COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, December 15, 2010

Africa: Will Sudan lead the way to the next big carve-up?

By Charles Onyango-Obbo
Nairobi (Kenya) - Finally, the January referendum wheels seem to be turning irreversibly in Southern Sudan.
There was a lot of excitement even with the registration that ended last Tuesday, by which time three million had registered.
Now it looks like the January 9, 2011, when the region is highly likely to vote to secede, will be on schedule. If not, the delay will only be by a few weeks.
So far a lot of attention has been focused on whether Khartoum will sabotage the referendum, and plunge the country back into war.
However, there is another organisation that is quite uneasy with the prospect of South Sudan independence — the African Union.
At one point the AU was categorical that it did not think secession was the best option for South Sudan. Lately, as the inevitable draws close, it has softened its position.
However, it remains mealy-mouthed.
The AU is concerned about South Sudan, because African leaders fear what effect secession will have on their own mostly poorly managed and poor nations.
Some African countries are too big for their leaders to run effectively.
For that reason, one can argue that it makes sense for Sudan, Africa’s largest country, to be split in two, even if it hadn’t endured decades of a bitter civil war.
If South Sudan’s secession creates a domino effect, it is not difficult to see which ones will fall first.
Most immediately, next door, it will help complete Somaliland’s consolidation into an independent or, at least, autonomous state.
There are, indeed, Somali academics who claim that the UK, for one, wants Somaliland, which was once a British protectorate, to break away.
In the long run, depending on how the February 2011 elections and next five years turn out, northern Uganda — where there have already been secessionist rumblings — could look to form a loose federation with Southern Sudan and the Lendu of the DR Congo in a bigger “Lendu Republic” as hardline Sudanic/Luo chauvinists in East Africa sometimes refer to that political project.
Sooner than that, DR Congo could follow Somaliland.
The DRC is likely to split into four; the western part will be one block, then the eastern “Kiswahili region” will break up into three.
One, further south, will be a Rwanda sphere of influence. The middle portion could be a Uganda-allied state. And the northern bit would walk off to be part of the Lendu Republic.
The one that would really shake Africa would be Nigeria. Indeed, the eccentric Libyan leader Muammar Gaddafi (the man with the “voluptuous blonde” Ukrainian nurse), has suggested that Nigeria be split into north and south, as one way of stopping the periodical orgies of Christian-Muslim slaughter.
The Nigerian government was outraged, but that is a popular view in the oil-rich south, which thinks the north are a bunch of freeloading gun-toting Muslim extremists.
Back in the East African Community, the Zanzibar Isles, which have never been quite happy in their marriage to mainland Tanzania, could swim off to relish the pleasures of their spices without the overlordship of condescending Dar es Salaam.

*Charles Onyango-Obbo is Nation Media Group’s executive editor for Africa & Digital Media. E-mail: cobbo@ke.nationmedia.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Somaliland: President to visit China with largest government delegation

Hargeysa, 14 Dec, 2010 (Nnn)- Somaliland president Ahmed Mohamed Silanyo is expected to pay an official visit to China early next year, at the invitation of Chinese Government. It was earlier in the year when a 14-member delegation from the People’s Republic of China made on official visit to the Republic of Somaliland to study the economic and investment climate earlier in the year. The delegation which consists of some of China’s leading investors, government officials and members of China’s leading media-houses arrived in the capital Hargeisa.
Mr. Qi told local press at the time that they were delighted with their trip to Somaliland and expressed their desire to invest in number of places in the country. They praised the people of Somaliland for their warm hospitality and for their achievements without international help.
The state-owned China National Offshore Oil Corporation (CNOOC) attempted to acquire an interest in Somaliland potential oil reserves. The Chinese state oil giant, CNOOC, has already won permission to search for oil in part of Somalia, – coming to an agreement in 2007 with Abdullahi Yusuf Ahmed, the then head of the “Transitional Federal Government”, which demonstrates China’s willingness to brave Africa’s most volatile regions in its hunt for natural resources.” CNOOC’s deal with Somalia’s transitional federal government gave it exploration rights in the north Mudug region, some 500km north-east of Mogadishu.
China has now approached the government of Somaliland, where earlier surveys also show the possibility of significant oil reserves. It is a truth, overlooked at your peril, that China is steadily building its influence in Africa and the Indian Ocean.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Xubnaha Mooshinka watay maxay ka yidhaahdeen go’aanka golaha?

Hargeysa 14, December 2010 (Nnn)- Mudaneyaasha watay mooshinka wax-ka-bedelka xeer-hoosaadka golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay go’aan shalay lagu soo gebogabeeyay fadhigii golahaas, isla markaana lagu laalay mooshinkooda.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo u hadlay mudaneyaashaas, waxa uu naqdiyay go’aa Madaxweynaha oo ay hore u sugayeen ka qaatay mooshinkooda, wuxuuna ka hadlay siday u arkaan go’aanka golaha iyo waxa hadda u qorshaysan, wuxuuna waraysigaas u dhacay sidan;
S: Xildhibaan sided u aragtaan arrinta maanta (shalay) dhacday?
J: Go’aankii maantu (shalay) runtii wuxuu ahaa go’aan naga nixiyay, ummadana ka nixiyay, go’aan Kali-talisnimo iyo awood-sheegasho xambaarsan ayuu ahaa, go’aan sharcigii lagu jabiyay, go’aan muujinaya in la qaaday wadadii qaloocnayd ee ay madaxdii Afrikaanku qaadi jirtay.
S: Maxaad ugala jeedaa go’aan khaldan oo ah wadadii ay madaxda Afrikaanku ay qaadi jireen?
J: Waxaan ugala jeedaa, anigu horta golaha muddo 15 sano ah ayaan ku jiray, walaalkay Samaale ee hadlay maantana 5 sano ayuu ku jiray, Distioorka iyo xeer-hoosaadka ayaanu ku dhaqanaa oo golaha lagu hagaa. Waxaan kuu sheegayaa fadhina ma furmi karo, go’aana lagama gaadhi karo golaha. Haddaan kooramku buuxsamin, taasoo micnaheedu yahay kala-badh iyo inka badan, kaasoo ay caddaynayso qodobka 38aad faqradiisa 3aad ee Distoorka qaranka Somaliland, wuxuu baarlamaanka xil-gudashadiisa ku salaynayaa Distoorka iyo xeer-hoosaadkiisa, qodobka 45aad ee Distoorka faqradiisa 2aad iyana waxay leedahay fadhiga golaha Wakiiladu wuxuu ku furmi karaa marka ay joogaan kala-badh iyo inka badani, isla qodobkaa faqradiisa 3aad waxay sheegaysaa go’aamada goluhu waxay ku ansaxayaan hal-dheeri, marka laga reebo xaaladaha uu Distoorku ama xeer-hoosaadku golaha u jideeyey aqlabiyad kale. Markaa waxay iskaga soo horjeedeen maanta (shalay) Samaale (guddoomiye kuxigeenku) wuxuu yidhi kooram looma baahnayn, halkana Distoorku wuxuu sheegayaa fadhiga golaha Wakiiladu wuxuu ku furmi karaa markay joogaan kala-badh iyo inka badan.
S: Laakiin, guddoomiye ku-xigeenku wuxuu ku sheegay in kalfadhigu uu awalba ahaa mid aan caadi ahayn?
J: Fadhi micnaheedu waxa weeye, waxa loola jeeda shir ama kulan kasta oo golaha Wakiiladu fadhiistaan oo kooram ku furmay.
S: Haddii idinku aad qabtaan sida aad sheegayso oo aad sharcigaa ku dhaqmaysaan maxaad u iman waydeen haddii aad idinku aqlabiyadii tihiin?
J: Horta, anagu aqlabiyadii ayaanu ahayn, xeer-hoosaad baanu is-nidhi fura, markii ay xukuumadda cusubi timi, waanu is qiimaynay, iyadoo ummada lafteedu iyo saddexdii gudoomiye xisbi oo ku jiro Siilaanyo, hore loo waydiiyay bishii May oo la yidhi ka waran xil-gudashada xildhibaanada oo ay yidhaahdeen waxba nimankaasi may qaban, ka dibna maalin dhawayd uu Samaale hadlay oo yidhi golahayagii waxba muu qabane ummadu hana saamaxdo iyo ummada oo na canaananaysa. Markaanu waxaasoo dhan aragnay, waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu golahayagii boodhka ka tuno oo aanu xukuumadda la jaanqaadno labadaa sanadood muddo kordhinta ah ee la sameeyay in wax alla wixii naga baaqday dhamaystirno, ka dib waxaanu nidhi xagaynu ka bilawnaa? xeer-hoosaadka aynu ka bilawno, xeer-hoosaadkii wuxuu tilmaamayaa waxa soo-jeedin kara 11 mudane, marka xeer-hoosaadka wax laga bedelayo in ka badan ayaanu ku soo jeedinay.
S: Waxa jirtay inuu Madaxweynuhu idin soo dhexgalay oo uu doonayay inuu dhexdhexaadiyo labadiina dhinac, taasi halkay ku dambaysay?
J: Waxa wallaahi naga fajicisay oo aanu imika la yaaban nahay horta Madaxweynuhu laba codsi ayuu noo sameeyey, midi wuxuu ahaa isaga oo maqan, xildhibaan Aadan Tarabi Oogle ayuu la soo hadlay oo wuxuu yidhi igu sima waanu aqbalnay, Madaxweyne ku-xigeenku wuu noo yeedhay waanu aqbalnay, guddoomiyaha Guurtidu wuu naga codsaday oo waanu aqbalnay. Markii uu yimi, ka dib rag baanu u dirnay, waa la soo bariidiyey, ballan ayuu soo qabtay, 13 xildhibaan oo saddexda xisbiba ka kooban ayaanu u dirmay habeen dhaweyd, way is arkeen, nasiib-darro Madaxweynuhu isaga oo aan wareysan xildhibaanadii wuxuu sitay markaa oo uu jeebka ku sitay talo xaga kale laga siiyay, codsigiisii halkii uu ku furi lahaa oo uu wareysan lahaa ilayn isaga ayaa la sugayee may dhicin taasi. Laakiin, wuxuu yidhi ‘nimanyahaw xeer-hoosaadka waan maqlay, shaqadaasi waa shaqadiinii, laakiin tiradaa 55-ka ah ee lagu ridayo Shirgudoonka ee aydun 42 ka dhigaysaan, nimanyahaw arrintaa waan idinka codsanayaaye hakiya, ka dib waa lala hadlay, markii hadalkii la dhameeyay, haddana ee uu arkay wixii lagu shubay iyo wixii raga ka soo baxay ay kala duwan yihiin, Madaxweynuhu haddana wuxuu yidhi ‘anigu ambiilka wuu idiin taagan yahay, waxaad ku hadasheena waa gar,’. Ka dib kaasaanu shalay (doraad) u fadhinay, anagoo u fadhina ayaa Idaacada laga sii daayay bari goluhu wuu furmayaa, waanu xidhmayaa oo kalfadhigii ayaa xidhmaya. Xildhibaano ayaan u soo diray Madaxweynaha, waxaan idhi ‘Madaxweyne codsigaagii dambe anagoo ka hadlayna ayaanu arrintaa idaacadda ka maqalnay, Madaxweyne is cadee oo waxan miyaad la ogtahay?….ileen adiga ayuu golahani kuu xidhnaaye, adigiina maad odhan golihii waan furaye Madaxweyne maxaa arrintaa ka jira?, dhaarbuu ka maray, wuxuu yidhi wax aan ka ogahay ma jiro, imikana anigaa nimankii u yeedhaya oo war dambe ayaan idinku soo celinayaa. Ka dib xalay (habeen hore) abaaro 10-kii ayuu nala soo hadlay wuxuu yidhi nimankii waxay leeyihiin muddadii kalfadhiga ayaa dhamaynaysee ha yimaadeen, way diideen oo waxa ka muuqata nimankii diidmo, ka dib waxaanu nidhi Madaxweyne goluhu adiga ayuu kuu xidhnaa, golahani wuxuu ku furmi karaa iyada oo heshiis lagu wada yahay, Madaxweyne haddaan halkaa isugu tagno imika oo ay yidhaahdaan wixii waanu burinaynaa, anaguna aanu nidhaahno waxayagii waa sharci buuq baa ka dhalanaya, markaa maxaanu yeelnaa? Ka dib, waxa uu yidhi idinku maxaad jeceshihiin? Waxaanu ku nidhi, waxaanu jecelnahay inaanu ka maqnaano, si loo kala badbaado, waa hagaag ayuu yidhi Madaxweynuhu.
S: Markaa maxaad yeelaysaan imika oo idin horyaala?
J: Horta, imika waanu tashanaynaa oo waanu wada fadhinaa, wadanka dooni mayno inaanu dab galino, Madaxweynihii uu u xidhnaa goluhuna dib baanu ugu noqonaynaa, Illaahayna waxaan ka baryayaa wixii khayr leh. Laakiin, waxaan ummada u sheegaya wadada la qaaday maanta waa wadadii madaxda Afrikaanku markay kursiga jeclaato ay sharciga ku jabin jirtay, markaa wadadu way inaga qaloocatay, aniga baqdin ayay I galisay waxaa maanta (shalay) dalka ka dhacay.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Taliyaha Booliska oo ka hadlay dil ka dhacay degaanka Ceel-berdaale

Hargeysa 14, December 2010 (Nnn)- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Col. Cilmi Rooble Furreh (Kabaal), ayaa ka hadlay dil habeen saddexaad ka dhacay degaanka Ceel-berdaale.
Taliyaha oo shalay u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu sheegay in dilkaas ay fuliyeen 15 nin oo weerar gaadmo ah ku qaaday qoys meel degenaa, kuwaasoo hal qof dilay, mid kalane dhaawacay. Waraysigaas oo uu Taliyuhu arrimo dhawr ah kaga jawaabay, waxa uu u dhacay sidan;
S: Taliye maxaa ka jira in dil ka dhacay degaanka Ceel-berdaale?
J: Aag Ceel-bardaale beel ka mid ah oo qoys ah oo degan ayaa habeen hore saacadu markii ay ahayd 2:00 ayay rag 15 ahi ay mireen baa la yidhi, wiil laygu sheegay 25 jir baa ku dhintay, aabihiina way ku dhaawaceen. Xaalada waxaan shalay u diray saraakiil fara badan ciidanka, qarankuna meel ku dhaw buu deganyahay. Wiilkii waa la aasay, odayaal badanina way tageen, xaaladuna way iska degentahay, inkastoo halka shishe laygu soo sheegayo in dhaqdhaqaaq ka jiro.
S: Xaga shishe ma waxaad ula jeedaa xaga Boorame?
J: Dadkani waa dad isku dhex jira, waa reerihii soke ee aaga ka sokeeyay ee isla dhinaca bariga iyo galbeedka. Saraakiishu shalay way soo dhexmartay tuulooyin badan ayay soo martay, reero badan ayay soo martay, way wada degan yihiin, way wada fadhiyaan sida xalay (habeen hore) riboodhku igu soo gaadhay.
S: Taliye, sidaad ogtahay meeshu waa aagga Ceel-berdaale oo shaqaaqadeedu muddo soo noqnoqotay, iyadoo beelaha degaanku ku muransan yihiin, markaa ma arrintii ay la xidhiidhaa dhacdadani?
J: Arrintaas ayay la xidhiidhaa aano ugu dambaysay oo qolada bariga sida lay sheegay laga dilay ayay la xidhiidha. Hase yeeshee, inteeda badan anigoon doonan inaan ka hordhaco wararka ugu dambeeyay waxay sheegayaan xaga bariga nin laga dilay ayay aanadu la xidhiidha ayaaba la leeyahay.
S: Markaa arrintani muddo ayay soo socotay, miyaanu ciidan ku kala dhex jirin, miyuu ciidankaasi gaabiyay?
J: Ciidanku waa ciidankii qaranka oo ugu shisheeya oo aaga u dhaw, hasa yeeshee ciidanku beel walba lama degana, aagguna waa aag aad u balaadhan, waa aag buuralay ah, waa aag inta kale banaan tahay, reer walba aad ayay u degan yihiin, markaa ciidanku wuu wada dhexjooga, markaa qoys walba lama degana.
S: Inkastoo aad adigu tahay Boolis, laakiin ay xukuumadda iyo siyaasinta u taalo arrintani, in badan ayay soo noqnoqtaye, maxay dawladdu talaabo uga qaadi wayday oo ay u xalin wayday?
J: Taasi qaranka ayay khusaysaa, horena arrinta waa lagu jiray, imika laftigeedana qaranku faraha kamuu qaadani, marka xukuumada ayaa faraha ku haysa.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Shalay: Xukunkii Afartanka Karbaash ee Maxkamadda

Maxamuud Cali Maxamed…….Warbixin
Goobtu waa sabada ay ku yaaliin maxkamadaha Somaliland, gaar ahaan maxkamada gobolka iyo ta degmada Hargyesa. Sida caadadu tahay goobtani waxay ka mid tahay meelaha sida joogtada ah loogu soo jarmaado helitaanka adeegyo kala duwan, haba ugu weynaato cadaaladu, sida loogu yimaado suuqyada adeegyada kala duwan, laakin waxaan ka maqnayn dar kale oo ugu soo jarmaada soo dhicitaanka xuquuqda dadka kale, sifahay doonaan ha u mareene , sida dhaar beenaadka. Dadka ugu badan ee goobtan adeega u soo doonta ama macmiisheeda ugu badani waa danyarta, dumarku hawgu sii bataane, waxaan iyaguna ka madhnayn inta lagu tuhmo dufanka adduunyada.
Arooryadii hore markaan gaadhay goobtaa sare ku xusan , iyadoo hadafkayga koowaad ahaa bal inaan xog ka soo helo sida maxkamadaha dalkeenu u shaqeeyaan, marka laga yimaado dhaliilo iyo dhaleecayn badan oo badiyaa laga sheego. Waxay indhahaygu qabteen qeybaha kala duwan ee aan soo sheegnay , iyagoo dhinaca kale aanay ka maqnayd dadka adeegyada lama huraanka ah ka qabta goobtaa sida meheradaha shaaha, dadka ku shaqeysta qorida codsiyada oo ah meelaha ugu dalabka weyn. Waxay qoor-sheegtu ahayd todobadii iyo badhkii, xilligii xukuumada cusubi sheegtay in laga dhigay wakhtiga xafiisyada dawladu bilaabayaan adeegyada dadweynaha, balse halkan aan joogay waxaad moodaysay meel aan lagu dhaqmin sharcigaa, marka laga reebo xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Degmada, oo ahaa masuuka keliya ee wakhtigaa ku sugna xafiiskiisa. Waxaan is weydiinayey maadaama macmiishii goobtani diyaar yihiin waxa loo waayey masuuliyiintii xil ka saarnaa u adeegida dadka. Intaanan hawshii aan u socday guda gelin ayaa ugu horeyn waxay indhahaygu qabteen xafiis uu wajahadiisa ku qornaa ‘Haweenka Qareenada…..’, waxaanan ku tallamay in booqashada xafiiskaasi, waxuu ku kordhiyo hawshaydii mooyee waxba u dhimayn, ka dibna waxaan ugu soo galay xafiskii afar hablood oo da’ ahaan isku dhowaa, siday ii sheegeen ka tirsan ururka haweenka qareenada, isla markaana ay adeegyo kala duwan ugu qabtaan halkan dadka danyarta ah ee aan awoodin qabsashada qareen uga dooda dacwadahooda, isla markaana aanay ku koobnayn u doodida dumarka keliya, oo aan anigu su’aal ku weydiiyey inay dumarka oo keliya u adeegaan, balse ii sheegeen inay rag iyo dumarba u adeegan. Is wareysi gaaban ka dibna waxaan u sii dhaqaaqay gaadhitanka hadafkii aan lahaa.
Waxaan ka dib ku hakaday bal inaan waxii macluumaad ee aan ka heli karo ka sii qaato qof ka mid ahaa dadka iyagu ku shaqeysta qorida arjiyada, oo aad odhan kartid hadii si weyn loo kaabo inay xog dhaqaale badan ku bixi lahaa, si fudud looga heli lahaa, maadama waxa kiisas maxkamadaheena soo gala ay yihiin dadka soo diyaariya dacwadahooda furitaanka iyo mar kastoo qoraalo dheeri ah looga baahdo qofkii dacwoonayey. Iswareysi gaaban ka dib waxyaabaha aan ka helay waxa ka mid ahaa in dacwadaha waxa muddadooda fogeeya ay yihiin dadweynaha, oo qof aan xaq lahayn intuu dhaqaale adeegsado marba meel kale ula sii gudbo. Kiisaska dacwadaha madaniga ah ee qoysaska oo isaga inta badan uu la kulmana cabashada haweenku u badan yihiin biil la’aan iyo ka warhayn la’aan ay kaga cawdaan ragooda. Inkastoo xogo ka sii faahfaahsan aan ka helay haddana waxaan u dhiganayaa kuwaa inaan kuwo kale ku sii helo anigoo wax ka weydiin doona masuuliyiinta ay khusayso, ka dib waxaan abaaray qolalka lagu qaado dacwdaha mid ka mid ah bal si aan indhahaga markhaati ilaa xad uga ahaado sida hawl maalmeedka dacwad qaadistu uga socoto.
Waxaanad filayn iyo……ayaa la yidhi, kiis go’aankisii lagu dhawaaqay ayaa waxa ku jiray xukunka in eedaysanahaa marka inta kale laga yimaado in lagu dhufto afartan karbaash. Waxaan hoosta iska weydiiyey, oo tolow karbaashka diinteena Islaamka keliya ayuu xukunkeeda ku jiraye, Diintii Islaamka iyo Penal Code miyaa laysu raaciyaa eedaysanaha, hadday sidaa tahayse goorma iyo halkee ayaa ciqaabta karbaashka lagu fuliyaa?! Waxaa muddo yar ka dib haddana lagu dhawaaqay go’aanka dacwad kale oo eedaysane aabahii hadalo laf-jab ah ku yidhi lagu xukumay xadhig gaadhaya saddex sannadood, laakiin sidaan filayo inay intii dhegeysanaysay ila wadaagto waxaan u arkayey mid lagu yareeyey ciqaabta, weliba uu ku wacnaa in loo raaciyo inan la iibsan karin xabsiga dacwadaha aflagaadada waalidka iyo wax u dhimista diinteena suuban ee islaamka sida caydeeda, si inta kale ugu tusaale ugu noqoto. Waxa iyana jiray kiisas lagu dhamaynayey is-afgarad ama loo mudaynayey in xal lagaga soo gaadho, laakiin waxii aan arkay iyo waxaan maqli wey kala fogayeen.
Muddo aan dibedda u soo baxay ayaan weydiiyey nin aanu saxiibo ahayn oo hawl ka soo gashay goobtii, isbedelkan laakiin waxuu ii raaciyey xog kalo sii shiilid u baahan, dibna aynu natiijadeeda hadii ilaah yidhaahdo ka heli doono, laakiin waxa xusuus lama ilaawaan ah igu reebtay aragtidii hooyo wadatay caruur gaadhaysa sideed, oo aan odhan karo ka u weyni waxuu ahaa ilaa sideed ama sagal jir, oo kaabad hoolalkii maxkamada horteeda ku murugeysan, waxaan isku deyey inaan bal la qeybsado dhibka heysata, waxii aan ku tari karana ka caawiyo, sidoo kalena dumar kale ayaa igu soo gaadhay anigoo jawaabo ka sugaya, laakiin iyadoo ilmadu soo dhaafayso ayey noo sheegtay inay ka dacwoonayso ninkeeda, balse aanay weli ka helin maxkamadaha garsoorkii xaq ah ee ay raadinaysay .
Nasiib wanaag waxaan dib u xusuustay hablahii aan kula soo kulmay xafiiska ururka qareenada haweenka, oo hore iigu sheegay inay ka caawiyaan dadka danyarta ah waxii ku saabsan dacwadaha maxkamadaha, waxaanan u soo hogaamiyey iyada iyo caruutii sideeda ahayd oo laba laba gacmaga isu haysta xafiiskaa, isbarid ka dibna waxaan ka codsaday inay waxii awoodooda ah la qabtaan hooyadaa duruufahu haystan ee u baahan inay xaqeeda hesho haduu ka maqan yahay.
Ugu danbayn, waxaan qormadan qoobjoogida dhacdooyinkaa kaga baxayaa gabay u hore abwaan u tiriyey oo ereyadiisa ay ka mid ahaayeen, “Nabiibiyahu warkuu sheegayuu nacas run moodaaye, Anna nadartu waxaan soo arkaan nacam idhaahdaa’.
Wixii tallo ahna waxaad noogu soo diri kartaan  mohamoudali33@gmail.com


Warkii oo Dhan

Nasiib News

Kooxda Al-shabaab Oo Amar Ku Bixiyey In Lagubo Cajladaha Quraan-ka Ah Ee Uu Duubay Imaamka Masjid-ka Kabcada Sheikh Abdirahman Al-Sudaysi

Baidoa, Somalia, 15 Dec 2010 (Nnn)- Waaxda Camalka iyo Faaf reebka ee Kooxda Shabab-ka ee magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa soo saaray dhowaan awaamiir aad uga yaabiyey dadka degaan-ka ku nool Awaamiirtaas oo salka ku haya dhageysiga qiraa'aadka Quraanka kariim-ka ah ee uu duubay Imaamyada Masjidka Kacbada ee Maka Al-Mukarmah Sheikh Abdirahman Al-Sudaysi.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Gaadhi lagu xidhay codbaahiyaal uu baahiyey in wixii ka danbeeya maanta aan la dhagaysan karin Qur'aanka iyo Wacdiyada uu akhriyo Sheikh Sudaysi. Sheikha oo ah Caalim ku cod macaan akhriska Quraan-ka uu Dunida Islaam-ka aad looga jecelyahay ayey Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab (Alshabab, the terrorist group in Somalia) ku Eedeeyeen in uu ka mid yahay Culumada ay ku tilmaameen wax ay ugu yeedhaan Culumaa'u Suu .

Dhamaan dadka waxaa lagu amray in ay maalmo kooban ku soo uruuriyaan dhamaan wixii cajlada ah ee uu ku duubanyahay Cod-ka Sheikhu si loo Gubo. Arintan ayaa dad xogogaal ahi ay sheegeen in ay ka timi Xubnaha Kooxda Al-qaai'da ee Jasiirada Carabta gaar ahaan dalka Yemen, kuwaas oo dagaalo kula jira Xukuumada Boroqtooyada Sacuudiga iyo Culumaa'udiinka Dunida Muslim-ka.

Xigasho: wadanka.com
Osman Abdillahi Sool....Freelance Journalist.

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking