Showing posts with label ciyaaro. Show all posts
Showing posts with label ciyaaro. Show all posts

Monday, July 12, 2010

Spain oo isku darsatay Horyaalka Adduunka iyo Horyaalka Yurub + Sawiro

Hargeysa, (Nnn)- Ciyaartii Faynalka Koobaka adduunka oo ay foodda is-dareen xulalka Spain iyo Holland oo wakhti dhow soo gebo-gebawday ayaa guushu ku raacday 1 iyo 0 ay koobka ku hanteen xulka Spain.
Goolka guusha ee Spain u horseeday inay koobka Qaaddo ayaa waxa u dhaliyay xiddigga dhexda hore uga ciyaara xulka Spain iyo kooxda Barcelona ee Andres Ineasta isaga oo koolka keenay intii lagu gudo jiray 30 daqiiqo oo dheeraad ah oo ciyaarta lagu daray ka dib markii la ismari waayay.
Xulka Dalka Spain ayay noqonaysaa markii u horaysay ee taariikhda dunada ay ku guulaystaan koobka kubada cagata taas oo ahydna markii ugu horaysay ee ay u soo baxaan ciyaarta kama danbaysta ah ee koobka kubada cagta dunida.
Ciyaartan caawa ayaa hayd mid ay 90 daqiiqo ee loogy talagalay ay ismariwaayeen labada dala balse 30daqiiqo ee lagu daray ayay spain ka faaidaysatay iyada oo kaadhka casba loo taagay laacibka hitinga ee reer Holand taas oo keentay ayaa la odhankraa wa ta horseeday in spian ay caawa hantido koobka dunida ee sanadka 2010.
Xulka dalka Holand ayaa isagu qaybtii hore ee ciyaarta la yimi furasado qaaliya oo uu dayacay taasian waxa la odhankaraa waa ta baday in caawa ay khasaaraan .
Dhinaca kale oo la bixiyay billadihii la siinayay ciyaartoyga iyada oo xiddiggii ugu wanaagsanaa ee intii uu koobku socday lagu cumaamaday xiddiga xulka qaranka Uruguay ee Diego Forlan oo la siiyo Kubadda Dahabka ah halka Kabaha dahabka ahna la siiyo xiddigga qaranka Jarmalka ee Muller oo qaatay Kabaha dahabka ah.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, June 18, 2010

Jarmalka oo dhulka la dhigay, Maraykanka iyo Slovenia oo isku barbar dhacay iyo Ingiriiska iyo Aljeeriya oo isku ag kufay

Hargeysa, (Nnn)- Kulamadii maanta ee tartanka koobka adduunka ayaa ku dhammaaday natiijo aan la filay ka dib markii Xulka Jarmalka oo awood gaar ah is bidayay afka ciida loo daray galabta kulankiisii labaad ee cayaaraha adduunka.
Xulka dalka Serbia ayaa 1-0 ku dhulka ugu tuuray xulka Jarmalka cayaar ka tirsaneyd wejiga labaad ee guruubka D taas oo xiiso cusub u yeeshay Koobka adduunka.
Laacibjka M jovanovic ayaa ahaa geesigii garoonka kadib markii uu dhaliyay goolka guusha ee Serbia daqiiqadii 38-aad ee qeybta hore ee cayaarta.
Jarmalka ayaa ku cayaarayay inta badan cayaarta 10 cayaaryahan kadib markii laga saray cayaarta weeraryahankooda Klose ee lambarka 11aad qaata oo ah gool dhaliyaha Jarmalka daqiiqadii 33-aad ee qeybta hore taas oo aan waxba ka horayn markii goolku dhashay.
Jarmalka ayaa waxaa goolal badan ka qasaariyay xiddigooda weerarka ka cayaara ee Podolisk oo lambarka 10aad qaata isagoo xataa ka qasaariyay kubbad rigoodhe aheyd oo loo dhigay daqiiqadii 60-aad ee qeybta labaad ee cayaarta.
Guud ahaan cayaarta ayaa kusoo gebo-gebawday 1-0 oo guusha kula hoyatay Serbia.
Natiijadaan ayaa soo shaki ku abuuraysa wararka sheegaayay in Jarmalku tahay xulka ugu awoodda badan koobka sanadkan isla markaana aanay jirin cid iska dhicin karta.
Jarmalka iyo Seerbiya oo min laba kulan cayaaray ayaa wada leh 3 dhibic halka Ghana oo hal kulan cayaartay ay leedahay 3 dhibic iyadoo berri la cayaari doonta xulka Australia oo an wax dhibco ah aan laheyn.
Dhanka kale Cayaar ka tirsaneyd guruubka C ayaa kusoo idlaatay barbardhac kadib markii ay ismari waayeen wadamada Maraykanka iyo Slovenia.
Labada xul ayaa kala helay min 2 gool labada qeyb ee cayaarta iyadoo Slovenia ay qeybta hore ee cayaarta ku hogaamineesay 2-0.
V.Birsa iyo Z.Ljubikanjic ayaa u kala dhaliyeen labada gool xulka Slovenia qeybta koowaad ee cayaarta.
Hase yeeshee cayaaryahanada Mareykanka ayaa muujiyay dadaal badan qeybta labaad ee cayaarta iyagoo awood u yeeshay inay iska soo gudaan labada gool ee lagu lahaaa.
London donavan ayaa gool u dhaliyay 3 daqiiqo kadib billaabashada qeybta labaad ee cayaarta, hase yeeshee goolkeeda barbardhaca ah ayay heleen Maraykanku 8 daqiiqo ka hor dhammaadka cayaarta waxaana neefta kusoo celiyay taageerayaasha Maraykanak M.Bradley oo ahaa dhaliyaha goolkaas.
Slovenia oo cayaartay 2 kulan ayaa guruubkaan C ku hogaamineysa 4 dhibic, halka Maraykanku oo cayaaray 2 kulan ay leeyihiin 2 dhibic.
Waxa kale oo caawa dhacday Cayaar ka tirsanayd Group C oo ay isku haleeleen xulalka Ingiriiska iyo Aljeeriya taas oo natiijadeedu noqotay inay ku dhammaatay barbar dhac 0-0 ah. Labadan xul oo kulankani u ahaa cayaartii labaad ee ay dheelaan, Ingiriisku waxa uu leeyahay 2 dhibcood iyada oo ay hore barbarro u galeen Maraykanka, halka Aljeeriya oo hore uu uga soo badiyay xulka hoggaaminaya Group-kan ee Slovenia ay ka leeyihiin Hal dhibic oo kaliya. 

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, June 11, 2010

Muuqaalka furitaanka munaasibadda koobka adduunka iyo Mandela oo aan ka qayb-galin

Hargeysa, (NNN)- Koobkii 19aad ee ciyaaraha tartanka qaramada adduunka ayaa lagu furay munaasibad aad u soo jiidatay dhammaan dadkii ka qayb-galay iyo kuwii ka daawanayay shaashadaha taas oo lagu qabtay garoonka Soccer City ee ku yaala magaalada Johannesburg halkaas oo lagu qaban doono ciyaarta faynalka labada xul ee ugu dambaynta isugu soo hadha.
Shakhsiyaadka muhiimka ah ee la filayay inay ka qayb-galaan munaasibadda furitaankan waxa ka mid ah Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, Madaxweynaha dalka Mexico Felipe Calderon, Amiir Albert ee Monaco iyo madaxweyne-xigeenka Maraykanka Joe Biden halka madaxweyne Jacob Zuma iyo wadaad-diimeedka Desmon Tutu ay ka mid ahaayeen shakhsiyaadkii goobta joogay.
Si kasta oo ay tahay, waxa jiray shakhsi si weyn loo tabay ka maqnaanshaha munaasibadda kaas oo ah madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Aabihii waddanka horumarkan gaadhay Nelson Mandela oo maqnaanshihiisa lagu sababeeyay geerida gabadh uu awow u yahay, Zenani, oo shil baabuur ku dhimatay.
Zenami oo 13 jir ahayd ayaa dhimatay wakhti ay ku sii jeedday gurigooda iyada oo ka tagtay munaasibaddii xalay lagu qabtay Soweto ee daahfurka bilowga tartankan oo ah markii ugu horaysay ee Afrika lagu qabto.

Mr. Mandela oo 91-jir ah ayaa laga filay inuu qayb ka qaato munaasibadaha maalinta ay furmayaan ciyaaruhu, in kasta oo haddana qoyskiisu ku sababeeyeen maqnaanshihiisa geerida ku timid awgeed.
Laakiin maqnaanshihiisu kamuu horjoogsan 1,581 qof oo ciyaaro ku soo bandhigayay munaasibadda kuwaas oo haddana kala-badhkoodu ka niyad jabay maqnaanshiyaha Mandela iyaga oo xilli dambe yimid goobta munaasibadda lagu qabanayay ee garoonka Soccer oo qaadi kara 85,000 oo qof.
Ka dib markii qaar ka mid ah diyaaradaha cirka ee Koonfur Afrika, waxa garoonka gudihiisa lagu soo bandhigay muuqaalka qaaradda Afrika iyo heesta ‘Ku soo dhawaada Afrika’
Fannaaniin iyo farshaxanno ayaa hiddaha iyo dhaqanka qaaradda Afrika ku soo bandhigay garoonka dhexdiisa kuwaas oo ka kala socday dalalka Afrika ee ka qayb-galaya tartanka oo kala ah Cameroon, Ghana, Ivory Coast, iyo Nigeria.
Kor iyo Hoos: Muuqaallada Xafladda Furitaanka
Waxa kale oo goobta ka heesay fannaanka Maraykanka ah ee dhawrka jeer ku guulaystay abaal-marinnada caalamiga ah R. Kelly iyo sidoo kale fannaaniin ka socotay waddanka Koonfur Afrika.


Ugu dambayntii, waxa munaasibadda lagu soo gebo-gabeeyay bandhigga calamada 176 waddanka ee xubnaha ka ah ururkan ee ku guul-darraystay inay u soo baxaan, waxaana ku wareegsanaa calamada dalalka u soo baxay oo ay kor u hayeen carruur ku dhawaaqaysay magacayada 32ka dal ee ku loolamaya, dabadeedna inta ay isku yimaaddeen ayay sameeyeen muuqaalka astaanta tartanka ee sannadkan.
Ciyaaraha ayaa waxa lagu furayaa xulalka Koonfur Afrika iyo Mexico kuwaas oo hadda ciyaartoodu socoto.............. la soco natiijada

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, May 18, 2010

Kulan Ay Ku Kulmeen 16 Kooxood Oo Kubada Carta Ah Oo Lagu Xusaayey 18 May Oo Ka Dhacay Magaalada Oslo ee Norway

Kulan lagu xusaayey 18 May oo ay iska hor yimaadee kooxo kubada cagta kuwaas oo ka kala yimid magaalooyinka Norway ayaa maanta ka dhacay magaalada Oslo.
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen dhaliyaro uu hormood ka ahaa Xasan Waraaba cade, Sacad, Cabdi raxman Lisaaye oo ahaa Sidhiwalaha Cayaarahani.
Waxaa lacagta la helo loogu deeqaayey sidii rooga loogu dhigi lahaa garoonka kobada cagta ee magaalada Hargaysa .
Cayaarta ayaa kooxihii ka soo qayb galay finale kii waxaa isugu soo baxay laba kooxood oo muujiyey cayaar wanaagsan labadaa kooxood oo kala ahaa (Faynoos iyo Dahabshiil) Akhirkiina waxaa ku guulsayaty kooxada Dahabshiil laguna gudoonsiyey koobka 18 May ee sanadkan.
Goobtan oo uu goobjoog ka ahaa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Norway Mudane Maxamed M.Adan,Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee Norway Xuseen Aadan Cadib ,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid eed dalka Norway Eng Cabdi Xakiim Ismaaciil, Gudoomiye kuxigeenka xisbiga Udub ee dalka Norway Cabdi Raxmaan Axmed (Maraaci)Madax ka socota xawaalada Caalamiga ah ee QaranExpress iyo dadwayne aad u tiro badan , gababadii cayaarta waxaa safiirka Norway u fadhiya Somaliland uu goobtaas ku gudoonsiiyey koob loogu talo galay kooxada ku guulaysata taasoo oo uu gudoonsiiyey kooxda Dahabshiil koobkii sanadkan.

Cabdi wahaab Maxamed
Oslo

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking