dhulka ay soo qiimeeyaan, iyadoo mitir lagu cabiri doono, markay dakhligeedu soo gaadho ee ay ku heshiiyaan hawlaha guud, lacagtiina la qabto, waxay noqonaysaa dakhli Wasaaradda Maaliyadda ku soo wareegay, marka ka dib ayey miisaaniyadda ka muuqanaysaa, markaa waxaan idinka codsanaynaa inaad na sugtaan.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Itoobiya oo sheegtay inay qabteen xubno Al-Shabaab ka tirsan oo Somaliland sii maray

Addis Ababa,(NNN)- Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay xidhay 10 xubnood oo ka mid ah Kooxda Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ka dagaallama, kuwaas oo ay sheegtay inay ka gudbeen oo ay sii mareen Somaliland.
Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Nazret.com ee dalka Itoobiya, Saraakiisha Booliska ee dalkaas, ayaa sheegay in maalintii sabtidii ee toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen ilaa 10 xubnood oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen in ay qorshayayeen falal ismiidaamin ah oo qorshahoodu ahaa in ay ku khalkhal-geliyaan Doorashooyinka Itoobiya la filayo in ay ka dhacaan Bishan. Warku wuxuu intaa ku daray in Boolisku sheegeen in Raggan ay gacanta ku dhigeen ay mareen markii hore dhinaca Somaliland.
Ciidamada Boolisku waxay intaa raaciyeen in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Hubkii iyo agabkii kale ee ay u adeegsan lahaayeen falalka xasillooni-darro, kuwaas oo ay xuseen in ay sida ugu dhakhsaha badan u horkeeni doonaan Maxkamad.
Dawladda Itoobiya, ayaa Dalka Ereteriya ku eedeeya in uu tababaro iyo gargaarba u fidiyo Kooxaha ka dagaallama Koonfurta Soomaaliya ee ay Al-Shabaab ka mid tahay.23 bishan May ayaa la filayaa in ay dalka Itoobiya ka qabsoonto Doorasho, taas oo ay codkooda ku dhiiban doonaan in ku dhaw 30-Milyan oo qof oo ku dhaqan dalkaas.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Somaliland: Xuska Murugadii siddeed sanno ka hor iyo Maanta oo kale

Hargeysa,(NNN)- Siddeed sano ayaa ka soo wareegay maalin Somaliland ugu suntan maalin madow oo ahayd maanta oo kale sanadkii 2002, wakhtigaas oo uu dalka Koonfur Afrika ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.
 Muddo haatan laga joogo siddeed sanno oo ku beegnayd 03 May 2002, ayaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu ku geeriyooday Cusbatal ku yaala magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, halkaas oo loo geeyay xaalad Caafimaad.
Marxuum Cigaal oo wakhtigaa xaalad Caafimaad loogu qaaday dalka Koonfur Afrika, isla markaana muddo kooban ku jiray Cusbatal ku yaala Pretoria. Waxaana si heer Qaran ah oo aan look ala hadhin loogu aasay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.
Marxuum Cigaal waxa la sheegay inuu dhashay sanadkii 1928-kii, wuxuuna ku dhashay magaalada Oodweyne. Marxuum Cigaal dabayaaqadii Afartamaadkii ayuu waxbarasho u tegay Dalka Ingiriiska, wuxuuna dib uga soo laabtay horaantii kontameeyadii xiligaas oo ay Somaliland ka aloosnayd dabayshii gobonimo-doonka ee lagaga horjeeday Maxmiyaddii Ingiriiska.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Xuska Xorriyatul-Qawlka iyo hambalyada Gudoomiyaha Ururka JAR & Afhayeenka AU ee Warbaahinta

Hargeysa,(NNN)- Guddoomiyaha Saxaafadda Qaaradda Afrika ee JAR, isla markaana ah muwaadinad u dhalatay Somaliland Muha Daahir Faarax iyo u-qaybsanaha Midowga Afrika ee Warbaahinta Mrs. Esther Asaa Yambou oo u dhalatay dalka Cameroon, ayaa si wada-jir ah hambalyo ugu diray Warbaahinta Afrika, maalinta Xorriyatul-qawlka oo ku beegan maanta awgeed.
Warsaxaafadeed ay ku wada saxeexnaayeen, isla markaana ay wada-jir u soo saareen oo munaasibaddan la xidhiidha, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Saxaafada Qaarada Afrika waxaa sanadkan 2010 uu Midowga Afrka (AU) iyo Ururka Suxufiyiinta Qaaradda ee Journalists For African Renaisance (JAR) ugu hambalyaynayaan dhamaan maalintan qiimaha leh ee ku astaaneysan Xoriyatul Qowlka Saxaafada Dunida. Waxaa suurtowda in aanay saxaafada Qaaraddu la qabin tan caalamka ee horumartay dabaaldegyada ay maalintani ku helaan fursadaha Abaal marineed ee ay ku mutaystaan jaa’isadaha u qalma hanaanka iyo masuuliyada ay u guteen howlahooda mihnadeed sanadka idil. Waxaa marag-ma-doon ah in aanay saxaafaddu lahayn wakhti ay u helaan, Naftooda, Hantidooda gaarka ah iyo weliba mararka Qaar Qoysaskooda iyo inta ay Ehliyad iyo Asxaab jecelyahiin. Sidaas darteed, waxa maalintan ku qaaliga ah bahweynta Saxaafada caalamka, gaar ahaanna tan Afrika ay wada-jir ugu dirayaan dhambaalkani bogaadinta ah, anagoo u rejaynayna horumar, caafimaad, Daryeel, Tixgalin, iyo weliba masuuliyad ay iyagu u muujiyaan guud ahaanba Qaaradda ay hogaanka wacyigalineed, horumarinta bulsheed iyo taabbo-galinta dimuqraadiyadeedba daabka u hayaan.

 Muha Daahir Faarax Jire (Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Afrika ee JAR
Midowga Afrika iyo Ururka Suxufiyiinta Qaarada ee JAR waxay wada jir ugu baaqayaan Dawladaha doorashooyinku ku soo foolka leeyahiin ee Qaaraddu inay aad u tixgaliyaan Tixgalinta Dimoqraadiyada oo ay horseedka yihiin Suxufiyiinta Qaaradda oo sida ay bidaan habsami-u-gudashada waajibaadkooda shaqo ay awooddooda oo masuuliyadi ku dheehan tahay u gudan karaan.
Waxay sanadkan 2010 u dirayaan hambalyo gaar ah dowlada Itoobiya oo ilaa hadda yididiilo la taaban karo gelisay Saxaafadda kadib markay Wasaarada Isgaadhsiintu Warbaahinta Caalamka iyo tan Maxalliga ahba ku wargaliyeen in ay dawladdu ka doodey in xeerka Saxaafada ee National Electro Board of Ethiopia (NEBE – Guddida Doorashada ee Itoobiya) ay isku hortaageen Xoriyadda Saxaafada ee ka xog-waramida doorashada Ethiopia ku soo foolka leh bishan May ee 2010.
 Esther Asaa Yambout (u-qaybsamaha Warbaahinta ee Ururka Midowga Afrika
Madaxweynaha Djibouti Mudane Geelle oo muujiyay heerka uu ka taaganyahay Saxaafad horumartay, kadib markuu sanadka 08/03/2010 uu abaal mariyay Haweeenka fara-kutiriska ah ee mihnadda si masuuliyadi ku dheehan tahay uga hawlgalay.
Waxaan dhamaan Hay’adaha Qaramada Midoobay ugu baaqaynaa in ay isku taxluujiyaan inay kaalmo dhismeed (Capacity building) iyo tababarro la hal-maala ay ka caawiyaan guud ahaanba Saxaafadda Qarada Afrika, inay ka caawiyaan Mihnaddan ay naftooda u hureen sidii ay uga guul gaadhi lahaayeen.
Hay’adaha Qaramada Midoobey oo waxyaabo badan ka caawiya Qaaradan saboolka ah ee Afrika oo aan weli muujin dedaal ay ku kaalmaynayaan Xirfadlayaasha Warbaahinta oo ah udub dhexaadka koowaad ee Horumarin kara, dhisi kara Qaaradda hadii ay helaan awoodo badhitaara, ayaan mar labaad ka codsanaynaa in ay ugu yaraan Miisaaniyaddooda sanadlaha ah ku darsadaan mashaariic lagu horumarinayo Warbaahinta, si horumar waara oo Aqoon & masulliyad ku salaysan ay Afrika Warbaahinteedu ugu talaabsato.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking