COMING SOON......Radio Nasiib

Showing posts with label xeerdejin. Show all posts
Showing posts with label xeerdejin. Show all posts

Wednesday, July 21, 2010

Shirguddoonka Wakiillada oo kala-badh Mudaneyaasha golaha baafinaya

Hargeysa,(Nnn)- Shirguddoonka golaha Wakiilada Somaliland, ayaa baafinaya kala-badh Mudaneyaasha golahooda.
Sida lagu sheegay qoraal u-yeedhis ah oo Shirgudoonku shalay soosaaray, waxa la baafinayaa 39 Mudane oo laba xubnood uun ka dhiman yihiin kala badh 82 xubnood ee goluhu ka kooban yahay. Qoraalkan yeedhmada ah ee shalay, waxa uu ka dambeeyay qoraal hore oo doraad Shirguddoonku ku baafiyay 38 Mudane, waxayna sheegeen in dhamaan xubnaha kala dambeeyay ee loo yeedhay ay sabab la’aan fadhiyada golaha waqtiga xilhayntoodu dhamaadka ku dhaw yahay uga baaqsadeen.
Qoraalka Shirguddoonka iyo magacyada ay soosaareen Mudaneyaasha la baafinayaa, waxa uu u dhignaa sidan; “Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu ku wargelinaya Xildhibaanada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin oo ka maqnaaday fadhiyadii golaha sabab la’aan, inaanay ka maqnaanin fadhiyada golaha oo uu ugu horeeyo fadhiga maanta ee golahaas.
Xildhibaanaddaasina waxay kala yihiin sidan:
1. Aadan Xaaji Diiriye Dirir
2. Axmed Cabdi Siciid
3. Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe)
4. Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne).
5. Axmed Maxamed Cali (Beegsi)
6. Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne)
7. Axmed Xasan Aadan Muuse (Weysa cade).
8. Axmed Maxamed Nuur
9. Cabdi Maxamuud Jaamac
10. Cabdicasiis Ismaacil Ducaale
11. Cabdiqaadir Askar Xasan
12. Cabdiqaadir Xaji Ismciil Jirde
13. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
14. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.
15. Maxamed Cismaan Maxa’ed (bulqaas)
16. Farxaan Maxamed Cali
17. Xaashi Xuseen Caabi
18. Xariir Siciid Bulaale
19. Xamse Maxamed Gaade-Weyne
20. Ibraahim Jaamac Cali
21. Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaadheere)
22. Ibraahim Caraale Cabdi
23. Ikraan X. Daa’uud Warsame
24. Khadar Aadan Xasan (Ambasador)
25. Mahdi Cabdillaahi Maxamuud
26. Mahdi Xaji Xasan Sugaal
27. Maxamed Yaasiin Sh. Cali
28. Maxamed Barkhad Miigane (Xamal)
29. Maxamuud Dhunkaal Guutaale
30. Maxamed Cali Jibriil
31. Maxamed Cali Xirsi
32. Maxamed Faarax Qabile
33. Maxamed Jaamac Cali
34. Maxamed Jaamac Cabdi
35. Maxamed Xaji Maxamuud Cumar Xaashi
36. Muuse Maxamed Ismaaciil (Hoos u jeed)
37. Naasir Xaaji Cali Shire
38. Saleebaan Yuusuf Cali Koore
39. Siciid Maxamed Cilmi.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Thursday, July 8, 2010

Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada oo ka hadlay war laga faafiyay

“Marka horeba guddiga talo-bixinta maanu gelin, Madaxweynahana…”
Hargeysa, (Nnn)- Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa beeniyay warar saxaafadda qaarkood faafiyeen oo la xidhiidhay inuu ka baxay guddi Madaxweynaha la doortay dhawaan magacaabay.
Cabdicasiis Samaale oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in marka horeba aanu xubin ka noqon guddi uu dhowaan Axmed-Siilaanyo u magacaabay inay ka soo talobixiyaan dhismaha Xukuumadda cusub, wuxuuna beeniyay in isaga iyo kuxigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax ay ka baxeen guddigaas. “Warkaa Wargeyska Haatuf ku soo baxay waa been, sababtoo ah marka horeba aniga iyo Baashe Maxamed Faaraxba guddiga maanu gelin,” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale. “Waanu ka cudurdaaranay, maadaama aanu nahay Shirguddoonka golaha Wakiillada oo ah golaha hadhow ansixin doona xukuumadda cusub. Sidaa aawadeed, guddigaa maaanu gelin, Madaxweynahana waanu la socodsiinay, magacyadayadu way ku soo baxeen, laakiin kamaanu mid noqon marna, wuuna naga aqbalay,” ayuu raaciyay.
Mar la waydiiyay sababta Madaxweynaha la doortay u cadayn waayay bedelkooda, maadaama ay labadooda magac ku soo baxeen liiska guddigaas oo 15 xubnood lagu sheegay, waxa uu qiray in aanu jirin war dambe oo wax lagaga bedelay guddigaas, balse waxa uu tilmaamay in aanay jirin sabab loo buunbuuniyo guddi talobixineed. “Guddi talo soo bixinaysa in la buunbuuniyo mabay ahayn, makaanu mid noqon, manaanu gelin, wax is diidani ma jiro. Markaa waxaan umadda u caddaynayaa in wax is diidani aanay jirin, wax la isla seegan yahayna aanu jirin. Xisbiga hawl baan u soo qabtay, waanan u qaban doonaa, heerkii aan markii hore ka taagnaana mid ka sareeya ayaan ka taaganahay, labadayaduna daacad baanu u ahayn, una ahaan doonaa xisbiga,” ayuu yidhi Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sheegay in Madaxweynaha la doortay ka aqbalay ccudurdaarkaa ay xilli horeba u gudbiyeen. “Hawl baanu qaranka u haynaa, taasoo ah Shirguddoonka golaha Wakiillada, waxaanan umadda u caddaynayaa in marka horeba aanaan guddigaa gelin, meel aanu kaga baxnayna jirin,” ayuu yidhi Samaale.
Waxa uu si adag u beeniyay warkaas oo dulucdiisa lagu sheegay in sababo ismaandhaaf jira ay labadaa masuul guddiga uga baxeen, wuxuuna tilmaamay inuu ku faanayo hawsha uu xisbigiisa KULMIYE u soo qabtay, isla markaana wax ismaandhaaf ahi aanu ka jirin xisbigaas iyo guddiyadiisa.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, May 29, 2010

Guddoomiyaha Guurtida oo si qotodheer uga hadlay arrimaha doorashada, baaqna u jeediyey xisbiyada

Hargeysa,(NNN)- Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in dhinacyada siyaasadda dalka iyo Komishanka Doorashooyinkaba ay khasab ku tahay inay wada shaqayn yeeshaan.
Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay Hargeysa ku soo laabtay ka dib socdaal dhawr bilood qaatay oo uu ku tegay dibadda, waxa uu ka hadlay shaqaaqooyin dad ku dhinteen oo dhawaan ka dhacay degmada Buuhoodle.
Guddoomiyaha oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Ogaal, waxa uu baaq u jeediyay Murashaxiinta u taagan doorashada Madaxtinimada, wuxuuna amaanay siday wax u wadaan Komishanka Doorashooyinka Somaliland. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay aragtida beesha Caalamku ka qabto Somaliland iyo doorashadeeda, waxa uu u dhacay sidan;
S: Guddoomiyaha, sideed u aragtaa qaabka Komishanku hawsha u wadaan?
J: Anigu waxaan u arkaa in Komishanku hawl fiican wadaan. Doorashadu way inagu raagtay, saddex sannadood bay hadda dhaaftay waqtigii lagu qaban lahaa, hase yeeshee muddadii ay joogeen waxaan qabaa inay si fiican u hawlgaleen, wax walbana waxa ka wayn kalsoonida dadku ku qabo, kalsoonidii dadkana sidaa ku kasbadeen. Hadday wax badan qabtaan, balse aan kalsooniyi jirin waxba ma tarto, laakiin ilaa hadda kalsoonidii dadka way kasbadeen, waxaanan ku rejo waynahay inay ku wadaan, doorasho xor oo xalaal ah inay qabtaan, inay caddaalad inoogu garnaqaan, waayo garsoorayaal weeye, waana inay kii xaq lehna xaqiisa siiyaan, kii aan xaq lahayna yidhaahdaan waad gardaran tahay, wixii la odhan jiray waxbaa lagu shubay iyoxoolaa la qaatayna inay mar uun inaga hadho, ilaa haatana way wanaagsan yihiin. Markaa anigu waxaan bogaadin ahayn uma hayo, hawshiina si fiican bay u wadaan. Hadda waxa England ku maqan xubno Komishanka ka tirsan, hawshana way is barbar wadeenba. Markaa insha Allaah in 26 June karku inaga dhaco, sidaa ay u wadaana ay u wadaan baan u arkayaa.
S: Maxay tahay aragtidaada ku saabsan qaabka ay u wada shaqaynayaan Xukuumadda, Axsaabta Mucaaradka iyo Komishanku?
J: Anigu siday u wada shaqaynayaan idiinkama dhawiye, way khasban yihiin inay wada shaqeeyaan, tartana waa la ogolyahay oo siyaasaduba waa tartan. Laakiin, labaduba waa inay danta guud u adeegayaan, Mucaarad iyo mid hadda awoodii ku fadhiyaa labaduba waa inay danta dadweynaha iyo dalka u adeegaan, wada shaqayna waa in la helaa. Waxa walba waxa ka wayn inay ilaaliyaan nabadgelyada.
S: Waxa jira in Komishanku codsadeen in xeerka doorashooyinka wax laga bedelo, waqtiga ololahana laga dhigo 21 maalmood, taasna labada goleba ansixiyeen, laakiin weli in aanu Madaxweynuhu saxeexin sideed u aragtaa?
J: Waxaan u arkaa in laga gudbo, wax dib loo sii dhigtaa ma jirto, mar haddii labada goleba isku raaceen. 21 maalmood wax ka badan maxaaba la qaban? Dalalka ugu waawayn baa afar todobaad ku qabsada, intaa wax ka badana dadkaa ku daalaya, doorashaduna had iyo jeer dhaqaale ayay keentaa. Markaa aniga Madaxweynuhu inuu saxeexayaa aniga I soo gaadhaye, ma wax baa is bedelay? Waa inuu isna saxeexaa, kuna wada dhaqaaqnaa oo loo wada hawlgalaa, si ay doorashadu 26-ka u dhacdo, ololuhuna ku dhamaadaa muddada loo qabtay.
S: Guddoomiye, waxa jiray in dhowaan shaqaaqooyin dad ku dhinteen ka dhaceen Widhwidh iyo Buuhoodle, markaa gole ahaan sidee baa jeceshihiin inaad ku waajahdaan?
J: Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu inaga qaboojiyo – horta dhiig daata uma baahnin. Dawladda Itoobiya iyo Ciidanka qarankaba way isku dhaceen (dadka degaanka), waxaanan anigu jeclahay in maskaxdu shaqayso, balse aanu laxawga iyo shucuurta seef-la-boodnimadu shaqaynin, wax la dhawrtana dad baa ugu wayn. Waqtigan ay ku soo hagaagtay waa waqti doorashadeeniiba bisishahay, tii Itoobiyana waa tii dhacaysay, waxyaabahaas oo kalena waa marka la iska ilaaliyo wixii shaqaaqo keenaya, dadweynane ama reer Buuhoodle ha noqdo ama qolooyinka kaleba ha noqdee waa inay iyagu is ilaaliyaan, dalkana waa la wada joogaa, waa la wada degen yahay oo meelna reer kelidii ma degena. Markaa in taas la ilaaliyo ayaan u arkaa, insha Allaahna Illaahay wuu inaga qaboojin.
S: Dadweynaha reer Somaliland maxaad u soo jeedinaysaa?
J: Waxaan u soo jeedinayaa, doorashadana gala, qaranimadiinana ilaashada.
S: Gole ahaan guddi ma u saaraysaan shaqaaqadaa dhinaca Bariga?
J: Dee waanigan hadda imiye, aan war iyo taloba qaato oo Guurtidu wixii ay ilaa hadda qabteen aan ilaa beri (maanta) eego, wixii waajib ahna waajib baa naloogu leeyahay in aanu dadka dhexmaro oo wax u sheegno, laakiin horta aan warqaato.
S: Kaalintii guud ee doorashaduna maxay tahay?
J: Waa tii ay ahaan jirtay, wacyigelin, wanaag iyo nabadoonimo inaanu ku shaqayno.
S: Maadaama aad dibadda ka soo laabatay, dadweynaha dunidu siday u arkaan xaalada Somaliland iyo siday doorasho uga bixi karto.
J: Somaliland inay inala wayn tahay oo isla wayne, dadweynaha dunidu uma jeedaan. Laakiin, dawladdaha gaar ahaan kuwa reer Galbeedku way danaynayaan in doorasho xor ahi ka dhacdo, waxay ina yidhaahdaana waxa weeye, ‘bal doorashadan gala inaad Dimoqraadiyadda u bislaateen aanu idinka eegnee.’ Markaa aniga waxay ila tahay iyaga ugu danayn maynee inagaa isugu danaynayna inaynu u bislaano Dimoqraadiyadda, inay doorasho xor ah oo xalaal ah oo aan wax iswaydaarin lahayni dhacdo…
S: Ugu dambayn, maxaad u soo jeedinayaa saddexda Murashax ee doorashada u tartamaya?
J: Tartama, dadka iyo dalka uun bay muhiimadu tahay dantoodu waa taas, kiina laga helaana ha haneeyo, kii helaana xuquuqda ka kale ha ilaaliyo.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, May 12, 2010

Golaha Guurtida oo dhaqaale waydiistay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa, (NNN)- Shirguddoonka golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinku ay cid kale siiyeen dhaqaale golahooda ugu jirtay miisaaniyadda Komishanka, gaar ahaan hawlaha wacyigelinta.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali oo waraysi dheer siiyey Wargeyska Ogaal, waxa uu beeniyay in Shirguddoon ahaan ay ku hawlan yihiin hawlgal lagu xagal-daacinayo hawlaha diyaargarawga doorashada Madaxtooyada ee loo qoondeeyay bisha June.
Waraysigaas oo uu kaga hadlay kulamo ay Komishanka kala yeesheen doorka golahooda ee hawlaha doorashada, dhaqaale ay sheegeen inay Komishanadii hore ka heli jireen, sida uu u arko isku-dhacyada taageerayaasha KULMIYE iyo UDUB ee gobollada Bariga qaarkood iyo qodobo kale, waxa uu u dhacay sidan;
S: Guddoomiye, waxa jira war warbaahinta qaarkood faafiyeen oo la xidhiidha in Shirguddoonka aad u ololaynaysaan sidii markale doorashada dib loogu dhigi lahaa, idinka oo u maraya xeerarka u degsan, markaa arrintaas maxaa ka jira?
J: Waxba kama jiraan. Golaha Guurtidu doorka keliya waxa weeyaan wacyigelinta inuu ku wacyigeliyo dadweynaha inay doorashada si nabadgalyo ah ku galaan, nabadana la ilaaliyo, qof kastaana uu codkiisa ku dhiibto kaadhka la siiyo oo keliya.
Dhinaca golaha Guurtida, waad ogtahay oo waa aasaasihii Jamhuuriyadda Somalilad, marxalado badana wuu la soo maray, duruufo badana isagoo la kaashanaya golayaasha kale iyo Xukuumaddaba ayuu ka soo saaray. Markaa maanta oo doorashadii la filayo inay dhacdo bilahan soo socda kama suurtawdo inuu u ololeeyo in doorashada dib loo riixo.
S: Laakiin, adiga, guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo Xoghayaha Guurtidu waxa la sheegay inaad wadaan hawlgal aad Mudaneyaasha ku xodxodanaysaan oo la xidhiidha sidii aad taako ugu dhigi lahaydeen wax-ka-bedelka xeerka doorashooyinka?
J: Maya, waxaasi wax kama jiraan weeyaan oo jaraa’idka qaarkood waxay doonaan bay iska qoraan. Anagu doorashada dib uma riixi karno, waqtigii ugu dambeeyayna go’aankii aanu anagu soo saarnay wuxuu ahaa mid ayidaaya lixdii qodob ee beesha caalamku soo jeedisay, taas baana lagu socdaa, go’aankayaguna wuxuu ahaa in doorashada bil ka dib uu xilkii Madaxweynuhu ku egyahay. Midda kale, maadaama oo xilligii doorashada la cayimay, xeer aanu hadda anagu u cuskanayno oo aanu leenahay doorashadii dib bay u dhici kartaa ma jiro.
S: Guddoomiyaha golaha Wakiiladu wuxuu ku baaqay in labada gole iska arkaan arrinta ku saabsan doorashada, markaa Shirguddoon ahaan diyaar ma u tihiin in golaha kale aad iska aragtaan, kana wada tashataan?
J: Anagu Baarlamaan baanu isla nahay, labada gole wixii tallo ah ee la gudboonaada sharcigaaba siinaya waxyaabaha ay iska arki karaan, waanay ka tashan karaan wixii xaalad ah ee markaa timaada.
S: Laakiin, mar haddii uu soo baxay baaqaasi idinka dhinaciina ma soo dhawaynaysaan inaad kala kulantaan dhigiina Wakiilada?
J: Aad baan u soo dhawaynaynaa, arrintanina wax qoraal ah noogumay iman, runtii anigu joornaalka kumaan arag. Laakiin, iyagu hadday ku baaqeen fikirka ay hayaan waanu isla eegaynaa.
S: Waxa la sheegay inaad kulan la yeelateen adiga iyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Komishanka doorashooyinka, maxaad ka wadahadasheen?
J: Waxaanu ka wadahadalay, waxa jirtay dood uu goluhu yeeshay oo ku saabsanayd doorka uu goluhu ku yeelan karo doorashada, waana dood, doodana mudane kastaa aragtidiisa ayuu ka soo jeedin karaa. Markaa waxaanu doonaynay xubnaha qaarna waxay dalbadeen in Komishanka golaha la horkeeno oo ay ka warbixiyaan habka ay doorashada ugu talogaleen, kaadhadhka ay u bixinayaan iyo natiijooyinka soo baxa sida ay iyagu u qaateen, markaa arrintaas ayaanu ka hortagnay intaan golaha la horkeenin, si aanu golaha u qancino.
S: Markaa ma in Komishanka golaha looga yeedho oo ay hor tagaan baad ka hortagayseen?
J: Waxa nala siiyay inaanu anagu soo waraysano oo golaha ayaaa noo ogolaaday inaanu anagu soo waraysano.
S: Markaa waraysigaa aad Komishanka la yeelateen maxaad idinka baxay?
J: Waraysigooda waxa nooga baxay sidii ay barnaamijka u soo dhigeen inay doorahada u dhacdo ayuun bay noo sheegeen.
S: Mar haddii Axsaabtu qaranku ku qanacsan yihiin Komishanka doorashooyinka, maxaa khasbanaya in xubnaha golihiina qaarkood dalbadaan yeedhmadaa ama idinkuba aad la kulantaan?
J: Hay’aduhu wada shaqayn bay leeyihiin, markaa golaha Guurtidu had iyo jeer doorkiisu waa wacyigelin iyo dhinaca ilaalinta xeerarka. Markaa wixii aanu u aragno inay doorashada ama nabadgalyada carqalad ku noqonayso in laga wada tashado way tahay.
S: Gole ama Shirguddoon ahaa, ma wax carqalad ah baa idiin muuqda imika?
J: Maya, hadda wax carqalad ahi nooma muuqdaan, markii aanu Komishanka la kulanayna si fiican baanu isu afgaranay.
S: Markaa ma waxaad kala hadlayseen inaad Guurti ahaan wacyigelin ka gashaan sidii loo qaadan lahaa kaadhkan iyo in si nabadgalyo ah lagu codeeyo?
J: Haa, xeerkii 37 (xeerka diiwaangelinta Codbixiyeyaasha) ayaa sheegayay in Guurtidu intaan doorashada la gaadhin inay doorka wacyigelinta qaadato, horena way u samayn jirtay Guurtidu oo intaan doorashada la gaadhin, doorasho kasta ha noqotee golaha Guurtidu wuu bixi jiray, daweynaha wuu ku wacyigelin jiray in doorashada si nabadgalyo ah loo galo, xasiloonidana la ilaaliyo, haddana goluhu wuu isu diyaarinayaa inay doorkoodii wacyigelineed qaataan.
S: Ma jirtaa inaad Komishanka kala hadasheen inay dhaqaale ahaan idinka taageeraan, si aad guddiyo hawshaa u baxa u saartaan?
J: Maalintii dhawayd iyaga kala maanaan hadlayn arrinkaas. Laakiin, qaabka doorashada ayaanu warbixin ka qaadanaynay.
S: Laakiin, Komishanadii hore dhaqaale ahaan way idinka kaabi jireen guddiyada aad gobollada u dirtaan sow maaha?
J: Waxa ku jira Miisaaniyadaa Komishanka wacyigelin, wacyigelinta nabadgalyadana Guurtidu waa ka kaw, bulshada kalena kama madhna. Laakiin, Guurtidu waa inay gogol-xaadh u sii noqdaan doorashada.
S: Dabcan, wadahadalkiinana qayb way ka ahayd in doorkiinii dhaqaale ee wacyigelinta ku jiray aad heshaan?
J: Taas doorashada waanu waydiinay oo waxaanu ku nidhi ‘doorashooyinkii hore goluhu guddiyo ayuu saari jiray oo wacyigelin xaga nabadgalyada ah uu u saari jiray, markaa maxaad nooga haysaan?’ markaa waxay yidhaahdeen wax dhaqaale ah oo anagu hadda aanu idinka kaabaynaa ma jirto. Markaa waanu ku qanacnay oo anagu taayada (miisaaniyadda golaha) ayaanu ku bixinaynaa, markaa hadda wacyigelinta aanu u baxayno maaha mid ay Komishanku naga taageereen.
S: Komishanku miisaaniyadii ay Komishanadii hore idin siin jireen ee dhinaca wacyigelinta nabadgalyada, inay maxay ku baxday bay idiin sheegeen?
J: Wallaahi, waxaan u malaynayaa iyagu dad kale ayay siiyeen, qaybaha kale ee bulshada ayey siiyeen. Markaa kama xumin, laakiin waa door uu golaha Guurtidu lahaa. Laakiin, uma baajinayno dhaqaale la’aantaa ay Komishanku naga caawin waayeen, anaga ayaa taayada ku bixinayna.
S: Goorma ayaad guddiyada hawshaa u saaraysaan?
J: Todobaadkan soo socda ayaanu golaha xidhaynaa, ajandihiina wuu dhamaaday golihii kale waa kuwa fasaxa galay, labada golena way wada shaqeeyaan, fasaxyadooduna way isku beegan yihiin, doorashadii iyo waqtigeedii waa kuwan soo dhaw oo kaadhadhkii la qaadanayo, arrinkaasina wuxuu u baahan yahay wacyigelin wayn, waayo bulshadu way kala aragti duwan yihiin. Markaa si doorashadu si xor ah oo xalaal ah ugu dhacdo oo nabadgalyo ah ayaanu anagu damacsanahay, markaa inaanu baxno intaanay doorashadu soo galin.
S: Sideed u aragtaan gole ahaan isku dhacyada kooban ee dhexmaray taageerayaasha Axsaabta ee gobollada bariga qaarkood?
J: Waad ogtahay, waxaynu ku jirnaa xaalad doorasho, wax badana did bbay inooga dhaceen, maadaama maanta ay tahay waqtigii ugu haboonaa oo ay doorashadu inoogu qabsoomi karto, anagu waxaanu jeclaan lahayn in umaddu dadweynaha ha noqoto ama Axsaabta ha noqotee in la ilaaliyo nabadgalyada iyo xasiloonida, doorashadana aan wax carqalad ah lagu abuurin dhinac kastaba ha ahaatee, Axsaabtuna iyagaa doorashada galaya, markaa inaanay khalkhal gelinin nabadgalyada iyo hawlaha doorashada. Laakiin, anagu imika cid gaar ah u eedayn mayno arrintaas.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, February 27, 2010

Shirguddoonka Wakiillada Somaliland oo safar dhulka ah ku soo galay Hargeysa

Hargeysa (NNN)- Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay ka soo laabtay socdaal ay ku tageen dalal ka tirsan qaarada Yurub.
Guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxay socdaalo kala duwan ku tageen dalal dhawr ah oo ka tirsan Yurub, iyadoo guddoomiye kuxigeenku ka qaybgalay shirkii dalalka Barwaaqo-sooranka oo lagu martiqaaday, kaasoo ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking