COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, July 21, 2010

Shirguddoonka Wakiillada oo kala-badh Mudaneyaasha golaha baafinaya

Hargeysa,(Nnn)- Shirguddoonka golaha Wakiilada Somaliland, ayaa baafinaya kala-badh Mudaneyaasha golahooda.
Sida lagu sheegay qoraal u-yeedhis ah oo Shirgudoonku shalay soosaaray, waxa la baafinayaa 39 Mudane oo laba xubnood uun ka dhiman yihiin kala badh 82 xubnood ee goluhu ka kooban yahay. Qoraalkan yeedhmada ah ee shalay, waxa uu ka dambeeyay qoraal hore oo doraad Shirguddoonku ku baafiyay 38 Mudane, waxayna sheegeen in dhamaan xubnaha kala dambeeyay ee loo yeedhay ay sabab la’aan fadhiyada golaha waqtiga xilhayntoodu dhamaadka ku dhaw yahay uga baaqsadeen.
Qoraalka Shirguddoonka iyo magacyada ay soosaareen Mudaneyaasha la baafinayaa, waxa uu u dhignaa sidan; “Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu ku wargelinaya Xildhibaanada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin oo ka maqnaaday fadhiyadii golaha sabab la’aan, inaanay ka maqnaanin fadhiyada golaha oo uu ugu horeeyo fadhiga maanta ee golahaas.
Xildhibaanaddaasina waxay kala yihiin sidan:
1. Aadan Xaaji Diiriye Dirir
2. Axmed Cabdi Siciid
3. Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe)
4. Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne).
5. Axmed Maxamed Cali (Beegsi)
6. Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne)
7. Axmed Xasan Aadan Muuse (Weysa cade).
8. Axmed Maxamed Nuur
9. Cabdi Maxamuud Jaamac
10. Cabdicasiis Ismaacil Ducaale
11. Cabdiqaadir Askar Xasan
12. Cabdiqaadir Xaji Ismciil Jirde
13. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
14. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.
15. Maxamed Cismaan Maxa’ed (bulqaas)
16. Farxaan Maxamed Cali
17. Xaashi Xuseen Caabi
18. Xariir Siciid Bulaale
19. Xamse Maxamed Gaade-Weyne
20. Ibraahim Jaamac Cali
21. Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaadheere)
22. Ibraahim Caraale Cabdi
23. Ikraan X. Daa’uud Warsame
24. Khadar Aadan Xasan (Ambasador)
25. Mahdi Cabdillaahi Maxamuud
26. Mahdi Xaji Xasan Sugaal
27. Maxamed Yaasiin Sh. Cali
28. Maxamed Barkhad Miigane (Xamal)
29. Maxamuud Dhunkaal Guutaale
30. Maxamed Cali Jibriil
31. Maxamed Cali Xirsi
32. Maxamed Faarax Qabile
33. Maxamed Jaamac Cali
34. Maxamed Jaamac Cabdi
35. Maxamed Xaji Maxamuud Cumar Xaashi
36. Muuse Maxamed Ismaaciil (Hoos u jeed)
37. Naasir Xaaji Cali Shire
38. Saleebaan Yuusuf Cali Koore
39. Siciid Maxamed Cilmi.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Maxaa sababay saxeexa Dr. Idiris ee heshiiskii uu hore ugu diiday Baanka Adduunka?

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Weftiga
Hargeysa, (Nnn)- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo wax ka yar toddobaad ay xukuumadiisu xilka ku wareejinayso, ayaa shalay xilligan kala-guurka ah heshiis la saxeexday Baanka Adduunka, kaasoo muhiimadiisa uu ku sheegay dhismaha Kawaan Hilibka xoolaha ah oo laga hirgelinayo dhawaan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer iyo Mashaariic kale.
Wasiirka oo ay weheliyeen Wasiiru-dawlaha Wasaaraddaasi Inj. Aadan Daahir Maxamed (Aadan Dheere), Agaasimaha Guud Dr. Maxamuud Cali Giire iyo Madaxda Hay’adda FOA oo la soo mariyo mashaariicda Baanka Adduunka, ayaa xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha shalay shir albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay wefti ka socday baanka adduunka. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo shirkaa ka dib Saxaafada uga waramay waxyaabihii kulankaasi ku saabsanaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay, "Qoladani waxay ahaayeen koox ka socotay Baanka Adduunka oo mashaariic badan oo laga fuliyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Maalgeliyay. Markii isbedelkan cusubi Somaliland ku yimid ayay u yimaadeen inaanu xogihii u dambeeyay kala qaadano. Waxaana Weftigan Hoggaaminayay ninka haysta Mashaariicda Baanka Adduunka. Mashruuca kawaanka weyn ee Hilibka ee Magaalada Boorame, ayaa ka mid ahaa mashaariicda ay maalgeliyeen, waxa kale oo ku jiray mashaariic cawska xoolaha la xidhiidhay iyo biyo-qabatino la sameeyay, waxaana baraago laga sameeyay dalka ilaa labaataneeyo meelood arrimahaasi ayay daba socdaan immika."
Wasiirka Xanaanada Xooluhu waxa uu sheegay in Weftigan Baanka Adduunka ka socota ay shalay la saxeexdeen heshiis la xidhiidha sidii ay Kawaanka Hilibka Burco u dhisi lahaayeen, isaga oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, "Waxay immika ogolaadeen inay dhisaan oo aanu kala saxeexanay dhismaha kawaanka hilibka ee Burco…inay ku sameeyaan ilaa Bisha September ee sanadkan. Kawaankaa Burco ee ay dhisayaan wuxuu la mid noqonayaa ka Magaalada Boorame, waxaana aanu weydiisanay inay lixda gobol ee waawayn-ba ka dhisaan kawaano waawayn. Markaa Kawaanka Burco waxa ku baxaysa in illaa laba milyan oo Dollar ah." "Waxa kale oo ay balanqaadeen inay sii wadaan biyo-qabatinnada ay dalka ka samaynayaan. Waxa kale oo ka mid ah mashaariicda ay Wasaarada la fulin doonaan, iyaga oo soo marinaya Hay’adda FAO, tusaale ahaan in shantii reer ee meel degan-ba laga dhaxaysiinayo Beer Caws ah," ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Xukuumada xilka lagala wareegayo. "Kawaanka Hilibka Boorame wuxuu awood u leeyahay inuu dhoofiyo Hilibka haddii uu furmo madaarka Boorame, markaa Weftigan ujeedadiisu sidaasi ayay ahayd…waxa kale oo aanu ka sii wadahadalay qiimaynta mashaariicdii hore ee aanu wada-qabanay, Mashaariicda dambena waxaanu ku wareejin doonaa dawlada cusub." Ayuu yidhi Mr. Idiris Ibraahim Cabdi.
Wasiirka oo la weydiiyay sida uu sharci u noqonayo heshiiskan cusub ee uu la galay Baanka Adduunka xiligan kala-guurka ah ee xukuumadiisiina xilka wareejinayso, waxaanu ku jawaabay, "Heshiiskani mid wayn maaha ee waa mashaariic horumarineed, dawlada cusub ayaa la wareegi doonta, balse waanu u sii saxeexaynaa ilayn hawshii anagaa sii wadnee." Mar la waydiiyay hadii xukuumadiisu xilka wareejiso halka uu ku dambaynayo iyo inuu dibadda tegayo, waxa uu sheegay inaanu meel kale tegayn ee uu dalka joogayo.
Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in heshiiska xilligan labada dhinac kala saxeexdeen uu ahaa mashruuc ku-talogalkiisu waqti hore fuli lahaa, balse dano leexsan ay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo kaashanaysay Madaxtooyadu dib ugu riixeen waqti kale. Sidaa daraadeedna, xilligan ay weftiga ka socda Baanka Adduunku ugu yimaadeen sidii aanu mashruucaasi meesha uga baxeen oo waqtigiisu u dhaceen. Sidoo kalena, heshiiskan uu shalay saxeexay Dr. Idiris, ayaa ka mid ahaa Mashaariic waxtar u ahaa dalka oo uu hore u diiday, balse waxay su’aashu tahay, sababta ku khasabtay inuu heshiiskaa saxeexo shalay iyada oo uu xukuumada uu ka tirsan yahay ee xilka wareejinaysa uu waqtigeedii ka hadhsan yahay lix maalmood oo keliya. Qaar ka mid ah dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, ayaa hore ugu eedeeyay Wasiirka Wasaaraddaas Mr. Idiris inuu dano gaar ah ka lahaa diidmadii heshiiska uu shalay qalinka ku duugay.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Tuesday, July 20, 2010

War-bixin Xiiso leh: Faahfaahin Ku Saabsan Awoodii Ciidan Ee Qaybtii 26-tanaad Oo ka tirsanayd Ciidankii Somalia Ee Loo Adeegsaday Xasuuqii Somaliland.

Taariikhdu waxbay Hagtaa dadkuna wuu haybiyaa….Waa lagama maarmaan in dhalinyarada iyo Jiilka soo kacaya lagu baraarujiyo oo la baro wax yaalihii keenay Halaagii, Xasuuqii iyo burburkii Somaliland iyo Somalia ka dhacay.Ciidankii Somalia ee la aasaasay markii Somalia Xornimada qaadatay, waxa ujeedadiiso ahayd in uu Difaaco dalka iyo dadkiisa, laakiin nasiibdaro waxa loo adeegsaday oo lagu xasuuqay dadkii uu difaaci lahaa.
Baadhitaan dheer iyo raad raac taariikheed oo aan sameeyey ayaan ku ogaaday qaab dhismeedkii iyo qaabkii loo istimaali jiray awoodii ciidan ee Qaybtii 26-tanaad.

Qaybtii 26-tanaad waxay ahayd ta ugu balaadhan uguna awooda badan Ciidankii Somalia. 1960 ilaa 1990 oo ah muddo 30 sano, Taliskii sare ee Qaybta 26-tanaad waxa iska kala bededdelay Saraakiishan hoos ku qoran.
1-General Jaamac Aw Muse Samater (Majeerteen)
2-General Mohamed Ali Mire................(Majeerteen)
3-General Muse Xasan Abdulle............(Ogaadeen )
4-General Cismaan Saalax C/karim....(Majeerteen)
5-General Yuusuf Ahmed Salxaan........(Gabooye ka soo jeeda degaanka majeerteeniya)
6-General Siciid Farax gooje................(Mareexaan)
7-General Mohamed Xaashi Gaani.....(Mareexaan)
8-General Mohamed Siciid Morgan.....(Majeerteen)
9-General Ahmed Warsame Mohamoud...(Mareexaan)
10-General Mohamed Hussein Daa'uud (Awrtable)
11-General Cismaan Sheikh Cali Badmaceeye (Hawiye..Abgaal)

Marka loo kuurgalo lana qiimeeyo haybta saraakiisha iska beddeshay Taliskii Qaybtii 26-tanaad ilaa sanadkii 1960-kii, waxa si cad u soo baxay in Quwaddii ciidan ee Qaybta 26-tanaad lagu jaheeyey Cabudhinta iyo xasuuqa Qoomiyada Reer Somaliland. Taliska Qaybta ayaa ahaa mid u xidhan *monopoly* Saraakiil Beel kaliya ka soo wada jeeda, taasina waata keentay kacdoonkii ay Reer Somaliland ku diideen Maamuladii koonfurta Somalia.

Sidee ayuu ahaa qaab dhismeedkii Qaybtii 26-tanaad?
Hargeysa waxa ahaa xarunta taliska dhexe, saadka, keydka hubka & Rasaasta Cadaadley,hawlgalinta,Gaadiidka,Ururka Koofiyadcasta iyo Hangashta, Maxkamada Ciidanka iyo Xarunta Caafimaadka ee Ciidanka. waxa jiray seddex gaas oo kala ahaa:
1. Gaaska1-aad fadhigiisu ahaa Boorame.
2. Gaaska 2-aad fadhigiisu ahaa Hargeysa.
3. Gaaska 3-aad fadhigiisu ahaa Burco.

Fiiro gaar ah: Dagaalkii ku dhex-maray Ciidamadii Xaq-u-dirirka SNM iyo Kuwii Siyaad Bare u dagaalamaay Magaalada Burco 27-kii May 1988, ka dib Gaaskii 3-aad waa la balaadhiyey, waxaana laga dhigay Qaybta 27-tanaad, waxaana taliyey looga dhigay Cabdicasiis Ali Bare.

Waxa kale oo taliska Qaybta 26-tanaad si gaar ah u hoos imin jiray....
1-Guutada 4-aad ee Madaafiicda Hargeysa.
2-Guutada Gantaalaha Hargeysa.
3-Taliska Ciidanka Cirka Hargeysa.
4-Guutada Taangiyada ee Benderwanaag.
5-Saldhiga Berbera ee Cirka-Dhulka & Badda.
6- Wershedda kabida Hubka ee Hargeysa.
7-Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Mandheera.
8-Dugsiga Tababarka ee Dararweyne oo lagu tababari jiray dadka Qaxoontiga ah oo qaab qabiil loo soo xulay.
9-Dhamaan Askarta ilaalisa baraha kontoroolada oo u badnaa koofiyad cas iyo Hangash.

Waxa iyana jirtay Guutada 24-tanaad oo fadhigeedu ahaa Hargeysa, Guutadaasi wey ka madaxbanaanayd Gaaska 2-aad, waxayna toos u hoos tegi jirtay Taliska dhexe ee Qaybta 26-tanaad. Guutadaa 24-tanaad oo shaqadeedu ahayd Xasuuqa iyo dhaca hantida shacabka waxa ku mataanaysnaa Ururka Beebeeyada oo Xeradiisu ku taalay Rugta Xaraf.

Seddexda Gaas waxa kale oo hoos iman jiray guutooyinka kala ah:
1. Guutada Beer.
2. Guutada Oodweyne.
3. Guutada Goryacawl.
4. Guutada Lug-haya.

Ururada iyo guutooyinka kaydka ah iyaga tiro lagumo koobi karo, waxa kale oo qaybta 26-tanaad si dadban u hoos tegi jiray taliskii Hangash-ta oo xaruntiisu ahayd Hargeysa, balse xafiisyo ku lahaa degmooyin badan, markii dagaalkii SNM bilaabmay waxa ku dhacay Quwadii 26-tanaad jaahwareer iyo burbur baahsan, waxay u babac dhigi kari waayeen Weeraradii Jabhadii SNM ee Xaq-u-dirirka ahayd. Jabhada oo si niyad iyo mintidnimo ah u dagaalamaysay ayaa muddo laba sano ka yar ku curyaamisay Qaybtii 26-tanaad iyo waliba Gurmadkii joogtada ahaa ee ay ka helaysay Taliskii Xarunta Ciidanka ee Xamar.

Guud ahaan Ciidankii Somali National Army gaar ahaan Qaybtii 26-tanaad, waxay Degaanada Somaliland ka gaysteen Xadhig, Jiidh dil, Dhac, kufsi iyo Xasuuq bahaasan oo ay ku naf waaeeyeen dad ka badan 100,000 oo qof, *Missing People*Dadka aan raq iyo ruux midna aan la haynin meesha ay ku danbeeyeen waxa lagu qiyaasaa 15,000 oo Qof. Qaxoontiga iyo dadka la barakiciyey waxa ay gaadhayaan 1 million, kuwaas oo wali daadsan Dunida dacaladeeda. Hantida la dhacay iyo ta la burburiyey waxa iyana ay gaadhaysaa in ka badan 100 billion US dollar. Gacan-ku-dhiiglayaashii Danbiyada laxaad ka leh gaystay wax Hormood ka ah Mohamed Ali Samater iyo Mohamed Siciid Morgan oo wali aan Maxkamad Sharciya la soo taagin.

Waxa Soo Diyaariyey: Osman Abdillahi Sool,
Freelance Journalist. 
sooldhuub@hotmail.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Monday, July 19, 2010

Rayslawasaaraha Itoobiya oo ku baaqay in la cidhib-tiro kooxda Alshabaab

Addis Ababa, (Nnn)- Ray’sal Wasaaraha Meles Zenawi, ayaa shaaca ka qaaday inay waajib tahay in guud ahaanba la masaxo kooxda Al-shabaab ee ka dagaallama koonfurta dalka colaaduhu ragaadiyeen ee Soomaaliya.
“Ma jirto wax rejo ah oo haba-yaraatee laga qabo in wadahadal lala galo kooxda Al-shabaab. Ma jiro jid kale, laakiin waa in guud ahaanba laga shaqeeyo in la masaxo.” Ayaa ka mid ahaa hadalkiisa. Waxaanu intaasi raaciyey Ray’asal wasaaruhu, “Dadkani (Al-Shabaab) waa cadawga bina-aadamka, kuwaasoo diyaar u ah inay xasuuqaan dad aan waxba galabsan iyaga oo aan cidnaba tixgelin.”
Dalka Uganda ayaa sheegay khamiisii la soo dhaafay inay diyaar u yihiin sidii ay Ciidamo dheeraad ah ugu diri lahaayeen magaalada Muqdisho, taasoo ka dambaysay markii Gobolku go’aan ku gaadhay in halkaas loo diro 2000 oo Askari , kuwaasoo looga baahan yahay sidii ay Ciidamada Midawga Afrika u guda-gali lahaayeen halw-galladooda marka ay tiradoodu gaadho 8100.
Inkasta oo Ray’sal wasaare Meles Zenawi uu u sheegay wakaaladda wararka AFP horraantii bishan inaanu doonayn Ciidamo Millatari ah oo uu dib u geeyo Soomaaliya, haddana dhawaaqiisaa hore ayay ku jirtay inaanu wax shaki ahi ka gali doonin sidii uu uga jawaabi lahaa haddiiba ay kooxda Al-Shabaab ku wada guulaysato awoodda Soomaaliya. Hadalka Ray’sal wasaaraha ayaa ka dambeeyey weerarro qaraxyo ah oo Axaddii toddobaadkii hore lala beegsaday Makhaayado ku yaalla badhtamaha magaalada Kampala ee xarunta Uganda, halkaasoo 74 ruux ku dhinteen, in 80 qof ka badanina ku dhaawacmeen, qaraxyadaasoo ay kooxda Al-shabaab masuuliyaddooda sheegatay.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Laascaanood: Madaxii Garsoorka Sool oo la dilay & aragtida Masuuliyiinta Gobolka

Laascaanood,(Nnn)- Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka gobolka Sool marxuum Saleebaan Jaamac Ciise, ayaa xalay lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Sida uu Wargeyska Ogaal u sheegay Taliyaha Booliska qaybta gobolka Sool Mr. Maxamed Saleebaan Gooni, marxuumka waxa toogasho ku dilay dablay aan la aqoonsan, xilli uu abaaro 7:30 fiidnimo ku sugnaa meel aan ka fogayn gurigiisa oo ku yaala badhtamaha magaalada Laascaanood. “Weli waxba lama sheegi karo oo aad waxba looma oga, laakiin waxaan idiin xaqiijin karaa inuu dhintay guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka gobolka Sool,” ayuu yidhi Taliyaha qaybta Booliska Sool.
Mar la waydiiyay waxa ay Boolis ahaan ilaa hadda ka ogyihiin cida dilkaas fulisay, waxa uu ku jawaabay, “Adeer, weli lama gaadhin, waana hawl socota.”
Waxa uu sheegay in aanay jirin cid ay weli u qabteen dilkaas lagu fuliyay guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka oo hayay dhawrka xil ee ugu sareeya Garsoorka gobolka Sool oo dilal qorshaysan oo dhawr ahi muddooyinkan ka dhacayeen. “Weli baadhitaankii baanu ku jiraa oo magaalada ayaanu maraynaa, magaaladuna way xidhan tahay oo wax gaadiid ahi kama baxayaan, wax kaantarool ahna lagama baxayo, magaalada dhexdeedana wax baabuur ahi kama baxayo oo amarka noocaas ah baanu bixinay,” ayuu raaciyay.
Mr. Gooni waxa uu sheegay in Xeer-ilaaliyahaa geeriyooday lagu toogtay gurigiisa hortiisa, xilli uu doonayay inuu hoydo.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Sunday, July 18, 2010

KULMIYE oo ka hadlay wakhtiga M/weynaha cusub soo magacaabayo Xukuumaddiisa

Hargeysa,(Nnn)- Xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadlay War sheegaya in Madaxweynaha la doortay uu magacaabay laba Wasiir oo Xukuumaddiisa ka tirsan. Isla markaana wuxuu ka hadlay wakhtiga uu Madaxweynaha cusub soo magacaabayo Xukuumaddiisa.
Qoraal kooban oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Warbaahinta ee Xisbigaas Maxamed Cilmi Aadan, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Waxaa ku soo baxay Wargeysyada qaarkood Warar sheegaya inuu Madaxawaynaha la doortay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu magacaabay Wasiiro hordhac u ah xukuumadiisa Cusub. Haddaba, Xafiiska Madaxwaynahu wuxuu caddaynayaa inaanay jirin haba yaraatee Wasiiro si hordhaca loo magacaabay ilaa hadda. Madaxwaynaha la doortay wuxuu ku mashquulsan yahay sidii uu talooyin iyo afkaaro habboon uga uruursan lahaa aqoonyahanada kala gedisan ee qarankani leeyahay, si uu u soo dhiso dawlad kooban oo tayo leh inshaalaahu tacaalaa.
Madaxwaynaha la dooratay waxaa uu xukuumadiisa oo isku dhan uu soo magacaabi doonaa Hadii Alle yidhaa xiliga uu xilka si rasmiya ula wareego, Qarankana uu u dhaarto sida uu dhigayo dastuurka qaranku.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

“Codka ugu badan ee maanta KULMIYE ku fadhiyo gobolka Maroodi-jeex ayuu ka helay”

Madax-weyne-ku-xigeenka la doortay
Hargaysa,(Nnn)-Madaxweyne ku-xigeenka la doortay Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa u mahadnaqay dhamaan madaxdii iyo hawlwadeenadii gobolka Maroodi-jeex iyo Komishanka Doorashooyinka, kuna amaanay sidii ay uga qayb qaateen ololihii doorashada madaxtooyada ee dhawaan ka dhacday dalka.
Madaxweyne ku-xigeenka la doortay oo xalay ka hadlayey munaasibad ay soo qaban qaabiyeen hawla wadeenadii doorashada ee gobolka Maroodi-jeex iyo Garabka haweenka xisbiga KULMIYE wuxuu carabka ku adkeeyey inay fullin doonaan ballamihii ay qaadeen xilligi ololaha doorashada “Waxaan u mahadnaqayaa gobolka Maroodi-jeex oo ahaa gobolkii ugu dadka badnaa, runtiina ahaa ka isbadel-doonnimada ugu badnaa, codka ugu badan ee maanta KULMIYE ku fadhiyo hogaanka dalka gobolkan ayuu ka helay, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqaya ciddii ay hawshu ku dhacday. Somaliland-baa maanta guulaysatay, shacabkaa guulaystay sida wanaagsan ee uu doorashada uga qayb galay, sida quruxda badan ee uu nabada u ilaashaday” ayuu yidhi Md. Saylici waxaanu intaa raaciyey isagoo sheegay inay fulin doonaan ballamihii ay qaadeen xilligii oloha doorashada lagu guda jiray “Ballamihii aanu qaadnay waxaanu illaahay ka rajaynaynaa in dhamaantiin aad nagu garab taagnaataan himiladii aad lahaydeen ee ahayd inaanu ummadan isbadel dhab ah u samayno.insha waanu waananu fullin doonaa” sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka la doortay wuxuu u mahadnaqay Komishanka qaranka “Waxaan iyagana u mahadnaqayaa Komishanka Doorashooyinka qaranka oo sidii ay illaaha y ugu dhaartay ee daacadnimada ahayd inagu soo hogaamiyey, hawl adagna runtii soo maray, doorashadiina si fiicabn u daadihiyey go’aan adagna qaatay, waxa kale oo mahadle ciidamada qaranka ee habeen iyo maalin u soo jeeday nabadgelyada Somaliland iyo siday doorashadu u dhici lahayd.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Saturday, July 17, 2010

Cilmi Baadhid Ku Saabsan Cudurka Joonis-ka (Cagaarshawga)

Cilmi baadhid ku saabsan Cudurka Joonis-ka.....Beerka waxaa ku dhaca cuduro badan, waxaana ka mid ah cudurka la-yidhaado Joonis-ka ama (Cagaarshow-ga). Hebataytis-ku ama Joonisku waxa uu u kala baxaan dhawr nooc oo kala ah *Hebataytis A, B, C, D iyo E* .
Cagaarshow ma aha cudur ee waa calaamad ka mid ah calaamadaha lagu garto infection-ka beer-ka ama hebataytis-ka, waana marka indhaha, maqaarka, kaadida iyo saxarada qofku ay cagaar noqdaan.

Joonis-ka oo dhami waxa ay leeyihiin calaamada lagu garan karo kuwaas oo kala ah:indhaha iyo maqaarka oo midab Hurdiya yeesha, daal, calool xanuun, Cuntada oo kaa xidhanta iyo lalabo, shuban iyo matag.

Dadka qaarkiis waxaa laga yaabaa in aan lagu arkin calaamadahaas ilaa Xanuunku ama jirado ay meel xun gaadho. Tan kale, sida la i sugu gud-biyo Virus-ta cudurka Jooniska keentaa aad ayey u kal kala duwanyihiin taas ayaana u baahan in aad looga taxadiro.

HEBATAYTIS A iyo Sida uu u fido:
Waxaa la isugu gudbiyaa marka cuntada iyo biyaha ay fadareeyaan ama ku qasmaan saxaro ka timid qof qaba cudurka. Way yartahay in cudurka la- isugu gudbiyo dhicana dhiiga.

Yaa khatar ugu jira in Joonis uu ka dhaco
Dadka Socdaalka badan, dadka ku nool meesha uu Hebataytis A uu ku badan yahay, dadka saaxibo la ah dadka qaba cudurka, meelaha caruurta lagu xanaaneeeyo marka cudurka uu dilaaco iyo dadka kuwa irbadaha la isku muddo wadaaga.

Sidee looga hortegi karaa Jooniska
Talaal. Waxaa jira talaalka hebataytis A. Waxaa kale oo wanagsan in la-iska ilaaliyo biyaha fadaraysan iyo in la ilaaliyo nadaafada guud.

Dawada: Inta badan qofka wuu iska bogsada dhowr Todobaad ka dib.

HEBATAYTIS B (Hepatitis B):

Sida loo kala Qaado:
Virus-ka waxaa laga helaa dhecaanka qofka qaba hebataytiska sida candhuufta,
dhiigga, shahwada iwm. Viiruska waxaa la-isugu gudbiyaa marka dhecaanka qof sida Viruska ay gaadhaan dhecaanka qof aan qabin Cudurka. Hooyada waxay u gudbin kartaa Ilmaheeda xiliga dhalmadada, dadka waa weyna waxay isugu gudbiyaan marka ay sameeyaan isutag (sexual contact), ama ay Irbad wadaagaan. Hebataytis B la-isuguma gudbin karo dhinaca biyaha, cuntada ama wada kulan caadi ah sida meelaha shaqada, iskuulaadka ama dukaamada.. Dhiig laga qaada qofka ayaa sheegi kar in Hebataytis B uu qabo iyo in kale.

Ka hortagga Joonis-ka nooca Hebataytis B
Cudurku ka hortag ayuu leeyahay. Talaal ayuu leeyahay. Tan kale waa muhiim in
la-iska ilaaliyo wax allaale iyo wixii keeni kara Virus-ka. Waa in uu isku muddaa
qofkii la kulmay qof qabo cudurka hebataytis B waxa afka qalaad la yidhaahdo Immune Globuling muddo hal Week-ah ama ka yar. Waxa la-isku muddaa talaalka hebataytis B
Seddex Irbadood oo talaalka ah ee lagaga hortago hebataytis B. Talaalku waa amaan.waxa talaalku wax u tarayaa oo kaliya Qofkii aanu hore ugu dhicin Cudurku.

Dawada: waxaa lagu daaweeya Alpha Inferon or Lamivudine.

HEBATAYTIS C iyo Sida uu u fido:

Virus-ka waxaa la isugu gudbiyaa marka dhecaanka qof sida Virus-ka ay gaadhaan dhecaanka qof aan qabin fiiruska. Caadi ma aha in hooyada ay u gudbiso Ilmaheeda xiliga dhalmadada, ama dadka marka ay sameeynayaan isutag (sexual contact).

Dadka intiisa badan calaamado ma laha laakiin qaar ayaa waxay dareemi karaan daal, lalabo iyo indhaha iyo maqaarka oo cagaar noqda (jaundice). Waxaa lagu garan kara in qofka uu qabo cudurka iyada oo la-iska qaado dhiig. Inta badan dadka uu ku dhaco hebataytis C waxaa ku dhaca Cansar-ka beerka.

Dawada: waa iyada oo la qaato Interferon taas oo u baahan in dhakhtar loo taago Virus-ka qaar wali lama oga in ay keenaan hebataytiska waxaana lagu magacaabo ( non A....E) Hebataytis Ama Hebataytis X.


Waxa soo Diyaariyey soona Tarjumay.

Osman Abdillahi Sool
Freelance Journalist. 
sooldhuub@hotmail.com

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Hargeysa: Maayar Jiciir oo Qurbe-jooga Somaliland xog-waran ka siiyay wax-qabadkiisa

Hargeysa, (Nnn)- Maayarka Caasimada Hargeysa Inj. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa xaflad xog-waran ah oo uu u qabtay qaar ka mid ah Qurbe-jooga Somaliland ku soo bandhigay wax-qabadkiisii intii uu hayay jagada maayarnimada caasimada.
Xafladan oo ka dhacday Huteel Maansoor, waxa uu Maayarku faahfaahin ka bixiyay ujeedada munaasibaddaas uu u qabtay, isla markaana waxa uu mahadnaq u jeediyay xubnaha ka aqbalay martiqaadkiisa. “Caawa waxaan xog-waran kooban idinka siinayaa wixii aanu soo qabanay intii aanu xilka haynay, waayo, waxaad garan kartaan in wadankeenu dhaqaale ahaan hooseeyo. Markaa kolley wixii itaalkayaga ah, waxaanu qabanay waxa ka mid ah, inaan xero-dhiigtii magaalada ka dhex-saarnay, waayo waxa dhici gaadhay in la yidhaahdo ‘hilibka Hargeysa cunimayno’ oo nadaafadiisu waa mid aad u hoosaysa oo urta ka soo baxaysaa waa mid aad u xun. Markaas waanu rarnay oo meel magaalada ka baxsan ayaanu gaynay, immikana aad iyo aad ayay nadaafadeedu u saraysaa oo halkii islaamuhu subuxii ka kallahi jireen imika mid walba gaadhi ayaa u keenaya, taasina waa horumar ayaan odhan karaa.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Inj. Jiciir. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Waxa kaloo aanu xaafadaha Hargeysa ka samaynay Guddiyo, kuwaasoo aanu sanad walba dhammaadkiisa isla eegno waxay ka-xaafad ahaan doonayaan in sanadka dambe la qabto. Runtii Guddidaasina waa mid faa’iido keentay, sababta oo ah, immika Guddidu waa la socdaan xaafadooda cida cusub ee soo dagtay iyo cidda doonaysa inay guri ka kiraystaan, taasina waa qayb ilaalinta nabadgelyada ah oo madaxdooda mushahar ayaanu siinaa.”
Maayarku waxa uu sidoo kale sheegay inay wax badan ka qabteen dhinaca dhismaha jidadka iyo sariibadaha (suuq-yarayaal). Waxa kale oo uu ka hadlay Inj. Jiciir, siday ula jaan-qaadayaan dawlada cusub. “Maadaama oo Madaxweynaha cusubi yahay dhaqaale-yahan, waxaanu ka rajaynaynaa inuu bixiyo kabkii dawladda hoose ku lahayd dawladda dhexe,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Isla markaana waxa uu ballanqaaday inay jidad kale dhisi doonaan 100-ka maalmood ee ugu horeeya dawlada cusub iyo inay dawlada hoose ee Hargeysa ku talo-jiraan dhismaha goobo ciyaareed.
Mr. Axmed Caddare oo ka mid ah Qurbe-jooga Somaliland oo xafladdaas ka hadlay ayaa tacsi u diray eheleda ninkii ay habeen hore ciidanka ilaalada Madaxtooyadu dileen. “Waa in qurbe-joogu la jaan-qaadaan isbedelka wadanka ka dhacay, waana in aad wadankiina soo maalgashataan,” ayuu yidhi Mr. Cadarre. Sidoo kale, waxa isaguna xafladdaas ka hadalay Boobe Yuusuf Ducaale oo ka tirsan Hay’adda Akadeemiga Nabada iyo Horumarinta Somaliland. Waxaanu sheegay Mr. Boobe in dhibta ugu wayn ee haysata Qurbe-joogu ay tahay xaga qoysaska. Waxa kale oo uu sheegay in qurbe-joogu yihiin kuwo ka qaybqaata kolba halganka ka jira Somaliland, sida kii dib-u-xoraynta Somaliland oo ay qayb wayn oo xaga dhaqaalaha ah ka soo qateen. Cabdilaahi Dayib Askar oo ka mid ah ardayda wax ka barata dibedaha ayaa dhalinayarada Somaliland ugu baaqay sidii ay dhalinyaradu uga fogaan lahaayeen balwadaha, isla markaana xooga u saari lahaayeen xaga waxbarashada, sidoo kalena waxa uu dhalinyarada ugu baaqay inay ka foojignadaan waxa loo yaqaano sibiq-dhaqaaqa ama tahriibta. Cabdikariim Maxamed Jaamac, Cismaan Cabdilaahi, Axmed Cilmi iyo xubno kale oo iyana ka tirsan Qurbe-jooga Somaliland ayaa xafladdaas ka hadlay, kuwaasoo dhamaantoodba soo jeediyay sidii dawalda cusub loola shaqayn lahaa.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

21 sanno ka hor maanta oo kale: Xusuusta Xasuuqii Murugada ee Xeebta Jaziira

Hargeysa,(Nnn)- Maanta oo ay bisha July tahay 17, waxay ku beegantahay sanad guuradii 21aad ee markii uu dhacay xasuuqii xeebta Jasiira, taas oo lagu gumaaday dad ka soo jeeday Jamhuuriyadda Somaliland.
Maalintaas oo ahayd 17/7/1989-kii iyada oo ay ciidamadii koofiyad casta ahaa ee taliskii Mohamed Siyaad Barre ay ku xasuuqeen dad shacab ah magaalada Muqdisho degenaa, kuwaas oo laga soo guray guryahoodii iyagoo hurda. Waxaanay dadka halkaas lagu xasuuqay isugu jireen macallimiin, dhakhaatiir, arday baayacmushtar iyo dad kale oo shacab ah.
Dadkaasi oo iyagoon waxba galabsan danbina lagu soo oogin dhegta dhiigga loo daray. Rabshaddii ugu waynayd ee muqdisho ka dhacda dhamaadkii sideetamaadkii ee ay iskaga horyimaadaan dawladii xilligaas talada haysay iyo shacabku, waxay bilaabantay jimcihii 15 july 1989-kii markii ay dadwaynaha magaalada muqdisho iyo dawladdu si toosa isaga horyimaadeen. Waxaana iska horimaadkaasi ka dhacay masaajidka sheikh Cali Suufi ee xaafadda Hodan. Kadib markii salaadii la tukaday baa dadwaynihii dhagax tuur ku sameeyeen askar badnayd iyo tikniko ku hareeraysan ayd masaajidka.
Ciidamaasina waxay ugu jawaabeen si naxariis darro ah waxaana halkaas ku dhintay sarkaal ciidamada booliiska ka tirsanaa. Waxaana taasi sababtay in magaalada muqdisho lagu soo rogo bandoo ka bilaabanta gabal dhaca ilaa waaberiga.
Ciidamadii duubcasta ayaa bilaaby axadii ay soo galaysay 17 July 1989 kii inay guluf iyo weerar ku qaadaan xaafada ka tirsanaa magaalada Muqdisho ( madiina iyo Hodan) oo ay deganaayeen dad reer Somaliland ahi. Ujeedada hawlgalku wuxuu ahaa fal aargoosi ah. Waxaana maslax Mohamed Siyaada amar ku siiyey Gen. canjeex inay layaan dadkaan masaakiinta ah ee aan waxba galafsan. Waxaana lasoo ururshay 47 qof oo ka tirsan gidddigood qabiilka Isaaqa. Waxaana dadkaasi la geeyey xeebta jasiira, markaasaa inta shan shan laysugu xidh xidhay baa qoriga boobaha ah ee Baroonka loo yaqaan lagu furay. Waxaana halkaas ku nafwaayey 46 miskiin oo aan waxba galabsan laguna dilay oo qudha qabiilka ay yihiin oo markaas dawladdu kuwada xukuntay dil. Waxaase mucjiso noqotay 47 kii qof mid kamida makrii ilaahy ka badbaadiyey xasuuqa foosha xun nin dhalinyaro ah oo la yidhaado Muuse Cumar Mire(Cawil ) oo daaha ka feyday gumaadkaas waxshinimada leh iyo siduu u dhacayba.
Muqdisho:
Warkan oo argagax ku noqday muqdisho gaarahaan safaaradii ajanabiga, waxaa dawladii markaas talinaysay isku dayday inay beeniyaan, laakiin waxaa meel kastaba ka caddeeyey Muuse Cumar oo sheegay siday wax u dhaceen. Waxaanu u ahaa gumaadka qudha ee saxaafadda caalamiga ahi ay ogaadeen, intii kale ee ay ku dhimatay laguna xasuuqay inkabadan 100,000 qof ma jirto cid sidaa wax ugu qortay. Waxaana dadkaasi layska laayay iyadoon loo aabo yeelin waxaana ay hadda hurdaan iilka qubuuraha xasuuqa ee degmooyinka iyo tuulooyinka Somaliland.
Kuwani waa Liiska Dadkii Kacaankii Siyaad Barre ku sadaqeeyey xeebtii geerida ee Jasiira:
1.Ibrahim Hasan Gelle( H.Y) US-OMC-somalia
2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie (H.Y)Besinessman
3. Mohamed Ismail Ahmed (H.Y)bUSINESSMAN
4.Yusuf Mohame Handulle( H.Y)USAID
5.Saeed Mohamed Mumin( C.G) Ass.pro.Lafole S.N.U
6.Musa Abdi Gaas( C.G) Businessman
7.Hussein Ali Aden(H.J)Businessman
8.Saeed Nur Musa( H.J)businesman
9.Abdirahman Mohamed Bihi( H.J)Businessman
10.Abiwahab Farah Ahmed(H.Y) Student
11.Abdifatah Ahmed Jiir( H.J) Student
12.Matan Abdi Habashi( Arab)Student
13.Mohamed Mohamud Abdi(H.Y) Businessman
14.Ali Mohamed Abdi(H.A) Student
15.Hassan Aw Nur Barud(H.Y) Businessman
16.Abdi Mohamed Abdi (H.A)Technician
17.Ahmed Yassin Omar Jama( H.A) Businessman
18.Mohamed Abdi Hassan( H.A)Businessman
19.Ibrahim Hassan Ege(H.A) Technician
20.Abdi Muhumed Daud (H.A) Businessman
21.hassan Abdi Muhumed (Arab) Businessman
22.Ali Mohamed Dirie(H.J) C.Serv
23.Jama Mohamed Abdi(H.A) Trader
24.Abdi Osman Dubad(H.Y)Trader
25.Husein Omar Husein(C.G) Trader
26.Mohamed Musa Mohamed(H.Y) Trader
27.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) (H.A)Sportsman
28.Muhumed Abdillahi Warsame (Madigan)Trader
29.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan(H.A)Trader
30.Abdirahman Ahmed Dhimbil (H.A) Civil servent
31.Hussein Muhumed Farah (H.A)Civil servent
32.Mohamoud Bacadle (H.Y) Civil servent
33.Jama Aden (barosin)(H.J) Civil servent
34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)(H.A)Trader
35.Warsame Dugsiye Reydal (G.B) Trader
36.Barre Osman Abdi (C.G) Trader
37.Abdirizaq Aydiid Mohamed (H.A) Student
38.Hussein Osman Jama (H.A)student
39.Khadar Mohamed Ahmed (H.A) Student
40.Bihi Ibrahim Ahmed (H.A) Student
41.Hassan Nur Hersi (H.A) Student
42.Abokor Mohamed Yousuf (H.A)Trader
43.Hassan Guure Abdi (H.A) Trader
44.Khadar nuur Jama (H.A) Trader
45.Ahmed Yusuf Ibrahim (H.A) Trader
46.Mohamed Osman Jama (H.A)Trader
47.Farah Ismail Awale (H.Y) student
48.Yusuf Abdillahi Roble (C.G) graduate Dr.
49.Dayib Abdi Burale (H.Y) Trader
50.Dahir Mohamed Jama Warfaa (H.Y) Trader
51.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale)(C.G) Trader
55.Fuad Abdillahi Ibrahim (Arab)
52.Daud SH. Ibrahim (H.Y).
53.Hussein Kheyre Abdi (H.J)
54.Rashid Mohamed Osman (H.A)
55.Abdi Barre Osman (C.G) graduate.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Friday, July 16, 2010

WARAYSI: (Xeebta Jaziira) Nin habeenkaas la qabtay laakiin laga soo reebay intii dadka aan loo qaadin dhinaca xeebta

Hargeysa, (Nnn)- Maanta waxay ku beegantahay sanadguuradii 19aad ee ka soo wareegtay habeenkii murugada badnayd ee 17kii July 1989 xeebta Jasiira ee magalaada muqdisho lagu xasuuqay 46 nin oo reer Somaliland ahaa oo habeenkaas iyagoo hurda saqdhexe guryahooga lagala baxay iyagoon wax denbi ah gelin laakiin loo xasuuqay isir ahaan halkay ka soo jeedeen.
Hadaba waxaa dhawr sano ka hor SDWO uu waraysi ka qaaday Gaashaanle Sare Canjeex oo dadaafeeyay inuu xasuuqaas ka danbeeyay. Hadaba waxa maanta xuska xasuuqii jasiira noo suurtogashay inaan warysi gaar ah le yeelano Adan Axmed Cabdi (dery) oo hada ku nool UK, oo habeenkaas ku jiray dadkii guryaha lagala baxay hase yeeshee wakhtigiisa oo aan dhamaan uu nin ay jaar ahaayeen ka reebay in la kaxeeyo. Waraysigan oo uu qaaday Guled Abdi Sheekhaash wuxuu u dhacay sidan:

Su,aal: Habeenkii Murugada Badnaa ee xasuuqii Jasiira halkeed kaga sugnayd magaalada Muqdisho, goormaadse ka warheshay in la raafayo ama la qaqabanayo dadkii dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland?

Jawaab: Habeenkaa ragga lagurayey waxaan ku sugnaa xaafada (Buula-xuubey) weliba dhinaca villa baydhabo, wadadayaduna waxay ahayd halkii dadka ugu badan lagala baxay sagaalkii inan ee isku guriga ahaa ee afar walaalaha ahaayeen oo alle ha u naxariitee ahaa rag aanu aad saaxiib u ahayn.


Su'aal: Dadku xasuuqaas waxay ku eedeeyaan inuu ka danbeeyay Gaashaanle Sare Canjeex oo SDWO waraysi ay la yeelatay uun ku beeniyay jirtaanka eedeemaha loo soo jeediyo, isla markaasna sheegayna inaanu wax shaqo ah ku lahayn, Maxaad adigu ku cadayn kartaa inuu ninkaasi watay ciidankii xasuuqa geystay?

Jawaab: Wax lawada ogaa bay ahayd oo aan nina ka qarsoonayn anigaaba habeenkaas guriga la igala baxay oo la iga sii siidaayey Canjeex

Aadan Axmed Cabdi (Deyr)

Su,aal: Sidee baad ku aqoonsatay inuu Canjeex yahay ninka ciidanka watay, mise wejigiisaa ayaad hore u taqaanay, mise isagoo magaciisa loogu yeedhayo ayaad maqlaysay habeenkaas?

Jawaab: Ninikii iga sii daayey markii guriga lagigala soo baxay ayaa ku yidhi waar ina walidow waar canjeexoow inanka abtaan u ahaye siidaaya

Su,aal: Wiilkii ka badbaaday habeenkaasi wuxuu sheegay inuu ciidanka watay canjeex, arinkaasina waxa dadaafeeyey Canjeex oo yidhi habeen madow siduu igu aqoonsan karaa, maxaad adigu doodaas canjeex kaga jawaabilahayd?

Jawaab: Waxaan kaga jawaabilahaa canjeexow aniga iyo adiga iyo illaah way is ogyihiin-raganimadaad habeenkaa ku laysay raga iminkana ku qiro

Su,aal: Maxaa dhacay Habeenkaas bal warbixin yar naga sii, sidey wax u bilaabmeen waxaad ka ogeyd?

Jawaab: Illaah baa mahadleh' waxay walaal kubilaabatay habeenkaa anagoo badan oo ilaa -9 dhalinyaro ah ayaanu makhaayad kasoo kacnay dabadeedna inamadii waxay yidhaahdeen dumnad baanu ciyaaraynaa oo waxaygaleen guriga nagasoo horjeeda, guri xaga bidix ka xiga reer ahaa mareexaan, inankooduna wuxuu noqday koofiyad castii waxaana la joogey inan bah-dhulbahante ahaa oo la odhan jirey Faysal Adhi-Carbeed iyo inan aanu aad saaxiib u ahayn oo majeerteena ah lana yidhaahdo Najiib Raaqow- nin aad u kala yaqaan buu ahaa saraakiish iyo madaxda oo aad baanu uga sheekeysan jirney, wuxuu kaloo aad u yaqaaney sarkaal waliba halkuu joogo. Waaberigii ayuu noo yimi najiib iyo inankii koofiyadcasta ahaaba waxayna nagu yidhaahdee ragii idiin soo galay waxay ahaayeen Canjeex iyo ina Walad oo Cimraan ahaa runtii ninkaa Cimraan waa ragii na loo sheegay waana ninkuu dhagarqabe CANJEEX waraysiga ku sheegay laakiin wax cusub may ahayn oo illaah wuxuu igu ogyahay inaanu waaberigiiba ogeyn ninku inuu cimraan ahaa lasocdey CANJEEX.

Waxa kale oo loo galay habeenkaa nin la odhanjirey QOORGAAB oo isagu guriga nagasoo horjeeda deganaa wuxuuna ahaa sarkaal sirdoon ahaa oo reer-weyd ahaa oo aad ula shqaynjirey ismaacil cali abokor oo inta laxidhay markii lasoo daayey buulka laga dhigay, gurigiisa way galeen habeenkaas, inamo ii adeer iyo abti ahina gurigaa ayay deganaayeen laakiin qoorgaab iyo ragii ciidanka watay ayaa isgartay, kadina albaabkiisaba maydhaafin oo way ka soo baxeen. Qoorgaab wuxu ahaa nin geesi ah oo aad u feejigan.

Su,aal: Adigu sideed uga badbaaday inaan lagu qaban mar hadii aad ciidamadii is aragteen ururinayey dadkii la soo xasuuqayey?

Jawaab: Waxaan walaal uga badbaaday markay noo soo galeen nin baanu aad isu jikaarnay guriga dhexdiisa waayo waxaan aad uga baqayey guriga rasaas baa taaley laakiin meel ay ka taalo ayaanan garanayn inankii garanayeyna habeenkaa muu joogin, markuu jikaarkayagii batay ee ay dhameeyeen ayuu igu yidhi intuu qoriga laabta igaga dhiftay soo bax waryaa, xiligaas go-yarbaan guntanaa, dabadeed waan raacay markaasay hooyo kutidhi waar inanka yar saad leedahay waxuu yadhi geedkan geed qadhaadh waaye - waa kelmada siduu u isitcmaalaye, xiligaas ninka cibraan (ina walid) wuu nala joogaa laakiin muu hadlayn.

Banaanka markii aanu u soo baxnay ayaa ninkii qoorgaab ee aanu jaarka ahayn deg-deg u furay albaabka oo ku yidhi waar canjeexow, waar ina waladow inanka abtaan u ahaye sii daaya, Canjeex ninkuu lahaa baa kuyidhi waryaa Qoorgaab kagal gurigaaga, markaas wadadu way buuxday askari iyo qori miidhan bay ahayd, waxay mar qudha kuwada yidhaah deen waryaa qoorgaab gal gurigaaga, markaasuu ina walad oo dhinacayga taagnaa looto iyo feedh iskukaywada raaciyey, bahal xooguu ahaayoo dhulkuu iigu ridey markiiba, markaasuu laad igu kiciyey xagii albaabka guriga ayuu ii tukhuntukheyey isagoo leh gal gurigaaga kadibna waxaan kudhacay albaabkii weynaa ee guriga sidaasaan gurigii dib ugu galay'

Su,aal: 47kii qof ee xeebta loo qaaday sidaan ka warqabno wax qudha oo ka badbaaday Cumar Muuse, ninkaas marna wax xidhiidh ah ma la yeelatay, mise ogtahay meel lagala xidhiidhi karo hadda?

Jawaab: Waalaal lamaan xidhiidhin runtiina garanmaayo meel uu iminka ku suganyahay


Su,aal: Maxaad ka ogtahay nimanka uu canjeex sheegay inay habeenkaas joogeen sida uu yidhi waa in iyaga wax laga weeydiiyaa sida, Maxamed Cabdilaahi Buraale(ina wilad) oo markaa ahaa taliyaha hawlgelinta guudtada labaad ee tawaangida iyo Gaashaanle Sare Cabdi Hirre Guhaad oo canjeex sheegay inuu joogay goobtii uu amarku ka soo baxay iyo Sedex xadhigle Maxamuud Afrax Shunuunac?

Jawaab: Horta illaah baa iga sareeye ninkii layga reebikari waayey wuxuu ahaa nin sadex xadhigle ha oo dheer oo madow laakiin ma aan maqal mgaciisa

Su,aal: Canjeex wuxuu sheegay ragii habeenkaas ciidanka watay inay ahaayeen Gaashaanle Sare Dhegobacayr iyo Taliyahii Koofiyad Casta -Diiriye Xirsi, Raggan ma aragtay habeenkaas mise maqashay inay habeenkaas ciidanka xasuuqa geystay ay wateen?

Jawaab: Walaal ragan uu dhagar qabuhu sheegay warkooda mahayo laakiin arinkii habeenkaa dhacay wuxuu kadhacay ilaa sadex wado oo qudha. runtiina wax ciidamo iyo saraakiil aad u badan u baahnaa may ahayn, ragii wadooyinkaa lagu arkayeyna ragaas uunbay ahaayeen

Su,aal: Goormaad ogaatay adigu shaqsi ahaan in ragii la xasuuqay?

Jawaab: Waxaanu walaal ogaaney inragii lala baxay jazeera lala tegey oo lagu xasuuqay goobtaa duhurkii markii inankii isagoo dhawac ah ee ka badbaaday xasuuqa uu kasoo baxay ayuu xaafada ku soo horeeyey markaasay baroortu is qabsatay.

Su,aal: Adigu miyaad aragtay inankaas soo badbaaday markuu xaafada yimid, gurigii lagala baxay se intuu u jiray gurigiinii?

Jawaab:Anigu inanka ismaanan arag inanka wadada nagu xigta ayaana lagala baxay hase yeeshee markuu gurigooda yimi ayaa markiiba deg-deg lagaga saaray oo dhinaca kaasa-balbalaadhe ayaa loo qaaday laakiin wuxuu war hayey dumarkii guriga joogay buu usheegay in ragii la-laayey sidaasuuna warku isuwada qabsaday markiiba kadibna waxaanu ku wareegnay guryihii lagala baxay inamada oo badankoodu aan ogeyn in la xasuuqay inamadoodii xalay la qafaashey .

Su,aal: Xasuuqii ka dib markii duhurkii 18ka July laga warhelay wixii xalay dhacay, hadaad ahaydeen dadkii la ugaadhsanayey ee ka soo jeeday Somaliland cabsi intii leeg baa idin soo food saartay in tii xalay dhacaday oo kale ay halkeedii ka sii socoto oo caawana guryaha dadka lagala baxo?

Jawaab: Ruuntii walaal ragu meyd socduu ahaa wer-werkaa aad noogu weyni wuxuu ahaa sidii dumarka iyo caruurta looga saari lahaa, laakiin alle wauxuu nagu ogaa inaan wax baqdin ahi aanay nagelin laakiin wer-wer aad u weynbaa nahaystey, guryihii aanu kujireyna kamaanan bixin laakiin waxaanu joojiney kubadii aanu ciyaarijirney, habeenkiina waanusoo jeedi jirey.

Su,aal: Adiga shaqsi ahaan maadama aad arkaysay dadkii habeenkaas la ururiyey, imikana aan midi dib uga soo laabaan, jawigaagu siduu ahaa habeenadii danbe, ma ka se dheeraatay goobtii hore ee dadka laga ururiyey?

Jawaab: Walaal shaqsiyan aniga dhaawac weyn bay runtii ee iigeysatay anigu markaa waxaan ahaa -13jir ragan walaal la-laayey waa ragii aanu tolka ahayn axsaabta ahayn inamadii 9 ka ahaa jimce walba waxaanu tegijirey halkaa markii danbe lagu laayey ee xeebta jasiira. Xasuuqii baana iigu dambaysey kubad aan ciyaaro waayo niyad ahaan runtii meydbaan ahaa laakiin halkii kamaan tegin gurigiina habeen walba waan seexanjirey.

Su,aal: Goormaad ka soo baxday Muqdisho, sideed se uga soo baxday, xageed se timid?

Jawaab: Waxaan ka soobaxay muqdisho sanadkaa 1989kii bishii October waxaanan imi dalka Qatar-Dooxa, hadana waxaan deganahay UK

Su,aal: Sideed dareentay Markaad maqashay ama aad aragtay waraysigii uu bixiyey Canjeex ee uu ku sheegay inaanu wax shaqo ah ku lahayn xasuuqaas?

Jawaab: Walaahi walaal markaan arkay ee aan daawaday canjeexoo leh aniga muu ahayn ninkii ragaa xasuuqay ee weliba nin somalilander ahi waraysanayo waan ooyey wayna itaabatay waayo anigiyo canjeex markii layga siidayey ilaahay uun baa noo dhexeeyey.

Su,aal: Maxaad dareentaa markaad soo xasuusato habeenkaas iyo xasuuqaasi, gaar ahaan marka aad saxaafadaha ku aragto xuska habeenkaas lagaga sheekeeyo wixii dhacay?
Jawaab: Waxaan dareema murugo iyo ciil waxayna igu noqotaa inaan aamusnado in mudo ah waxaanan uga sheekeeyaa caruurtayda wixii habeenka dhacay si aanay iyaguna weligood u ilaabin taariikhda, waxaanan diyaar u ahay hawlgal walba oo dhagarqabe Canjeex sharci loo horgeyn lahaa sikastaba ha ahaatee weliba anigu aan hormuud ka noqon lahaa.
Courtesy: SDWO

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Maxaad ka ogtahay Cayayaannada Khatarta ku haya Nolosha Bani'aadamka + Sawirro

Hargeysa, (Nnn)- Qaar ka mid ah cayayaannada dhibaatooyinka u gaysta bani'aadamka ee mudan in la iska ilaaliyo
Halkan ka akhri

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Ilaalada Madaxtooyada oo xalay Saqdii Dhexe Toogasho Ku Dilay Muwaadin Reer Somaliland Ah

Hargeysa, (Nnn)- askarta ilaalada madaxtooyada somaliland ayaa xalay saqdii dhexe toogasho ku dilay muwaadin reer somaliland ah kadib marki sid la sheegay baabuur uu watay uu ku dhwaaday albaabaka danbe ee madaxtooyda. Muwaadinkan oo lagu magacaabo Cumar C/risaaq Cigaal ayaa waxa maydkiisa la keenayxalay abaaro 12kii cusbitaalka guud ee magaalada Hargeisa.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Madaxwaynaha La Doortay Ee Somaliland Oo Ka Digay Khatarta Al-Shabaab Ee Gobolka Cambaareeyayna Weeraradii Lagu Qaaday Kampala

Hargeysa, (Nnn)- Madaxwayanaha cusub ee loo doortay Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si kulul u cambaareeyay falalkii argagixisada ahaa ee lagu weeraray goobaha lagu caweeyo ee magaalada Kampala ee Casimada Uganda. Waxaanu Mudane siilaanyo sheegay inay aad uga xun yihiin falkaas argagixiso ee sababay dhimashada iyo dhaawacaba.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Warbixin daah-furaysa walaaca caalamku ka qabo daciifnimada dawladda Somalia & talo ku wajahan Aqoonsiga Somaliland

Washington, (Nnn)- Warbixin lagu faaqiday xaaladdaha xilligan ee awoodaha Al-shabaab iyo dawlada ku-meel-gaadhka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dawladda TFG ee Sheekh Shariif aanay u qalmin taageerooyin sii socda oo ay ka helaan beesha caalamka, balse taas bedelkeeda waqtigan loo soo janjeedhsado ictiraaf caalimiya oo la siiyo Somaliland si wax looga qabto khataraha Al-shabaab ee gobolkan.
Warbixintan oo lagu faafiyay bogga Intrnet-ka ee CSM qaybteeda arrimaha Afrika, isla markaana u muuqata in si toos ah loogula hadlayo maamulka Madaxweyne Obama-ha Maraykanku waxay u dhignayd sidan: “Qaraxyadii argagaxa lahaa ee ka dhacay Kampala, Uganda, waxay ahayd uun keliya arrin timi waqti ka hor soo-jeedimo muujinayay in duullaan Somalia lagu qaado uu taageero Maraykanku. Haddaba, hadii wax kasta oo Somalia laga yaqaanaa tahay uun Black Hawk Down, waxa xaqiiqdii wanaagsan in faraha laga qaado in wax laga sheegoba. Waxba kama taqaanaan dhulkaas, ma fahmaysaan xaaladaha siyaasadeed ee halkaa yaala, waxaanay u muuqanaysaa uun inaad jaahil ka tahay sii-waditaan indho la’aan ah. Hadii aad ka fekeraysaan Afghanistan inay tahay meel tusaale ah, waxba arkimaysaan weli. Soomaaliya waxay u noqon doontaa Afghanistan sida iyada beer qurux badan maalin Axad ah la dhex lugaynayo. Khatarta Al Shabaab waa mid run ah, waana mid aad iyo aad khatar u ah. Inka badan 70 qof ayaa naftoodii waayay Axadii, waxaanay u muuqataa in inka badani ay ku naf-waayi doonaan dalalka Uganda, Kenya, Ethiopia, iyo/ama Burundi ka hor inta aanay tani dhicin.
Obama waa inaanu farogelin Soomaaliya:
Caawinta dawladda Somalia wax badan ka qabanmayso sidii meesha looga saari lahaa khatarta Al-Shabaab ka imanaysa. Aynu taas kala cadayno: Dawladda xilligan ee Somalia ee caalamku aqoonsan yahay waa mid kaftan afka ah uun u taagan. Ma maamusho caasimadeeda ay leedahay. Waxay ka hawlgashaa huteel ku yaala Nairobi dhawr sannadoodba. Kama jiri doonto meel aanay jirin joogitaanka ciidamo ajaanib ah oo aanay taageerayn Maraykanku. Sida uu xusay G. Pascal Zachary, waxaynu dheeraysanay ku-xisaabtanka siyaasadii Ameerikaanka ee Somalia ku wajahnayd. Sheegashadii qayb ahaan ee Wasaaradda Difaaca, Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Aqalka Cad ee la xihiidhay in talaabada ugu muhiimsan ee lagu xasilin karo xaaladaha Somalia waa iyada oo la sii wado arrinta male-awaalka ah ee aqoonsiga dhuleed ee Somalia, taasoo ka dhigan uun fikirkii inagu (Maraykanka) dhex-tuuray dhabaqsanaantii dhacday 1993-kii. Markaa maxay tahay inay ka dhacdo ixtiraamka siyaasada Maraykanka ee Somalia? Wax fara badan ayaa ku xidhnaan doona go’aamada laga qaado shirka AU-da ee toddobaadka dambe ka dhacaya Entebbe, Uganda. Kenya, Ethiopia iyo Uganda waxay dhamaan ku socdeen kabista qorshayaasha Maraykanka ee gobolka ee taageerada tabobarrada, mucaawinada iyo qalabka ee dawladda Somalia. Miyay rabi doonaan sii-waditaanka ah inay sidaa sameeyaan, iyada oo ay muuqatay xaqiiqada ah inay Al-Shabaab immika leedahay awooda ay ku baqdin-gelinayaan dadyowgooda gudaha dalalkooda?
Ugu dambayntii, waxa jirta su’aasha Somaliland, dalka iskii isu-maamula ee waqooyiga Somalia, kaasoo leh dhamaanba astaamihii lagu qadarin lahaa qarannimo, balse uu ka maqan yahay arrinka ugu muhiimsan ‘aqoonsi.’ Somaliland waxay immika uun qabsadeen doorashooyin guulaystay oo isla xilligan awoodii uu xisbiga hayay ku wareejinayo xisbi kale. Waa qaran shaqaynaya oo leh dhaqaale koraya iyo gacan-ku-hayn adag oo dhulkooda ah. Waxa waqti hore laga joogaa in Maraykanku xilligii uu joojiyay hawlgalladii Muqdisho ay ahayd inay la shaqeeyaan kuwa (Somaliland) xaqiiqdii awooda u leh maamul-dawladeedka Gobolkaas ka jira. Zachary wuxuu u ololaynayaa in la aqoonsado saddex gobol (Soomaaliyadii hore u kala go’do) oo iskood isu maamula, balse Puntland siday xaqiiqdu tahay sidaa awood uguma laha inay maamulaan wax banaanka ka ah dhawr meelood oo lagu badan yahay, hase ahaatee Somaliland ayaa siday xaqiiqdu tahay awooddaas leh. Aqoonsigu wuxuu saamaxayaa Maraykanku inuu tabobarro siiyo askarta Somaliland, dabadeedna waxa aad muhiim u ah, in la siiyo saldhig hawlgalada ah, kaasoo aad uga xasiloonaan doona marka loo eego xuduudka Kenya ee fawdada ah. Hadii sidaa la sameeyo, waxa xalismaya damaanba mashaakilaadka ka taagan gobolka, gaar ahaan khatarta Al-shabaab. Dabcan, ma wada xalismayso, balse waxa la gaadhay xilligii ugu haboonaa ee aynu joojin lahayn is-caruuraynta ee ah inaanay dawlada maanta ee Somalia shaqaynayn weligeed. Ma shaqayn doonto.”
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Xogo ka soo baxay baadhitaanno guddida ilaalinta hantida Qaranku ka bilaabeen Berbera


Berbera, (Nnn)- Guddida ilaalinta hantida Qaranka ee wakhtiga kala-guurka ee uu magacaabay Madaxweynaha la doortay, ayaa guddi-hoosaad u saaray kormeerro xog-raadin ah oo ay ku soo maraan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kuwaas oo isla shalayba socdaalkooda bilaabay.
Inkasta oo aanay Guddida ilaalinta hantida Qaranka ee wakhtiga kala-guurka aanay si rasmi ah arrintan uga hadal, haddana siday Ogaal u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Guddidani waxay magacaabeen guddi-hoosaad ka kooban saddex xubnood, kuwaas oo ay u xil-saareen baadhista, kormeerka iyo la-kulanka masuuliyiinta Gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera. Warku wuxuu intaa ku daray in waxyaabaha xubnahan loo xil-saaray iyo ujeedada socdaalkoodu ay salka ku hayso xog-raadin la mid ah kormeerradii ay Guddida ilaalinta hantidu dhawaanahanba ku marayeen Xafiisyada Dawladda ee Magaalada Hargeysa.
Xubnahan guddi-hoosaadkani ka kooban yihiin, ayaa warku sheegay in ay kala yihiin Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Ibraahim Aadan Haybe iyo Cali Bulbul oo ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda. “Xubnahani waxay ka kooban yihiin guddi-hoosaad ay sii direen Guddida ilaalinnta Hantida Qaranku, maanta (shalay), ayaanay hawshoodu u bilaabantay.” Sidaa waxa yidhi masuul ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo oo u waramay Ogaal.
Guddi-hoosaadkan ayaa isla shalayba kormeer ku maray meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Kastamka Berbera, Dekedda, Cashuuraha berriga iyo Xarunta Gobolka. Warku wuxuu intaa raaciyay in xubnaha guddidan oo maanta dib ugu soo laaban doona magaalada Hargeysa, ay kulamo la yeesheen masuuliyiinta goobaha ay tageen, isla markaana ay kormeer ku soo mari doonaan meelo kale oo ay ka mid yihiin Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Maxjarka iyo Madaarka Berbera.
Courtesy: OGAAL

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wednesday, July 14, 2010

Natiijada Kulan dhex Maray Madaxweynaha La doortay iyo Maayarrada Dalka

Hargeysa, (Nnn)-Madaxwaynaha dhawaanta la doortay ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxwayne ku xigeenkiisa Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay kulan la yeeshay guud ahaan Maayarada Caasimadaha Gobolada dalka markii ugu horeysay iyagga oo ka wada hadlay arimo la xidhiidha Munaasida uu madaxwaynaha la doortay xilka kula wareegi doono oo dhici doontyo 27/07/2010-ka.
Maayaradan oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Berbera Cabdalla Maxamed Carab, Maayarka Burco, Maayarka Boorama, Guddoomiy ku xigeenka Gobolka Gabilay ayaa waxa uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo kaga dhagaystay Maayarada Fikrado la xidhiidha sida ugu haboon ee dalka looga samayn karo isbadalka dalku u baahan yahay, iyagga oo Madaxwaynaha u soo jeediyay in aanu u joojin soo jeedimaha dadka oo uu isagu yeelo wax alaale waxa uu is yidhaahdo way saxan-yihiin oo waa dariiqii loo baahnaa.
Masuuliyiintani waxa ay tilmaameen inay waajib tahay in maayarada Magaalooyinka dalka iyo masuuliyiinta kaleba ay taageeraan xukuumada cusub ee uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxayna balan qaadeen inay doorkooda ka qaadan doonaan amaanka iyo nidaamka xaflada ay xilka kula kala wareegayayaan Madaxwayne Siilaanyo iyo Madaxwaynaha xilka sii haya Md Daahir Rayaale Kaahin.
Madaxwaynaha cusub ee la doortay Md Axmed Siilaanyo oo isaguna Maayarada u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kulanka ay yeesheen isaga oo ku bogaadiyay hawsha qaranka u hayaan oo uu tilmaamay inay mid wax ku ool ah tahay, isaga oo tilmaamay inay si wanaagsan u wada shaqay doonaan.
Kulankan oo ka dhacay guriga Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo u badnaa sidii amaanka sare loogu qaadi lahaa maalinta xil wareejinta oo ku beegan 27/07/2010-ka ayaa waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad.

Warkii oo Dhan

Nasiib News

Wasiir ka tirsan Dawladda Ingiriiska oo la kulmay ergooyin ka socda dalal Somaliland ka mid tahay

Nairobi, (Nnn)- Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay aqoonyahan ka kala socda deegaamada Soomaalidu degto oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ka mid tahay.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Nairobi, ayaa qasdigiisu ahaa u xogogaal noqoshada xaaladda Soomaalida ee Dawladda cusub ee Ingiriiska, waxaanay labada dhinac ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xidhiidhka dawladda Ingiriisku la yeelanayso.
Aqoonyahanka iyo masuuliyiinta Somaliland uga qayb galay kulankaa waxa ka mid ah Hormoodka Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ka warbixiyay ujeedada kulankaa iyo wixii lagaga wada hadlay. “Waxaanu la kulanay Wasiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan iskaashiga caalamiga, waxaanu wada qaadanay laba saacadood oo Qado dusheed ah, anaga oo Aqoonyahanno Soomaaliyeed ah oo dadka Soomaalida wada matala, sida Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland-ba, qaybaha ay ka kala socdeena waxay ahaayeen Jaamacadaha, Ganacsatada iyo Bulshada rayidka ah. Dawladuna way cusub tahay, dawlad kasta oo cusubina waxay rabtaa inay siyaasad gooni ah la timaado ama teedii horeba dib u eegto. Markaa, arrinta aanu iska waraysanaynay ee Safaaradda Ingiriisku soo qaban-qaabisay waxay ahayd mucaawinooyinkii uu Ingiriiska ama midawga Yurub bixinayeen Soomaalida qaybaheeda sidee bay u gaadhaan? Ama tayadeedu sideebay tahay arrintaasaanu ka wada hadalnay.” Ayuu yidhi Saleebaan oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Mar la waydiiyay Prof. Saleebaan waxa ay kala kulmeen Wasiirka iyo waxay dhinacooda warbixin u gudbiyeen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta Waraysi buu noogu yimi, wuxuu yidhi, maadaama oo aanu dawlad cusub nahay waxaanu doonaynaa inaanu ogaano ilaa xad xaalkiinu siduu yahay, sida ay mucaawinooyinkaasi yihiin, anagay tahay markaa inaan uga warano. Waxaanu ku nidhi, waa wax la wada ogyahay, dawlada Ingiriiska iyo dawladaha kale mucaawinooyinkay bixiyaan ee Soomaalida waxay u badan yihiin halka laga maamulaa magaalada Nairobi iyo magaalooyinka kale oo Geeska Afrika ah, taanu u sheegnayna waxa weeye inaan inteedii badnayn halkan lagu kharash gareeyo in dadkii lacagtaa loogu talo galay aanay awood badan ku lahayn sidii loo isticmaalayey iyo meelaha ay galaysaba. In Nairobi lagu qorsheeyo, mashaariicda dadka maamulayaana badankoodu ay yihiin dad shisheeye ah, maadaama aanaan marka horeba qorshahaa shaqo ama gacan ku lahayn, fullinteediina gacan badan kuma yeelanayno runtii. Markaa, sidii la doonaynayey aanay wada noqonayn arrintaas si cad baanu ugu sheegnay.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaanu ku talinay in Ingriiska iyo dawladaha ay gacan saarka leeyihiinba ay dib u eegaan waxtarka ay mucaawinooyinkaasi tarayaan, in isbadel la sameeyo oo la dhagaysto dadkay mucaawinadu u socotay ee Soomaalida ah, dhinaca Somaliland maamul dawlad baa ka jirta in la warsado iyaga cidda kale ee ay la shaqaynayaan, Puntland in la warsado meeshii ay mucaawino geeyaanba, ka dibna la dhagaysto waxa dan la moodana lagu saleeyo baahidii dadka. Taladaa Wasiirku si wanaagsan ayuu u qaatay, wuxuu yidhi dib ayaanu u eegaynaa. Xataa waxaanu ku nidhi, haddii dadka gudaha jooga la is-haleeli waayo ama aydaan noo dhiibin, waxa la idinla joogta dad soomaali ah, kuwaa noo soo dira halka ay ka shaqaynayaan qolooyinkan Afrikada bari iyo dadkan kale ee aan dhaqankayagana aad u fahmayn maslaxadana aan aad u eegayn.”
Gebogebadii, mar uu Prof. Saleebaan ka hadlayay gunaanadkii kulankaa iyo wixii ku dhammaaday, ayaa wuxuu yidhi, “Horta, labada dawladood oo heshiis galaya maanu ahayn ee wuxuu ahaa is-waraysi, waraysigiina talooyinkaa aanu soo jeedinay waxaanu u arkaynay inuu si fiican u dhagaystay, waxaanan jecelahay siduu ballan qaaday inay ku darsan doonaan talada.”

Warkii oo Dhan

Nasiib News
Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking