COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, January 24, 2014

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Iclaamiyey Xilliga la bilaabayo bixinta Kaadhadhka Muwaadiniinta

Hargeysa (Nasiib)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa  muddeeyay xilliga ay bixinayaan kana bilaabayaan dalka oo dhan  kaadhka dhalashada muwaadiniinta, isaga oo dhinaca kalena xusay cidda xaqa u leh qaadashada jinsiyadda muwaadinnimada.
Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay kulan uu shalay la yeeshay Maayarrada magaalooyinka iyo Guddoomiyeyaasha gobollada dalka, kaas oo uu ku soo bandhigay Xeer-nidaame qeexaya qaadashada kaadhka aqoonsiga muwaadiniinta.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Ciidamada Itoobiya oo Si Rasmi ah uga Mid noqday Hawl-gallada AMISOM ee Somaliya

Addis Ababa (Nasiib)- Milatariga Dawladda Itoobiya, ayaa si rasmi ah ugu biiray Hawl-gallada ay Ciidamada AMISOM ka wadaag Gudaha dalkaasi Soomaaliya.
War kasoo baxay shalay wasaaradda Gaashaandhiga Ethiopia, ayaa lagu sheegay in ay ciidamada Ethiopia si rasmi ah ugu biireen howlgalka ciidamada AMISOM ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Magacyada iyo deegaamada ay ka Soo jeedaan Xubno Somaliland u Dhashay oo lagu daray Xukuumadda Cusub ee Somaliya

Muqdisho (Nasiib)- Raysalwasaaraha dhawaan la magacaabay ee Somaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa habeen hore saqdii dhexe ku dhawaaqay golihiisa Xukuumadda oo ka kooban Wasiirro, Wasiir-dawlayaal iyo Wasiir-ku-xigeenno.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Madaxweynaha oo Guddi Wasiirro ah u magacaabay Ka-hortagga Dhaqan-xumada

Hargeysa (Nasiib)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu shalay soo saaray guddi heer wasiir ah ugu magacaabay ka-hortagga Anshax-xumada oo uu sheega inay laf-jab iyo ku tahay qaranimada.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wasiirka Caafimaadka oo socdaal u-kuurgelis ah ku jooga Gobolka Selel

Boorama (Nasiib)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maalmahan kormeer shaqo ku marayey gobollada Galbeed ee dalka, ayaa gaadhay deegaamo hoos yimaadda magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Bulshada Awdal oo muujisey Xiisaha ay u Qabaan Marti-gelinta Ciyaaraha Gobollada ee Sannadkan

Boorama (Nasiib)-Fursadda Marti-gelinta Ciyaaraha Gobollada Somaliland ee 2014, ayaa waxa tahay mid ay si wayn u doonayaan dadka ku nool goboka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama ee xarunta gobolkaas.
Damaca ku aaddan arrintan ayaa waxa markan isku raacay, goob-fagaare ahna ka shaaciyay madaxda gobolka Awdal, kuwa degmada Boorma, Masuuliyiinta Wasaarda Ciyaaraha ee Gobolka, iyo madaxda dhaqanka, waxaana arintan ku taageeray dad badan oo ku dhaqan gobolka oo gabi ahaantoodba ah daneeyayaasha ciyaaraha.

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking