Showing posts with label ogaal. Show all posts
Showing posts with label ogaal. Show all posts

Monday, February 8, 2010

Tirada dhimashada Tahriibayaal ku soo caaryay xeebta Sanaag oo kordhay

Ceerigaabo (NNN)Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, ka dib markii Laash ay saarnaayeen kula soo caaryay xeebaha gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland.
Sida uu Wargeyska Ogaal u sheegay madaxa laanta Socdaalka ee gobolka Sanaag Saciid Cige Maxamed, dadkaa dhintay waxay ka mid ahaayeen 110 Tahriibayaal ah oo Doon ka raacay xeebaha Puntland, kuwaasoo Laashkii ay wateen markii uu xumaaday kula soo caaryay xeebta tuulada Waqdariya oo 25 Km Galbeed ka xigta degmada Laasqorey.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, February 6, 2010

Halkan ka akhri Wararkii Wargeyska Ogaal

 Halkan ka akhri wararkii wargeyska maalinlaha ee OGAAL ee ka soo baxa magaalada Hargeysa. 


Dawladdu miyay amartay in barakacayaasha Laascaanood ku sugani guuraan?

Xukuumadda oo ka hadashay waqtiga uu qaadan doono go’aan ay ku xayirtay Isgaadhsiinta G. Sool

Waxan wax lagu qarxinayay waa Telefoonadaa la isticmaalayay, hawshanina wax wayn bay…”
Wasiirka Daakhiliga Somaliland…….WARAYSI GAAR AH

-Yaad u aanaynaysaan qaraxyada Laascaanood, Al-Shabaabse lug ma ku yeelan kartaa?

Hargeysa 06, Feb.2010 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay waqtiga uu qaadan doono go’aan ay 25-kii bishii aynu ka soo gudubnay ku xayirtay Isgaadhsiinta gobolka Sool, gaar ahaan khadadka telefoonada gacanta ee Mobile-ka iyo Internet-ka.
Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cabdullaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ka mid ah wefti Xukuumadda ka socda oo muddo laba todobaad ah ku sugnaa Laascaanood oo uu xalay xog-waraysi kooban khadka telefoonka Landline-ka kula yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu ka hadlay warar sheegaya in Xukuumaddu soo saartay go’aan ay dadka ka soo barakacay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ee ku sugan Laascaanood ku farayso inay muddo kooban magaaladaas kaga guuraan, waqtiga uu qaadan doono go’aanka ay ku xayireen Isgaadhsiinta gobolka Sool, muddada ay halkaas joogi doonaan iyo qodobo kale. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga jawaabay cidda ay la tahay inay ka dambeeyaan qaraxyada Laascaanood, waxa uu u dhacay sidan;
S: Wasiir; waxa la sheegay inaad go’aan ka soosaareen dadka ka soo barakacay Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan Laascaanood oo aad farteen inay ka guurtaan magaaladaas, bal arrintaa ka waran?
J: Waxba kama jiraan (go’aankaas).
Somaliland dadka Soomaaliya ka soo barakacay hadday Hargeysa tahay iyo hadday halkan (Laascaanood) tahayba, weli siyaasad dawladda ah oo ay go’aan ku gaadhay inay dadkaas dalka ka saarto lama gaadhin.
S: Laakiin, warbaahinta qaarkood – gaar ahaan kuwa Puntland, waxay faafiyeen inaad muddo u qabateen in dadkaasi kaga guuraan Laascaanood?
J: Maya – waa been, waxbana kama jiraan….Dadka qaxootiga ah ee halkan (Laascaanood) jooga ama meelo kale jooga, weli go’aan ay dawladdu gaadhay oo ay tidhi ‘kaga baxa’ ma jiro.
S: Wasiir; waxa jira in muddo todobaad ka badan Isgaadhsiintu ka go’an tahay Laascaanood, markaa go’aan aad Isgaadhsiinta gobolkaas ku xayirteen maxay ka taraysaa dhinaca amniga?
J: Amaanka wax wayn bay ka tartay. Waxay ka taraysaa waxa weeyaan; waxan wax lagu qarxinayay waa Telefoonadaa la isticmaalayay. Sidaa awgeed, wax wayn bay hawshani ka taraysaa nabadgelyada. Kollay Telefoonadu weligeed ma xidhnaanaysee, intay hawshani socoto ayuun baa nabadgelyada awgeed loo yara hakiyay, laakiin maaha xadhig weligeed ah.
S: Markaa Shirkaddaha ma siiseen waqti cayiman oo ay dib ugu hawlgeli karaan?
J: Mayee waqti maanu siinine, insha Allaah go’aan baanu dhakhso uga gaadhi doonaa.
S: Dadka qaarkii waxay aaminsan yihiin in xidhnaanta Isgaadhsiintu ay sahli karto in cid cadow ahi warar khaldan oo deegaankaas ku saabsan faafin karto, bal taas ka waran?
J: Taas waxba kama jirto – sidii looga badbaaday baa wax kasta ka muhiimsane, wax jaahwareerin ahi waxba kama tarayso oo ma yeelayso. Laakiin, mid ilaa weligeed ka xidhaanaysa maahee, si dhakhso ah baa go’aan looga gaadhayaa.
S: Intee bay qaadan doontaa muddada hawlahaa aad ka wadaan Laascaanood?
J:  Walaahi Illaahay baa og. Kollay halkani waa meel dalka ka mid ah oo halkan (Laascaanood) haddaanu joogno iyo haddii aanu Hargeysa joognaba shaqo qaran uun baanu haynaa. Markaa haddaanu halkan muddo dheer sii joogno iyo haddaanu xafiiska Hargeysa joogno, labaduba hawlmaalmeedkayagii anagoo wadana uun bay la mid tahay.
S: Wasiir; qaraxyada muddooyinkii u dambeeyay ruxay Laascaanood ma jirtaa cid aad u aanaynaysaan inay ka dambayso?
J: Dhawr goor oo hore ayaan sheegay qaraxyada oo cid kasta oo wax qarxisa, waxaanu u aragnaa uun Argagixiso.
S: Al-Shabaab lug ma ku yeelan kartaa?
J: Magaca horaanu u sheegnay oo aanu ugu celcelinay oo waxaanu nidhi ‘Argagixisadu abtirsiimo ma laha.’

Askari ka waramay dagaal Budhcad-Badeed oo uu ku dhaawacmay
“Subaxnimadii Khamiistii ayaa Xerada waxa noogu yimi Laash yar oo Carbeed, waxaanay noo sheegeen..”
Askariga dhaawacu soo gaadhay
Ceerigaabo, 06 Feb, 2010 (Ogaal)- Askari ku dhaawacmay dagaal dhex maray Koox Budhcad-Badeed Soomaali ah iyo  Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland, gaar ahaan kuwa saldhigga Maydh, ayaa ka waramay sida uu dhaawacaasi u gaadhay.
Sida uu ku soo waramay Weriyaha Ogaal ee Gobolka Sanaag Cabdilaahi Xuseen Darwiish, khamiistii aynu ka soo gudubnay, ayay ahayd markii Koox Budhcad-Badeed Soomaali ahi ay Markab nooca ganacsiga ah oo laga leeyahay dalka Libya, isla markaana uu ka dul babbanayo calanka dalka Waqooyiga Kuuriya oo ay afduubeen ay la tageen Deegaanka Gacan oo ilaa 10km dhinaca bariga ka xigta Degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Kuwaas oo isla khamiistii ay dadka deegaanku ku guulaysteen in halkaa laga saaro, waxaanay Budhcad-Badeeddaas iyo Markabkii ay wateenba u amba-baxeen sida Wararku sheegayaan Deegaannada Garacad iyo Dhanaane ee Puntland iyo gobolka Mudug.
Dhinaca kale, isla Khamiistii aynu ka soo gudubnay ayaa Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Koox Budhcad-Badeed ahi ay rasaas isku waydaarsadeen Deegaanka Maydh, ka dib markii Kooxda Budhcad-Badeedda ahi isku dayeen in ay afduubaan Doon laga leeyahay dalka Yemen. Halkaasna waxa ku dhaawacmay hal Askari oo ka mid ah kuwa Ilaalada Xeebaha Somaliland.  mar uu Askariga dhaawacmay ka hadlayay sida uu dhaawacu u gaadhay, ayaa wuxuu yidhi, “Subaxnimadii hore ee Khamiistii ayaa Xeradii Ciidanka waxa noogu yimid Laash yar oo Carbeed oo noo sheegay nimankan Budhcad-Badeedda ah,  kaddibna Koox Askar ah ayaannu ku fuulnay laash Ciidanku leeyahay. Sidaas ayaanu dagaalka dhaawacyadani igasoo gaadheen nagu dhexmaray annaga (Ciidanka) iyo budhcad-badeedda, markii danbena xagga badweynta ayay nimankaasi u kaceen.” Sidaa waxa yidhi Muuse Barre Sugulle oo ka mid ah Ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag ee fadhigoodu yahay Magaala-xeebeedka Maydh oo dhaawac ka soo gaadhay isku-dhacaas u jiifa Cusbatalka Ceerigaabo, una waramay Weriyaha Ogaal ee Sanaag.

“Hawshaan hayo haddaan rag u waayo taariikh baan reebi doonaa sidii Sayid Maxamed Cabdalle”

Xasan Daahir Aweys

Muqdisho, 06 Feb, 2010 (Ogaal)- Hoggaamiyaha Kooxda Xisbul-Islaam ee ka dagaallama Koonfurta Soomaaliya Xasan Daahir Aweys, ayaa sheegay in hammigiisu uu yahay in aanu joojin hawlaha uu faraha kula jiro ee dagaallada, waxaanu sheegay in uu ku tallamo in uu taariikhda galo.
Xasan Daahir Aweys oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in dad uu horkacayo Guddoomiye-xigeenkiisii Xasan Cabdilaahi Xirsi (Xasan-Turki) ee ka baxay Ururkiisu aanay wax badan u dhimi doonin geeddi-socodkii Kooxdiisa. Waxaanu arrintaas ku tilmaamay diciifnimo tusaale u ah Siyaasiyiinta Soomaalida, isla markaana ay tahay mid sharci-darro ah oo aanu waxba kala ogayn.
Xasan Daahir waxa uu Kooxda Al-Shabaab ku eedeeyay inay ka baxeen Heshiis ay hore u wada gaadheen, kaas oo nuxurkiisu ahaa in aan shaqsiyaad gaar ahi si madax-bannaan aanay ugu biirin labada dhinac.
Mar la waydiiyay waxyaabaha mustaqbalka u qorshaysan haddiiba uu u xal waayo arrimaha Ururkiisa, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dabcan, Camalka aan ku jiro haddii aan rag u helana waa sii wadayaa, hadii aan u waayana Taariikh ayaan reebi doonaa sida Sayid Maxamed Cabddulle Xasan.”
Dhawaan ayay ahayd markii Xasan-Turki oo ahaa ku-xigeenkii Xasan Daahir Aweys iyo koox uu horkacayaa ay ku biireen Kooxda kale ee Al-Shabaab, taas oo keentay in Xasan Daahir Aweys uu ka biyo-diido.


Masuul ka tirsan Dawladda Shariifka ee Soomaaliya oo ka hadlay arrimaha Somaliland
Addis Ababa, 06 Feb 2010 (Ogaal)- “Hawlo badan ayaa horyaala sannadkan shacabka Somaliland oo ay doorashadu ka mid tahay, iyadoo calaamad wayn ay noqon karto sidaad uga baxdaan (Reer Somaliland), waa inay noqotaa doorasho xalaal ah oo xisbiyadu ay muujiyaan sidii horeba kuwa aqbala go’aamada ka soo baxa, waanan ka naxnay markii aanu maqalnay in goleyaashii (Khilaafka Guurtida) qaarkood is-haystaan.” Sidaa waxa hadalkiisa ku bilaabay Cabdirashiid Seed oo ah safiirka Dawladda Ku-meel-gaadhka Somalia u fadhiya Ingiriiska.
Mr Cabdirashiid oo isaga oo ku sugan xarunta AU-da toddobaadkii tega ugu waramayay weriyeyaal ka socda Somaliland oo shirkaa ka qaybgalay waxa uu sheegay in Somaliland looga baahan yahay sidii ay Soomaaliya uga caawin lahaayeen samaysiga nabadgelyo iyo amaan lagu waaro. Isla markaana waxa uu qiray inay Somaliland ka bixi karto doorashooyinka hadalhayntoodu badatay ee la sugayo, waxaanau hadalkiisa ku bilaabay, “Waxaanu aaminsanahay inay ka bixi karaan doorashada Reer Somaliland, waana in dadka la isku duubaa, annaguna haddii aanu nahay Soomaaliya waanu u baahanahay, waana inay Somaliland iyo Soomaaliya iska kaashadaan dhinacyo badan.”
“Wadankiina Somaliland ayaa lagu tilmaamaa tallaabo fiican, markii shirar aanay beesha caalamku ka taageerin ay ku badhaadheen oo ilaa hadda dawladda Somaliland ka jirtaa ay ku dhisan tahay, Soomaaliya-na waxaan u rajeynaynaa in dadkeedu garto in loo baahan yahay in dadkeedu isku-tiirsanaadaan oo dalkooda dhistaan oo dawlad shaqaysa samaystaan. Markaa dadka Soomaaliya, waa inay gartaan inay dawlad u baahan yihiin, walaalahayaga Reer Somaliland-na ay ogaadaan inay ku taakuleeyaan Soomaaliya wixii suuragal ah ee ay gacan ka geysan karaan oo aanay odhan shalay ayaanu Soomaaliya ka mid ahayn oo waanu ka go’nay, balse ay gartaan in walaaladood u baahan yihiin, waayo waxa jira waxyaabo badan oo labada dal ka dhexeeya oo loo baahan yahay in layska kaashado, markaa kolay dawlada Somaliland inay diiradda saarto arrimaha Soomaaliya ayaa looga baahan yahay.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Mr Cabdirashiid Seed.
“Anigu Cabdrashiid ahaan, waxaan ahaa nin ka warqabay amuuraha Somaliland ilaa halgankii SNM, saaxiibo badana waan ku leeyahay,” ayuu yidhi Mr Cabdirashiid, isaga oo dib u jalecayay halagankii SNM-na wuxuu intaa raaciyay, “Anigu waxaan aaminsanahay tallaabooyinkii halganka loo galay, wax wayn ayaa laga gaadhay. Inta dhimana waxay ku xidhan tahay siday dadka Reer Somaliland isugu duubnaadaan oo ay go’aanada u qaataan, doorashaduna u dhacdo oo siyaasad majaro adag leh oo loola tago beesha caalamka ay u samaysan lahaayeen.”
Isaga oo tixraacayay rabitaanka Somaliland ee aqoonsiga caalamiga ah wuxuu yidhi, “Siyaasadu waa sida aad kolba gudaha ka tahay, haddii uu guduhu (Gudaha Somaliland) isku duba-dhaco, dibadu waxba maaha. Aqoonsiga ay Somaliland meel kasta u tagto, waxa ka muhiimsan kolba xaaladda gudaha ka jirta iyo sida aad kolba Soomaaliya ula heshiisaan.” “Dawlad waxa la yidhaahdaa shacabka, haddii uu shacabku la jiro dawladda way shaqaynaysaa, meel kastoo dunida ah haddii aanu shacabku ilaalinayn dawlada, taasi waxay noqonaysaa mid caqabado ka horyimaadaan. Dawladu waa inay noqoto mid shacabku ku tiirsan yahay oo shaqaysa. Annagu beesha caalamka waanu ku dhex-jirnaa, welina waxaanu kala hadlaynaa inay xoojiyaan gacantii ay dawlada siin lahaayeen, gaar ahaan xagga nabadgelyada in laga taageero. Laakiin, Soomaaliya waxay noqotay goob laga fuliyo tallaabooyin lidi ku ah mandaqadda oo dhan.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.
Isaga oo ka niyad-xun xaaladda xilligan ee Soomaaliya wuxuu intaa ku sii daray, “Beesha caalamku si kastoo ay kuu garab-istaagan yihiin, haddii aanad wadankaaga hagaajisan oo aanay Soomaalidu garanin inaanay jirin cid kale oo gurigooda u hagaajinaysa, waxba ma jiraan.”


Somaliland: Dal rejaynaya in Dalxiisku sabab u noqdo in uu ka muuqdo khariiradda

Hargeysa, 06 Feb, 2010 (Ogaal)- “Waxa jira meelo aanad u tixgelin karin in fasax loot ago. Inkasta oo dhawaan dalka Ciraaq lagu tegay booqashooyin taxaddir leh, haddana Soomaaliya waxay ku sugan tahay xad-ka-bax. Waxa ka jira dhaqdhaqaaqyo Islaami ah oo ku hanwayn sheegashada xidhiidh ay la leeyihiin Al-Qaacida, dagaallo sokeeye oo tobannaan sanno socday oo u dhaxeeyay Qabiilo iska horjeeda. Ma jirto fursad la siiyay dhaqanka Soomaalida iyo Miyiga toona.” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin dheer oo ka hadlaysa isbarbar-dhig lagu sameeyay Somaliland iyo Soomaaliya, kana waramaysa xaqiiqda Somaliland.
Warbixintan oo ku qornayd Afka Ingiriisa, laguna baahiyay Shabakadda Wararka ee Gadling, isla markaana Wargeyska Ogaal idiin soo turjumay, ayaa dib u milicsanaysa sooyaalka Somaliland iyo heerarkii kala duwanaa ee waqtiyo kala geddisan.
Warbixintaas oo dheerayd ayaa qayb ka mid ah oo aanu idiinka soo turjunnay waxay u dhignayd sidan;
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku taala qaybta Waqooyi ee halka Khariiraduhu had iyo jeer u dhigaan inay tahay Soomaaliya. Dadka qaarkii waxay daneeyaan Warka sheegaya in Soomaaliya mar uun ay ahayd dal midoobay, laakiin, gobolkani (Somaliland) oo inyar ka wayn England, isla markaana hoy u ah 3.5-Milyan oo qof, ayaa awooday in uu xasilooni iyo horumar Dimuqraadiyadeed u keeno dadkiisa. Somaliland waxay xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska sanadkii 1960-kii, waxaanay si degdeg ah markiiba ula midowday Koonfurta oo uu Talyaanigu gumaysanayay, si ay u abuuraan waxa hadda aynu u naqaano Soomaaliya. Kali-talis arxan daran iyo dagaallo sokeeye ka dib, waxay mar kale Somaliland madax-bannaani ku dhawaaqday sanadkii 1991-kii, waxaanay dhisteen Qaran, halka Soomaaliya ay dhex daballanayaan qalalaase. Laakiin, ma jiro dal Somalilan u aqoonsaday qaran madax-bannaan, taas oo keentay in ay aad u adkaato in ay hesho maal-gashi Caalami ah.
Imika masuuliyiinta Somaliland waxay rejaynayaan in uu kor-u-kaca dalxiisku uu ka caawin doono in dalkoodu ka muuqdo Khariiradda. Waxay xidhiidh joogto ah la leedahay deriskeeda Itoobiya iyo Jabuuti, waxaanay wakiilo ku leeyihiin magaalooyin kala duwan oo badan. Wasaaradda Dalxiisku waxay ku mashquulsan tahay samaynta qorshayaal…Sanadkii 2008 qaraxyo ka dhacay Hargeysa oo loo adeegsaday Gaadiid, laguna eedeeyay Al-Shabaab, ayaa keenay dhimasho keenay. Waxa jira duullimaadyo joogto ah oo isaga goosha Hargeysa, Addi-Ababa iyo magaalooyinka kale ee Mandaqadda. Xafiiska Somaliland ee Addis-Ababa (kaas oo aanay Dawladda Itoobiya u aqoonsanayn Safaarad ahaan) ayaa kuu soo saari karta dal-ku-galyada (Visas) iyo talo-bixinnada la xidhiidha.

Arday ka qalin-jebisay Mac-hadka Luqadaha iyo culuumta Caafimaadka ee AFLAX
Hargeysa, 06 Feb, 2010 (Ogaal)- 102 Arday oo ka qalin-jebiyay Mac-hadka Luuqadaha, xisaabaadka iyo culuumta Caafimaadka ee Aflax, ayaa xaflad loogu qabtay khamiistii Hutel Imperial ee Magaalada Hargeysa.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), ayaa dugsiyada dalka u soo jeediyay in ay maadooyinka ay dhigaan ku soo kordhiyaan xiisad ku saabsan wadaniyada si ardayda ay soo saarayaan u noqdaan qaar jacel dalkooda. Wasiirku wuxuu sidaa ka sheegay Munaasibadda loo qabtay dufcaddii 18aad ee ka qalin-jebisa Mac-hadka Aflax, kuwaas oo muddo laba sanno ah Luuqadaha, Ingiriisiga, Carabiga, xirfadda Koombuyuutarka iyo Caafimaadka ka baranayay Mac-hadkaas, isla markaana shahaadooyin la guddoonsiiyay Khamiistii.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), oo xafladaas ka hadlay hadalladiisii waxa ka mid ahaa; “Mac-hadka Aflax runtii waxaan uga mahadnaqayaa dedaalka dheer ee ay ku soo saareen 18 dufcadood ee ka qalin-jabiyay, waxaan jeclaan lahaa in dugsiyadeenna lagu daro maaddo wadaniyada la xidhiidha, waxaan Machadka Aflax u soo jeedin lahaa in uu ardayda u dhigo  wadaniyada si ardayda ay soo saarayaan u noqdaan kuwo jecel dalkooda.” Waxaau intaa ku daray oo uu yidhi, “Ardayda maanta waxbaranaysa way naga nasiib badan yihiin, waayo waxaad arkaysaa arday internet-ka wax ka baranaya. Anaga waqtigayagii may jirin, sidoo kale imika waxaad arkaysa qaar telefiishanada kala socda barnaamijyo waxbarasho. Waxaan ardaydan qalin-jabisay iyo kuwa kaleba ugu baaqayaa in ay u dedaalaan ka midho-dhalinta geedi-socodka waxbarasho.”
Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada, ayaa hadal uu xafladaas ka jeediyay isna waxa ka mid ahaa; “Runtii anigu Mac-hadkan Aflax aad iyo aad baan xog-xogaal ugu ahay mudaddii la bilaabay illaa maanta, waa dugsi tayadiisa waxbarasho aad u fiican tahay, kaasi oo ardayda waxtar weyn u ah. Waxaan u mahadnaqayaa mas’uuliyiinta iyo macallimiinta dugsiga Aflax oo aan leeyahay dedaalkiinna halkaa ka sii wada. Sidoo kale, waxaan kula tallinayaa ardaydan qalin-jabisay in ay sii wataan oo ay kororsadaan aqoontooda, waxaan ay bartayna uu yahay furihii waxbarashada.”
Maamulka Dugsiga Aflax Mr. Axmed Ismaaciil Maxamed oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in dugsiga la aasaasay sanadkii 1996-kii, isla markaana ay ka qalin-jabiyeen 18 dufcadood oo ay ku jiraan ardaydan maanta qalin-jabisay. “Ardaydan qalin-jabisay oo ah dufcadii 18aad, waxay iskugu jiraan 47 arday oo Ingiriisiga bartay, 21 Carabiga bartay, 14 Kombiyuutarka dhammaystay iyo 10 arday oo qaatay gargaarka degdega ah ee caafimaadka. Waxa kale oo sii kordhaya ardayda dugsiga sanadba-sanadka ka danbeeya, waxaana awoodda koowaad saarnaa luuqadaha oo aanay jirin Kulliyadihii Jaamacadaha ee laga dhigan jiray,” ayuu yidhi Axmed-Aflax.
Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay, isla markaana ardayda dardaraan iyo waano u soo jeediyay Guddoomiyaha Ururka Sufuxiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine).  Waxa xafladii qalin-jabinta ee dufcada 18aad ee Machadka Aflax lagu soo bandhigay bandhig faneed ka tarjumaya qiimaha waxbarashada.

Budhcad-baddeed Soomaali ah oo lacagtii
ugu badnayd ka dalbaday Markab ay haystaan
Nairobi 06, Feb.2010 (W.Wararka/Ogaal)- Koox Budhcad-baddeed Soomaali ah oo uu u afduuban yahay Markab laga leeyahay dalka Ingiriiska, ayaa dalbaday in lacagtii ugu badnayd ee ay madax-furasho ahaan u dalbadaan laga siiyo Markabkaas.
 Sirdoonka dalka Ukraine ayaa sheegay in kooxaha Budhcad-baddeeda ah haysta Markabkaa Ingiriiska laga leeyahay oo siday shixnad gawaadhi ah, ay sii dayntiisa ku xidheen 15 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.
Markabkaas oo lagu magacabo Asian Glory oo ay saarnaayeen shaqaale u kala dhashay dalalka Ukraine iyo Bulgaria, waxay Budhcad-baddeeda Soomaalidu bishii aynu ka soo gudubnay ee January ka afduubeen meel 600 oo Mayl kaga beegan xeebaha Bari ee Soomaaliya, xilli uu ka soo shiraacday dalka Singapore kuna sii jeeday wadanka Boqortooyada Sucuudiga.
15-ka Milyan ee doolar ee Bad-jiifka Soomaalidu ku xidheen sii daynta Markabkaas, waxa la sheegay inay tahay lacagtii ugu badnayd ee ay madax-furasho ahaan u dalbadaan.
Budhcad-baddeeda Soomaalida ee ka Maraakiibta iyo Doonyaha ka qafaasha Xeebaha dalka Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed, waxay haatan degaanka Puntland oo ay gaboodsadaan ku haystaan lamaane u dhashay dalka Ingiriiska oo xaaladooda caafimaad laga dayrinayo, kuwaasoo ay sii dayntooda ku xidheen 2 Milyan oo doolar, iyadoo dawladda Britain ku adkaysatay in aanay lacag madax-furasho ah ka bixinaynin lamaanahaas.
Jidkee ayay Somaliland u maraysaa fursaddaha uga banaan AU-da?
Shirweynihii Afrika: Hadallo waqti keenay iyo hoos-u-dhaca saamaynta Somalia
Cabdiweli F. Jaambiir
Addis Ababa, 06 Feb 2010 (Ogaal)- Waxay ahaayeen kuwo qirsan in dib-u-dhac balaadhani ka jiro manddaqadihii ay ka kala yimaadeen. Midna midka kale kumuu diidanayn horumar la’aanta ka taagan qaaradan. Sidoo kale, mid kasta daah kamuu saarnayn habka uu dadkiisa uga saari karo xaaladdaha dhaqaale-xumo, faqiirnimo, caafimaad-darro iyo wax-qabad la’aaneed ee haysta dadyowgooda. Hase yeeshee, marinkii ku haboonaa ee loo mari lahaa furfurnaanta dhaqaale, siyaasadeed, wax-soo-saar iyo casriyaynta dalalkooda, ayaa hogaamiye kasta calaamad su’aal ula muuqata, maadaama oo ay badidoodu u akayaan in siyaasaddaha furfurnaanta dhaqan-dhaqaale ka horimanayso sii-jiritaanka maamuladooda.
Haddaba, qormadan waxaynu ku eegi doonaa kulan-madaxeedkii Afrikaanka, qorshaha iyo ololaha Liibiya ee isbedel lagu sameeyo guud ahaan qaab-dhismeedka AU-da iyo xulufo u-raadsigooda, qiimayn la’aanta natiijooyinka shir-madaxeedka sannadlaha ah ee dalalka Afikaanka, ku-dhawaaqidda xalinta mashaakilaadka qaarada ka jira iyo wax-qabad la’aanta ka dambaysa, hoos-u-dhaca hadal-hayneed iyo wax-qabad ee mashkiladdaha Somalia…balse aynu ku horayno Shir-madaxeedka AU-da natiijooyinka lagu gaadhaa maxay u soo kordhiyaan qaaraddan, maxaa layska yidhi Somalia, qaddiyada Somaliland-se halkee loo mari karaa?
Qorshihii Qandaafi iyo Dardartii Bingu Wa Mutharika
Hadii aynu ku horayno Ololaha Qandaafi iyo Shirmadaxeedkii dhawaan ka dhahcay Addis Ababa, Madaxweyneyaasha iyo Hogaamiyeyaasha Afrika, marka laga reebo dhawr dal kulan-madaxeedkii sannadkan ee AU-da waxa uu mid kastaaba ugu yaraan soo qaddimayay canaano la xidhiidhay xaqiiqooyinka horyaala iyo marinkii lagaga gudbi lahaa aafooyinka Afrikaanka ka ragaadiyay horumar ay gaadhaan iyo inay la qabsadaan calaamka intiisa kale. Iyadoo ay sidaa tahayna, cidda horumarka laga sugayaa waa iyaga uun! Mid kastaaba wuxuu isku deyay inuu tilmaamo dhibaatada dalalka kale ka jirta, iyada oo uu afka ka dhawrayo dhib kastoo dalkiisa ka taagan. Sidaa daraadeed, Madaxweyne Mucamar Al Qandaafi oo dalka Liibiya soo xukumayay 41 sannadood, ayaa ahaa guddoomiyaha AU-da sannadkii tegay. Khudbad uu jeediyay markii uu xilka guddoomiyenimada Afrika wareejinayay waxay ka tarjumaysay in Ururka AU-da laftiisu aanu ahayn mid kala-dambayn iyo nidaam maamul raacaya, waxaanu u muuqday markaa mid durayay dalal xubno ka ah ururka, balse weerarkiisaasi wuxuu la maray in ururkii uu sannadka madaxa ka ahaa ku tilmaamo wax aan soconayn, isla markaana isbedel loo baahan yahay.
La soco cadadka dambe……………………….

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, January 31, 2010

Halkan ka akhri Wararkii Wargeyska Ogaal Maanta Axad 31 January

Halkan ka akhri Wararkii Wargeyska Ogaal Maanta Axad 31 Januaryaa Wargeys maalinle ah oo madax bannaan oo ka soo baxa Magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeisa.

Guurtida: Is-casilaaddii Sh. Furre, aamuskii Siciid, amakaaggii Saleebaan iyo ereyadii ka dambeeyay

“Sheekh Axmedoow ma sidaasaad garatay, mase u gudbiyaa Golaha?”

“Waxa soo korodhay arrin kale oo aanan hore u ogayn oo ka baxsan tii aanu hore uga hadlaynay”
Guddoomiyaha Guurtida

Hargeysa, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay khilaafka aan weli xalka loo helin ee Golahaas, isla markaana wuxuu sheegay in aanay jirin weli wax ay isla meel-dhigeen Shirguddoon ahaan. Waxaanu baaq u jeediyay Mudanayaasha kale ee Golaha.
Fadhigii shalay ee Golahaas oo ay ka xaadireen 55 Mudane, isla markaana uu guddoominayay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shalay ku furmay jewi degan.
Ugu horrayn Sheekh Khaliif Xasan Gudaal oo ka tirsan Mudanayaasha Golahaas, ayaa halkaa hadalk uu ka jeediyay waxa ka mid ahaa, “Umaddu siday doonayso mar walba wax ma noqdaan oo si kale ayay u dhacdaa mararka qaarkood ee marka ay wax yimaaddaan waxa wacan in laga wada tashado oo la xalliyo. Sababtoo ah, khilaaf wuu jirayaa oo beri iyo saadambeba wuu imanayaa, meelna la kala tegi maayee Khilaafka ha la xalliyo oo Ilaahay ha laga yaabo.” Waxaanu intaa raaciyay Mudanuhu oo uu yidhi, “Dadka ama Gaajaa isu-geysa iyo baaha ama Dherag baa isu-geeya. Inaga Gaajo isuma keen gaynaysee (khilaafka ma abuurayso) ee waxa isu-keen gaynaya waa Dherag iyo durduro. Waxaan leeyahay, haddii Jidhka qofka uu Dhabarku yidhaahdo dhinacaygaan u dhaqaaqayaa, Wejiga iyo inta horena tidhaahdo dhinacaygaan u soconayaa ma suurtogalayso, waxa wanaagsan in la kala dambeeyo oo lays daba socdo.”
Waxa hadalkii la wareegay Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlay arrimo la xidhiidha wada-xaajoodyo dhawaanahanba u socday Shirguddoon ahaan, waxaanu sheegay in aanay jirin weli wax laysla meel dhigay. “Hadii xil ina saaran yahay oo Baarlamaanka had iyo jeer waa laynaga reebaaye waxa ina saaran xil Baarlamaan, waliba mid Guurti iyo Odaynimo, waxa weeye in la xalliyo wixii ina dhex yaala oo aynu Bulshada si ugu wada adeegno.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan idinkaga tegay Heshiis inaga oo ah oo aynu waliba gaadhnay heshiis 9 qodob ka koobnaa oo aan islahaa waa la fulinayaa. Labada Guddoomiye-ku-xigeen nabad baanu ku kala tagnay, waxa Golihii soo galay khilaaf ay labada Guddoomiye-ku-xigeen yidhaahdeen anaga Shirguddoon ahaan ayuu noo dhaxeeyaa. Waa waajib in aanu khilaafka dhexyada ka saarno, hawshaasna waanu wadnaa. Laakiin, weli waxba islamaanu meel dhigin, hase yeeshee, wixii aanu gaadhno ayaanu Gole ahaan idiin soo gudbinaynaa.”
Guddooomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu Mudanayaasha Golahaas u jeediyay in aanay isku xidhnaanin wada-hadallada socda ee Shirguddoon ahaan iyaga u dhaxeeya iyo hawlihii uu qaban lahaa Goluhu oo uu ugu horreeyo gudo-galka kalfadhiga Golahaas u furmay. “Anagu Shirguddoon ahaan dhexdayada aanu danaha ka raacno, balse Goluhu wuu furmay oo istaagi maayee ha shaqeeyo, hawlanaha ha la wado.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.
Hase yeeshee, Guddoomiyaha oo hadalka wata, ayaa Xoghayaha guud ee Guurtida Cabdilaahi-dheere Guddoomiyaha u dhiibay Warqad saxeexan, taas oo keentay in uu Guddoomiyuhu hoos ahaan u akhristo, isla markaana uu su’aal la xidhiidha qoraalka ugu noqdo Guddoomiye-xigeenka 1aad Sh. Axmed Nuux Furre. “Sheekh Axmed ma sidaasaad garatay?” ayuu waydiiyay Guddoomiyuhu, taas oo uu Sheekh Furre ka jawaabay oo uu yidhi, “Waan ka wadi waayay, waan ka wadi waayay”. Guddoomiye Saleebaan waxa uu Sheekh Furre waydiiyay su’aal kale oo u dhignayd, “Ma u gudbiyaa (Qoraalka) Mudanayaasha Golaha?”, taas oo uu Furre kaga jawaabay, “Haa ee u gudbi”.
Gudoomiyuhu wuxuu Warqaddii u gudbiyay Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Golaha Siciid Jaamac Cali oo madasha fadhiyay,  hase ahaatee, Siciid waxba kama odhan ee inta uu akhriyay ayuu iska celiyay.
Intaas ka dib, Guddoomiye Saleebaan oo Wejiga ay ka muuqato yaab iyo fikir uu muddo kooban kaligii iskula faqay, waxa uu xidhay fadhigii, waxaanu Mudanayaasha ku wargeliyay in fadhiga maanta Golaha mar kale laysugu soo noqdo. “Arrin aan halkan ku ogaaday ayaa nagu soo korodhay oo tii aanu wadnay mid aan ahayn oo kale ayaa timi ee aanu saddexdayadu (Guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen) is-raacno oo aanu shirno, fadhiguna wuu inoo xidhan yahay ee waa inoo berri Insha Allah.” Ayuu hadalkii ku soo gebogebeeyay Saleebaan.
Ka dib markii ay Shirguddoonku dibedda uga soo baxeen Golaha, ayaa mar Sheekh Furre wax laga waydiiyay nuxurka Qoraalka, ayaa Guddoomiyaha Guurtida isaga riixay in uu ka hadlo. “Guddoomiyaha ayaa Qoraalka haya ee waydiiya waxa ku qoran.” Ayuu ku jawaabay Furre.
Geesta kale, Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna wax laga waydiiyay nuxurka qoraalka, ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo, waxaanu sheegay in ay Golaha horkeeni doonaan wixii jira.

Afhayeenka Xisbiga UDUB oo ku hanjabay inuu xilkaa iska  casilayo
Hargeysa 31, Jan.2010 (Ogaal)- Afhayeenka xisbiga talada dalka haya ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa la sheegay inuu ku hanjabay inuu iska casili doono xilkaas.
Siday faafisay shabakadda wararka Internet-ka ee Berberanews, arrintani waxay ka dambaysay ka dib markii ciidanka ilaalada Madaxtooyadu ay shalay Afhayeenka UDUB ka horjoogsadeen inuu galo xarunta Madaxtooyada ee Hargeysa.
Warku wuxuu intaa ku daray, in is hortaaga ilaaladu kula kaceen Afhayeenku ay sababtay inuu hadalku ka taagtaagmo, kaasoo markii dambe sidu bedelay in hadalo kulkululi dhexmaraan.
Siday dad goobjoog ahaa u sheegeen shakabadda, waxa muran iyo buuq dhexmaray afhayeenka UDUB io ciidanka is hortaagay, kaasoo ku dhexmaray irida hore e laga galo xarunta Madaxtooyada. Sida warku sheegay, arrintaasi waxay sababtay inuu xidhmo jidka halbowlaha ah ee hormara Madaxtooyada, ka dib markii dad aan badnayn iyo gaadiid jidka marayay halkaa ku hakadeen. “Isagana (Madaxweyne Rayaale) imikaan Telefoonkiisa garaacayaa, ma waxay ii haystaan guul-wadayaashiisa oo kuwo la mid ah ayuu na moodayaa," sidaa waxa laga sheegay inuu ku tiraabay Muj. Cali-gurey.
Goobjoogayaashu waxay sheegeen in Afhayeenka la tusay warqad aanay cadayn waxa ku qoraa, taasina waxay sababtay in Afhayeenku ku hanjabo inuu is casilayo.
Intaa ka dib, waxay weriyeyaal shabakadda ka tirsani ka soo horjeedka dhismaha Baarlamaanka oo dhawr talaabo u jira Madaxtooyada kula kulmeen Afhayeenka UDUB oo gaadhigiisa dhex fadhiya, kuna mashquulsan telefoonkiisa gacanta (Mobile-ka), isla markaana ku tiraabaya erayo uu ku diidan yahay dhacdadaas.

Hargeysa: Magacyada dad ku dhintay Shil Baabuur
Hareysa 31, Jan.2010 (Ogaal)- Laba qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen shil Baabuur oo shalay ka dhacay jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera.
Sida uu Wargeyska Ogaal u sheegay Keyse Maxamed Muxumed oo ka tirsan qaybta gargaarka degdega ah ee Cusbatalka guud ee Hargeysa, waxa uu shilkaasi ka dhacay meel u dhow tuulada Dhubato oo u dhexaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Waxa uu sheegay in Baabuurka shilkaas geystay uu ahaa nooca loo yaqaano Maarka-tuuga, isla markaana ay ku dhinteen Cabdi Muxumed (Cabdi-rabaysane) iyo nin kale oo magaciisa Axmed lagu koobay.
Sidoo kale, waxa uu sheegay inay ku dhaawacmeen darawalkii gaadhigaas oo la yidhaahdo Axmed Yaasiin Maxamed iyo Cabdifataax Maxamed Sh. Caynaan, kuwaasoo haatan lagu daawaynayo Cusbatalka guud ee magaalada Hargeysa.
Muddooyinkii u dambeeyay waxa kor u sii kacayay khasaaraha ka dhasha shilalka gaadiidka Somaliland.

Wasaaradda Qorshaynta iyo hawlgalkeeda la xisaabtanka hay’addaha
“Waa xaq in ciddii xil loo dhiibo lala xisaabtamo, haddaan la-xisaabtan jirina…”
Wasiirka Qorshaynta Qaranka………Shirjaraa’id
Hargeysa 31, Jan.2010 (Ogaal)- Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo xidhiidhka hay’addaha Caalamiga ah ee Somaliland Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare), ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalka la xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaraddiisu kula xisaabtamayso hay’addaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan.
Wasiirka oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheega inay waajib tahay in cid kasta oo xil loo dhiibo lala xisaabtamo, taas la’aanteeda waxa uu sheegay in aan horumar la gaadhi karin.
Wasiir Cali-Sanyare oo ay shirkiisaa jaraa’id goobjoog ka ahaayeen guddi farsamo oo Wasaaradda Qorshayntu u xilsaartay isku-dubaridka barnaamijka la xisaabtanka hay’addaha Caalamiga ah, waxa uu sheegay inay wax-ka-bedel ku sameeyeen qorshihii laxisaabtanka ee ay sannadkii hore u bandhigeen hay’adda. “Waxaanu bilownay sanadkan qorshihii la xisaabtanka hay’addaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay iyo ururada Caalamiga ah ee aan dawliga ahaynba, waxaanan kula xisaabtamaynaa deeqihii dalka soo gaadhay siday u baxeen. La xisaabtankani wuxuu noqon doonaa mid joogto ahaan doona. Sanadkii hore markii noogu horraysay bay ahaydoo, may ahayn wax la wada dhammaystiri karo,” ayuu yidhi Wasiirku. “Khibradii aanu sanadkii hore ka faa'iidaysanay la xisaabtanka hay’addaha, waxaanu sanadkan foomamkii u diray hay’addaha caalamiga ah, si ay ugu soo buuxiyaan deeqihii iyo siday u baxeen. Waxa kale oo aanu nuqulo siinay ururada iyo hay’addaha dawliga ah ee la fulinayay mashaariicda. La-xisaabtanka sanadkani wuu ka balaadhan yahay kii sanadkii hore. Su’aalihii aanu sanadkii hore waydiinay waxay ahaayeen 12 su’aalood oo dhammaantood la xidhiidhay mashaariicda iyo deeqaha. Laakiin, sannadkan waxaanu soo kordhinay xogihii aanu waydiinaynay oo aanu ka dhignay 18 su’aalood oo loo baahan yahay,” ayuu raaciyay.
Waxa uu sheegay in barnaamijkan la-xisaabtanka ay qayb ka yihiin Wasaaraddaha iyo hay’addaha dawliga ah ee Somaliland oo uu xusay in looga fadhiyo inay soo bandhigaan meelaha laga fuliyay siday u baxeen mashaariicda horumarinta ee ay wax ka fulinayeen. “Waxaanu dadweynaha u sheegaynaa in aanu dhawaan soo bandhigi doono warbixin cilmiyaysan oo salka ku haysa natiijada barnaamijka la xisaabtanka…. Hay’addaha Caalamiga ahi si weyn ayay u  qaateen barnaamijkan la xisaabtanka oo ah wax xaq ah oo u baahan inuu dhaxal u noqdo Somaliland oo uu sii socdo, inagana waa la inooga baahan yahay inaynu dhinaceeda diyaar u noqono,” ayuu yidhi.
Wasiirka oo la waydiiyay inay wax talaabo ah ka qaadeen dhawr iyo toban hay’addood oo ay sannadkii hore digniin u qoreen, ka dib markii ay warbixintoodii waxqabad soo gudbin waayeen, waxa uu ku jawaabay; “Horta, nasiib-wanaag saddex mooyee intoodii badnayd way soo direen la xisaabtankii, kuuwaasina waxaanu ogaanay inaanay dalkaba joogin ee ay ka tageen, markaa digniintayadii way gaadhay xarumahoodii,” ayuu yidhi Cali Ibraahim Maxamed. “Haddaan la isla xisaabtamin horumar la gaadhi maayo, cid kastoo xil loo dhiibay in lala xisaabtamaana waa xaq,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta iyo xidhiidhka hay’addaha Caalamiga ah ee Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay inay hay’addaha ku wargeliyeen inay si siman mashaariicda ay fulinayaan ugu balaadhiyaan gobollada dalka, iyadoo sida uu sheegay ay intii ka horaysay 2006 mashaariicdu u badnayd gobollada Galbeedka. Hase yeeshee, waxa uu sheegay inay ku dedaalayaan in hay’addaha dalka ku sugani si siman ugu xaqsooraan gobolada dalka, iyadoo muhiimada la siinayo siday baahidu ugu kala badan tahay. “Waa run in Galbeedku u badnaayeen waqtiyadii hore…Wasaaraddan baa u xilsaaran inay ilaaliso in mashaariicdu si siman dalka looga fuliyo, haddii wadanka deeqdu kala qaybisana midnimadu jiri mayso. Intii ka dambaysay 2006 markii aanu hay’addaha ku wargelinay, 66 jeer bay u ruqaansadeen dhinaca Bariga,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in qiimayntii ay sannadkii hore soo saareen ay gobollada mashaariicda ugu badan laga fuliyay uu gobolka Togdheer kaalinta labaad ka galay.

Wefti ka socda Golaha Wakiilada oo Ingiriiska kaga qayb-galaya Shirka dalalka Barwaaqo-sooranka
Addis-Ababa, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha Guddida la-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Golahaas Md. Aadan Tarabi Oogle, ayaa habeen hore ka amba-baxay Magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isla markaana u kicitimay dalka Ingiriiska.
Mudanayaashan oo habeen hore Wargeyska Ogaal ugu waramay Magaalada Addis-Ababa, ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho casuumad Rasmi ah oo ay ka heleen Shirka Barwaaqo-sooranka oo ku qabsoomaya dalka Ingiriiska, kaas oo ay sheegeen in lagaga hadli doono Dhismaha nabadda iyo maamul-wanaagga.
Labadan Mudane waxay sheegeen in SShirkan lagu marti-qaaday 40 Dal oo mid kasta laga casuumay laba Xubnood. “Waxaanu ku faraxsanahay anaga oo metelaynaya Somaliland in aanu Shirkaa ka qayb galayno.” Sidaa waxa yidhi Md. Samaale oo sheegay inay qaddiyadda Somalialnd ku soo bandhigi doonaan shirkaas.
Shirkan Barwaaqo-sooranka ayay sheegeen in uu socon doono muddo toddoba maalmood ah, kuwaas oo 5 ka mid ah uu ku qabsoomi doono Magaalada London, halka 2 maalmood ee kalena uu ka dhici doono Magaalada Belfast ee Waqooyiga Ireland.
Maaha markii ugu horraysay ee Mudanayaasha Golaha Wakiiladu ay ka qayb-galaan Shir noocan oo kale ah, hase ahaatee, waa markii u horraysay ee Somaliland shirkan loogu marti-qaado si rasmi ah.


Markab Dhuxul sida oo Dab ku qabsaday Dekedda Magaalada Muqdisho
Muqdisho, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Markab nooca Dhuxusha qaada ah oo lagu magcaabo Al-Marjan, ayaa shalay ku gubtay dekedda Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu halkaas ku xidhay si looga badbaadiyo Dab si lama filaan ah uga kacay Markabka.
MV Al-Marjan oo dorraad soo gaadhay Dekedda Muqdisho ayaa dhuxusha uu wado ka soo qaaday Dekedda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ee isla Soomaaliya, halkaasoo ay gacanta ku hayso Kooxda Al-Shabaab. "Waxaanu dedaal u galnay in aanu Markabka daminno” sidaa waxa yidhi masuul ka tirsan Dekedda Muqdisho oo Warbaahinta u waramay shalay.
Qaar ka mid ah shaqaalaha Markabka ayaa sheegay in Dhuxusha markabka saaran ay ku sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta, waxayna sheegeen in Dabka ay ku arkeen markii ay soo gaadheen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Baraawe.
Gaadiidka Dab-demiska iyo shaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa ka qayb-qaatay deminta Dabka ka kacay Markabka. Markabkan oo siday Dhuxul aad u tiro badan, taas oo badankeedii ku dul baaba’day, ayaa ka mid ah Maraakiibta Dhuxusha ka qaadda Soomaaliya ee geeya dalal badan oo uu Khaliijka Carabtu ka mid yahay.
Maaha markii ugu horreysay oo uu Markab ku gubto dekedda Muqdisho, iyadoo sannadkii hore uu ku gubtay markab kale oo dhuxul waday, kaasoo ay damiyeen ciidamada AMISOM ee gacanta ku haya ammaanka Dekedda.
Urur Siyaasadeedka UDHIS oo shir ku qabsaday Carriga Ingiriiska
“Kuwa ilaawa taariikhdooda, waxa lagu ciqaabaa in wixii ay soo mareen lagu celiyo”
Sheffield, 1 Feb, 2010 (Ogaal)- Urur siyaasadeedka UDHIS ayaa Shirweyne uu ku qabsaday magaalada Sheffield ee carriga Ingriiska waxa ay ku falanqeeyeen Xaaladda Dalku hadda taagan.
Xog-hayaha guud ee Urur siyaasadeedka UDHIS Axmed Maxamed Jawhari oo dhawaan ka tegey dalka oo uu socdaal ku joogay, ayaa Khudbad dheer oo uu kulankaas  ka jeediyay waxa uu si qoto dheer uga hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka, Hogaaminta Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah oo uu ku tilmaamay kuwo Xisbiga UDUB la qaba Fashilnaanta iyaga oo aanu cadayn Barnaamij siyaasadeedkoodu.
Hadalka uu halkaa Jawhari ka jeediyay oo dhamaystiran ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
"Mudanayaal Iyo Marwooyin waxa ii sharaf ah in aan maanta halkan aynu ku kulano oo aan idinka waramo  xaalada wadankeenii oo aan dhawaan ka soo laabtay.  Dhulkeenii maanta waa nabad, Illaahii nabad-gelyadaa inagu simay ayaa mahadeeda leh. Deganaanshahaa iyo nabada Somaliland ka jirta waxa iyaguna markasta u taagan in ay dhawraan shacabka Somaliland, oo ah kuwa ay sida weyn ee tooska ah ay u taabanayso haddii ay xasiloonidaas ay wax ku yimaadaan. Waxa jira kooxo aan raali ka ahayn deganaanshaha dalka iyo isku duubnida bulshada Somaliland. Waxa aynu ka wada dheregsannahay xaalada cakiran ee ka jirta gobolka maanta. Waxa aad la socotaan in weeraro argagixiso ay ka dhaceen wadankeena, markastana cadawga Somaliland ay maleegayaan shirqoolo wax lagu yeelaynayo nabada dalka iyo dadkeena.
Waa illaahay mahadii in kooxahaasi ay ku guul-daraysteen in ay faafiyaan fikirkooda guracan, ee ku salaysan siddii ay u kala qoqobi lahaayeen dadkeena, shaki iyo aamin darana ay uga abuuri lahaayeen heer kasta oo bulsheedana ah, ha ahaato mid dhaqan, mid gobol, mid xisbi siyaasadeed iyo wax kasta uu u fududaynaya in aragtiyahaas ka reebka ahi ay ku xididaystaan wadankeena. Taasi kama dhigna in qataraha wax u dhimi kara dalkeenu ay ka yimaadaan oo keliya meelo ka baxsan xuduudaha Somaliland. Waxa khatar taas la mid ah keeni kara ka-feejignaan iyo dhayalsi aynu dhayalsano xad-gudubyada iyo xil gudasho la’aan ka timaada kuwa loo igmaday in ay ka turjumaan rabitaanka dadkeena.
Waxa aynu qaadanay nidaamka Dimuqraadiyada xisbiyada badan, laakiin waxa aynu hadda u muuqaanaa in nidaamkeena dimuqraadiyeed uu magac u yaal uun yahay. Waxa berigii hore badanaa qaarada Afrika ka dhici jirtay in marka uu nin keligii talis ahi uu xukun qori caaradiis uu ku qabsado uu sameyn jiray nidaam uu weligii xukunka ku haysto. Teenu waxa ay maanta u muuqataa keli-talisnimo dhawrkii biloodba dib loo cusboonaysiiyo. Habka iyo heerarka loo maro cusboonaysiinahan ayaa ah kuwo la qabitimay, muuqaalkeeda meel dheer ayaa laga gartaa, waxa ay ku bilaabantaa khilaaf siyaasadeed oo la soo macmalay oo la dhex dhigo golayaasha wakiilada iyo guurtida, khilaafyadaas oo ujeeddada keli ah ee laga leeyahay ay tahay si loo wiiqo rabitaanka shacabka, loogana hortago in doorasho xor iyo xalaal ahi ay wadanka uga qabsoonto.
Horaa loo yidhi “Kuwa ilaawa taariikhdooda, waxa lagu ciqaabaa in wixii ay soo mareen lagu celiyo” Waxa wax laga tiiraanyoodo oo aan marnaba la qaadan Karin ah in 30 sannadood ka dib aasaaskii dhaqdhaqaaqii SNM iyo kudhawaad 20 sanno ka dib la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland, ay xukuumadeenu ay shacab mudaharaadaya ay rasaas kula dhacdo magaalada Hargeysa. Xukuumada talada dalka haysaa wey ku fashilantay xilkii loo igmaday, inta ay wadanka ka talisona wax inaga dhaca mooyee, waxba inoo kordhi maayaan.
Waxa ayaan daro ah in aanay ahayn xukuumada oo keliya tan fashilantay, ee waxa daawasho iyo ceeb la qaba labadda xisbi mucaarid oo iyaguna ku guul daraysatay in ay soo bandhigaan barnaamij siyaadeed oo ay dawlad ku hagaan,  dimuqraadiyadeena kaga dhigi lahaayeen mid magacaas u qalanta.
Wax aan hore u sheegay in xikmada siyaasadu aanay saddex xisbi ku koobnayn, kuna koobnaan Karin. Dadkeenuna ay u qalmaan in loola dhaqmo in ay yihiin   kuwo kala garan kara xaqa iyo baadilka, dadka iyo xisbiyada is-bidaya in ay hayaan talooyin taabo gal ah, oo dalka iyo dadka faaiido u lehina ay helaan firaaqadii ay ku soo bandhigi lahaayeen fikirkooda.
Khatarta ay leedahay in koox gaar ah, oo u adeega danahooda gaarka ah, oo aan si dhab ah u metalin dadka ay sheegtaan in  ay ka wakiil yihiin, oo aan ficilkooda iyo fikirkooda midnaba aan ku salayneyn danta guud iyo halka dawadu ku jirto, oo taas ka door bida dan shaqsi iyo mid xisbi, waxa tusaale cad inoo ah maqiirta ku habsatay walaaleheena Soomaaliyeed, ee 20ka sanno u dabran nin ku danaysta iyo urur aan u diir naxayn.
Marka aynu qiimaynayno halka ay Somaliland taagan tahay way haboon tahay in garawsano waxyaabaha  inoo qabsoomay, waxa iyana meesha ku jirta in aynu ogaano in aynu ka kororsan karno halka aynu maanta taaganahay. Xoraynta wadanka waxa loo soo maray halgan qadhaadh oo naf iyo moodba leh. Ururkayaga UDHIS waxa uu u taagan yahay in la helo xoriyad buuxda iyo horumar siyaasadeed."




Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, January 25, 2010

Halkan ka akhri Wararkii Wargeyska Ogaal Maanta Isniin 25 January


Halkan ka akhri wararkii wargyeska ogaal maanta oo Isniin ah








Holhol: Ciidanka Qaranka oo xubno Garaado ah qabqabtay
Hargeysa 25, Jan.2010 (Ogaal)- Ciidanka qaranka Somaliland, ayaa la sheegay inay gaadheen tuulada Holhol oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.
Sida uu xalay baahiyay Telefishanka Horn Cable, Ciidanku waxay tuulada Holhol u tageen si ay uga hortagaan shir Somaliland ka dhan ah oo la doonayo in lagu qabto degaankaas, kaasoo ay dhawaan shaaciyeen qaar ka mid ah Garaadada beesha gobolka Sool.
Warku wuxuu intaa ku daray, in Ciidanka Milaterigu markii ay gaadheen tuulada ay qabqabteen saddex ka mid ah Garaadada doonayay inay shirkaas qabtaan. Waxa la sheegay in Ciidanku fadhiisin ka samaysteen tuulada Holhol, isla markaana ay halkaas ka baxsadeen qaar ka mid ah koox dhowaan shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo muddooynkii u dambeeyay abaabulayay shir lagu diidan yahay Somaliland.
Dhinaca kale, Ciidanka Qaranka ee jiida hore, waxay shalay u ruqaansadeen dhinaca Puntland.
Sida warku sheegay, Ciidanku waxay ku ruqaansadeen oo ay gaadheen tuulada Tuko-rag oo ilaa 50 Km u jirta magaalada Garoowe ee maamul-gobolleedka Puntland.
Hargeysa: Ciidanka Booliska oo is hortaagay dadweyne gadood sameeyay
Hargeysa 25, Jan.2010 (Ogaal)- Ciidanka Booliska ee Somaliland, ayaa is hortaagay dadweyne gadood ka sameeyay magaalada Hargeysa.
Taliyaha guud ee Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in dadkaas oo dumar iyo dhalinyaro u badnaa ay doonayeen inay gacanta ula tagaan nin habeenimadii Jimcihii aynu ka soo gudubnay wiil dhalinyaro ah Toori ku dilay, kaasoo weli maydkiisu yaalo Cusbatalka guud ee Hargeysa.
Taliyuhu waxa uu sheegay in dilka wiilkaa dhalinyarada ahi ka dambeeyay ka dib markii hoteel dhinaca Bariga magaalada ku yaala uu isku dhac ku dhexmaray dhalinyaro aroos ka qaybgashay. “Niman dhalinyaro ah baa is af dhaafay, dabadeedna mid baa Mindi la geliyay oo u dhintay, imikana dilkiisa shan baa u xidhan,” ayuu yidhi.
Mr. Maxamed Saqadhi Dubad waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo inay gudbiyeen dadka falkaas loo haysto oo sida la sheegay Maxkamadda gobolka Hargeysa shalay rumaan ahaan ugu gudbisay Xabsiga Mandheera. “Hala rumaangareeyo ama Saldhiga haku jireena, waa loo hayaa, nimankana wixii loo xidhay baa lagu eedaynayaa, kiiskana baadhistiisii baa socota,” ayuu raaciyay. “Dhalinyaro ehelka ninka dhintay ah baa buuqa samaynayay, cadhaysnaa oo lahaa ‘noo soo saara anagaa wax ka qabane’. Markaa rumaan may diidanayne, waxay doonayeen inay ninka farosaaraan oo ay waxyeeleeyaan,” ayuu yidhi Maxamed Saqadhi oo ka jawaabayay waxyaabaha ay dadweynuhu doonayeen.
Taliyuhu waxa uu sheegay in aanay jirin cid ay u xidhxidheen gadoodkaa dadweynuhu sameeyeen.
Dhinaca kale, sida uu sheegay Weriye Wargeyska Ogaal ka tirsan oo goob joog u ahaa isku-dhacaa kooban ee Booliska iyo dadkaa dibad-baxa samaynayay, Ciidanku waxay rasaas ay kor u rideen u adeegsadeen inay kala dareeriyaan dadkaas. Intii uu socday is wajahaada Ciidanka iyo dadkaasi, waxay askartu mararka qaarkood dhagax-tuur kaga jawaabayeen shiidh ay dadweynuhu la beegsadeen Ciidanka iyo Saldhiga dhexe ee Booliska Hargeysa.

Dawladda Itoobiya oo xidhay Xadka ay la wadaagto Somaliland iyo socdaalka Meles Zenawi ee Jigjiga

Jigjiga, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- Dawladda Itoobiya ayaa muddo 48 saacadood ah xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland, waxaanay joojisay gebi ahaanba isu-socodka gaadiidka ee u kala gudbi jiray labada dal, marka laga reebo Baabuurta Qaadka.

Inkasta oo aanay labada Dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya si rasmi ah uga hadal arrintan, haddana siday Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Dawladda Itoobiya ayaa shalay xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland, kaas oo ay sheegtay in uu xidhnaan doono muddo 48 saacadood ah oo shalay ka bilaabma, kuna eg maanta oo Isniin ah. “Toddobaadkii u dambeeyayba waa la adkeeyay xadka, si adag baana loo baadhayay dadka ka gudbaya, balse maanta (shalay) ayaa la xidhay. Dhinaca Somaliland waxa tuman dad badan oo u gudbi lahaa dhinaca Itoobiya, waxaanay buux-dhaafiyeen Huteellada la seexdo.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalo-xuduudeedda Wajaale oo Wargeyska Ogaal uga waramay arrintan. “Baabuurta Qaadka ka soo qaada Itoobiya oo kaliya oo aanay Darawalka iyo raacuhu oo kaliya la socdaan ayaa la ogol yahay inay ka gudbaan Xadka, kuwaas laf ahaantoodana lama ogola inay dib ugu noqdaan Itoobiya ilaa amar dambe oo waxa la faray in ay joogaan dhinaca Somaliland.” ayuu intaa raaciyay qofkaasi. Waxaanu sheegay in dadkii ka bixi lahaa Itoobiya ee u socday dhinaca Somaliland lagu joojiyay Magalaada Jigjiga oo aan loo ogolayn inay ka baxaan ilaa xadka la furayo.

Sababta loo xidhay Xadka ayaa lagu sheegay in uu Ra’iisal-Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi markii ugu horraysay muddo 20 sano ku dhaw oo uu xilka hayay uu socdaal ku imanayo magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. “Magaalada Jigjiga waxa lagu qabanaa shirkii xoolo-dhaqatada Itooobiya oo beri (maanta) oo Isniin ah, marka laga yimaaddo masuuliyiinta kale ee ka qayb-galaya, waxa Shirkan imanaya oo ka qayb-galaya Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo la filayo in uu Diyaarad ku yimaaddo.” Waxa isna sidaa Ogaal u sheegay mid ka mid ah masuuliyiinta u dhuun-daloola arrintan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Masuulkani wuxuu intaa ku daray in waqtiga la filayo in la furo Xadka Somaliland iyo Itoobiya ay tahay marka uu Meles Zenawi ka amba-baxo magaalada Jigjiga. “Waxa la filayaa in uu Jigjiga joogo muddo afar saacadood ah, waxaana la furi doonaa xadka marka uu noqdo gelinka dambe ee beri (maanta). Inta ka horraysa waxa la sheegay in uu xidhnaan doono xadku.” Ayuu yidhi masuulkaasi.

Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Booliska ee Jigjiga oo loo magac-bixiyay Booliska cusub (New Police), ayaa la keenay magaalo-xuduudeedda Wajaale, kuwaas oo ilaa shalay hubinayay hirgelidda xidhitaanka Xadka, isla markaana kormeerayay xadka.

Maaha markii u horraysay ee ay Dawladda Itoobiya xidho xadka ay la wadaagto Somaliland, hase ahaatee sanadkii hore ayay ahayd markii muddo gaaban ay sidan oo kale u xidhay, balse ay markii dambe dib u furtay.

 

Garoowe: Dil lagu xukumay nin Al-Shabaab uga adeegi jiray Hargeysa iyo Kismaayo
Garoowe 25, Jan.2010 (W.Wararka/Ogaal)- Maxkamadda derajada koowaad ee magaalada Garoowe ee maamul-gobolleedka Puntland, ayaa xukun dil ah ku riday nin la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Nugaal ee Puntland Sheekh Cabdinuur Jaamac Xusseen, ayaa sheegay in ka dib marii Maxkamaddu dhegaysatay dacwadda Xusseen Maxamed Cali oo 20 jir ah oo Al-Shabaab ka tirsanaa, ay ku xukuntay dil toogasho ah.
Guddoomiyuhu waxa u sheegay in markii wiilkan Maxkamadda la soo taagay uu qirtay dambiyada lagu oogay, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid ahaayeen; inuu Al-Shabab sawiro u qaadi jiray, isla markaana uu u kala safri jiray magaalooyinka Hargeysa, Garoowe iyo Kismaayo, sidaa darteedna ay Maxkamaddu go’aamisay in dil toogasho ah lagu fuliyo.
Xusseen Maxamed Cali oo ah wiilka xukunka lagu riday oo xukunkaa ka dib Saxaafadda kula hadlay Maxkamadda Garoowe, waxa uu sheegay iuu qirsan yahay eedaha loo haysto oo ah inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Wiilkan oo labaatan jir ahi, waxa uu sheegay in hadda ka hor Maxkamadda lagu soo taagay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Dhinaca kale, maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Nugaal, ayaa isla shalay xukuntay Cabdiweli Maxamed Daahir oo l sheegay in Ciidanka Amaanka ee Garoowe isagoo xidhan dharka dumarka, waxayna Maxkamaddu ku xukuntay 10 sannadood oo xadhig ah.
Doraad waxay Maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Bari xukun dil iyo xabsi dheer ah ku riday dad la sheegay inay dilal ka geysteen badhtamaha magaalada Boosaaso ee Puntland.

 

 

KULMIYE oo ka hadlay xaaladda dalka iyo hadal Xukuumadda ka soo yeedhay

“Madaxweyne Rayaale ha la waydiiyo inuu ogol yahay in ku-xigeenkiisu Wasiirada beddeli karo”

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose

 

Hargeysa, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- “Saddexda Xisbi waxa ay isku raaceen oo ay ku heshiiyeen Lixdii qodob, oo ay gundhig ay u ahayd in doorashada la qabto, dalkana xasarad siyaasadeed laga badbaadiyo, wixii hada ka dambeeyana dalka iyo dadka looga tudho in wax carqalad ku keeni kara xasiloonida, wada jirkooda iyo hab sami u socodka dimuquraadiyada laga ilaaliyo. Laakiin nasiib-daro baryahan dambe sida aad la socotaan waxa ka socda dhanka Xukuumada iyo Xisbiga talada haya ee UDUB weeraro si badheedh ah loogu qaadayo Xisbiga KULMIYE, hadii ay tahay Guddoomiyaha iyo hogaankiisa iyo hadii ay tahay qaabkiisa jiritaan oo dhan. Arimahaa oo xag xagashadooda loogu talo galay sida aan dareensanahay in xasaasiyad siyaasadeed lagu abuuro si hab sami u socodkii iyo heshiiskii ahaa in laga midho dhaliyo, doorashaduna ay si wanaagsan u dhacda carqaladani ku dhacdo.” Sidaa waxa yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo shalay ka hadlay Shir-jaraa’id oo ay qabteen hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE.

Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa shalay jawaab ka bixiyay hadal hore uga soo yeedhay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, isla markaana waxay ku eedeeyeen in ay si gurracan u adeegsadaan Warbaahinta Qaranka iyo talada dalka. “Hadii aan arimahaas mid mid u soo qaadano Idaacada Radio Hargeysa iyo Tv-ga qaranka saacad alaala iyo saacada aad furataan waxa a socda hadalo dhaxli leh hadalo colaad abuuraya, hadalo aflagaado ah, waad ogaydeen oo dalka Rwanda waxay lahayd Idaacad qudha waxa ku dhintay Kumaankun qof, markaa hubka Warbaahinta marka si qaloocan loo isticmaalo wuxuu noqon karaa hub khatarteeda leh.” Ayuu yidhi Dr. Gabboose.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Ololaha KULMIYE ee gobollada bariga Somaliland Dr. Gabboose wuxuu ka jawaabay hadal hore uga soo yeedhay Xukuumadda, kaas oo ay ku sheegeen in Guddoomiyaha KULMIYE aaminsan yahay Soomaaliweyn. “Guddoomiyaha Axmed Maxamed Siilaanyo la idin bari mayo, bulshada Somaliland la bari mayo, Xukuumada iyo Xisbiga UDUB la bari maaayo, noloshiisa oo dhan waxa ku qaatay geed hoostii iyo Kaneecada iyo nolol adag, naftiisa ayuu huray inay xabadu ku dhacdo inay dhibaatada uu dadkiisa lagu hayey ee murugsan uu ka badbaadiyo. Halgankii aad ogaydeen ee maanta midhihiisa aan wada hadhsanayno oo waliba kuwa isaga aflagaadaynayaa ay yihiin kuwii dhanka kale ka soo jeeday markii uu isagu halganka waday, ayaa maanta lagau leeyahay hadalo qaloocan oo ah Maddaarka kama soo degi karo, cafis ha waydiisto oo Wasiiradii dawlada ugu waynaa ay ku hadlayaan oo waa nasiib darada iyo taariikhda ummada. Waxa ay sabab uga dhigeen Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi Federaal ayaan aaminsanaa. Waxaan idin xasuusinayaa Ururkii SNM waxa uu ahaa urur ka abuurmay ummada xuquuqdoodii jiritaan iyo xasuuq joogto ah lagu hayey sidii ay isaga dul qaadi lahayeen, Ururkaasi distoorka uu lahaa waxa ku qornaa Somalia wada jir ah ay u tahay siyaasadiisu, sababtoo ah markii la bilaabayey arimahaas ama ahaato dalka aan deriska la ahayn iyo aragtii uu ka qabay, ama ahaato dadka halganka u soo baxasy  oo nin walba fikradiisa ayaa lagu qoray. Marka halganku soo dhawaadaba xaqiiqda runta ah ayaa isa sii qorayey in ummada iyo guddoomiyahoodu uu arimahaasi ka yidhi Cabdilaahi Yuusuf oo ahaa hogaankii Ururkii SSDF ayaa ka markhaati kacay, hadii uu maanta Siilaanyo yidhaahdo  waxaan aaminsanaa Federaal xaq buu u lahaa qofkasta oo SNM ku jiray inuu afkaartiisa soo bandhigo.” Ayuu yidhi Dr. Gabboose, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Laakiin Xisbigan SNM waxa sal u ahaa Dimuquraadiyad, waxaad doonto aamin, balse intayada badani halka aanu isku raacno ayaad aaminsan tahay, waxaaan ku soo galnay oo aanu dalka ku nimid iyadoo SNM oo dhami, aniguna (Gabboose) waxaan ku jiray golaha dhexe, ay maalintaas ay dhammaanteed ay u bislaayeen in Somaliland go’do, Axmed Siilaanyana kamuu duwanayn. Tusaale ahaan Guddoomiyihii markaa na hogaaminaayey oo noqday Madaxweynaha dalka muu qarin fakirkiisii inuu Federaal aaminsan yahay waa Cabdiraxmaan Tuur Alle ha u naxariistee, waayo fikirku dambi maaha ee waa talo la kala dooranayo, waxaanu yidhi ‘sida Imaaraadka aan noqono dawlado kala jira, hase yeeshee shacabkiisa ayaa yidhi maya ee waanu go’aynaa, iyagaanu u ogaansamay.”

Waxa kale oo uu Gabboose jawaab ka bixiyay hadal Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibeddu oo uu ku sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE aanu dalka iman ilaa uu cafis waydiisto Xukuumadda. “Wasiir-ku-xigeen ayaa yidhi kama soo degi karo Maddaarka, Wasiir baa yidhi wax dambi oo Axmed galay ma jirto, Wasiir kale ayaa kaga dambeeyey oo yidhi cafis hana waydiisto, Xukuumada na haysata sida ay u jaho wareersan tahay oo  aanay siyaasad midaysan lahayn, ku dheeraan mayo, balse waxaynu eegi cida Maddaarka iska hor taagta. Arinta xaasaasiyad lagu abuurayo waxa ka mid ah Guurtida, waxaan ognahay nidaamka loo dhisi qaab dhismeed, inteenan hadaan qof ka dhigano hogaamiye ama guddoomiye ka dhigano in aan ku xigeenkiisu waxba bedelin Karin, hadiiba uu awood u leeyahay inuu wax bedelo Madaxweyne Rayaale hala waydiiyo inuu ogol yahay in ku xigeenkiisu Wasiirada bedali karo, maxaa ka dhigay Shirguddoonka, waxa nasiib daro ah in golihii ugu qaalisaa dalka albaabada loo xidho, sababta loo xidhayna tahay wax alaala iyo wixii aad dhigatay inagaa bedelay hadaan ku xigeenkaagii ahay.” Ayuu yidhi Gabboose.

Waxa kale oo uu ka hadlay xadhig la sheegay in Xukuumaddu la doonayso Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Maxamed Xaashi Cilmi ma diidin Haya’ada sharciga, Maxamed Xaashi waa aasaasayaashii dalka xoreeyey, Maxamed Xaashi nololashada ugu qaalisan isagoo ka heli kara Maraykan ayuu cimrigiisa ku dhamaystay darxumo iyo halgan, waxa la isku khaldayaa Askariga CID-da ah xogta ee uu soo helo waxa uu u gudbiyaa haya’adii soo diratay, siyaasiguna fikirkiisa ayuu cabirayaa, hay’adu waxay hay’ad tahay markaad cadaalada ka heshid, hore ayaan Aniga (Gaboose), Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid hore ayaanu u soo aragnay Hay’adaha ay sheegaan oo dhakada ayaa laga maamulaa. Maxamed Xaashi ma diidana haya’ada garsoorka ee wuxuu diidan yahay karaamo dhaca, Maxamed Xaashi ma diidana qarannimo ee waxa uu diidan yahay kuwo ku gabanaya qaranimada, Maxamed Xaashi waxa u taagan yahay xariyatul qawlka, anana waan la qabnaa oo waanagaa hadlayna, markaa waxaan leeyahay Haya’adaha qaranka ee aad sheegaysaan ka dhiga kuwo qaranka u qalma, Askarigii ayaa laga dhigay mid shaqsi u shaqeeya.” Waxaanu Xukuumadda iyo Xisbiga UDUB ku eedeeyay inay gobollada ka bilaabeen Olole aanu Komishanku fasaxin.

Dr. Gabboose waxa uu Komishanka ugu baaqay inay fiiro u yeeshaan wax kasta oo carqaladaynaya habsami-u-socodka hannaanka qabashada Doorashada, maadaama iyaga loo igmaday hawlahaas.

 

Fadhigii Golaha Guurtida oo maalintii labaad u baaqday kooram-la’aan

“Ma ogi waxaanu shirguddoon ahaan ku kala maqanahay, laakiin Mudanayaal Goluhu wuxuu inoo furmayaa..”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida

 

Hargeysa, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in aanu ka war-qabin sababta keentay in shirguddoonka Golahaasi ku kala maqnaado Golahaas oo maalintii labaad fadhigiigiisii baaqday, ka dib markii uu kooramku buuxsami waayay, isla markaana ay Shirguddoonku isu-dhammaan waayeen.

Fadhigii Golaha Guurtida Soamaliland ee shalay ayaa maalintii saddexaad kooram la’aan u furmi waayey, kadib markii ay Mudanayaasha garabka Muxaafidka ah  ee la safan labada guddoomiye-xigeen ee Guurtidu ay ka soo xaadiri waayeen  saddexdii fadhi ee u dambeeyey. 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhigaas guddoominaayey oo kelmado kooban u jeediyay mudanayaashii madasha ka xaadiray, ayaa sheegay in aanay Shirguddoon ahaan dhammayn, isla markaana aanu garayn sababta keentay kala maqnaanshaha, taas oo loo aanaynayo maqnaanshaha Mudanayasha Guurtida. “Kooramka Goluhu ma dhama, Anaguna (Shirguddoon ahaan), ma dhamin, kolayba waxaanu kula maqan nahay ma ogi, markaa Mudanayaal waa in Goluhu isku soo dhammaado Sabti.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Labadii fadhi ee u dambeeyay oo ka mid ah saddex maalmood oo ay Guurtidu leeyihiin inay ku shiraan Hoolka shirarka ee Guurtida, maadaama ay saddexda maalmood ee kale Hoolka ku shiraan Mudanayaasha Wakiilada oo Hoolkoodii shirku dhisme ku socdo, ayaa baaqday, isla markaana waxa Golaha Guurtidu u ballamay inay kulmaan sabtida soo socota.

 

Maamulka Gobolka Togdheer oo shaaciyay abaaro ka jira Deegaano ka tirsan Gobolkaas
“Waxaan idiinku yeedhay inaan idinku wareliyo xaaladaha Abbaareed ee ka jira gobolka Togdheer”
Badhasaabka gobolka Togdheer
Burco 25, Jan.2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Biin, ayaa hay’adda iyo ururada samofalka ka dalbaday inay Biyo gaadhsiiyaan dadka iyo Xoolaha ku dhaqan tuulooyinka ku xeeran magaalada Burco.
Mr. Biin oo shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay hay’adda samafalka ee ka shaqeeya gobolka Togdheer, waxa uu ka warbixiyay socdaal uu dhawaan ku soo maray deegaamada gobolkaas.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dhulka uu soo maray uu ku arkay Abbaaro daaq la’aan ah iyo Biyo la’aan ba’an, sidaa darteedna ay dadkaasi u baahan yihiin gurmad iyo taakulayn degdeg ah. "Waxaan idiinku yeedhay in aan idinku wargaliyo xaaladaha abaareed ee ka jira gobolka Togdheer iyo waxyaabaha laydiinka baahanyahay,” ayuu yidhi Jaamac Cabdullaahi Biin.
Waxa uu hay’adda iyo ururada samofalka ee gobolkaa ka hawlgala u soo jeediyay inay si degdeg ah wax ugu qabtaan dadkaas tabaalaysan, isla markaana gudbiyaan fariimaha Biyo la’aanta iyo abbaaraha deegaankaas ku dhuftay.
Guddoomiyuhu waxa uu shegay inuu kulan noocan oo kale ah la yeelan doono ganacsatada, si ay gacan uga geystaan Biyo-dhaamis loo sameeyo dadkaas.
Ilaa labaatan hay’adood oo kulankaas ka qaybgalay, waxay dhinacooda balanqaadeen inay maalmaha soo socda soddon Booyadood oo Biyo ah u dirayaan deegaamada Biyo la’aantu ka jirto, isla markaana ay gudbin doonaan baaq la xidhiidha xaaladaaas.

Guddoomniyaha SOLLA G. Sanaag oo Xukuumadda ku eedeeyey faro-gelinta Dacwadda loo haysto Sagaal Nin

Ceerigaabo, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) ee Gobolka Sanaag Cali Siciid Jaamac, ayaa ka hadlay Kiiska sagaal nin oo ku eedaysan Budhcad-Badeednimo oo ku xidhan Ceerigaabo, kuwaas oo la sheegay in la amray in loo soo wareejiyo dhinaca Gobolka Saaxil.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Ogaal ee Ceerigaabo Cabdilaahi Xuseen Darwiish, Guddoomiyaha SOLLA ee gobolka Sanaag oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Ceerigaabo, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay farogelin ku samaysay dacwadda sagaalka nin ee ku eedaysan Budhcad-Badeednimada. “Nimankani waa sagaal, waxayna dhammaantood ku xidhan yihiin xabsiga dhexe ee Ceerigaabo, dacwaddooduna waxay ka furan tahay maxkamadda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo toddobaadkii inna dhaafayna fadhigeedii ugu horreeyey lagu dhegeystey halkaas” ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLLA ee Sanaag, waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Haddaba waxa nasiib-darro ah in maanta oo fadhigii labaad ee dacwaddan loo ballansanaa la yidhi guddoomiyaha maxkamadda Sare ayaa Taar amar ah ku soo diray in eedaysanayaashan loo wareejiyo maxkamadda gobolka Saaxil ee Berbera, iyadoo loo cuskanayo arrin qaldan oo ah in qaar ka mid ah eedaysanayaalka lagu qabtay soonaha Berbera oo dacwaddoodu labada maxkamadoodba ka furan tahay.  Taasoo ay jirtey markii hore laba ka mid ah in lgu qabtay soonahaas oo lagu xidhay Berbera laakiinse maxkamadda Berbera labaddas nin waxay usoo wareejisey halkan (Ceerigaabo) oo ay ku xidhan yihiin. Haddaba, waxan u sheegayaa eedaysanayaashan kiiska loo haysto sida la sheegayo hadday budhcad-badeed yihiin iyo hadday biyaha Somaliland ku soo xad gudbeen wuxuu ka dhacay soonaha Sanaag. Sidoo kalena Saaxil xuduud lama laha Puntlad ee waxa la leh gobolka Sanaag, xaqna waxa u leh  xa-dhuleed ahaan iyo awood ahaanba qaadista dacwaddan maxkamadda gobolka Sanaag ee haddan gacanta ku hayso”.

Ugu dambayntii, wuxuu baaq u jeediyay Xukuumadda. “..Waxaan leeyahay Xukuumadda iyo Garsoorku waa kala madax bannaan yihiine Guddoomiyaha maxkamadda sare ha ka fiirsado go’aankiisa si aanay wax ugu dhimin nidaamka sharci ee garsoorka, dastuurka iyo shuruucdana aan ku dhaqanno”.

 

Shan Wasiir iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb-galay xil-wareejinta Wasiiru-dawlaha arrimaha Dibedda

Hargeysa, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- Wasiiru-dawle dhawaan loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilka loo magacaabay.

Munaasibaddii xil-wareejinta oo ka dhacday shalay Xafiiska Wasiirka khaarajiga, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiirada, Arrimaha gudaha, dib-u-dejinta, Caafimaadka, Arrimaha dibedda, Wasiir-xigeenka Warfaafinta, Shaqaalaha Wasaaradda khaarajiga iyo marti-sharaf kale, ayaa ugu horrayn waxa ka hadlay Wasiirka arrimaha dibedda Cabdilaahi Maxamed Ducaale. “Waxa weeye wakhti adag ayaa lagu jiraa waliba wakhti aynu sugayno doorashooyin. Waxa lagama maarmaan ah qaran ahaan madax iyo mijaba in tallo wadareed lagu shaqeeyo, waxaan leeyahay axsaabta waa inaad iska ilaalisaan wixii dacar dadka ku reebaya dhawr jeer ayaynu siganay oo dhib badan oo aan loo baahnayni inagu dhacday. Waynu og-nahay oo doorashooyinkii dib ayay inooga dhaceen nasiib darro wax loogu tallo galayna may ahayn” ayuu yidhi Ducaale. Waxaanu WWasiiru-dawlaha cusub ku wargeliyay in ay diyaar u yihiin soo-dhawayntiisa iyo in ay la shaqeeyaan, isla markaana wuxuu ku baaqay in Doorashadu si cadaalad ah u qabsoonto.

Wasiirul dawlaha cusub Md. C/Raxmaan Cismaan Aadan, oo isaguna xafladii xil wareejinta ka hadlay ayaa madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada khaarajiga uga mahad celiyay sida ay ugu soo dhaweeyeen Wasaarada waxaanu balan qaaday inaanu wixii awoodiisa ah waxba ka hagran doonin oo uu la shaqeyn doono Wasaarada.

Sidoo kale, waxa iyana halkaa ka hadlay Wasiirada, Arrimaha gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), dib-u-dejinta Maxamed Cismaan Yuusuf, Caafimaadka Cabdi Haybe Maxamed, iyo Wasiir-xigeenka Warfaafinta Cali Cilmi, kuwaas oo dhammaantood Wasiiru-dawlaha cusub ku hambalyeeyay xilka loo magacaabay, isla markaana ballan-qaaday inay dhinacooda kala shaqayn doonaan.


Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking